Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cumar Dhagey oo xog ka bixiyay halka ay mareyso...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal Abukaate Cumar Cabdull (Cumar Dhagey), ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmiga ah ee ilaa iyo hadda loo doortay kamid noqoshada Aqalka Hoose ee BFS.
Cumar Dhagey ayaa sheegay in Doorashada ay meel wanaagsan mareyso waxa uuna tilmaamay in ilaa iyo hadda la doortay Xildhibaano gaaraya 204 Xildhibaan oo Aqalka hoose ah, welina ay socdaan Doorashooyinka.
Cumar Dhagey waxa uu sheegay tirada guud ee Xildhibaanada Aqalka hoose in laga doonaayo 275 Xildhibaan, isla markaana tiro aad u badan iminka la doortay.
Doorashooyinka ka socda Gobolada qaar ayuu sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono, waxa uuna rajo ka muujiyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo ku-xigeenadiisa.
Doorashooyinka Aqalka hoose ee dalka ayaa maraya heer gabo gabo ah, marka la eego sida ay ku socdaan, waxa uuna Cumar Dhagey ballanqaaday in Doorashada Madaxweynaha aysan dhaafi doonin 2016.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Daawo: Hogaamiyaha Waddani Xirsi oo sheegay in Ceeb...

Maxay ka Wadahadleen Madaxda Xisbiyada Qaranka Iyo...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Hogaamiyayaasha xisbiga siyaasada somaliland ayaa shalay kulan la qaatay guddida doorasooyinka qaranka.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guddida doorashooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa lagaga hadlay arimo la xidhiidha doorashooyinka iyo sida ay u socdaan hawlaha guddida ugu diyaar garoobayso in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loogu tala galay.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen guddida doorashooyinka somaliland ayaa waxa uu yidhi "Maanta kulankan aanu yeelanay waxa uu ahaa kii caadiga ahaa, hadyo goorna wada tashi ayaa naga dhaxeeya guddida doorashada warbixintii u dambaysay ayey na siinayeen aad ayaanay u wanaagsan yihiin arimuhu wax ka qabyo ahina ma jiraan, jadwalkoodii ayaanay ku socdaan, anaguna waanu barbar taaganahay wixii dhibaato ah ee ka hor yimaadana waanu iskaga imanaynaa intaas ayuu kulankayagu la xidhiidhay waxaanan ku balanay in kulan dhakhso ah layskaga yimaado kolba wixii soo kordha."
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida doorashada ayaa yidhi "Guddida doorashadu warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay hawlahoodu ku socdaan jadwalkii oo ay hada bilaabayaan daabacadii kaadhadhka, marka ay dhameeyana ay u qaybinayaan gobolada oo ay marba laba gobol is raacinayaan, waxay noo sheegeen in doorashadu aanay wakhtigeedii dhaq dhaqaaq lahayn oo ay halkeedii tahay, waxay noo sheegeen in doorashadu qorshaysan tahay wakhtigeedii hawshuna meel fiican marayso oo aanu wax warwar ahi jirin anaguna waanu garab taaganahay ilaahayna wax dhibaato ah inaguma keeno."
Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cismaan Afgaab ayaa dhinaciisa ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida doorashada waxaanu yidhi "sida ay sheegeen guddida doorashadu, xisbiyada waa loo yeedhaa mar kasta oo shaqo xidhmayso ama shaqo bilaabmayso, waxaanu la wadaagaa shaqada markaa soconayso, sidaas darteed guddida doorashadu waxay sheegeen in jadwalku sidiisii yahay hawshuna ay sideedii ku soconayso kaadhadhka daabacaadooduna ay hada bilaabmayso markaa wuxuun bay ahayd inay xogtaan na soo gaadhsiiyaan xisbiyaduna way la qaateen."

100 dumar: Farxiyo Cabdi waxay caawisaa dhallinta...

$
0
0

Taxana boqol dumar ah oo aan ku eegno dumarka u adeega bulshada, waxaan maanta ku eegeynaa Farxiyo Cabdi oo caawisa dhallinyarada iskuulka ka hartay ee shaqo la'aanta ah.

Daawo: Kama qeyb geli doono tartanka quruxda mar kale

$
0
0

aliima Aadan oo 19 jir ah oo iyadoo xijaaban u tartantay gabadha ugu quruxda badan gabdhaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aanay markale tartamayn.

Waraysi: Siyaad Maxamuud Cali

$
0
0

Xafiiska Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto ayaa sheegay inay soo gaadhay baaqyada ka imanaya Soomaaliya ee ku saabsan abaarta ku dhufatay degaanno ka mid ah Soomaaliya.

Iska horimaad culus oo caawa ka dhacay Magaalada...

$
0
0

Marka (Sh M Network)--Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Caawa halkaasi uu ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.
Iska horimaadkan ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qadeen Guri Magaalada Marka uu ka degan yahay hogaamiye lagu magacaabo Xasan Axmed Diirshe, kaasi oo isna wata maleeshiyaad kale oo hubeysan.
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in iska horimaadkan uu ka dhacay Xaafada Beeturaas ee bartamaha Magaalada Marka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in iska horimaadka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan labo ruux oo ka mid ah dhinacyada Caawa ku diriray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Xiisad u dhaxeysa labada dhinac ayaa hada laga dareemayaa qeybo ka mid ah Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Weli majiro wax hadal oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Magaalada Marka oo ku aadan Dagaalkan ka qarxay Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Saddex bangi ayaa lagu ganaaxay £413 oo milyan kadib...

$
0
0

HSBC, JPMorgan and Credit Agricole ayaa lagu ganaaxay PS413 oo milyan kadib markii ay badaleen qiimo lacagta dulsaarka ee Euribor intii u dhaxaysay 2005 and 2008.


Hay,adda Wadooyinka Puntland oo xariga ka jartay...

$
0
0

Hay'adda waddooyinka Dowladda Puntland ayaa xarigga ka jartay 56 KM oo ka mid ah wadada Wadaagsin ee isku xiriirisa Deegaan Xeebeedka Garacad illaa Degmada Golgodob ee Gobolka Mudug, taas oo qeyb ka ah ballanqaadkii Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Odayaasha Degmada Jariiban dhexmaray kal hore, oo ahaa inay gacan ka geysan doonto Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas dhismaha Wadada Wadaagsin.
Dhismaha 56- Kilo Mitir oo la dhigay caro tuur oo ay weheliso 30 Kiilo Mitir oo dheeraad ah oo Iyana lagu sameeyay laangooyo iyo toosinta halka uu mari lahaa jidku ayaa maalin ka hor xariga looga jaray Deegaanada Buubi iyo Seemade oo ku yaala inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garacad ka dib markii ay halkaas gaareen wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Dowlada Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan.
Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sheegay in dhismaha wadadan qeyb ka tahay balanqaadkii horey u dhex maray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" iyo Bulshada Deegaanka, wuxuuna sheegay inay xariga laga jaray dhismaha 56 KM oo ka mid ah wadada Wadaagsin iyo 30 Km oo dheeraad ah oo ay Hay,adda Wadooyinku ku samaysay Laan-gooyo iyo Toosinta halka uu marayo dhabuhu.
Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa mar kale sheegay inuu qeyb ka noqonayo qorshahani dadaaladii lagu doonayay sidii looga miro dhalin lahaa hadafkii ahaa PUNTLAND HA ISKU TASHATO , wuxuuna sheegay Gudoomiyaha PHA inay ka qeyb qaateen dhismaha wadada Dowlada Puntland, Bulshada Deegaanka, iyo Jaaliyaddaha Dibada, Halka uu sheegay inay iska lahayd dhamaan fulinta shaqadan Hay,adda Wadooyinka Puntland ee (PHA).
Dhinaca kale Qaar ka mid ah Odoyaasha Deegaanka iyo Maamulka Degmada Jariiban oo ka hadlay munaasabada xariga looga jaray dhismaha qeyb ka mid ah wadada Wadaagsin ayaa uga mahadceliyay sidey uga dhabaysay Dowlada Puntland balanqaadkii dhex maray sanadkii hore 2015.
Dhamaan gadiidkii, qalabkii iyo shaqaalihii Hay,adda Wadooyinka ee ka qeyb qaatay dhismaha wadada Wadaagsin ayaa loo soo wareejiyay sidii ay uga howl-gali lahaayeen Dayactirka Jidka dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo gaar ahaan qeybta dowladu ku leedahay oo ah diyaarinta wado ay isticmaalaan gadiidku inta ay socoto shaqada lagu dayactirayo laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo.
Wadada Wadaagsin oo dhismaheedu socday muddo dhowr sano ah ayaa hadda ku jirta barnaamijyada isku tashiga dadweynaha iyo dawladda Puntland ee PUNTLAND HA ISKU TASHATO, waxaana inteeda badan lagu dhisay qorshaha Isku tashiga oo ah mid aan cidna ku tiirsanayn.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Hay,adda Wadooyinka Puntland oo xariga ka jartay dhismaha 56 Km Wadada Wadaagsin appeared first on Puntland Post.

Wasaarada haweenka Puntland oo maanta soo bandhigtay...

$
0
0

Waxaa maanta ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin shir looga hadlayo sidii loo fulin lahaa Siyaasadaha iyo Qorshayaasha Horumarinta ee la xiriira Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, waxaana kasoo qeyb galay shirkaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano iyo Madaxda Gollaha Baarlamanka Puntland iyo Saraakiil ka socota Hay,addaha ay wada shaqeynta dhaw la wadaaga Wasaaradda Haweenka Puntland oo kulankaan soo qaban qaabisay.
Ugu horeyn Wasiir Aniso Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay wado Wasaaradda Haweenka Puntland qorshayaal la xiriira horumarinta qoyska iyo haweenka sida qorshaha loogu magac daray National Plan of Action of Children Development oo hadda la wado qeybtiisa English-ka , Qorshe kale oo la yiraahdo Mainstreaming Toolkit oo ah qorshe fududeynaya sidii haweenka looga qeyb galin lahaa fursadaha jira.
Gender Response Budget oo isna ah qorshe miisaaniyad loogu raadinayo haweenka Puntland iyo Sidii loo horumarin lahaa siyaasada jinsiga oo iyana qabyo qoraal ah , Siyaasada Daryeelka Dadban ee caruurta dayacan, oo dhawaan la ansixiyay iyo Sidoo kale siyaasada ka hortaga gudniinka gabdhaha oo ay meel wanaagsan mareyso fulinteeda ayaa ka mid ahaa qorshayaasha ay daaha uga rogtay shirka Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland.
Wasiiradii kale ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dadaalada ay wado Wasaaradda Horumarinta iyo Arrimaha Qoyska Puntland, halka ay iyana dhinacooda sheegeen Xildhibaanadii lagu casumay shirkaan inay laf dhabar u tahay bulshada Wasaarada haweenku, Islamarkaana ay muhiim tahay in la taageero siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee ay wado.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasaarada haweenka Puntland oo maanta soo bandhigtay qorshayaal horumarineed appeared first on Puntland Post.

SAWIRO: M/weynaha Hirshabelle oo Maanta la tusay...

$
0
0

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar oday dhaqameedyo, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Carab Soomaali ayaa waxa ay ugaga hadleen khilaafka ka jira soo xulista ergada dooranaysa xildhibaanka beesha Carab Soomaali.
Kulankaan ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ugaaska Ugaaska Beesha Carab Soomaali Ugaas Saalax Maxamed Baccantuush waxana uu dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble isagoo sheegay in beesha Carab Soomaali ah tahay mid xaq u leh ka tashiga aayaheeda.
Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay Ibraahim Saalax Duyfulaahi XIldhibaanka beesha Carab Soomaali u fadhiyay Kursiga Xildhibaanimada iminkana ah Musharax u taagan Xildhibaanka Aqalka hoose waxana uu sheegay;
aEUoeAnnaga ayaa isku filan kursigana ma aha Kursi Xawaadle ee waa Kursi Carab Soomaali laakin waxaa wax laga naxo ah in Madaxweynaha uu kala xigsado beesha dhexdeeda taasina waa ayaan daro, wuxaan baaq u jeedinayaa Guddiga Doorashada dadban, Beesha Caalmka Uruur Goboleedka IGAD in ay wax ka qabtaan fara gelinta qaawan ee uu ku haayo Beesha Madaxweynaha HirshabeelleaEU
Xildhibaan Maxamed Cabdala Cali Suufi (Deeqoow Carab) oo kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle farogelin uu ku sheegay inuu ku hayo Beesha Carab Soomaali.
aEUoeWaxaan ahay Xildhibaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kamana aqbali doono in Madaxweynaha soo farageliyo beesheeyda mana ka yeelayo mana aqbali doono waxaana ka codsanayaa Xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeelle in ay ku garabsiiyaan sidii wax looga qaban lahaa faragelinta Madaxwynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble .aEUoeayuu yiri xildhibaan Deeqow Carab.
Kulankan oo dadkii ka qeybgalay ay wateen boorar ay ereyo ku qornaayeen ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Carab Soomaali waxayna codsadeen in loo madaxbaneeyo inay soo xushaan ergadooda.

England: Dadka jira 50 ilaa 70 ayaa lagula talinayaa inay u fiican tahay inay shaqeeyaan

$
0
0

Dadka da'dooda u dhaxaysa 50 ilaa 70 ayaa lagula inay caafimaadkooda u fiican tahay inay shaqeeyaan, sida ay sheegtay sarkaal sare ee caafimaadka England.

Britain oo iska fogaysay eeddii uu wasiirkeedu...

$
0
0

Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa sheegay in dawladdu aysan la qabin fikirka wasiirka arrimaha dibadda ee ku aadan Sacuudi Carabiya.

Mucaaradka Faransiiska: Soogalootiga yaan waxbarasho...

$
0
0

Hogaamiyaha xisbiga garab-fog ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa ku baaqday in la soo afjaro waxbarashada bilaashka ah ee la siiyo caruurta ay dhaleen dadka sida sharci darrada ah ku gala dalka Faransiiska.

Madaxda madasha iyo beesha caalamka oo isku raacay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Iyadoo maalintii labaad uu galay shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa waxay isku afgarteen xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo weliba xiliga la dhaarinaayo xildhibaanada labada aqal.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in qodobo horudhac ah la isku afgartay, qaar kalena ay wax ka dhiman yihiin, iyadoo kuwa dhiman ay u badan yihiin cabashooyin ay Puntland tirsaneyso oo ugu horeyso tabashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.
Madaxda Madasha iyo wakiilada beesha caalamka ayaa waxay isku afgarteen in marka hore la dhaariyo xildhibaanada baarlamaanka 15-ka bishan, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka la doorto 22-ka, halka doorashada Madaxweynaha la isku afgartay in ay dhacdo 28-ka bishan.
Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa ku celiyay in doorashada aanay dhaafi karin bishan gudaheed, maadaama shirka Golaha Ammaanka ee dhacaya horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017 laga sugayo inuu warbixin ka jeediyo, sidoo kale waxaa shirkaas khudbad qadka la iska arko (Video Confrence) ka jeedin doona Madaxweynaha cusub ee la doorto.
Hase ahaatee caqabado wali ka jira dhameystirka hanaanka doorashada iyo arrinta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay ku keeni karaan dib u dhacyo mar kale soo wajaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016.
Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka dadban iyo Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo warbixin laga dhageystay ayaa sheegay in 25 kiis oo cabashooyin la haayay lagu soo koobay 8 kiis, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan 8-da kiis ee taagan lagu xalin doono, waxaana ay u badan tahay kuraas qaarkood muran ka dhashay in la diido oo dib loo celiyo.
Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay war murtiyeed ka soo saaraan shirkooda, iyadoo la sheegayo in qeyb ka mid ah War murtiyeedka uu diyaarsan yahay, ayna ka dhiman yihiin qodobo qaar oo aan wali la isku afgaran.
Iyadoo maalintii labaad uu galay shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa waxay isku afgarteen xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo weliba xiliga la dhaarinaayo xildhibaanada labada aqal.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in qodobo horudhac ah la isku afgartay, qaar kalena ay wax ka dhiman yihiin, iyadoo kuwa dhiman ay u badan yihiin cabashooyin ay Puntland tirsaneyso oo ugu horeyso tabashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.
Madaxda Madasha iyo wakiilada beesha caalamka ayaa isku afgarteen in 15-ka bishan la dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka la doorto 22-ka bishan, halka doorashada Madaxweynaha ay dhaceysa 28-ka bishan.
Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa ku celiyay in doorashada aanay dhaafi karin bishan gudaheed, maadaama shirka Golaha Ammaanka ee dhacaya horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017 laga sugayo inuu warbixin ka jeediyo, sidoo kale waxaa shirkaas khudbad qadka la iska arko (Video Confrence) ka jeedin doona Madaxweynaha cusub ee la doorto.
Hase ahaatee caqabado wali ka jira dhameystirka hanaanka doorashada iyo arrinta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay ku keeni karaan dib u dhacyo mar kale soo wajaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016.
Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka dadban iyo Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo warbixin laga dhageystay ayaa sheegay in 25 kiis oo cabashooyin la haayay lagu soo koobay 8 kiis, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan 8-da kiis ee taagan lagu xalin doono, waxaana ay u badan tahay kuraas qaarkood muran ka dhashay in la diido oo dib loo celiyo.
Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay war murtiyeed ka soo saaraan shirkooda, iyadoo la sheegayo in qeyb ka mid ah War murtiyeedka uu diyaarsan yahay, ayna ka dhiman yihiin qodobo qaar oo aan wali la isku afgaran.


Fadal Cali Al-Xanaak, safiirka cusub ee Yemen

$
0
0

Kn: Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed "kadiye" ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fadal Ali Alhanak.
Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiir kuxigeenku la yeeshay kulan gaar ah Danjire Fadal Alhanak oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka , arrimaha qaxootiga iyo ammaanka.
Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Yemen uu si rasmi ah u bilowday December 18, 1960.
Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Yemen xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag iyo derisnimo.
KismaayoNews.com

England: Dadka jira 50 ilaa 70 ayaa lagula talinayaa...

$
0
0

Dadka da'dooda u dhaxaysa 50 ilaa 70 ayaa lagula inay caafimaadkooda u fiican tahay inay shaqeeyaan, sida ay sheegtay sarkaal sare ee caafimaadka England.

Akhriso: War murtiyeedka Madasha Wada-tashiga Qaran...

$
0
0

Madasha Wada-tashiga Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka, kaasoo uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka sanadka 2016
Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey;
Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.
Kulanka Furitaanka:
Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.
Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating: oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.
Dhameysirka geeddi-socodka doorashada
3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:
In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.
Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.
Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.
3.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:
In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo
In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.
Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.
4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.
4.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:
Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;
Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo
Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.
5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqaysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
5.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.
Baaq iyo Bogaadin
6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.
6.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.
6.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay'adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.
Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka
tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.

28 December, 2016 waa taariikhda ay dhacayso...

$
0
0

Kn: Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Mudane Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey;
Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.
Kulanka Furitaanka:
1. Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.
2. Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating: oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.
3. Dhameysirka geeddi-socodka doorashada
3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:
a. In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.
b. Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.
c. Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.
3.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:
a. In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo
b. In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.
4. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.
4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.
4.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:
a. Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;
b. Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo
c. Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
5. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.
5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
5.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.
6. Baaq iyo Bogaadin
6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.
6.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.
6.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay'adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.
7. Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.
kismaayonews.com

Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib loo dhigay

$
0
0

Shirka madasha hoggaanka qaranka oo socday laba maalmood ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live