Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra'iisal wasaare Farmaajo; "Beesha Caalamka waxaan ka codsanayaa in ay igu taageeraan burburinta xoogagga al-Shabaab"

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Farmaajo oo hadda booqasho shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa mar uu xog-wareysi siinayay VOA:da waxaa uu sheegay in xukuumadiisu rajo ka qabto nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya guud ahaan.

"Waxaan Beesha caalamka ka codsanayaa in ay igu garab galaan burburinta al-Shabaab iyo xoogagga shisheeye ee Soomaaliya ku sugan nabadda iyo kala dambeyntana ka soo horjeeda" Sidaas waxaa idaacada VOA u sheegay Ra'iisal wasaare Farmaajo.

Farmaajo wuxuu ku dooday in xukuumadiisa uusan raad wax is-daba-marsiini soo gelin sidaas darteedna ay beesha caalamka ka filayaan gargaar dhinacya badan si buu yiri cagta loo mariyo xoogagga xukuumadiisa iyo xukuumadii ka horeysayba ay ka saldhigi weysay waa al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si toos ah iyo si dadban intaba uga taliya halka ay dowladuna talada magaalada Muqdisho la wadaagto xoogagaas inkastoo ay garab ciidan ka hesho AMISOM.

halgankanet@gmail.com


Mas'uuliyiinta Caasimadaha Soomaaliya iyo Norway oo kulmay iyo wadashaqeyn ugub ah oo labada maamul dhexmareysa

$
0
0

Xarumaha dalalka Soomaaliya iyo Norway waa Muqdisho iyo Oslee ayaa waxay hadda bilaabayaan wadashaqeyn ugub ah sida uu warbaahinta xarunta abaalmarinta Nobelka lagu bixiyoee Oslo ugu sheegay Duqa magaalada Muqdisho Mr. Tarzan.

Mr. Tarzan oo booqasho ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo ayaa halkaas kula kulmay duqa magaalada Oslo iyagoo ka wadahadlay iskaashi dhinacya badan oo labada maamul dhexmara sida uu saxaafada qaarkood uu u sheegay Tarzan, duqa magaalada dagaalada ka daashay ee Muqdisho.

Mr. Fabian Stange, duqa magaalada Oslo iyo Mr. Tarzan Duqa magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay sidii magaalada Muqdisho ay magaalada Oslo uga gacansiin laheyd adeegyada aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin Dab-damiska, Nadaafadda, Biyaha la cabo iyo weliba tababarada dhinaca shaqaalaha ka shaqeeyay hawlahaas.

Duqa magaalada Oslo Fabian ayaa dhankiisa sheegay in ay gacan ka siinayaan magaalada Muqdisho dhammaan waxyaabaha ay uga aqoonta roon yihiin isagoo rajo ka muujiyay nabadda magaalada Muqdisho gaar ahaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Tarzan ayaa lagu tiriyaa  dadka fara ku tiriska ah ee ka dhiidhiya dhibka ka taagan magaalada Muqdisho islamarkaana ku dadaala sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaas waa sida dadka isaga la shaqeeya ama aqoonta u leh ay sheegaane.

halgankanet@gmail.com

Maamul Xarakada Alshabaab oo biyo dhaamin ka wada gobolka Gedo

$
0
0
Guddi gaar ah oo dhawaan ay Xarakada
Al-Shabaab ee gobolka u magacawday in ay taakuleeyaan dadka ay abaaruhu
ku dhufteen ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyey dad ku dhaqan
tuulooyin hoosyimaado degmada Baardheere.

Howsha
biyo dhaaminta waxaa ka qeybgalay booyado nooca biyaha qaado iyo
xubnaha guddiga iyo dadka kale oo si mutadhawacnimo ah ula shaqeynayey,
dadka reer miyiga ah ee sida daran ay abaartu u waxyeeleysay ayaa
qoyskiiba waxaa la gaarsiiyey dhowr fuusto oo biyo ah.


Meelaha
ay sida weyn biyo dhaamintu u gaartay waxaa kamid ah deegaanada koonfur
galbeed Baardheere ku yaalla, mas'uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab ayaa
ugu baaqay ganacsatada wax heysato in ay ka qeybqaataan barnaamijyada
loogu gurmanayo ummadda ay abaaruhu saameeyeen.


Gobolka Gedo wuxuu kamid yahay gobolada ay abaarta ba'ani ka jirta.

Cabdi Ruush

Garbahaarey
Gedowebnews@hotmal.com

Shacabkii deganaa tuuladea Higloley oo la barakiciyey !

$
0
0

Wararka Warbaahinta halgankanet ka soo gaaray Magaaladda Jigjiga ayaa
sheegaya in Tuuladda Higlooley oo u Jirta Magaaladda Dhagaxbur 20Km
Dhanka Waqiiyo Galbeed ay Guud ahaan Dadkii Tuuladda Deganna ka Qaxeen
Kadib Markii Ciidamadaa Itoobiya oo ay Waheliyaan Malayshiyadda Liyuu
Police Weerar ku soo qaadaan.

Weerarkan ayaa La sheegay Inuu Salka ku hayo Dagaal Xoogaan oo Mir ah oo
Habeen Hore ka Dhacay Naxaaxiga Tuullada Halkaas oo Wararka la Isla
Dhex Marayo Magaaladda Jigjiga ay sheegaya In Seddexa Baabur oo Ka mid
ah Baabuurta Ciidanka Itoobiya Lagu Gubay Isla Markaasna Khasaaro Baddan
uu dagaalkaas ka Dhashay.

Illaa Iyo Hadda Ma Cadda Tiradda Khasaaraha Dhabta ah Balse Illo Lagu
Kalsoon yahay Ayaa u Sheegay Warbaahinta Ogadentoday in Gabi ahaanba
Tuuladda Higloogey laga qaxay.

Qaxan ayaa la sheegay in uu Yimid Kadib Markii Ciidamadda Itoobiya ay
Tuuladda Yimaadeen Halkaas oo ay ku Dileen Laba qof oo Mid Haweenay
Tahay Meesha Labaatameeyo Qof oo Kale ay Jirdil u Gaysteen Iyagoo Guud
ahaan Dadwaynhii Deegaanka Degganaa la Isugu Keenay Meel Barxad ah.

Wxii soo kordha kala soco halganka.net.
C/Rashiid

Uruka ONLF oo beeniyey in maxaabiis iyaga ka tirsan xabsi laga sii daayey

$
0
0

Ururka ONLF oo la dagaalama ciidamada Itoobiya ayaa beeniyey warar sheegaya in dowladda Itoobiya ey sii deysay maxaabiis ka tirsan ururkaasi.

Ururka ONLF sarkaal u hadlay ayaa waxa uu u sheegay Halganka.net in eysan jirin  maxaabiis ONLF  ah oo laga siidaayey xabsiaga isaga oo ku sheegay dadka la sii daayey  "dadkii shacabka ahaa ee awalba layska xiranayey kadib markii uu xabsigii buuxsamay".

Ururka ONLF ayaa sheegay arintan sii deynta ahi tahay mid borobogaando ah loogana gol leeyahay siyaasadii guemeysiga ee ahayd qeybi oo kuxun sida hadalka lagu sheegay.

Dhowaan ayey ahayd markii dowladda Itoobiya sheegay iney heshiis la gashay qaar kamid ah ururka ONLF iyadoo arintaasina u egtahay mid muran dhlisay.

Halgankanet@gmail.com

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku dhawaaqay in uu shaqadii iska casilay

$
0
0

Xildhibaan ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka fariistay shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Jeylaani Kadiye oo maanta la hadlayay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa sheegay in uu ka fariistay xilkii Xildhibaannimada wixii maanta ka dambeeyana uusan ka mid aheyn xildhibaanada Soomaalida.

Xildhibaanku wuxuu sabab uga dhigay shaqo ka tegistiisa arrimo u gaar ah iyo weliba xilka xildhibaanada oo uu sheegay in uu u baahan yahay hawlo qabad dhab ah .

Sidoo kale Xildhibaanku meesha kama saarin mas'uuliyadda Xildhibaanada ee sida uu sheegay dembiga laga gelayo taasoo uu ula jeeday in la hareer maray waajibkii shacabka loo hayay.

halgankanet@gmail.com 

Dagaalo iyo duqeymo khasaaro geystay oo ka dhacayey qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho illaa iyo xalay

$
0
0

Dagaalo iyo duqeymo daba socday  ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo uu illaa iyo maanta duhurkii soo gaaray dagaalku.

Dagaaladan ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 4-qof, 8-qof kalana waa ay ku dhaawacmeen kwuaaasi oo dhmaantood ahaa dad rayid ah, dagaalo iyo duqeymo xalay galinkii dambe ilaa saakay degmooyinka ka mid ah gobolka Baanadir ku dhexmaray Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM.
Sidoo kale dadka dhimatay iyo kuwa dhaawacantay ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaceen madaafiicda dhinacyadii dagaalamay ay isku weedaarsanayeen dagaalka, hase ahaatee waxaan la’ogayn khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.

iska horimaadkan ayaa waxaa uu xoogiisa ka dhacay xaafado ku yaala degmooyinka Hodan, Howlwdaag iyo Boondheere kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmooyinkaasi.
Hase yeeshee dagaalkii xalay saqdii dhexe bilowday ayaa waxay dhinacyadii dagaalamay mar kale dagaal rogaa celis ay isku soo qaadeen saakay, iyagoo is weedaarsanayay Madaafiic iyo raasaas kala duwan oo laga maqlayay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir.
Dhanka kale waxaa  iminka lagu soo waramayaa in xaaladoodu ay degan tahay inkastoo ay wali is horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay , waxaan halkaasi laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac, iyadoo saacadkasta lafilan karo in mar kale uu halkaasi dagaal ka qarxo.

Sawirka maanta: Xaafdada ganacsiga Boosaaso(Boosaaso business district)


Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Taageerayaasha dowladda KMG ah oo ku banaabaxay xarkada Alshabaab

$
0
0

Banaan-bax ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ee  dowladda KMG oo ay ka soo qeybgaleen dad taageersan dowladda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo dadka ka qeybqaadanayey lagu qiyaasay boqolaal.

Ujeedada dibad-baxan waxaa lagu sheegay muujinta cabasho la xiriirta dhibaatooyin ay ka soo qeybgalaashu sheegeen in ay Xarakada Al-Shabaab ku heyso dadka ku dhaqan deegaanada loo barakacay ee ay kooxdu maamusho.

Waxay wateen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo cambaareyn ah iyo in Al-Shabaab si dhakhso ah u joojiyaan wax ay dadku ku tilmaameen handadaada, xornimo ka qaadista iyo barakicinta dad markii hore guryahoodii laga qixiyey.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir, haddana sii ah ku simaha guddoomiyaha Warsame Maxamed Joodax ayaa sheegay in dadku iska qabtaan Al-Shabaab, isagoo soo hadal qaadday dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cirfiid oo uu xusay in ay ahaayeen kuwa dadka si toosan loola dagaalamay.

Dadka mudaharaadka dhigayey ayaa markii dambe isugu tagay fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaasoo sidoo kale ay madax kala duwan kula hadashay.

Sheekh Cali Dheere “Waxay, Soomaaliya oo dhan kaga sugan yihiin hal kilo-mitir, waxayna ku wareejiyeen toban shirkadood"

$
0
0

Afhayeenka
Xarrakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh
Cali Dheere), oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho
shalay, ayaa ku eedeeyay dowladda KMG inay qaybaha yar ee ay kaga sugan
tahay Muqdisho ku wareejisay shirkado shisheeye oo calooshood u
shaqeystayaal ah.

“Waxay,
Soomaaliya oo dhan kaga sugan yihiin hal kilo-mitir, waxayna ku
wareejiyeen toban shirkadood, kuwaasoo loogu talogalay inay ciqaabaan
dadka ay sunnada ka muuqato ee doonaya inay caqiidadooda sida saxda ay
ugu dhaqmaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in deegaannada ay dowladdu ka taliso ay ka carareen dadkii            ay
ka muuqatay sunnada iyo macallimiintii dugsiyada Qur’aanka, taasoo uu u
sababeeyay shirkadaha uu sheegay in lagu wareejiyay deegaannada ay
dowladdu ka taliso.

“Shirkadahan
calooshood u shaqeystayaasha ah, waxaa lagu wareejiyay garoonka,
dekedda, KM-4 iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso, taasina
waxay caddeyn u tahay inay doonayaan in dalka oo dhan ku wareejiyaan
shirkado shisheeye, si ay uga hortagaan ku dhaqanka sharciga Islaamka,”
ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Heshiisyada
lala galay shirkadahan, Shariif waa inkiray, Farmaajo waa inkiray,
Sharma’arke waa inkiray, Shariifka kalena waa inkiray, marka dalka waxaa
haysta shirkadaha shisheeye ee iyagu waxba kama ahan,” ayuu hadalkiisa
raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Dhanka
kale, afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu ka hadlay codsiyada ay
dowladdu kaga dalbatay caalamka in laga taageero dagaalka ay Xarrakada
kula jirto, isagoo sheegay in inta aysan soo qaadin weerarro, ay ka
saari doonaan goobaha ay kaga sugan tahay Muqdisho.

“Shirkii
ka dhacay xarunta Qarammada Midoobay, waxaa lagu codsaday taageero
ciidan, waana mid lagu doonayo in lagula dagaalamo diinta Islaamka iyo
dadka rumeysan, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay ka qaybqaataan sidii
looga hortegi lahaa qorshayaasha gurracan,” ayuu yiri Sheekh Sheekh
Cali Dheere.

Afhayeenka
Xarrakatul Shabaab, wuxuu gabagabadii shirkiisa jaraa’id kaga hadlay
abaaraha ka taagan dalka isagoo sheegay in Xarrakadu ay kaalmooyin isugu
jira raashin iyo biyo ay siiso dadka ay abaaruhu waxyaallada u
geysteen, ayna wadaan qorshayaal ay biyo ku gelinayaan goobaha oomanaha
ah ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Musiibada Heysata Dalkeena Maxa Sabab U ah ,iyo see looga bixi kara !!!!!

$
0
0

Waxa Soomaali badan ay damceen in ay xal u helaan arimaha somalia ,
waxa la iskugu tagey shirar badan dibada dalka somalia . Waxa ka
qeyqaatey aqoon yahaano ,culumadii dalka  lahaa , fanaaniintii iyo
dadkii caanka ka ahaa Soomaaliya dhankey donaan haku caan baxaane ,
lakiin nasiib daro xeerada salkeeda lama gaarin oo si fiican arimaha
somalia looma xalin, sababtuna waxay tahay bulshadu wey jiran tahay 
Qofka haduu jiran yahay oo uu yahay bukaan wax ma daweyn karo , oo
isagaa dawo u baahan.
Waa in aanu ka hadalno labo wax oo ay somali kala saari la dahay oo
salku leh burburkii Soomaaliya , labadan shey ayaa waxa ay sal ku lee
yihiin burburkii somalia , waa hadii ay somalida ay fahmaan waxa ay ku
kala duwan yihiin labadan shey.

  1. Mucaarad + Mucaaradnimo
  2. Jabhad + jabhadnimo

Waa maxay mucaarad horta marka hore aniga aragtideyda waa shakhsi ama
group kasoo horjeeda siyasada nidaam ay diidan yihiin ,
mucaaradnimadooduna waxa ay ku dhisan tahay waa waxa uu haleeyay
nidaamkaas in ay hagaajiyaan , waxaana ay ku shaqeeyaan nidaam madani ah
,oo aan aheyn mid dalka kacdoon hubeysan lagaga soo horjeesanayo ee
waa  nidaam xisbi ama nidaamyada kale oo uu qofku ku du dumineyn waxa
horey loo dhistay oo ah Dowlad dadkoo dhan  ka dhaxeysa.
Jabhadi waa burburin dal waana kacdoon lagu burburinayo dal sideedaba ,
jabhad maaha badana in ay tahay mid wada wax maslaxad ugu jirta dal iyo
dadba , sidaas darteed ayaa waxa haboon in ay somalidu baaritaan ku
sameyaan wixii somalia jabhado soo marey ma maslaxadii dalkey wadeen
mise burburkii somalia , waxaan u maleynaya waa su+aal looga baahan
yahay in uu qofkasta isweydiiyo oo Soomaali ah , markey soomaalidu kala
saarto labadan shey , waxaan qaba aniga marka in talaabo horey loo
qaadey.
Talabada xigeysa ayaa waxay tahay marka , ragii jabhadahan asaasay dalka
burburkiisa miyey ka qeyb qateen mise dhismihiisa waa iyaduna su+aal in
la isweydiiyo u baahan. Dad badan ayaa waxa ay sitaan oo xanbaarsan
yihiin jaceyl dartiis iyo ixtiraam dadkii dalka burburiyey , waxayna
doonayaan in ay iyagoo fikirkaas ka dhaadhacsan yahay in ay somali xal u
raadiyaan. Maamulo sida kan somaliland oo kale ayaa waxa uu ku dhisan
yahay nidaamkii  burburintii somalia , waana muhiim in la saxo tariikhda
khaldan ee la doonayo in loo gudbiyo jiilalka soo socda ee somaliyeed.
Wixii dalka jabhado oo soo marey waa in la isku raaco in ay doorweyn ku
lahayeen burburkii Soomaaliya , oo waxa u furna in ay sameyaan nidaam
xisbiyeed ama in ay mucaarad aan hubeysneyn noqdaan. waxa waxaas oo dhan
ka darna goortii ay ka heleen casumaad nidaam cadow ku ahaa umada
soomaaliyeed oo hubeyntooda iyo dhaqaleyntoodaba wadey. Nidaamkaas oo
maslaxada kaliyoo uu ka laha ay aheyd sidii uu u burburin laha somalia .
walaalayaal jabhad walba waa qabiilkasta ee aan nacaladno jabhadihii
dalka soo marey iyo madaxdoodiiba ,markaas ayaanu gaareyna talaabo na
gaarsiisa xalka Soomaaliya ee anagoo xanbaarsan nidaamyada noocan oo
kale ma dhici karto in aan xal u raadino Soomaaliya.
Dr : Ali Warsame

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...


Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Cabdiraxmaan Faroole oo u socdaalay Jibuuti Ra'iisal wasaare Farmaajona ku tilmaamay "inan meesha la keensaday oo iska hadlay"

$
0
0

Cabdiraxmaan Faroole, Hogaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland ayaa maanta ka hadlay hadal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaalidu ka yiri go'aankii ay maamulka Puntland ku gaareen in ay kalsoonida iyo wadashaqeynta intaba kala laabtaan Dowlada Soomaaliya.

"Waa inan yar oo meesha la keensaday, wuxuuna ka hadlay wax uusan waxba kala socon marka waxaan leenahay, war xeradaada ku ekoow" Hadalkaas waxaa laga soo xigtay Faroole xilli uu ka jawaabay su'aa ku saabsaneyd hadal uu Ra'iisal wasaare Farmaajo ka yiri go'aankii maamulka Puntland.

Hogaamiyaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garowe isagoo ay wehliyan xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in ay ku sii jeedaan dhanka Jibuuti si ay ula kulmaan hay'adaha Caalamka ee daneeyay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan QM.

Hadalka Madaxweynaha Puntland oo u muuqday mid caro xambaarsan ayaa la jaanqaadaya xurguf iyo xiiqtan tan iyo magacaabistii Ra'iisal wasaare Farmaajo ka dhex jirtay maamulka Puntland iyo dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif sida dad badani qabaan xurguftaas iyo xiiqtankaas oo hadda daaha ka rogmay.

halgankanet@gmail.com

 

 

Al-Shabaab oo isbaaro cusub dhigtay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye gaadiidkana lacago uga qaadaya

$
0
0

Deegaanka dadku u barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhowaan taladiisa la wareegay xoogagga Shabaabku ayaa waxaa saakay laga soo sheegayaa bar control cusub oo ay halkaas dhigteen al-Shabaabku.

Isbaaradan cusub oo taala halka ay ku kala beyraan gobollada Shabeellada Hoose iyo Banaadir ayaa waxaa gaadiidka dadka qaada saakay looga qaadayaa lacag dhan 10,000 oo Shilin Soomaali ah halka gaadiidka kale ee xamuulka sidana lacago kale oo loo qoondeeyay lagaga qaadayo.

Lacagahan ayaa waxaa si toos ah u qaadaya xoogagga al-Shabaab ee halkaas ku sugan waxaana la soo sheegayaa waxoogaa madax adeyg ah in ay ka sameeyeen bixinta lacagta qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidku waloow markii dambe lacagaha xoog looga qaaday.

Dadka deegaanka iyo wadayaasha gaadiidka ayaa talaabadan ku tilmaamay mid ku cusub deegaanada ay ka taliyaan Shabaabku waxaana la isweydiinayaan "al-Shabaabku ma waxay bilaabeen dhaqankii ay caanka ku ahaayeen qabqablayaashii dagaalku mise arrinta ma ah mid ey wax ka ogyihiin?"

halgankanet@gmail.com 

Maxamad Jaamac Danaf; "Khilaafka Puntland iyo DFKG waxaa ka dambeeya Sh. Shariif, waayo wuxuu gooni u riixay Puntland"

$
0
0

Ka dib markii uu cirka isku shareeray khilaafkii mudada soo jiitamamay ee u dhexeeyay maamulka Puntland iyo Dowlada Soomaaiya, mas'uuliyiinta labada dhinacna hadalo aan siyaasad ahaan isla jaanqaadi karin saxaafada isu soo mariyeen ayaa waxaa arintaas ka hadlay mid ka mid ah xildhibaanada Puntland.

Maxamad Jaamac Danaf oo ka tirsan xildhibaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif uu ka mas'uul yahay khilaafka u dhexeeya labada dhinac isagoo ku eedeeyay madaxweynaha in uu gaar u riixay maamulkooda sida uu sheegay qadarin weyn ka mudnaa dowlada Soomaaliya.

"Shariif baa ka mas'uul ah ismaandhaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowlada Soomaaliya waayo wuxuu Shariif sameeyay arrima aysan dowladihii ka horeeyay aanay sameyn" Sidaas waxaa laga soo weriyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Puntalnd inkastoo uusan Xildhibaanku si toos ah carabka ugu dhufan waxyaabaha ay qoonsadeen ee dhabta ah.

Shalay ayeey aheyd markii madaxweynaha Puntland, Faroole isagoo u jawaababay Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Farmaajo laga soo xigtay erayadan; "Waa innan meesha la keensaday, balse waxaan leenahay, Xeradaada ku ekoow".

halgankanet@gmail.com  

Maatida ku barakacsan gudaha magaalada Muqdisho oo ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamada dowlada

$
0
0

Shacabka masaakiinta ah ee ku barakacsan gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Kaniisada hore ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhibaatooyin joogto ah oo ay ku hayaan ama ka soo gaara dhanka ciidamada dowladu.

Faadumo Cali oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka kaniisadii hore ee magaalada Muqdisho ayaa saraakiisha dowlada ka codsaday in ay soo wax ka qabtaan dhibaatooyin sida ay sheegtay ay ku qabaan ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan.

Faadumo waxay dhibaatooyinka ay ku qabaan ciidamada dowlada ku tilmaamay kuwa aan loo adkeysan karin oo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ka sii daran waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaas dhaawacyo iyo dhimasho ka soo gaarta mar kasta oo ay ciidamada dowlada isku dahcaan, iskudhacyadaas oo inta badan si joogta ah u dhaca.

Inkastoo ay dowladu ku dhaaqaaqday talaabooyin ay wax kaga qabaneyso tacadiyo ay ciidamada dowladu u geystaan shacabka masaakiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho laakiin waxaa weli sii socda sida muuqata xadgudubyada iyo tacadiyada dhanka ciidamada dowlada ka soo gaaraya shacabka.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live