Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha: “Taageerada Boqortooyada UK waxay...

$
0
0


Muqdisho, 20 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK (United Kingdom) wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay taageerada mar walba ay Britain la garab taagan tahay Soomaaliya, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya.
"Aad baan uga mahadcelineynaa Boqortooyada UK iyo Ra'iisul Wasaare David Cameron oo dadaal dheer u galey inuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo xaaladda Soomaaliya. Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey''.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha cusub ee Britain uga waramey xaaladda guud ee dalka, dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey in Soomaaliya ay weli u baahan tahay kaalmada beesha caalamka si loo dhameystiro hawsha ballaaran ee dib u dhiska Soomaaliya.
Danjiraha cusub ee Britain ee Soomaaliya Ms Harriet Mathews, oo iyana kulanka ka hadashey ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ku ammaantey horumarka muuqda ee laga sameeyay barnaamijka dhaqangelinta nidaamka federaalka, iyo dardargelinta hawlaha la xiriira Hiigsiga 2016.
Waxay Ms Mathews intaa ku dartey in Ra'iisul Wasaare Cameron ay ka go'an tahay in la sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya, isla markaana ay Britain waddanka kala shaqeyn doonto dhinacyada gargaarka aadminimo, amniga, siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha.
Ms Mathews ayaa sidoo kale sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare David Cameron, kulankaas oo ay kaga wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal.
-DHAMMAAD-

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Xukuumadda oo ganacsatada ugu baaqday inay bixiyaan...

$
0
0


Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday inay bixiyaan canshuurta si ay gacan uga geysato horumarinta dakhliga Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi xayir "Maareeye" ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka Golaha Wasiiradda ee uu shir gudoominayay Madaxweynaha Mudane, Xassan Sheekh Maxamuud
"2012-kii markii dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh ay xilka qabaneysay, daqliga dowladda ee gudaha ka hesho waxa ay ahayd wax yar 30 milyan halka haddana uu ka yahay in ka badan 112 milyan, daqliga dowlada kolkii hore waxa uu ahaa 40 milyan, halka hadda uu sanadkii yahay 200 milyan, dowladdu isku tashi ayay gaartay, marka waxaa la qaatay in la isku tashado, dakhliga dowladda waxaa lagu saleeyay wax soo saarka gudaha ee dalka, ciidanku waxa ay u taaganyihiin xaqiijinta amniga, marka shacabka waxaa laga rabaa inay is garab istaagaan dowladooda, ganacstaduna ay bixiyaan canshuurta" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay maalgeshi ku sameystaan gudaha dalka, isla markaana ay Xukuumaddu dhiiri gelineyso shirkadaha daneynaya inay maalgeshadaan gudaha dalka.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Qaxooti ku nool Denmark oo ka walaacsan in...

$
0
0


Qaxootiga Soomaalida ee dalka Denmark ayaa ka walaacsan qorshe dowladdu ay ku dooneyso in Qaxootiga ay dib ugu soo celiso Soomaaliya, xilli qaxootiga Soomaliyeed ay arrinkaasi ku tilmaameen mid ka baxsan sharuucda caalamka.
Qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee Wadanka Denmark oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay aad ugu wal walsan qorshaha dowladda Denmark ay ku dooneyso inay ku soo musaafuriso qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool.
Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Denmark "Dowladda Denmark waxa ay noo sheegtay inay Soomaaliya, nagu celineyso Dalkii Hooyo ay na geyn doonaan, anagu waxaanu nahay Qaxooti marka fursad ma u heli karno in aan la kulano Madaxda dalkan, baarlamaanka ayaa hortooda ku mudaaharaadnay oo aan ka codsanay in magangelyo nala siiyo, inkasta oo aan weli jawaab rasmi ah helin"

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamada oo howgallo ka dhan ah Al-Shaabab ka wada...

$
0
0


Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa ka howllgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanno hoos yimaada gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, iyada oo ciidamada huwanta ay kusii siqayaan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaasi oo ay dadkii deganaa isaga baxeen.
Ciidamada isku dhafka ah waxa ay howgallo wada jir ah ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Iidaale ee ka tirsan Gobolka Baay, halkaasi oo ay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku fashilmay iskuday weerar oo ay ku doonayeen inay ku qaadaan goobo ay ciidamadu ku sugnaayeen, iyagoo soo qaatay gaari nuuca minibas ah, balse gaariga uu si iskiis ah u qarxay.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howgallo kuwan la mid ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bakool iyo Gedo, halkaasi oo ay ciidamadu ku doonayaan inay kula wareegaan deegaannada fara ku tiriska ah ee ay Shabaabku ku suganyiiin.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gudiyada doorashooyinka iyo Xuduudaha oo maanta...

$
0
0


Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya shirkoodi caadiga ahaa, aydoo ajandayaasha ay yihiin dhaarinta guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha iyo khudbad uu jeedinayo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud habdhowraha Baarlamaanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka baarlamaanka uu ku saabsanyahay dhaarinta Guddiyadii dhawaan ay Xildhibaannada codka kalsoonida ah siiyeen.
"Maanta oo Isniin ah waxaa jira shirka baarlamaanka, waxaa jiri doono hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka, sida ku xusan xeer hoosaadka qodobka 27 xarafkiisa "G" ayaa u ogolaanaya hadal jeedinta baarlamaanka iyo dhaarinta xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa Madaxa banaan, waa la dhaarin doonaa, labada guddi waxa ay lafdhabar u yihiin arrimaha hiigsiga" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiir ku-xiigeenka Maaliyadda oo booqday Kuliyadda...

$
0
0


Wasiir ku-xiigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo guddoomiyaha degmada Carmo mudane Maxamed Cali Shire ayaa booqday kuliyadda tababarka ciidanka Booliska, Isbitaalka guud ee degmada iyo gooba kale oo muhiim ah.
Booqashada kaddib ayaa Wasiirku waxa uu saraakiisha xerada ka dhegaystay warbixin iyo cabashooyin ay qabeen oo ay ka codsadeen Wasiirku in uu ka gaaarsiyo hayadaha ay khusayso waana uu ka aqbalay.
"Kuliyadda Carmo waa mid muhiim u ah dowladda Federaalka ah, waana goobaha ay ku faanto, sida ku cad heshiisyadii ay wada galeen dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland waxaa ku xusan in kuliyadda tababarka ciidanka Booliska ee degmada Carmo dib loo howl galiyo, waxaana maanta ka howlgala Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Saraakiishii tababarada ku qaatay halkaan" ayuu yiri mudane Xayir
Sida oo kale Wasiirka ayaa booqday cisbitaal casriga ah oo dhawaan laga hirgaliyey degmada, waxaana u warbixinno ka dhagaysatay Agaasimaha Isbitaalka Dr Yusuf Farole, wuxuuna Wasiirku soo booqday dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalka, waxaana isbitaalka dhismihiisa iska kaashaday Jaaliyadda ka soo jeeda gobolka iyo dadka degmada Carmo.
Wasiirka ayaa sida oo kale waxa uu galabta la kulmay qayba ka mida ah dhalinyaradda degmada Carmo waxayna iska xog warays teen xaalada dalka iyo arigtida guud ee wasiirka. Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaa maalmahan sii joogi doona deegamada Puntland isagoona booqasho ku tagaya Degmada Boosaaso oo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhaweynayo.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowlada Uganda oo Helikobtarro u Diraysa Ciidanka...

$
0
0

Dowladda Uganda ayaa u diraysa Soomaaliya diyaaradaha qummaatiga u kaca si ay xoojiso ciidankeeda dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, afhayeen u hadlay ciidanka ayaa Axaddii sheegay.
Kornayl Paddy Ankunda ayaa sheegay in helikobtarrada loo adeegsan doono in lagu daadgureeyo ciidanka dhaawaca ah, lagu horumariyo isgaarsiinta, laguna fuliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
"Isgaarsiinteennu way hooseysay, wayna adkayd inaan daad-gurayno ciidankeenna dhaawacma iyo kuwa xannuunsan. Diyaaradahan waxay xoojin doonaan howlgalladeenna ka dhanka ah Al-Shabaab," ayuu yiri.
Isku daygii ugu horreeyay ee Uganda ay diyaarado helikobtarro ah ugu diraysay Soomaaliya ayaa bishii August 2012 ku dhammaaday guul-darro kaddib markii saddex helikobtar ay ku burbureen Kenya xilli ay u socdeen Soomaaliya, waxaana shilkaas ku dhintay toddobo ka mid ah shaqaalihii diyaaradahaasi saarnaa.
Dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Burundi, Jabuuti iyo Sierra Leone ayaa ciidamo u diray Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah ciidanka Midowga Afika ee taageeraya dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Midowga Afrika ayaa sanadkii 2011 ku guulaystay inay magaalada Muqdisho ka saaraan Al-Shabaab.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Howlgal Ka Dhan Ah Al-Shabaab oo Ka Billowday...

$
0
0

Howlgal milateri oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday qeybo ka tirsan gobollada Baay iyo Gedo.
Howlgalka oo ay si wada-jir ah u fulinayaan ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa dowladda Muqdisho ayaa looga gol leeyahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay uga sugan tahay gobolladaasi.
Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee saldhigga ku leh magaalada Faafaxdhuun iyo ciidamo Soomaali ah ayaa Axaddii gaaray deegaan lagu magacaabo Tarako oo 50 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Baardheere.
Sidoo kale ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugnaa magaalada Qansaxdheere ayaa gaaray deegaanka Eysow oo 65km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baardheere, sida uu warbaahinta u sheegay Cumar Sheekh Ismaaciil, afhayeenka ciidanka dowladda ee ka garab dagaallamaya ciidanka Itoobiya.
Howlgaka waxaa ku lug leh duqayn dhinaca cirka ah oo ay adeegsanayaan ciidanka dalka Itoobiya.
Ciidanka Itoobiya ayaa la filayaa inay weeraraan degmada Diinsoor, balse waxay la kulmayaan iska caabbin kaga imaanaysa dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Qarax gaari ayaa dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ku wajahan magaalada Diinsoor.
AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saartay ku sheegtay in howlgalka la doonayo in lagu xorreeyo deegaannada ay ku harsan tahay Al-Shabaab si gargaar bini'aadannimo loo gaarsiiyo dadka dhibaataysan.
Khamiistii la soo dhaafay, duqayn cirka ah ayaa lagu dilay ku dhowaad 40 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab. Ugu yaraan saddex sarkaal ayaa ka mid ahaa xubnaha lagu dilay duqaynta oo ka dhacday tuulada Garasdulan ee gobolka Gedo.
Howlgalka ayaa ku soo aaday xilli lagu wado inuu magaalada Nairobi soo gaaro toddobaadkan madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Somalia: Dozens of Somali refugees in Denmark fear...

$
0
0

Dozens of Somali refugees in Denmark fear they could soon be forcibly deported from the European country. Some of the asylum seekers who have speaking to local media outlets have raised their concerns over the deportation program of the Danish government.
Weblinks: 

XOG CUSUB Gaas oo taageeray in Badda Somalia ay u...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha qunyar socodka ah ee Maamulka Puntland C/weli Gaas oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday inuu ka hadlo muranka Badda Somalia ee u dhexeeya DF Somalia iyo Kenya.
Gaas oo kulan gaar gaar ah la qaatay Mas'uuliyiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Kenya, ayaa sheegay in DF Somalia ay wado xadgudubyo ka dhan ah Dowlada Kenya waxa uuna sheegay in DF Somalia aysan mudneyn inay ka hadasho arrimaha Badda Somalia.
Gaas ayaa kulamadaasi ku qanciyay Dowlada Kenya waxaana la soo warinayaa in kulan kaasi lamid ah uu la qaatay Khubarada Dowlada Kenya ay u diyaarisay ka doodida muranka Badda kuwaasi oo uu ku saaciday shaxda ay uga itaal roonaankaraan DF Somalia oo iyadu xoojineyso muranka Badda, waana tan keentay in Keynya ay Ciidamo iyo Maraakiib usoo daabusho badda gaar ahaan qeybta uu muranka ka taagan yahay.
Sidoo kale, Gaas ayaa waxa uu Magaalada Nairobi ku qaabilay Siyaasiyiin kasoo kala jeeda deegaanada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi barri ee dalka Kenya, waxa uuna u cadeeyay inaysan Dowladda Somalia xaq u lahayn inay ka hadasho Qaddiyadda Badda, kuna tumatay Sharciga iyo Dastuurka Qaranka.
Waxa uu kulankaasi ka dhex sheegay in Muranka badda Somalia keliya lagala tashan karo Maamulka Jubbaland waa sida laga xigtay Madaxweyne Gaas oo isagu carada kala dhexeysa DF Somalia awgeed ula saftay Dowlada Kenya.
Kulamada Gaas uu la qaatay Mas'uuliyiinta Kenya iyo kuwa Gobolada Somalia kasoo jeeda ayaa u muuqanaayo mid uu ku muujinaayo in Badda Somalia loo xalaaleeyo Dowlada Kenya, waxaana taasi laga dheehankaraa Casuumada ay u fidisay Kenya xili maalmo un ka hor Nairobi uu kasoo laabtay Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.
Dowlada Kenya ayaa Badda Somalia u bedeshay Mashruuc ay dhaqaale ugu abuureyso Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu ku taamaayo inay dhaqaale ka dhex abuurtaan muranka taagan.
Geesta kale, Dowlada Kenya oo ku hingowday muranka taagan ayaa waxa ay wadaa qorsho ay ku kaalmeysaneyso Labadaani maamul ee ka gudbay xeen-daabka Siyaasada, Qaranimada iyo Soomaalinimada.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Greece Adjusts to New Normal as Banks Reopen

$
0
0

Greece will now leave the company of Zimbabwe, Sudan and Somalia - the only other countries currently in arrears to the IMF - though it is unclear whether the new payment will impact the IMF's involvement, or lack thereof, in Greece's upcoming bailout ...
Weblinks: 

Arday reer Hargaysa ah oo helay Harvard

$
0
0

Ardaygii ugu horeeyay oo wax ku bartay dugsiga sare ee Abarso-tech ee Hargeysa ayaa deeq waxbarasho ka helay Maraykanka ee Harvad.

Ciyaartoyda Afrika oo so sharci daro Aasiya loo geeyo

$
0
0

BBC-da ayaa aragtay cadaymo muujinaya ciyaartooy si sharci daro ah looga kaxeeyay Afrika oo loo geeyay Aasiya

GalMudug: Caabud-Waaq Annagaa Gacanta ku Hayna

$
0
0

Maamulka Galmudug ayaa beeniyey in maamulka Ahlu-sunna ay qabsadeen magaalada Caabud-waaq, iyaga oo sheegay in magaaladaas ay gacanta ku hayaan maamul iyaga ka amar qaata.

Fifa oo samaynaysa gudo musuqmaasuqa la dagaalama

$
0
0

Fiifa ayaa samaynaysa gudi 11 xubnood ka kooban oo dib u qaabayn ku samayn doona hay'adda oo ay hadhaysay fadeexad.


UK oo Sharciyo Adag ka soo Saaray Gudniinka

$
0
0

Dawladda Britain ayaa sheegtay inay baasaboorada ka qaadayso dadka loo tuhmo inay caruurtooda debedda ku soo gudayaan, iyaga oo la kulmaya ciqaabo kala duwan.

Burundi oo loo dareeray doorasho lagu muransan yahay

$
0
0

Burundi waxaa ka billaabatay doorasho madaxweyne oo lagu muransan yahay saacado kaddib markii caasimadda dalkaasi ee Bujumbura laga maqlay xabado iyo qarax.

Maxkamadaynta Habre oo maalintii labaad gashay

$
0
0

Madaxweynihii hore ee dalka Chad Hissene Habré ayaa lagu wadaa maanta in uu maanta ka soo hor muuqdo maxkamad ku taalla dalka Senegal.

Baadari ku taliyay in mas nool la cuno

$
0
0

Baadiri u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ku amray jameecadiisa in ay cunaan mas nool isagoo aaminsan in uu la dhadhan yahay shukulaatada ayaa lagu sii daayay damaanad.

Xariirka amniga Kenya iyo Maraykanka

$
0
0

Kenya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah uga faa'iida gargaarka millitari ee Mareykanka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>