Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Marekanka oo dalkiisa ka cayriyay 35 diblomaasi oo...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Marekanka ayaa muujisay halka ay mareyso carada ay u qabto Ruushka,kaddib markii uu madaxweynaha xilka ka degaya ee Obama uu amar ku bixiyay in la eryo 35 diblomaasi oo Ruush ah.
Amarka ka soo baxay madaxweynaha Marekanka waxaa shaacisay waaxda arrimaha dibadda oo marka ku dhawaaqday in 35 diblomaasi oo Ruush ah dalka laga eryey, kuwaasoo ka hawl galayey safaaradda Ruushka ee Washington iyo qunsuliyadda Ruushka ee San Francisco, waxaana iyaga iyo qoysaskooda loo qabtay inay 72 saacadood uga baxaan Maraykanka.
Xukuumadda Washington,waxaa ay go'aankan ku sheegtay inuu jawaab u yahay bahdilka ay xukuumadda Ruushku ku hayso saraakiil Maraykan ah iyo arrimihii weerarka xagga Internetka ee xilligii ay doorashadu socotay.
"Tani waa jawab ku habboon juhdiga ay Ruushku galiyeen inay ku waxyeelleeyaan danaha Maraykanka,"ayuu yiri madaxweyne Obama.
Madaxweynaha Marekanka waxaa kalo uu sheegay inay qaadayaan tallaaboyin kale oo dhiiri ah,waxaa la filaya Marekanka inuu cunaqabateyn saaro Ruushka,sida ay warbaahintu tabisay.
Dowladda Ruushka oo si dhaqso ah uga jawaab celisay amarka ka soo baxay madaxweyne Obama,waxaa ay ku sheegtay kuwo aan sharci ku fadhi,sida laga soo xigtay afhayeen u hadlayay madaxweynaha Ruushka.
Docda kale,dadka taageersan madaxweynaha dhawaan la doortay ee Marekanka, Doland Trump waxaa ay sheegen inaysan habooneyn xiisada Ruushka iyo Marekanka inay halka gaarto,waxaa kalo madaxweynaha xilka ka degaya ee Obama ay ku eedeynayaan inuu doonayo kharibaad ka hor inta uusan xilka wareejin.
Xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo Marekanka ayaa soo socotay tan iyo dhammadka sanadkan,xilli oo Marekanka uu ku eedeyay xukuumadda Moscow inay fara-galin ku heyso doorashadii dalka ka dhacday.
__RBC Radio


Dhacdooyinkii Ugu Waa Weynaa 2016 ee Soomaalida

$
0
0

Barnaamijkan oo ah mid gaar ah waxaan aan ku eegayno dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee sannadkan dhacay kuna saabsan arrimaha Soomaalida.

Laba kun iyo afar boqol oo Lo’ ah oo loo dhoofiyay...

$
0
0

Muqdisho(SONNA)-Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa ka ambabaxaya Maraakiib Ganacsi oo sida Lo' tiradooda lagu sheegay Laba kun iyo afar boqol (2,400) oo Neef, kuwaasi oo ku sii jeeda Wadamada kala ah Yeman iyo Cumaan. Markabka u ambabaxay Dalka Cumaan ayaa waxa uu qaaday kun iyo sagaal boqol (1,900) oo Lo' ah waxaana laga dejin [...]

Garabka dhallinyarada beelaha Makaahiil ( Samarroon ...

$
0
0

Awdalpress - Borama - Shir ballaadhan oo aan caadi ahayn ayaa waxa maalintii shalay ahayd isugu yimid dhallinta beelaha Makaahiil, waxana ay ku qabsadeen Hotelka Rays ee ku yaalla magaalada Borama.
Boqollaal dhallin da'yar ah oo ka mid ah beelaha Makaahiil ( Samarroon ), ayaa waxa ay buux dhaafiyeen hoolka shirarka Hotel Rays oo si fiican loo qurxiyey, waxana dhallinta ku wehelisay guddiga qaban qaabada iyo isku dubbaridka qorshayaasha iyo shuruucda beelaha Makaahiil.
Haddaba, shirkan gabarka dhallinyarada beelaha Makaahiil oo daba socday shirar in dhawaala ahba beelahaa uga socday dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa ay ujeeddadiisu daarranayd sidii ay beelahaasi u midayn lahaayeen xooggooda, siyaasaddooda iyo wax wada qabsigooda.
Intii uu shirku socday, waxa dhallinyarada si mug leh ula hadlay odayada iyo wax garad kale. Sidoo kale waxa dhallinyaradana u hadlay xubno ay u doorteen in ay u hadlaan, dhammaanbana waxa ay ka hadleen, sida loogu baahan yahay in ay beelaha Makaahiil xilligan isku kaashan lahaayeen.
Wixii war ah ee shirkaa ku saabsan iyo film kii laga qaaday dib ayaan idiinkala socod siin doonnaa.
Awdalpress

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Abdiraham...

$
0
0

Awdalpress - London - Guddoomiyaha golaha shacabka ( Baarlamaanka ) Somaliland Mudane Abdirahman Abdillaahi Cirro, isla markaana ah Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Waddani, ayaa ka fal celiyey hadal dhaleecayn ah oo uu dhiggiisa xisbiga Kulmiye MudaneMuse Biixi hore u mariyey saxaafadda.
Fal celintaa uu maanta Abdiraham Cirro mariyey saxaafadda ayaa ahaa kuwo aan hore uga soo bixin guddoomiyaha, waxana uu soo qaatay dhacdooyin hore iyo dhiillooyin hore oo markhaati leh, oo lagu eedeeyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Kuwaasi oo ay mas'uuliyiin horena ka dhawaajiyeen oo ku jira taariikhda. Laakiin aanu marna ka jawaabin celin Mudane Muse Biixi Abdi.
Awdalpress

Sawirro: CC oo ku dhiiraday in qorshihiisa usoo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra'isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday in Codadka uu weydiisto Xildhibaanada laga soo doortay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Ra'isul wasaare Cumar C/rashiid oo kulan la qaatay Xildhibaanada cusub ee lagu soo doortay magaalada Cadaado, ayaa ka codsaday inay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed, maadama uu ka mid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.
Cumar C/rashiid waxa uu Xildhibaanada ku beer laxawsaday in waxbadan uu ka bedeli doono Siiyaasada Somalia haddii la doorto, waxa uuna ballanqaaday dhameystirka howlaha ka harsan waxyaabihii uu horay usoo qabtay.
Waxa uu intaa ku daray in hanaanka loo maraayo dhameystirka howlaha harsan uu la tashi guud iyo aragti mideysan kala sameyn doono dhinacyada siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada uu Cumar C/rashiid weydiistay Codadka ayaa waxaa ku jiray Xildhibaano aad u farabadan oo ay kamid yihiin Mahad salaad, Odawaa, Maryan Cariif, Axmed Fiqi iyo kuwo kale.
Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee ku sugnaa kulanka ayaa cod dheer ku sheegay inay taageerayaan ololaha Cumar C/rashiid.

Britain oo iska fogeysay dhaliishii Kerry ee Isra'iil

$
0
0

Dowladda Britain ayaa iska fogeysay khudbaddii uu xoghayaha arrimaha dibedda ee Maryeknka John Kerry, ku dhaliilay Israa'iil horraantii isbuucan.

Koox Shiinaha ka dhisanoo lacag badan ku dooneysa Cristiano Ronaldo

$
0
0

Kooxda Real Madrid ayaa loo bandhigay malaayiin dolllar oo ka timi koox aan la magacaabin oo Shiinaha laga leeyahay oo dooneysa Cristiano Ronaldo, sida uu sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes.


Hoggaamiyaha Boko Haram oo soo Hadlay

$
0
0

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa kasoo muuqday cajalad video ah, isaga oo inkiriyey sheegashada dowladda ee aheyd in ay maleeshiyaadkan ka xaaqday keymaha Sambisa.

Dowladda oo ka Hadashay Dagaalkii Afgooye

$
0
0

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kusoo qaadday magaalada Afgooye ay ku dishay sagaal ka tirsan mintiidinta Al-Shabab.

Britain oo iska fogeysay dhaliishii Kerry ee Isra'iil

$
0
0

Dowladda Britain ayaa iska fogeysay khudbaddii uu xoghayaha arrimaha dibedda ee Maryeknka John Kerry, ku dhaliilay Israa'iil horraantii isbuucan.

Koox Shiinaha ka dhisanoo lacag badan ku dooneysa...

$
0
0

Kooxda Real Madrid ayaa loo bandhigay malaayiin dolllar oo ka timi koox aan la magacaabin oo Shiinaha laga leeyahay oo dooneysa Cristiano Ronaldo, sida uu sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes.

Dowladda oo ka Hadashay Dagaalkii Afgooye

$
0
0

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kusoo qaadday magaalada Afgooye ay ku dishay sagaal ka tirsan mintiidinta Al-Shabab.

Hoggaamiyaha Boko Haram oo soo Hadlay

$
0
0

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa kasoo muuqday cajalad video ah, isaga oo inkiriyey sheegashada dowladda ee aheyd in ay maleeshiyaadkan ka xaaqday keymaha Sambisa.

Mali oo dib u celisay dad laga soo musaafuriyey Faransiiska

$
0
0

Mali ayaa dib ugu celisay laba qof oo laga soo musaafuriyey wadanka Faransiiska diyaaradii siday markii ay ka soo degeen, iyadoo su'aalo ka keentay in xitaa dadkaasi yihiin muwaadiniin Mali u dhalatay.


Political heavyweight Adow Ali Geesey joins race to...

$
0
0

A political heavyweight Abdullahi Ali Ahmed, widely known Adow Ali Geesey, has become the latest candidate to jump into the 2016 race for Villa Somalia, ending months of speculation after he pledged to offer an alternative to the current political establishment.
"I've seen the emptiness of our political system from the inside. Somalia needs a new leadership, and I'm a candidate for president because I believe more than anything that we all Somalis can succeed, that Somalia can and must succeed" said Adow Ali Geesey.
Adow who is a prominent entrepreneur and a member of the Federal Parliament, declared to create a fair and less-divided nation while giving security reform and justice as key areas of his manifesto. "I am a change candidate".
"My campaign wants a government that represents all of the people. Not just the few people on top. I'm committed to building a fairer Somalia. We need to eliminate corruption and abuse of power in Somalia, particularly in the federal governance system" asserted the presidential hopeful.
Adow's announcement of his presidential ambitions is a heavy body blow to outgoing President Hassan Sheikh Mohamud because Adow has been main financier of President Mohamud.
"Winning the parliamentary seat in Adaado was the lynchpin of my campaign. I think at the moment we have got very considerable problems in the national leadership. We have got to make changes". Adow Ali Geesey declared that he would self-fund his presidential campaign.
The battle to become the next President of Somalia is hotting up after Somalia's 10th parliament was sworn-in on Tuesday and several presidential candidates already threw their hats into the ring.
Observers and parliamentarians said Adow's candidacy is fading chances for Hassan Sheikh Mohamud to be re-elected as president, both financially and strategically, given that Adow was the main designer of the power base of outgoing President.

Sawirro: CC oo ku dhiiraday in uu taagero weydiisto...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ra'isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday in Codadka uu weydiisto Xildhibaanada laga soo doortay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Ra'isul wasaare Cumar C/rashiid oo kulan la qaatay Xildhibaanada cusub ee lagu soo doortay magaalada Cadaado, ayaa ka codsaday inay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed, maadama uu ka mid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.
Cumar C/rashiid waxa uu Xildhibaanada ku beer laxawsaday in waxbadan uu ka bedeli doono Siiyaasada Somalia haddii la doorto, waxa uuna ballanqaaday dhameystirka howlaha ka harsan waxyaabihii uu horay usoo qabtay.
Waxa uu intaa ku daray in hanaanka loo maraayo dhameystirka howlaha harsan uu la tashi guud iyo aragti mideysan kala sameyn doono dhinacyada siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada uu Cumar C/rashiid weydiistay Codadka ayaa waxaa ku jiray Xildhibaano aad u farabadan oo ay kamid yihiin Mahad salaad, Odawaa, Maryan Cariif, Axmed Fiqi iyo kuwo kale.
Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee ku sugnaa kulanka ayaa cod dheer ku sheegay inay taageerayaan ololaha Cumar C/rashiid.

Shariifka oo ka hadlay rajadiisa iyo halka uu ka...

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa farriin uu soo diray ku sheegay xaaladiisa iyo halka uu marayo ololahiisa Doorashada.
Shariifka oo muddooyinkii ugu danbeeyay laga waayay masraxa siyaasadda isla markaana dad badan ay isla dhex marayeen in musharaxnimadiisa ay halis ku jirto ayaa farriintiisa ku sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Nairobi, isla markaana ku wajahan yahay magaalada Muqdisho.
Wuxuu kaloo farriintiisa ku sheegay inuu diyaar u yahay tartanka Doorashada isagoo rajeeyay guul, waxayna taasi soo afjartay wararkii la isla dhex marayay ee qaarkood ay sheegayaan inuu ka haray doorashada.
Madaxweynihii hore oo loo saadaaliyay inuu yahay mid ka mida musharixiinta ugu cadcad tartanka ayaa hadda waxaa muuqda in xaaladiisa ay hoos u dhac weyn ku timid arrimo u badan dhaqaale darteed.
Sheekh Shariif ayaa waxa uu dhawaan tagay dalka South Afrika oo uu kula kulmay ganacsatada halkaas, ayada oo la sheegay in halkaas dhaqaale badan uu kasoo helay.

Nkurunziza: Waxaa laga yaabaa inaan mar kale doorashada u tartamo

$
0
0

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa bidhaamiyay inay suurtagal tahay inuu u tartamo markale madaxtinnimada dalkaasi haddii dastuurka lagu sameeyo isbadel tallaabdaasi saamixi kara

Xal ma loo heli karaa deegaameynta Yuhuuda?

$
0
0

Xaaladda deegaamaynta Yuhuuda ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxay muddo dheer ahayd ubucda khilaafka u dhaxeeya Israel iyo badi beesha caalamka, oo uu ku jiro isbahaysigeeda ugu wayn oo ah Mareykanka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live