Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray Gudoomiye Jawaari

$
0
0

Madaxweynah dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya sida hufnaanta leh ee ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlmaanka ee Soomaaliya ee uu ku guuleeystay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.
" Waxaan hambalyo lee yahay Xilhibaanada Golaha Shacabka Sooomaaliya oo maanta si dimuqraadiyadda leh u doortay guddoomiye, waxaa muujiyeen sida Baarlamaanka uga go'an tahay in dalkaan horusocokiisa la sii joogteeyo iyo sida xilkasnimada ku dheehan tahay ee ay ugu gudanayaan waajibaadka ka saran u adeegida shacabka ay wakiilka ka yihiin ee soo doortay" ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoomiyaha Baarlmaanka ee maanta dhacday.
" Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo mar kale ku guuleestay xilkaan culus, waxaana Allaah uga baryey inuu la garab galo, waxaana aamminsahay in Guddoomiye Jawaari uu yahay shaqsigii ugu habboonaa ee ay Soomaaliya u baahan tahay xiliga lagu jiro si howlahii Qaranka halkiisa uga sii wado" ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey ciidamada Qalabka sida si adag u sugaya ammaanka magaalada iyo guud ahaanba dalka xili lagu jiro xili adag oo ay doorashooyin dhacayaan.
-Dhammaad-PUNTLAND POST
The post Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray Gudoomiye Jawaari appeared first on Puntland Post.


Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweyn diiran loogu...

$
0
0

Cadaado ( Sh.M.Network)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulkaasi Galmudug.
Mr Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado Masuuliyiin iyo shacab fara badan.
Waxaana dadkii soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey , Senetor Abshir Bukhaari, Saraakiil Ciidan iyo shacabka Cadaado.
Intaas kadib Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ku baaqay in si weyn ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan Caasimadda KMG ah ee Cadaado loo adkeeyo.
Masuuliyiinta Galmudug sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa sharci darro ku tilmamay go'aan ay ku sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulkaas in Codka Kalsoonida ay kala laabteen Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Warbixin: gudoomiyaha baarlamaanka oo la doortay

$
0
0

Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa gudoomiye u doortay xildhibaan Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari, oo afartii sano ee la soo dhaafay hogaaminayay baarlamankii hore.

Socdaalkii Degaanadii Roobabka ee Wariye Faaduma...

$
0
0

Booqashadeydii Deegaamada ay u hayaameen reer guuraaga ay abaaraha saameeyeen iyo wixii aan ku soo arkay.
Iyadoo ay abaar baaxadleh ka dhacday dhulka soomaaliya ayaa waxaa Roobab lagu diirsaday ka daa'een dhulka soomlidu ay degto qaar ka mid ah inkastoo roobka xooga badani uu ka da'ay gobolda Punland qaar ka mid ah taasoo sabatay in ay u soo hayaamaan dadyoow soomliyeed farabadan kuwaasoo gadiidka xamuulka qaadaa ay haben iyo maalin ku soo qulqolayaan inta u dhexaysa Gobolada bari iyo Karkaar sida degmooyinka Iskushuban iyo Bayla.
Dooxada Noobir iyo tooolooyinka cirifka ku hayaa gobolka Bari ayaa culayska ugu farabadani ka jiraa degsiimooyin farabadan oo isugu jira dadka Deegaanka iyo kuwo u soo naqraacay oo ka yimid Gobolada Soomaliya, sida Puntland, Somaliland iyo Kilalka 5aad ee Soomaalida.
Waxaana jira caqabado dhinaca nolosha ah oo dadkaas soo wajahay oo ay u horayso biyo la,aan maadaama dhulka ay degeen ay ku yaryihiin ceelbiyoodyada, waxaa kaloo jira nadaafad daro ay sabatay dhimashada Xoolaha oo xerada iyo gaadiidkaa dushiisa ku dhinta caato iyo tabardaro darteed, dadka qaarkiis ma haystaan Cunto iyo hooy ay kaga gabadaan Qoraxda roobka iyo Dhaxanta.W
Waxaan Booqatay Deegaanka ay xaaladaasi ka jirto 500 boqol oo qoys oo isugu jira dadka degaanka iyo kuwa gobalada kale ee soomliya waxay gaarsiisay raashin ka kooban sonkor, bur, bariis, saliid. buskut, iyo Doors he. mucaawinadas oo ay ku deeqeen ganacasato iyo aqoonyahano ku sugan Wadamad carabta sida Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo magaalad Boosaaso.
Dadka abaartu saameysay ayaa ii sheegay in mucaawinadani ay soo gaartay xili ay u baahnaayeen, waxana si aada ugu mahadceliyeen shakhsiyaadkii deeqdaan iisoo wasii shay.
Inkasta oo reer guuraaga isu tegay dhulka roobku ka da'ay ay heleen deegaan naq leh roobna ka da'ay ayaa cufnaanta degsiimada oo sii kordheysaa ay sababaysaa in biyha keydka ag ee Waraha iyo berkaduhu ay dhaqso u dhamaato, waxaa kaloo dhulka ka jira dulinka Kaneecada oo keeni kara xanuunada Duumada, hoyga, cuntada, daawada intaba waa looga baahan yahay degsiimooyinka ay ku soo ururayaan dadka xoola dhaqatada ahi, sidaas darteed, akhristow, marka aad daawatid masawirada, ama aad akhriso qormadan ma dareemeysaa xanuun dareenkaagu kuu sheegayo in kaalmo aad dadkaas gaarsiisaa ay badbaadineyso walaalkaa duruufaysan.
Ka Qayb qaado gurmadka abaaraha, deeq Alle ayaa bixiya, ee isku day in aad kaalmeyso hal qoys ama in ka badan.Mahadsanidiin.
Warbixinta Faaduma Yaasiin Jaamac.
Daabacid: Raxanreeb Online

Shirkadda Somtel oo noqotay Shirkadii ugu horreysay...

$
0
0

Garoowe(RBC Radio) Magaaladda Garoowe waxaa ka soconaya horyaalka kooxaha heerka koowaad ee Puntland, waxaana ay isku arkaya 9 kooxood oo ka dhisan gobolada Puntland.
Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa noqotay shirkadda ugu horaysay ee maal galisa Kooxda, ka mid ah kooxaha heerka Koowaad ee Puntland, waxaana maanata garoonka Mira Awaare kasafatay Kooxda Somtel.
Kooxda Somtela ayaa la ciyaaraysay kooxda SBC, waxaana ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan loona wada riyaaqay, habdhismeedka kooxa, kala danbaynta iyo ciyaar wanaaga ayaa ahaa kuwo xiiso badan galiyey taageerayaasha Garoonka soo xaadiray, waxaana y Natiijadu ku dhamaatay 2:0 oo ay guushu ku raacday kooxda SBC.
Dhamaandkii ciyaarta ka diba ayaa waxaa saxaafadda la hadlay, madaxa suuqgaynta shirkadda Somtel ee gobolka Nugaal, waxaana uu sheegay in ujeedka Shirkaddu samaysay kooxdaan ay tahay, in ay dhalinyarada gacan qabato, ayna waxa ay ka hesho wax uga celiso, iyada oo lagaarsiinayo dhinacyada kala Gadisan ee Bulshada.
Madaxda Xiriirka Kubbadda cagta iyo Ciyaar yahanada Kooxda Somtela, ayaa si furan ugu mahad celiyey una soo dhaweeyey sida ay shirkaddu markasta u garab taagan tahay, Dhalinyarad Ciyaarah.
Ciyaartii labaad ayaa dhex martay labada kooxood ee Horseed iyo Bari FC, waxaana ay natiijadeedu ku dhamaatay 2:0 oo ay guushu ku raacday kooxda Horseed ee ciidamada Qalabka sida Puntland.
Xogta: Shirkadda Somtel
_____
Garoowe

Photo News: Qaabka uu Jawaari ugu guuleystay C...

$
0
0

Doorashadii maanta ka dhacday xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wareegii koowaad ku guuleystay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Natiijadii Doorashada ayaa noqotay inuu ku guuleysto Prof. Jawaari oo si weyn loogu saadaaliyay. Natiijadii wareega koowaad ee sida rasmiga ah ay ugu dhawaaqeen Guddoonka KMG ah ayaa noqotay sida soo socota:
Waxaa codesay 159.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 141
C/rashiid Maxamed Xiddig: 97
Cabdifataax Ibraahim Geeseey: 17
Idiris Cabdi Dhakhtar: 2
Waxaa qasaartay codad gaaraya 2 cod.

Candidate Mohamed Ali Ameriko congrats Jawari on his...

$
0
0

Mohamed Ali Nur (Ameriko), a leading presidential candidate has sent a congratulatory message to Prof Mohamed Sheikh Osman Jawari on his re-election as new speaker of the federal parliament.
Candidate Mohamed Ali Nur (Ameriko) said Today's re-election of Hon Mohamed Sheikh Osman Jawari was a step forward and marks that Somalia is moving closer to a real change.
"I share a warm congratulation with Hon Mohamed Sheikh Jawari for wining the confidence of the federal parliament of Somalia and I wish him to serve the country for second time effectively as you did in the past," said presidential candidate Mohamed Ali Nur (Ameriko).

Musharrax Maxamed Cali Ameeriko oo soo dhaweeyay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Musharrax Maxamed Cali Ameeriko ayaa soo dhaweeyay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Xildhibaanada ay maanta codkooda Kalsoonida ugu doorteen mar kale Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Mr Ameeriko ayaa tallaabo horay loo qaaday ku tilmaamay doorashadii maanta oo uu sheegay in si hufan ay uga dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
" Hambalyo diiran ayaan la wadaagayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaana rajeynayaa in uu noqdo mid si habsami leh u guta howlaha Qaran ee loo Igmaday" ayuu yiri Musharrax Maxamed Cali Ameeriko.
Msharrax Maxamed Cali Ameeriko ayaa noqonaya Musharrixii ugu horreeyay ee soo dhaweeya Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.


Galmudug state president warmly welcomed in Adado

$
0
0

Galmudug state president HE Abdikarin Hussein Guled was warmly welcomed in Adado, the interim capital of his regional administration on Wednesday.
Accompanied by the supreme court chairman of Galmudug, Mr Guled has been received by high-ranking officials, including vice president Mohamed Hashi Arabey, senetor Abshir Bukhari, army commanders and flag-waving residents at the main airport in Adado town.
Speaking to reporters, Galmudug president HE Abdikarim Hussein Guled said security forces have beefed up the overall security, specially Adado city, the interim seat of Galmudug state.
Galmudug president HE Abdikarin Hussein Guled and the supreme court chairman described Tuesday's no confidence vote by some Galmudug parliament MPs as "Illegitimate."

Mareykanka oo ka Digay in loo Safro Soomaaliya

$
0
0

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ugu digtay inay ka fogaadaan inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xiriria dhaqdhaqaaqyada weli socda ee kooxda Al-Qacida xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

Doonni Xoolo ka Qaadday Dekadda Berbera oo ku Degtay...

$
0
0

By: Cumar M. Faarax
Berbera(Somaliland.Org)- Dooni siday 593 neef oo ah Dibi oo ka shiraaqatay marsada Berbera, una sii jeeday Dekadda Salaala ee dalka Cumaan, ayaa ku degtay meel u dhow xeebta wadanka Cumaan, sida uu xaqiijiyay wakiilka doonidaas oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cali Warsame.
Doonidan oo la odhan jiray Al-Ahmediya, waxay saddex maalmood ka hor ka ambo-baxday dekadda Berbera, waxaanay u siday shixnad xoolo ah oo ay lahaayeen Ganacsato reer Somaliland ahi.
Wakiilka doontaas, ayaa BBC-da u sheegay in shalay subax lagu soo wargeliyay in doonida iyo xoolihii ay sidayba degeen.
Cabdiraxmaan Cali, waxa uu tilmaamay tobaneeye shaqaalihii doonta ahaa oo dhammaantoodba u dhashay dalka Hindiya in la badbaadiyay markii doonyo ganacsi u soo gurmadeen.
Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta doonidu u degtay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dabaylo xoog badan oo badda ka dhacayay ay qarqiyeen doonida. Halka tibaaxo kalena ay weriyeen in doonida gudaheeda dab ka kacay, hase ahaatee wali lama xaqiijin karin sababta rasmiga ah ee khasaarahaas dhaliyay.

Wasiirka Maaliyadda oo u Magac bixisay Abaarta Adag...

$
0
0


Boorama (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa kormeer shaqo oo la xidhiidha xogogaal u noqoshada xalaada abareed ee dalka ka jirta, waxay shalay ku tagtay degmada Magaala-cad ee gobolka Awdal.
Wasiirka oo ay weheliyaan guddida gurmadka abaaraha heer qaran iyo guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa waxa ay kormeer ku soo mareen degaanada gobolka Awdal ee ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay abaarta adag ee ka jirta gobolada bariga Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine ayaa ka warbixiyey tirada dadka ku soo barakacay gobolka Awdal iyo Xaalada ay ku sugan yihiin, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "dadku xaalad adag ayey ku jiraan, waana xilli jilaal ah, gobolka Awdal, waxaa ku sugnaa Siddeed kun oo qof , laba kun hadda ayey ka tageen, waxaana gobolka ku hadhay lix kun oo ka soo barakacay xaalada adag ee ka jirta gobolada bari, waa dad ay duruuf adagi bilow u tahay, maadaama saddexdii bilood ee jilaalka la galay"
Marwo Samsam Cabdi Aadan oo degmada Magaalo Cad kula hadlaysay dadka ka soo hayaamay abaarata kulul ee ka jirta gobolada bariga ayaa sheegtay in abaartu ay taabatay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanay tidhi "qofka kasta oo wax idiin keenay Illahay ayaan idiinku soo dhiibay , waa la og yahay xaalad. Maanta meel Somaliland u fayow ma jirto , abaartu meel walba way gaadhay, waa idinkaa sheegay sida ay dadkii idinka soo horeeyey idiin soo dhaweeyeen ee wixii ay haysteen aad ula wadaagteen."
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in abaarta loo bixiyey Walaaleeya, madaama ay bulshada Somaliland isku damqadeen "abaartan waxa loo bixiyey Walaaleeya, wax ay walaalaysay Umaddii reer Somaliland, way isku damqadeen , waa laysku Naxariistay oo waa lays caawiyey , sidaas ayey ku shaqaynayaa oo illahayna inagu Naxariisanayaa."
Somaliland.Org/Hargeysa

Ha Sheegin Inaan Ku Qabo! Sheeko Gaaban Oo Aad Iyo...

$
0
0

Ganacsade xaas iyo carruur u joogaan, ayaa wuxuu qudbo siro ku guursaday gabar.A Gabartii waxuu dajiyay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. Gacansadihii waxuu xaaskiisa iyo carruurtiisa u hoyan jiray habeenkii, waxuuna gabarta uu qudbo sirada ku qabo u i maan jiray maalintii kaliya.
Xaaskii uu qudbo sirada ku qabay, waxuu ku dhahay habeen i ma soo wici kartid wax walbo oo kugu dhaco. Subax walba markuu gurigiisa rasmiga ah ka soo baxo ayuu wicijiray, duhrukiina gabarta xaafaddeeda ayuu u qado doonan jiray, waxeyna u aheed xaafadda kaliyah uu ku nasto.
Waxey sidaas nolashoodu ahaataba, markey in muddo ah is qabeen ayey gabadhii xanuunsatay waxuuna geeyay isbitaal, isla markiiba waxaa lagu sameeyay baaris, baaristii ayaa lagu ogaaday in ay uur leedahay. Waxaa loo sheegay jawaabtii ka soo baxday baarista, sidoo kalana ganacsadihii loogu hambalyeeyay in ay uur leedahay xaaskiisa, halkii waxaa ka billawday farxad iyo kalgacal cusub, kalsoonidiina intii ayey ka sii saaaEU(tm)idday, maalmo ka dib ayaa gabadhii isbitaalkii laga soo bixiyay.
Ganacsadihii oo ku faraxsan ilmaha caloosha u galay xaaskiisa, kana murugeysan xanuunka soo wajahay xaaskiisa, ayaa waxaa ku soo kordhay in uu safar shaqo u baxo. Ganacsadii waxuu damcay in uu iska joogo si uu uga warhaayo xanuunka xaaskiisa, laakiin, qoladii uu shirkadda la ahaa ayaa ka diidday in uu iska joogo.
Waxuu u yimid gabadhii uu qudbo sirada ku qabay, waxuuna ku wargaliyay in uu safar u aadayo dhoobeey, si uu uga soo iibiyo Sisin ugana soo raro halkaas, markay halkaas sheekadu mareyso ayaa inta gabadhii is caloolxumeysay ku tiri hadda ma anigoo sidaan u daciif ah ayaad iga tageysaa? inta uu ganacsadihii niyaddeeda dajiyay ayuu ku yiri; maalmo kooban ayaan kaa maqnaanaa macaanto, ee ii samir. Ganacsadihii waxuu gabadhii siiyay lacag, waxuuna ku dhahay wax kaste ayaa dhici kara intaan safarka ku maqanahay ee lacagtaan sii isticmaal.
Ganacsadihii safar ayuu sidii ku aaday, markuu dhoobeey tagay, toddobaad ka dib waxaa ku dhacay duumo, asigoo xanuunsan ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, marki Muqdisho la keenay waxaa la jiifiyay isbitaal, maalmo markuu isbitaalka ku jirayse wuxuu geeriyoday duumadii.
Gabadhii waxey in muddo ah xanuunkii la daalaadhacdo oo ay rafaad badan kala kulanto wallaca, ayna laaEU(tm)saneed ninkeeda, ayaa waxaa soo wajahay walwal iyo walaac aad u badan. Mobilkii ninkeedii wali waa dansan yahay, maalinba maalinta ka danbeysa waxaa ku sii siyaadayo culeys. Wax ay sameyso ma taqaan.
Waxaa sii idlaaday bilaheedii, ayadoo ninkeedii war iyo wacaalba wali ka helin qof yaqaanna oo ay weydiisana wali aynan helin. Waxaa soo dhawaaday xilligii dhalmadeeda, qarashkii uu uga tagayna waa uu ka goaEU(tm)ay.
Waxey soo is taagtay meel cidla ah, gurigii ay daganeed waxaa lagu yeeshay dhowr bilood oo kira ah, ciddii guriga iska laheed nawaxey gabadhii ku dhaheen, gurigeenna nooga bax, waxeyna kala hareen alaabtii guriga u taallay, sidii ayeyna gurigii uga soo guurtay, waxeyna dib u soo raadsatay waalidkeed, ayado nolasha ku dhibaateysan.
Gabadhii sidaas ayey bilaheedii ku idlaadeen, marka iyada oo fooldiin hayso, ayaa waxey tijaabisay mobilkii ninkeedii, waa uu u wactamay, aad ayeyna u faraxday. Nasiibdarro laga ma qaban. Xoogaa ka dib ayey ku celisay mobilkii, nasiib wanaag waxaa ka qabatay xaaskii weynaa uu ka geeriyooday ganacsadihii. Gabadhii ayaa weydiisay sow mobilkii ganacsade hebel maahan? Waxaa gabadhii loogu jawaabtay:
aEUoehaa, waa talkiisa, aniguna waxaan ahay xaaskiisii hore, asigana waa uu geeriyoday! Alle ha u naxariistee, anigana mar hore ayaa asaydii iga dhacday, ee adigu ma wax hanti ah ayaa idin ka dhaxeyso?aEU waxayna u raacisay;
aEUoehadda xisaab ayaan ku jiraa ee caawa isoo wac abbaayo.aEU
Gabadhii inta ay naxday ayaa fool qabatay, waxaana loola cararay isbitaalka. Waxey in muddo ah foolataaba, dhaqaatiirtii waxey dhaheen gabadhaan waa in la qalaa, oo caadi ma u dhali karto, waalidkeedna waa uu aqbalay sidaas ayeyna ku saxiixeen warqaddii lagu qalayay, waxaana loo qaaday saaladii qalliinka. Qaliinkii lagu sameynayay waxuu qaatay saacado badan, sidaasna waxey ku dhashay wiil, nasiibdarro halkii ayey umulraacatay gabadhii. Qoyskii gabadha waxaa u soo haray wiilkii yaraa, oo hooyadiis geeriyotay abbihiisna qof taqaanno aanay laheynin.Dulucda qisada;
Guur iyo qoys abuurkiis qarsi iyo quursi ma lahan, ee ha ku degdegin inaad ku dhaqaaqdo tallaabo waxyeello kuu keeni karta ama u keeni karta gabadha aad calmatay sida ay saamayn karto ubadka ay kuu dhali doonto. Wiilkan aabbe laaEU(tm)aan ma noqdeen haddii aan qarin dhacdeen, sida gabadhan xaq iyo xuquuq laaEU(tm)aan ugu dhici lahayn.W/D: Cabdinaasir Maxamad Cali

Qiso Inoogu Filan Cibro Qaadasho Is Weeydii Ma Qarin...

$
0
0

BoqorA isha ka cawaranA isla markaana laangadhe ahaa (jiis)A ayaa maalin isugu yeedhay ragii sawir gacmeedka yaqaanay oo dhan.
WuxuuA ku yidhi aEUoeI sawira,A laakiin waaA in aydaan haba yaraatee wax ceeb jidheed ah ii yeeliin oo aad qarisaan naafadaydaaEU.
Dhamaan sawirleyaashii way diideen waxayna ku jawaabeen aEUoeMaya, adigoo cawaran oo laangadhe ah sidee ayaan qof caadi ah kaaga dhigi karaa? .
Markii boqorku ku adkaystayA ayay iska tageen, A laakiin mid ka mid ah sawirleyaasha ayaa ku yidhi boqorka:
aEUoeAnigaaA ku sawiraya adigoon ceeb lahaynaEU.
Kadib-naA waaA la yaabay laakiin xaqiiqdii wuu sawiray.A WaxaanuA ka dhigay in boqorku ugaadhsanayo oo ishii cawar-naydA uu isku qabtay, isla marakana lugtii curyaanka ahayd dhulka dhigtay si uu ugaadha u dilo.
Sidaas ayaynu u qarin karaa ceebaha dadka muslimiinta inkastoo ay muuqdaan.

Wax Badan Ka Barro Afar Talaabo oo kuu Sahlaya Inaad...

$
0
0

Muddo ayaad ku riyoonaysay in aad abuurato ganacsi, oo hada waxaa la joogaa xiligaa aad shaqada bilaabi lahayd.
Hadaba sidee ku heli kartaa fikrad ganacsi oo faaaEU(tm)iido dhalin karta? halkaan waxaan idin-kugu soo bandhigaynaa 4 ka mid ah xeeladaha ugu caansan eeA aad raaci karto si aad u hesho fikrad wax-ku-ool ah.

  1. Xooga saar waxyaabaha aad ku wanaagsantahayaEU" Marka aad ka fikirayso fikrada ganacsiga, waxaad xooga saartaa oo baadhitaan ku samaysaa waxyaabaha aad adigu qaban karto. Maxaad aqoon ama waayo-aragnimo u leedahay? Maxaad ku wanaagsantahay? Ma jiraan waxyaabo aad khabiir ku tahay? Jawaabaha suaEU(tm)aalahaas ayaa noqon kara fikrad ganacsi oo wanaagsan. Tusaale, haddii aad ku wanaagsantahay cunto-karinta oo qofkasta oo cuntadaada dhadhimayaa uu la dhacayo, waxaad abuuri kartaa maqaaxi. Haddii aad tahay qofka loo yeedho marka uu baabuur xumaado waxaad furan kartaa geerash. Waxaan filayaa in aad fahantahay muhiimada qodobkaan.

Waxaa muhiim ah in markii aad liis-garayso waxyaabaha aad ku wanaagsantahay aad qiimeyn guud ku samayso midkasta, oo aad jawaab u hesho suaEU(tm)aalaha sida dhaqaalaha ku baxaya aasaaska ganacsigaas, inta qof aad u baahantahay in aad fuliso mise waa shaqo aad adiga keligaa bilaabi karto? Waa maxay shuruudaha sharciyeed ee qabanaya ganacsiga nuucaan ah?

  1. Maskaxda ka shaqaysii (Brainstorm)aEU" Nidaamka loo yaqaanA Brainstorming waa xeelad ay isticmaalaan koox walba oo doonaysa in ay helaan fikrado cusub. Waxaa la sameeyaa in la ururiyo oo la liis gareeyo fikrado badan oo kala duwan ka dibna qiimeyn lagu sameeyo kuwa ugu wax-tarka-badan. Waxa aad samayn kartaa in qoyskaaga ama asxaabtaada ama cida aad doonayso in ay ganacsi kula abuurto aad wada fadhiisataan oo aad isticmaashaan xeeladaan.
  2. Sameey cilmi-baadhis suuq (Market research)aEU" Marka aad isbardhigto fikradaha kala duwan ee aad heshay, talaabada ku xigta waa in aad sameyso baadhitaanka-suuqa (market research) taasoo aad ugu kuur-galayso macaamiishaada, shirkadaha kula tartamaya, qiimaha iyo dhammaan waxyaabaha kala duwan ee saameyn kara ganacsigaaga. Waxaa aad u muhiim ah in baadhitaankaaga aad ku ogaado inta uu leaEU(tm)egyahay suuqa alaabtaada iyo baahida loo qabo. In aad abuurto ganacsi aan loo baahnayn ama aad soo dejiso alaab aysan cidna xiisaynayn waa khasaare weyn.
  3. Wada tashi sameeaEU" Talaabada xigta waa in aad heshaa dad kula taliya oo qaasatan khabiir ku ah arinta aad doonayso in aad ganacsiga ka dhigto ama aad hesho dad ganacsato ah oo aan adiga kula tartamayn oo ku siin kara talooyin ku aadan fikradaada cusub iyo sida loo socod-siin karo. Waxaa muhiim ah in fikrada aad u bandhigayso la-taliyayaasha in ay tahay mid si fudud loo fahmi karo isla markaana aad diyaar u noqoto in ay dadkaas ka dhiibtaan aragtiyo kala duwan oo qaarkood aadan jeclaysan doonin.

Sheeko:- Carar ayaan is iri, waanse raftay. inan...

$
0
0

WAAN DILANAHAYdY~
Kaddib sheeko waayo-waayo ah, kaftan iyo kululeysi iyo jawi farxad leh oo aynu isla qaadannay aniga iyo saaxiibbadeey, waxa la gaaray xilli dambe. Waanu is macsalaameynay, anna waan soo dhaqaaqay anigoo ku wajahan xagga guriga aan ka deggenahay magaalada.
Tallaab kasta oo aan qaado waxan dib u xusuusanayey waqtigii quruxda badnaa ee aan la qaatay jaallayaasheyda. Anigoo is moog baan dhoola-caddeynayey marmarna qosol agagaarkeyga laga maqli karayey ayaa iga soo baxsanayey. markaan dareemo inaysan cidi ila joogin oo aan kaligey waddada marayo ayaan aamusayey si aanan leygu tilmaamin ruux waalan oo kaligii isla hadlaya.
Kol aan marayo bartamaha magaalada ayey korontadu tagtay. Maxaa helay? Ma garanaEU(tm)e cillad baa malaha heshay. Leyrkii (nalalkii) hareeraha laamiga ka shidnaa weey dameen. Dabeyl aan mooday in ay i baqdin galineyso ayaa billaabatay. Wadnuhu waxa uu billaabay garaac. Shanqarta raadkeyga ayaa ila noqotay dad kale oo agagaarka ama gadaasheyda soo gaatamaya. Humaag been ahna waan ley horkeenayey.
Waan istaagaa, kolkaasaan eegaa cirif kasta. Waa anigii uun oo qof socdaahi majiro.
Cabsidu wey igu sii badataa kolka aan maqlo qeylada eeyaha is ceyrsanaya. Waxan soo turcaba waa aniga usoo dhawaaday aqalkii. Luuq ku yaalla meel hoobad ah anigoo kasoo hantaaturay ayaa waxa si lama filaan ah iisoo horjoogsaday nin madoow oo ay la socdaan koox kale.
Xabadka ayuu gacanta iga saaray aEUoenoqo waryaaaEU ayuuna igu yiri. La dood markii aan maagana daanka ayuu tugumbo aan la gariiray iiga dhuftay. Dhulka ayaan halhaleel ugu dhacay. Gowsihii bar baa daatay! Sidii nacnacii ayey afka gudhiisa ka shaqareen. Gacanta ayaan u hoorsaday si aan u hubsado in ay budaadeen iyo inkale. Intaan tufinba waxa hareeraha iga soo maray kooxdii la socotay ninka madoow. Maxay ahaayeen duulkan inkaarani?
Mid aan arxan laheyn baa beerka iga haraantiyey. Qeylodhaami ayaan maagay laakiin waxa igu fakaday oo aan dhunxiyey gowsihii iyo dhiig kasoo hooray halkii lala haleelay tugumbadii hore. Mid baa kulleetiga iga qabtay ina istaajiyay. Kuwii kale gacmaha ayey iga qabteen. Qaar baa fariistoo lugaha iga togayey. Tabarteydii waxan kusoo koobay inan daawado uun waxa igu dhici doona. Laba-lagdin (kalafooto) ayuu isla baacshay. Madaxa, dhafoorka bidix iyo qoorta ayuu la helay. Korontadii jirka ayaa tagtay. Mindhaa kuwii kalana dhulka ayey igu sii daayeen. Maba dareemin xanuunkaase waxa dhegta kasii guuxayey jugta kale.
Halka aan aallo waa meel dhagax leh. Nin gaaban, oo kuusan ayaa usoo booday sida qolyaha musaaracada ciyaara. Xabadka, feeraha iyo caloosheyda ayuu salkiisa kusoo aaddiyey. Waaka sidii madfacii igu habsaday. Qeyladhaanta ka yeertay dhanka gadaale waxa iiga darnaa matag ay weheliyeen dhiig iyo qufac.
Carar ayaan is iri, waanse raftay. inan cabaado ayaan isku dayey, waanse xamxamleeyay. si hoose oo aan la maqleyn waaniga u iri aEUoewaan dilanahayaEU. Waan soo fariistay anigoo xabadka taataabanaya. Qoorta ayaan riixriixay. Waxan hubiyey tirada gowsaha igu yaalla. Carrabka ayaan kolba dhinac u dhaqaajiyey, dhadhamin kaddib waxan ogaaday inusan dhiig iga socon oo aan fayoobahay.#Mala'awaalka DoorashadaA Riyo
Share sii dheh oo asxaabtaada gaarsiidY~,

Weli Ma Maqashay In Cabista Biyaha Badan In Aay...

$
0
0

JidhkaA qofka dhalinyarada ah ayay 70% biyo yihiin, halka dadka waaweyna ay 50% biyo yihiin, iyadoo caruurta yaryarna uu jidhkoodu 80% biyo yahay. Sidaas awgeed biyuhu waxay noqdeen wax aanu ka maarmi Karin qofku.
Iyadoo qofka biyo cabista badani uu ka caafimaad badan yahay kan yaraysta. Jidhka oo dhami wuxu ku sheqeeya biyahaasi iyadoo dheefshiidku uu yahay kan isticmaala biyo badan si uu u burburiyo raashinka.
Sidaas darteed FaaaEU(tm)iidooyinka ay leeyihiin biyaha la cabo guud ahaan gaar ahaan salaadda hore , oo qofkaA calooshiisu madhan tahay oo aanu quraacan ayaa la cadeeyay inay leedahay caafimaad badan iyo inay weliba dawayso xanuuno badan oo dhib ku haya aadamiga.
Sida ay cadeeyeen dhakaahtiir iyo aqoonyahano Japan u dhashay waxay sheegeen in biyaha la cabno ka hor quraacada marka aad hurdada aad ka toosto ay daweeyaan xanuuno badana oo ay ka mid yihiin : Xanuunada madaxwareerka joogtada ah,A garaaca sare ee wadnaha, suuxdinta ama dhicitaanka badan ee qofka,A xanuunada ku dhaca kaadi amreenka, taydfodhka , shubanka, kaadi macaanka, bawaaisrta iwm. Caadaysuga cabista biyaha subaxa hore ayay si weyn u dhiiriyeen.

Dhagayso: Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug oo isku...

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug oo intiisi ugu Badnaa Ay SHaaciyeen inay Xilkii Ka Qaadeen C/kariin Xuseen Guuled Ayaa Waxa Ay Sheegeen Xildhibaanadu in C/kariin Aysi Sharci Ah Xilka uuga Qaadeen Xildhibaanada.
Xildhibaan Maxamuud Diini oo ka Mid Ah Xildhibaanada Galmudug oo Codkamudug La Hadlay Kana Mid Ah Xildhibaanada Xilka Ka Qaaday Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed Ayaa Sheegay in Guuleed uusan Xiligan madaxweyne Ahayn Ka Ahayn Galmudug.
Halkaan Hoose Ka Dhagayso Waraysiga
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/Xilka-Qaadis.mp3
Dhinaca Kale Xildhibaan c/qaadir cali Diirshe oo isna Ka Mid Ah Xildhibaanada Galmudug Kana Soo Horjeedo Xilka Qaadista C/kariin Guuleed Ayaa Sharci Daro Ku Tilmaamay Sida Xildhibaanada Ay Shaaciyeen Wuxuuna Sheegay in uusanba Furneen Kala Fadhi BaarlamanHalkaan Hoose Ka Dhagayso Waraysiga
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/wadad-yare-Kasoo-Horjeeda-.mp3
XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Dhagayso:Ex Xildhibaan Xaaf oo Si Kulul Uga Hadlay...

$
0
0

Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Ka Mid Ahaa Xildhibaanadii Waqtigiisu Uu Dhamaaday oo idaacada Codkamudug Waraysi Gaar Ah Siiyay Ayaa Ka Hadlay Sida uu u Arko Xilka Qaadista Xildhibaanada Ay Sameyeen iyo Diidmada Madaxweynaha Galmudug.
Xaaf Waxa uu Sheegay in Sharci uu Yahay Xilka Qaadista Xildhibaanadu Ay Ku Sameyeen Madaxweynaha Galmudug.Halkaan Hoose Ka Dhagayso Waraysiga
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/XAAAF-sax-.mp3

Dhagayso:Galmudug oo Maxkamadeesay Ajaanib Si Sharci...

$
0
0

Maxkamada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Ayaa Maanta Xukun Ku Riday Ajaanib Saarna Doon Kaluumaysi Sharci Daro Ah Ka Waday Xeebaha Galmudug oo Ay Soo Qabteen Ciidamada Bada Galmudug.
Taliye Kuxigeenka Ciidamada Bada Galmudug C/rashiid Maxamed Axmed Cimri oo Waraysi Gaar Ah Siiyay idaacada Codkamudug Ayaa Ka Warbixiyay Sida Ay udhacday Maxkamadeenta Ajaanibtan.
Halkaan Hoose Ka Dhagayso Waraysiga
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/Taliye-Cimri-.mp3
XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live