Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shil gaari oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh geystay oo ka dhacay duleedka Garoowe

$
0
0

Garoowe [RBC Radio] Siddeed qof ayaa ku dhintay tiro inta ka badana waa ay ku dhaawacmen kaddib shil gaari oo galankii danbe ee maanta ka dhacay deegaanka Rabaable oo qiyaastii 20-km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Dadka shilka ku geeriyooday ayaa waxaa ku jira, Cabdishakuur Maxamed Guray oo soo noqday agaasimihii hay’adda daryeelka bulshada iyo agaasimihii xafiiska xilligii uu, Cabdiweli Gaas ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaalya.
Shilkan baabuur ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceeb laba gaari si xowli ah ku socday, taasoo keentay in dad badan ay ku dhintaan halkaas kuwo kalena dhaawac uu kasoo gaaro, waxaana shilkan uu qayb ka noqoonayaa shilal khasaare badan geystay o hooray uga dhacay Puntland.
Sidoo kale,dadka shilkan gaari ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah, Sheekh Maxamed Cabdi (Qorane) oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan Puntland, balse lama sheegi dhaawiciisa inuu yahay mid culus iyo inuu yahay mid fudud.
Dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay,waxaa la garsiiyey isbitaalka guud ee Garoowe,waxaana dhakhaatiirta isbitaalka weyn ee Garoowe ay sheegen in dadka dhaawacyada ah ee isbitaalka lasoo gaarsiiyay ay isugu jiraan kuwo dhaawacyo culus qaba iyo kuwo dhaawacyo fudud qaba.
Shilkan waxaa uu noqonaya shilkii ugu khasaaraha badna ee ka dhaca deegaannada Puntland bilihii lasoo dhaafay.
___RBC Radio
 

  • !function(d,s,id){var js,fjs=d.getElementsByTagName(s)[0],p=/^http:/.test(d.location)?'http':'https';if(!d.getElementById(id)){js=d.createElement(s);js.id=id;js.src=p+'://platform.twitter.com/widgets.js';fjs.parentNode.insertBefore(js,fjs);}}(document, 'script', 'twitter-wjs');
  • lang: en_US

Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


US oo kaalmo siineysa shacabka Qaza

$
0
0

John Kerry ayaa sheegay in Mareykanka uu gargaar bini’aadamnimo oo gaaraya 47 milyan oo dollar u diri doono Marinka Qaza.

Mobileka casriga oo Afrika ku badanaya

$
0
0

Kulan Balaadhan Oo Caawa Dhex Maray Musharaxa Xilka Madaxtinimada Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada Beelaha Subeer Awal

$
0
0

Isniin 21 July 2014 Hargeysa (HALBEEG)–Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa Caawa guri ku yaala degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaaladda Hargeysa kulan kula yeeshay Madaxdhamqeed, waxgarad, aqoonyahan, siyaasiyiin, xildhibaano iyo dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda beelaha Subeer Awal.
Shirkan oo socday mudo dhawr saacadood ah ayaa lagu gorfeeyey arrimo door ah, kuwaas oo ku taxaluqa xaaladaha dalku galay iyo sidii loo midayn lahaa siyaasiyan beeshaasi, kuwaas oo dhamaantood dadkii halkaasi ka wada hadlay ay madashaasi ku iclaamiyeen inay taageeradooda siin doonaan doorashooyinka soo socda xisbiga UCID.
Kulankan ayaa arrimihii lagu falanqeeyey waxa ka mid ahaa sidii dalka looga badbaadin lahaa xukuumadda Kulmiye oo masuuliyiintii madasha ka hadashay ay dhamaantood ku dhaliileen inay ku fashilantay hogaaminta talada dalka, kuwaas oo isku qanciyey in badbaadada Somaliland ay wakhtigan ku xidhan tahay in la taageero asxaabta mucaaridka gaar ahaan xisbiga UCID oo musharaxiisa madaxwaynaha ay kalsooni iyo taageeraba halkaasi ugu muujiyeen.
Sidoo kale shirkan oo ay ka soo xaadireen ku dhawaad 20 xubnood oo iskugu jira Madaxdhaqmeedka Subeer Awal, Aqoonyahano, dhalinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad tiro badan ayaa waxa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-wayne) oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, Xildhibaan Qabile, Xubno ka mid ah Madaxdhaqmeedka iyo Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo dhamaantood sheegay in dalku u baahan yahay badbaado isla markaana ay lagama maarmaan tahay in isbadal siyaasi ah uu ka dhaco, isla markaana codkii ay ku timid xukuumadda Kulmiye lagu badalo.
Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo isagu ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka kale ee shirkaasi iskugu yimid uga mahadnaqay taageerada ay u muujiyeen, isagoo u balanqaaday hadii uu talada dalka ku guulaysto inuu si cadaalad ah u hogaamin doono oo aanu beeshiisa Sad-bursiimo-na siin doonin xaq ay leeyihiina aanu ka qaadi doonin, isagoo si qoto-dheer uga waramay sababta ku kaliftay hankiisa Madaxwayne-nimo, tilmaamay inaanu Somaliland u imanin inuu ka shaqaysto ee uu u yimid sidii uu bulshadda Somaliland ugu hogaamin lahaa horumar.
Jamaal waxa uu sidoo kale sheegay inaanay aqbali doonin wax mudo kordhin ah oo ay xukuumadu la timaado.
Ugu danbayn waxa kulankaasi lagu go’aamiyey sidii loo samayn lahaa Guddi ka kooban qaybaha bulshadda beelaha Subeer Awal oo ka shaqaysa horumarka iyo sidii siyaasiyan loogu midayn lahaa beeshaasi, isla markaana guddidaasi ayaa shaqadeeda la xussay inay noqon doonto mid isku soo dhawaysa beesha Subeer Awal iyo beelaha kale ee Somaliland.
Dhinaca kale Madaxdhamqeedkii, waxgaradkii, aqoonyahankii, siyaasiyiintii, xildhibaanadii iyo dhalinyaradii shirkaasi iskugu timid ayaa u balamay shirar kale, iyagoo isku afgartay inay ka shaqeeyaan sidii looga midho dhalin lahaa arrimaha ay kulankoodan caawa ku falanqeeyeen.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dareen Li’ida Hogaanka Digil Iyo Mirefle Iyo Dayacnaanta Shacbiga

$
0
0

Shacabka koonfur galbeed somaliya waxaa ey soo mareen dhibaatooyin aad u badan 23 sano ee uu dalka somaliya ka jirey dagaalka sokeeyo taasoo caruurta iyo dadka waaweyn intooda badan ey u dhamaadeen gaajo iyo haraad wax ka danqadana eysan jirin, Balse waxa la yaab leh oo ey shacabka is weydiyaan siyaasiyiintooda ma hilmaan dhow yihiin mise damiir daraa heysata jawaabta idinka ayaan idiin dhaafay.
Guud ahaan Shacabka dega gobolada KoonfurGalbeed Soomaaliya si gaar ah kuwa ku abtirsada Digil iyo Mirifle ayaa waxay soo mareen dhibaatooyin aad u badan 23kii sano ee uu dalka ku jiray dagaalada sokeeyo,
Dhibaatooyinkaan soo gaaray Digil iyo Mirifle ayaa badankoodu waxay ahaayeen dhibaatooyin dad samee ahaa oo dad u abaabulan qaab beeleed ay ku soo duuleen iyadoo duulaamadaasina ay sababeen in inkabadan 800.000 oo ruux ay u dhintaan Gaajo,Haraad,Xabad iyo Cuduro.
Dadkaasi dhintay oo lahaa dhamaan qaybaha kala gedisan ee Bulshada sida Caruurta,Haweenka,Duqowda iyo weliba dhalin ayaa ilaa iyo maanta helin cadaalad lagu soo qabto kuwii u gaystay falkaasi Isir sifaynta ahaa iyadoo taasi ay weli taagan tahay ayaa waxaa hadana yaab leh oo ay ummaddu weli is weydiyaan kaalinta siyaasiyiintooda uga aadan inay doonaan xuquuqdooda misna tan maanta ka taliyaan si ayan markale u dhicin wixii dhacay 23kii sano ee laga soo gudbay.
Waxaa nasiib daro ah siyaasiyiinta iyo qaar ka tirsan odey dhaqameedyada kasoo jeeda KoonfurGalbeed gaar ahaan Digil iyo Mirifle in ay iska indha tirayaan dhibaatooyinkii hore loogu geystey shacabka ay matalaan wax walbana ku soo koobaan in la heshiiyay…Waa yaabe yaa heshiiyay sow tan maanta uu Daarood qaatay Sedex gobol oo ka mid ah goboladii KoonfurGalbeed Hawiyana uu u soo jeedo Shabeelaha hoose oo weliba uu xaalka gaarsiinayo inuu dagaalami doono hadaan lasiin Shabeelaha hoose.
Waxay su’aal kale ah waxa Siyaasiyiinta iyo Dhaqanka Digil iyo Mirifle ay ugu hadaaqaan hadalada deelqaafka ku ah Ummaddooda ee ay u meeriyaan cadawgooda ugana meer meeraan ka hadalka iyo ku hadalka codka ummadooda.
Badanaa inta Siyaasi ama Oday dhaqameed Digil iyo Mirifle ah afkiisa aad ka maqlayso erayo ay ka mid yihiin (Dowlada Yaa Erti,Madawiinega Eri, Sediiyoowa ni ereen iyo International Community Yaa eri maxaase u diiday inay mar uun dhahaan Shacabkeena ayaa yiri? (Shiimaytiwa erti!!!).
Kol hadii uu xaalka Siyaasiyiinta iyo Oday dhaqameed Digil iyo Mirifle uu sidaas noqday mawaanay micnaheedu ahayn in aysan marnaba diyaar u aheyn in ay wax u qabtaan shacabka ay matalaan isla mar ahaantaasna ay gacanta mar labaad iyo mar sedexaadba u geliyaan dadkii dhibaatooyinkaas horey ugu geystey.
Videogan waxaan ugu tala galey in ay nala daawadaan kuwa aamisan 2014 intey isku tashan lahaayeen leh Dowlada yaa Erti balse waxaan halkan ka carabaabayaa in xukuumada eysan u dhalan ayaga oo keliya ayna u dhalatey Soomaali oo dhan Soomaalida kalana ay xaqooda ka dhacsanayaan xukuumada balse ayaga ay la heystayaal u yihiin.
Yasin Abicar
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Study: Risk of female genital mutilation in England, Wales is higher than thought

$
0
0

Three out of 10 callers to the National Society for the Prevention of Cruelty to Children helpline were worried about children being taken to Nigeria, and about 16% expressed fears for girls being taken to Somalia. Half the calls to the helpline were from ...
Weblinks: 

Wararka Dibada: Daawo Wariye Ilimeeyay Isagoo Si Toos Uga Soo Hadlaya Magaalada Qaza

$
0
0

Gumaadka ay Yahuudda ku hayso shacabka muslimiinta walaalaheena Filastiin ayaa wali meeshiisa kasii socda.
Wararka magaalada Gaza ka imaanaya ayaa sheegaya in duqeymo bahalnimo ay markale ka dhaceen magaalada Gaza gaar ahaan isbitaalka weyn ee Al Aqsa.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in gabi ahaanba uu burburay isbitaalka waxaana burburka hoostiisa kujira bukaanno,dhaqaatiir iyo howlwadeenno kale.
Saxafiga Waa’il Aldax-duux oo Telefeshinka Al Jazeera katirsan ayaa inta iscelin waayay Ilimadu qubatay isagoo si toos ah hawada ugu jira.
Dareen murugo leh ayuu ahaa wixii ka dhacay magaalada Gaza ee marqura lagu xasuuqay 100 qof oo Mareykankuna uu ku tilmaamay tallaabo lagula dagaalamayo Argagaxiso.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Sawirrada: AL-MUXSIN MAHAD MAXAMUUDEY OO KA QAYB GALEY QAYBINTA AFURINTA MASJID JAMACA BAYDHABO HABEENKII 23-AAD

$
0
0

Waxaa maanta masajidka Jamaca afurinta kasoo qayb galay Walaal Mahad Maxamuudey oo ka tirsanaa Muxsinintii raatibka ku ahayd Afurinta inta afurka awoodin.
Ilaahay ha xafidee Mahad Maxamuudey oo ku dhowaad 10 sanno imaanin Baydhabo ,isagoo booqosha waalid iyo walaalba ku yimid.
Waxaa sharaf weyn inoo ah in ay inagala qayb galaan muxsiniinti ka qayb qaadatey kheyrkaan Alle S/W  loogu dhowanayo waxaan kaloo walaalaha muxsiniinta ah mudane mahad maxamuudey ku dhiiro gelinayaa iney walaalahooda howsha halkan baydhabo kasocoto waa mid aad loogu farxo wax walibana siduu qalbi saliim ah jeclaa ayay usocdaan.
Mahad isagoo hadalkiisa wata waxaa kaloo uu Muxsiniinta Qurbo Joogta Somaliyeed ka codsadey in Arad baxii Iida lagu soo kaalmeyo walaalahan tabaleysan.
Ugu danbeyn waxaa maanta ina soo gaarey gacantii muxsiiinta
1-Amina Cabdi Ibrahim     Australia
2-Cabdi Cali Maxamed   Dubai
Waxaan dhamaantooda Eebe uga baryaynaa in Ilaahay Raxmaanka ah inuu Raxmadiisa Aduun iyo Akhiraba Haku nooleyo.
Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo
1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell:00252615593718
2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Elay   :00252615578320
3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Adan 00252615590121
4-Maxamed Sh.Aadam
5- Macaani Sh.Sahal
6- C/Rashiid Sh .Maxamed TarafikoXiriiriye Bashiir Maxamed Aden
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


DAAWO MUUQAAL: Guddiga Afurinta Masjidka Jaamaca Baydhabo oo Codsi Deg Deg Ah u Diraya Qurba Jooga Soomaaliyeed

$
0
0

Guddiga Afurinta masjidka Jaamaca Magaalada Baydhabo ayaa mahadnaq balaaran oo aan lasoo koobi karin hawada u mariyay dhamaan Qurbajooga ka qeyb qaatay Afurinta dadka Masaakiinta ah aan Afurka Awoodin.
Sidoo kale Guddiga ayaa si degdeg ah uga codsaday Walaalaha Qurbajooga inay Walaalahooda Masaakiinta ah ee aan haysan dhar ay ku ciidaystaan ay u iibiyaan Dhar, ayna usoo diraan Sakaatul Fidriga.
Halka Hoose Ka Daawo Dalabka Guddiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo:wefti ka kooban hayado samo fal Iyo Xildhibaano Deeq gadhsiyay deegaanka dhagax dheer

$
0
0

Booliska Muqdisho oo fashiliyey qarax lagu xiray gaari

$
0
0

Ciidanka ammaanka  ee dowladda Soomaaliya  ayaa maanta ku fashiliyey magaalada Muqdisho, qarax gaari lagu xiray oo la rumaysan yahay in la doonayey in lagu qaarajiyo nin watey gaarigaas. Afhayeenka ciidanka nabad galyada Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble ayaa  sheegay in wada shaqayn dhex martay ciidanka iyo dadweynaha degmada ay suura galisey in qaraxa laga bad-baadiyo dadkii [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamul ay ku midaysan yihiin Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo la dhisayo

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in la samayn doono maamul KMG ah oo ay ku mideysan yihiin maamullada ka jira gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug  ee bartamaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in labada maamul uu Muqdisho uga socdo wada hadal ay ku [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Video : Saado Cali oo meyd ah, daqiiqado kadib dilkeedii {Ha daawan haddii aad calool jilicsantahay}

$
0
0

Kn: KismaayoNews waxay heshey muuqaal gaar ah oo muujinaya daqiiqado kadib markii toogasho lagu diley Saado Cali Warsame daraad, waxaana meesha ka muuqda meydka Saado iyo Darawalkeeda.
Waxaa muuqaalka duubey mid ka mid wariyeyaashii goobta gaaray 5 daqiiqo kadib markii uu falka dhacay
Fadlan ha daawan haddii aad calool jilicsantahay, waxaanan usoo bandhigeynaa in muuqaalkani uu yahay caddayn rasmi ah wixii meesha ka dhacay si caddaalad loo heloVideo
Kismaayonews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Sawiro:Qaraxii uu ka badbaaday Wariye Maxa’ed C/laahi Xaaji

$
0
0

Barnaamijka Click 25 07 2014

$
0
0

Madaxtooyadda Somaliland Oo Beenisay War Lagu Sheegay In xaaladda Madaxweynuhu Liidato

$
0
0

“Xaaladda Madaxweynuhu Aad ayay u fiican Tahay, warkaasina waa Been Aan sal iyo Raad-toona lahayn”“Warkaasi waa Been Madaxweyne Ku xigeenkuna Ma Isticmaalo Twitter-ka, Dalkuna waa Nabad-gelyo”
HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxtooyadda Somaliland ayaa si adag u beenisay war lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo liidato isla markaana Madaxweyne Ku xigeenku heegan geliyay dalka.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo ay faafiyeen qaar ka mid ah saxaafadda war-xumo tashiilka ah.
Mr. Dhuxul wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu caawa siiyay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN, Cumar Maxamed Faarax.
Ugu horayn Afhayeenka Madaxtooyadda oo la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo iyo jiritaanka warka sheegayay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu liidatosida lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka, waxaanu yidhi “Runtii waa arrin haba yaraatee wax ka jiraa aanu jirin oo aan sal iyo raadtoona lahayn, madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland nasasho ayuu u tagey dalka Ingiriiska, wuxuuna dadka reer Somaliland ee ku dhaqan magaalaDda London kula tukan doonaa salaada ciidal-fitriga. Waxaa wax lala yaabo ah oo shacabka reer Somaliland aanu ka raali-gelinaynaa sida mar walba saxaafadda qaarkeed war aan xaqiiq ahayn oo ummadda khal-khal ku ridi kara aanay iyaga oo aan hubsan ay sii daayaan.”
“Waa arrin akhlaaqiyaadka saxaafadda ka baxsan, dalkan shacabka Somaliland way wada leeyihiin qofka suxufiga ahina waa muwaadin, kuwa kalena waa muwaadiniin, dhisimihiisa iyo wada-jirkiisa ayaa loo taagan yahay, qofkasta oo innaga mid ah oo khal-khal geliyaana waa qof u adeegaya cadawga Somaliland,”ayuu intaas raaciyay Afhayeenka Madaxtooyaddu.
Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in caafimaadka Madaxweyne Axmed Siilaanyo aad u wanaagsan yahay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuu caafimaad qabaa. Waxa kale oo ay warbaahintaa warxuma tashiilka ahi sheegeen in madaxweynaha ay xaaladdiisu liidato iyo madaxweyne ku-xigeenka oo heegan geliyay ciidanka iyo dalkaba, waa arrin lala yaabo runtii, waxay weliba yidhaahdeen madaxweyne ku-xigeenku wuxuu isticmaalay barta bulshada ee Twitter-ka oo uu ku faafiyay warkaas uu heeganka ku geliyay dalka, waxaan leeyahay madaxweyne ku-xigeenku ma isticmaalo Twitter, waana arrin qayrul masuulnimo ah oo la doonayo in dhibaato dalka lagu galiyo oo wada-jirkiisa lagu wiiqo, waa dhibaato markii uu cadawga Somaliland meel kale oo uu kasoo galo uu kari waayay uu adeegsanayo qaar innaga mid ah.”
“Waan ka raaligelinayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba anigoo afka madaxweynaha iyo afka madaxweyne ku-xigeenka ku hadlaya, waxaan ugu bushaaraynaynaa in dalku nabad yahay sidii wada-jirka ahayd ee dadka ay mar walba heeganka ugu ahaayeen ilaalinta nabadgelyada iyo niyada daacada ah ee ay ku barbar taagnaayeena ay la garab taagnaadaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.
Mr. Dhuxul waxa uu tilmaamay inaanay xukuumaddu ka hadhi doonin cidii faafisay warkaas “Waxaan idiin sheegayaa inaanu maxkamad la tiigsan doono oo aanaan ka hadhi doonin cidii warkan been abuurka ah faafisay,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa kale oo uu noo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu caawa xaflad afur iyo casho iskugu jirta la leeyahay qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xukuumadda Siilaanyo waxay ku Dhiirratay Arrimo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen

$
0
0

1.HORDHAC:
Hoggaamiye kasta oo isu daya inuu ambaqaado dariiq hore looga maagay, in qaar bulshadiisa ka mid ahi ay ka daba tumaan durbaanka dhaleecada iyo saadaasha-dhiilo aan jirin, waa arrin la fili karo. Sidoo kale, Hoggaamiye guntiga u xidhay inuu ummaddiisa guul iyo horumar u horseedo, waxa hubaal ah inuu la kulmi doono carqalado iyo xag-xagasho kaga timaada shakhsiyaad ka mid ah bulshadiisa oo iyagu ku xajiimooda horumarka iyo wanaagga ummaddooda u soo kordha.
Dhinaca kale, Hoggaamiye walba isagaa ka taga raad-raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee ay dadkiisa iyo duniduba ku xasuusan doonaan. Waa hoggaamiyaha ka ka taga aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u gala.
M/weyne Ahmed Silaanyo wuxuu doorashada madaxweynennimada dalka ku guulaysatay xilli ay lama huraan ahayd inuu dalka ka dhaco isbeddel dhab ah oo wata hannaan dawladnimo, hadaf iyo himilo siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba ka bed-baadiya haadaantii (jarkii) ay danta-guud ka sii laalaaday. M/w. Ahmed Silaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE guusha ay 01-07-2010-kii ku guulaysteen talada iyo hoggaanka dalka, may ahayn guul ku kooban intii isaga (M/weynaha) u codaysay ama Xisbigiisa taageerayaasha u ahaa oo keliya. Guusha M/weyne Ahmed Silaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE waxay ahayd Bed-baado Qaran oo ay dadka iyo dalka JSL u baahnaayeen taasoo ummadda ka bed-baadisay kana sabato-bixisay jaahwareerkii shacbiga haystay iyo xagal-daacii ku dhacay qarannimada.
Sida aad ka dhadhansan karto Cinwaanka Maqaalkan, waxaan si buuxda u aaminsanahay in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay ku dhiirratay arrimo iyo tallaabooyin hore loogu dhici waayey amaba arrimo loo arkayey in aanay suurtogal ahayn in laga midho dhaliyo. Waan fahmi karaa inaan dadka qaar igu raacsanayn aragtidaydan, balse waa arrin u baahan is-qancin iyo qiraal la isku qiro wixii xaqiiqada ah. Arrimo indhaha bulshada oo dhammi ay arkayaana muran ma geli karaan. Haddaba, dadka ku doodaya inaan Xukuumaddani waxba qaban, waxaa looga baahan yahay inay si cilmiyeysan oo lexejeclo iyo dal-jacayl ku jiro ay u naqdiyaan una iftiimiyaan meelaha ay Xukuumaddan ku dhalliilayaan isla markaana ay ummadda u soo bandhigaan waxay iyagu ku dhaami lahaayeen Xukuumadda hadda jirta. Looma baahna indho-adayg iyo hadallo bulshada naxli ku dhex beeraya oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo.
Maqaalkaygan Qaybtiisa 1-aad waxaan ku soo bandhigayaa saddex (3) arrimood oo ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku dhiirratay kuwaasoo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen: 1) Korodhka Miisaaniyadda 2) Siyaasad Arrimo Dibadeed oo ku dhac leh 3) Bixinta Derajada Ciidamada2.Koboca Miisaaniyadda Qaranka iyo korodhka Dhaqaalaha Dalka:
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo markii ay talada dalka la wareegtay waxay dhaxashay deyn iyo amaah baaxad leh taasoo ay gashay xukuumaddii talada wareejisay intii u dhaxaysay Jan illaa July 2010. Xukuumaddii Daahir Riyaale waxa muddadaa 7-da bilood ah soo galay Dakhli, waxay samaysay Kharash isla markaana waxay gashay Deyn culus iyadoo Sannad Miisaaniyadeedkii uu kala badh marayo. Khasnadda dawladdu way madhnayd, Bangigana waxaa laga waayey in ka badan 7 Milyan oo Dollar. Deynta ay Xukuumaddii hore gashay waxay ka koobnayd: deyn ay muwaadiniintu ku lahaayeen xukuumadda, mushaharkii shaqaalaha oo 4 bilood ah, raashinka ciidamada oo hal bil ah, kharshkii ku baxayey socodsiinta hawlaha qaranka intii u dhaxaysay Jan—July 2010, iwm. Deynta ay Xukuumaddii hore ka tagtay waxay ahayd qiyaastii in ka badan 28 Milyan oo Dollar. Dalka itaalkaa leh ayay dhaxashay Xukuumadda hadda talada haysaa.
M/weyn Ahmed Silaanyo markii ay xukuumaddiisu talada dalka la wareegatay, waxa uu arkay baahida Qaran ee loo qabo in la kobciyo oo kor loo qaado Dhaqaalaha Dalaka, taasoo uu yaqiinsaday inay daruuri iyo lagama maar-maanba tahay in la dardargeliyo koboca Dhaqaalaha Dalka iyo kordhinta Dakhliga Dawlada. M/weynaha Jam. Somaliland waxa uu dib u qiimayn ku sameeyey guud ahaanba qaabka iyo hannaanka Siyaasadda Dhaqaalaha ee xukuumadihii isaga ka horreeyey ay dhaqmi jireen.
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay diyaarisay qorshe cad iyo tallaabooyin lagu bedbaadinayo Qaranka, iyadoo ay culayska saartay sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag iyo dhaqaale xumada ay ka dhaxashay Xukuumaddii Daahir Riyaale. Xukuumaddu waxay qaaday tallaabooyin door ah oo culayska lagu saarayo kordhinta dakhliga, siiba Cashuuraha Kastamada. Ariintani waxay keentay in Kastamada Berbera, Kalabaydh iyo Seylac uu dakhligoodu kor u kacay 100%. Dhinaca kale, waxa xoogga la saaray dakhliga Cashuuraha Berriga oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha ee ay Dawladaha Dalalka dunidu ku shaqeeyaan, balse nasiib darro intii ay JSL jirtay aanay cidiba hoos u eegi jirin. Xukuumadda cusubi waxay kordhisay Dakhliga ka soo gala Cashuuraha Berriga, waxa kale ay Diwaan-gelisay dhammaanba guryaha magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Gabiley, Wajaale, Ceerigaabo, Arabsiyo, iwm. Waxa kale oo ay xukuumaddu wax ka qabatay lacago badan oo aan Khasnadda Dawladda ku dhici jirin oo si qaldan loo isticmaali jiray.
Haddaba, waxaynu markhaati ka nahay carqaladaha ay Xukuumaddani ka soo gudubtay iyo halka maanta uu dalkeenu hiigsanayo. Jaangooyada Dhaqaale ee Xuk. M/weyne Silaanyo waxay horseeday in 4 sano kaddib ay Miisaaniyaddii Qaranku ay 4 jibbaar kor u kacdo. Waxay horseeday in Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada la kordhiyo 100%. Waxay horseeday in dhammaanba Guryaha haya’adaha Dawladda dib u dhis lagu sameeyo isla markaana ay helaan miisaaniyad ku filan oo ah ku shaqeeyaan. Jaangooyada Dhaqaale ee Xuk. M/weyne Silaanyo waxay horseeday in adeegyada bulshadu ay tayo ahaan iyo tiro ahaanba kor u kacaan, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Beerhay, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, iwm.3.Siyaasad Arrimo-Dibadeed oo ku dhac leh
Hadda ka hor, Bulshada caalamka in badan oo ka mid ah ayaa waxay isku qaldi jireen Jam. Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana u haystay in Jam. Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maadaama ayna illaa hadda jirin meel la inagu kala jaray iyo heshiis ay bulshada caalamku goob joog iyo markhaatiba ka ahayd oo la inagu kala raray. Faylka Jam. Somaliland wuxuu ku dhex jiray Fayla Soomaaliya, marka ay beesha caalamku ka hadalayso JSL waxa laga hadli jiray Soomaaliya. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku guulaysatay inay Faylkii JSL ay ka dhex saarto ka Soomaaliya, beesha caalamkana waxay ka dhaadhicisay kuna qanciso inaan dunidu isku qaldin JSL iyo Soomaaliya ee ay yihiin labada dal oo gebi ahaanba kala duwan marka dhan kastaba la eego; taariikh ahaan, ummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba.
M/weyne Silaanyo waxa uu go’aansaday inuu la yimaado Siyaasad cusub oo fur-furan oo ku dhac iyo ku dhiirashoba leh taasoo dalka iyo dakaba ka saartay go’doonkii iyo garbaduubnaantii ka haysatay xagga Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka ay Jam. Somaliland la lahayd Beesha Caalamka. u horseedi karta wax kasta oo magac, mansab, maamuus iyo manfacba u leh. Sidoo kale waxa uu arkay sida ay lagama-maarmaan u tahay inuu la yimaado Siyaasad ay ka go’antahay inay ka dhiidhido wax kasta oo wax u dhimaya magaca, milgaha iyo meeqaamka dalka iyo dadkaba. Hadafka iyo Himilada min-qiyaaska u ah Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jam.Somaliland wuxuu ku salaysan yahay wada-shaqayn, iskaashi iyo wax-isdhaafsi. Siyaasad aan sugayn in keliya dunidu iyada ay fahanto oo ay iyada (Somaliland) wax la taro, balse siyaasad diyaar u ah inay iyaduna dhankeeda dunida wax ku soo kordhiso oo ay ka shaqayso xilka iyo masuuliyadda ka saaran danaha ka dhexeeya mandaqadda iyo beesha caalamkaba dhan kasta oo ay tahayba.
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay Gar-naqsato si ay Beesha Caalamka Garowshiiyo uga Hesho. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda Dunida ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.4.Bixinta Derajooyinka Dal-jirka iyo Difaacayaasha Qaranka!!
Madaxweyne Ahmed Silaanyo wuxuu ka rumeeyey arrin muddo 22 sannadood ah u muuqatay Riyo iyo Male-awaal aan weligeed rumoobi doonin. Wuxuu ku dhiiraday arrin ay ku dhici waayeen oo ay ka maageen 3 Xukuumadood oo talada iyo hoggaanka dalka uga soo horreeyey. Wuxuu muujiyay hal-adayg iyo tayo hoggaamiyenimo oo uu si cad oo xaq ah u diiday fikir qaldan oo ay dadka qaar aaminsanaayeen kaasoo odhanayey: “Bixinta Derejada Ciidamada ha lagu saleeyo beelnimo, madaama ay dhici karto in beeluhu ku kala sed-bursadaan qaybaha Ciidamada. Fikirkaa qaldani waa ka muddada 22-ka sano ah ka hor taagnaa Qaybaha Ciidamada Qaranka (oo ah Daryeelayaasha Nabadgelyada Qarankaiyo Difaacayaasha cadowga) inay helaan derejadii iyo dallaacaaddii ay xaqa u lahaayeen ee ay muddada 22-ka sano ah u soo samrayeen. Madaxweynuhu markii uu si cad u diiday inuu qaadato fikirkaa qaldan, wuxuu u hiiliyay inta xaqa-ku-taagan iyo Halyeyga Dal-jirka ah ee difaaca dalka duurka ugu jira! M/weyne Axmed Silaanyo markuu ku dhiirraday inuu bixiyo derajada ciidamada, wuxuu si qoto dheer u fahansanaa muhimadda ay derejooyinku u leeyihiin qaabka shaqo, gudashada xilka iyo masuuliyadda, hawl-galka iyo awaamiirta qaybaha kala duwan ee ciidamada Qaranka. Waxa kale oo uu M/weynuhu dareensanaa saamaynta ay derajadu ku leedahay niyadda, hammiga, hiigsiga iyo rajada mustaqbal ee askariga dal-jirka ah.
Guntii iyo gabagabadii, Ummadda JSL way ka daaleen dibin-daabyo, darxumo iyo dhib intaba. Waxayna dedaal dheer u soo galeen inay helaan: Degenaansho, Dugsi iyo Nabad, Dhisme Dawladnimo, Distoor lagu dhaqmo iyo Dimoqraadiyad, Hoggaamiye daacad ah oo ummadda daadihiya, maamulka isku-dubarrida oo dhaqaalahana daryeela. Dedaalkaa midaysan ee horu-marinta dalka hooyo ee rag iyo dumarba loo guntaday, ma aha mid u baaqanaya ama ay hor istaagi garaan Cadawga JSL ee gudaha iyo Dibedda iyo shakhsiyaad iyagu dan gaar ah leh, oo iyagu been iyo dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn intaa dunida ku faafinaya.
(La soco Qaybta 2-aad ee Maqaalka INSHA ALLAH)
|W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr| |UK|
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh, Wa Billaahi Tawfiiq
Jam.Somaliland Ha Noolaato,
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gaza iyo Carabi kala War La’.

$
0
0

Madaxweyne Ku xigeenka Oo Shacbiga Salaadii Jimcaha Kula Tukaday masaajidka Xawaadle

$
0
0

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay salaadii jimcaha waxa uu dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukaday masaajidka Quba ee xaafadda Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo aan wadan wax ilaalo ahi waxa salaadii jimcaha ka dib gacan qaadayay dadweyne tiro badan oo ka mid ah dadweynihii ku tukanayay masaajidkaasi.
Imaamka Masaajidka Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siirro) ayaa khudbadii Salaada Jimcaha waxa uu tafaasiil kaga bixiyay sida diinta islaamku u waajibisay bixinta sakadda oo ah taar dhaqaale oo kor loogu soo qaadayo nolasha dadka masaakiinta ah, waxaanu dadweynaha ku guubaabiyay inay maalkooda ka bixiyaan qadarka sakadda ee ku waajibtay.
Tallaabadda madaxda sare ee qaranku ay shacbiga kula tukanayaan masaajidada iyagoo aanay la socon wax ilaalo ahi waxay ka turjumaysaa nabad-gelyadda cagaha adag ku taagan ee ka jirta Somaliland.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Doodda Gudniinka Fircooniga

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live