Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muxaadaro Warbaahinta Iyo Kaalinta Ay Kuleeyihiin Afkaarta Sh Mustafa 5


fataawa Inhizaamiya3-1.rmvb

fataawa Inhizaamiya3-3.rmvb

fataawa Inhizaamiya3-2.rmvb

fataawa Inhizaamiya3-4.rmvb (Xasaan Xuseen

fataawa Inhizaamiya3-5.rmvb (Xasaan Xuseen

fataawa Inhizaamiya3-6.rmvb (Xasaan Xuseen

fataawa Inhizaamiya3-7.rmvb (Xasaan Xuseen


fataawa Inhizaamiya3-9.rmvb (Xasaan Xuseen

fataawa Inhizaamiya3-8.rmvb( Xasaan Xuseen)

Kolonyo ka tirsan Alshabaab oo gobolka Hiiraan jid-gooyo loogu dhigay iyo gaarina looga gubay

$
0
0

Xoogaga Alshabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in wadada loo galiyay gaarina laga gubay xili ay kolonyo ahaayeen.

Gaariga Alshabaab laga gubay ayaa la sheegay in uu basbeelay ka dib markii uu haleelay gantaal ay ku rideen ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dhuumaaleysanayay deegaanada ay gacanta ku hayaan alshabaabku.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkaas wuxuuna sidoo kale ku goodiyay in weerarada noocaas oo kale ah ay sii socon doonaan.

Dhowaan ay aheyd markii weerarka gaadmo ah lagu qaaday saldhig ay Alshabaabku ku lahaayeen magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan waxaana hadda muuqata in ciidamada dowladu ay u dagaalamayaan qaab ku dhufoo ka dhaqaaq oo kale ah.

halgankanet@gmail.com

Booliska Kenya "Qarixii ka dhacay Nayroobi xoogaga ka dagaala Soomaaliya wax lug ah kuma lahan"

$
0
0

Taliska ciidanka Boolsika kenya ayaa daboolka ka qaaday baaritaan ka dib in qarixii ka dhacay magaalada Nayroobi gaar ahaan xaafada Islii aysan wax shuqul ah ku laheyn xoogaga ka dagaala gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada booliska Kenya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in natiijooyinkna baaritanadii la sameeyay ay tilmaamayaan in xoogaga Soomaalidu aysan wax lug ah ku laheyn weerarkaas galaaftay nolosha hal askeri kuwa kalena dhaawacay.

Hadalkan ayaa ka dhigan mid yara qafiifinaya cabsidii ay qabeen soomaalida naftooda iyo maalkooda intaba isugu geeyay xaafada Islii ee magaalaada Nayroobi.

halgankanet@gmail.com  

 

Tarja Halonen, Madaxweynaha dalka Finland oo aqbashay in Soomaaliya loo diro Markab dagaal

$
0
0

Tarja Halonen, Madaxweynaha dalka Finlad ayaa qalinka ku duugtay qorshe ay ciidamada badda ee dalkeedu markab dagaal oo lagu magacaabo Pohjanmaa ugu direyaan xeebaha Soomalaiya.

Markabkan oo ay saaran yihiin 120 askeri ayaa la filayaa in uu ka mid noqdo hawlgalka Atalanta ee midowga Yurub ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya, hawlgalkaas oo sida la sheegayo lagula dagaalo kooxaha burcad badeeda ah ee ka qawleysta Badweynta Indiya iyo marin biyoodka Gacanka Cadmeed.

Dalalka aduunka ee awooda sheegta ayaa ciidamo fara badan oo badda ah ku daadgureeyay Xeebaha Soomaaliya iyagoo ku doodaya in ay la dagaalayaa burcad badeed Soomaaliyeed laakiin waxaa hawlaglkaas su'aal ka keenay Soomaalida waayo waxay rumeysn yihiin in dalalkaas ay difaacayaan maraakiibtooda kalluunka iyo kheyraadka kale ee Badda Soomaaliya iska bililiqeysta.

halgankanet@gmail.com

 

Soomaalda oo laga uruurinayo waddooyinka Eastleigh ee Nairobi

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya, ayaa sheegay in xukuumaddu ay xirxirtay ugu yaraan afar boqol oo qof oo somali ah kuwaas laga uruuriyay xaafadda Eastleigh ee caasimadda Nairobi.

Qaar ka mid ah dadkan la xiray, ayaa BBC u sheegay in inta badan dadka
la qabtay ay Soomaali yihiin balse dhowr Kenyan ahna ka mid yihiin.

Mid ka mid ah dadkan, ayaa sheegay in
saraakiisha amnigu ay dadka ka uruurinayeen waddooyinka, guryaha iyo
maqaayadaha, iyagoo xiray dhamaan dadka ku guuldaraystay in ay soo
bandhigaan aqoonsigooda.

Dadkan xiran ayaa sheegay in aan loo sheegin sabab loo soo xiray.

Maalintii Jimcaha ayaa nin Booliis ah uu ku dhintay weerar bombaano oo ka dhacay xaafadaas

 

Maxkamad la saarayo burcad-badeed iyo markab la qabsaday

$
0
0

Shan muwaadiniin  Soomaali ah ayaa saakay la sheegay in lagu maxkamadey doono dalka Holland kadib markii lagu eedeeyey in ey ka wadeen howlo burcad badeednimo ah xeebah dalka Somalia.
Shantan dhallinyarada oo dhawaan laga soo duuliayay Markab kuwa dagaalka ah ee dalkaas laga leeyahay ayaa halkaa la keenay kuwaasoo la sheegey in bishii la soo dhaafay ay weerareen Doonyo kuwa Raaxada ah ee laga leeyahay Dalka Koofur Afrika.
Dhalinyaradan ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay markab dagaal oo u soo gurmaday Doonyihii Raaxada oo ay kooxahan Bur cad badeeddu lagu eedeeyey weeraraan halkaasoo Markabku ku riday  Xabado digniin ah.
Ciidamada Holand ayaa dabeeto waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan shalinyaradaas kaddibna ku xiraan markabkii dagaalka oo ay wateen.
Ciidamada badda ee Dalka Holand ayaa horey waxaa ay u sii daayeen Illa shan iyo Toban dhalinyara Soomaali ah oo looga shakiyay in ay ka tirsan Kooxha Bur cad badeedda Soomaalida ka gadaal markii arrintaa si buuxda ay u caddaan weyday.
Xukuumadda Holland ayaa ka mid ah dowladda maraakiibtoodu tuban yihiin meelo kamid ah badda SOmalia iyagoo marna wax ka qaban doonyaha sharci darada uga kalluumeysta badda Somalia.
Si kastaba waxaa la sii saadaalin Karin Xukunka ay muteysan karayaan dhalinyaradan haddii uu denbigaas ku cadaado in kastoo Dhalinyarada Soomaalida oo falalka bur cad badeednimada loo soo qabto dal walba uu maxkamadeeyo uu ku xukumo siyaalo kala duwan iyadoo xukunkii ugu adkaana uu noqday mid ka dhacay dalka maraykanka kaasoo ahaa mid aad u dheer.


Warqad sir oo lagu qoray Wikileaks oo sheegay in Itoobiya iyo Kenya isku heystaan Somalia

$
0
0

Warar sir ah oo loo gudbiyey Wikileaks uuna qoray safiirka mareykanka ayaa lagu sheegay in Dowladdaha Itoobiya  isku maandhaafsan yihiin dowlad goboleed ey gadaal ka riixeyso dowlada Kenya oo lagu sheegay Jubbaland.
Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga soo horjeesatay maamulkaasi ay horboodeyso Dowladda Kenya, iyagoo sheegay inay saamayn ku yeelan karto maamulka gobolka Ogadenia oo sida warka lagu sheegayo haddan uun ka soo kabsanaya dagaalo ka socday muddo dheer.


Dowlada Itoobiya ayaa ka baqeysa in haddii uu xoogeyso dowlad goboleedkan uu saldhig u noqon karo ONLF ta iyo mucaaradka kale oo ey leedahay dowladda Itoobitya iyagoo arintassi hadda ka hortagaya.


Dowladahan labada ah ayaa iyagu ka firkiraya waxa iman kara mustaqbalka halka somalidu ey uun ku bac tahay waxa ey hadda arkaan iyaga oo aan ka fikirin mustaqbalka isteraatijiyada wadanka iyadoo hadba laga fushado waxa la doonayo mucaarad iyo dowlad intaba


Ugu danbeyntii khilaafka soo kala dhex galay dowladdaha Itoobiya iyo Kenya ayaa imaanaya xili bil ka hor la dhisay maamul duu joog ah oo lagu magacaabay Goboleedka Jubaland, maamulkaasi oo ciidamo fara badan loogu aruurinayo xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan.

Major Burjiko Bahuuko oo dafiray in gaadiid dagaal laga gubay

$
0
0

Major Burjiko Buhuko oo ah afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM ayaa inkiray in ciidamada Shabaab ka gubeen dabaad ey iyagu leeyihiin kadib markii ey sidaasi  sheegeen xarakada Alshabaab.

Burjiko Buhuko ayaa yiri “waan maqlayney sheegashada Ashabaab In ay Khasaare Gaarsiyeen Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM”, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in hadaladaasu ay yihiin kuwo Barabaganda ah isla markaana xaqiiqda aad uga fog.
Af hayeenka ayaa qirey inuu jiro gaadiid ay ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ku Ciladoobay waa siduu hadalka u yiriye Xaafadaha lagu dagaalamayo balse aysan taa micnaheedu ahayn in Al Shabaab ay wax gaarsiiyeen.
Major Burjiko Buhuko ayaa sheegey in Ciidamadooda ay suurta gashay in gaadiidkii Ciladoobay in ay halkaa ka soo Jiidaan isla markaana ay soo gaarsiyaan Xeryahooda.
Af hayeenka Ciidamada AMISOM ayaa mar kale digniin u direy Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagaalada loo soo hoggaaminayo waa sida uu hadalka u yiriye ama lagu soo qaldayo isagoona intaa raaciyay inay la socdaan oo ay ogyihiin in Meelo ka baxsan magaalada Muqdisho lagu tababrayo Dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasoo uu sheegey in la keenayo goobaha dagaalada.
Burjiko Buhuko ayaa  intaa ku daray in dagaalada ka socda Degmmada Boondheere in aysan ahayn dagaalo caadi ah isagoona ku Goodiyay in Xarakada Shabaab dagaalka ay la sii wadi doonaan inta ay magaalada ka saarayaan ama ay nabadda qaadanayaan.
Afhayeenkan ayaa dhinaca kale dhalinyarada haatan la soo dagaal gelinayo ugu yeeray inay ka joogaan haddii kalena ay mari doonaan waa siduu hadalka u dhigaye halkii ay mareen dhalinyaradii hore looga keenay Gobolada Bay iyo Bakool.
Si kastaba, Hanjabadaha ka soo yeeraya AMISOM ayaan ahayn markii ugu horreysay iyagoo dhowr mar oo hore sheegay iney talaabo ka qaadayaan Alshabaab.
Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay dhanka Alshabaab iyagoo horey u sheegay iney jabiyeen ciidamada AMISOM.

Maamulka Somaliland oo cabsi xoogan ka muujiyay qalabeynta iyo tababarida ciidamada badda Puntland

$
0
0

Maamulka Somaliland ee aqoonsi waa halkiisee goonida isaga taagay Soomaalida inteeda kale ayaa hadda muujinaya cabsi xoogan oo ay ka qabaan qalabeynta iyo tababarida ciidamada Badda ee Puntland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Jaamac Cusmaan oo idaacada BBC:da la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga welwesan yihiin ciidamada ay shirkadda gaarka loo leeyahay u tababareyso Puntland.

Wasiirku wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in labaatan sano oo Soomaaliya hub lagu daabulayay ka dib ay hadda bilaabato qalabeyn iyo tababarid heer caalami ah ciidamo deegaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntii wasiiirku wuxuu ku celceliyay in maamulka Somaliland ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa ciidamadan Puntland loo carbinayo.

Qaramada Midoowday ayaa ciidamada badda ee loo carbinayo in ay u jilib dhigaan Burcad Badeeda soo dhoweysay halka Mareykankuna walaac ka muujiyay balse loo joogee ciidamadaas waxa ay ka qabtaan burcad badeeda Soomaalida ee dhuunta u gashay musaafurka badda.

halgankanet@gmail.com   

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ka hadlayay daagalada aan dhammaadka laheyn ee ka socda Muqdisho

$
0
0

Maxamad Xasan Xaad, gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay dagaalada aan dhammaadka laheyn ee ka socda koofurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mr. Xaad wuxuu muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka, dhaawaca, barakicinta iyo weliba hanti burbruinta lagu hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaana uu ku baaqay in dagaalada la joojiyo.

AMISOM ayuu sheegay Xaad in ay kala hadleen madaafiicda ay ku garaacayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waloow aysan muuqan wax natiijo ah oo laga gaaray la hadalkaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee wuxuu caaqilku ugu dambeyntii dhinacyada ku hardamaya dalka ugu baaqayaa in ay dagaalada joojiyaan miiska wadahadalkana isugu yimaadaan si loo daba qato hambada shacabka Soomaaliyeed.

halgankanet@gmail.com

 

 

Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo isku hor fadhiya qeybo ka mid ah degmada Heliwaa iyo dagaal laga cabsi qabo

$
0
0

Qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ayaa waxaa laga soo sheegayo dhiilo colaadeed oo u dhexeysa Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Dhiiladan colaadeed ayaa ka dhalatay sida dadka deegaanka laga soo xigtay ka dib markii ciidamo Alshabaab ka tirsan ay soo degeen goob aan sidaas uga fogeyn saldhig ciidan oo ay xoogaga Xisbul islaamku ku leeyihiin degmada Heliwaa.

Ciidamada Xisbul islaam ee ku sugan Daarta Xeyle Bariise ayaa bilaabay iyaguna in ay bannaanka u soo saaraan gaadiidkooda dagaalka waxaana deegaanka dadka ku dhaqan soo wajahay cabsi xoogan oo ay ka qabaan in dagaal ka dhex qarxo labadan dhinac.

Xiisadu waa mid sareysa dadka deegaankana waxaa soo wajahay welwel aad u weyn laakiin wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live