Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daanyeerro Dhagax Ku Dilay Wadaad Hinduus Ah Iyo...

$
0
0

Kitaabka Saxiix Al-Bukhaari lagu magacaabo ee uu Sheekh Abu Cabdallah Muxamed Bin Ismaaciil Al-Bukhaari oo noolaa intii udhexeysay 810 illaa 970 Milaadiga uu ku ururiyey Axadiiista la hubo ee Nebi Muxammed (SCW) laga soo tebiyey, laguna tilmaamo in uu yahay kitaabka ugu saxsan diinta Islaamka marka laga yimaaddo kitaabka QuraEU(tm)aanka ah, ayaa waxa ku jira qiso dad badan amakaag ku noqotay, oo sheegaysa in raxan daanyeerro ah, ayaa beri baryaha ka mid ah dhagax ku dileen daanyeer ka mid ah oo dheddig ahaa.
Sheekh Bukhaari oo 16 sano Axaadiistan ururinayey waxa uu qisadan ka soo wariyey Camar Bin Maymuun oo u sheegay in uu la kulmay nin reer Yemen ah oo diinta Islaamka ka hor indhiisa ku arkay daanyeerro dhagax ku dilay mid ka mid ah oo dheddig.
Weliba waxa uu intaas ugu daray in markii daanyeerradu ay dilayeen daanyeerkan in uu isna kala qayb galay dhagax ku dilistaas isaga oo aaminsan in sababta daanyeerradu midkan ka mid ah u dilayaan ay tahay in ay sinaysatay. Maymuun markii dambe ee Islaamku yimid waa uu muslimay sida uu Bukhaari caddeeyey.
Haddaba iyada oo 1200 oo sano laga joogo markii uu Bukhaari qisadan ka warramay dad badanna qisadan si uga biyo diideen ayaa ay qarnigan 21aad dhacday sheeko aad ula mid ah taas uu ka waramay Camar Bin Maymuun, laakiin markan daanyeerradu waxa ay dhagax ku dileen waa qof baniaEU(tm)aadam ah.
Suufi ka masuul ahaa Macbadka caanka ah ee Jagannath oo dadka Siikha ahi ku cibaadaystan dalka Hindiya ayaa la sheegay in xilli uu barandaha dabaqa sare ee gurigiisa joogay in ay si kedis ah Isniintii toddobaadkii hore dhagax ugu soo weerareen raxan Daanyeerro ah aakhirkiina uu u dhintay dhagaxaantii daanyeerradu la dhaceen.
Qisadan yaabka badan ee uu Kobciye.comA turjumay oo uu baahiyey Talefishanka Alcarabiya oo soo xiganaya wargeyska Today India ee dalka India ayaa sheegaysa in daanyeerradani ay sidan oo kale qof kale dhagax ugu dishay isla deegaankan.
Wadaadkan Hinduuska ah oo lagu magacaabi jiray Monna Mishra kuna noolaa degmada Patna oo ku taalla gobolka Maharashtra ayaa daanyeerrada soo weeraray oo boqollaal gaadhayey ayaa dhagax sida dhibicda roobka kaga dhigay, nabarro badan oo qaarkood khatar yihiin ayaana soo gaadhay, cisbitaalka oo la geeyey iyada oo ay xaaladdiisu adag tahay ayaanu ku geeriyooday wadaadkan oo 50 jir ahaa. Qalniin baadhis ah oo maydkiisa lagu sameeyey ayaana lagu xaqiijiyey in uu u dhintay dhaawacii dhagaxaas ka soo gaadhay.
Warkan oo baahintiisu ay aad u gaashay warbaahinta afafka kala duwan ee dunida ayaa lagu sheegay in wadaadkani uu noqonayo qofkii saddexaad ee daanyeerro ay dhagax ku dilaan degmadaas oo keliya, taas oo cabsi iyo warwar badan ku abuurtay dadka deegaanka oo qaar badan oo ka mid ahna dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen weerarro sidan oo kale daanyeerro dhagax adeegsanayaa ugu qaadeen.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Cunsuriyadda Tiknoolajiyadda: Google Oo Raalli Gelin...

$
0
0

Shirkadda Google oo Maraykanka laga leeyahay ayaa raalligelin rasmi ah siisay qalad ku yimid barnaamijkeeda cusub ee ay ugu talogashay in lagu garto wejiyada dadka, kadib markii laba ruux oo madowga Maraykanka ah oo la geliyey si barnaamijku wejigooda u garto uu ku sheegay in ay yihiin daanyeerro.
AFhayeen u hadlay Shirkadda Google ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi,aEUCadho badan iyo ka xumaanshiyo run ah ayaa aanu ka qaadnay waxa dhacayaEU Isaga oo intaas ku sii daray in ay tallaabooyin degdeg ah qaadeen markii mid ka mid ah macaamiishoodu uu Twitter ka ugu soo diray sawirkan.
Ninkan farriinta u soo diray Google ayaa sawirka soo raaciyey qoraal uu ku leeyahay, aEUoeGoogle Photos waa aad waalantihiinaEU Isaga oo qoraalkiisa ereyo badan oo cadhadiisa cabbiraya ku soo taxay kadib waxa uu yidhi, aEUoeSaaxiibadday daanyeer maaEU(tm)ahaaEU
Arrintan ayaa ay Google ku sheegtay cillad farsamo iyo qalad ka dhacay dhinaca garashada iyo fariidnimada samayska ah ee barnaamijkani ku kala saarayey wejiyada, isaga oo sheegay in ay ka taxaddari doonaan in qaladkaas oo kale dib u dhaco.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ilmaha Waalidkii Uu Is-Xigsiiyaa Waxa Uu Walaalladii...

$
0
0

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey natiijada cilmibaadhis ay iska kaashadeen jaamacado Maraykan ah, taas oo daahfutay in ilmaha labadiisa waalid midkood ay aad isugu dhowyihiin ama loo dareemo in jacayl gaar ahi ka dhexeeyo aanu xidhiidh fiican la yeelan Karin walaalihii.
Cilmibaadhistu waxa ay tilmaamtay in carruutu, walaalkooda ama walaashooda ay ka dareemaan in uu waalidka midkood ama labadoodaba si gaar ah ugu xidhan yahay ama isu xigsiiyo ay la galaan tartan iyo loollan adag, kaas oo aan inta badan hadhin xitaa marka ay carruurtu qaangaadho ama daaEU(tm)doodu xitaa qaangaadhka ka sii weynaato. Aakhirkana fogeyntaas uu ilmahani kala kulmayo carruurtoodu waxa ay ku beeraysaa cuqdad iyo calool xumo uu u qaado walaalihii.
Daraasaddu waxa ay tilmaamtay in ilmahan ay waalidkii isku dhow yihiin ay qudhiisuna marka uu cadaadiskan kala kulmo walaalihii ay ku beeranto shucuur ah in uu masuuliyadda waxa dhacaya wax ku leeyahay, ama haddii aynu si kale u nidhaahno in uu dembiile ku yahay jacaylka gaarka ah ee uu labadiisa waalid ama midkood u qabo, taasina ay ku sii kordhiso diiqad iyo cidhiidhi badan oo nafsi ah.
Daraasaddan uu kobciye.comA turjumay oo uu baahiyey talefishanka AlJazeera oo sii xiganaya Daily Mail waxa ay intaas ku dartay in tirokoobyo kala duwan lagu ogaaday in boqolkiiba 60 hooyooyinka ka mid ah iyo boqolkiiba 70 aabayaasha ka mid ah uu carruurtooda uga dhex calaamadsan yahay wiil ama gabadh ay si gaar ah inta kale oo dhan uga fadilaan ugana soo dhoweystaan.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: Pro-ISIL fighters take town near Kenyan border

$
0
0

Reports reaching us from the border town of Dhobley indicate that pro-Islamic state fighters have wrested full control of a village lies near Somali-Kenyan border.
The militants who were heavily armed with machine-guns and rocked propelled grenades reportedly seized Tulo-Barwaqo peacefully after Jubbaland forces have withdrawn from the village.
The capture of Tulo Barwaqo becomes the first ground in Somalia taken by the militants who recently switched allegiance to the Islamic state in Iraq and Syria (ISIL).
In recent months, there has been a growing row that broke out within the Al Shabaab over whether to maintain ties to Al Qaeda or switch allegiance to Islamic State (IS).
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DEG DEG: Al Shabaab oo la wareegay Degaano hoostaga...

$
0
0

Dhoobley (Sh M Network)--Wararka laga helayo Magaalada Dhoobley ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab gaar ahaan kuwa taabacsan Kooxda Daacish in ay la wareegeen Degaan hoosta Magaalada Dhoobley.
Dagaal yahanadaasi oo aad u hubeysnaa ayaa hantay gacan ku heynta Degaanka Tuulo-Barwaaqo oo hoostaga Degmada Dhoobley ee Gobolka Gedo kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba.
Dagaal yahanada taageersan Ururka Daacish ayaa Caawa ku sugan Degaanka Tuulo-Barwaaqo waxaana wararka ay sheegayaan Dagaankaasi lala wareegay iyadoo aanu wax Dagaal ahi dhicin.
Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Juba kaasi oo ku aadan qabashada Al Shabaab ee Degaanka Tuulo-Barwaaqo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wareysi VOA la yeelatay Maxamed Miski oo ay gacanta...

$
0
0

Maxamed Cabdulaahi Xasan oo loo yaqaan "Miski" waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ka badan 20-ka ee Soomaalida ah ee ka tagtay Gobolka Minnesota sannadihii 2007 ilaa 2008-da.
Miski waxa uu VOA u sheegay inuu ka tagay Minnesota bishii Ogosto 2008 isagoo xilligaasi ay wax yar uga harsan tahay inuu ka qlin jebiyo iskuulka saree e Roosevelt High School ee magaalada Minneapolis.
Waxa uu Miski idaacdda VOA u sheegaay in gurigiisa magaalada Jilib ay soo weerareen maleehsiyada Al-Shabab, xaaskiisa ay indha ka xireen kadibna ay argagaxsiiyeen carruurtiisa. Waxa uu sheegay inuu u baxsaday kaynta isaga iyo rag kale oo ajaanib ah.
Miksi waxa uu caan ku ahaa isticmaalka baraha internet-ka gaar ahaan twitter-ka oo uu farriimo jihaadi ah ku daabiici jiray.
Waxaan weydiiney inu ku biiray ururka Daacish taasina ay keentay inay Al-Shabab baacsato.
Waxa uu sheegay inuusan ku biirin Daacish, balse uu ku taageeray oo keliya farriimaha uu ku daabici jiray baraha bulshada.
Waxaan weydiiney goorta uu isku soo dhiibay ciidamada dawladdsa Soomaaliya, waxaana uu sheegay inaanu isa soo dhiibin balse iyaga oo socda goob kayn ah ay arkeen dad xoolalay ah kadibna ay war geliyeen ciidamada dawladda oo kasoo qabtay meel u dhow magaalada Baraawe.
Waxa uu sheegay inuu haatan ku jiro xabsi ku yalala magaalada Muqdishu uuna sugayo maxkamad.
Mar aan weydiiney inuu doonayo inuu ku soo laabto dalka Maraykanka waxa uu sheegay oo yidhi ma doonayo inaan Maraykanka imaado, waxaan ahay nin Soomaali ah waxaana wixii la igu haystay la igu maxkamadayn karaa Soomaaliya.
Isaga oo ka jawaabaya sababta uu marka hore ugu biray Al-Shabab ayuu sheegay in tegitaankiisa Soomaaliya sanandkii 2008 uu la xiriiro soo faragelintii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay inuu Al-Shabab uga soo shaqeeyey dhinaca warbaahinta iyo dacwada balse uusan shaqo u qabanin muddo laba sano ah.
Waxa uu sheegya inuu Al-Shabab uga soo tagay kadib marka uu arkay inay dadka iska xir xirayaan oo ay iska dilayaan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaan Miski wax ka weydiiney farriimaha uu ku qoray baraha ijtimaaciga oo qaarkod ay ku baaqayeen weeraro laga gaysto gudaha Maraykanka, isaga oo farriin dhigay twitter-kiisa.
Magaciisa ayaa warbaahinta Maraykanka ay si weyn u hadal hayeen bishii May ee sanandkan kadib markii laba nin oo dabley ah ay weerareen goob uu ka socday tartan lagu sawirayey Nebi Maxamed NNKHA, waxa jariiradda New York Times ay qortay in mid ka mid ah dadka weerarka qaaday uu xiriir la sameeyey Miski.
Hase yeshee waxa uu Miski beeniyey inuu xirir la lahaa dadka weerarkaas gaystay, waxaana uu ku dooday in boggiisa twitter-ka ay wada isticmaalayeen dad kale.
Sidoo kale waxaa magaciisa lala xiriiriyey dadkii ku lgta lahaa weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California oo ay ku dhinteen 14 qof. Mar kale waxa uu sheegay Miski inuusan wax xiriir ah la yeelan dadkaasi.
Waxa uu diiday inuu sheego magacyada dadka kale ee la sitcimaalayey bartaas twitter-ka.
Waxaa wareysigan qaaday Haaruun Macruuf
The post Wareysi VOA la yeelatay Maxamed Miski oo ay gacanta ku hayaan Sirdoonka Soomaaliya appeared first on Awdalpress.com.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Soohdinta Somaliland Iyo Soomaaliya Wadaagaan-na...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org):- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal gar-darro ay ku sifeysay oo ka soo yeedhay Maamul goboleedka Soomaliya ee Puntland oo si daan-daansi ah uga hadashay Sahamin shidaal baadhis ah oo Xukuumadda Somaliland ka Waddo gudaha dalka oo ay fulinayaan shirkado caalami ah oo ay dawaladdu heshiis rasmi ah la gashay.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaalle oo ka jawaabayay dhawaaqa ee ka soo yeedhay Maamulka Puntland ,ayaa sheegay in Somaliland aanay marna ku xad gudbin soohdin dal kale isla markaana ay baadhitaano macdan iyo kuwo shidaalba ka wado dalka Somaliland gudihiisa kuwaasoo uu caddeeyay in aanay cid kale Somaliland u daba fadhiisanayn khayraadka dalkeeda ee ay la soo baxayso ama sahaminta ku samaynayso.
"Marka ugu horraysa dalka Somaliland xaq ayuu u leeyahay in uu macdan iyo shidaal baadhisba ka sameeyo dalkiisa,dawladduna waxay baadhitaanno ka wadaa guud ahaan dalka Somaliland, taasoo ay wadaan afar shirkadood oo caalami ah oo ay Xukuumadda Somaliland heshiisyo sharciya kula gashay sahaminta shidaal iyo macdan baadhista,"ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle oo caawa khadka Telefoonka ugu warramayay wargeyska DAWAN.
Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in Somaliland ay heshiis rasmi ah oo macdan iyo shiidaal baadhis-ba iskugu jira la gashay shirkado macruuf ah oo caalamiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi " Haddii aan ka jawaabo hadalka ka soo yeedhay Maamul goboleedka Puntland horta marka koowaad Somaliland ma baadhayso dal iyo dhul ka baxsan dalkayaga Somaliland,shirkadda D.N.O oo ah shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Norway xarunteeduna ay ku taallo caasimadda dalkaas ee Oslo,ayaa horta deegaanada uu ninkan (Wasiirka warfaafinta Puntland) ka hadlayay ka wada baadhitaanno sahamin ah. sahamintaasina waxay ka mid tahay mid ay dalka ka wadaan afar shirkadood oo caalami ah oo ay Dawladda Somaliland heshiis caalami ah kula jirto.heshiisyda caalamiga ah shirkadaha Somaliland la galayna maaha qaar aan la garanayn oo meel ay ka diiwaan gashan yihiin aanay jirin oo iska yaacaya laakiin waa shirkado caalami ah oo ku socda shuruucda caalamka iyo qawaaniinta dunida,waana shirkado og in ay Somaliland tahay dal gaar ah oo madaxbannaan,markay heshiiska Somaliland la gelayeena Garoowe iyo Muqdisho may tegin oo wax may waydiin ee waxay yimaadeen Hargeysa Caasimadda Somaliland oo ay Xukuumadda Somaliland heshiis kula galeen."
Wasiirku waxa uu sheegay inaanu jirin dal Puntland la yidhaahdo oo xuduud la wadaaga Somaliland, waxaanu yidhi "Horta Somaliland, dal Puntland la yidhaahdo oo ay xuduud wadaagaan ma jiro,Somaliland waxay xuduud la leedahay dalalka Geeska afrika ee ay dariska yihiin oo ay ka mid tahay Soomaaliya,Puntlandna waxay ka tirsan tahay Soomaaliya, waxaanay qeyb ka tahay maamul gobolleedyada Soomaaliya ka jira.
Soohdinta Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaanna maaha mid la mid ah laamiga Gaalkacayo dhex mara ee dagaal beeleedku ka dhaco. laakiin waa soohdin la mid ah xuduudaha ay wadaagaan dalalka Itoobiya,Soomaaliya,Somaliland,Jabuuti iyo guud ahaan dalalka qaarada Afrika ee ku salaysnaa soohdimihii caalamiga ahaa ee qaarada afrika gumaysigu ku kala qeybiyay oo ah ka maanta dalalka Afrika ay waddamada ku yihiin laakiin nimanka Garoowe ka soo qeylinayaa waa nimanka ku murmaya xeebta Waqooyi ee Kiiniya oo aanay jirin meel ay iska gaadhaanba."
"Markaa waxaan leeyahay waxaad cuni karaysaa la hungureeyaa, laakiin Somaliland dalkeeda iyo khayraadkeedu dalka iska leh ayuu gaar u yahay,deegaan iyo dal qabiil xadeeyaana ma jiro,deegaanka Xuddun iyo Taleex ee uu qabiil ahaan ayaan u leenahay uu leeyahayna waa dalka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba,mana jiro dhul soohdintiisu ay reer tahay laakiin qaarada Afrika xuduudeeda la yaqaan ee caalamga ah ayay Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaan,"ayuu yidhi doodiisa ugu quus gooyay Wasiirku Hadaaqa ka soo yeedhay Puntland.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Talooyin Muhiim Ah Oo Qofka Dhiigga Laga Shubo Ka...

$
0
0

Khabiir caafimaad oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku taliyey in uu qofku cadaadiyo jidhka meesha irbadda lagu mudo marka qofka dhiig laga shubayo, si uu uga hortago in ay yeelato midabka buluugga ah ee aalaaba lagu arko xididka dhiigga halka irbaddu ka mudday iyo hareeraheeda iyo in qofku aanu maalintaas dhiigga laga shubay samayn hawl iyo shaqo uu gacanta ka qabanayo ama jimicsi culays gaar ah ku keenaya gacanta si aanu dhiig yari uga iman meesha irbadda lagu muday.
Xeeldheer Ebarhard Vic oo xubin ka ah haayadda Laanqayrta Cas ee dalka Jarmalka ayaa caddeeyey in cadaadiskaasi uu ka hortagayo in dhiig uu ka soo noqdo xididka la dalooliyey xitaa haddii uu dhibic yar oo qudha yahay, waayo dhiig yar oo ka yimaadda daloolka irbaddu samaysay waxa uu keeni karaa buro iyo barar dhibaatooyin kale oo caafimaad sababa.
Sidoo kale waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofka dhiigga shubay marka laga saaro irbadda uu qaato nasasho dhowr saacadood ah, si uu u ilaaliyo in wareegga dhiiggu uu hab-sami u shaqayntiisii soo ceshado, iyaga oo hoosta ka xariiqay in kor u kicista degdegga ahi ay qofka ku keenayso in uu dawakho.
Dhinaca kalana waxa uu Vic sheegay in ay fiican tahay in qofka dhiigga shubayaa inta aan laga shubin uu cunto iyo cabbitaan ku filan soo qaato, taas oo ka caawinaysa in marka dambe aanu dawakhin (Wareerin). Ugu dambayntii khabiirkan Jarmalka ahi waxa uu dadka dhiigga shuba kula talinayaa in aanay jimicsi iyo ciyaaraha jimicsiga jidhka keena samayn isla maalinta uu dhiigga shubay.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somaliland:Marwadda Koowaad Oo Booqatay Goobaha...

$
0
0

Burco (Somaliland.Org)- Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyo wefti ay hogaaminayso ayaa maanta kormeer hawleed ku soo martay goobaha caafimaadka ee magaalada Burco, waxaanay deeq guddoonsiiyay cisbitaalka guud ee magaaladda.
Weftiga Marwada koowaad Marwo Aamina Weris oo ay xubno ka yihiin Wasiirka wasaaradda Cafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, Wasiir kuxigeenka warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil iyo saraakiil kale, ayaa shalay gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Marwo Aamina Weris waxa ay booqatay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, Xanaanooyinka lagu daryeelo Hooyada iyo dhallaanka, Machadka Caafimaadka Burco, iyo guud ahaan ba goobaha caafimaad ee gobolka, waxaanay kormeerkooda warbixinno dhinaca caafimaadka ah kaga dhagaysteen Isuduwaha Caafimadka Gobolka Dr. Cabdi Yaasin, Dhakhaatiirta Cisbitaalka Burco, iyo hawl-wadeenada caafimaad ee goobahaasi ka hawl gala.
Aamina Weris waxa ay mid mid isu dul taagtay dadka Bukaan jiifka ah ee ku jiray Waadhadhka Cisbitaalka iyo Xanaanooyinka ay Booqatay iyadoo Hooyooyinkii ku jiray Waadhadhkaas kala sheekaysatay Xaaladooda Caafimaad sidoo kalena u ducaysay hooyooyin iyo carruur bukaan ah oo ku jiray goobahaasi.
Marwada qaranka Somaliland, intaas kadib waxay deeq isugu jirtay Dawooyin iyo Agab caafimaad oo kale ay ku wareejisay cisbitaalka guud ee Magaalada Burco, waxaaanay guddoonsiiyay agaasimaha Cisbitaalka iyo masuuliyiinta caafimaadka gobolka Togdheer.
Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi "Maanta waxaanu halkan u nimi, in aanu eegno oo aanu u kuur-galno, xaaladda hooyooyinka iyo dhalaanka iyo bulshadda reer Burco wixii aanu ka gaadhi karno. Waxa kale oo aanu sidnaa Xoogaa deeq ah oo isugu jira qalab iyo dawooyin,"
Marwada koowaad oo hadalkeeda sii wadatay waxay intaas ku ladhay "Waxa kale oo ku jira qaar ah xafiiskayga aan wakiilka ka ahay ee CARMA oo aan u wado caruurta dhiciska ku dhalata oo aad arkayseen maqsinkii yaraa ee ay jiifeen, qalabkan aanu u wadnana waxaa ka mid ah qalabkii neefta lagaga soo saarayay."
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo:- Naxdin Haween 5-Caruura dhashay oo Ciidanka...

$
0
0

Addi Ababa: Qarax 24 Qof ku Dhaawacay Masjid

$
0
0

Diini: Waan Ognahay Dagaalka Shabaab & ISIS

$
0
0

Qarax ruxay magaalada Addis Ababa iyo Khasaaro badan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in halkaasi uu ruxay Qarax khasaaro kala duwan geystay.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay Bam gacmeed la sheegay in lagu weeraray masjidka weyn ee Anwar ee ku yaalla xaafadda Markaato ee magaalada Addis ababa.
Inta la ogyahay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 24 ruux oo u badnaa dadka masjidkaasi ku cibaadeysanaayay, waxaana jiro warar sheegaya in dhaawaca uu intaa kasii badan yahay.
Xubno ka tirsan Dowlada oo Qaraxa kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay dhaawac, balse uusan jirin wax dhimasho ah.
Qaraxa ayaa waxaa la soo warinayaa in Masjidkaasi uu ka dhacay xili ay dadka kasoo kala baxeen Salaada Jimco, waxaana halkaasi ka socday xiliga uu weerarka dhacaayay munaasabad diini ah oo ay dhigayeen maamulka Masjidka.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxaasi, waxaana jiro dad ay Ciidamada amaanka u qabteen Qaraxa.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daacishta SOMALIA oo deegaan laga qabsaday.!

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Barwaaqo, oo qiyaastii 12km u jirta Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Jubba oo garabsanaayay kuwa AMISOM ayaa dib u qabsaday dagaal la'aan deegaankaasi oo saacadihii ugu danbeeyay ahaa mid ay ka barakacayeen dadka deegaan ku ahaa.
Deegaanka Barwaaqo, ayaa waxaa qabsaday maleeshiyaadka Daacishta Somalia oo ku hubeysnaa gaadiid dagaal iyo Dagaalyahaano badan.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland hogaamineysay ayaa waxaa kamid ahaa Korneyl Haybe Axmed C/laahi oo qabsashada deegaankaasi ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xiligaani deegaanka Barwaaqo ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland.
Haybe Axmed ayaa sheegay in Daacishta Somalia ay ku qasbanaaden inay isaga baxaan deegaanka waxa uuna sheegay in dhamaan wadooyinka laga gala ay ka jareen, iyaga oo hal dhinac un u baneeyay si ay halkaasi uga baxaan.
Haybe Axmed waxa uu sheegay in mudadii ay Daacishta Somalia halkaasi heysteen ay dadka deegaanka ku wargeliyeen inaanay bixin karin lacagaha Zakaawaat-ka, ay Shabaabku dadka ka qaadaan.
Waxa ay sidoo kale mudadaasi Daacishta Somalia dadka deegaanka u sheegen in Al-shabaab ay meesha ka baxday, islamarkaana ay iyagu yihiin waxa ay ugu yeereen Dowladda Khilaafada Islaamka ee Daacish.
Deegaanka Barwaaqo ayaa waxaa hadda si buuxda u haya ciidamada Jubba iyo AMISOM-ta Kenya kuwaasi oo lagu wado in maalinimada Sabtida ah ay halkaasi ka sameeyan Howlgalo lagu raadinaayo haddii ay jiraan xubno ay Daacishta halkaasi uga tageen.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Q2aad Qormo Wax Badan Aad Ka Ogaan Doonto Oo Ku...

$
0
0

WAA MAXAY NUSQAAN?
Nusqaan waa Ruuxa inuu Wax ka Dhimo (yareeyo) Salaadda, sida inuu Salaadda Qeybaheeda uu wax ka iloobo, haddaba aan ka soo qaadano, Tusaale ahaan:- Qofku wuxuu Tukanaayey Duhur marka uu Tukaday Labo Rakco ayuu iloobay, inuu la yimaado Ataxiyaadkii Hore, oo isagoon Fariisan aayuu Iloobay, wuuna Istaagay. Hadaba Ruuxaas iloobay inuu la yimaado Atixiyaadkii Hore, muxuu Samaynayaa miyuu u soo noqonayaa Atixiyaadkii?
Uma soo noqonaayo Ruuxa, marba haduu Istaago isagoo Hilmaamsan Fadhiga Hore (yacni Ataxiyadka Hore), Hadduu Ataxyaatka uu Iloobay u soo noqdana Ogoow Salaadii oo dhan ayaa ka Jabeyso.
Haddaba muxuu Sameynayaa ?
Waxaa ku Filan Ruuxaas iloobay Ataxiyaadka Hore, inuu la yimaado Sujuudu Sahwi (Laba Sujuud oo aan wadan Ataxiyaad).
GOORMUU LA IMAANAYAA SUJUUDDA ?
Wuxuu la Imaanayaa inta uusan Salaama noqsanin Qofka (Tusaale waxaad Dhamaysay Salaadii Duhur inta aadan Salaama Noqsan ayaa waxaad leedahay Allahu Akbar waadna Sujuudeysaa marka aad Dhameyso Labada Sujuud waad Salaama Noqsaneysaa.
MAXAA DALIIL U AH ARRINTAASI ?
Cabdullahu Bin Baxeyna RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW, wuu Istaagay markuu Tukaday Labo Rakcadood Salaadii Duhur, mana u Fariisan Ataxiyaadkii Hore, Dadkiina way la Istaageen Markuu Dhameeyay Nabiga CSW Salaadii, Dadkiina ay Sugayaan inuu Salaama Noqsodo ayuu Nabiga CSW, Sujuuday Labo mar Sujuuday (Sujuud Sahwi), inta uusan Salaama Noqsan ka hor, ka dibna wuu Salaama Noqsaday.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW SOONKEENA & SALAADEENA AQBAL).
W,Q:- Macoow Ustaad.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasaradda Haweenka iyo xafiiska xaquuqul aadanaha...

$
0
0

Garowe(pp) Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland MAP Mudane Faysal Khaliif Barre ayaa soo dhaweeyay abaal-marino ay wasaradda Haweenka iyo xafiiska xaquuqul aadanaha gudoon siiyeen saddex wariye oo ka mida kuwa ka howl gala magalada Garowe.
Barre ayaa sheegay inay tahay tilaabo wanaagsan oo MAP soo dhawaynayso in wariyaasha muujiya kartidooda wax-qabad la abaal-mariyo isla markasna la muujiyo dadaalkooda, wariyaasha abaal-marinta iyo shihaadooyinka la gudoon siiyay ayaa kala ahaa Cali Cabdi Cabdi Ducale, Maxamed Daahir Caysane iyo Ibraahim Muuse Dahraah (Wadani).
Gudoomiyaha MAP ayaa warbaahinta Puntland ugu baaqay inay sii xoojiyaan shaqada ay dalka iyo dadka u hayaan ayna mar walba dhinaca wanaagsan gaar ahaan xagga arrimaha bini'aadannimada soo tabiyaan oo waqtigooda qayb ka mid ah siiyaan diyaarinta barnaamijyo iyo sheekooyin ka hadlaya xaalada danyarta.
Ibraahim Muuse Dahraan ayaa u mahad celiyay wasaradda Haweenka iyo xafiiska xaquuql aadanaha Puntland, wuxuuna sheegay inay ka go'an tahay waqti kasta sidii war bixino looga samayn lahaa dadka danyarta ah ee u baahan garab istaag.
"Runtii waxaan aamin sanahay inay wax badan oo qarsoon warbaahintu soo bandhi karaan gaar ahaan xagga dadka danyarta ah, waxaan annagoo illaahey talo saaranayna naga go'an inaanu garab istaago walaalahayaga u baahan in la caawiyo, sidaasna waan aamin sanahay inay nala fahmi doonaan saxaafada kale"' Wadani ayaa sidaasi yiri.
Cali Ducale iyo Ibrahim Wadani ayaa mudooyinkii danbe war bixino ka diyaariyay Islaan waayeel ah oo mudo afar sano misigta bixi ka jaban, wiil ka yar 15-sano oo lugi xabdi jajabisay iyo gabar lix jir ah oo ku dhacay xanuun aan ilaa iyo hada la aqoon balse sidii wax loogu qaban lahaa dadaalkeedu uu socdo.
Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin iyo gudoomiyaha xaquul insaanka Maxamed Yuusuf ayaa ku dhiiri-galiyay wariyaashaan inay dadaalkooda sii xoojiyaan.Puntlandpost.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay...

$
0
0

Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow oo isaga iyo wafdi wasaaradda Warfaafinta ka socda ay ka qayb galayaan Kalfadhiga 35-aad ee Golaha guud ee Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee sanadkan ka dhacaya Dalka Tuunis ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Madax kala duwan oo shirka kasoo qayb gashay.
Agaasimaha Cabdiraxiin ayaa kulan la qaatay Xog-hayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta Eng: Cabdiraxiin Sulaymaan iyaga oo ka wada hadlay sidii Soomaaliya warfaafinteeda gacan buuxda sanadkan loo siin lahaa waxa uuna Agaasime Cadow u sharaxay baahida jirta oo ay isugu jirta baahi qalab mid tababar iyo mid farsamo.
Xoghayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Carabta oo isagana dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in diyaar u yihiin sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa oo ay ugu horayso in qalabka wararka lagu kala badasho ay dhawaan gayn doonaan Soomaaliya kaas oo sahlaya sidii wararka carabta iyo Caalamka kale ay si dhaqso oo aan qarash ku bixin ay ku helayaan TV-ga Soomaaliya ee SNTV iyo Radio Muqdisho.
Xoghaya ayaa intaa ku daray in dhawaan ay Soomaaliya u dirayaan sidii howshaas loo qaban lahaa ayna diyaariyeen sidoo kale in tababar loo fidiyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee hada ka howl gasha Warbaahinta Dowladda.
Dhanka kale Agaasime Cabdiraxiin ayaa la kulmay Xoghaya Guud ee Ururka COPEAM Mudane Pier Luigi MALESANI iyagoo ka wada hadlay sidii Raadiyaha iyo TV-ga wax loogu qaban karo una sheegay Xog-hayaha guud in baahi badan oo dhanka warfaafinta Dowladda ah ay jirto loona baahan yahay in caalamka lala gaashado.
dhankiisa Pier Luigi MALESANI ayaa sheegay in ay diyaar wax walba u yihiin oo ay doonayaan in Soomaaliya dhanka warfaafinta laga gacan siiyo waxa uuna sheegay in Dowladda Talyaaniga oo isaga u dhashay ay diyaar la tahay wax walba oo ay dhanka warfaafinta Dowladda ah.
Wafdiga Wasaaradda Warfaafinta ee Sanadkan ka qayb galaya kulamada Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis ka socda oo agaasime Cabdiraxiin horkacayo oo uuna ka mid yahay Fiidow Maxamuud oo Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan u qaabilsan dhanka warfafainta ayaa ka qayb galay shir sadax geesood ah oo ay isugu yimaadeen Ururada Idaacadaha Carabta, Aasiya iyo Yurub.
Shirkaas ayaa lagu sheegay in diyaar loo yahay in la taageero Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si horumar iyo wax isa soo dhaafsi lala wadaago, waxaana halkaas laga sheegay in Tababaro deg deg ah loo fidin doono Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xiligan shaqeeya.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Dib-u-dhiska...

$
0
0

Burco (Somaliland.Org) Wasiirka hawlaha guud, guryaynta iyo gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamad (Cali Mareexaan) ayaa ka hadlay halka ay marayso hawsho dib u dhiska biriijka koowaad ee magaalaada Burco, oo ay waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii ugu dambeeyay ee dalka ka da'ay.
Wasiirka oo todobaadyadii ugu dambeeyay hawlo shaqo ugu maqnaa gobollada bariga Somaliland ayaa maanta soo kormeeray hawsha dhismaha biriishka Magaaalda Burco oo uu hore u dhagax dhigay.
Wasiir Cali Mareexaan waxa uu warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta Shirkadda Hirad ee iyadu gacanta ku haysa dayactirka iyo dhismaha biriishkaas oo ka warramay halka dhismuhu marayo.
Cabdiraxmaan Xasan Jaamac oo ka mida masuuliyiinta shirkada Hirad oo ka hadlayay arrintaasi waxa uu yidhi "Way dhammaatay hawshii koowaad (Sabtida) haddii Illaahay Idmo, gacanta ayaa laga qaadayaa, waanu dham,aystirnay qodaalkii iyo qalab keenistii iyo diyaarintii wixii hawsha looga baahnaa, waxaanad halkan ku aragtaan in imika Istoodhkii halkan laga bilaabay, birtii la keenay sibidhkii la keenay, dhagixii la keenay dabadeetana waxaa ku xigaa waa bilowga hawsha dhismaha biriishka, in la bilaaboo dabadeetana marka ay hawshaasi halkeedii gaadho,imika haddana wajigii labaad ayay galaysaa ee shubabka iyo buuxinta."
Maayarku xigeenka Burco Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda dhexe ku bogaadiyay dedaalka ay ka gashay dhismaha biriishka Burco oo ay dumiyeen daadadkii soo rogmaday waxaanu yidhi "Waxaanu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa oo in badan baanu sugaynay, hawshaas ka maamul dagmo ahaan Waxa ay nagu haysay culeys aad u weyn, waxaananu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa, Wasiirka hawlaha Guud, oo arrintaas isaga oo aan bil joogin dhab ahaantii fuliyay waxaanay noo tahay guul weyn oo qarankani gaadhay, gaar ahaan gobolka Togdheer."
Wasiirka hawlaha guud guriyaynta Cali Xasan Maxamad (Cali Mareexaan) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta shirkada gacanta ku heysa dhismaha biriishkan oo uu sheegay inay u wadaan si habsami ah.
"Shirkadda Hirad ee hawshan aanu maalinta dhaweyto dhagax dhignay bilowday, si wanaagsan ayay u wadaa waana inay dedaalka halkaa ka sii wadaan oo dhameystirka biriishkani ka horeeyo xili roobaadka fooda innagu soo hayana waa mihiim waananu idiinka mahad-celinaynaa sida wanaagsan ee aad u wadaan dhismaha biriishkan maadaama biriishyadu laf-dhabar u yihiin isu socodka bulsho dal iyo dadba," ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Aqoonyan Cumar Biikole oo Si Aad u Sareysa Loogu Soo...

$
0
0

Mudane Cumar Biikole oo kamid ah aqoonyahanada wax kubartay dalka Malaysia kana mid ahaa Dadkii ugu horeeyay oo Malaysia ka aas-aasay Shirkad latalinta waxbarashada Asia ayaa si habsami leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Kuala Lumpur International Airport ee Dalka Malaysia.
Soo dhawayntan waxaa soo qaban qaabiyay qaar kamid ah aqoonyahaniinta soomaaliyeed ee kudhaqan Dalka Malaysia.
Mudane Biikole, ayaa dib ugusoo laabtay Malaysia isagoo kuyimid safar gaaban oo dhanka Xafiiskiisa waxuuna joogi doonaa mudo labo asbuuc ah. Soo dhawayntiisa ayaa ahayd mid aad loosoo agaasimay waxaana kasoo qayb-galay Aqoonyahano, Culuma'udiin, Arday iyo masuuliyiin dalka Malaysia kashaqaysa.
Ardayda soo dhawaysay ayaa ugu badnaayeen ardayda ay keentay shirkada caalamiga ee DOOY Global Education Consultant oo kudhaqan dalka Malasyia.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Hardanka Hogaanka DigilMirifle Ee Shariif Iyo...

$
0
0

Shariif Sakiin markuu raaracaynayey inuu Koonfur Galbeed Madaxweyne ka noqdo wuxuu umadii ehelka u ahayd ku dulmayay in Madaxweyne Musharaxa Ogost 2016 uuna ku guleysan doono laakiin sedax gobol inaan dhiso inta ka horeysa.
Hadaba siyaasad munafaqeedkii bilo kadib ayuu si cad u sheegey in Musharxnimadii ka noqdey wuxuuna ku adkeysanayaa fikirkii danihiisa keliya ka turjumayay ee ahaa Gudoomiye Baarlamaan markale uma laabaneyso ISWA ee waxaanu xooga saareynaa Madaxweyne in Shariif Maxamed Cabdulaahi uu noqdo haddaan weynana aanu ka dhigno Raysul Wasaare!
Hadaba dadka in badan hadaladiisa iyo rabitaankiisa si weyn u yaqaano waxaa hadalkaasi ay ku tilmaameen waxaa u cuntami la in talada awood qaybsiga ayaa waxaa ku wadaaga Prof. Jawaarey wuxuu rabaa isagoo ka faa'ideysanaya Dooda Hiigsiga oo markale Muqdisho ka furmi doonto, in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh is casilaan kadibna Baarlamaanka Muddo kordhin loo sameeyo, taaso shaqsi ka tirsan Beelaha Direed Gudoomiye Baarlamaan ku garab gallo halka Madaxweyne iyo Raysulwasaare qaybtankii Hawiye iyo Darood sidiisa u socdo.!
Markaasi ayaa Shariif Sakiin sida uu qabo uu noqon doona shaqsiga DigilMirifle lagala tashado , DM-na waxaa uu gali doonaa booskii Direed, Raysulwasare ku xigeen iyo Wasiiro isaga daba fariista.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jawaarey ayaa isna waxaa uu qabaa in DigilMirifle dabaqabasho u baahan yihiin, wuxuuna haddii muddo kordhin noqoto ama doorashoyinkii lagu balansanaa Ogost 2016 inuu shaqada Baarlamaanka ka tagayo oo uu u diyaarinayo, Wasiirka Maaliyada Maxamed Aadan Farkeeti inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ogost 2016.!
Wuxuuna ku sababeeyey dadka ka agdhowaana Warbaahinta Ishabaydhaba u shegeen in Qowmiyada ugu badan Soomaaliya ay tahay DM marka la gaaro One Man One Vote uu diyaarinayo Siyaasiyiin Aqoonyahano ka hor tagta been abuurka maalinba maaalinta xigta dib u dhac kasoo shanqara hogaanka aan xaqa u lahayn inuu hormuud ka ahaado Siyaasada.
Gudomiyaha ayaa laga maqley in guriga cusub ee uu dhawaan ka dhistay Magaalada Baydhaba usoo wareegi doono 2016 marka dowlada la dhiso isaga iyo aqoonyahano kale.
Isku soo wada duub iyadoo Xabashi Magaalada Baydhaba ay gacanta ku haysa iyo siyasada Qunyarsocodka ah ee Jawaari ,miyaa laga yabaa inuu Shariif Sakiin shaqadiisa Xawaalada ahayd dib ugu celiyo Siyaasadana ehelkeeda usheeda u dhiibo.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com