Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Falastiini gaadhi xamuula dad ku jjidhsiiyey Quddus

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Quddus, ayaa sheegaya in boolisku toogteen nin loo malaynayo argagixiso ka dib markii uu dad wado lugaynayay gaadhi jiidhsiiyey, halkaas oo uu ugu yaraan shan iyo toban qof ku dhaawacay.


Guddiga dallada beelaha Makaahiil ( Samarroon ) oo...

$
0
0

Awdalpress - London - Dalladda marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa MG GROUP UK, ee u taagan maamulka dalladda jaaliyadda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee dalka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysey hadhimo la wadaagtay mas'uul ka tirsan dawladda Somaliland.
Sida qaar ka mid ah guddiga MG GROUP UK ay war ku soo gaadhsiiyeen shabakadda awdalpress.com, ayaa waxa ay u sheegeen in habeenkii xalay ahayd ay soo dhaweyn u sameeyeen Hassan Daahir Dhinbiil oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka. Sababta keentay marti qaadkaasina uu yahay, sida ku cad sharciga MG GROUP UK, oo ah in ay mas'uul kasta oo beelaha Makaahiil ka mid ah ay soo dhaweyn u sameeyaan. La sheekaystaan, talo iyo fikirka ay ka qabaan meesha uu ka yimidna ay siiyaan.
Guddiga iyo odayada Makaahiil ee marti qaadka sameeyay ayaa wasiir ku xigeenka uga warramay ujeeddada loo dhisay form-kan iyo sababta loogu suntay beelaha Makaahiil. Waxanay meesha ka saareen in aanu marti qaadkani shaqo ku lahayn siyaasadda Somaliland iyo meel kale toona, laakiin ay u marti qaadeen tolnimo Makaahiil oo keliya. Waxana ay waraysteen su'aalo la xidhiidha isku xidhnaanta Makaahiil iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada reer Somaliland.

Hadhimadaasi habeenkii xalay loo sameeyey Mudane Dhinbiil ayaa ahayd mid si fiican la isugu xog waraystay, waxanu wasiir ku xigeenku uga xog warramay guddiga iyo odayada kale ee Makaahiil guud ahaanba xaaladda uu dalkii Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan yahay. Dhinaca kalena waxa uu aad u soo dhaweeyey isku duubnida ka muuqata Jaaliyadda Makaahiilweyne ee UK. Sidoo kale waxa uu ku boorriyey in ay wax la qabsadaan qaranka iyo jaaliyadda Somaliland ee UK, isla markaana ay ka dhex muuqdaan.
Sida laga warqabo, waxa dalka Britain hore ugu qabsoomay shirweyne ay xubnaha jaaliyadda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) isugu yimaaddeen. Sidoo kale waxa soo dhaweyn aad u ballaadhan loo sameeyey musharraxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Amb. Mohamed Ali iyo xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani aqoon yahan Abdirashid Hassan Mataan.
Gaba gabadii cashadaasi soo dhaweynta ah, waxa odayada iyo guddiguba ay hoosta ka xarriiqeen sida loogu baahan yahay in siyaasiyiinta iyo waxgaragka kale ee ka soo jeeda Beelaha Makaahiilweyne ee Somaliland joogaaba ay qayb uga noqon lahaayeen midnimada Makaahiil, balse aanay u noqdeen kuwo lagu xanto in ay kala daadinayaan.
Soo dhaweynta Wasiir ku xigeenka Dhinbil ayaa si qurux badan iyo is afgarad lagu soo gaba gabeeyey. Arrimaha aan lagu soo qaadina waxa ka mid ah siyaasadda xisbiyada Somaliland, ee loogu kala qaybsamay qabiilka.
Awdalpress

Xildhibaano Cusub oo ka mid noqonayo Aqalka Sare oo...

$
0
0

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaawatay Magaalada Muqdisho. Doorashada oo si habsami leh u socto ayaa waxaa kusoo baxay ilaa hadda Afar xildhibaan oo ka mid noqon doono Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya , xildhibaanada Soo baxay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Muxudiin Shiikh Jaamac , Mustaf Maxamed Qodax iyo Muno Cumar Xasan oo ka mid ahayd Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in maanta la doorto ilaa labo xildhibaan oo kale oo ayagana ku biiri doono xubnaha Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dacwad Lagu soo Oogay Ninkii Weeraray garoonka Florida

$
0
0

Xeer ilaaliyaha magaalada Miami ayaa sheegay in dacwad la xiriirta fal qalalaaso ah lagu soo oogay nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyey toogasho Jimcihii ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee gobolka Florida.

Xaalada Ivory Coast oo Maanta Dagan

$
0
0

Xaaladda magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast ee Bowaake ayaa maanta degan kadib marki ay isaga baxeen ciidamo ka tirsan Milatariga oo muddo laba maalmood ah halkaasi ka waday kacdoon.

Xaalada Ivory Coast oo Maanta Dagan

$
0
0

Xaaladda magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast ee Bowaake ayaa maanta degan kadib marki ay isaga baxeen ciidamo ka tirsan Milatariga oo muddo laba maalmood ah halkaasi ka waday kacdoon.

Dacwad Lagu soo Oogay Ninkii Weeraray Eraboorka Florda

$
0
0

Xeer ilaaliyaha magaalada Miami ayaa sheegay in dacwad la xiriirta fal qalalaaso ah lagu soo oogay nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyey toogasho Jimcihii ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee gobolka Florida.

Madaxweynaha Galmudug oo Mooshin laga gudbiyay

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network)-Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulkaasi u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Galmudug.
Waxaana Mudanahani hoosta ka xariiqay in Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku fashilmay Hoggaaminta Maamulka Galmudug sidaas daraadeed ay kalsoonida kala laabaanayaan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa isla dhexmaraya in Madaxweynahooda uu u hanqal taagayo in uu isku soo taago doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoona sheegay inta uusan isku sharrixin doorashadaasi ay ka hortagayaan.
Baarlamaanka Galmudug oo shalay loo diiday in ay ku shiraan Xaruntooda ayaa iminka kulamadooda si KMG ah ugu qabsanaya Hool gaar ah oo ay Kireysteen.


Jid gooyooyin la soo dhoobay wadada Xiriirisa...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Ku dhawaad 10 Jid gooyo oo ay dhigteen Ciidamo labisan Dareeska Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkay Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gaadiidleyda ka dhex shaqeysa Wadadaasi Xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa ka cabanaya Lacago xad dhaaf ah oo looga qaado Isbaarooyinka yaalla wadadaasi.
Ragga Labiska Dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka sita ee Isbaarooyinka soo dhigtay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar ayaa qaarkooda la sheegaa in ay ka tirsan Ciidanka Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo jeediyay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa goordhow magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobay Khudbadaha Musharaxiinta ku loolameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.
Musharaxiinta oo dhowr ahaa ayaa si siman u jeediyay Khudbadaha waxaana xusid mudan in Khudbadaha Musharaxiinta ay ahaayen kuwo isku dhow.
Musharaxiinta ayaa gabi ahaantooda kasinaa ballanqaad ku aadan fulinta rabitaanka Xildhibaanada iyadoo aan laga weecaneynin sharciyada dalka.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa inta badan kasinaa qodobada waxa uuna Musharax waliba ku celceliyay inuu la imaan doono isbedel muuqda oo laga dareemi doono nidaamka lagu hogaaminaayo Baarlamaanka iyo guud ahaan sharciyada dalka.
Xildhibaanada qaar oo khudbada kadib siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanu jirin qodobo sax ah oo ay ku qancaan marka laga soo tago ballanqaadyada guud.
Xildhibaanadu waxa ay sidoo kale dhaliileen in qodobada Musharaxiintu ay ahaayen kuwo is shabahaaya oo u muuqda in hal meel lagu diyaariyay.
Musharaxiinta qaar ayaa ballanqaaday inay la imaandoonaan Isbedel, Shaqo wanaag, Caadalad iyo in lameel-mariyo wax waliba oo ku xeeran baahida dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Musharaxiinta Khudbadaha jeediyay ayaa u muuqda kuwo wata ajando gaara.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

25 Sano oo Somaliland dhisnayd iyo Ifafaalaha...

$
0
0

Maanta waxa Somaliland ka taagan qabyaalad xadhkaha goosatay, khalkhal siyaasadeed iyo dhawacyo kale oo laf jab gaadhsiiyay dawladnimadii iyo hay'aadkii sharciga ama kuwii kaleba. Taasi oo aan cidna ka qarsoonayn ayaa ii iftiimisay in hankii iyo himiladii Somaliland ku taamaysey ay u baahan tahay badbaado deg deg ah.
Waxa sida cadceedda inoogu muuqata, fashilaaddii iyo fool xumadii ka dhalatay doorashooyinkii dowladaha hoose ee Somaliland, intii ka danbeeyseyna waxa innoo muuqata, inaan sees qaran oo innoo tolani jirin, ee dadkii lagu soo ooday guri qabyaaladeed oo dhadhaab ah, kaasi oo shacabkii maanta ku jiro.
Arrimahaas iyo kuwa kale oo maalin kasta dhacayaa waxa ay calaamad u yihiin khatar innagu soo fool leh, oo shinkeedi buuxo. Hubka qudha ee dawaddu illaa iminka kaga hortegaysaana waa xumad jebin iyo Xaaji iyo Guurtiyay ku kala dhaaro.
Dawladdii iyo hoggaankii Somaliland ee aynu u dooranay inay la yimaddaan ra'yi iyo xal duruufaheenna lagu furdaamin karo, isla markaana abuurta qaran iyo hayado u adeega ma hayno. Haddiise la heli lahaa waxa si macquul ah xal loogu heli kari lahaa boogaha inna ragaadiyay oo dhaqan sida: Qabyaaladda, Qaraaba kiilka, Musqmaasaqa iyo afmiisharnimada. Hubaal way baaqatay, waanay ka sii darayaan boogahaa aan laga soo waaqsan karini. Waxa nasiib darro ah, inaanay khatartaa afka inagu soo kala qaadday u muuqan dowladeenna. Madaxweenahaynu khudbaddii sanadka ee uu golayasha ka horjeediyay , waxay ahayd cajelad ay soo duubeen dad col iyo abaar mooga oo waayaha iyo wacyiga aynu ku jiro ka dhega la'. Dowladdu wax qabatay: cashuur gurtay, guraya dhistay, wadooyin wax ka qabatay, shirkadda shidaal heshiisyo la gashay waxyaabo kale oo badan samaysay.
Laakiin madaxweynaha iyo dowladda waxa looga fadhiyaa inay tilmaamaan waxa dhiman si wax looga qabto. Dowladii Siyad Barre ee madaxwenaheenu wasiirka qorsheynta iyo maaliyadda uu ka ahaa, waxa loo yaqaanay kacaankii JID iyo JARDIINO, mashariic wax ku ool ahna way fuliyeen, laakiin asaaskii qarannimo may adkayn amma may dhisin. Wixii muuqday ee ay dhiseenna maalin iyo habeen ayay ku dumeen.
Haddaba, waa in aan inagu shicib iyo dowladba isu sheegnaa in khatar weyn dalkeena iyo qaranimadeennii ku jirto ama ku soo fool leedahay. Waxana aynu ku badbaadi karaa:

  1. Dowladda oo ka baxda dhufayska korsi ilaaliska iyo inay ku mashquusho tabihii iyo xaaladihii ay xukunka u haysan lahayd, kuna bedesha dadaal naf huris ah oo qaranka dhidibadda loogu aasayo.
  2. In dowladda iyo haya'daha distooriga ahi xoog saraan sidii dadka Somaliland loo midayn lahaa, lana abuuro qorshe ku wajahan sidii qabyaladda loo xakamayn lahaa. In kursiga madaxwenaha, wasiiradda, iyo masuuliinta kale aanay noqon, mid qola sheegato, ama qolo lagu sheego
  3. Waa in dhibaatooyinka taagan ee distooriga ah, sida khilafaadka Kulmiye hadda taagan, kii baabiyay xisbigii Udub iyo kii Ucid-ba, halka ay ciladdu lug ku leeday la taxliiliyaa lana keenaa fikir lagu sabato bixin karo
  4. Waa in si wadajir ah looga tashado geeddi socodka dimuqraadiyadda, qorshe fulineedna la ballaysimo, inaga oo ka faaii'daysanayna khaladaadkii aynu hore u galay iyo waayo aragnimadii dheerayd
  5. Waa in kalsoonida shicibka reer Somaliland lagu soo celiyo laguna hanto iyada oo run laga sheegayo waayaha inagu xeeran, hadday tahay arrimaha gudaha, xidhiidhka caalamiga, ka gobolka, iyo siyaasadda iyo straatejiyadda la qorsheeyay in lagu maareeyo
  6. Waxa lagama marmaan ah talo wadaag iyo rayi urursiga oo guul lagu gaadhi karo
  7. Waa in dowladdu si cad oo aan mugdi ku jirin u soo ban dhigtaa heshiisyada ay la gelayso qaybo ka tirsan beesha caalamka amma shirkado madani ah ammaba caalami ah, haddii ay tahay heshiisyada lala geleyo shirkadaha khayraadka dabeeciga ah, heshiisyada lagu bixinayo hantida dadweynaha, wershedo, guryo iyo xuquuq adeegga. Waa in heshiisyada la dhigo barta internet ka ee dowladda ama joornaalka dawladda lagu soo qoraa, si cid kasta uga bogoto, runtuna ka dheerayso nuxnuxda iyo dacaayadaha.

Gunaanad:
Maaddaama 25 sano ka dib aynu marayno marxaladdaa aan ka soo sheekaynay ee aadka u adag, oo galaafan karta qaranimadeena, dabrina karta himiladeena iyo horumarka aynu higsanayno, waa in si dhakhso ah loo abaabulo shirkii wada tashiga ee hore loogu dhawaaqay. Dowladda iyo xisbiyada qarankuna waa inay iyaga oo isku hadaf ah galaan abaabul arrintaa ku wajahan, kana midha dhaliyaan sidii loo heli lahaa talo waafiya oo dalka iyo dadka wax tarta. Adduunkuna uu innoogu soo joogsado.
Mohamed Geelle

Waa Sidee Xaaladda Dhallinyarada Somalia ee Maanta

$
0
0

Ku dhawaad muddo 30 sano ah oo ay dagaalo sokeeye ka socdeen Soomaaliya, ayaa dalkaan dhaca cirifka bari ee Qaarada Africa wuxuu hadda billaabay inuu ka soo kabsado dagaallada sokeeye oo guud ahaan dalka kaga tagay dib u dhacyo saameeyey dhammaan qeybaha kala duwan ee buslahada.

Dhallinyarada Soomaalida ayaa ka mid ah qeybaha bulshada ee uu sida xun u sameeyeen dagaallada sokeeye.

Hadaba muddo 30 sana ah kadib dagaaladi sokeeyey ee dalka maxay dib u dhac ah oo ay ku reebeen...

Mas baajiyay duulimaad u socday Dubay

$
0
0

Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Emirates oo lagu waday inay ka duusho Cumaan tagtana magaalada Dubay ayaa la baajiyay ka dib markii shaqaalaha ay mas ku arkeen gudaha diyaaradaasi.

Cumar Dhagey oo shaaciyay xiliga lasoo afmeerayo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)- Iyadoo magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ay ka socto Doorashada Gobolada Waqooyi, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Cumar Cabdulle (Cumar Dhagey).
Cumar Dhagey ayaa sheegay in Doorashada Guddomiyaha ka hor lasoo gabagabeyn doono Doorashada Gobolada Waqooyi ee ka socta magaalada Muqdisho.
Cumar Dhagey waxa uu sheegay in Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay tahay mid waxyar un ay ka harsan yihiin loona baahan yahay in tirada harsan lasoo afmeero doorashadooda.
"Qorshaheenu waxa uu yahay in xubnaha harsan si degdeg ah lagu qabto doorashadooda waxaanu rajeynaynaa in xubnahaasi ay qeyb ka noqdaan doorashada qabsoomi doonta"
Waxa uu intaa ku daray in Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay isla fahmeen in la dadajiyo xubnaha harsan doorashadooda.
Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay la bilaabay Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Dagaal uu khasaaro ka dhashay oo goordhow ka dhacay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada ayaa goordhow ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka oo ahaa mid wakhti badan qaatay ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay dhul ay isku heysteen laba reer.
Ciidamada Dowlada ee dagaalamay ayaa la kala saftay labada qoys waxa ayna isku adeegsadeen rasaas ay ka dhalatay khasaaro kala duwan.
Khasaaraha ugu badan ee dagaalka ka dhashay ayaa soo gaaray dadka deegaanka oo ay ku dul dagaalameen Ciidamada.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal ka dhasha dhulal lahaanshihiisu uu muran badan ka taagan yahay.
Maamulka Degmada Hodan ayaan wali ka hadal Dagaalka goordhow ka dhacay Degmada.
Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mooshinka laga...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Iyadoo la hadal haayay Mooshin Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweynaha Maamulkaasi waxa uu ka hadlay Mooshinka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Maamulka uu hoggaamiyo.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in xilligaan aan loo baahneen Mooshin isagoo ku nuux nuuxsaday in xaalado dhibaato uu wajahayo Maamulka Galmudug , islamarkaana ay dhibaatooyin adag ka jiraan deegaanada Maamulkaasi.
Sidoo kale Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa cadeeyay in Maamulkiisa xilligaan ay ku furan yihiin arrimo Xasaasiya loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.
Xildhibaanada Galmudug oo Hoolka ay ku shiri jireen loo diiday in ay kulmaan ayaa goob u gaar ah kulamo ay ku yeesheen ku soo bandhigay Mooshin ka dhan Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Musharaxiinta Guddoonka BF oo Khudbado Laga Dhageystay

$
0
0

Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta dhageystay khudbadaha murashixiinta u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka.

Trump ayaa aqbalay in Ruushka uu u dhacay doorashada Maraykanka, ayuu sheegay Reince Priebus

$
0
0

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ma diidana in Ruushka uu isku dayay inuu u dhaco doorashada, ayuu sheegay madaxa shaqaalaha madaxtooyada soo socota.

Waa Sidee Xaaladda Nololeed ee Qandala?

$
0
0

Magaalada ayaa si lama filaan ah ugu gacan gashay Maleeshiyada Daacish sheegatay 26-kii bishii October, waxaana dib ay ciidmada Puntland u qabsadeen 7-dii bishii December.

Japan oo qarka u saaran dabarjaridda dambiyada hubka

$
0
0

Dawladda Japan waxay ka mid tahay dalalka ay ka dhacaan dambiyada ugu yar ee hub la xiriira marka laga hadlayo adduunka oo dhan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live