Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nin lagu waayay maalgalinta al-Shabaab

$
0
0

Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay documentiyo muujinaya lacagta uu diray, hase yeeshee xaakimka Norwegian-ka ah ayaa xukmiyay in lacagta la diray in aysan u dhigmin maalgalin falal argagixisnimo.

Wuxuu taas ku sababeeyay in markii lacagta la dirayay kooxda
al-Shabaab aysan ku jirin liiska kooxaha argagixisada ah, taasoo dhacday
bishii April ee sanadkii 2010.

Maxkamadda ayaa sheegtay in iyadoo maanta
al-Shabaab loo arko urur argagixiso ah, balse aan la hubin in kooxdan si
cad loogu arki karayay koox argagixiso xilliga eedaysanaha loo haysto
in uu lacag diray.

Waxaase maxkamaddu ay ku xukuntay ninkan in uu
bixiyo ilaa 10 kun oo lacagta Kroner oo u dhiganta kun iyo shan boqol
ilaa laba kun oo doolar inta u dhaxaysa, taasoo loola jeedo ganaax
jabinta cunaqabatayn hubka ah qaramada midoobay ee saarnayd dalka
Soomaaliya.

Wuxuu qirtay in uu u diray lacagta dalka
Soomaaliya, iyadoo ujeedkiisu ahaa in uu gacan ka gaysto sidii ciidamada
Ethiopia ee dalka Soomaaliya galay dhamaadkii 2006 looga saari lahaa
dalka.

Waxaa la xiray sanadkii 2008, isaga iyo laba qof
oo kale, iyadoo loo haystay in uu maalgaliyo argagixisnimo.Waxaana uu
deganaa dalka Norway muddo 11 sano ah,

 


Amisom: Nabad Ilaalin mise iil Badin? Qalinkii iyo fikardii qoraa Bashiir M. Xersi

$
0
0

Amisom: Nabad Ilaalin mise iil Badin?!!!.

Horudhac taariikheed.
Aflagaadadii Musafeni.
Calooshood u shaqaystayaal.
Fashalka Ciidamada Afrika.
Xabashi gargaar.
Xasuuqa shacabka.
Ujeedka AMISOM.
AMISOM iyo Alshabaab.
Gunaanad.

{Haddaad argagixiso u taqaan wadaad gardheeroo daara qarxiya kaliya waa lagu habaabiyey!, haddaad u taqaan wiil madaxa laga xadoo isqarxiya kaliya Adna madaxaa lagaa xaday!, haddaad u taqaan mina aasayaasha kaliya waad qaldan tahay, haddaad u taqaan tiroyar dile kaliya waa lagu duufsaday!}. (qoraaga).

Horudhac taariikheed:

Dalbashada ciidama shisheeye iyo ka qaybgalinta nabadsugidda iyo soo celinta xasiloonida Soomaaliya, waxay ahayd meesha sartu ka qurantay ee la isku mari waayey, qilaafkii xoogganaana ka dhashay marna isu bedelay gacan ka hadal iyo feer sanadkii 2004-tii, qilaafkaa oo u dhexeeyey masuuliyiintii dawladdii Empagthi oo si cad ugu kala qaybsamey, diidmada ciidamada loo diro Soomaaliya waxaa kaloo ka soo horjeestay ama ugu yaraan caqabad ku noqday dawladda maraykanka, oo si toos ah isu garabtaagtay xubnihii diidanaa in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya, iyadoo shirar iyo kulamo ku qaatay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, Maraykanka u matalayey danjirahooda u fadhiya dalka Kenya.
Wuxuu waqtigu socdo, waxaa la ansixiyey in dalka loo soo diro ciidan nabadilaalin oo ka socda dalalka Afrika, go’aankaa oo baarlamaanka dawladda Empagathi ku gaaray bartamihii sanadkii 2006-dii magaalada Baydhaba, uuna shir gudoominayey Shariif Xasanka iminkana horfadhiya baarlamaanka!, go’aankaa laguma kala saarin ciidamadu dalalka ay ka kala imaanayaan, ma Afrika oo dhanbaa, oo ay ku jiraan dalalka dariska ah? Mise marka laga reebo dalalka safka horee Xabashidu ugu horrayso?.
waxaa dhacay isbedel weyn, ka dib markii Xabashidu soo galeen Soomaaliya, iyadoon cidna amar kaga haysan, qarsoodise taageero uga haysatay Maraykankoo badalay mawqifkiisii hore, dhanka kale qayladhaanta dawladda Empagathi waxaa ka soo jawaabay ururka Midowga Afrika, oo iyana ansixiyey in ciidan loo diro Soomaaliya, howlgalkaa nabad ilaalinta Soomaalia waxaa loogu magac daray: AMISOM.
Maalintii Talaadada ee ku beegneyd 06/03/2007-da, waxaa soo cagadhigtay gegada garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisha, diyaarad sidday Agab iyo Saanad military, ayna la socdeen ciidan Ugand-iis ah oo gaaraya ilaa 400 (afar boqol) oo askari, oo dawladda Uganda ku yaboohday inay qayb ka qaataan xasilinta Soomaaliya, diyaaraddaan oo ka soo duushay garoonka Entebbe ee ku yaal dalka Uganda, gadaal ayaana laga soo kordhiyey ciidankii!.

Aflagaadadii Museveni:

Waxaa xusid mudan, xafladdii sagootinta ee loo sameeyey ciidamada Uganda, madaxweyne Yoweri  Museveni ayaa ku hadlay hadal aan u qalmin masuul aysanna habboonayn inuu ku dhiirado, hadalkaa oo runtii dad badan oo Soomaaliyeed ka caraysiiyey ayna ka dhiidhiyeen, Museveni wuxuu yiri maruu la hadlayey askartiisa u baqooli rabtay Soomaaliya: “Iska ilaalsha Haweenka Soomaaliyeed waxay qabaan HIV AIDS!”, hadalkaa madaxweyne Museveni ayaa u ekaa cabsigalin dardaaranwarin iyo inay isxakameeyaan marka loo eego ciidanka uu la hadlayey, balse sharafdhac iyo aflagaaddo ku ahaa shacabka Soomaaliyeed!, gaar ahaan hablaha Soomaaliyeed.
waxaase la yaab leh mudane Museveni miyuusan ogayn in Uganda ay ka mid tahay sadax dal ee Afrika uga badan cudurka AIDS-ka? Dalalkaa oo kala ah: Ethiopia , Uganda iyo K/Afrika, tan kale miyuusan la socon in Soomaaliya ay ka ka mid tahay dalalka Afrika ugu yar AIDS-ka, gaar ahaan marka loo fiirsho labada dal ee dariska la ah Soomaaliya, oo labaduba safka hore kaga jira dalalka uu daashaday lana ciirciiraya waxyeellada iyo dhibaatada AIDS-ka.
Aanse ku soo afjarno qaybtaan tirakoob qeexaya tirada dadka la ildaran cudurka IDS-ka, si aan u ogaanno sida baaxadda weyn ee ay u kala fogyihiin labada dal, waxaase laga yaabaa in dadka qaarkiis caro ka muujiyaan, is garabdhigga Soomaaliya iyo Uganda xagga tirada dadka qaba AIDS-ka, kaliya waxaan uga jeedaa inaan muujiyo riyada uu dhex maquurayey madaxweyne Museveni, tirakoobkiina waa sidan:
Tirada dadka qaba AIDS-ka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay, ugu badnaan 1.2% oo ay ku jiraan dhammaan gobalada Jamhuuridda Soomaaliya, halka tirada dadka uu hayo cudurka AIDS-ka dalka Uganda lagu sheegay 39%, inay sii badatana u badan, miyeyse dhaqangashay waanadii Museveni? Maya sida la wada ogsoon yahay, madaama ay jiraan hablo Soomaaliyeed oo guursaday askar ka tirsan ciidamadaa.

Calooshood u shaqaystayaal:

Waxaa sidoo kale ka mid ah ciidamada nabadilaalinta Afrika, ciidan ka socda dalka Burundi, waxaase dhab ah in dawladda Burundi culays uga socdo dhanka hay’adaha lacagaha bixiya sida: IMF-ta iyo Baanka adduunka, oo ku amray inay dhimaan tirada ciidanka, maadama dhaqaalaha loogu tala galay horumarinta lagu maalgaliyo ciidanka, taasna ay cuuryaamisay mashaariicdaa, sidaa darted ciidanka ay u dirtay Soomaliya wuxuu u ahaa fursad ay uga badbaaddo culayskaa, iyo inay ka waaqsato jabhadayn iyo fallaago, sidaana waxay ku yihiin calooshood u shaqaystayaal, ama geeridoon war moog ah!.

Fashalka Ciidanka Afrika:

Waxaa bishii December ee sanadkii 2003-da ka qarxay gobalka Darfur, ee ku dhaca galbeedka Sudan dagaallo qaraar, gobalkan oo ay wada dagaan dadyowga madawga ehee dhulka loogu yimid iyo Carbta ku timid socotada, ka dibna ka mid noqday dadka deegaanka, dagaalladaan oo keenay qaxa ku dhawaad 2.5 (laba malyan iyo bar) kana carareen aqalladoodii iyo tuulooyinkii ay daganaayeen, ka dib markii dab la qabadsiiyey, sidoo kalana ay ku naf waayeen in ka badan 200.000 (laba boqol oo kun) oo qof, sii socoshada xasadaraddaan waxey keentey iney soo farageliyaan Midowga Afrika, oo bartamihii sanadkii 2004-ta u soo direy ciidan gaaraya 7.500( tobokun iyo shanboqol), oo ka qeybqaata howsha nabadilaalinta.
Ciidanka Afrika ee tagey Gobolka Darfur, wuxuu ku guuleysan waayey : ilaalinta xabadjoojin ay kala saxiixdeen dowladda Sudan iyo fallaagada, sidoo kale wuxuu ku fashilmay inuu badbaadiyo xeryaha qaxootiga, sidoo kale wuxuu ka gaabiyey sugidda ammaanka Hey’adaha gargaarka, fashalkan ku yimid howlgalka ciidanka Midowga Afrka waxaa u sababa arimahan:
-khibradxumo: maxaa yeeley waxaa lagama maarmaan ah dad xeeldheerayaal ku ah arimahan oo kale, si looga digtoonaado habacsanaan kasta oo ku imaan karta howshan oo kale iska daa in  fashil ku yimaadee.
-Dhaqaalo la’aan: howgalka nabad sugidda loo xilsaarey ciidama Afrika, waxaa dhaqaalaha ku baxa dhiiba: qaramada midoobey iyo midawga Yurub, maadaama ay ciidamada nabad ilaalintu ka yimaadeen dalal sabool ah!.
-dhimis ciidan: fogeynta iyo musaafurinta ciidanka, iyo ku kala yareynta xaddiga tirarada ciidan dal, waxey keentay in lagu uruursho calooshood u shaqeystayaal aan qiimeyneyn Noolaha iyo Insaanka.

Xabashi gargaar:

Waxaa in badan la hadal hayey, in dalkii dhibaato ku habsato ay habboon tahay inuu faragelin ku sameeyo dalka deriska la ah, siyuu xasilooni ugu soo celiyo, iyadoo tusaale loogu soo qaadanayey Madaxweyne Museveni oo dalka ay u gacan gelyeen ciidamo Tanzanian ah, sidoo kale dalka Burundi oo qalalaaso ka dheceen waxaa soo afjarey faragelin Military oo kaga timid dowlada K/Afrika, aan ugu danbeysiinno dalka Sera lion oo ay xasiloonidiisa gacan weyn ka geysatey dowlada Nigeria.
hadalkan oo loogu qiil sameynayey ama marmarsiiyo loogu raadinayey qabsashada qaawan ee Xabashidu dalka ku wada  marooqsatey, iyadoo loo fiirinayo in xabashidu deris la tahay Soomaaliya, sidaas darteedna cid uga xaqleh aysan jirin inay faragelin Military ku sameyso!, taasi waxaa lagu tilmaami karaa hadal aan waxba ka bedelyn  ujeeddooyinka gurracan iyo danaha gaarka ah ee xabashidu ka leedahay Soomaaliya, dhanka kale ujeedada ciidamada Afrika miyaan la dhihi karin waxaa lagu daboolayey ciidanka Xabashida ka joogaey gudaha Soomaaliya, oo gaarayey ilaa 8000 (sideed kun) oo askari, taas macnaheedu waxey tahay iney isla egyihiin ciidamada ka imaanaya dalalka Afrika iyo ciidanka Xabashida ka joogey dalka!!!.

Xasuuqa shacabka:

Ciidanka Afrika ee jooga Muqdisha, magaca uu wataa waa ilaalin nabad, sugid ammaan iyo kala dambayn soo celin, balse miyaad aragteen waxaa oo dhan? Hubaal in magacan waanagsani dad badan sirayo, gaar ahaan dunida, iyagoo dhadhansanaya ujeedka magacu wato, iskana dhaadhicinaya inay yihiin geesiyaal naftooda u huray sidey nabad uga dhigi lahaayeen dalkan loo caasha waayey!, rajo fiican, adduunkuse ma eegay waxa ka dhacaya gudaha dalkka?.
Weydiintan waxay i soo xasuusin, waraaq sir ah oo laga helay midawga Afrika oo muujinaysa in soomaaliya xasuuq ka dhacay!, haddana laba iskama waraysan, oo sideedii ayaa looga tagay, ama meeshii laga helay lagama qaadin, waaba yaabee nabaddii ay sugayeen ma waxay nqotay: layn shacab? Midani waa mid taariikhda gali, ee may sidaan isu dhaamaan?!.
Waxaa kale oo jira baaq ka soo baxay qaramada Midoobay, bartamihii bishii Novembar ee sanadkan, oo lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa ay gaystaan AMISOM, balse dib ma u maqasheen wax warkiisa wada? Meeshii lagu sheegay ayaa isna loga tagay, halkaan waxaan rabaa inaan Soomaalida dhaliilo, Soomaaliyeey codkaagii maxaa ku dhacaay? Xabashi sidaad ugu mudaharaadey maxaad ugu mudaharaadi la’ dahay AMISON? Mise way idiin kala duwan yihiin? Dilaa waa dilaa mar walba magacaad rabto u baxshi!.

Ujeedka AMISOM:

Hab dhaqanka AMISOM, wuxuu xaqiijinayaa hirgalinta danaha kala ah:
-Sii joogtaynta dhibaatada Soomaaliya: maxaa yeelay waxay dhinac ka noqdeen dhibaatada dalka, waxaanba dhihi karnaa waxay abuureen dhibaatooyin horleh!, sida eedayn la xiriirta beeridda cudurka dilaaga ah ee AID-ka, dhanka kale habkan ay wax u wadaan dhibaato ma ahane xal kuma imaanayo. intaa waxaa sii dheer xasuuqa ay maatada rayidka iyo marasta la eegtaan habeen iyo dharaar, iyagoon waxyeelin nabaddiidka iyo kooxaha hubaysan!!!.
-Xasuuqa shacabka: qiyaas ahaan ciidamada AMISOM, maalintey duqayn gaystaan, waxay ugu yaraan dilaan 15 qof, oo ka dhigan inay bishii dilaan in ka badan 60 qof!, haddaa ma nabad ayey ilaalshaan mise shacab ayey xasuuqaan?!.
-Burburinta dhaqaalaha: arintani waa bannaantaal, u fiirso markii madfac ku soo dhoco, Bakaaraha ayey u jawaabaan, waa yaabe ma Bakaaraha ayaa madfaca rida? Kaba dhig in dhanka Bakaaraha laga soo riday, ma dawbaa in waa san Bakaaraha duqayn lala duljoogo? Tani waxay kuu muujin ujeedka laga leeyahay duqaynta suuqaa, ee ah cuuryaamin dhaqaale!.

AMISOM iyo Alshabaab:

Run ahaantii markaad eegto tirakoobka sanadka 2009-2010-ka , oo ay soo saareen hay’adaha Life Line Afrika iyo Shirkadda Isgaarsiinta Nation link, ee  dadka dhintay ama dhaawacmay sanadkii 2009-ka 2010-ka, ayaad ogaanaysaa waxyeelladu inta ay la egtahay, tiradan oo aad u badan muujinaysa qatarka jirta inta ay gaarsiisan tahay, warxbintu waxay leedahay: “sanadkii 2009 iyo sanadkan 2010-ka, 2089 qofo oo rayid ah ayaa ku geriyoodeen dagaalladii iyo duqeymihii ka dhacay magaalada Muqdisha, ayna ku dhaawacmeen  6,753 qof.”.
Haddaanse qiimayn yar samayno, aan isleeyahay dhaleecayn ayaa ka dhalan karta, haddana aan ku dhiiranayo maadaama ay sheegid u baahan tahay bannaankana taallo, waxaad qiyaastaa tiradan aaan soo xusnay, inta ku baxday gacanta Alshabaab ama gacanta AMISOM? Micnaha tiradee kula badan dadka Alshabaab dishay iyo kuwa AMISOM dileen? Jawaabta waxaad ka garan falka labada koox, mid walba duqaynta waa adeegsataa, balse AMISOM si joogta ah ayey maalin walba dad ugu dishaa Muqdisha!.
Sidaa darted waxaan dhihi karnaa qatar wadar laynta waxaa ku badan AMISOM, halka Alshabaabna ku horrayso dhanka ugaarsiga dad gaara qatarna ku tahay xorriyadda, haddaba maxay labadaa koox noogu kala duwan yihiin? Mar walba waa inaan wax ku eegnaa natiijada falalkooda, way wada wadaagaan xasuuqa balse way ku kala dheereeyaan, waan filaa inaan loo arag taageero Alshabaab, oo la wada ogsoon yahay mawqifka aan ka taaganahay!.

Gunaanad:

Xasuuqa dhacaya ma ahan mid sidaa looga uumusi karo, ma ahan mid loo dulqaadan karo, ma ahan mid la xamili karo, ma ahan mid la eegan karo,sidaa darted waxaan dhammaan dadka ugu baaqayaa, inay ka hortagaan arxandarradan aan loo ab dayeyn, ee joogtada u dhacda, kaca oo iska kaala gumaadka, haddii kale wadar dhimashadan dhammaad iyo baaba’ ayaan ka dhaxlaynnaa!, inta aanan gunaanadin qormada aan ku deyro Maanso gaaban, maansada waxaa la yiraa: “Xasuuqa Amisom”, waana sidan:

Xasuuqa Amimon!.

Afar mitir nin joogoo
Aaggaas ku xiranaoo
Iriddaa ka bixi Karin
Nabadduu ilaaliyo
Af ka sheego mooyee
Fal miyaad ku aragtaa?!!!.

Ciidamadaa Uganda
Nabada may ilaalshaan
Mise shacabay ugaartaan?!.

Markii Aake lagu rido
Madfacbay ku aartaan
Ku asqeeyaan degmadiyo
Muqdishoo anuunka ah
Xasuuqaan loo ab dayin
Yey ku hayaan umaaddee.

AMISOM gumaadkeed
Waa laga aamusoo
Ishaa laga duubtayoo
Looma quurin eedayn!

AMISOM Bakaaraha
Il gaaray ku haayaan
Onkodkay maqlaan iyo
Madficii agtoodiyo
Ku soo dhaca eeryada
Toos waxay abbaaraan
Suuqyada Ugaartiyo
Oomatadu midkay taal
Bakaarahay ishaartaan!.

Ayaandarro waxaa dhigay
Dawladduu afhayeen
AMISON u noqotoo
Kaba dhigay ayaandhalad
Dhibba aanba gaysanoo
Horror iyaga lagu yahay!!!.

Alshabaab dhibkeediyo
Ujeedadooda leexsan
Ogaateen dhammaane
AMISOM ma aragtaan?!.

Alshabaab intay dishay
Ama AMISON xasuuqdey
Ayamaa idin la badan?!!!.

Xabashidaan eryeyniyo
AMISOM-tan joogtaa
Ayamaa xasuuq badan?!

Umad yahay kacoo
Adduunyada u sheeg
Ugaarsigan qarsoon
Iyo isirkaan la jariyo
Iilkiyo xabaashiyo
Dadkeennaan la aasayo
Liisbaa uruurshoo
Ayaanbaa la soo bixin!!!.

Ugu dambayn qormada waxaan ku soo afmeerayaa, Shirib gaaban oo Abwaan Abshir Bacadle{AUN} ka tiriyey, Geel AMISOM mag ka baxsheen, taa oo runtii noqotay fal la qaadan waayey!, Shiribkiina waa kan:

Ugandha Geelii waa gudeen
Gumaadkana waa gar ayey dheheen!!!.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Muwaadiniin somali ah oo xabsiyada Uganda laga sii daayey

$
0
0

Maxkamad ku taala dalka Ugandha ayaa xabsiga ka sii daysay muwaadiniin Somaliah oo ey xabsi hayeen muddo dheer kadib qaraxii dadka lagu laayey ee ka dhacay magaalada Kambala.
Ganacsade somali ah oo lagu magacaabo Cabdi Casiis waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dib u helida xoriyadiisa, kadib markii Ciidamada Booliska ku waayeen dambigii loo qabtay markii ay ka soo wareegatay sadex Cesho qaraxii ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.

"Masaajid ayaan ka soo baxay kadibna waxaa i qabtay Ciidamada Booliska 5 bilood ayaana kujiray Xabsi oo wax dambi ah la igu waayay" ayuu yiri Ninkaasi Ganacsada ah ee Soomaaliga Canadian-ka ah.

Baaris dheer kadib maxkamada sare Dalka Ugandha waxay shaacisay Ninkan lagu magacaabo Cabdi Casiis inuusan lahayn wax dambi ah maxkamadana xoriyadiisa dib ugu celisay, kuna noolaan karo magaalooyinka Dalka Ugandha.

Ugu danbeyntii Maxkamada sare dalka Ugandha waxay horay u sii daysay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lala xariirinayo qaraxii ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha kaasi oo mas’uuliyad ahan xarakada Alshabaab sheegatay.

Baaq nabadeed oo loo jeedinayo beelo walaalo ah oo ku dagaalaya gobolka Mudug!!

$
0
0

Qaar kamid ah Waxgaradka , odyaal iyo culimada Maamulada  dalka Somalia ayaa codsaday in la joojiyo dagaalada macna darada ah ee ka soconaya meelo kamid ah gobolka Mudug iyagoo sheegay in aan dagaal xal lagu gaareyn.


Beelo walaalo ah ayaa dagaal dad sokeeya ahi ku dhinteen dhexmarayaa duleedka magaalada Gaalkacyo iyadoo maamulba maamulka kale ku eedeyno iney faraha kula jiraan colaada sokeeye ee halkaasi ka socota..


Madax ka tirsan Galmudug ayaa saxaafada ka sheegay in dagaalkii u danbeeyay ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo taageeraya maleeshiyaadka ka soo jeeda waqooyiga Gaalkacyo.




Maamulka Puntland ayaa isna eedeyn midaas la mid ah u jeediayay Galmudug iyagoo sheegay inay hurinayaan dagaalada u dhexeeya labada beelood ee wada dega magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Maalmihii u danbeeyay ayaa labada dhinac waxaa dhex maray dagaalo macna darro ah oo dhexmaray labada maleeshiyo beeleed oo halkaas ka soo jeeda taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac farabadan.

Madaafiic waxyeelo geysatay oo lagu garaacay suuqa bakaarha iyo Waqooyiga Muqdisho.

$
0
0

Dad rayid ah ayaa madfac ey soo rideen Ciiamada AMISOM waxaa uu ku waxyeeleeyey suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo halkaasi lagu kala cararay.
Qof rayid ah ayaa dhintay ku dhawaad 5 qofood kale waxaa soo gaaray dhaawacyo kadib markii Madfac kula habsaday dadkaasi suuqa Bakaaraha xili ay ku jireen howlahooda caadiga ah.
Saraakiisha Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa qaaday dhaawacyada dadkaasi markii madfac kula dhacay madkiinad Saliida lagu shiido Suuqa Bakaaraha qeybta badarka.

Ganacsiga suuqa bakaaraha saamayn ayay ku yeesheen Madfacaasi waxaana hakad galay goobaha ganacsiga iyadoo dadku ay ka cabsi qabeen in mar kale madaafiic kale ku soo dhacaan goobahaasi iyo goobaha ku dhow dhow.
Madaafiic kale ayaa maanta lagu garaacay meelo kamid ah waqooyiga Muqdisho iyadoo aan la maqlin dagaalo halkaasi ka dhacayey.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay ee madaafiic suuqa Bakaaraha lagu garaaco iyadoo dhowr mar oo horena dad rayid ahi ku dhinteen.

War deg deg ah: Dhismaha safaaradii Somalia ee Kenya oo maanta somalia loo xukumay!!

$
0
0

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa
maanta Soomaaliya u xukmisay Dhulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay
dalka Kenya oo uu horay u iibsaday nin Ganacsade ah.

Dacwaddaan oo muddo ka socotay maxkamad ku taal Magaalada Nairobi
dhowr marna dib loo dhigo ayaa maanta maxkamaddu amartay in lagu
wareejiyo dalka Soomaaliya.

Alshabaab oo dhalinyaro afar boqol (400) gaaraysa tababar ugu soo xiray magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Bay Muqdishona u soo wada

$
0
0

Alshabaabka ka taliya gobolka Bay ayaa shalay tababar mudo socday ugu soo gunaanaday dhalinyaro gaareysa afar boqol.

Dhalinyaradan oo laga soo kala uruuriyay deegaanada uu ka kooban yahay gobolka Bay iyo Bakool ayaa waxaa loo carbiyay in ay ka qeybqaataan dagaalada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM sida fagaarihii dhalinyaradan lagu soo bandhigayay ay ka sheegeen saraakiisha Alshabaabku.

Maxamuud Shariif oo dhalinyaradaas la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ay ku biiri doonaan halka dhalinayaro kale oo iyaga ka horeysayna ay hadda ka qeyb yihiin dagaalka ka socda magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye.

Alshabaab ayaa mudooyinkan dambe dhalinyaro fara badan u soo carbinayay ka qeybqaadashada dagaalada ka socda Soomaaliya ee ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo xoogaga bari taageera ee AMISOM:

halgankanet@gmail.com 

Wasiirka arimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jibuuti oo magaalada Muqdisho booqasho kedis ah ku soo gaaray

$
0
0

Tayib Dubad Yuusuf, Wasiirka arimaha dibadda Jibuuti ayaa maanta magaalada Muqdisho safar aan lasii shaacin ku soo gaaray magaalada dagaalada la ildaran ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa madaarka Muqdisho ku soo dhoweeyay xukuumada Soomaaliya oo uu hor joogay Ra'iisal wasaare Farmaajo iyo weliba xubno kale oo Golaha Wakiilada ka tirsan.

Farmaajo ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan aad ula dhacsan yihiin booqashada uu wasiir ka socda dowladda Jibuuti ku yimid magaalada Muqdisho, dowladaas oo u diir naxaysa Soomaalida dhibaateysan waa siduu Ra'isal wasaaruhu hadalka u dhigaye.

Wasiirka arimaha dibadda Jibuuti ayaa dhankiisa muujiyay taageerada ay u yahaan dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay shacab iyo dowlad intaba aysan Reer Jibuuti u kala harin taageerideeda.

Jibuuti ayaa horay u balan qaaday in ay Soomaaliya u soo direyso ciidamo ka qeybqaata hawlgalka loogu yeero Nabad ilaalinta ee AMISOM.

halgankanet@gmail.com  


fataawa Inhizaamiya4-3.rmvb

fataawa Inhizaamiya4-2.rmvb

fataawa Inhizaamiya4-1.rmvb

fataawa Inhizaamiya4-5.rmvb

fataawa Inhizaamiya4-7.rmvb

fataawa Inhizaamiya4-8.rmvb

fataawa Inhizaamiya4-9.rmvb


Waa muhim inaad fiirsato Filimkan: My Somali people watch this video please. Viva ♥ ♥ ♥ ...

Qaxootiga Soomaalida oo lagu xadgudbo gudaha Kenya

$
0
0

Hay'adda Amnesty International, ayaa dhaleecaysay qaxootiga Soomaalida sida loola dhaqmo gudaha dalka Kenya.Warbixin goor dhow la soo saaray ayaa sheegtay in tobanaan kun oo dadka Soomaaliyeed ah ay khatar ku sugan yihiin.

Warbixin goor dhow la soo saaray ayaa sheegtay in tobanaan kun oo
dadka Soomaaliyeed ah ay khatar ku sugan yihiin, sababtoo ah marka ay ka
soo cararaan dagaalada gudaha Soomaaliya, waxay xadgudubyo lagu kaco ka
mutaan dalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya.

Weriyaha BBC uga soo warama bariga Africa, Will Ross, ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.


Warbixinta amnesty international, ayaa cinwaan looga dhigay "ka yimid nolol aan nabad lahayn tagayna nabad aan nolol lahayn".

Waxaa si aad ah ay warbixintu u dhaliilaysaa
sida qaxootiga Soomaalida ah loola dhaqmo gudaha dalka Soomaaliya
deriska la ah ee Kenya.

Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Warbixintan ayaa sheegay in shaqaalaha amniga ee
Kenya ay si qasab ah dib ugu celiyeen dalka Soomaaliya dad magangalyo
doon ama qaxooti ah, ka dalbaday lacag laaluusha ah, iyagoo sabab la'aan
u xira iyo in qaarkood la iska qabto.

Xadka u dhaxeeya labada dal ayaa xirnaa muddo afar sano ah kadib dagaalada Soomaaliya markii ay soo xoogaysteen.

Waxaa tan loola jeeday in ay Kenya lagu sugo
ammaankeeda. Balse Amnest International ayaa hoosta ka xariiqday in
Soomaalidu ay wali soo galaan Kenya, iyagoo soo mara dhinaca xadka. Hase
yeeshee, maadaama rasmiyan uu xadku xiran yahay, lama diiwaangalyiyo,
sidaa darteedna xukuumadda Kenya ma oga tirada soo gasha dalkeeda.

Kooxda xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in
qaxootigu ay ka cawdaan ammaan xumo ka jirta xeryaha qaxootiga ee dadku
aadka ugu badan yahay, taasoo qayb ahaan ugu wacan in ay ku sugan yihiin
qaar niyadda ka taageersan kooxda maleeshiyada Islaamiyiinta Soomaaliya
ee al-Shabaab.

Warbixinta ayaa soo gudbisay eedeyn ah in
qaxootiga marmar qaar loo adeegsado ay bartilmaameed u noqdaan kooxaha
dadka u qora Al-Shabaab iyo xitaa ciidamada Kenya oo ka dhex raadiyo
dagaalyahanno ay ka horgeeyaan maleeshiyooyinka.

Magaalooyinka Kenya

Dhinaca kale qaxootiga Soomaalida ah ee gaara
meelaha magaalooyinka ah, Amnesty International waxay sheegtay in ay u
nuglaadaan xadgudubyada booliiska.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dhowr boqol oo
Soomaali ah booliisku ay ka uruuriyeen xaafadda Soomaalidu ku badan
tahay, oo ay qasab ku saareen baabuur waawayn.

Booliiska ayaa sheegtay in ay ku howljireen
raadinta soo galootiga sharci darada ah, balse dad badan oo sharci
haysta ayaa la soo xaabiyay intii howlgalku socday.

Warbixinta Amnesty International waxay ku
baaqaysaa in bulshada caalamku ay gacan dheeraad ah ka siiso qaadashada
mas'uuliyadda ka saaran martigalinta qulqulka qaxootiga soo gala
dalkeeda.

Xeryaha Qaxootiga

Mid ka mid ah xeryaha qaxootiga lagu hayo,
Dadaab, ayaa hadda ah magaalada shanaad ee dalka Kenya ugu dadka badan,
iadoo ay ku nool yihiin ilaa sadex boqol oo kun.

Xaaladda halkaas ka jirta ayaa ah mid aad looga naxo, taasoo ay ugu wacan tahay dadka is dulsaaran ee xerada buux dhaafiyay.

 

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dagaal xalay illaa saakay waaberigii ka socday degmada Hodon ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal culus oo ey la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala ayaa xalay ku dhexmaray degmada Hodon ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac kuwa Alshabaab.

Sida la sheegay Weerarka dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Xarakada Alshabaab weerar ku qaadeen dhismaha guriga Shaqaalaha oo ah xarun ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM.
Waxaa Saakay  soo baxay faa-faahin dheeraad ah ee la xiriira dagaaladii iyo duqeymihii ee xalay dhacay, waxaana lagu soo warramay in uu geystay dagaalkaas khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo qof ayaa ku dhimatay Shan kale oo rayid ahna waa ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo xalay degmada Hodon ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda, hase yeeshee  waxaa la sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ku sugnaayeen Xaafado ku yaala degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Alshabaab oo magacaabay guddi la tacaalaya abaaraha ku dhuftay meelo badan oo kamid ah gobolada Dalka

$
0
0

Madax ka tirsan  xarakada Shabaab ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay guddi gaar ah oo la tacaala abaaraha ka jira gobolada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta iyo bartamaha wadanka.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow ah ka mid ah saraakiisha sare ee xarakada Shabaab oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la magacaabay guddi loo magac daray ‘guddiga gurmadka abaaraha’ kaasoo uu madax u yahay Sheekh Suldaan Maxamed Aadan.

“Maanta oo ah 2-da bisha Muxarram waxaan magacaabaynaa gudiga gurmadka abaaraha oo ka shaqeyn doona sidii deeq loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu ku habsadeen ee wadanka ku nool, waxaana ka codsaneynaa dadka inay la shaqeeyaan guddiga”, ayuu yiri Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ka hadlay goobtii guddiga lagu magacaabay.

 Saraakiisha Shabaab waxay kaloo ku dhawaaqeen inay dhawaan bilaabayaan gurmad ururin loo sameynayo dadka ay baaruhu ku dheceen ee ku nool gobolada koonfureed iyo kuwa bartamaha ee Soomaaliya, halkaasoo badankood xarakada Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ku dhawaaqista guddigan maanta ay magacaabeen xarakada Shabaab ayaa ku soo beegmeysa iyadoo badi gobolada wadanka laga soo sheegayo xaalado abaareed oo aad u kulul, kadib markii la waayey roobabkii guga iyo deyrta oo isku xigay.

Meelaha hadda abaaraha laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah gobolada Labada Shabeele, Bay, Bakool, Hiiraan, Jubbooyinka, Mudug iyo Galgaduud halkaasoo dadka iyio duunyadu ay ka cabanayaan biyo la’aan iyo baad oo aan jirin.

Safiir Cali Ameerico oo xabsi ka soo daayay muwaadiniin farabadan somali ah

$
0
0

Safaarada somaliya oo kenya oo shegtay in ay ku guulaysatay sii daynta dad qaar ka mid ah dadkii ay xiriin kenya

safiirka somaliya u fadhiya dalka kenya ap max’ed cali ameeriko oo warbaahinta muqdisho la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ku guulaysteen sii daynta qaar ka mid ah dadkii ay habeeno ka hor ay xireen ciidamada boliska kenya


Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka la sii daayay inay ku jiraan dad sharci la'aan ah, wuxuuna u mahad celiyay xukuumadda Kenya gacanta ay ka geesatay soo celinta xoriyadooda dadkaasi.

Xabsiyadii laga soo daayay dadkan ayaa weli waxaa buuxa maxaabiis Soomali ah iyadoo isla xalay xabsiga loo taxaabay dad fara badan oo Soomaali ah.

Safiirka ayaa waxa uu sheegay in xabsiyada dalka kenya ay ka sii daayen in ka badan baqol qofood islamarkaana ay hadda ku mashquulsan yihiin siidaynta dadka kale ee xiran

max’ed cali ameeriko waxa uu kale uu tilmaamay in ay wasaarada arimaha dibada kenya kala hadleen sidii dadka xiran ee somalida ah iyo sidii ay ugu warejin lahaayen hay’ada qaramada midoobe u qaabishan qaxootiga si sharci loo siiyo soomalida aan sharciga lahayn ee ku nool dalka kenya

dhanka kale sidayntaa waxaa gadlay Gudiga amniga barlamaanka oo soo dhaweeyay go’aanadii maxkamada ciidanka qalabka sida

Xilibaan salad cali jeele oo ka mid ah gudiga amniga barlamanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin go’aanadii ka soo baxay maxkamada ciidanka qalabka sida oo ku aadanaa in la toogto askarigii askari kale dilaa.iyo in tilabo laga qaado sargaalkii ciidanka ka tirsan oo faarujiyo aaga dagaalka

Salad cali jeelle waxa uu sidoo kale ku baaqay in si dag dag ah talaabo looga qaado dadka askarta rasaasta ka iibsada iyo askarigii rasaasta gataa

Ugu danbayntii xilibaanka ayaa waxa uu soo dhaweeyay go’aanadhii ka dhanka ahaa xukunada shabaab iyo xisbul islaam

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live