Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Alshabaab iyo Xisbul islaam oo mar kale gacanta ka taagay wadahadal nabadeed in ay la galaan dowladda soomaalida

$
0
0

Dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda dowladda Soomaalida gaar ahaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa markale sida la sheeagayo ka soo horjeestay wax wadahadal nabadeed ah in ay la galaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda ahna ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Midane Oomaar oo warbaahinta qaar magaalada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ay ka quusteen xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam si nabadda Soomaaliya looga wadaxaajoodo.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay dhinacyadan in aysan wax aan colaad aheyn dalka ka wadin sidaas darteedna ay halis ku  yihiin guud ahaan ammaanka Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigay wasiirkuye.

Mr. Oomaar ayaa ku dooday in ay marar badan isku dayeen in xoogagaas ay la xaajooday si xabbadda xal kale loogu bedelo laakiin wuxuu hadda ku doodayaa wasiirku in ay albaabada wadahadalka ay weli ka furan yihiin dhankooda balse dhinac kale ay ka xiran yihiin.

halgankanet@gmail.com


Jaaliyadda Somalida UK oo soo dhoweeyey sii deynta Paul iyo Rachel Chandler

$
0
0

Somalida UK ayaa si aad ah u soo dhaweeyay sii daynta Lamaanihii u dhashay wadanka Britain oo xuriyadooda helay iydoo uu gacan ka geystay muwaadin somalida UK ah oo is taxalujiyey.


Soomaalida ku dhawan wadanka Britain ayaa si diiran u soo dhawaysay sii daynta Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska oo muddo 388-Maalmood ka dib xuriyadooda  dib u helay markii laga soo furtay Burcadii haysatay.


Soomaalida ku dhaqan UK ayaa waxa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin sii daynta Lamaanaha u dhashay wadanka Britain oo sanad iyo bil lagu haystay bartamaha Soomaaliya.


Lamaanaha la sii daayay ayaa haatan la filayaa in ay gaaraan dalkooda waxaana ay soo mareen muddo rafaad iyo dhib badan ah oo ay ku jireen gacanta Burcad Badeeda biyaha Soomaaliya oo lamaanahaasi oo dalxiisayay soo qabsaday.


Jaaliyada Soomaaliyeed Ee UK ayaa marar badan dalbatay in la sii daayo Lamaanahaasi waxaana sidoo kale jiray Hees Caan baxday oo ay Jaaliyada reer Uk u sameeyeen Lamaanahaasi taasi oo ahayd “Sii daaya Lamaanaha”.

Muxaadaro Midnimada Umadaha Islaamka Sh Mustafa X. Q 7

LOVE OF THE PROPHET MUHAMMAD (SAW)

Dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunna oo mar kale dib uga qarxay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal aad u qaraar uu haatan ka socdo deegaano duleedka degmadaas ku yaal, dagaaladaas oo u dhexeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Deegaanada Ceelgod iyo Wara-dhuuma-leh ayaa waxaa hadda ka socda dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunna, dagaalkaas oo sida dadka deegaanka laga soo werinayo ay dhinacyadu isu adeegsanayaan hubka waa weyn iyo kuwa yaryar.

Waxaa adag in la helo warar faahfaahsan oo ku saabsan qasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkaas goobaha lagu dagaalamayo oo aan laga agdhowaan karin dartood balse sida warar aan la xaqiijin oo hordhac ah ay sheegayaan qasaare nafeed oo fara badan ayaa labadan dhinac soo kala gaaray.

Shalay ayeey aheyd markii dagaal isla deegaanadaas ku dhexmaray labadan dhinac ay ku dhinteen dad ka badan Shan iyo Toban Qofood halka dhaawacana labaatameeye lagu sheegay, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba isugu jiraan shacab iyo xoogagii dagaalku u dhexeeyay.

halgankanet@gmail.com

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax; "In Milaterigii dalka mudo 100 maalmood ah lagu dhiso macquul ma ahan ee yaan la ansixin Xukuumada"

$
0
0

Mid ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo idaacadaha maxaliga ah ee magaalada Muqdisho la hadlay ayaa wax aan dhici karin ku tilmaamay hadal uu shalay Ra'iisal wasaare Farmaajo ka sheegay madashii Baarlamaanka.

"Ma ahan wax dhici kara in ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee mudada dheer burbursanaa lagu soo dhiso 100 maalmood gudahood, raiisal wasaaruhuna ma sameyn karo ee yaan la ansixin xukuumada uu wato" Sidaas waxaa ku dooday Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax oo ka mid ah mudanayaasha aan la dhacsaneyn siyaasada ra'iisal wasaaraha cusub iyo hadalkii shalay ee ra'iisal wasaaraha gaar ahaan dhismaha ciidamada Xoogga.

Dhanka kale xildhibaankan ayaan qabin in xukuumadani ay noqoto mid wax qabata isagoo sabab uga dhigay ragga ku jira oo u badan Qurbajoog aan waxba kala socon xaalada uu dalku haatan marayo.

Ra'iisal wasaaraha ayaa mucaaradada kaga imaanaya dhanka xildhibaanada ka sokoow la liicliicaya iscasilaado isku xigxiga oo ay iska casilayaan xilalkii loo magacaabay qaar ka mid Golihiisa wasaarida.

halgankanet@gmail.com

 

WAR DEG DEG AH: Gaadiid dagaal oo Alshabaab looga qabsaday dagaalkii maanta iyo gaadiidkaas oo Guriceel la geeyay

$
0
0

WAR DEG DEG AH: Gaadiid dagaal oo ay Ahlu Sunna ka qabsadaan Alshabaab ayaa la geeyay degmada Guiceel sida dadka deegaanka laga soo xigtay saraakiisha Ahlu Sunnana ay sheegayaan.

Dhinaca kale Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca Shiikh Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abuu Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa dhanka kale xaqiijiyay qabsashaha ay ciidamadoodu qabsadeen gaadiidka dagaalka wuxuuse intaas ku sii daray in ay gaadiid kale oo dagaal ka gubeen Alshabaabka uu isagu yaqaan Khawaarijta.

"Waxaan xalay ka gubnay laba gaari saakana laba kale ayaan ka gubnay, deegaanadii ceelasha lahaa ee ay dadka shacabka ah u diideen in ay biyaha ka dhaansadaanna waa ka qabsanay" Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca oo guulo ka sheeganayay dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ee hadda ka socda deegaanada dhaca duleedka degmada Guriceel ayaa hadalkaas laga soo weriyay.

Deegaanada Ceel-god iyo Wara-dhuumo-leh oo shalay iyo maanta ay ku dagaalayeen Alshabaab iyo Ahlu Sunna ayaa sida warar madaxbanaani sheegaya waxaa yaal meydad aan tira yareen oo u badan dhinacyada dagaalku u dhexeeyo inkastoo shacabka halkaas ku noolna uu qasaare soo gaaray.

halgankanet@gmail.com

Wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com oo Hambalyo u diraaya xubin sare oo ka tirsan Dhacdo.com

$
0
0

Maamulka
iyo Wariya-yaasha Shabakadda Caalamiga ah ee Dhacdo.com ayaa waxay
hambalyo aroos ay u diraayaan Axmed Ciise Xaaji Axmed “Dhicis” oo kamid
ah xubnaha sar sare ee ka hawl-galla Shabakadda Caalamiga ah ee
Dhacdo.com

Caaqil Anwar Diini madaxa sare ee Shabakadda Dhacdo.com
Xasan Cabdi Xersi “Xasan Cadde” Tafaftiraha Dhacdo.com
Maxamed Xasan Xaashi “Xaashi”

Saciid Maxamed Cali “Saciid Yare”
Mahad Salaad “Mahad Yare”
C/Laahi Sheekh Rashiid “Saxardiid”

Maxamed Cali “Kaafi”
Maxamed Cabdi “Dhucey”
Deeq Cabdulle “Fantastic”

C/Fataax Axmed “Baashaal”
Saciid Ibraahim “Xiin”
Liibaan Cali “Duceysane”

Madiina Maanka 
Sundus Axmed “Sabiriin”
Safiya Maxamuud “Indho Uroon”

Canab Cabdi Xersi “Malabley”
Filsan C/Raxmaan “Xidigta”
Ayaan Cali “Qalanjo”

Amal Cali “Cadey”
Faatima Saciid “Nansi”
Xalwa Cabdi Cali

Sagal Maxamed Axmed “Sagal Cadey”
Xaliima Axmed “Xaliima Sacdiya”
Caasha C/Laahi “Caasha Tuuni”

Maxamed Ibraahim “Daqare”
Xasan Sheekh “Xasan Daacad”
Xanaan Ciise “Nafta Uroon” 

Dhamaan
wariya-yaashaan oo kala joogga dalalka Maraykanka, Canada, Ingiriiska,
Norwey, Sweden, Finland, Malaysia, Sacuudi Carabiya, Koonfur Afrika,
Somaliya, Kenya, Uganda iyo Itoobiya ayaa waxay tahniyad kal iyo laab
leh ay u dirayaan Arooska iyo Aroosada, Libaaxa iyo Libaaxada, Boqorka
iyo Boqorada, Xidiga iyo Xidigta ee kala ah Axmed Ciise Xaaji Axmed
“Dhicis” iyo Naciima Khaliif Xaaji Axmed oo taariikhda marka ay ahayd 20
November 2010 ku aqal gallay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana
Alle uga baryeenaa in uu ka dhigo kuwii isku waara ee hella wiil iyo
caano, iyo gabar iyo caano Aamiin Aamiin Aamiin.



Labo Codleyn!... Caado Soomaali Cadibatey!. Q.1-aad.(Fikrad khaas ah)

$
0
0

Qormadii hore waxaan ku eegnay janjeersiga iyo qod u liicidda, waliba
kiisa liitee laciifka ah, marna aan luufluuf iyo lugdambeedin lahayn,
waaba orottan baarqabiyo afarqaadleyn lixaadsiya, dhan isu buusiddaasi
Soomaalida meel xun bay dhigtay, cinwaanka qormaduna wuxuu ahaa: “Ninba
Dhan u Badi”, haddaan shalay ka eegnay falka iyo ficilka, ama waxqabadka
iyo waxtarka, kuna soo koobnay sida: “Xeromeerte, Xabaalbadiye iyo
Xalqojooge”, waxaan maanta ka eegaynnaa dhinac kale, Innagoo isla
mawduucii dabajoogna, waxaan ka eegeynnaa dhinaca dhihidda iyo hadalka,
ama cida iyo dhawaqa, si aan u soo bandhigno afalxagalka oo xiran.

Horudhacaa gaaban ka dib, labo codleyntu ma ahan tilmaam wanaagsan oo
qof lagu tilmaamo, haddana haddii laga fursan waayo ama qof mudnaado
lagala gamban maayo, ugu yaraan waa in la farfiiqa mar quraba ha
ahaatee,  wanaagsanaan la'aanteeda ka sokow waxay muujinaysaa isku
dhexyaac iyo kalasooc la'aan, inta badan maskax ahaan iyo ogaaldarri ma
ahan, sababse waa u noqon karaa haddii cudur maskaxeed jiro, waxayse
noqon kartaa mawqif la'aan iyo go'aan habacsani, midkan dawo malahanoo
waa caanoraac iyo korriimo la jir, waxayna u badan tahay inuu yahay
facraac iyo fooldhalad, wuxuu kaloo noqon karaa mid ka dhasha mawqif
dahsoon iyo siyaasad silloon, tani waa mid simbiririxashadeeda leh,
maxaa yeelay waxay u baahan tahay foojignaan iyo faker qotodheer.

Waxaan ku afbillaabayaa qormada Aabaha labo codleeyayaasha, waa kuma?
Yaa kale!, waa halyeyga kala haadka mudane Xuseen Maxamed faarax
Caydiid, “magac Miskiin kama ahan” sida lagu halqabsado, wuxuu sheegay
horraantii sanadkii 2007-da, maalmo ka dib markay Xabashidu gudaha u soo
galeen Soomaaliya, isaga af labadi ciyey kuna hadaaqay hadal ka dhigay
Duke Canbaarleh, wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Ethiopia la isku daro,
meeshana laga saarayo  hoosdin beeneedka labada dal u dhaxeeya, lana
mideeyo ciidanka lacagta iyo calanka, haadlkaa oo laf dhuun gashay ku
noqday Soomaali intii fayoobayd ee caafimaad qabtay, xigaalada
Xabashidana u ahaa xabqaboojiye!.

Xuseen Caydiid hadalkaa markuu yiri, waxaa isqabsaday mucaarad ballaaran
oo looga soo horjeestay, waxaa ugu horreeyey madaxweynihiisii, Aabahii
xerta xigaalada Xabashida Col: C/laahi Yuusf Axmed, oo ku tilmaamay
inuusan caadi ahayn, haddaa ma Isaga ayaa caadi ahaa? Malaha wuxuu ka
dhirifsanaa inuu uga hormaray ku dhawaaqidda iyo jeedinta murtida
xabashida, xilligaa xuseen wuxuu ahaa ku xigeenka ra'iiusul wasaaraha
ahaana wasiirka arimaha gudaha, January 2007-dii ayaan waxaan qoray
qormo aan ugu magac daray “Ina Caydiid iskama hadlin!”, oo faaqidaysey
xaalka xigaalada Xabashidu siduu yahay, madaama ay jirtay waraaq laga
helay xafiiska ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo isla mawduucaa
ku qeexnaa.

Bilo ka dib Xuseen Caydiid wuxuu soo jeeday inaan xoog wax lagu xallin
karin, wali xilligaa wuxuu ahaa wasiir ka tirsan dawladda C/laahi
Yuusuf, gaar ahaan wuxuu ahaa Wasiirka Howlahaguud iyo guriyeynta, muddo
gaaban ka dib wuxuu u baxsaday dhanka Asmara, Isaga oo xubin ka noqday
Ururka dib u xoraynta Soomaaliya “Haraagii iyo Habqankii Maxkamadaha”,
wuxuu xilligaa si cad u sheegay inuu ku qaldamay hadalkiisii hore,
Soomaalina waydiisanayo cafis iyo in la saamoxo, balse waa su'aale yaa
saamaxaya oo uu qalad ka galay? Qaladka uu isku galay qofuu ka galay ma
jiro , marka laga reebo dadkuu dhibaatada gaarka ah u gaystay, intuu
ahaa gudoomiyaha SNA ahaana madaxweynahii Dawladdii Salbaar ee uu
dhaxalka ku helay.

Shirkii Asmara oo soo gabagaboobay bartamihii september 2007, waxaan ka
qoray maqaal aan ugu magac daray: “Shirkii Asmara Maxaa ka soo Baxay?”,
waxaan ka soo xiganayaa hal faqro oo ka mid ahayd qoraalkaa oo
ahayd:”waxaa la dhihi karaa ka qaybgalayaasha shirka waxay u badnaayeen
haraagii Maxkamadaha iyo taageerayaashooda, iyo kooxo boos ka waayey
qariidada siyaasadeed ee Dawladda Empagathi sida: Ina Caydiid, oon wada
xusoosanno mowqifkiisa ku aadanaa ugu horrayn maxkamadaha xilligii ay ka
talinayeen gobalada qaar, owna in badan ku tilmaamay inay yihiin
Argagixiso iyo xagjir{dhab} maantana la wada shirayo shaahna la wada
cabayo waa la yaab!, waxaase isweydiin mudan Oraahdan tiraabaysa:
“Goormaa Beer Lafo Yeeshay?!” Ina Caydiid goormuu Garwaaqsaday oo gartay
xumaanta hadalkuu lahaa? Mise Shariifka maxkamadaha ayaa quraamiyoo
Xuseen mardhow waxaa la arki doonaa isagoo gardheer oo Qamiis Cad iyo
Cimaamad Cas xiran, waxay noqotaba waynu u joognaa!.”.

Xigashadan waxaan uga danleeyahay beri dhexdaa ah ayaan dul istaagay
qoraallo ku saabsan, in Xuseen Caydiid ka toobad keenay Caqiidada
Ashcariyada!, waa sida hadalka loo dhigee, igamana ahan inaan cuskanayo
ama aan taageero qaraaleed ka raadinayo, balse waxaan u soo qaatay ayaa
ah: haddii ay run tahay waa midaan horay u sii odorosay, waxaan sii
ib-baxshay saddax sano ku dhawaad ka hor, tanina waa mid kaloo
muujinaysa kala wareegga hadal ee Xuseeen hadday sugnaato, bal akhristow
ila eeg, inta gooruu isbedelay, waji adagaa saw diir ma ahan waxa
saaran ? Mise waa bir xuubka saree ku dahaaran wajigiisu? Saw tii la
dhihi jiray wajigu waa baasaboorka qof leeyahay kan ugu qaalisan,
ninkani dan kama lahan luminta baasaboorkiisa miyaa? Culimada cilmu
nafsaiga ayaan u daynayaa isrogrogga noocaa ah waxa dhaliya!.

Waxaan la halmaami karin, mar haddii Xuseen laga hadlayo waraaqdii
caanka ahayd ee uu diray Maraykanka, kuna qeexay in Aabihii (Caydiid) ka
mid ahaa Alqacida, xiriirna la lahaa xilli dunidu ku hawlaneed
dagaalkii ka dhanka ahaa Argagixisada, waxaa nasiib wacani ah, in
Caydiid mor hore geeriyooday, haddii kale hadalka caynkaasoo kale ah ugu
yaraan wuxuu dhalin karay ciriir, Isagase waxay ka ahayd qurbaan bixin
iyo u dhawaasho Maraykan, sidoo kale oraahdiisii ahayd: “Argagixisadu
waxay degan tahay Shimbiraale”, tanse waxaa ku wehliyey saaxiibkiis
C/laahi Yuusuf, maantase Xuseen Xagguu ku dambeeyaa? Intaa oo kala
gaddoon ah ka dib!.

Haddaan Xuseen Caydiid iyo codadlayntiisa intaa uga harno, waxaan
Soomaali weyndiin lahaa, ninka caynkaas ah ama kuwa la midka ah miyuu
mudan yahay in xil loo dhiibto? Nimaan garanayn saacada ka hor hadalkuu
yiri!, haddana mar walba madaxa nalooga xanuujiya siyaasiga da’da yar,
malaha da’da yar marka ay leeyihiin waxay u qarinayaan inaan wali
caqligiisu fariisan, ma dhihin taaye! waase mid meesha ku jirta, balse
meysan habboonayn inaan cilladaa caynkan ah cirif u bixinno, ama aan u
camal galno sidii ninkii ku sifooba looga dhigi lahaa Tuke cambaarleh,
oo meeshuu istaago laga dido, siyuu u dareemo xumaanta uu sameeyey,
balse Innagu waanba dallacsiinaynaa, inaan xil u dhiibniyo ammaan inaan
dusha kaga huwinno!.

Waxaan ku soo afmeerayaa qormadan oo sii socon doonta, laba codleeyahii
ugu dambeeyey saaxada siyaasadda, waa mudane Max’ed C/laahi Max’ed
“Formaajo”, markii la magacaabay ra’iisul wasaaraha ayuu Isagoo kulan la
lahaa Hablaha gobalka Banaadir, si cad u sheegay inuusan xukuumadda
laga sugayo, ku soo dhisayn hannaanka afar iyo bar (4.5), isagoo kuna
tilmaamay cadaalad darro iyo inaysan ku qornayn axdi qarameedka, isla
maalintii xigtay ayuu warsaxaafadeed ku sheegay inuusan sidaa ula
jeedin.

Markii hore maxaa faraha u galiyey waxaan awooddiisa ku jirin, miyuu
moogaa in meesha la keensaday, ee uusan waxba badali karin? Mise wuxuu
wadaa xodxodasho iyo ismuujin? Hadday tahay taa ku garannay, teeda kale
yaa moog cadaalad darrada afar iyo bar, waa meeshii laga dhihi
jiray:”Meel Hoo u baahan Hadal kuma Bogsooto”, Farmaajo hadal iyo hadaaq
ka daalnaye, hadalka waxqabad ma ku dari kartaa, ama ku badali kartaa?
Haddii kale aamusnaanta ayaa dhaanta hadalka qaarkiis!.

F:G: fisha qaybta labaad ee qormada oo sii socon doonta .

Bashiir M. Xersi.

brdiraac@hotmail.com

Fikradan waxaa u khaas tahay qoraaga

ka jawaab haddii aad doontid

Ra'iisal wasaare Farmaajo oo balanqaadaya in AMISOM aysan duqeyn doonin Reer Muqdisho haddii xukuumadiisa la ansixiyo

$
0
0

Ra'iisal wasaare Farmaajo oo lagu wado in maanta xukuumada uu soo dhisay ay hortagto Baarlamaanka ayaa isagoo la hadlayay idaacada BBCda waxaa uu sheegay in haddii la ansixiyo xukuumadiisa uu balan qaadayo in aan Reer Muqdisho ay ka nasan doonaan duqeynta.

Farmaajo oo ku dooday in dagaal kasta oo dhaca uu qaladaad wadan karo laakiin wuxuu ku andacoonayaa in qaladka ay leeyihiin kooxaha mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda kuwaas oo sida uu sheegay Farmaajo doonaya in ay dowladda iyo shacabka iska horkeenaan iyagoo madaafiic ka soo dhextuuray

"Haddii la ansixiyo xukuumada ciidamada AMISOM ma duqeynayaan shacabka waayo waxaan u saarayaa gudi ciidamadeed oo aad uga fekera waxyeelada ka imaan karta duqeynta" Sidaas waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka ku beerlaxwsaday Ra'iisa wasaare Farmaajo.

Maanta ayaa waxaa Baarlamaanka la filaa in cod loogu qaado xukuumada si markaas loo ansxiyo amaba loo diido waxaana aad loogu rajo weyn yahay in la ansixin doono mucaarad adagba ha jiree.

halgankanet@gmail.com  

Lamaanihii Ingiriiska ee mudada afduubka loogu heystay Soomaaliya oo hadal lama filaan ah ka yiri Kooxihii Burcad Badeed ahaa ee heystay

$
0
0

Paul iyo Rachel Chandlre oo mudo sanad ka badan koox burcad badeedi ahi afduub ugu heysteen deegaano ka tirsan dhul xeebeedka Soomaaliya ayaa magaalada London ka soo saaray maalmo yar ka dib markii ay dib u heleen xornimadoodi hadal aad loola yaabay oo lama filaan dad badani ay ku tilmaameen.

Lamaanahan oo sida ay sheegeen marar badan ka quustay naftooda ayaa waxay ku dhawaaqeen in inta noloshooda ka dhiman ay barbar istaagayaan wixii ay awoodaanna u qabanayaan Shacabka Soomaliyeed guud ahaan waxayse sidoo kale ku dhawaaqeen in kooxihii mudada heystay ay cafiyeen oo aysan waxba u qabin.

"Mar haddii aan heysano xornimadeeni waxba uma qabno oo waa iska cafinay kooxihii na heystay shacabka Soomaaliyeed waan caawin doonaa" Sidaas waxaa laga soo xigtay Lamaanihii Ingiriiska ee mudo sanad ka badan ku jiray gacanta Burcad Badeeda.

halgankanet@gmail.com 

Dowladda oo la filayo in maanta la ansixiyo

$
0
0

Xildhibaanada Barlamaka Dowladda KMG ah ayaa saakay isu diyaarinaya iney kulan ku yeeshaan aqalka Ummada si looga doodo dowlada R/Wasaare Farmaajo.


Xildhibaanada barlmaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay manta isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa iyadoona la filayo in ay hor timaaddo manta fadhiga barlmaanka  xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo.


Fadhigan maanta ayaa xukuumadda ku meel gaarka ah waxa ay weeydiisanaysaa kalsoonida barlmaanka si loo ansixiyo.
Ra’iisul wasaaraha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya oo shalay hadlay ayaa sheegey inuu rajo wanaagsan ka qabo in golaha barlmaanka ku meel gaarka Soomaaliya uu manta ansixiyo golaha wasiirada  uu dhowaan soo xulay.


Qaar ka mid ah mudanayaaha barlmaanka ayaa dhaliilsan qaabka uu ra’iisul wasaar farmaajo u soo magacaabay golaha wasiiradiisa kuwaasoo sheegey in ay yihiin dad aan waaya aragnimo siyaasadeed aan lahay balse R/Wasaaraha ayaa ku sheegay in loo baahan yahay dad waxgal ah oo ah wajiyo cusub oo wax qaban kara.


Ma cadda in manta  mudanayaasha barlmaanka ay ansixin doonaan  golaha wasiirada dawladda iyo in ay diidi doonaan waxaase haatan muuqanya qaban qaabo heerkeedu sareeyo oo ay mudanayasha barlmaanku isugu diyaarinayaan ka qayb galka kulanka manta lagu wado inuu ka dhaco xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyey xasuuq kadib markii ey madaafiic ku garaaceen xaafaddo kamid ah magaalada Muqdisho

$
0
0

Madaafiic lagu qiyaasay illaa iyo dhowr iyo toban ayaa ciidamada AMISOM xalay ku garaaceen degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho iyagoo ku waxyeeleeyey dad somaaliyed oo guryahooda is ka hurda.


Duqeyntii habeenkii xalay ahaa ku dhacday degmada Huriaa ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka sedax kalena ay ku dhaawacmeen.


madaafiicdan ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ku dhacay Xaafadda SOS, waxaana halkaa ku dhaawacmay sedax qof oo rayid ah oo xiligaa ku sugnaa gurigooda.


dadka degaanka oo saakay war baahinta dhacdooyinku ay xiriir la sameysey ayaa sheegey in ay markii labaad oo ciidamada AMISOM ay si bareer ah duqeyn ula beegsadaan Degmada Heli waa xilli ayan halkaasi ka jirin wax dagaal ah.


dadkii duqeyntaa ku wax yeeloobay ayaa maanta loo qaaday Isbitaalka Deeyniile  halkaasoo iminka lagu dabiibayo.
Si kasta ha ahaa waxaa qaybo ka mid ah degmada Huriwaa haatan ka bilowday bara kac ay sameyanayaan dadka halkaa ku dhaqan kuwaasoo ka cabsanaya duqeynta joogtada ka noqotay xaafaada SOS iyo hareeraheeda.

Waa sidee xaaladda Wara-dhuumo-leh iyo degaanadii dhowaan lagu dagaalay gobolka Galgaduud?

$
0
0

Deganaansho aan caga badan ku taagneyn ayaa lagu soo sheegayaa  qeybo ka mid ah gobolka galgaduud, kadib dagaalo culus oo labadii maalmood ee u dambeeyay halkaasi ka dhacay.



Sida wararku sheegayaan dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanka wara-dhuuma- leh ayaa waxaa laga soo sheegayaa degenaansho, inkastoo ay ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa degaankaasi.


 Dadka reer miyiga ee ku dhaqnaa deegaanada lagu dagaalamay oo u badnaa xoolo dhaqato ayaa ka hayaamay deegaanadooda, iyadoo ay jiraan qasaarooyin kala duwan oo dadka ka soo gaaray dagaalada.

Dagaalkii shalay ka dhacay Wara-dhuumo-leh yaa waxaa guulo ka sheegtay  Ahlusuna waljamaacah, kuwaas oo gaadiid dagaal ku qabsaday dagaalka sida ey sheegeen.


Ugu yaraan 14-ruux ayaa ku dhimatay dagaalka oo ahaa mid aad u xooganaa oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiil labada dhinac u kala hadashay ay guulo ka kala sheegteen.

Inkastoo waxoogaa degenaansho la dareemayo ayaa hadana waxaa soconaya guluf dagaal kii ugu xooganaa, kaasoo labada dhinac ay isu qoryo guranayaan.



Dagaalada shalay ilaa xalay iyo kan maanta ka dhacay deegaanka War-dhuuman leh iyo deegaano u dhow Guriceel ayaa muujinaya diyaar garowga labada dhinac mudooyinkan ay ugu jiraan dagaalo lagu hoobto oo ku dhex mara qeybo ka mid ah Galgaduud oo ey dhowr mar ka barakiyeen shacab halkaasi ku nool


Muxaadaro Mideynta Diimaha Qaybta1-aad.(ALYAQIIN.COM)


Dhaq dhaqaaq ciidan cusub oo ka bilowday meelo kamid ah gobolka Hiiraan

$
0
0

Ciidamo ka tirsan maamulkii hore ee dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa saakay soo gaaray degaanka Kalabeyr iyadoo aan lo ogeyn halka ey ku wajahan yihiin.

Ciidamadan oo ka yimid laguna soo tababaray dhulka ismaamulka somalida Itoobiya ayaa saakay halkaasi soo gaaray iyadoo arintanina dadka degaanka khal khal ku abuurtay.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxaa ay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka ee Gobolada dhexe,iyadoo saacadihii lasoo dhaafay aysan wax gaadiid ah u kala gudbin deegaanada kala duwan ee loo isticmaalo wadada laamiga ah ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Kalabayr,taasi oo ku saabsadeen sida ay sheegeen dadka deegaanka Jawiil oo u dhow Kalabayr,inkastoo markii danbe dib ay u shaqo bilaabeen.

Inkastoo aan wax war ah laga hayn u jeedka ay la'xiriiraan dhaq-dhaqaaqyadan,laakiin sida la'tilmaamayo waxaa ay yihiin kuwa ka dhan ah Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee ka arimiya inta badan Gobolka Hiiraan,kadib markii habeen hore Ciidamo kamid ah Al-Shabaab ay gaareen meel u dhow Jawiil.

Dhaq dhaqaan  ciidan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeysay dagaalo qaraar ka socdeen meelo ku dhow degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud waxaana loo maleynayaa in dhaqdhaqaaqan cusubi la xiriiro dagaaladan dhowaan ka curtay gobolada dhexe.

halgankanet@gmail.com

Madaxweyne Sh. Shariif oo ka hadlay geerida Gudoomiyihii Maxkamadda sare

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif Sh.
Axmed ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geerida Gudoomiyihii
Maxkamadda sare  Maxamud Faarax Cumar Indhabuur, oo xalay ku geeriyooday
magaalada Muqdisho kadib markii uu in muddo ah xanuunsanayay.

Madaxweyne Sh. Shariif oo wareeysi
siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyuhu uu ahaa muwaadin jecel
in dalkiisa iyo dadkiisa uu si wadaniyadi ku jirto ugu adeego waxa uuna
Madaxweynuhu amaanay howshii garsoorka ee uu u hayay Qaranka
Soomaaliyeed.

Waxa uu Madaxweynuhu u tacsiyeeyay
ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka
geeriyooday Gudoomiyiihii Maxkamadda sare, isagoo u rajeeyay in Janadii
Fardowsa uu Alaah ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka
geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Life LIne Africa oo soo bandhigtay tirada dadka Soomaaliyeed ee dagaaladu ku waxyeeleen magaalada Muqdisho

$
0
0

Saraakiisha Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee la yiraaho Lifeline Afrika oo ey maalgeliso Shirkadda Nationlink ayaa soo saaray warbixin ka hadleysa tirokoob ay ku sameeyeen dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalada iyo duqeymaha Muqdisho ka dhacay ee sanadkii 2009 ilaa 2010-ka.


Warbixinta oo maanta loo qeybiyey warbaahinta ayaa lagu sheegay in Tiro ahaan marka la isku geeyo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee ay arkeen saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah ee hay’adda Lifeline Afrika ayaa gaaraya dhimashada 4,260 qof halka dhaawacuna uu gaarayo 12,567, waxaana jira tiro kale oo dhimasho iyo dhaawacyo ah oo saraakiisha Caafimadk aan u suura galin inay qaadaan ama ay arkaan.


Warbixintan ayaa sheegtay in 2,089 qof oo rayid ah ay ku geriyoodeen Dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay Magaalada halka 6,753 ay ku dhaawacmeen inta u dhaxeysay bilowgii 2009-ka iyo 2010-ka kuwaasi oo la sheegay in ay daad gureeyeen gaadiidka gurmadka deg deg ah.


Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka dhaawacmay ay kala ahaayeen 1,553 caruur ah, 2,027 qof oo dumar ah iyo 3,173 qof oo rag ah, waxaana hay’ad Lifeline Afrika ay sheegtay in dadka dhaawacmay ay ku jireen haween uur leh, kuwa dhiigbaxayay, caruur iyo waayeel.


Lifeline Afrika ayaa sidoo kale waxa ay warbixinta ku sheegtay in 2,171 ruux ay geeriyoodeen dagaalada halka 5,814 kalena loo daadgureeyay isbitaalada Muqdisho intii u dhaxeysay bishii January ilaa bisha October ee sanadkaan.
Dadka dhaawacmay iyo ku dhintay ayaa hay’adu waxaa ay sheegtay inay isugu jireen caruur, haween iyo dad da’ah, waxaana qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ku jiray kuwa mindiyo lagu dhaawacay.
Waxaa jira website somali ah oo ururiya dhibaatada shacabka somalida oo la yiraahodo Tirokoob.org ee ka fiiri halkan.

Xildhibaanimoow Xaal qaado!!!:By Bashiir M. Xersi(fikrad)

$
0
0

Qormadan waxaan ugu magacdaray heesta kooxda qayladhaan”Xildhibaanimoow
xaal qaado” , oo runtii Anigu aan ka helo heesahooda, maadama ay ku sooo
beegmeen xilli aad u xassaasi ah, waa kooxdii labaad oo nooceeda ah ee
Soomaaliyeed, sanado ka hor waxaan si fiican uga wada dharagnay heesaha
bararujinta kooxda caan baxday ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah
dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa, maanta waxaan jeclaan lahaa
inana waxyar ka iraa heestaa iyo sida loola falgalay, ama wixii laga
yiri.
Heestu hal ku dhaggeedu waa:“Xildhibaanimoow xaal qaado”, marka ay soo
baxday waxaan u dhagaystay si fiican, anigoodhawr kol ku ceshtay,
dhuuxayna erayada iyo ujeedka heesta, maalmo ka dib, ayaan dhagaystay
waraysi laga qaaday Prof Dalxa, oo uu ku dhaliilayo kooxda iyo gaar
ahaanba heestan, Anoo fajacsan oo leh war Prof-ka maxaa ku dhacay oo
qaaday? Fudaydka intaa la eg kama filayne, maadaama kooxdan ay tahay
koox iskaa wax u qabso ku dhisan, cidna aan mushaarsiin, qolo gaar ah u
heesin, kuna jirin xizbi siyaasaded, ka maansoodaan wixii taagan
dabeedna ku codeeyaan.
Suaa'lahaa iyo kuwo kale markay madaxayga ku soo dheceen, oon leeyahay:
Allalayle Prof-ku wax dhihid ayuu u baahan yahay, ayaan waxaan dul
sitaagay farshaxanka weyn ee Amiin Caamir oo ka hadlaya heesta iyo
kooxdaba, markaan dhagaystay hadalkiisii ayaan iri”Afkaaga caano lagu
qabay”, wixii niyaddayda ka guuxayey ayaad sheegay, sidaana xilkii iiga
dhacay dad badanoo ila midana ka ridday, markaa baan haddana xasuus
galay oo dib milicsaday, mise waxaa ii muuqday muuqaal aysan niyaddaydu
jeclaysan.
Haddana waxaan ku laabtay Prof-ka, markaas su'aalo badan hordhigay,
Anigoo leh war Prof ma ila xasuusataa kuraastii cascaseed ee Nairobi?
Mise  waa hilmaantay, haddaad illowday waxaan ku leeyahay: “Alla
Illowsha dhawidaa ma umulaa?!”, maahmaah ahaan ayaan uga jeedaa, falka
Adigu ma samayn, balse wadaaggu waa halmaamka!, Anigase prof waxay igu
noqdeen laf dhuungashay iyo boog aan raysan, su'aalaha ayaan sii waday
oon iri: ma waxaad na leedahay xilnibaanadu wa xalaalquutayaal? Ma sidaa
ayaad naga dhaadhicin ood donayaa inaan ku qanacno? Waa ii dhadhami
waysay markaasaaniri: “maya Prof taa iska illow!, laga gudub xilligii
dadku suux sanaayeen ee wixii la doono loo meerin jiray!”.
Hadalkii ayaan sii watay oon ku iri: waxaa nooga joogaa kooxda
qayladhaan, Waayhacusub, qoroyaal iyo mareego u heellin had iyo jeer soo
gudbinta xaqiiqada, ku dhibtayaa ama jeclaataye!, waxaan  ku iri:
kolley waa kuu jeedaa inaad qoonsataye, awood aad wax uga qabato ma
lihide, ma sidii Sheekh Shariif ayaad habaarrami doontaa? Habaar hadduu
wax qabanayo Sheekhuu wax u tari lahaa, markaas baan ku iri: “waxaad ii
sheegtaa tuducda ku gubtay eed isla haysn waysay!?” Inta uusan ii
jawaabin ayaaan ku iri: “Sida caadada ah hadal walba waxa uu leeyahay
reebe ama saare, waxaan uga jeedaa khaas yeelaha hadalka saara wixii soo
dhexgali lahaa, mar waxay ka muuqataa hadalka marna waxay kuba jirtaa
oraahda, marna waxaa lagu gartaa dareenka iyo garashada.
Jawaab waafiyase kama halin, sida uusan u siin wariyihii waraysanayaybe,
haddaa muxuu hadal aan qusayn u soo dhexgalay? Mise waa meeshii laga
yiri: “ Meesha bugta iyo fartaa is og!”, oo wuxuu is leeyahay adna waad
soo galasyaa, hadduuba difaacay kuwaan arkay hubaal inuu soo galayo, ama
Prof ah ahaado ma ayuusan ahaan!, waxaase la yaab leh Prof-ka
aqoontiisii ma wuxuu ka doorbiday inuu ku difaaco wadaadxumayaal iyo
qabqableyaal, xildhibaanno sheegta? Alla Anaa iska ba'ay waa wixii lagu
baroon jiray!.
Maya sidaa ma ahan ee Prof-ka waa lagu duxay, oo yaa ku duxay?
Soomaalidaaa tiraa: “Dariskaa kuma caddeeyo kuna madoobeeyo ee siduu
yahay ayuu kaa dhigaa!”, waxaa ku neefsaday calooshood u shaqaystayaasha
iyo xaraan ku naaxayaasha, marka wuxuuba is tusay ninkii xildibaan
dhaliila inuu Isaga dhaliilayo, Prof ujeedku sidaa ma ahan hadalkuna
Adiga kuma quseeyo ee xasuusnoow, haddii kale waxba ha is qarin ee
bannaanka isa soo dhig, waa la kala dambayn ma ahane wadaadaa lagu wada
joogaa!, saw ma aragtid Wadaadii diinta ee shalay maanta sida ay u
dhaqmayaan?!.
Hadday sheekadaa gaaban ee dareen maaxadka ah na dhex martay Aniga iyo
Prof-ka, ayaa shalay lagu kala dareeray kal fadhigii baarlamaanka,
markaasan iri: Ar Proofoow ma dhex joogtaa mise waa dhuumatay? Anoo raba
inaan dareen siiyo in kooxda Qayladhaan ka saxneyd, oo Isagu bacaad
cidla ah qoor sagaaro ku hayey, tagtadii dhacday 2004-tii iyadoo wali
iga hari la'daday, ayaa waxaan daawaday muuqaal laga soo qaaday kulankii
baarlamaanka, mise waa iyagii oon biyo ismarin, maba isbadalin oo waa
sidoodii, ortii qayladii iyo qalalqabtii ayey wali wadaan, waxaad
mooddaa xoolalay taagan suuqaxoolaha, oo ku guda jira gorgortan iyo iga
dhin, feerka iyo tumburyadu waa astaan ma hartaa, haddii kala dareeray
maxay wali isku sii hayaan?.
Ugu dambayn waxaan dhihi lahaa Prof-ka, “waayuhu is badli maayaane
yuusan hadal kaa tagin”, haddii kale waxaad marti u noqon doontaa
barnaamijka taxane ah ee “labo Codleyn”, taasi handaad ma ahan ee waa
tusaalosiin, maadaama aysan habboonayn kala hadalka iyo isku dhexyaacu!,
dhanka kale waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa kooxda
qaylodhaan, oon leeyahay hawsha halkaa ka sii wada, ha u jooginnina doc
ka yeer iyo hadaaqaaye toona, waxaad qabanaysaan bulshada ayaa garanaysa
qiimahooda, nin iska dhex arkay erayadiina ma garan karo!.
Waxaan ku soo afmeerayaa qormada erayada heesta “Xildhibaanimoow xaal
qaado”, haddii aan mlaha qaar qaldo qaraalkeeda waa dhaga culays waa ka
cudur daaranayaa, saxnimadeeda waan soo dhawaynayaa, heestiina waa tan,
ee ka haqab beela.

Xildhibaanimoow xaal qaado
Xushmad baa lagaa doonayaa
Haddaad xildhibaan tahaye
Xeerkood ilaalisa haboon
Iyo xumaha ood diiddo
Qaaraan xilkaba qaadi karin
Yaab baa la soo xulaye.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Xeebaha kuwii iibsadoo
Waliba xuurstaysan
Ayaa xilka gaar naga hayoo
xeerna kuu qabane
Dadka Kuwii xasuuqaa ku jira
Kuwii xumaan dhigaye
Xabaddoo dhacaysay rabaan
Xoolo booliyehe.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Amisom bay xayndaab ugu jiraa
Xerayodoo oodan
Xabaduhu waxay dilaan Maalintii
Maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane
Xaafad quray kuwada nool yihiin
Xamartii weyneyde.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Xafafka nabarada qarsoon
Xanafta noo laaban
Xalufka iyagaa noogu wacan
Xiisadaha taagan
Xaquuqul Adankay jabshaan
Xeer ma dhawraane
Xurmo malaha ruuxii dad yahay
Xaaraan ku naaxaaye.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Illaa ay laaluush xaabsadaan
Xukun ma gooyaane
Xarbigu inuu sii socday daanayaan
Tan iyo xiixaaye
Xaqir bay naga dhigahayaan
Annagoo dawlad xoog badana.

Baalamaan xoraan doonaynaa
Xiisa loo qabaan doonaynaa
Xaq inaad leedihiin dadweynow
Xukunku ha ogaado
Xaafadaha ka soo wada boxoo
Sheegta xubintiinna
Oo xamaasada kacshoo
Xiisa ololeeya
Ilaa aad xaqiinnii heshaan
Yaan la xagaldaacin!!!!.

Xildhibaanimoow xaal qaado.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Fikrada qormadu waxey u khaas tahay qoraaga

halkan kaga jawaab

Wadamada IGAD oo shir ku yeeshay Addis Ababa baaqn ka soo saaray

$
0
0

Madaxda urur goboleed IGAD oo shalay
shir hal maalin ah ku yeeshay  Magaalada Adis ababa ee xarunta dalka
Ethiobiya ayaa ugu baaqay Mudanayaasha Barlamaanka in ay ansixiyaan
xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisay R/lwasaare Maxmed C/llaahi
Maxmed

Ku simaha Wasiirka arimaha dibada Yuusuf
Xasan Ibraahim Dheeg oo isagoo ku sugan magaalada Adis ababa ee dalka
itoobiya la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkii shalay ugu soo
gabagaboobay dalka itoobiya Madaxda wadamada urur goboleedka IGAD ay
diirada ku saareen laba arimood oo tan hora ay tahay xaalada ka taagan
wadanka Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya  iyo
qadiyada wadanka Suudaan oo dhawaan la filayo in Afti loo qaado
madaxbanaanida koofurta suudaan.

Waxaana uu Wasiirku tilmaamay in Madaxda
wadamada urur goboleedka IGAD ay soo saareen baaq ay mudanayaasha
Baarlamaanka kaga dalbanayaan in ay ansaxiyaan xukuumadda uu dhawaan soo
dhisay R/wasaraha Soomaaliya mudane Farmaajo si looga faa’idaysto
waqtiga yar ee u haray dowlada KMG Soomaaliya waxaaney Baarlamaanka ka
dalbadeen in kala arakti duwanaanta xiligan soo kala dhexgashay 
xildhibaanada ay kala dhantaalayso dadaalkii loogu jiray xal u raaadinta
ummada Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo.

Sidoo kale ku simaha Wasiirka arimaha
dibada ee dowlada Soomaaliya  Mudane Yuusuf Dheeg ayaa sheegay in doodda
ku saabsan ka hadlida arimaha Soomaaliya iyo sidii dowlada loo garab
istaagi lahaa ay ahayd Ajandaha ugu weyn ee shirka Madaxda wadamada IGAD
ay garawsadeen baahida xiligan loo qabo in dowladda Soomaaliya laga
taageero dhinacyada ammaanka iyo dhismaha ciidanka qalabka sida si
waajibaadka uu u noqdo mid dhamaystiran tababarana ay helaan ciidanka
dowlada  taas oo ay sheegeen in ay door fiican ka qaadan karto xal u
helida mashaakilaadka ka taagan    dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee
Soomaaliya .

22-kii bishan ayeey ahayd markii kulan
ay Muqidshu ku yeesheen Xildhibaanda Baarlamanaka Soomaaliya
muhiimadiisuna ay ahayd sidii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa
xukuumada uu dhawaan soo dhamaystiray R/wasaraha Soomaaliya Mudane
Farmaajo ayeey mudanayaashu ku kala arakti duwanaadeen qaabka codka
kalsoonida loogu qaadayo xukuumada iyadoo fadhigiina lagu kala dareeray.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live