Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muxaadaro holland


Diyaarad Habeeenkii Labaad Dul Heehaabaysa Magaalada Burco

$
0
0

Diyaad aan lagaranay ujeedadeeda ayaa Habeenkii labaaad ku dul
wareegaysa hawada magaalada burco, waxaana ay dadku qaar sheegayaan
inaanay ahayn diyaarad balse ay yihiin laba diyaaradood oo is
waydaaranaya kuwaasoodadka qaar sheegeen inay Sawiro ka qaadayaan
magaalada Burco.
Diyaaradahan oo duulimaadkooda jooga hoose  caawa fiidkii   ay dib
ugusoo laabteen hawada magaalada burco  abaaro 7:00  taasoo shaki wayn
gelisay dadweynha reer burco, iyadoo xalay ay dadka qaar ka
seexanwaayeey  dhawaaqa iyo guuxa wayn diyaaradahaas.
War ay dad xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Oodweynenews  ayaa intaas ku
daraya  inay  la xidhiidheen  wasiirka Duulista iyo Hawada oo ay
arintani ahayd shaqadiisa iyo inuu warbixin ka bixiyo sababta ay
diyaaradahan magaalada ugu meeraysanayaan, ayaa  wasiirkuna wuxuu ku
jawaabay inay ka warhayaan Diyaaradaas isagoo aan faahfaahin dheeraad ah
ka bixin.
Oodweynenews.com
Burco/Office

Fikrad gaar ah:Dawladda Sh. Shariif: Deyr oodan, Dood furan iyo Dayac baahsan. Qalinkii Bashiir M. Xersi

$
0
0


DooDawladda Sh. Shariif: Deyr oodan, Dood furan iyo Dayac baahsan.

Doorashadii Sheekh Shariif waxay hammi badan galisay inta diin jacaylka lagu qalday, inta damiirkooda qabiilku ku laba qarxay, iyo dunidoo rabtay qunyar socod qarax iyo miino aan wadan, alalaaskii loo sameeyey la wada ogaa, keydka sooyaalkana gashay, sida dhaqanka inoo ah lama eegin hannaankiisa, iyo heer aragtidiisa midda dhaw iyo tan fog intaba, si weyn ayaa loo soo wada dhaweeyey loogana wada maqsuuday, ninba dhan ka eeg faa’iido iyo dan gaar ahaneed intaba, sida ku cad sadarka ugu sarreeya ee qormada, haddana laba sano ka dib maxaa is badalay? Sheekh  Shariif muxuu soo kordhiyey? Maxaa u qabsoomay oo u hirgaliy? Muxuuse ku fashilmay oo u qabsoomi waayey?


Waxaa hubaal ah in bilihii Maxkamaduhu (Diintu) dhib weyn dadka ku reebeen, dhinaca ammaanka, nolosha, waxbarshada, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka, dhalyada, IWM, bilihii Maxkamadaha waxaa noo xigay xabaddii Xabashida iyo xabaalo wadareedkii, oo dabcan ay qayb ka ahaayeen isla wadaada halaaggu, sida cadse xertii C/laahi fasax muuqda u siiyeen, iyo rabitaanka dunida iyo quwadaha waaweyn, haddana xisaabtan buuxa ma dhicin, iska daa inay dhacdo xisaabi xil ma leh iyo xarigaa kuu waajibay, natiijadii ka wada dhalatayna soo marnay maantana aan taagannahay noona dhimman tahay.


Si kastaba waxaa kursiga madaxweynenimada ku fariistay Sheekh Shariif, tallaabadii kowaad wuxuu kuraastii wasiirada ku safay xertiisa, wadaad camaamaad cas madaxa ugu hagoogan tahay, xilliyadii dambana suud uga sii gudbey, sida: C/raxmaan Janaqow, Daahir Geelle, C/qaadir Cali Cumar, Prof.Ibraahim Xasan Caddaw(AUN), Axmed Cabdulaahi Waayeel(AUN), wasiirro dawlayaal ku xigeenno iyo agaasimayaal kale, oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi Karin, aragti ahaan in xizbigii ku guulaysta doorasho uu kuraasta xukummadda inta badan qaato ma ahan wax ku cusub siyaasadda, balse niman duur dawarsi ku jirey, dhalintana ku dagaal galiyey Diin dadban, Jihaad jilibxiran, shareeco shareeran iyo Janno Jufo, oo mar qura Djibouti soo tuurtay iima muuqato waxay ku mutaan xilalkan.


Hammigii weynaa ee ahaa in Sheekh Shariif wax badan badali doono, maadaama uu diinta garwadeen ka yahay, horayna ugu soo guulaystay gardaaddinta hannaan diimeedka, wuxuu noqday hammi jabay, waana suuragal in hammiga caynkaa ahi wali uu dad badan ku jiro, mar walbana qolyaha aan sare ku soo xusnay umbay hoos tagayaan, waxaase habboon inaan hammigan ku eegno dhugmo waaqica ku salaysan, ma beenin mise wuu rumayn, micnaha in hammigaasi hirgalay iyo inuu noqday hanjabay?


Dabcan hawl ahaan ma ahan mid fudud awsha Shariif hortaallay ama wali hortaalla, haddana waxaad duudka u ridato hinjinteeda Adiga ayaa lagaa doonayaa, dal burbursan dawlad aan jirin, moryaan iyo wadaado halaag u heellan, haddana laba sano ka dib wixii qabsoomay ayaan rabnaa inaan soo bandhigno, marka laga soo tago caqabadaha iyo culaysyada, xil ururaynta kaliya ma ahan Shariif waxa uu lugaha la galay, ee waxaaba marar badan lagu xantay inuu madaxtooyadii kaba dhigay hal urur diimeed, taana ilama ahan

mid ku galin hammi, waxaan ula danleeyahay inta hammigu ku jiray ama wali  ku jdambeeyo.
Khilaaf aan dhammaad lahayn ayuu sidoo kale lugaha la galay, mar Isaga iyo Sharmarke, beeso ayaa jeebka looga buuxshay, sidaana ku banneeyey kursigii, haddii kale shaw wuxuuba dhihi lahaa: “Anaa taabsaday ama tolkayga ayaan u hayaa!”, balaayo horleh oo aan siyaasadda ku jirin ayaa halkaa lagu tallaalay, sidaa wuxuu ugu soo fara bannaanaaday saaxiibkiis Shariif Sakiin, Isna waa kan dambee wuxuuba gacanta ku dhigay guddoonka baarlamaanka, waxaa madaxa la iskula galay magacaabista ra’isul wasaaraha, dabadeedna kalsooni siinta iyo cod u qaadistiisa, fartaa loo taagaa iyo footka sanduuqaa laga tirinaa.


Shariif Sakiin wuxuu dhextaal u yahay olole ballaaran oo ka dhan ah Shariif, oo lagu doonayo in xilka looga qaado, maadama uu ka dhacayo 31-ka bishan, waa sida lagu wadee, dhanka kale dawladda Shariif waxay go’doon ku tahay kuna oodan tahay eeryada madaxtooyada u ah, deegaankaa ay ku xaniban tahay waxaa ku waardiyeeya ciidanka Amisom, la’aantood maba jireen xeradoodaana loogu dhici lahaa, taa oo ah dhibka ugu weyn ee haysta dawladdiisa, si kale haddaan u dhahno waa waxqabadkeeda inta uu la eg yahay, maxaa yeelay waxayba soo dhaafi la’yihiin xeryaha ay ku oodayan yihiin, sidii qaxooti ama dad qaba cudur faafa.


Khilaafka kala dhexeeya Shariif Sakiin uma muuqdo mid dhammaanaya, dhanka kale Doodaha furan ee wali aan dhammaan waxaa ka mid ah, samaynta dastuurka cusub, oo Shariif si weyn u rabo in la ansixiyo, aragti ahaanna uu qabo inaan wali waqtigu ka dhicin dawladdiisa, uuna doonayo inuu dastuurka ku qorto in xilliga dawladdiisu ka billaabanayo sanadkan, laguna xarriiqo isla dastuurka, laga yaabee inuu sadax ama shan sano uu ku meelgaarnimo ah oo cusubna hirgashado, oo ka dhigan in labadii sanee hore ay ahayd oo kali ah billow iyo oodqaad.

Saadaalinta sanadlaha ah ee  wargayska East Africa Magazine, ee ay ku samayso madaxda Afrika, ayaa madaxweyne Shariif wuxuu ka galay kaalinta 48-aad, ayna ka daba mareen madax ay ka mid yihiin Albashiirka Sudan iyo Afwerqaha Eritrea, si kale haddaan u dhigno, wuxuu kaalinta afraad kaga jiraa madaxda ugu xun qaaradda Afrika, aanse halkan su’aal dhigee: xay wax ku eegeen hawlwadeenada wargaysku, marka madaxweyne dal maamula hoggaamiya dawlad xukuumad iyo ciidan, laga dabamarinayo Shariif? Mise waxay ka eegeen dhanka xoriyadda? Oo Soomaaliya ma xoriyad ayaa ka jirta.

Dhanka kale, waxaa dalka ku habsatay abaar ballaaran, oo ku baahday dalka gees-ka-gees, ayna ugu daran yihiin gobolada bartamaha iyo kuwa koofureed, kuwa hoos yimaada kooxda Alsabaab waaba ka horjoogsadeen in la gaarsiiyo mucaawano, iyagoo diiday in la gargaaro dadkaa loona fidiyo gacan lagu saacidayo, dayacaa baahsan ee dalka ka jira, haddana cirka isku sii shareeray abaaraha awgeed, ayaa horyaalla Shariif iyo dawladdiisa, waxaadse mooddaa inuu ka doorbidayo aqalka madaxtooyadiisa, ama qolka uu maxbuuska ku yahay.

Dhanka kale Formaajo wuxuu qabsaday in 100 maamlmood gudahooda wax ka badali doono ammaanka,  in ka badan kala bar waa la dhaafay, waxa haray waa sodomeeyo maalmood, ee muxuu is leeyahay waa ku samayn  kartaa? Mise dhoofkaan uu ku tagay USA kama soo laaban doono?, waa hadduu quus taagan yahee, Kollay ismana dhiibi doonoo waa dalkiisee, hadduuse siduu xildoonka ugu yimid uu ku jiro wuu soo noqon, ee muxuu la soo noqon? Been sheegid kalaa mise…? Waxaan filaa in masraxa siyaasadda aysan ku cusbayn ballanqaad beenaadkaa oo kale, haddana wali waa socdaa ee maqalka ugu roonaada.

Dawladda Shariif waxay ku guulaysatay oo kaliya waa, soo daabacashada lacago shilin Soomaali ah, iibisashada badda Soomaaliya, xaraashaka Domain-ka Soomaaliya ee ahaa .so, soo daabacidda baasaboor cusub, dhibkiisana uu gaaray qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Talyaaniga, ka gadaal markii Nuurcadde heshiis la galay dawladda Talyaaniga, qeexaya in qofkuu ka dhoco sharcigii la siiyey uu ku qasban yahay inuu la yimaado baasaboorka cusub, oo cabasho weyn laga muujiyey, laaluushka iyo musuqmaasuqu waa cinwaanka dawladdda iyo astaanteeda, arimahaa iyo kuwo ayey hirgalisay ammaan iyo ceebba.

Ugu dambayn, waxaa dhici kara inta u dhexeysa 31 January ilaa  bisha august laba arin middood oo kala ah, in shir dib u heshiisiineed la qabto inta aan la gaarin August, ka dhaca Djibouti Kenya ama Uganda, dib loogu soo yagleelayo dawlad ku meelgaar kale, ama August ka dib shir la qabto, yaa la dooran ma Shariif mise qof kale, taa waxaa ka jawaabaya rabitaanka caalamka, waxaanse la huri doonin waa shir dib u heshiisiineed, shaw ifafaalaha shirkaa waxaa laga garan karaa shirkii Djibouti ka dhecee aqoon yahanka lagu magac dhabay.

Dib u eeg sooyalka shirirka Soomaalida, kii Carta 2001 wuxuu ka dambeeyey kii Qaahira 1998, waxaana lagu soo doortay C/qasim Salaad, isna waxaa dhaqay kii Kenya 2004, oo lagu soo doortay C/laahi Yuusuf Axmed, isna waxaa ka dambeeyey kii lagu soo doortay Sh. Shariif 2008, isna kollay waa ku imaan socodka shirqabadka Soomaalida, mise waa midda uu ka digtoon yahay ee uu dastuurka u boobsiinayo dhamaystirkiisa, waxay ku dambaysaba waan u wada joognaa, hubaalse inaan shir dib u heshiin laga fursanayn, xal ahaan ugama jeedo, balse sida loo qabatimay awgeed.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Dowlada oo saakay iskuul boliisiya xukun dil ah saddex askeri kula fulisay iyo shacab iyo mas'uuliyiin u soo daawasho tegay

$
0
0

Maxkamada ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskuul Boliisiya dil toogasho ah kula fulisay saddex askeri oo lagu eedeeyay in ay horay u dileen shacab.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ka mid ahaa dadkii iyo mas'uuliyiintii ka qeybgalay fagaarihii lagu tooganayay saddexdan askeri.

Mid ka mid ahaa saraakiishii dowlada oo ka hadlay fagaarihii dilku ka dhacayay ayaa sheegay in askerigii dembi gala uu mudan doono ciqaab u qalanta dembiga uu galay.

Talaabadan ayaa waxaa lagu tilmaamay mid ay dowladu ku dooneyso xakameynta ciidamada dowlada oo si bareer ah ugu takrifala awoodooda, shacabkana wixii ay doonaan ku sameeya waxaana degmooyinka qaar ee gacanta dowlada ku jira laga soo sheegaa dhac joogto ah oo ay ciidamada dowladu geystaan.

halgankanet@gmail.com

Saraakiil qurbo-joog ah oo la kulmay madaxweyne Shariif Sh. Axmad

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirka gaashaandhigga ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa shalay gallinkii dambe kulan ay albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiil ciidan oo muddo dheer ku noolaa dalka dibaddiisa.

Saraakiisha ay madaxweynaha iyo wasiirka difaaca Soomaaliya kulanka la yeesheen ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 12-qof, oo ay ku jiraan saddex haween ah oo la sheegay inay barteen caafimaadka, waxaana saraakiisha hoggaaminaya Jeneraal C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre).

Ilo wareeyo ku dhow kulanka, ayaa u sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii dib u dhis buuxa loogu sameyn lahaa ciidammada DKMG ah, si ay awood ugu yeeshaan inay Muqdisho ka saaraan Xarrakatul Shabaab.

Madaxweynaha DKMG ah iyo wasiirka gaashaandhiggau, kama aysan halin wixii kulanka kasoo baxay, balse wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in la isla gartay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidammada, sida ugu dhaqsiyaha badanna loogu sameeyo tirakoob rasmi ah.

Sheekh Shariif, ayaa tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa holwo la xiriira dib u dhiska ciidammada, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay weerarro ku qaadaan goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab oo ah kooxda keliya ee hadda kasoo horjeedda.

Saraakiishan ciidammadan, ayaa dhawaan soo gaaray Muqdisho iyadoo aanay weli dowladdu ka hadlin arrimaha ku saabsan imaanashooda iyo howlaha ay ka gacan siinayaan dowladda KMG ah oo ka talisa qayb yar oo Muqdisho ka tirsan

Odayaal dhaqameed ey dhowaan Alshabaabku ku xireen Ceelbuur oo la la'yahay!!

$
0
0

Sedex nin oo ah odayaal dhaqameed dhowaan ey ku xireen ceelbuur ayaa la la'yahay meel jaan iyo cirib dhigeen kadib markii qaraabadoodu ka waayeen xabsiga magaalada Ceelbuur oo ey in muddo ah ku xirnaayeen.

Wararku
waxay intaas ku darayaan in xabsiga ay ku jireen laga waayey maanta
Axmed Cali Kaar oo Maxkamadda Xarakada Al-Shabaab ee Ceelbuur ay horay
ugu ridday afar sano oo xarig ah, Cabdi Cadde oo afar bilood ku xukunaa
iyo Maxamuud Nageeye oo isna afar bilood ay Maxkamaddu sheegtay in uu
xabsi ahaan doono.

Maleeshiya
ka tirsan Al-shabaab ayaa la baxay raggan, lamana oga meesha ay la
aadeen ilaa hadda, hase yeeshee warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan
in loo kaxeystay dhanka Muqdisho.


Nin
kale oo kamid ahaa saddexdan oo horay loola xukumay, ahna oday
dhaqameed la yaqaano ayaa Isbitaal loola cararay markii uu dhiig kar uu
qabay ku kacay.


Al-Shabaab waxay nimankan ku eedeynayaan in ay taageersan yihiin dowladda KMG iyo Ahlu-Sunna.


Caro
xooggan ayaa ka dhalatay xariggooda, dadka deegaankana waxay sheegeen
in ay iska caabin doonaan Al-Shabaab oo Ceelbuur gacanta ku haya ilaa
dadkooda loo soo deynayo.

Laba muwaadin somali ah oo ey toogteen ciidamada AMISOM oo saakay laga helay wadada Warshadaha

$
0
0

Labadaan meyd ahaa xaga danbe ee madaxa waxaa uga yaal dhawacyo
u muuqdo in ay yihiin risaastii madaxa lagala dhacay ee ay u geeriyoodeen
.

Warku ayaa intaa ku daraya in meydadka ay ahaayeen kuwo aan la
garaneynin inkasta oo wejigooduna ay ku yaalaan risaas fara badan
dhiig iyo bur bur soo gaaray ,dadka deegaanka qaar ka tirsan oo
goobta tagay ayaa faran waayey waxaana loo malaynayaa in goobta
la keenay iyaga oo badqaba ka dibna halkaa lagu toogtay .

Tilmaan ahaan ayaa la sheegay in midokod uu madaxiisa oo dhan
ay ciro buuxisay halka midabkiisana lagu sheegay maariin garkiisuna
uu ciro leeyahay ,meydka kale ayaa la shegay in uu madow yahay
timihiisuna ay gaaban yihiin waxaana la soo shegayaa in timihiisuna
ay ciro lahaayeen .

Meydadkaan ayaa madaxa dhankiisa danbe laga toogtay waxayn risaastu
ka baxday dhanka hore ee folka sida ay sheegayaan qaar kamid ah
dadka wadada isticmaala .

Meydadkaan ayaa saka aroortii lagu arkay wadada warshadaha gaar
ahaan inta u dhaxayso ceelka turbaxle iyo kuliyada abaan duulka
ee jaalle siyad halkaa oo ah goob u furun dagaal ah una dhaxaysa
ciidamada midowaga Africa ee AMISOM iyo xarakada Mujaahidinta
alshabaab lamina oga sababta halkaa loola beegsaday in lagu dilo
iyo sababta loo dilay intabada .

Meydadkaan ayaa da’ahaan lagu qiyasay in ay jiraan inta
u dahxaysa 60 ilaa 55 sananadood ,meydadkaan ayaa weli yaal halkii
ay ku nafwaayeen maadaama lagaran waayey ee jidka warshadaha .

Dilkaan ayaa loo badinayaa in ay ka danbeeyaan ciidamda Midowga
Africa ee AMISOM kuwaas oo saran dusha sare ee dhismaha kuliyada
halkaa oo ay muradaha wax lagu arko u isticlaamaan dadka habeenkii
sacdo iyada oo risaas huwiya dhamaan wixii ay u arkaan in ay dhaqdhaqaaqayaan
xiliga habeen kii ah waxaana jirta in ay dhowr goor oo horey ay
ku dileen dad kala duwan kuwaas oo goor habaannimo ah wadada isticmaalayey
iyaga oo gari dameero ay u rarnaayeen

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...


Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...


Maxey isku qoonsadeen Cabdiraxmaan Faroole iyo Sh. Shariif Sh. Axmad?

$
0
0

Dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowaan sheegtay iney xiriirkii wada shaqeynta u jartay dowladda KMG ah ee  Sh. Shariif Sh. Axmad iyadoo aan carabaabin waxa ey ku qoonsadeen dowladda KMG ah. Hadaba war kaas daba socda oo ey maanta shaacisay wasaarada u qaabilsan Puntland arrimaha qorsheynta ayaa ku eedeeyey
madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed in uu ishortaag ku
sameeyey shir arrimaha Somalia looga hadlayo oo uu ka qeybgeli lahaa
madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyadoo sida muuqata arintaasi ka careysiisay Faroole oo awalba ka xanaaqsanaa sababta nin reer Puntland ah loogu magacaabi waayey R/Wasaare.

‘’Waxaan
ognahay in madaxweyne Shariif uu diiday in madaxweynaha Puntland uu ka
qeybgalo shir ka dhacayo Jabuuti, wuxuu yiri haddii Faroole shirkaas
imanayo anigu ma tagayo’’, sidaas waxaa shir jaraa’id ka sheegay
wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland Daa’uud
Maxamed Cumar.

Wasiirku wuxuu sheegay in sababtaas tahay midda ay Puntland u jartay xiriirkii kala dhexeeyey DMG.

Shalay
galab ayey aheyd markii kulan ay yeesheen wasiirada dowlad goboleedka
Puntland laga soo saaray qodobada ay ku sheegayeen in ay kalsoonidii
kala laabteen TFG.

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay xarunta baarlamaanka iyo AMISOM oo ka jawaabtay

$
0
0
Dagaalyanada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta
hoobiyeyaal ku weeraray xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho,
halkaasoo ay ku kulansanaayeen Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.


Madaafiic
jawaab ah ayaa celis ah ayey bixiyeen ciidamada AMISOM oo weerarkooda
ku bartilmaameedsanayey aagag ay islahaayeen waxaa ku sugan ciidamada
Al-Shabaab sida degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-Wadaag, AMISOM oo
ilaalo ka aheyd goobta Shabaabku soo hujuumeen ayaa qeybisay wax ay
dadku la fajaceen.


Isu
geyn madaafiicda ay labada dhinac isweydaarsadeen waxaa ku dhintay ugu
yaraan afar qof, dad gaarayo 10-ruuxna way ku dhaawacmeen oo badankood
ahaa rayid ay madaafiicdu waxyeeleysay.


Saraakiil
u hadlay kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in dadka ku
dhaawacmay duqeynta ay geeyeen Isbitaalada Muqdisho, laguna daweynayo
iminka.


Shalay
ilaa maanta dadka ay duqeymuhu khasaaraha u geysteen waxaa tiradoodu ka
badan tahay 20-qof oo qaar kamid ah ay dhaawacyo culus qabaan.


Waa weerarkii ugu cuslaa oo beryahaan dambe ay ururka Al-Shabaab ku qaadaan xarunta baarlamaanka.

C/llaahi Axmed Culusow
Gedoweb, Muqdisho.

Shacab aad uga carooday ficil ay al-Shabaabku maanta ka sameeyeen Ceel-Carfiid oo bannaanbaxay

$
0
0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceel-Carfiid oo ka mid ah goobaha ay ku xoogga badan yihiin al-Shabaabku ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbax ka dhan al-Shabaab kaas oo ilaa iyo caawa soo gaaray.

Dadkan halkaas isugu soo baxay oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah hab-dhaqanka al-Shabaabka ee ku wajahan gaadiidka dhankaas iyo gobolada dhexe u socda ee sida raashinka ayaa ilaa iyo hadda halkaas ku sugan sida dadka deegaanka laga soo xigtay.

Dibad-baxan ayaa bilowday ka dib markii maanta bar kaantarool oo ku taal deegaanka Ceel-Carfiid ay al-Shabaabku ka sii daayeen gaari xamuul ah oo sida raashin sida la rumeysan siday raashin mucaawino ah oo jawaankii mucaawinada lagu garanayay laga bedelay.

Dadka deegaanka oo dusha kala socday wadahadal u socday dadkii watay gaarigaas xamuulka siday iyo saraakiil ka tirsan al-Shabaabka ayaa bilaabay in ay isu soo baxaan ka gadaal markii ay cadaatay in gaarigaas al-Shabaabku ku sii daayeen qaab hoose.

Dibad-baxayaashan oo u badnaa Carruur iyo Haween ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Shabaabka waxaana erayadaas ka mid ahaa "qaniimeyste dooni meyno, nin jecleyste dooni meyno, Mucaawino diide dooni meyno, dhuun qabte dooni meyno iyo erayo kale oo la halmaala" ayaa waxaa ka mid ahaa Hawweney isla Ceel-Carfiid xilli aan dheereyn ka hor ay al-Shabaabku uga gubeen raashin ay u safarsaneysay dhanka gobolada Dhexe iyagoo ku eedeeyay in mucaawinada Shabaabku mamnuuceen ay waday.

Dhanka kale al-Shabaabka ayaa dadkii halkaas isugu soo baxay qaar ka mid ah xabsiga u taxaabay waxaana caawa ku jira xabisga al-Shabaab dad lagu qiyaasay Konton Qofood oo u badan Haween iyo Carruur.

Saraakiisha al-Shabaabku weli kama hadlin dibad-baxan iyo weliba waxa ka jira falkan maanta ka dhacay Ceel-Carfiid ee sida gacan-togaaleysiga lagu sheegay in lagu sii daayay gaari xamuul ah oo raashin sida.

halgankanet@gmail.com

    

 

Al-Shabaabka Ceelbuur oo Nabaddoon Shire Diiriye Cismaan gurigiisi kala baxay iyo xiisad ka dhalatay xariga nabaddoonka

$
0
0

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud  wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in halkaas xoogagga gacanta ku haya ee al-Shabaab ay xalay gurigiisi ugu galeen dabadeedna xabsigooda ku xireen mid ka mid ah nabaddoonada deegaanka caanka ah.

Nabaddoonkan oo hadda ku jira gacanta al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Shire Diiriye Cismaan waxaana ilaa iyo hadda la isweydiinayaa sababta ay Shabaabku odayga nabaddoonka ah ku xireen.

Gudaha magaalada ayaa waxaa dhanka kale saakay laga soo sheegayaa guux hoose oo ay wadaan shacabka uu nabaddoonkani ka soo jeeda amaba ku abtirsado inkastoo aysan si toos ah dadku uga hadli karin hawlaha al-Shabaabku ka wadaan deegaanada ay ka taliyaan.

Maamulka al-Shabaab ee degmada Ceelbuur ayaan weli ka hadlin talaabadan ay ku xireen nabaddoonka laakiin warar si hoose looga soo xigtay hawlwadeenno ka tirsan maamulka degmada ee al-Shabaab ayaa sheegaya in nabaddoonku uu si hoose u waday arrimo aysan xoogagaasi la dhacsaneyn.

Ceelbuur ayeey mudooyinkaan dambe waxay al-Shabaabku ka wadeen hawlo sida ay sheegeen ay ku xoojinayaan ammaanka guud ee deegaanka waxaana mudan in dib loo xusuusto falkii kufsiga ahaa ee dharraarta cad ka dhacay gudaha degmada iyadoo weli degmada lagu tiriyo goobaha ay si barrax-tiran uga taliyaan al-Shabaabku.

halgankanet@gmail.com

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland oo ka soo horjeestay go'aankii ka soo baxay Cabdiraxmaan Faroole, hogaamiyaha Puntland

$
0
0

Ka dib markii maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Faroole ay ka soo horjeesteen nidaamka ay ku shaqeyneyso hadda dowladda Soomaalidu islamarkaana ku dhawaaqeen in ay xiriirkii u jareen dowlada ayaa waxaa arintaas ka soo horjeestay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland.

Xildhibaan Axmed Kismaayo oo ka mid ah Xildhibaanada ku abtirsada gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa warqadii ka soo baxday maamulka Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif ku timaamay mid qaldan oo in laga noqdaa aan laga maarmin waa siduu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa ku celceliyay in aan la qaadan karin go'aanka ka soo baxay Hogaamiyaha Puntland Faroole wuxuuna guud ahaan maamulka iyo shacabka Puntland kula taliyay in ay arrinta soo farageliyaan si aan loo kala harinna uga laabtaan.

Hadalkan xildhibaanka ayaa ka dambeeyay go'aan ka ka soo baxay guud ahaan maamulka Puntland go'aankaas oo dhigayay in DFKG ay kalsoonidii kala laabteen shirarka caalamiga ah iyo kuwa gobolkana aysan dowladu u meteli karin.

halgankanet@gmail.com   

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live