Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sawirro: Shan arrimood oo Donald Trump uu ku sheegay...

$
0
0

Washington DC (Caasimada Online) - Donald John Trump ayaa shalay si rasmi ah u noqday madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib markii lagu dhaariyey xaflad ka dhacday magaalada Washington DC ee caasimadda Mareykanka.Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, oo sideed sano xukumayey dalka Mareykanka.
Donald Trump ayaa intuu ku jiray ololaha doorashada wuxuu jeediyay haddallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida iyo Muslimiinta.Soomaalida MinnesotaMar uu ka hadlaayay Minnesota wuxuu sheegay in Soomaalida dhibaato geeyeen Halkaas.
"Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga siiba qaxootiga halkaan ku badan ee Soomaalida. Idinkoonan war u heyn ayay yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda Daacish. Waxayna xagjirnimada ku faafinaya dalkeena iyo dunida oo dhan."Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.Dagaalka lagula jiro Al-ShabaabKooxda u qaabilsan Trump hawlaha kala guurka Waxay su'aal geliyeen sababta Maraykanku dagaal aanu ku guulaysanayn toban sannadood ugula jiro Alshabaab. Waxay weydiiyeen waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka sababta looga guuleysan la'yahay Al-Shabaab oo intaas oo sano dagaal uu mareykanka taageersanaa lagula jiray? Waxaanay sidoo kale su'aal geliyeen in lacagta Washington ku bixiso deeqda ee Afrika sida kan soomalaiya la siiyo, in si haboon loo adeegsado iyo in kale.Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu Jaamacadda Ohio weeraray
Wiil Soomaali ah ayaa 28-dii November la sheegay inuu weeraray jaamacadda Ohio, dadna uu halkaasi ku jiirsiiyay gaarigiisa.Wiilkaas ayaa la toogtay. Wuxuuna Mareykanka joogay muudo kooban. Balse Donald Trump ayaa arrintaas ka hadlay. Madaxweynaha cusub, Donald Trump, ayaa sheegay in "ninkaasi Soomaaliga ahaa wuxuu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka Mareykanka joogo"."Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii jamaacadda Ohio", ayuu hadalkaasi sii raaciyay.Daacish iyo SoomaalidaDonald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan. Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.Muslimiinta Mareykanka
Donald Trump ayaa sheegay xilli uu olole ku jiray in ay tahay in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka. Wuxuu si gaar ah uga hadlay Soomaalida oo uu sheegay inay naceyb iyo xagjirnimo ku faafinayaan dalkaasi. Balse, Hillary Clinton oo xilka madaxweynaha kula tartantay Trump ayaa canbaareysay hadalkaasi.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com


Dhulbahante Somaliland uma baahna ee ayadaa u baahan...

$
0
0

Markii Somaliland ka meeraalaysatay SAAMI-QAYBSIGII HESHIISKII AWRBOOGAYS ee lagu balansanaa, Dad badan ayaa filayey in odayada Cilmaaniyiinta ah ee kooxda Khaatumo ee ay Wadahadalka la fureen ay la iman doonaan heshiis ay ka muuqato SAAMIQAYSI cad oo qeexan, maadaama loo tirinayey inay leeyihiin cilmi iyo khibrad bal caqligu hayska dambeeyee, laakiin waxaa soo baxday in loogu heeso (DADKAYAGA CID MOODAY LABO CALI, CAWAANSADAY MIYAA CAQIIBO LEH), mana jiro qodob qudha oo qoraalkii ay Somaliland la qorteen ah oo heshiis lagu tilmaami karo, waxayna astaan u noqotay in cilmiga caqligu ka horeeyo.
Si kastaba hayska ahaatee waxaa muuqata in xaalada Dhulbahante iyo Somaliland ay tahay mid qasan, sababtoo ah KAN LOO BAAHAN YAHAY GARAN MAAYO IN ISAGU YAHAY LOO BAAHANE, KAN BAAHANINA GARAN MAAYO INUU ISAGU YAHAY BAAHANE.DHULBAHANTE SOMALILAND MA U BAAHAN YAHAY?
Jawaabta Suaashani waa MAYA, marka laga reebo in inta Somaliweyn ay ka degayso ay nabadgelyo ku wada noolaadaan, maadaama aanay jirin cid kale oo wax lala qabsada ama meel kale oo loo dagaalamo oo laysku halayn karo. Sababaha aan Dhulbahante Somaliland ugu baahnayn waxaa ka mid ah.DHULBAHANTE;

  1. Dawladnimadii Soomaaliyeed dhib uu kaga cararo kama soo marin.
  1. Inuu Somaliweyn ka goana faaiido uguma jirto
  1. Somalilandta hada dhisan gooni-isutaageeda wax faaiido ah oo uga muuqato.
  1. Inuu cid ka aargoysto oo dulmiyo ama degaankeeda boobo ma doonayo, sidii XASUUQII IYO DEGAAN BOOBKII KALSHAALE.
  1. Dawlad hal qabiil leeyahay oo aanay ula sinayn talo, tusmo iyo ganacsitoona ka mid noqoshadeedu waa gacantaada isku gowrac.
  1. Dawlad ay Minority ka yihiin uma baahna, iyagoo helaya mid Somaliweyn oo ay Daarood ka yihiin.
  1. Qabyaalada oo ah waxa ugu badan ee Soomaalidu texgelisaana meesha kuma jirto.

SIDAAS DARTEED SOMALILAND BEESHA ISAAQ KU CUNA DUUBAN TAHAY AYAA DHULBAHANTE U BAAHAN EE DHULBAHANTE UMA BAAHNA.SOMALILAND MAXAA LA GUDBOON?
Somaliland waxaa u banaan 3 qodob midkood:Qodobka 1aad:
inay raadiyaan Heshiis dhaba oo SAAMI-QAYBSIGIISA, DASTUURKIISU IYO SHARCIYADIISA QEEXAN YAHAY oo ay BEESHE DHULBAHANTE la galaan, kana waantoobaan leex leexa iyo qalaanqalo ku meeraalaysiga QAYBI OO XUKUN KU DHISAN ee MAXAMUUD XAASHI hormuudka ka yahay, oo ah qorshe loogu talo galay in Beesha lagu elhaaneeyo:HESHIISKU MUXUU NOQONAYAA?
Marka bulshooyin sidan oo kale aan kalsooni isku qabinin heshiis wada gelayaan waxaa jira qodobo muhiim ah oo heshiisku ka bilowdo sida
Saami Qaybsiga, (Minority protection), Legal Protection.
Dhulbahante waa inay helaan waxay Somaliweyn kaga samraan, waxay Daarood kaga tagaan, waxay kaga qancaan oo ku bedeshaan waxa isaaqu rabo, sidaas darteed waxaa anfacaysa SAAMI-QAYBSI 50% Somaliland, goleyaal, ciidamo, shaqaale, ganacsi, iwm.
Dastuurka Somaliland iyo dhamaan sharciyadooda waa in dib loo furaa oo lagu noqdaa, kuwo danahooda ilaalinaya iyo awood diidmo (VETO) ay ku darsadaan, haday tahay Ganacsi iyo haday tahay xuquuqaha kaleba, si looga digtoonaado inay dhacdo khasaaraha hada la gaadhsiiyey ganacsatada reer Laascaanood ee Cable ka Internetka, oo iyadoo nin keliya loo danaynayo loo diiday inay Xadhigii Internetka Magaalada Laascaanood soo geliyaan oo tartan xor iyo xalaal ah galaan, arintan ayaa laga dheehan karaa astaan hordhac u ah tacadiyo qaawan oo soo socda mustaqbalka dhow.
Waa in laysla meeldhigaa Mustaqbalka Somaliland siduu noqonayo ama u ekaanayo, lana bedelaa 10 ODAY EE ILMA ADEERKA AH EE GOLAYAASHA IYO XISBIYADA ISKU XEERAY IYAGOO DIMOQRAADIYADA IYO DOORASHADA KU XOQANAYA.Qodobka 2aad:
Somaliland inay doorato sida maanta lagu wada joogo inta ay ka degayso Soomaalida koonfureed, ama laga gaadhayo heer ninka dhulbahante ee dagaal Somaliland la gala ama ku dhinta Somaliweyn u aqoonsanayso geesi u dhintay midnimada Soomaaliyeed oo magaciisa lagu qorayo TAALADA DALJIRKA DAHSOON, halka ay maanta u arkayaan, labo qabiil oo isdilaya.
Somaliland mar walba way helaysaa horgalo iyo qoraxjoog ku filan, laakiin waa kuwii weligoodba joogi jiray oo aan shacabka iyo degaanka wax saameyn ah ku lahayn.Qodobka 3aad:
Inay sidii kalshaale yeelaan oo intay aargoostaan oo dad shacab ah laayaan isaga soo baxaan.
Waxaa aragti gaabnaan noqonaysa in haddii Taleex laysku sawiro loo qaato in guul la gaaray. Waxaa ka sii daran in Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu iyadoo aan saami qaybsigii laysla meel dhigin oo umadiiba heshiisyadii lagaga baxay yiraahdo ii codeeya, isagoo aan isweydiin ninkii isdiiwaangeliyey ma codeyn doonaan haddii heshiisyadii laga baxo ama aan kuwo cusub la gelin? maxaa lagaa faaiidayaa oo laguugu codeeyaa? mise 20 dhalinyarada ahaa ee uu Laascaanood u soo diri jiray baa ugu waramay lagaama maarmo oo adaa laguu xidhan yahay?DHULBAHANTE MAXAA LA GUDBOON?
Dhulbahante waxaa la gudboon inay gartaan:

  1. In iyaga loo baahan yahay ee aanay baahane ahayn, wixii ka khaldana ay kala mid yihiin Soomaalida.
  1. In kala goa Soomaaliweyn la'aantood aanu suurtagal noqon doonin.
  1. In Waqooyi iyo Koonfur marba qoladii ay raacaan adkaanayso, waqtiina uu soo dhowyahay 5 sano ee soo soctana isbedel la arkayo. Somalilandna caalamku u aqoonsan yahay qayb Soomaaliya ka mid ah, oo aanay waxba isdhaamin.
  1. Inaan SAAMI-QAYBSI 50% ka yar aanay marnaba dani ugu jirin, haddii iyadoo aan laga heshiin ay Somalland raacaana ay la mid noqonayaan sidii 1960 markii gobolada waqooyi koonfur shuruud iyo heshiis la'aan ugu raaceen, gadaalna looga shalayn doono.
  1. In wadahadal kasta loogu horeysiiyo Raaligelinta iyo meel saarista Xasuuqii Kalshaale iyo cidii ka dambeysay oo maxkamad la soo taago.
  1. In Haddii Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi ay Somaliland u adeegaan oo ay Hargeysa iska xaadiriyaan aanay waxba ka duwanaan doonin SALEEBAAN XAGLOTOOSIYE, waxayna ku biirayaan horgalada, marnabana Dhulbahante laga waayi maayo 10 qof oo xafiisyada beesha caalamka waraaqaha la wareega.
  1. In Dadkii Isdiiwaangeliyey ay dib uga fiirsadaan inay qaadacaan codeynta doorashada Somaliland, bayaan ay ku cadyihiin sababahana ay u gudbiyaan Beesha Caalamka, haddii inta ka horaysa aan la gaadhin heshiis ku fadhiya SAAMI-QAYBSI dhamaystiran iyo samaysiga dastuur u danaynaya oo siinaya (Legal Protection).

Ugu dambeyntii waxaa jira xubno dhaqaale doona oo Hargeysa xidhiidh la leh, kuwaas oo had iyo jeer ka hadla horumar iyo dhaqaale, Somaliland 25 sano wax horumar ah oo la taaban karo oo ay gaartay ma jirto, Hargeysa iyo Laascaanood waa isku mid, midkoodna wershado iyo ilo dhaqaale oo kale kuma soo kordhin, baahiduna isku si bay uga jirtaa, waxaa dhaxalgalka ahi waa heshiis caruurta anfaca.W/Q: Maxamed OWAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Ethiopia: Beesha caalamka waxa ay ka mid tahay...

$
0
0

Addis-Abaa (Caasimada Online) - Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) ee xarunteedu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay ka mid tahay qabaa'ilada Soomaaliya.
Hay'adda CDRC ayaa waxa ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaana guddigeeda agaasinka ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin.
Beesha caalamka waxa ay siyaasadda Soomaaliya ugu biirtay sida qabiil dibedda ka yimid oo kale, waxayna ku howlan tahay inay Soomaaliya ka abuurto xal ay dib ugu usoo celineyso muuqaalkii Soomaaliya, ayey tiri warbixinta.
Hase yeeshee, ayey warbixinta ku dartay, waa in dadka Soomaalida ah loo daaya inay ayaga xalkooda abuurtan sida ugu habboon.
Warbixinta ayaa ku eedeysay beesha caalamka inay mar walba cambaareyso dowladda Soomaaliya iyo nidaamka qabiilka ku dhisan ee wax lagu qeybsado ayada oo ula dhaqmeysa xaaladda Soomaaliya mid caadi, balse xaqiiqda ay tahay in xaaladda Soomaaliya ay caadi ka baxsan tahay.
Beesha caalamka waxa ay ku mashquulsan tahay wixii Soomaaliya ka dhici lahaa, ayada oo aanay u muuqan waxa iminka socda iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa sida ay horey ugu dhaqaaqi lahayd, sida lagu sheegay warbixinta CDRC.Warbixinta oo dhameystiran kuna qoran English halkan ka akhrisoCaasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Abaaro weli ka taagan deegaanada Soomaalida

$
0
0

Waxaa weli ka taagan qeyba badan oo ka mid ah Geeska Afrika abaar ba'an oo saameysay dad iyo duunyaba.

Madaxweynihii hore ee Gambia oo xilka ka degaya

$
0
0

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia, Yaxye Jammeh, ayaa ku dhawaaqay inuu xilka isaga dagayo.

XOG DHAB AH:-Maxaad ka ogtahay Dhibaatada ay Qabaan...

$
0
0

Ciidanka Ilaalada ee Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la soo warinayaa in iyaga iyo qoysaskooduba ay ku nool yihiin xaalad adag middii ugu adkeyd, tiiyoo aanay waxba ka qaban Villa Somalia.
Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada ee Villa Somalia, ayaa xog badan ka bixiyay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin askarta, iyadoona uu askarigan muujiyay in nacfiga ay u baahan yihiin ka helin Villa Somalia.
Isagoo qariyay magaciisa, kana waramaya dhibaatada haysata, ayaa wuxuu yiri aEUoeInta aan joogno Madaxtooyada waxaan ku jirnaa heegan. Madaxtooyada wax nacfi ahna kuma haysano, marka laga soo taggo in garaam saddex waqti ah, aan ku leenahay.aEU
aEUoeMaalinta aan ka tagno shaqada, dibna ugu laabano guryaheena waxaan ugu taagnaa cuno iyo biyo laaEU(tm)aan, subaxda aan ka soo foof tageynana waxaan ka soo baxnaa anagoo koob shaah xitaa ka cabin.aEU
aEUoeInta aan wadada ku sii jirno waxaan dareenaa xaalad halis ah, gaari kasta oo wadada maraayana buufis baan ka qabnaa, intaas waxaan is leenahay nabad maku gaari doontaan Madaxtooyada, marka aan ka soo baxeynana waxaan isweydiinaa inaan nabad guryaheena ku taggi doono iyo in kale.aEU
aEUoeMarka aan fasaxa ka soo laabaneyno si dhumaaleysi ah ayaan ku imaanaa Madaxtooyada, marka aan fasaxa galeynana si qarsoodi ah, oo cidina aysan na ogayn ayaan uga baxnaa.aEU
aEUoeDhibaatada aan qabno waxaa intaas dheer joogto uma qaadano mushaaraadka ciidamada la siiyo, waxaad maqleysaa dhawr bilood oo xiriir ah in ciidamada ay bilaa mushaar yihiin.
aEUoeBadanaa nolosheena, gaar ahaan waxbarashada carruurta waxaan ku dabarnaa shaxaadka aan ka helno asxaabteena. Waadna dareemi kartaa inaanan la jeclayn qof maalin kasta shaxaad la soo taagan.aEU
Dhanka kale baahida daran ee ay qabaan Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Villa Somalia ay dhaqaalo xoog lihi u adeegsaneyso doorashooyinka dalka.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa Arbacadii sheegay in muddo sideed bilood ihi aanay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh bixin mushaaraadkii Ciidamada Qalabka Sida.
Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweyne Xasan ku eedeeyay in afartii sano ee la soo dhaafay isaga iyo xertiisuba ay xaalad adag u horseedeen dadka Somaliyeed, ayna isu koobeen hantidii qaranka uu lahaa.

DAAWO Qosolka: Salaad Cali Jelle oo fasiraad la yaab...

$
0
0

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa si la yaab leh uga hadlay Doorashada Soomaaliya ee dib u dhacday iyo Qabyada uu sheegay inuu Dhamaystiri Doono madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.HALKAN KA DAAWOA MUUQAALKA
aEUoeQABYADA uu sheegay Madaxwayne Xasan markaanu u fariisanay Waxaa noosoo Baxday inuu leeyahay aEU Hantidii Qaranka Anigoo oo aan dhamaysan ayaa Waqtigu iga dhamaaday, ee waxaan Rabaa inaan iibsado Dhulkii Dawlada iyo Hantidii ma guurtada ahayd, oo Wakhtigii ayaa iga dhacay anigoon dhamaysan ee iigu sii daraaEU Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.
Ugu danbayntii Wuxuu alle uga Baryey inuu Bulshada Soomaaliyeed ka dulqaado Abaaraha, Una Shubo Raxmaadkiisa.

Haliska ku hoos duugan saldhiga Imaaraatka ee...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saaray halista kooxda Xuutiyiinta ay ku yeelan karaan Soomaaliya.
Culimada ku nool deegaanada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay halis uga imaan karto saldhiga meletari ee Imaaraatka Carabta doonayo inuu ka furmo magaalada Berbera.
Aadan Seeraar oo kamid ah culumada Somaliland ayaa sheegay in saldhigaasi uu halis ku yahay xasiloonida iyo nada Somaliland.
Wuxuu sheegay in qorshaha uu yahay in lagu wiiqo awooda iyo isku xirnaanshaha Shacabka Somaliland.
Wuxuu sheegay in saldhigaasi haddii laga dhisaa Berbera in Somaliland ay yeelan doonto cadow aysan hadda laheyn, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Aadan Seeraar, ayaa soo jeediyay in Somaliland aysan fara gashan colaadaha caalamka ka jira, taasi oo sababi doonto in Xuutiyiinta iyaga oo marmarsiiyo sameysanaya inay Yemen kaga soo gudbaan Somaliland.
Somaliland ayaa dhowaan heshiis la gashay Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku saabsanaa in Imaaraadka carabta uu xarun Ciidan ka sameysto Magaalada Berbera, oo uu ka taliyo Maamulkaasi.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo maanta lagu...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare ay Xildhibaanada Aqalkaasi ka horjeediyaan Khudbadaha waxqabadkooda.
Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada ka dalban doona kalsoonida, iyadoo Musharax waliba uu Xildhibaanada ka hor cadeyn doono waxa uu qabandoono haddii la doorto.
Ilaa 16 murashax ayaa isu soo taagtey xilka guddoonka aqalka sare, labo murashax waxaa ay ku tartamayaan xilka guddoomiyaha aqalka sare, halka min 7 musharax ay ku tartamayaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.
Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah kuna beegan 21 la dhageysan doono Khudbadaha, halka 22 oo ku beegan maalinta Axada ay dhici doonto Doorashada Guddoonka.

Akhriso: Sharuudaha laga doonayo musharixiinta...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Maanta xarunta golaha aqalka sare ee KM Zero ka bilaabanaya doorashada guddoonka aqalka sare, lix iyo toban(16) ayaa ku tartamaya.
Guddoomiyaha waxaa u tartamaya labo xubnood halka xilka guddoomiye ku-xigeenka ay u taagan yihiin mid 7 xubnood, waxaana la filayaa isla maanta in la soo gabagabeeyo doorashada haddii aan wareegyada badan.
Guddoomiyaha iyo ku xigeennada rasmiga ah waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo codeyn qarsoodi ah.
Murashax kasta oo u tartamaya xilka xafiiska guddoomiyaha ama ku xigeennada waa in uu ka tirsan yahay golaha uu guddoonkiisa u tartamayo.
Murashax walba waa in uu soo gudbiyaa Arji qoraal ah oo ay ku lifaaqan yihiin 2 sawir iyo CV.
Murashax walba oo u tartamaya guddoomiyenimada labada aqal midkood waa in uu bixiyaa US$ 15,000/- Ku Xigeennada US% 10,000 curraar ah oo aan dib loo celineyn, laguna shubayo xisaabta socota ee baarlamaanka ku leeyahay bangiga dhexe.
Murashax walba oo u tartamaya jagooyinka guddoonka aqalka walba waa in murashaxnimadiisa fadhiga guud ee aqal walba u gaar ah uu u soo jeediyaa uga yaraan hal Xildhibaan ama ka badan oo ka tirsan aqalkiisa kuna taageeraa hal xildhibaan ama ka badan oo isla aqalakiisa ah.
Murashax kasta waa in uu arjiga ku cadeeyaa jagada uu u tartamayo(Guddoomiye ama guddoomiye ku xigeenka 1aad ama 2aad).
Xildhibaan kasta waxaa uu warqadda codbixinta ku ridayaa warqad shafaafi ah, wixii dhexdeeda ku jira muuqdaan, daboolka sarena ku leh jeexniin furan, oo inta codeynta la bilaabin ka horna la hubinayo in uu faaruq yahay.
Si waafaqsan qodobka 65(4) ee dastuurka, wareega koobaad waxaa jagada guddoomiyaha golaha shacabka ama guddoomiyaha aqalka sare ku guuleysanaya murashaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda(50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha. Haddii murashax uu heli waaya aqlabiyadaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga labaad.
Haddii wareegga koobaad kadib ay murashaxiin isu tanaasulaan ama iskood tartanka uga baxaan, oo labo murashax isku soo haraan, waxaa toos loogu gudbayaa wareegga 3aad, oo murashaxii hela codadka ugu badan ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada golaha.
Doorashada wareegga 2aad, waxaa u gudbaya oo keliya 4-ta musharax oo wareegga 1aad helay cododka ugu badan, haddii uu muarshaxiinta helaan codod isla eg, iyaga waxaa ay xaq u leeyihiin in ay u gudbaan wareegga 2aad, murashaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda boqolkiiba konton iyo hal(50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada. Haddii murashaxna midkood helin aqlabiyadaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga 3aad.
Doorashada wareegga 3aad, waxaa ku tartamaya labada musharax ee wareegga labaad helay cododka ugu badan, haddiise uu jiro musharax 3aad oo helay codad barbardhac ah wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qeybgalo una gudbo tartanka doorashada wareegga 3aad. Wareegga 3aad waxaa guddoomiyenimada ku guuleysanaya mushaxii hela cododadka ugu tirada badan.
Murkii codadka la soo gabogabeeyo, shir guddoonka KMG ah waxaa uu furayaa sanduuqa, codadka ayaa la tirinayaa, shir guddoonka KMG ahbaa ku dhawaaqaya musharaxa ku guuleysta jagada guddoomiyaha ama ku xigeennada golaha.
Guddoomiyaha golaha inta uusan xilka la wareegin waa in uu istiqaalooda xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, waxaana laga doonayaa in uu fulinta howlaha xafiiska guddoonka iyo ku xigeennadiisa ay ahaadaan mid dhab ahaan si adag ugu dhehaan dhexdhexaadnimo.
Doorashada ku xigeenada guddoomiyaha waxaa la raacayaa isla nidaamka iyo habraaca kor ku xusan ee lagu doorto guddoomiyaha golaha.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Maxaa kusoo kordhay kiiska Kufsigii Soomaalida...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraaf ah ayaa kasoo baxay kiiska kufsigii laab lakaca ku riday Soomaalida ee ka dhacay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.
Wararka aan ka heleyno degmadaasi ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee degmada ay is hor istaag ku sameeyeen in wiilashii falka geystay maxkamadeyntooda loo wareejiyaa maxkamada gobolka Mudug.
Odayaasha ayaa sheegay in maxkamadeynta wiilashada dhalinyarada ay ka dhaceyso magaalada falka ay ka geysteen balse aan loo qaadi doonin maxkamada gobolka Mudug.
Masuuliyiin ka tirsan waaxda Garsoorka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay wali ku dhagan yihiin kiiska wiilashada dhalinyarada ah.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhalinyarada marka hore lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Gaalkacyo balse dib loogu celiyay degmada Goldogob.
Waa kiis dad badan oo Soomaaliyeed ay aad ugu hadal hayeen baraha bulshada todobaadkii lasoo dhaafay.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Madaxweynaha Hirshabeelle “Gacanta ayaa lagu soo...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble,Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre iyo labadiisa ku xigeen, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, iyo Guud ahaan Shacbiga Hirshabeelle,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyaha qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle dhexe [...]

Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.

Dableey Gaari Rakaab ay saarnaayeen ka Afduubtay...

$
0
0

Afgooye ( Sh.M.Network)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaaa ku soo warramaya in Kooxo Dableey Hubeysan ah Gaari Rakaab ah oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Magaalada Kismaayo ay ka afduubteen duleedka Degmada Afgooye.
Dableydaasi ayaa la sheegay in Jir dil xoogan ay kula kaceen Rakaabka la socday Gaarigaasi ay Afduubteen.
Waxana Gaarigaasi ay ka qafaasheen deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale Rakaabka ayaa la sheegay in Lacago ay sahay ahaan u siteen ay ka qaateen Dableydaasi Hubeysan.
Maaha markii ugu horreysay oo Gaari Rakaab ay la socdeen ay Kooxo Burcad ah wadada u galaan islamarkaana Rakaabka la socda ay dhibaatooyin kala duwan kula dhaqaaqaan.

RW Ku-Xigeenka dalka oo warbixin ka dhageystay...

$
0
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa warbixin ku saabsan wax-qabadka Guddiga Abaaraha ee heer Qaran ka dhageystay xubnaha guddiga. Mudane Carteh oo ah gudoomiyaha guddiga ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga sida ay uga shaqeynayaan u gar-gaarida dadka dhibaatyesan. "Dadaalka aad wadaan ee ah in aan u gargaarno dadka abaaruhu saameeyeen waa mid tariikhda Soomaaliya geli doono, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee lacagaha idin soo gaarsiyay waxa ay noqon doonaan kuwo Alle uu unaxriisto islamarkaana lagu xasuusan doono deeqsinimo iyo Allah ka cabsi". Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa cod dheer baaq ugu diray dhammaan dadka Soomaaliyeed si ay gacan uga geystaan gar-gaargan. "Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaadhin gaajo u dhiman doona; Waxa aan isugu yeeri doonaa Golaha Wasiirada si ay go'aamada loo baahan yahay u gaadhaan doorkoodana ka qaataan hawlaha gargaarka ah". Ugu damabeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa guddiga kula dar-daarmay in ay sii laba laabaan dedalkooda si loo badbaadiyo dadka abaartu saameysay. ---DHAMAAD---


Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha...

$
0
0

Garoowe ( Sh. M. Network)-Ciidamada Amaanaka Puntland ayaa Xabsiga u taxaabay Agaasimihii Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gobolka Bari ee Dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Axmed Dhegadheere.
Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Agaasimaha Waaxda Socdaalka Gobolka Bari Lagu Xiray Magaaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Ilo Wareedyo Ku Sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland oo la hadlay Shabelle ayaa Sheegay in Xariga Agaasiamaha salka uu ku hayo arrimo ku aadan Xafiis uu dhawaan uu ka soo furay degmada Buuhoodle islamarkaana Mas'uuliyiinta Puntland ay ku heystaan sababta uu u furay Xafiiskaasi ka shaqeenaya Howlaha Socdaal sida uu xaqiijiyey Cabdi Fitaax Cawil Gudoomiyha Degmada Buuhoodle ee Maamulka Khaatumo.
Gudoomiyha degmada Buuhoodle oo la sii hadalayey Shabelle ayaa Sheegay in Xeriga Agaasiamaha waaxda Socdaalaka iyo Jinsiyadaha uu ka danbeeyo Madaxweyne Ku Xigeenaka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cameey oo ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Khatumo isagooana Carabka ku dhuftay in Cabdixakiin Camey uu doonayo in uu hor istaago horumarka Deegaanada Maamulka Khaatumo.
Cabdifitaax Cawil ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland in cawaaqib xumo uu ka dhaxlay Xarigaasi islamarkaana uu ku ceeboobay Xaragaasi isagoona Baaq u diray Madaxda Dowlada Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sii deenta Agaasiamaha ku xiran Magaalada a Garoowe.
Dhawaan ayey aheyd markii Cabdulaahi Dhegadheere uu Xafiis Qabanaya Howlaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha uu ka hirgeliyay Magaalada Buuhoodle taasi oo keentay in Lagu Xiro Magaalada Garoowe.

Faah Faahin: Dabkii xalay ka kacay Suuq Boocle ee...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xalay ayaa waxaa Dab Xoogan uu ka kacay Suuq Boocle oo ku yaalla degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.
Ganacsade ka tirsan dadka ka howlgalayay Suuqa gubtay oo Shabelle u warramay ayaa sheegay in dabkaasi uu socday muddo 7 Saacadood oo Xiriir ah.
Waxaana uu xaqiijiyay in saameyn ba'an uu ku yeeshay Dabkaasi ku dhawaad 100 Dukaan oo ku yaalla Suuq Boocle ee degmada Dharkeynleey.
Dhinaciisa Guddoomiyaha Maamulka Degmada Dharkeynleey Cabdifitaax Nuur Cali oo Shabelle u warramay ayaa sheegay in ay ka Maamul ahaan ay u Mahad Celinayaan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka gacansiiyay Daminta Dabkaasi iyagoo isticmaalayay Gawaarida Dab Damiska sida uu yiri Guddoomiyaha Degmada Dharkeynleey Cabdifitaax Nuur Cali.
Dabkii xalay ka kacay Suuq Boocle ee Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa Tiro Suuqyo Dab uu siyaabo kala duwan uga kacay Saacadihii la soo dhaafay, kuwaas oo sababay khasaarooyin u badnaa Bur bur hantiyadeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Dilka...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble,Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre iyo labadiisa ku xigeen, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, iyo Guud ahaan Shacbiga Hirshabeelle,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyaha qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye oo Caawa ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen . Madaxweynaha Dawladda Hirshabeelle Mudane Cosoble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabeelle iyo ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum Khaliif Carfaaye oo kooxda Nabad diidka ay ku tureen Bam gacmeed Xarunta Taliska Qeybta ee Magaalada Jowhar, isagoo u rajeeyay intii wax ku noqotay in ilaah caafimaad deg deg ah uu siiyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda iyo shacabka Hirshabeelle islamarkaana u hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Mas'uuliyiinta Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan laamaha amniga ee Hirshabeelle ay gacan bir ah kusoo qaban doonaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo gaystay alle ha [...]

Daawo Sawirada:Safiirka Soomaaliya u fadhiya...

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), ayaa hoygiisa safaaradda casho sharaf ugu sameeyaan wafdi ka socda wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya. Wafdigan uu hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdirisaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), ayna ka mid ahaayeen Agaasimaha Raadiyo Muqdisho, Axmed Faarax Gaatamoow, La taliyaha sare ee Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) iyo Caasho Yuusuf Muuse (Caasho Domain), oo ah Wakiilka SNTV ee dalka Djibouti. Safiirka, ayaa mas'uuliyiinta u soo jeediyay tallooyin la xiriira horumarinta iyo tayaynta warbaahinta dowladda Soomaaliya. Wafdiga uu hogaaminayay Agaasimaha Guud, Cabdirisaaq Bahlaawi ayaa u mahadceliyay safiirka casho sharafta uu u sameeyay wafdigiisa, isla markaan cadeeyay in tallooyinkiisa wax ku oolka la fulin doono hadii allaha awoodda leh uu ogolaado. Wuxuu kaloo Agaasimuhu ka warbixiyay ujeedka booqashadooda Djibouti iyo iskaashiga ay la samaysanayso Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Djibouti iyo sidii loo sii dayn lahaa Weriye Soomaaliyeed Rooble Maxamed Dirir, oo ka shaqaynayay idaacadda Galmudug oo muddo sideed bilood ah ku xirnaa Djibouti. Safiirka ayaa ka mahadceliyay booqashada iyo sida wafdiga agaasimuhu hogaaminayo u aqbalay soo jeedintiisa tayaynta telefishinka qaranka Soomaaliya.

Xog: Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara la qaatay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay in ololihiisa uu u weeciyo kicinta shacabka, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.
Michael Keating, ayaa Sheekh Shariif xasuusiyay in dalka Somalia uu ku jiro xili kala guur ah, waxa uuna ugu baaqay in ololihiisa uusan ku marin habaabin Shacabka u caaboon helida dowlad Caadil ah.
Sheekh Shariif ayaa dhowaan eedeymo u muuqda aflagaado ku weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, ayada dadka qaarna ay ka cabsi qabaan inuu qabyaaladeeyo ololaha doorashada.
Michael Keating, waxa uu Sheekh Shariif tusaale ugu soo qaatay Labadii Wareysi ee ugu danbeeyay kuwaa oo uu la wadaagay Saxaafada, waxa uuna tilmaamay in eedeymaha qaar ee uu jeediyey aysan lahayn meel loo raaco.
Keating, waxa uu Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday inuu yareeyo hadalada kicinkara Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna taa bedelkeeda faray in ololihiisa ay noqdaan kuwo xiisad abuuri kara.
Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Shariifka ku adkeystay inuu sheegay wax sax ah, isaga oo ku celiyey in Xasan Sheekh uu sameeyey musuq maasuq.
Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale Mr Michael Keating ugu baaqay in Beesha Caalamka aysan raali ka noqon in dib u dhac lagu sameeyo Doorashada Somalia, gaar ahaan tan Madaxeynaha ee dhawaan la filaayo inay dhacdo.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live