Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Amar Sirdoonka Dalku Ku Mustaafurinayey Abukar Qaad-diid.

$
0
0

Waxa La Faray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inaan Abukar Cawaale Qaad-diid dalka laga mustaafurin karin
Hargeysa (Waaheen)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa meesha ka saartay Amar hore uga soo baxay Waaxda Socdaalka Dalka oo sheegayey in Abukar Cawaale Qaad-diid uu dalka kaga baxo sida ugu dhaksaha Badan, kadib markii lagu eedeeyey inuu Arrimo la xidhiidha Kooxda Khaatumo ku lug yeeshay.
 
Sida ay Wararku sheegayaan waxa ay Madaxtooyadu  ku warheshay Hadalladii Abukar Cawaale ka sheegay Warbaahinta markii Amarkaas la siiyey kadib baadhitaan iyo Su’aalo Laanta Socdaalku Weydiisay, waxana ay farogelisay Kiiskaas, iyadoo markii dambe amartay inaan Ninkaas laga saarin dalka.
 
Waxa La Faray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inaan Abukar Cawaale Qaad-diid oo  haysta Dhalashada Waddanka Britain  dalka laga mustaafurin karin oo uu inta uu doono uu joogi doono, isla-markaana uu wadan doono Barnaamijyadiisii caadiga ahaa oo qaarkood maanta muddaysnaayeen.
 
Warka Soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxtooyadu si gaar ah Raalligelin ugu dirtay Muwaadinkaasi, isla-markaana Saraakiil Madaxtooyada katirsan ugu tageen Hutelka uu deggen yahay, halkaas oo ay ugu sheegeen inaanay raalli ka ahayn waxa lagula Kacay.
 
Taliska Waaxda Socdaalka Somaliland oo  markii hore gees iskaga duway inuu Arrintaas ku lug lahaa, ayaa Markii dambe qaatay Amarka xagga sare kaga  yimi, waxana  ay ku wargeliyeen Abukar Cawaale inuu dalka sii joogi doono.
 
Dorraad ayey ahayd markii uu Abukar Cawaale Qaad-diid oo Somaliland u yimi Barnaamijyo ka dhan ah Qaadku uu Warbaahinta la Hadlay Xilli uu ilmaynayey, waxana uu sheegay in Waraysi dheer oo Saacado lala yeeshay kadib lagu wargeliyey inuu sida ugu degdegga Badan dalka uga Baxo muddo kooban, waxana ay Arrintaasi keentay dareenka shacabku ka bixiyaan Noqdo mid aan Wanaagsanayn.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Timaha Aan Xiirin Intii Xukuumadda Kulmiye Jirtay Sababaha Keenay Iyo Waxyaabaha Uu La Kulmay

$
0
0

Waxa Uu Ugu Baaqay In Madaxweyne Siilaanyo Doorashada Wakhtigeeda Ku Qabto
Hargeysa(Waaheen)-Maxamed Cali Cumar oo ka mid ah dhalinyarada Somaliland horena u shaaciyay inta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xilka hayso in aanu timaha iska xiiri doonin, ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu doorashada wakhtigeeda ku qabto.
Maxamed sida oo kale waxa uu ka hadlay wakhtigaas shanta sano ku dhaw ee uu timaha aanu xiirin sida ay bulshadu u arkayeen iyo waxyaabii ugu yaabka badanaa ee uu la kulmo. Waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska Waaheen.
Maxamed Cali oo ugu horayntii wax aanu ka waydiinay in aanu wali timaha xiirin sidii uu balan qaaday waxa uu yidhi “Hore ayaan u balan qaaday in aanan shantaas sanadood ee xukuumadda Siilaanyo ay jirayso aanan timaha xiirayn, maantana waxa ii hadhan waa maalmo yar oo kooban, afartaas sano iyo waxa la jiraba wali timo maan iska xiirin.”
Ninkan dhalinayrada ah oo aanu waydiinay waxyaaha ugu yaabka badnaa ee uu la kulmay wakhtigaa uu timaha la baxaayay waxa uu yidhi “Labadii sano ee ugu horaysay wakhtigan aan timaha la baxaayay ee aan taageerayaasha Kulmiyena wali niyad jabin cay iyo waxyaabo kaleba waan kala kulmi jiray laakiin sadexdii sano ee u danbeeyay waa lay garaabay oo inbadan oo dadka ka mid ah waxay u aragtaa inaan ka indheer garadsanaa, qofku marka aanu I garanayan ee timo dhaadheer uu igu arkana waxa laga yaabaa inuu hadalo deelqaaf ah ay iiga yimaadaan, laakiin marka loo sheego dib ayay iixaalmariyaan.”
Sida oo kale Maxamed waxa uu ka hadlay sida uu ku balan qaaday balankan adag “Waad la socotay wakhtigii doorashadii Kulmiye caadifad badan ayaa socotay, hadii xisbigii Udub oo aan ahaa laguu arkaba in lagu caayo ayay ahayd, maalintii uu ku guulaystay doorashada Kulmiye dhalinyaro sagaal ahayd oo aan asxaab ahayn todobo ka mid ahna ay Kulmiye ahaayeen ayaan ku idhi idinku afkuunbaad ka taageerteene anigu shantaas sano ee Kulmiye xilka hayo timo jarimaayo.”
Ugu danbayntii Maxamed oo aanu waydiinay sida uu u arko mudo kordhin haday timaado waxa uu yidhi “Waxaan taageersanahay in heshiiska xisbiyada mucaaradka ah ay ka gaadheen in doorashada maalinteed lagu qabto, madaxweynuuna hore ayuu u balan qaaday isaga oo mucaarad ah iyo isaga oo  xilka hayaba inaan maalin loogu darayn, waxaan markaas jeclaan lahaa inuu wakhtigeeda ku qabto, haduu magac doonayo madaxweynuu doorashada wakhtigeeda ha ku qabto hadii kalena magacla’aan ayuu noqonayaa.”
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kiiniya Oo Madaxooda Lacag Duldigtay Saraakiisha Dalkeeda U Qaabilsan Al-Shabaab

$
0
0

Kenya(Waaheen)-Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi kaas oo lagu magacaabo Masoud Mwinyi ayaa shaaciyay inay raadinayaan laba hoggaamiye oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Labadaan hoggaamiye oo lagu kala magacaabo Maxamed Maxamuud (Dulyadeyn) iyo Axmed Iimaan oo loo yaqaano Abu Zanira ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa tababarada dhallinyarada Kenyaatiga ah iyo weerarada ka dhacaya gudaha dalka Kenya.
Afhayeenka Booliska Kenya ayaa sheegay in cidii keenta xog lagu soo qabanayo labadaan nin la siinayo lacag dhan 5-Milyan oo Shilinka Kenya ah una dhiganta 48-Kun Dollar, wuxuuna afhayeenku intaasi ku daray in labadaan hoggaamiye sharciga la hor keenayo.
Ninka lagu magacaabo Maxamed Dulyadeyn ayay sheegeen saraakiisha Booliska Kenya inuu ka soo jeedo magaalada Gaarisa, halka ninka kale ee lagu magacaabo Axmed Iimaan uu ka qalin jebiyay jaamacad ku taala magaalada Mombasa isla markaana Al-Shabaab u qaabilsan yahay tababarada dhallinyarada Kenya.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dawaladda Somaliland oo wefti culus u dirtay Tacsida Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti.

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Dawladda Somaliland ayaa shalay u dirtay dalka Jabuuti wefti culus oo ka kooban guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur iyo xubno kale, kuwaas oo ka qayb gali doona Tacsida Guddoomiyihii Baarlamaanka Dalkaasi oo Geeriyooday.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah ugu baroor-diiqay dhigiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Marxuum- Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska Saxaafadda madaxtooyadda Somaliland Md.Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Barlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Gudoomihii barlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Bank bans Somalis from sending money home

$
0
0

Canadian describes difficult aid work Somalia

$
0
0

Latest developments on ISIS fight

$
0
0

14.02.2015 Barnaamijka Subax Wanaagsan Ee Radio Hargeysa.

$
0
0

Madaxweynaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Guriceel ka socda

$
0
0

Share
Isagoo u waramayay laanta af-Soomaaliga ah ee idaacada BBC-da, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomalia mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Guriceel, musuq maasuqa iyo waxa dowladda uga qorsheysan iyo arimo kale .
Madaxweynaha oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii dhiiggu ku daatay ee ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada halka isku haya in wada hadal lagu xaliyo tabashada jirta isagoo ugu baaqay in cid kasta oo tabasho qabta  ay dowladdu diyaar u tahay in ay dhageysato cabashadeeda.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee somalia mudane xasan sheikh maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay arimo la xiriira musuq la sheego in uu ka dhex jiro hay’adaha dowladda qaarkood ayadoo dhawaan xafiisyada xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka guud  ay soo bandhigeen eedeymo la xiriira musuq maasuq jira. waxaana uu sheegay madaxweynuhu in cid kasta oo lagu helo arrintaas sharciga la marsiinayo ayadoo la raacayo shuruucda dalka u taalla.
Ugu dambeyn madaxweynuhu wuxuu sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay oo uu baaritaan guud oo uu mar walba isku sameeyo uu u tagay Jarmalka. Ayadoo sidoo kale ay jiraan shaqooyin kale oo dowladeed oo uu     u tagay waddankaas.
Qeybtan hoose ka dhagayso warbixinta
jQuery(document).ready(function($) {
$('#wp_mep_2').mediaelementplayer({
m:1
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen']
,audioWidth:400,audioHeight:30
});
});
Share
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

What Is a New War Authorization Worth?

$
0
0

Obama expanded the war and used the resolution to justify military action against Al Qaeda in Afghanistan, Pakistan, Somalia, and Yemen. But when the Arab Spring drew the United States into a new set of military interventions in the Middle East ...
Weblinks: 

Lub Teb chaws Somalia no nws nyob rau sab ntuj twb? Nws muaj teeb meemdab tsi?

$
0
0

Yog tias lub teb chaws Somalia no tsis muaj nom tswv ua cas lub teb chaws no hos tsis muaj ib pab nom tswv uas lawv yuav los kav tau Somalia txog 20 tawm xyoo los no, Koj puas paub txog ntawd nws cov teeb meem.
Weblinks: 

“LACAG haddii la waayo waa la helaa micnuhu maaha in safaarado la xiraa”

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cumar Carte, oo ka hadlaayay dowlad wanaaga, ayaa sheegay in Somalia ay mudan tahay inay dib ula soo laabato Hanaanka Diblumaasiyadeed.
Maxamed Cumar Carte, waxa uu sheegay in shaqsi ahaan uu DF, gaar ahaan Wasaarada arrimaha dibadda ugu yeeri lahaa inay ka fiirsato go’aanka ay albaabada isugu laabtay Safaaradaha ay ku leedahay Caalamka intiisa kale.
“Inkastoo aan jecleen inaan ka hor imaado Siyaasada, waxa ay Somalia soomaali ku noqotay waa inay safaarado ku leedahay Caalamka intiisa kale, kuma saleynkarna in lacag la waayay, lacag haddii la waayo wey imaadaa”.
Waxa uu Maxamed Cumar Carte Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Somalia ugu baaqay inuu xooga saaro sidii dib loogu furi lahaa dhamaan Safaaradaha DF Somalia ay ku leedahay dalka dibadiisa.
Wuxuu carabka ku dhuftay in jiritaanka dowlad lagu aqoonsado inay Xarumo ama safaarado wakiil u ah ay ku leedahay wadamada ay saaxiibadu la tahay, taasina ay ka turjumeyso Hanaanka Dowladnimo.
Dhanka kale, waxa uu ku taliyay in laga faa’iideysto dabacsanida ay Beesha caalamka u muujineyso Somalia, sidoo kalane la adkeeyo xiriirada Wasaaradaha DF iyo wasaaradaha dowladaha caalamka intooda kale.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhaqdhaqaaqyo dagaal oo qeybo ka mid ah gobolka Jubada Hoose ka socda

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka aan ka heleyno Degmada Hoosingo ee Gobolka Jubada hoose, ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemaayo saan saan colaadeed oo u dhexeeya Ciidamada MKG Jubba iyo kuwa deegaanka.
Ciidamada Maamulka, ayaa halkaasi geeyay ilaa Lix gaari nooca dagaalka ah, waxa uuna ujeedkoodu yahay inay halkaasi ka saaraan Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa deegaanka Hoosingo, si ay iyaga u maamulaan Degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa kasoo horjeeda in Ciidamada Maamulka KMG Jubba ay halkaasi maamulaan, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamadaasi ay hanjabaado kala duldhaceen dhowr Oday oo iyagu damacsanaa inay kala xaajoodan arrinta duulaanka ah.
Nabadoon C/qaadir Faarax oo kamid ahaa Odayaasha loo hanjabay ayaa waxa uu yiri ” Waxaa nasoo duldagay Ciidamo uu watay Maxamuud qaalib oo hal beel ah, waxan u dirnay Odayaal la xaajooda, markii lesku dayay inaan la xaajoono waxa ay noo sheegen inay waajibkeena na waafajin doonaan haddii aan ka dultagin”
Waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray “Colaad baa meesha ka socta, waxaa inoo muuqata in Beesha axmed madoobe ay wado dhul balaarsi, ciidanka nasoo dul dagay waxaa laga keenay Dhoobley waxa ayna ku qabiilyihiin Axmed Madoobe”
Waxa uu sheegay in tani ay tahay beel wada dhul-balaarsi, islamarkaana uu Axmed Madoobe u cabiidinaayo beeshiisa.
Waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay jawaab degdeg ah ka bixiso talaabooyinka ay Ciidamada MKG Jubba ku doonayaan inay ku boobaan Shacabka deegaanka Hoosingo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gen. Galaal: “DF ayaa qastay Guriceel, Ahlu-Suna waxa ay mudneyd in loo…”

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Iyadoo weli Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud laga dareemaayo xiisado colaadeed oo u dhexeeya Ciidamada DF Somalia iyo kuwa Ahlu sunna, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Maxamed Nuur Galaal.
Galaal ayaa sheegay in Dowlada federaalka ah ee Somalia faragalin qaawan ku heyso hanaanka geedi socodka Maamulka Gobolka Galgaduud.
Wuxuu tilmaamay in Dowladu ay dagaal kala duldhacday Ciidamada Ahlu sunna, xili ay degneyd xaalada Degmada Gurceel, taasina ay tahay mid xasilinteeda looga fadhiyo DF.
“Dowlada ayaa duulaanka kusoo qaaday Gurceel, waxa ay qastay amaanka Degmada oo markii horaba ay ka jirtay nabad, Gurceel Ahlu sunna ayaa ka saartay Maleeshiyada alshabaab waa in looga mahadceliyaa mooye in lala dagaalamo ma muteysan ee DF haka fiirsato dagaalka ay ka wado Guriceel”.
Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa ”Waxan ku baaqayaa in DF ay ku dadaasho xasilinta degmada Gurceel, waxaana looga baahan yahay inay aqoonsato Maamulka Galgaduud”.
Hadalka Gen. Galaal ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Madaxweyne Xassan Sheekh uu si cad u beeniyay in Dagaalka ka soconaya Degmada Gurceel ay wax lug ah ku leedahay Ahlu sunna.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shirkaddii labaad oo shidaal sahmintii Puntland joojisay kaddib amarka DFS !!

$
0
0

Boosaaso (Caasimada Online) - Horn Petroleum oo ah shirkad ka shaqeysa shidaalka iyo saliid baarista ayaa sheegtay in ay joojin doonto joogitaankeeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Warkan ayaa lugu sheegay in shirkaddu ay iska deyn doonto kharashaadkii ay gelin jirtay howlo ay halkaas ka haysay, inta xal laga gaarayo khilaaf ku saabsan sharcinnimada qandaraasyada oggolaanaya saliidda ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Horn Petroleum waxa ay sheegtay in dowladda Puntland ka codsatay labo sano oo muddo kordhin ah, laga billaabo hadda in dib loo dhigo sahminta shidaalka, inta laga xallinayo caqabadaha siyaasadda.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr mar shirkadaha shisheeye ee dalka ka wada howlaha shidaal iyo macdan-baarista ah uga digtay inay sii wadaan howlahaas, maadaama aysan oggolaanshiyo ka haysan dowladda dhexe ee dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha hay’adda macdanta iyo shidaalka ee Puntland, Ciise Faarax Dhoollawaa uu sheegay in maamulka uu si madax-bannaan u baari doono shidaalka, si khayraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo bulshada.
Waa shirkaddii labaad ee joojisa shidaal sahminta Puntland muddo bil gudaheed ah, xilli ay muuqato in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay saameyn xooggan yeelatay.Caasimada Online
Xafiiska BeledweyneCaasimada@live.com

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay arrin muhiim ah oo lagu eedeynayay DFS !!

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu ka hadlay wararka la xiriira isdaba-marinta Hantida Qaranka.
Waxa uu sheegay inay dowladu ay si buuxda ula dagaalami doonto musuqa lagu eedeynaayo, waxa uuna meesha ka saaray inuu wax kala socdo talaabooyinka musuqa ee lagu eedeynaayo Hay’adaha dowlada iyo shaqsiyaadka farakutiriska ah.
Madaxweynaha ayaa xusay inay hadda dhisan yihiin hay’ado awood u leh xakamaynta musuq-maasuqa, balse cilada ugu weyn ay tahay in si joogto ah loola socdo qaabka ay u dhacdo Musuqa.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in caddaaladda la hor geynayo cid kasta oo lagu helo musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.
Marar kala duwan oo hore ayaa musuq-maasuq lagu eedeeyay hay’ado ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

SOOMAALIYA oo laga joojiyey JAADKA

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Shirkadaha ka ganacsada Jaadka, ayaa waxaa lagu sheegay in muddo 5-maalin ah aan dalka Somalia laga soo dajin doonin wax Jaad ah.
Ganacsatada jaadka ayaa go’aan ku gaaray in la hakiyo jaadkii ka iman jiray Kenya, iyagoo dhowr arrimood u sababeeyay.
Waxa ay u sababeeyen inuu jiro hoos u dhac ku imaaday dhaqaalihii kasoo xaroon jiray, islamarkaana lagu kordhiyay lacagihii canshuurta oo ay ka qaadi jirtay DF Somalia.
Go’aanka sida kumeel gaarka ah loogu hakiyay Jaadka ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeelan doono Ciidamada DF Somalia, shaqsiyaadka ka ganacsan jiray iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee isticmaala Jaadka.
Sidoo kale, go’aanka ay ganacsatada ku joojisay jaadka ayaa si dhaqso ah waxaa aragtiyo kala duwan uga dhiibtay dadweynaha Muqdisho, Puntland, Jubaland iyo Gobolo kale, kuwaasoo labo siyaabood uga hadlay qaarkood waxay sheegeen inuu yahay midwanagsan go’aanka,halka kuwo kalana ay u arkan go’aan an qurxooneyn.
Dhanka kale, Joojinta Jaadka ayaa waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin farabadan oo suuragal ah inuu sababo isku dhac dhanka Ciidamada DF iyo dadka shacabka ah, maadaama Ciidamadu yihiin ku aan joogi karin Jaad la’aan.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xasan Sheekhow: Nin agoon ku xadey qalin qeyr kama macaasho (Warbixin)

$
0
0

Shacbiga Soomaliyeed tan iyo intii ay dhalatey dawladii ugu horeysey markii Xornimada la qaatey Sanadkii 1960,kii ilaa maalinkan maanta ah dawlada iney iyaga leeyihiin waa Liqi weysan yahiin ama waa ay ka daadegi La,dahay waxeyna u arkaan dawladu iney u tahay Cadow sababtoo ah marka dhab loo hadlo shacbiga soomaaliyeed lama tusin Kalsooni dhab ah oo ay ku Aaminaan xukuumadahooda. waxyaabaha la yaabka ah ee mudadaa dheer la arkayey waxaa ka mid ah iyadoo umadda soomaalida ay arkaan mar kastaba Hogaamiyeyaasha Majaraha u qabta xukunka dalka oo Cadaalad daro iyo Boob u geysta xoolahii umadda ka dhaxeeyey kuwaas oo Jeebabka Buuxsada.
Aan u soo daadego Dulucda qormadaane Waqtigan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud markaan eegno wax badan ayaa Ummadda Soomaliyeed laga gaday ama laga iibiyey in Xasan Sheekh Maxamuud aanu ahayn Nin Xoolaha Umadda dhaca. Waxaase Xaqiiqa noqotey in taasu ay hartay.
Bal aan ugu horeyn eegno “ Xagee ka timid Fadeexadii Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhawr bilood ka hor dhacdey.
Aan ku bilaabo sida ay u kulmeen Ganacsade Muuse Ganjab iyo Yusur Abraar.
Muuse Ganjab ninka la yiraahdo oo bilahii la soo dhaafey warbaahinta gudaha iyo tan dibada ay si weyn magaciisa u hadal hayeen waa Ganacsade Madaxweyne Xasan Seekh ay Qaraabo yahiin waxaana uu ka soo jeedaa Qoys caan ku ah dhinaca Ciyaaraha.
Mr Ganjab ganacsigiisa waxuu ku wajahan yahay Isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale waxaana uu degan yahay dalka Koonfur Afrika,
Haweeneyda gudoomiyaha ka noqotey Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya Yusur Abraar iyo Muuse Ganjab waxey isku barteen dalka Gaaboon isagoo halkaas ku lahaa ganacsi uu ka mid yahay shirkad xaga Telefoonada ah.
Yusur Abraar waxaa ay hada ka hor shaqo u tagtay dalka Gaaboon shaqooyinkaas oo la xiriiray dhinaca Bangiyada.
dhinaca kalena Muuse Ganjab iyo gudoomiyihii bangiga dhaxe ee is casiley Cabdisalaan Hadliye haatana ah wasiirka arimaha dibada dawlada soomaaliya waxey ahaayeen Rag isku xiran waxuuna Muuse Ganjab uu Lug ku lahaa magacaabistiisii.
Waxyaabihii ugu waaweyn ee uu xilka ku waayey Mr hadliye waxaa ka mid ahaa in isaga iyo labo ka mid ah shaqaalaha dowlada oo ka kala tirsan Wasaarada Gaashaandhiga iyo Wasaarada Maaliyada ayna is xigaan Madaxweyne Xasan sheekh in lacag 12 milyan oo Dolar ay bankiga kaga qaateen sifo Sharci daro ah.
Markii ay Fadeexadaas dhacdey oo gudoomiye Cabdisalaan Hadliye Xilka uu iska Casiley waxaa uu ganacsade Muuse Ganjab mar kale uu ku guuleeystay in Yusur Abraar loo magacaabo gudoomiyaha bankiga dhexe si uu meeshiisii uga sii wato Boobkii dhaqaalaha wadanka waqti Mushaar la’aan ay heeysey Shaqaalaha dowlada iyo ciidamada .
Mr Ganjab waxaa uu mar kale isku dayey inuu heshiis kula galo Gudoomiye Yusur Abraar in isaga looga danbeeyo soo xareynta Lacagta Soomaliya ay laheyd ee dibada ugu maqan 20,kii Sano ee la soo dhaafay . waxaa sidoo kale hehiiskaas ku jiray kamaal Guutaale oo mar soo noqdey Agaasimaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh waxuuna soo xir xiray heshiiska Shirkadda Shulman, Rogers, Nuurto Sheekh Maxamud oo ah Madaxweynaha walashiis-madaxna ka ah NGO sidii Wasaarad oo kale u shaqeeysa.
Markii ay arintan ka shireen waxaa lagu heshiiyey in Marwo Yusur lagu War geliyo in Lacagtaas meel la isla ogyahay lagu shubo taasoo ah Account uu leeyahay Muuse Ganjab oo ku yaala dalka Koonfur Afrika si Madaxweyne Xasan sheekh uu s i gaar ah ugu furdaamiyo arimahiisa u gaarka ah.
Sida warar xaqiiqa ah ay sheegeen Madaxweynhuhu arintaas wax buu ka ogaa. dadka dhacan xoolaha umadda soomaaliyeed u heshiiyayna Hareerihisa ayey fadhiyaan waana Qaraabo aan waxba laga qaban karin. Yusur abraar markii ay aragtay qiyaas la’aanta meesh taalo iyo baaxada ay Lacagta leedahay ayey waxa isku dayday ina ay u sheegto Madaxweynaha maadaama uusan jirin Ra,iisal wasaare wax loo sheegi karo oo awood leh markaas. Waxaa hadaba dhacdey in qaar wasiirada xukuumadii Saacid ka mid ahaa ay Marwo Yusur Abraar u sheegeen in arintaan aanay waxba ka qaban Karin Madaxweynahana uu wax ka ogyahay kuna dhihi doono. la shaqee Muuse Ganjab tasoo Macnaheedu “yahay aniga ayuu iga wakiil yahay” markii ay arinta u sheegtayna sidii ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Maxey aheyd sababtii ay la Carartay Marwo Yusur Abraar !
Waxaa dhacdey in Yusur Rag Madaxtooyda Dowlada Federaalka ah ay ugu hanjabeen in la dili doono hadii aysan Lacagta oo dhan ku shubin Account loo Qoray ee first Rand bank orn Nedbank accounts .
Waxaa kaloo jirtey in waqtigii uu joogay gudoomiyahii iska casiley bangiga dhaxe Cabdisalan Hadliye lagula heshiiyey in Lacagta uu Muuse Ganjab ku yeesho 10% , Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker 30% , Shaqsiyaad kale 30% percent . Dowlada Soomaliyeed wax ka yar 4%
Hadaba iyadoo xaalada halkaas mareyso ayaa waxaa Yusur Abraar ay xiriir hoose la sameeysay saaxiibadeed ka yimid Soomaaliland kuwaasoo qaar ka mid ah ku dhiiri geliyey iney fuliso qorshaha uu wato madaxweynaha laakiin Rag Mucaarad ahaa kana soo horjeeday Siyaasada Xasan Sheekh iyo Damu Jadiid ayaa waxey Yusur Abraar kula taliyeen inaanay ogolaan dhaca xoolaha ummadda soomaaliyeed waxaase gudoomiye Yusur aysan marna ka fikirin in gabar xamar lagu dili karo waqti kasta. Waxaa ay markaa la xiriirtay Safaardaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dubai kadib markii ay u dhaarteen wiillasha aan wax u taliya la aqoon ee Xasan Sheekh Maxamuud uga shaqeeya madaxtoyada. Waxaa lagu waaniyey Marwo Yusur ina ay sida ugu dhaqsaha badan Xamar uga dhoofto saacado ka dibna dalka waa ay ka carartey waqtigaas waxaana Yusur ay banaanka soo dhigtey Fadeexada ay la kulantey si gaar ahna ugu wajahaneyd Madaxweynaha waxaaana dhacdey in lagu qal-qaaliyey in dib loogu caro celiyo Xamar si looga fushado howlaha dhaca iyo boobka Madaxtooyda laga abaabulo waana ay iska diiday Marwo Yusur Abraar wararku waxaa ay Waqtigaas sheegayaan in Muuse Ganjab Xamar iskaga cararey kadib markii arintaan ay banaanka timid.
Madaxweynuhu waxaaa uu codsadey in laga Aamuso aana laga hadlin kadibna ay iska dhiman doonto hadal heeynteeda bilaha soo socda.
Waxyaabaha Bulshada soomaaliyeed ay dhabanada la qabsadeen waxaa ka mid ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud wax qabad l’aantiisa uu ku darsadey . Qaraabeeysi Beeleed, Qabyaalad Umadda lagu qaybiyo ilaa Jufo Jufo iyo in laga fogaado Aqoon yahanada wadaniyiinta daacada ah ee dibada ka yimid iyo kuwa gudaha jooga maadaama aan la Qiyaani Karin, si fududna aan loo xakameeyn karin.
Fadeexooyinka kale ee Dawlada Madaxweyne Xasan sheekh Maxamud waxaa ka mid ah in Dowlada Mareykanku ay soo ogaatay in cuntada ay ciidanka ugu talo gashay (meals Ready to eat or MRE) laga gado ama laga iibiyo Ururka Alshabaab. taasoo lagu arkay Maleeshiyo Alshabaab ah oo wata cuntadii loogu tala galay ciidanka qaranka waxaana arinta fuliyey wiil yar oo ah Taliyaha Taakuleeynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed ah laguna magacaabo Cabduqadir Macalin Nuur.
Waxaa kaloo xusid mudan in mushaarkii ciidamada qalabka sida ee bilihii Oktoobar, Nofembar iyo Disembar sanadkii 2013,kii oo gaaraya ilaa $8.4 malyan doolar la lunsaday. La isma weydiin! Lacagahaasi waxaa soo qaaday sarkaalka lagu magacaabo Cabduqadir Macallim Nuur oo la ogyahay in uu si toos ah Xasan Sheekh ugu wareejiyey. Waxaa kaloo uu sarkaalkan maalin kasta dekedda muqdisho ka qaataa lacag dhan $31,000 doolar oo loogu talo galay raashinka iyo shidaalka ciidamada xooga dalka soomaaliyeed. Ciidamada dhowr bilood ka hor la ceyriyey waa ciidamadii dalbaday in la siiyo xuquuqdooda. Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ciidamada dalka dhiso wuxuu ka door biday in uu cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya Soomaaliya ku soo hoggaamiyo.
Waxaa intaa dheer, waxaa jira xisaabaad (accounts) Bangi oo Xasan Sheekh ka furtay Dubai, Qaahira iyo Istanbuul. Waxaa la ogyahay in dowladda Qatar ay lacag dhan $15 milyan oo doolar ugu shubtay Xasan Sheekh bangi ku yaal Qaahira markii uu ka laabtay Shirkii London ee bishii Febaraayo sanadkii 2013,kii.
Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis Dam Jadiid waxay u dhaqmaan sida NGO. Waxay la wareegeen dhammaan mashaariicdii ay dalka ugu deeqeen waddamada Carabta iyo Turkiga. Mashaariicda kale ee ay Damu jadiid lunsadeen lama koobi karo.
Guul Darooyinka ku habsadey shacbiga soomaaliyeed waxaa ka mid ah in marka horaba soomaali wax ka sugto Madaxweyne NGO ah, saaxiibadiis ay NGO, yihiin, inagoo og kuwa NGO ku shaqeysta in ay jecelyihiin inaan dowladi jirin waayo waxaa ay ku jiraan kaalintii dowlada oo wixii Soomaaliya loogu talo galayna waxaa qaybsada NGO iyo kuwa Beesha Caalamka wax u soo dhiibto ee Degan Magaalooyinka Nairobi, Addis-Ababa, Roma iyo Bruselles.
Waxaa haatan shacbiga soomaaliyeed u Cadaatey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan aheyn masuul qaran ee uu yahay Nin Xoolo Boob meesha u yimid sidoo kale marka la eego hab dhaqankiisa maahan Nin raba inuu dowlad iyo nidaam dhiso ee waa Nin rabo inuu soomaaliya dib uu ugu celiyo hogaamiye kooxeedkii la tir tiray Beeleeysi iyo Gumeeysi cusub oo uu soomaliya ku soo hogaaminayo. Hadaba xaalku waxuu taagan yahay soomaliyeey intaaas ha idinkga filnaato Madaxweyne NGO,ah.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekhow boobka aad ku heyso xoolaha umadda ka dhaxeeya waxaa horey Hees uga qaadey fanaanadii heerka qaran ee hobolada waaberi alaha u naxariistee Xaliimo khaliif Magool waxaana ay tiri. Nin Agoon ku xadey Qalin Qeyr kama Macaasho. Aqriste waxaan qoraalkeyga ku soo qatimayaa qeyb ka mid ah Gabay uu tiriyey Abwaan Hadraawi oo uu kaga hadlay boobka ay raga madaxda ah sida madaxweyne xasan sheekh ay u geystaan xoolaha umadda ka dhaxeeya waxaana Abwaanka uu yiri.
Daaraha xusuustiyo, hadba midab la doortiyo.
Diirka lagu mariimoo, shanta daadsan yaaliin.
Deeqdaas la yaabka leh, duco waalid soo hoyn.
Carshigana kasoo degin, dal shisheeye loo tegin.
Duullaana loo gelin, ninka weel darsanayee.
Digashada saboolkiyo, ku darsaday bareeraha.
Miyaan eedi daba ool, godobtiisu dedanaa.Waxaa qorey: Cabdulahi Nur ColomboAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xulista Baarlamaanka Jubba oo bilaabatay & Beelaha oo isku khilaafsan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalintii shalay ahayd degmada Doolow ee gobolka Gedo gaadhay wafdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Wafdigan oo ka kooban wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa halkaas u tagay wadatashi ku aadan soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland oo sida qorshuhu ahaa ay ahayd in lasoo afmeero daba yaaqada Bishan February.
Wafdiga ayaa waxaa degmada Doolow ku soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka degmada iyo shacabka ku dhaqan magaalada.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo hadlay ayaa sheegay in magaalada Doolow ay ku sugan yihiin odyaashii dhaqanka ee degmooyinka Baled xaawo,Luuq iyo Doolow ayna diyaar uyihiin xulista xubnihii kamid noqon lahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubaland, wuxuu intaas raaciyay inuu rajeenayo in dhawaan ay ku soo biiraan odayaal ka socda garbahaarey iyo Ceelwaaq.
Xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubaland ayaa qorshuhu sida uu ahaa loogu talagalay in lagu soo afmeero muda bil ah oo kasoo bilaabatay 21/01/2015 kuna eg 21/02/2015.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Odayaasha qaar ay u jabeen shirka Midnimo oo isagu looga soo horjeedo Maamulka Jubbaland, waxaana ay wararku sheegayaan in Khilaaf xoogan uu iminka ka taagan yahay qaabka loo soo xuli lahaa Xildhibaanada Maamulka Jubba.
Odayaasha qaar ayaa iyagu faarujiyay Hoolka shirka lagu dhisaayo Baarlamaanka, halka Qabaa’ilada qaarna ay iyagu si kam ah uga baxeen, kadib markii ay sheegen in Maamulka uu kala hor imaaday faquuq.
Dhanka kale, waxaa lasoo warinayaa in shirka uu ku dhaco dib u dhac maadaama Odayaashu ay kala go’een, waxaana sidoo kale suuragal ah inuu si wanaagsan usoo idlaado.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xildhibaanada beelaha Hawiye oo soo saaray go’aan ka kooban shan qodob

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Xildhibaanada Beelaha Hawiye ugu jira baarlamanka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadlayeen xaaladda dalka.
Waxyaabaha xildhibaanada beelaha Hawiye ay si gaar ah uga hadleen, ayna bayaanka kasoo saareen waxaa ka mid ahaa, colaadda gobolka Gal-Gaduud, shirka Dhuuso-Mareeb iyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.Hoos ka aqriso bayaanka oo ka kooban shan qodob.