Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhismaha Isbitaalka Degmada Balanbal oo lagu...

$
0
0

Bulshada magaalada Balanbal oo gacan ka helaya Hay'ado Samafal iyo Dawlada Galmudug ayaa wada kordhin iyo balaarin ay ku sameynayaan dhismaha Isbitaalka degmada Balanbale oo markii hore ahaa dhisme kooban oo aan wada dabooli Karin adeegyada Caafimaad ee ay isbitaalka uga baahan yihiin Bulshada ku nool degmada Balanbale Waxaana maanta ka qayb galay Dhagax dhiga Dhismaha lagu siyaadinayo isbitaalka Degmada balanbal Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Dawlad goboleedka Galmudug C/Ladiif C/laahi Warsame iyo Maamulka degmada iyo Gudoomiyaha Gudi lamagac baxay Tabar wadaag ee wada qorshaha lagu baalirano Dhismaha Isbitaalka Gudoomiyaha Degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed oo dhagax dhgiga ka dib lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay Dhismaha Cusub ee lagu siyaadinayo isbitaalka C/risaaq Cabdalle Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudi lamagaac baxay Tabar wadaag oo wada dhismaha Isbitaalka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu hormarinayo isbitaaalka iyo qaybo kamid ah Degmada Balanbal Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Galmudug C/ladiif C/laahi Warsame oo isna kahadlay ayaa sheegay in dawlada Galmudug ay diyaar u tahay qaybteeda ku aadan Horumarinta adeegyada Bulshada Waxtarka u leh waxaana uu ugu baaqay Bulshada Magaalada Balanbal in ay wax qabsadaa si wax loola qabto


Iskuulka Gambool oo door muhiim ah ka qaatay...

$
0
0

Garowe (Puntland Post Maamulka Dugsiga Sarre ee Gambool ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Sarre ee Taakulaynta Abaaraha ka jira Puntland deeq isugu jirta Raashin, Dhar iyo Lacag ay soo aruuriyeen Ardeyda dhigta dugsiga sarre ee Gambool magaalada Garowe.
Maamulaha Dugsiga Sarre Gambool Cali Ibraahim Xuseen (Cali Sudan) ayaa munaasabad ka qabsoontay xarunta Iskuulka si rasmiya ugu wareejiyay Guddiga Sarre ee Taakulaynta Abaaraha iyo Guddiga Wasaaradda Waxbarashada deeqda ka timid Ardeyda Gambool oo ka mid ahayd middii ugu balaarneyd oo ardeyda iskuuladu ugu deeqaan dadka ay saameeyeen abaraha ku dhuftay dhulka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise oo goob joog u ahaa goobtii lagu wareejiyay deeqda ka timid Gambool Secondry School ayaa ku amaanay doorka iyo kaalinta lama ilaawaanka ah oo Ardeyda iyo Maamulka Iskuulka Gambool ka qaateen gurmadka abaaraha.
Ardeyda Gambool Garowe
Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Abaaraha Puntland ayaa ugu duceeyay Ardeyda iyo maamulka Gambool inuu alle ka siiyo bedel kheyr qaba kaalinta taakulo ee ay ka geysteen abaaraha ka jira Puntland.
GAMBOOL wuxuu ka mid yahay Hantida Dowlada, Waana mid ka mid ah Iskuulada leh taariikhda Faca-weyn oo ay dhigtaan tirada ardeyda ugu badan xarumaha waxbarasho ee ku yaala magaalada GaroweAbshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Iskuulka Gambool oo door muhiim ah ka qaatay taakulada abaarta ka jirta Puntland appeared first on Puntland Post.

NISA conducts security sweep in Mogadishu

$
0
0

An official says Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) soldiers have carried out an anti-terror operation in the capital following reports of a would-be car bomb attack by Al shabaab.
NISA officers have searched a garage belonging to a former powerful Somali warlord Musse Suudi Yallahow in Mogadishu's Wadajir district after a tip-off about a suspected car packed with explosives.
African Union forces serving with AMISOM have also conducted similar searches in the suspected Garage on Wednesday night. There were no reports about the findings of the two operations.
NISA has confiscated a garage in Black sea area after a deadly suicide car bomb at a busy marker in Mogadishu's Waberi district that left over 20 people, most of them civilians dead, while scores hurt.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar ku qaabilay...

$
0
0


Jowhar (RBC Radio) Danjiraha u qaabilsan Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya,Francisco Madeira iyo wafdi waheliyay ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe,halkaas oo lugu soo dhaweeyay.
Madeira iyo mas'uuliyiinta ku wahelisay safarka waxaa ay xafiiskiisa ku booqdeen madaxweynaha Hirshabeelle,Cali Cabdulaahi Cosoble waxana ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid ahaayeen ammaanka,horumarinta iyo arrimaha doorashooyinka.
Madaxa AMISOM oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in uu soo gaarsiiyay qoraal uu ka siday madaxda AMISOM kaasoo loogu hambalyeynayo qaabka ay u socdaan doorashada.
"Waxaan soo dhoweyneynaa qaabka ay u socoto doorashada Aqalka Hoose gaar ahaan in 11 kursi oo ay lahaayeen dumarka 9 kamid ah la buuxiyay,waxaan ka rajeyneynaa in doorashada ay ku soo dhamaato wanaag."ayuu yiri Madeira.
Sidoo kale,waxa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in dowlad goboleedka Hirshabeele aan ka taageerno sidii loo horumarin lahaa ammaanka iyo weliba sidii dayactir loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaale sida wadooyinka si ay beeralayda si sahlan ugu geysan lahayd suuqyada wax soo saarkooda.
Agaasimaha guud ee madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle C/dir Cabdulle Xooshow oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay AMISOM ay bilaabi doonto dhismaha qaar ka mid ah wadooyinka Hirshabelle iyo weliba horumarinta beeraha.
"Waxa ay AMISOM ballanqaaday in ay gacan ka geysanayso dayactirka 87 km oo kamid ah wadooyinka Hirshabeelle isla markaana gacan weyn ka geysato sidii looga saari lahaa Alshababa deegaanada ay weli maamulaan ee Hirshabeele"ayuu yiri Ambassador Xooshow.
___
RBC Radio

Golaha wasiirrada Jubbaland oo ku shiray magaalada...

$
0
0


Kismaayo (RBC Radio) Kulanka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland oo maanta uu shir Gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa labada Madaxweyne ku xigeen iyo Xubnaha Golaha.
Ugu Horayn Wasaarada Arimaha gudaha ayaa soo gudbisay hananka daadajinta Maamulka iyo dhismaha dowlad hoosadyada qorshahaas oo indhawaale ay wasaaradu la tashiyo kala samaynaysay Bulshada.
Sidoo kale Wasaaradu waxay soo jeedisay in Madaxweyne Axmed Maxamed islaam uu sida ugu dhaw usoo magaacabo Duqa Magaalada kismaayo taas oo bilaw u ah hananka daadajinta Maamul hoosadyada iyo Golayaasha deeganka.
Sidoo kale Wasaaradu waxay soo bandhigtay xeer lagu dhaqayo NGO-yada ka hawlgala Jubaland xeerkaas oo Golahu ay soo akhrisan doonan soona falan qayn doonan kadibna kulanka xiga lagu ansixin doono.
Dhinaca kale Wasaaradaha kala ah Amaanka Waxbarashada iyo hawlaha guud ayaa soo jeediyay warbixino la xiriira hawlaha Wasaaradahaas ee lixda bilood ee soo socota taas oo Golahu uu ka dooday.
Sidoo kale Golaha Xukuumadu wuxuu ka dooday habka la xiriira tiro koobka Dadweynaha Jubaland kaas oo qaab aan sax ahayn kal hore ay usoo bandhigtay Wasaarada Qorshaynta Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulanka ka sheegay in tiro koobka dadweynaha ay masuuliyad ka saaran tahay Jubaland oo ayna ahayn wax Dowlada Federaalka kaliyah u yaala waxaana uu soo jeediyay in maadama uu Dowladan wakhtigu ka dhamaaday ay arimahan kala xaajoon doonon Dowlada soo socota.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA EE DOWLAD GOBOLEEDKA JUBALAND EE SOOMAALIYA.

Dhageyso: C/fataax Xasan Afrax oo ku dhowaaqay inuu...

$
0
0

Beledweyne (Caasimada Online) - Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo hanjabaad kulul soo saaray ku sheegay haddii wax laga qaban waayo wixii ka dhacay Doorashadii Jowhar inuu tallaabo qaadi doono.
C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in lagula kacay fal dembiyeed looga reebay tartankii kursiga beeshiisa, arrintaasina uu ka danbeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, wuxuuna si cad u sheegay haddii sharcigu awoodi waayay inuu wax ka qabto arrintaasi inuu tallaabo qaadi doono.
Waxa uu side kale sheehan in madaxtooyada Soomaaliya ay reali ka tahay hefka laga galan, maadaama ay ka aamunsan tahay arrintan oo aysan ka hadlin.Hoos ka dhageyso codka Cabdiftaax Xasan Afrax
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2016/12/hanjabaaad.mp3
Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Kubada cagta: Boliiska Britain oo baaraya wiilal la...

$
0
0

Boliiska Britain waxay sheegeen in ilaa 350 qof ay u soo baxeen si ay u sheegaan inay tacaddiyo galmo kala kulmeen naadiyada ciyaaraha kubbadda cagta.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal oo...

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) War-saxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle ayaa lagu cadeeyey in guddiga doorashadu aanu marnaba aqoonsaneyn doorashadii maalintii shalay ka dhacday Cadaado ee lagu doortay Maxamed Axmed Abtidoon.
Kursiga loo tartamay oo ahaa kan beesha Habargidir/Saleebaan ,ayaa waxaa u tartami lahayd Caasha Xaaji Cilmi oo muddo dheer ahayd Xildhibaan,wuxuuna kursigan kamid yahay qoondada loogu talagalay in haween keliya u tartami karaan.balse Caasha ayaa ka hartay kadeba dacwad gudbisay.
War-Saxaafadeedka hoos ka akhriso.
______
RBC Radio
Muqdisho


Madaxweyne kuxigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka...

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa maanta gelinkii danbe 01 December 2016 shir jaraa'id oo ay siwada jira ugu qabteen madaxtooyada garoowe waxa ay sharci daro ku tilmaamen majarahababinta ay ku wado madaxda Dawladda fadaraalka Soomaliya go'aankii madasha wada tashiga qaran ee awood qaybsiga baarlamaanka Soomaliya.
Ugu horayn Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay in masuuliyiinta Dawladda fadaraalka Soomaaliya ay jebiyeen heshiiskii madasha wadatashiga qaran ee lagaga heshiiyey awood qaybsiga aqalka sare gobolada waqooyiga Soomaaliya, isla markaana ay si sharci daro ah u faquuqeen heshiiskii madasha wadatashiga.
" marka ugu horaysa waxaanu u cadaynaynaa shacabka Puntland go'aankii ay qaadatay Dawladda Puntland inuu ahaa go'aan ay u dhanyihiin golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta, waxaa taa keenaysa quwada iyo culayska siyaasadeed ee ay leedahay go'aamada aan waxba ka jirin ee laga wado dawladda fadaraalka, kuraastan Habraac waxa ay lahaayeen Xeer iyo Heshiis lagu heshiiyay oo madashu kuwada heshiisay, wixii ka duwan marnaba sharci ma noqonayaan,Waxaad ka war haysaan Jawaari warqadii uu arrimahan ka qoray waa warqadii lixaad ee uu qoro oo aan sharci aheyn. Hal qof in uu ku tasarufo awooda madasha oo dhan ay wada leedahay waxaan u aragnaa inay tahay majarahabaabin iyo carqaladeyn iyo ragii aan rabin in dowladd federaal ah la helo in la taageeray, ugu danbayn waxaanu caydaynaynaa inaanay marnaba naga suuroobayn inaanu aqbalno sharci darada iyo majara habaabinta lagu wado masiirka ummada Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Dawllada puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey
Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Axmed cali xaashi ayaa sheegay in aany marnaba suurobayn in waxlaga bedelo go'aankii madasha wadatashiqa qaran, laguna qayb saday awood qaybsiga Xubnaha Aqalka sare ee gobolada waqooyiga Soomaaliya, Puntland-na aanay aqbalayn majara hababinta mustaqbalka doorashada Soomaaliya.
" waxaa lagu heshiiyey madasha qaranka heshiis dhamaystiran oo dhinacyo badan leh, waxaa dhacday in lamajara habaabiyey loona samaystay habraac aan sharci ahayn, waxaa sharci ah in lahelo waxii madashu ku heshiisey, waxaa aqalka sare ee gobolada waqooyi Soomaaliya loogu qaybiyey sicad oo waadixa, gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa looqoon deeyey sadex xubnood, sidii madasha lagaga heshiiyeyna lagu dooran donaah xubnahaasi Muqdisho, balsii hadii ay majara habaabiyey dad leh dana gaara waxaa sharci ah in lagu doorto Garoowe, Dawladda Puntland waxaa markasta ka go'an inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaliya iyo isu keenida ummada Soomaliyeed sidaa awgeed waxaanu ka digaynaa wax kasta oo lid ku ah horumarka ummada Soomaaliyeed" ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.
RBC Radio

Xildhibaanno uu ka mid yahay Cabdillaahi Goodax oo...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Doorashada xildhibaannada Aqalka hoose ee dowladda Faderaalka ayaa wali ka socota magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hirshabeelle,waxaana maanta la doortay shan mudane oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanada ku soo baxay kuraasta Aqalka hoose ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanka, halka sidoo kale ay jiraan xubno cusub oo doorashadaan ku soo baxay, waxaana ay kala yihiin Xildhibaanada la doortay.
1.Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
2.Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
3.Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4.Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5.iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.
Doorashada xildhibaannada Aqalka hoose ayaa si wanagsan uga socota dalka,waxaana ay ku dhow-dahay mid gabo gabo ah -iyadoo dhowaan loo diyaar garoobayaa Xildhibaanada cusub ay yeeshaan fadhigooda ugu horreeya.
___RBC Radio

Video : Tartan cunista qaraha oo lagu qabtay Kismaayo

$
0
0

Kn: Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay tartan cunista qaraha oo ay ku tartameen xaafadaha magaalada Kismaayo.
Waxaa tartankii maanta qaaday xaafada Calanleey, waxayna ahayd arrin aad u xiiso galisey shacabka iyo dhalinyarada Jubbaland.Hoos Ka daawo
KismaayoNews.com

Cumar Cabdirishiid oo codsaday in loo codeeyo

$
0
0

Kn: Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta kulan quraac ah la qaatay xildhibaanada federaalka ee laga soo doortey Jubbaland ayaa codsaday in isaga loo codeeyo si uu madaxweyne u noqdo.
Waxa uu sheegey in dalka uu u baahanyahay isbadal iyo ra'isulwasaarayaal aanan la badbadalin.
Waxa uu sheegey in haddii isaga lasoo doorto uu soo magacaabi doono Ra'isulwasaare waqtigiisa la dhamaysta.
Waxa uu ka hadlay horukac dhaqaale iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid amni uu dalka kusoo dabaali doono.
KismaayoNews.com

Madaxweynihii Gambia oo ku dhawaaqay go’aan...

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa shaaca ka qaaday in looga itaal roonaday Doorashada ka dhacday dalkiisa.
Mr Yahya Jammeh, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada dalkiisa ka dhacday waxa uuna tilmaamay inay aheyd mid u dhacday si cadaalad ah.
Yahya Jammeh waxa uu qirtay in looga cod badiyay Doorashada, isla markaana uu ku qanacsan yahay codeynta meesha ka dhacay.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa isna sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday.
Yahya Jammeh Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.
Yahya Jammeh ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay, waxa uuna Guddiga si hordhac ah u shaaciyay in Yahya uu qanacsan yahay.
Mr Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii, waxa uuna xiligaani garwaaqsaday inay muhiim tahay in Gambia ay ka dhacdo doorasho.Caasimada OnlineXafiiska NairobiCaasimada@live.com

Beesha Eeyle Oo Cambaareysay Doorasho Musuqmaasuq Ah...

$
0
0

Baydhabo (Caasimadda Online) - Odayaal, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Eeyle ayaa waxay si kulul uga hadleen doorasho ay ku tilmaameen mid xambaarsaneyd musuqmaasuq aan lala gamban oo dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee caasimadda gobolka Baay.
Odayaasha ayaa waxay daaha ka qaadeen in si xun loola dhaqmay mid ka mid ah xubnihii ay usoo sharraxeen inuu u tartamo Kursiga Beesha Eeyle, kaasoo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xuseen (Eenoow).
Mudane Axmed Eenoow ayaa waxaa laga reebay tartankii uu u geli lahaa kursiga Beeshiisa Eeyle inkastoo uu buuxiyey shuruudihii laga rabay, hadana waxaa ku gacan seyray Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Sababta ayaa waxaa la ogaaday inuu ka dambeeyey Xildhibaanka la doortay ee Caloow Eeyloow, kaasoo ka cabsi qabay inuu aqoonyahan Axmed Maxamed Xuseen kaga guuleysto tartanka kursiga Beeshiisa Eeyle, waxaana xusid mudan inay labadoodu isku heyb yihiin.
Caloow Eeyloow ayaa daaha laga qaaday inuu Axmed Maxamed Xuseen ku dalbaday Ugaas Warsame oo ah ugaaska Beeshiisa Eeyle, kaasoo adeer u ah Caloow Eeyloowga la doortay.
Waxaana xusid mudan inuu ku qanciyey ugaaska in uusanba Axmed Maxamed Xuseen heyb ahaan aheyn Beeshiisa Eeyle si uusan ula tartamin. Ugaaska ayaana aqbalay arrinkaas, taasoo ay odayaasha, nabadoonnada iyo siyaasiyiintuba ku tilmaameen eex aan daah saarneyn.
Ugu dambeyntii, Beesha Eeyle ayaa hal kursi ku laheyd Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kursigaas si awood ah ku qaatay Caloow Eeyloow.Hadaba Sagaal Nabadood Oo Ka Mid Ah Beesha Eeyle Ayaa Waxay Soo Saareen Warmurtiyeedkaan Ka Kooban Lixda Qodob Kaasoo Aad Ka Akhirisan Karto Lifaaqo Hoose.Riix Halkaan War SaxaafadeedkaRiix Halkaan War Saxaafadeedka

Tababar Muhiim ah oo La Siiyay Shaqaalaha Dowladdaha...

$
0
0

Muqdisho, December 2, 2016 - In ka badan 27 xubnood ayaa kasoo qeyb galay tababar socday afar cisho oo looga gol-lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada iyo aqoonta shaqaalaha dowladaha hoose. Tababarka oo ka dhacay Hotel Coconut ayaa waxaa wadajir usoo qaban-qaabiyay Xafiiska Xasilinta ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo taageera howlaha xasilinta ee ka socda degmooyinka ay dhowaan dowladda gacanta ku dhigtay. "Hawl-wadeenadu waxay laf-dhabar u yihiin dadaaladda xasilinta ee ka hanaqaaday degmooyinka dowladu dib ula wareegtay" ayuu yiri Xoghayaha Wasaaradda, Dr. Yaxye Ali Ibrahim, oo hadal ka jeediyay munaasabada furitaanka tababarka. Wuxuu intaas ku daray, "tababarkan waxaa looga gol leeyahay in la kobciyo xirfada iyo tayada shaqaalaha ka howlgala degmooyinka dowladu dib-ulawareegtay. Shaqada ugu mihiimsan xiiriyayaasha iyo kalkaaliyayaasha degmooyinku waa in ay xoojiyaan sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhexeeya degmooyinka iyo maamul goboleedyada." Tababarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay hanaanka iibka iyo maaliyada, qaabka loo cabiro degmooyinka nugul iyo kuwa xasiloon, habka warbixinta loo gudbiyo, maareynta khilaafka, tiiraanyo bixinta iyo ka-feejignaanta halista oo dhamaantood muhiim u ah shaqaalaha dowladdaha hoose. "Hadaba, ma ahan markii ugu horeysay oo tababar noocan ah ay bixiso Wasaaradda. Waxaa hada [...]


State-ka Zhoushan ee Dalka Shiinaha oo Puntland ugu...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Shiinaha ayaa masuuliyiinta State-ka Zhoushan waxay Dawladda Puntlnd ugu deeqeen riigga ceelasha biyaha qoda .
Masuuliyiinta state-ka Zhoushan ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadanayaan xaaladda biyo la'aanta ee sababtay in abaaraha ka jira Puntland ay soo noq noqdaan, waxayna sheegeen in si deg deg ah ay usoo dirayaan qalabka riigga ceelasha biyaha qoda oo dhamaystiran iyo sidoo kale koox khuburo ah oo u kuurgasha sida looga faa'iidaysan karo biyaha la helo xilliga roobabku ka da'aan deegaanada Puntland.
Wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale masuuliyiinta state-ka Zhoushan la galay heshiisyo ku salaysan dhinacyada Maalgashiga, Waxbarashada,
Taba-barka xirfadaha iyo iibka Kalluunka howlahaas oo si dhakhso ah loo hirgelin doono.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta State-ka Zhoushan waxayna ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa maalgashi dhinacyada kabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanada Puntland.
Sidoo kale waxay isla soo qaadeen arrimaha doorashooyinka ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya, arrimaha abaaraha ka jira Puntland, waxaana wasaaradda Khayradka, Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumaysiga iyo Wasaaradda Biyaha ay ballan qaadeen inay wafdi kala duwan usoo dirayaan Puntland, wafdigaas oo sahminaya meelaha ugu haboon oo laga samayn karo biyo xireeno lagana qodi karo ceelasha biyaha, si bulshada Puntland ay u helaan biyo ku filan.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo usoo gudbi doona Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post State-ka Zhoushan ee Dalka Shiinaha oo Puntland ugu deeqay Riig qoda Ceelasha Biyaha appeared first on Puntland Post.

Kooxaha Tahriibta oo usoo wareegay Puntland

$
0
0

Bosaso (Puntland Post):-Boqolaal waalidiin ah oo isaga kala yimid Gobolada Puntland iyo Qeybo kale oo ka mid ah Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Bosaso , si ay uga daba-tagaan waxna uga ogaadaan caruuro ay dhaleen oo kooxaha wax u tariibiya dalal ku yaala Qaarada Yurub ay si xawliya uga daabulayaan bilihii lasoo dhaafay dhalinyaro iyo caruuro aan qaangaarin xeebo ku yaala Gobolka Bari ee Puntland.
Kooxaha wax tahriibiya ayaa hindisay marinkan cusub ee Gobolka Bari ka dib markii Dowlada Itoobiya adkaysay in si sharci daro ah looga gudbo xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, waxayna durbadiiba taasi keentay in da,ayar iyo caruur aan qaangaarin inay ka daabulaan kooxaha wax tahriibiya xeebo ku yaala Gobolka Bari.
Waalidiinta gaaray Bosaso ayaa ku dhaliilay laamaha amniga inay daawanayaan khatarta cusub ee ay Puntland ula soo wareegeen kooxaha wax u tahriibiya dalalka ku yaala Qaarada Yurub, waxayna sheegeen in kooxahan ka bilaabeen daabulka tahriibta goobo dadka oo dhami yaqaano oo ku yaala xeebaha Gobolka Bari, waxayna walaac xoog leh ka muujinayaan waalidiintu dhabahaan oo ah mid ka khatar badan marinkii horre ee tahriibta oo u badnaa dhanka dhulka,balse midkan uu uga duwan yahay safar adag oo dhanka badda ah , BOSASO, YEMEN, SUDAN, MASAR,LIIBIYA ilaa YURUB.
Mid ka mid ah Waalidiinta oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa qeylo dhaan xoog leh ka keenay saldhigyo waaweyn oo ay ka samaysteen Puntland kooxaha wax u tahriibiya dalalka Yurub , wuxuuna sheegay in xeebaha ku yaala Gobolka Bari soo buux dhaafiyeen doonyo habeen iyo maalin ka daad gureynaya caruurtii iyo dhalinyaradii Puntland iyo Soomaalida kale.
Haddaba PUNTLAND POST ayaa ku hawlan soo gudbin xaqiiqo ku saabsan saldhiga ay ka samaysteen xeebaha Puntland kooxaha wax u tahriibiya Qaarada Yurub iyo Khatarta cusub ee soo korortay.Abshir DhiiranePUNTLAND POST.
The post Kooxaha Tahriibta oo usoo wareegay Puntland appeared first on Puntland Post.

Marekanka oo Kenya ku wareejiyay diyaaraddo lugula...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa qaadeysa weerarro cusub oo cirka ah,kuwaaso lugu beegsanayo ururka al-Shabaab ee ku xooggan koonfurta Soomaaliya,sida lugu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca dalkaas.
Kenya duulankeeda cusub waxaa qayb ka noqon doona diyaaraddo kuwa dagaalka ah oo ay ugu deeqday dowladda Marekanka,diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo lix gaaraya ayaa maanta lugu wareejiyay xukuumadda Nairobi.
Xoghayaha difaaca xukuumadda Kenya haweeneyda lagu magacaabo, Raychelle Omamo ayaa sheegtay inay diyaaradahani qaarkood yihiin Air Base , iyadoo Laba kalena la filayo in lasoo gaarsiiyo Bisha May ee 2017-da.
"Waxay kaalin weyn ka Ciyaari doonaan Diyaaradahan, howlaha adag ee aan ka wadno Soomaaliya iyo la dagaallanka Argagixisada, ayay tiri Mss; Raychelle Omamo.
Deeqdan Diyaaradaha ah ayaa lagu qiimeeyay 106 Milyan oo Dollar oo u dhiganta 11 billion oo Kenya Shillin ah, taasoo qayb ka ah heshiis lagu kobcinayo ammaanka gobolka oo ay horay u wada galeen waddamada Saxaraha ka hooseeya iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya dalka Maraykanka Brack Obama.
Safiirka Maraykanka u jooga Kenya Danjire; Robert Godec,oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaa ayaa sheegay, in ay tahay deeqda ugu badan ee lasiiyo dalalka Saxaaraha ka hooseeya ee Afrika,isagoo intaa ku daray inay tani kaalin mug leh ka qaadan doonto la dagaallanka ururka al-Shabaab.
Kenya ayaa wal wal-badan ka qabta weerarro xilli walba ka imaan kara ururka al-Shabaab,waxaana horey ugu geeryooday weerarro ay fuliyeen dagaallamayaal kooxda ka tirsan boqollaal ruux oo Kenyan ah.
___RBC Radio

Madaxweynihii muddada dheer ka talinayay dalka...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Doorashada ka dhacday dalka Gambia ayaa noqotay mid lama filan ah wax walba oo ka soo baxay,kaddib markii madaxweynaha xilka soo hayay tan iyo sanadkii 1994-tii uu qirtay in laga guuleystay.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday -Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hoggaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah.
Natiijada doorashadan ayaan dad badan ka yaabisay,Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hoggaamiyaha mucaaradka.
Ninkan ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay,Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii.
Waxaa hadda loo arka dalkaas inuu madaxweyne ka noqday ,Adama Barrow oo ku cusub siyaasadda,iyadoo la fahansan-yahay guushisa inay u horseeday markii ay midoobeen xisbiyadda mucaradka oo sanadkan doorashada u soo sharraxay inuu kaligii qabto.
Adama Barrow,hoggaamiyaha cusub ee Gambia
Barrow oo noqonaya madaxweynaha Gambia,wuxuu ku dhashay wuxuu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada Basse 1965,London ayuu u wareegay sanddii 2000 uu wax ka barnayay waardiyana ahaa.
Dalkiisa wuxuu ku noqday sanadkii 2006,marka oo u abuuray shirkad ganacsi,waxaa la xasuusan doona inuu ku guuleystay magacaabista mushrraxnimada madaxtinnimada todobo axsaab oo isbaheysi sameystay.
Afkiisa waxaa laga haya inaysan u cuntumeyn in la dheereysto xilliga xafiiska madaxweynaha,maaddama labaatan sanno wax ka badan dalka Gambia ay hal hoggaamiye lahayd.
Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mr Jammeh inuu geystay tacaddiyo. Wuxuu horay u sheegay inuu daweyn karo AIDS_ka iyo dhalmo la'aanta.
___RBC Radio

DAAWO SAWIRRADA: Damaashaadka Jimcaha ee xeebta Liido

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa damaashaadka Xeebta Liido ee degmada C/casiis, halkaasi oo ay maalinta Jimcaha ay dadweyne aad u fara badan ka kala yimaada degmooyinka Gobolka Banaadir ay u soo dalxiis tegaan, si ay ugu damaashaadaan xeebta Liido. Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Feereysane

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live