Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muxaadaro Fadliga Quraanka Part 3


Muxaadaro Fadliga Quraanka Part 4

Muxaadaro Fadliga Quraanka Part 4

Muxaadaro Dabeecadda nabiga (SCW) iyo dayashadiisa Part 1

Muxaadaro Dabeecadda nabiga (SCW) iyo dayashadiisa Part 1

Muxaadaro Dabeecadda nabiga (SCW) iyo dayashadiisa Part 2

Muxaadaro Dabeecadda nabiga (SCW) iyo dayashadiisa Part 2

Dagaal qasaare badan dhaliyay oo markale xalay Waqooyiga magaalada Muqdisho ku dhexmaray Alshabaab iyo Dowladda

$
0
0

Dagaal aad u culus oo sida dadka deegaanka laga soo xigtay dhaliyay qasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa xalay ciidamada Dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray qeybo ka mid ah Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo si toos ah uga dhacay degmooyinka Shibis iyo Boondheere saldhigyada ay ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin ayaa waxaa barbar socday duqeyn aan loo meel dayin oo shacab dhaawac iyo dhimasho ugu geystay deegaano goobaha lagu dagaalay aad uga fog.

Degmada Yaaqshiid waxaa la xaqiijiyay madfac ku dhacay in ay ku dhinteen Laba qofood halka afar kalena ay isla madfacaas ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaan ka tirsanaa sida la soo sheegay hal qoys.

Dhanka kale deegaanada lagu dagaalay oo ay weli ku dhaqan dad shacab ah ayaa waxaa ka dhacay qasaare aan la heyn baaxada uu dhan yahay laakiin warar hordhac ah ayaa sheegaya in goobaha caafimaadka la dhigay shacab qaba dhaawacyo kala duwan.

Reer Muqdisho ayaa wehel u noqday madaafiicda ay dhinacyada dagaalamayaahi is dhafsanayaan iyagoon dheg jalaq u siineyn baaqyada ka soo yeeraya shacabka masaakiinta ah baaqyadaas oo ay ku dalabanayaaan in ugu yaraan madaafiicda laga daayo goobaha ay ku sugan yihiin maadaama aysan dagaalada socda wax shuqul ah ku laheyn.

halgankanet@gmail.com


Madaxda Wadamada IGAD oo Addis Ababa úga arinsanaya arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaan

$
0
0

Madaxda urur goboleedka IGAD oo kulan ku leh magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa ka arinsanaya xiisadaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Kulankan oo shalay si gogol xaar ah uga bilowday hoolka Shirarka ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa la filayaa in wasiirada ummuuraha dibadu ay ka soo saareen qodobo la doonayo in ay qalinka ku duugaan mdaxweynayaasha dalalka IGAD oo shirkaas dhowaan ku soo biiri doona.

Waxyaabaha la filayo in shirkaas looga doodo islamarkaana laga soo saaro war murtiyeed loo dhan yahay ayaa waxaa ka mid ah kordhinta tirada ciidamada AMISOM iyo habsami u socodka aftida Suudaanta Koofureed la doonayo in laga qaado si loo ogaado in ay donayaan in ay Suudaan weynta kale ka ruqaan iyo in kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda kulankan ka naawileysa in ay ka soo baxaan go'aano taageeraya dalabkeedi ahaa in ciidamada AMISOM ee ammaankeeda suga loo si kordhiyo.

halgankanet@gmail.com  

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Mareykanka lagu maxkamadeeyano ka dib markii lagu soo oogay dacwad ka fajicisay Soomaalida Mareykanka

$
0
0

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo gabdho iyo wiilal isgu jira kana mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa waxaa la soo taagayaa Maxkamad ku taal gobolka Tennessee si loogu qaado dacwad aad uga anfariirisay Soomaalida faraha badan ee carigaas ku dhaqan.

Cumar Jamaal, ergayga dowladda Soomaaliya u jooga Mareykanka oo BBC:da la hadlayay ayaa sheegay in dhalinayradan lagu soo oogay dacwad ku saabsan ka ganacsiga jirka gabdho yaryar oo Soomaali ah waxaana uu arintaas ka yiri; "Dacwaddan waxay ka timid magaalada Neshville ee gobolka Tennessee, waxaana lagu wadaa in dacwaddooda loo wareejiyo gobolkaas, si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo,"

Mr. Jamaal oo hadalkiisi sii wata ayaa intaas ku daray in gabdhaha dhibbanaha ah ay xitaa ku jirto gabar sadex iyo toban jir ah (13) taasina waxay muujineysaa buu leeyahay sida arintu faraha uga baxday gudaha bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka uga yaabisay. "Gabdhaha dhibbanayaasha a ee jirkooda la iibiyay, waxaa ku jirta gabar 13-jir ah, runtiina waa jirtay nuxnuxda hoose ee ah in dhalinyarada Soomaaliyee ku nool Mareykanka ay halaabeen, balse tani waa arrinta walaaca sii kordhisay"

Dacwadan ayaa la filayaa in ay dhowaan si rasmi ah uga bilaabato halkaas waxaana diyaarsan baa la leeyahay marqaatiyaal badan oo maxkamada hortegaya si ay eedeysanayaashan ugu marqaati fureen.

Arrintan ayeey Soomaalida Mareykanku badankood ku tilmaameen mid ugub ah oo aad uga argagixsay waloow qaarkood sheegayaan in waxaani ay horay u jireen balse aysan sidan oo kale aysan shaaca uga qaadmin ama u soo tarmin.

halgankanet@gmail.com

 

Alshabaabka ka arrimiya magaalada Jowhar iyo dadka aan aqoonin Shanta Tiir ee islaamku ku qotomo maxaa ka heysta

$
0
0

Magaalada Jowhar, xarunta Shabeelladda Dhexe Alshabaabka ka taliya ayaa shalay gudaha magaaladaas ka fuliyay hawlgal ay dadka deegaanka iyo kuwa socotada ah ku su'aalayaan aqoonta ay u leeyihiin Shanta Tiir ee islaamka bud-dhigga u ah.

Sida dad goobjoogayaal ah laga soo xigtay ku dhowaad labaatan qofood oo waayeel iyo dhalinayaro isugu jira deegaannada miyiga ee magaalada Jowhar ku hareereysanna ka soo jeeda ayeey shalay Alshabaabku xabsiga u taxaabeen ka gadaal markii dadkaasi ay ka jawaabi waayeen su'aalihii la weydiiyay ee la xiriiray Shanta Tiirul islam.

Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhoweeyay tallaabadan waxayna weliba qaarkood ku talinayaan in shacbaka lagu waajiyo dusha ka barashada ugu yaraan Tiirarka islaamka aasaaska u ah ee aan sinaba looga maarmin aqoontooda iyo weliba ku camal-falkooda.

halgankanet@gmail.com

Gabdhaha walaalaha ee Sweet Rush oo somali qaada heesaha garbiga

$
0
0

Gabdhaha walaalaha ee Sweet Rush

Sihaam iyo Imaan Xaashi waa gabdho walaalo ah oo ku heesa afka Ingiriiska.

Siham Haashi oo laba iyo labaatan jir ah iyo
Iman Haashi oo labaatan jir ah ayaa ah laba gabdhood oo Somaali ah oo
fanaaniin afka Ingriisiga ku heestasa. Waxay ku koreen magaaladda
Toronto ee dalka Canada, hase ahaatee, hadda waxay joogaan magaalada
Los Angeles ee dalka Mareykanka, halkaas oo ay ku duubayaan heesahooda
qaar ka mid ah.

Labadan Gabdhood ayaa waxay la shaqeeyaan
hay'adda Qaxootiga ee Qaramadda Midoobey, si dadka loogu wacyi galiyo
dhibaatada heysata dadka qaxootiga ah. Wariyaha BBCda, Maxamed Xaaji
Xusseen ayaa wareystay Sihaam iyo Imaan Xaashi.

 

muxaadaro aad u qiima badan

South Africa oo qiratay in laba muwaadin looga afduubtay Soomaaliya.

$
0
0

Dowladda Koonfur Africa, ayaa shaaca ka qaaday in laba ka mid ah muwaadiniinteeda ay gacanta u galeen burcad badeeda Soomaaliya, kadib markii laga qabsaday doon yar oo ay saarnaayeen oo maraysa badwaynta India.

Afhayeen u hadlay wasaaradda addimaha dibedda, ayaa sheegay in laba
ka mid ah dadka doonta la qabsaday saarnaa ay ahaayeen muwaadiniin u
dhashay dalka Koonfur Africa.

Wuxuu intaas ku daray in loo malaynayo in burcad
badeed soomaali ah ay ka qafaasheen doonta ay saarnaayeen xilli ay
maraysay badwaynta India.

Burno Pekezari iyo haweenayda ay wada noolaayeen
Deborah, ayaa ku sii jeeday Richards Bay ee waqooyiga bari ee xeebta
Kwazulu Natal sida uu sheegay Barry tunrer, oo u hadlay daaidga Bluff ee
doomaha lagu dalxiiska tago oo xarun ku leh magaalad Durban, oo qoysku
ay xubno ka ahaayeen, wuxuu la hadlay wakaaladda wararka ee Sapa.

Waxay halka uga baxeen iyagoo aan cinwaan rasmi
ah ku socon, waxay tageen Madagascar oo ay joogeen ilaa 18 bilood, kadib
waxay u gudbeen Dar e Salaam Tanzania, ayuu yiri. Barry Turner.

Wuxuu intaas ku daray in markii ugu dambaysay ay ahayd iyagoo ka tagay magaalada Richards bay oo u jihaystay dhinaca bariga.

Wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa sheegtay in
qofka sadexaad oo u dhashay dalkooda oo ay soo badbaadiyeen ciidamada la
dagaalanka burcad badeedda ee Europe, la geeyay safaaradda Koonfur
Africa ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Ciidamada Europe ee la dagaalanka burcadbadeedda
ayaa sheegay in laba ka mid ah dadkii saarnaa doonta yar bariga ay
burcad badeedu ula dageen.

Wadihii doonta ayaa ka dhaga adaygay in uu ka dego doonta kadib markii burcad badeedu isku dayeen in ay xoog ku xagaystaan.

 

Maxkamad mar kale la saaray dhalinyaro laga qabtay Minniapolis

$
0
0

Mid ka mid ah waalidiinta ilaa 29 dhalinyaro Soomaali ah oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Minniapolis ee gobolka Minasota ee Maraykanka, ayaa shaki ka muujiyay in dhalinyaradan dambiga lagu soo eedeeyay uu yahay mid ay Soomaali gali karto.

Dhalinyarada, ayaa loo haystaa in ay gabdho da' yar ay iibinayeen si jirkooda looga ganacsado.

Dambiga, ayaa la sheegay in ay ka gaysteen
magaalada Nashville gobolka Tennesse ee dalka Maryakanka, halkaas oo
dacwadda looga soo oogay, qorshuhuna yahay in loo gudbiyo si maxkamad
loogu qaado.

Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis oo
go'aan ka gaaraysay gudbinta dhalinyarada, ayaa waalidiinta
dhalinyaradan qaar ka mid ah ay tageen.

 


Hotel ey degan yihiin xildhibaano iyo saraakiil oo xalay la weeraray

$
0
0

Hotel ey degan yihiin saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG ah ayaa xalay bam lagu weeraray magaalada Muqshisho kadib markii koox aan la garaneyn weerar kau qaaadeen.


Hotel Madiina Degmada Xamar-jajab Ee Magaalada Muqdisho ayaa Xalay weerarku ka dhacay kadib kooxo aan la garan ayaa Xalay Bam Gacmeed ku weeraray Hotelka Madiina ee Degmada Xamar-jajab .


Bam Gacmeedka ayaa sababay qasaara gaaray Ilaalada Hotelka iyo Qof masuul ah oo aan la shaacin magaciisa balse Dowlada KMG ah xubin sare ka ah kaasi oo dhaawiciisa laga qaaday Hotelka.


Bam gacmeedka ayaa ku dhacay albaabka Hotelka waxaana qasaara uu gaaray laba qof oo ilaalada Hotelka ka mid ahayd iyo nin masuul ah oo xiligaasi ku sugnaa goobta Bamka uu ku qarxay.


Dhawaqa rasaas culus ayaa laga maqlay aaga uu qaraxa ka dhacay ee Hotelka Madiina waxaana sidoo kale la maqalayay gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah oo dhaawaca goobta ka qaadayay oo bixinayay astaanta gurmadka.


Wax war ah kama soo bixin masuuliyiinta Hotelka Bamka lala beegsaday wallow Maamulka Degmada Xamar-jajab ay sheegeen in ay dad u qabteen masuuliyada qaraxii Xalay ka dhacay Hotelka Madiina Ee

R/Wasaaraha Somalia oo la kulmay qaar kamid Xildhibaanada barlamanka somalia

$
0
0

R/Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saaky  kulamo laqaatay xildhibaano ka tirsan baarlamanka KMG Soomaaliya kadib markii uu ku qaabilay madaxtooyada.

Kulamadaan ayaa waxaa la sheegay in R/Wasaaruhu ka dhageystay xildhibaanada qaar qaabku ugu habboon ee uu u mgacaabi karo wasiiradiisa taas oo laga sugayo Raysal wasaare Farmaajo.

Waxaa la sheegay in Ra/Wasaaraha Soomaaliya iyo waliba xildhibaanada dowlada KMG Soomaaliya ay istuseen in golaha wasiirada cusub ay noqondaanaan kuwo kooban oo ka yar kuwii hore.

Xildhibaanada kulanka la qaatay Raysal wasaaraha ayaa waxa ay ugu baaqeen sida la sheegay in uusan wasiirada ku soo darin wasiiradii hore madaama aysan wax muuqda qaban.

kulankaan ayaa waxa uu ku soo adayaa iyadoo Raysal wasaaraha Soomaaliya laga sugayo in uu soo magacaabo liiska golihiisa wasiirada cusub.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxa uu ku soo adayaa iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in haatan labada Shariif ay isku qilaafsanyihiin qaabka loo soo dhisayo xukuumada cusub.

Ciidamada AMISOM oo u diiday xildhibaano iney galaan xarunta barlamanka KMG ah

$
0
0

Ciidamada AMISOM ee kusuagan magaalada Muqdisho ayaa maanta is hortaag
ku sameeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo
doonayay in ay kulan ku yeeshaan xaraunta golaha shacabka Soomaaliyeed.


Xildhibaanadaan ayaa waxa la sheegay in ay rabeen in ay kulan ku
yeeshaan xarunta baarlamaanka KMG Soomaaliya hayeeshee markii ay xarunta
gaareen ayaa ciidamada AMISOM waxa ay u diideen in ay u gudbaan gudaha
xaruntaasi.


Qaar ka mid ah xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ee
maanta doonayay in ay ku kulmaan xaruntaasi oo saxaafada la hadlay ayaa
waxa ay eedaymo u soo jeediyeen ciidamada AMISOM.


Waxa ay ku eedeeyeen ciidanka midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho in ay
faragalin ku haayaan howlaha dowlada gaar ahaan howlaha baarlamaanka KMG
Soomaaliya.


Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili baarlamaanka KMG Soomaaliya uusan
maalmahaan danbe aysan jirin kulan toos ah oo ay yeesheen wixii ka
danbeeyay markii baarlamaanka uu ansixiyay Raysay wasaaraha.


Mahan markii ugu horaysay oo ay ciidamada AMISOM ay is hortaagaan xubno
ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo doonayay in ay ku
kulmaanka xarunta guriga umada.

Ogostino Mahiga oo booqday Puntland

$
0
0

Wakiilka xogyaha guud ee Qaramada Midoobay ee
Somaliya Ambasador Ogostino Mahiga, ayaa maanta booqasho ku tegay
magaalada Garowe halkaas oo kula kulmay madaxwaynaha Puntland
Cabdiraxman Sh.Maxameded iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Booqashada wakiilka xoghayaha guud ee qaramada
midoobay uu ku yimid Puntland, waxay ahayd mid la sugayay maalmihii la
soo dhaafay, waxaa markii uu yimid Garowe lagu soo dhaweeyay xarunta
madaxtooyada ee Garowe halkaas oo uu kula kulmay Madaxwaynaha Puntland
iyo madax kale oo dawladda ka tirsan.

Madaxweynaha Puntland iyo safiirka oo kulankoodi
ka dib warbaahinta la hadlay waxay wadajir u tibaaxeen inay si qoto
dheerisula soo qaadeen arrimaha ka taagan guud ahaan Somaaliya ,
xiriirka dawladda federalka ee Somaliya iyo Puntland iyo arrimo kale oo
iyana khuseeya gudaha Puntland.

Si gaara waxaa farta loogu fiiqay dhinaca la
dagaallanka burcad-badeedka, iyo dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo
kaabayaasha dhaqaalaha waxayna sheegeen labada masuul in loo baahan
yahay taakulo caalamku ka gayasto arrimaha gacanta u baahan ee horumarka
Puntland la xiriira.

Ambasador Mahiga oo isagana su'aalo laga
waydiyay ujeedada booqashada uu ku yimid Puntland iyo waxa uu ka
kororsaday socdaalkiisa, ayaa tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku
hayso arrimo kala duwan oo isugu jira guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo
tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Wuxuu yiri: " waxaan u imid Puntland inaan arko
dawladda Puntland dhamaan dhinacyada kala duwan ee dawladnimada,
horumarka dhaqaalaha, iyo hormarka dhinaca nabadgelyada.

Waxaan kaloo halkan u imid inaan dhiirrigeliyo
hoggaaminta, Puntland waxay durba u samaysay awood ay taas kaga qayb
qaadato, waxaana filayaa inaan u baahanahay inaan cayaaro kaalintayda si
aan dareenka caalamka ugu soo jeediyo Puntland, oo ah meel ay suuragal
tahay in guul laga dhaliyo guushaas oo ah mid ay ku dayan karaan
Soomaaliya inteeda kale.

Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobay
ambassador Mahiga, wuxuu kaloo tilmaamay in Puntland ay meesha ka
saartay sawir ay ka haystaan dad badan isla markaasna ay muujisay in dad
Soomaali ahi ay ku tallaabsan karaan dhismaha maamul ku dhisan sharci
iyo kala dambayn la isku hallayn karo.

Safiirku wuxuu soo qaaday dagaalkii dhawaan ka
dhacay degaanka Galgala, oo uu ku tilmaamay ka qaybgal buuxa oo uu
maamulku ka gaystay dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro waxa uu ugu
yeeray argigixisada caalamiga.

Milateriga Kenya oo duleedka magaalada Beledxaawo ciidan soo dhigay iyo xoogaga Alshabaab oo heegan galay

$
0
0

Magaalada Beledxaawo wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamo kenyaan ah oo aad u fara badan la soo dhoobay duleedka magaalada gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn xuduud beenaadka kala bara labada dal.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa sida la soo sheegayo laga dareemayaa feejignaan iyo dhaqdhaqaaqa ciidan waxaana dadka deegaanka la soo dersay cabsi xoogan oo ay ka qabaan in dagaal ka dhaco deegaanadooda.

Alshabaabka gacanta ku haya magaalada Beledxaawo ayaa dhankooda difaac adag ku aruuray waxay dhufeysyo ka qoteen baa la leeyahay afka hore ee magaalada looga baxo marka la aadayo dhanka Mandera.

Warar kale ayaa sheegaya in dad Soomaali ah oo ku sii socday dhanka magaalada Mandera ay ciidamadan Kenyaanka ahi xireen qaarna ka hor joogsadeen in ay u talaabaan dhanka Kenya.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live