Maciishad Kastaa Waxay Ku Sar Go’antahay Shidaalkii Oo Tusaale Ahaan Hadii Shidaalkii Kaco Laydhkii Ayaa Lagugu Qaaliyaynayaa
Hargeysa(waaheen)-Jamaal Cali Xuseen oo ku takhasusay maamulka lacagta iyo maaraynta isla markaasna ka soo shaqeeyay bangiyo caalmi ah ayaa lafo guray sida sixir bararku uu dalalka dunida ugu dhaco iyo khaasatan geeska Afrika ee ay Soomaladu dagto.
Jamaal waxa uu falanqeeyay waxyaabaha saamaynta ku leh dhaqaalaha ee keena sixirbararka, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi dheer oo ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee VOA, hadaba ugu horayntii dhaqaala yahankan oo ka hadlaayay waxyaabaha keena sixirbararka waxa uu yidhi“Sixir bararka dhawr waxyaabood ayaa keena inta aan ogahay ee geeska Afrika ka jirta horta shidaalka ayaa ka mid ah marka uu cirka isku shareero ama dawladuu ay cashuur ku kordhiyaan oo markuu qaaliyoobo nolashoodii ayuu ku sar go’an yahay, oo inta badan waxa dhacda baabuurkii soo qaadyay shidaal ayuu isticmaalayaa, maciishad kastaa waxay ku sar go’antahay shidaalkii oo tusaale ahaan hadii shidaalkii kaco laydhkii ayaa lagugu qaaliyaynayaa,ninkii wax soo dajinaayay sida raashin iyo waxyaabaha kale isaguna qiimii ayuu dusha ka sii saarayaa, doolarka oo ah lacagta adag ee lagu iibsado shidaalkuna hadii uu hoos u dhaco way saamaysaa shidaalka, shidaalkuna marna duniduu ka qaaliyoobaa marna maamul daro ka dhacda maamulada oo ay ka mudtahay dad kooto loogu xidho oo iyagu waxay doonaan ku darsada, waana waxyaabaha loo baahan yahay in baanka dhexe maamulo oo uu dhaqaalaha isku dheeli tiro.”
Jamaal oo la waydiiyay bangiyada dhaxe waxay dhaqaalaha dalalka ku taraan waxa uu yidhi “Dalka ayuu kayd u samayn karaa oo hadii dalka dhibaato ku dhacdo baanka dhaxe ayaa lacagtaas laga isticmaalaa, imika tusaale ahaan Soomaalidu baan dhaxe ma laha laakiin dunida kale lacag ayaa meel u taala oo hadii wax ay dhacaan la isticmaalaa, tusaale ahaan maalinta abaari ay Soomaali ku dhacdo waa laysku yaac yaacaa oo waa ta laynoo gurmado, laakiin hadii baanka dhaxe wax inoo maamulaayo in aynu lacagtaas iscimaalno ayay noqonaysaa, dhaqaalaha dalka kaalin ayuu ka qaataa bangiyada waxa la yidhaahdaa boqolkiiba sodan dhaqaalaha dalka ayay ku fadhiyaan, siday ugu fadhiyaana waa inay maamulayaan lacagtii iyada oo dadkiina u taala oo ay u nabad tahay, markaas waxa dhacaysa marka dadkii ay lacagi u taalo bangigii oo uu siibixiyay hadii lacag la’aan ku dhacdo bangiga dhaxe ayuu u cararaa oo sii siiya, dalka hadii lacagtiisa la hayaa aanay shaqaynayna ma horumaro, oo wadanba wadanka uu xaga bangiyada kaga xoog weyn yahay ayuu ka dhaqaale badan yahay aduunka, sababta oo ah lacagtii ayaa shaqaynaysa oo aan jiifin.”
Dhaqaala yahan Jamaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Tusaale ahaan Somaliland ayaa la sheegay lacagta xawaaladaha taala in ay tahay 300 oo milyan oo dolar waana lacag jiifta oo aan runtii lagu shaqaynayan, dunidana dadka fikiradaha haya ayaa kanbani samaynaaya markaas lacag ayay u baahanayaan oo baanka ayaa sii maalgalinaaya, dadkii shaqo abuuris ayay bilaabayaan, dunidana dhaalahu waxa uu ku xidhan yahay ganacsiga ee dawladaha looma wada shaqo tago, inaga dhibaatada ina haysata xarumaheenii dhaqaalaha ayaa aad u liita oo lacagtii aynu haysanay ayaynaan isticmaali karaynba, laakiin dunida kale markay samaystaan bangigaas dhaxe iyo banaankii kale oo shaqaynaaya waxa dhacaysa dadka fikradaha wanaagsan haya in maalgalin lagu sameeyo dadkaasina ay shaqo abuuris sameeyaan dhaqaalahuna uu sidaas ku sii xooganaado oo dadkii wax soo saar ay yeeshaan.”
Jamaal oo la waydiiyay sababta ay Soomaalida Qadhaalaheedu u badbaaday iyaga oo aan lahayn bangi dhaxe iyo bangiyo kale toona waxa uu yidhi“Dhaqaalahu waxa uu ku badbaaday dadkii dabada joogay ee habeen iyo maalin shaqaynaayey oo lacagta xawaaladaha ku soo diraayay, sanadkiina in hal bilyan ka badan ayaa dhulka Soomaalida loo soo diraa lacagtaasina waxay noqotay mid dhaqaalaha xoojisa, xoolihii wali sidii ayaynu u dhoofinaa laakiin waxa dhaafay dhaqaalaha dadkeenii dibada ka soo diraayay, waxa la yidhaahdaa wadanka Filibiin halka inaga dadka dibadu ay inoo soo diraan hal bilyan sanadkii iyaga dadkooda dibadu waxay u diraan 60 bilayan, waxaanu dhaqaalahu ku badnaaday lacagtaas lasoo diraayay iyo ganacsigaas ay Soomaalidu ku wanaagsanayad ee ay keenaysay wadamadan aynu jaarka nahay ee geeska Afrika.”
Mar la waydiiyay saamaynta lacagaha layska soo daabacdo ay dhaqaalaha ku leeyihiin waxa uu yidhi“Hadii baanka dhexe uu marka uu lacag u baahdaba uu iska soo daabacdo oo waxii wax dhaqaale ku fadhiyaba aanay ahayn runtii dhibaato ayay umaddii u keentaa oo sixirbararka ayay sii kordhisaa lacagta layska daabacanaayo, oo hadii qofku lix kun ku qadayn jiray waxa laga yaabaa marka lacagtii badato in laba iyo toban kun ay gaadho, laakiin dhankan Somaliland lacagteedu caadi ayay ahayd.”
Ugu danbayntii Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaayay sida ay isku saameeyaan dhaqaalaha iyo siyaasadu waxa uu yidhi“Inta badan madaxda aduunka ee dhaqaalah fahansan ama isku xeera dad dhaqaalaha fahansan ee xooga saaraa waa madaxda guulaysata oo dadkooda intii yarayd ee ay haysteen haday si fiican ugu maamulaan wax wanaagsan ayay u noqotaa, madaxda inta badan aan dhaqaalaha fahan sanayan ama dadka fahansan aan isku wareejin maamuladoodu ma waaraan dadkuna aad ayay uga cawdaan,oo waadiga arkay dalalka qaarkood dhoorida ama sonkorta oo la dalaco ayaa dalka oo dhan gilgisha, markaas dadka hadii calooshu madhan tahay waa dhibaato, siyaasad iyo dhaqaalahna xidhiidh weyn ayaa ka dhaxeeya, mida kalese musuqa oo Afrika daashaday aad ayuu dhaawacay siyaasadaheedii hore laakiin imika cirkay Afrika martay oo tobankii sano ee aan ka shaqaynaayay markaad dhanka dhaqaalaha eegtid siyaasada ayuu isbadal weyn ka dhacay, oo markaad Afrika eegtid guud ahaan isbadal weyn ayaa ka dhacay oo waxaad arkaysaa in sadex afar jeer uu dhaqaalahoodii is afar jibaaray toban sano gudahood taasna ay sababtay ibdal ku yimi dhanka siyaasada, waxaan odhan karayaa aniga laftaydu nin dhaqaale yahayn ah ayaan ahay oo ka shaqaynaayay bangiyada caalamiga ah iyo dhankaas waxaanan is arkayuun markaan Afrika eegaayay ee dalalkii ay dadkoodii u soo noqdeen ee ay siyaasadii galeen ee dhaqaalii intay horumariyeen ay dalkiina horumariyeen ayaan is idhi malaa adiguna rool ayaad ka ciyaari karaysaa oo kaalin ayaa kaaga banaan sababta aan siyaasada u soo galayna kuwa ugu waaweyn ayay ka mid ahayd.”
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks:
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk