Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ganacsadihii ka danbeeyay Mooshinka Guuleed oo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug ka socda diiwaan galinta Musharaxiinta loolanka ugu jira Doorashada halkaasi laga iclaamiyay.
Musharaxiinta xilka isku soo taagay ee doonaayay inay bedelaan C/kariin Guuleed, ayaa waxaa la sheegay inuu kamid yahay Ganacsade ex Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf oo kamid ah Siyaaiinta Soomaaliyeed.
Xaaf oo noqday Musharaxii ugu horeeyay ee damca Kursiga C/kariin Guuleed, ayaa sheegay in xiligaani uusan jirin Hogaamiye rasmi ah oo ka arimiya deegaanada Galmudug.
Xaaf waxa uu sheegay in Guuleed uusan mudneyn inuu sii joogo deegaanada maamulka, waxa uuna tilmaamay inuu yahay musharax u'taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.
Damaca Axmed Ducaale Geele xaaf ayaa imaanaya xili xildhibaano kusugan magalada Cadaado ay horey u'sheegeen in ay xilka ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed inkastow C/karin Guuleed uu arin kaas sikulul kaga horyimid.
Geesta kale, Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa la sheegay inuu yahay Ganacsadaha dhaqaalaha badan ku bixiyay Mooshinka laga keenay C/kariin Guuleed, kadib markii uu hor istaagay Rajadii uu Xaaf ka qabay in mar kale uu kamid noqdo BFS.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Kenya oo Al-shabaab ka qabsatay Hub & Gaadiid Dagaal

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Hub farabadan ay ka qabsatay Kooxda Al-shabaab kadib weerarkii cuslaa ee ka dhacay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku qabsatay Hub kala ceyn ah sida AK47, Rasaas, Bambooyin, Agabka Ciidanka iyo Gaadiid ay isticmaali jireen Kooxda.
Dowlada Kenya waxa ay sheegtay in Hubka ay qabsatay lagu weerari jiray Xarumaha maamulka waxa ayna tilmaantay in Hubkaasi ay kusoo furteen cudud Militery.
Col. Paul Njuguna oo ah Afhayeenka Ciidanka Kenya ayaa sheegay in hubkan ay ka heleen meel wadda dhinaceeda ah.
Col. Paul Njuguna, waxa uu sheegay in Kenya ay kusii siqi doonto goobaha ay heystaan Al-shabaab, isla markaana ay duulaan ku yihiin deegaano kale oo dhowr ah.
Dhinaca kale, Col. Paul Njuguna ayaa maamulka Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garooban duulaan kale.Caasimada OnlineXafiiska NairobiCaasimada@live.com

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qorshaha Israa'iil ee deegaamaynta Daanta Galbeed

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay qorshaha ay Israa'iil guryo dheeri ah uga dhisayso dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Maraykanka oo Ogolaaday Heshiis Dowladda Kenya ay ku...

$
0
0

Washington ( Sh. M. Network)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa ogolaatay heshiis Dowladda Kenya ay ku iibsaneyso Diyaarado Dagaal, si loogu adeegsado howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.
Heshiiskaan ayaa waxuu ku kacayaa $418 Million, waxaana lagu tilmaamay helida Diyaaradahaasi kuwa kaalin muuqata ka qaadan doona Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.
Waxaana 19 bishan heshiiskaasi loo gudbiyay Baarlamaanka Dalkaasi Mareykanka, si ay u meelmariyaaan heshiiskaan cusub.
Kenya ayaa qeyb ka ah Dowladdaha Ciidamada ugu yaboohay Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan wada howlgalka AMISOM ee lagula dirirayo Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa weli la-tacaaleysa Weerarada qorsheysan ee Xarakada Al Shabaab ay inta badan ka fuliyaan qeybo ka mid ah Gobollada dhaca Dalkaasi.

Ciidamada Kenya oo sheegay in dagaalyahanno ka...

$
0
0

Nairobi ( Sh.M.Network)-Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo taageero ka helaya Mareykanka ay ka fuliyeen Magaalada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.
Col Paul Njuguna oo ah Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya ayaa waxuu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana islamarkaana ay ku Dileen ugu yaraan 7 ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.
Korneelka ayaa waxuu intaasi ku daray in sidoo kale Weerarkii Badhaadhe ay ku qabsadeen Hub iyo Waxyaabaha Qarxa, sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa.
Waxaa Korneel Paul Njuguna uu shaaciyay in ay kordhin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ku wajahan Degaanada dhaca Gobolada Jubbooyinka ee Dalka Soomaaliya.
Sikastaba, hadalka Saraakiisha Kenya ayaa waxuu imaanayaa xili gelinkii dambe ee Shalay ay Al Shabaab dib ugu laabteen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab oo dib u qabsaday degmadii Ciidamada...

$
0
0

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabaab dib u qabsadeen degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Dowladda iyo Kenya ay isaga baxeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Degmadaasi ayaa gacanta dowlada iyo ciidamada Kenya soo gashay maalintii shalay kadib markii dagaal xoogan uu ka dhacay degmadaasi.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa dagaal xoogan kala kulmay ciidamada isgarabsanaya ee kasoo dhaqaaqay degmada Badhaadhe, kaasi oo ka dhacay inta u dhaxeyso Kulbiyow iyo Badhaadhe.
Dagaalkaasi ayaa ka dambeeyay markii Al-shabaab wadada u galeen ciidamada kasoo baxay dhanka degmada Badhaadhe, waxaana uu sababay khasaaro xoogan oo labada dhinac kala gaaray.
Degmada Badhaadhe waxaa ku sugan ciidamada Al-shabaab, waxaana ka barakacay dadka deegaanka oo ku sugnaa degmada Badhaadhe.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Fariintii Gabadha Reer Suuriya u dirtay Donald Trump...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Gabar u dhalatay dalka Syria ayaa fariin u dirtay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.
Fariinta gabadha ayaa qiiro gelisay dad badan oo ku nool wadamada Reer Galbeed, waxayna qabsatay baraha Twiter-ka iyo facebook.
Warqaddii ay Bana Alabed u qortay madaxwayne Trump
Mudane Donald Trump,
Magacaygu waa Bana Alabed waxaana jiraa todobo sano waxaan ahay gabadh reer Suuriya ah oo Xalab ka timid.
Noloshayda oo dhan Suuriya ayaan ku noolaa ka hor inta aanan ka soo tagin bariga magaalada Xalab ee go'doonsan bishii Desembar. Waxaan ka mid ahay carruurta Suuriyaanka ah ee dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka Suuriya.
Laakiin hadda nabad ayaan ku haystaa gurigayga cusub ee Turkiga. Markaan Xalab joogay iskuul ayaan dhigan jiray laakiin durba waxaa burburiyay duqaynta.
Qaar ka mid ah saaxiibaday ayaana ku dhintay.
Aad ayaan uga walwal sanahay iyaga waxaana jeclaan lahaa in ay ila joogaan sababtoo hadda waan wada ciyaari lahayn. Xalab kuma ciyaari karin waayo waxay ahayd magaalo geeri.
Turkiga banaanka ayaan u bixi karaa oon ku soo raaxaysan karaa. Iskuul ayaan aadi karaa inkastoo aanan wali billaabin waxbarasho. Taasina waa sababta ay qofkaste muhiim ugu tahay nabaddu xataa adiga.
Si kastaba ha ahaatee malaayiin Suuriyaan ah ayaan aniga oo kale ahayn, waxayna dhibaato ku haysataa qaybaha kala duwan ee dalka Suuriya. Dhibaatadaasna waxaa ku haya dad qaangaar ah.
Waxaan ogahay in aad noqon doonto madaxwaynaha Maraykanka, sidaa awgeed fadlan ma badbaadin kartaa carruurta iyo dadka Suuriya? Waxaa waajib ah in aad wax u qabato carruurta Suuriya sababtoo ah waa carruurtaada oo kale waxayna mudan yihiin in ay nabad helaan sidaada oo kale.
Haddaad iga ballan qaado in aad wax u qabato carruurta Suuriya, markaas saaxibadaa ayaan ahay.
Way i farxadgalin doontaa wixii aad u qabato carruurta SuuriyaCaasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Qarax iyo rasaas laga maqlay magaalada Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay qarax iyo rasaas is xigay oo laga maqlay wadada Maka Al Mukarama.


War Deg Deg ah: Xabad ka Socoto Hoteel Dayax ee Muqdisho

$
0
0

Wararka ka imaanaya caasimadda dalka ayaa sheegayo in ay xabad ka socoto hoteel Dayax oo ku yaal degmada Waaberi.

Wixii ugu dambeeyey ee uu qabtay Obama oo noqotay...

$
0
0

Washington DC (Caasimada Online) - Shaqadii ugu dambeysey ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu qabtay saacadii ugu dambeysay ee madaxtinimadiisa ayaa waxaa ka mid ahaa inuu lacag boqolaal milyan oo dollar ah u ogolaaday Falastiiniyiinta.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Obama uu saacaddii ugu dambeysay meel isaga riixay mucaaradnimada xubnaha xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana uu fasaxay 221 milyan oo dollar oo loogu talo-galay maamulka Falastiiniyiinta, taasi oo ay xanibeen xubnaha xisbiha Jamhuuriga ee Aqalka Congress-ka.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo xubno ka mid ah congress-ka ayaa laga soo xigtay in maamulkii xilka ka tagey uu congress-ka ku war-geliyey in lacagtaas la bixinayo subaxnimadii Jimcaha, saacado ka hor inta aan la dhaarin Trump.
Sarkaalka ayaa sheegay in xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry uu sidoo kale xubno ka mid ah sharci dejinta ku war-geliyey arrintan waxyar un ka hor inta uusan ka tagin xarunta waasaradda arirmaha dibedda markii ugu dambeysay maalintii khamiista.
Waxaa sidoo kale lagu warramay in warqad ogeysiisn ah oo ku taariikheysan 20-ka January loo diray congress-ka saacado ka hor inta aan Trump loo dhaarin xilka madaxweynaha.
Lacagtan ayaa congress-ka wuxuu ku ansixiyey miisaaniyaddii sanadihii 2015 iyo 2016, hase yeeshee xubno ka tirsan aqalka wakiilada ayaa xanibay kadib markii maamulka Falastiiniyiinta ay raadiyeen inay xubno ka noqdaan ururada caalamiga ah.
Xannibadaaha congress-ka ayaa waxaa inta badan qadariya qeybta fulinta ee dowladda (Aqalka Cad), hase yeeshee ma ahan arrin sharci ah oo diida karta lacagta haddii horey loo qoondeeyey.
Lacagtan ayaa waxaa loogu talo-galay in wax looga qabto arrimaha bani aadannimada ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.Caasimada Online Xafiiska MinneapolisCaasimada@live.com

Gabre qofba si u arag: Qeybtii labaad ee meeqa Gen....

$
0
0

Qoraalkii (Anigu waa wareeraye meeqa Gen. Gabre ayaa jirta) sida aan u qoray qaybta), qeybta (A) waa hal abuur, laakin qaybta ( B) tix raac ayeey leedahay. Sawirada aan qaatay hore ayaa mediyaha loogu daabacay, ma ahan in dadka la sawiran ay wada yihiin Gabre saaxibadii, asaga ayaa meel kasta dalaq yiraa oo labadii meel taaganba la jooga, Ha u gafin dadka la sawiran adiga oo aan hubsan waxa isku keenay.
Tan kale in Gabre saaxiibo leeyahay waxaad ka arki kartaa commentiga waa qoraalkii ugu badnaa ee la igu aflagaadeeyo "taa xumaan uma arko". Waxaa jira kuwa badan oo Gabre isku si aan u wada aragno cadaw.
Dadka qaar ayaaba dhibsaday in magaciisa la soo qaado ayaga oo u arka in uu yahay nin aan qiima laheyn, laakin ogow Gabre waa nin weyn oo wadani ah haddii lagu fiiriyo indhaha Ethiopia, laakin indhaha Soomaalida qaar ay u arkaan nin dambiile ah oo dad badan agoonteeyay qaarna barakiciyay.
Dalka iyo dadku waa xur, mana aaminsana in ciddi gumeeysan karto, laakin maamulada jira madaxdooda ayaa wax si ka yihiin.
Waa run in aan dhowr jeer iskula dhacnay Ethiopia, Kenya iyo Somalia aniga oo jooga, weliba dad Somali ahi oo markaa nala joogay ay iiga hiiliyeen, qaarna igu cabsiiyeen waxa uu igu sameeyn karo meel kasta oo aan joogo. Taasi cabsi iguma heyso. Sanadkii hore laba jeer ayaa Ethiopia la iga marti qaaday, shir dhaqaalaha looga hadlayay mana aadin, haddana mar kale ayaa la igu casuumay, 5th Africa Business Forum - 01 March 2017, (Sheraton Hotel, Addis Ababa, Ethiopia).
Maanta oo taariikhdu tahay 25/01/2017 waxaa la iga sugayay Africa Business Forum B2B Investment Meeting - 25 Jan 2017, (Dubai World Trade Tower) oo la igu marti qaaday mana aadin, cabsina ugama baaqan midkoodna. Ma jecli in aan saaxibadeeyda facebook iyo nafteeydaba in aan been u sheego, ama aan amaano qof aan u arko cadaw qaran oo aan daba dhilifnimo aan wax ku raadsado. Fiiri sawirkan.
Soomaalidu dhaqan ahaan Tub iyo ceel ayaan leenahay ayeey ku faanaan baadiyaha , anna waa in aan ku faanaa Calan iyo Calaamad ayaan leeyahay aduunkuna igu yaqaan, hoose fiiri sawirka 2aad & 3aad.
Ha cabsan dadkana ha cabsiin, ma maqashay "malakul mood mudoow qabsoon, kumana mooga maandheheey"
FG. wixii aad iga sheegteena Aakhira iyo Aduunba waa kuu cafis. Aragtidaadana xor ayaad u tahay qoraalkanna waad dhaliili kartaa .W/Q: Prof. Yaxye Sheekh Caamir

26-kii Janaayo: Billowgii qaran jabka Soomaaliya ...

$
0
0

26-01-1991, shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxay u dabaal degayeen una sacaba tumayeen Jabhadii hubeysnaa ee talada dalka ka tuuray Xukuumadii Milateriga aheyd ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxayna shacabku caleemo qoyan ay ku soo dhoweeyeen maliishiyooyin beeleedyo ku mideysnaa Ururkii USC oo guud ahaan la wareegay caasimadii Muqdisho, inkastoo dadku maalintaasi aysan ka fikirin maxaa xiga doona ridistii Siyaad Bare!.
Burburkii iyo mas'uuliyada qaran jabka waagaasi bilowday, dad badan waxay aaminsan yihiin in Jabhadihii hubeysnaa ee bar bar socday kacdoonka shacab inay u sabab yihiin dhibaatadii dhacday, inkastoo qeyb ay ku leeyihiin burburka qarankii Soomaaliyeed hadana mas'uuliyada koowaad waxaa iska lahaa Taliskii Maxamed Siyaad oo shacabka Soomaaliyeed ku maamulay Caddaalad daro aan ka dhicin dunida kale iyo nin jecleysi.
Dowladdii Milateriga ee Jaalle Siyaad waxay laheyd samaan iyo xumaan inkastoo shacabka ay ku xasuusan doonaan raadkii uu abuuray taasoo ka dhigtay in Maxamed Siyaad uu noqdo hoggaamiyihii ugu waxqabadka badnaa ee Soomaaliya soo mara, hadana gacmahiisa ku burburiya.
Markii Soomaaliya ku fashilantay dagaalkii 77 waxaa bilowday kala daadsanaan sababtay in Xukuumaddii Jaalle Siyaad ku dhex milmaan rag xigto hoosaad la ahaa Madaxweynaha ilaa heer Wasiir min Agaasime ,Danjire, ilaa darajada ugu hooseysa , waxaana Dowladdii ay noqotay mid ku kooban hal qoys (Xigto iyo Xidid) oo ku amar ku taagleeya shacabka intiisa kale.
Caddaaladd darradii iyo eexdii uu abuuray Jaalle Siyaad waxay soo dedejisay in shacabku u adkeysan waayeen gabood falkii iyo xadgudubyadii ay geysan jireen shaqsiyaad ehel la ah Maxamed Siyaad Barre, taasoo dhalisay abaabul iyo kacdoon shacab oo ka bilowday gobolada dalka Soomaaliya.Kacdoonkii shacabka ee xiligaasi waxaa si hoose ugu faa'iideysanayey oo ku duulayey Siyaasiyiin magac ku leh dalka, kuwaasi oo 15-05-1990-kii ku dhawaaqay kooxdii la oran jiray Maanafeesto, waxayna ujeedadoodu aheyd in ay xilka kala wareegaan Madaxweynihii xiligaasi Maxamed Siyaad Berre, hase ahaatee baaq ay u soo jeediyeen xubnihii ku mideysnaa Maanafeesto oo ahaa in xilka uu wareejiyo Jaalle Siyaad wuu laaday, sidoo kale waxaa mudo shan bilood kadib koox uu hoggaaminayey Gen. Caydiid iyo Axmed Cumar Jees oo Dowladda Ethiopia ay soo abaabushay degmada Mustaxiil kaga dhawaaqeen urur u hanqal taagayey in xukunka laga tuuro Jaalle Siyaad.
30-12-1990-kii dagaalkii looga taqalusay Dowladii uu hoggaaminayey Jaalle Siyaad ayaa dhacay, waxayna ciidamadii qalabka siday ay awoodi waayeen in ay riixaan Jabhado aan aqoon milateri iyo xeelad dagaal midna heysan, waxayna afka dareen jabhadihi ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ku tashanayey oo isugu geeyay degmooyinka Shingaani, Xamar Weyne iyo Wardhiigley.Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad wuxuu aragyey in ujeedadu ay tahay xilka ka deg hana la dhiso dowlad caddaalada ku saleysan, bishii Janaayo 1991-kii bilowgeeda ayuu magacaabay guddigii Sulux oo ka koobnaa 75-xubnood si loo wada hadal siiyo Dowladda iyo Jabhadaha, waa xili xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, waxaana guddigaasi shirkoodii ugu horeeyay uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay kula shireen Ra'iisul Wasaarihii ugu danbeeyay ee bishii Janaayo 7-deeda u magacaabay Siyaad Barre, kaasoo ahaa Cumar Carte Qaalib, shirkii labaadna guddigii Sulux iyo Hoggaamiyeyaasha Jabhadaha ay ku yeesheen hotel Towfiiq xaruntii USC ay ka duulaan tegi jirtay, waxba kama soo bixin.26-kii Janaayo 1991-kii Maxamed Siyaad wuxuu isaga huleelay Kursigii mudada uu ku fadhiyay ee yiil Villa Somalia, xili habeen ah ayaa isaga iyo eheladiisii iyo wixii kale ee ku macangagay Madaxtooyada ay baxeen iyagoo ku socday Taangiyadii Qaranka lahaa, waxaana taladii Muqdisho ay u gacan gashay Jabhadihii hubeysnaa,halkaasina uu ka bilowday burburkii Qarankii Soomaaliyeed oo qeyb libaax leh uu ku lahaa Jaalle Siyaad.Maxaa xigay xukun ka tuuristii Jaalle Siyaad?
Isbeddelkii sidii la moodaayay uma sameysmin. Rajo xumo kale ayaa soo korortay. Guulihii ay xaqiijiyeen Jabhadihii riday awooddii kaligii talisnimada ayaa foodda isla galeen. Ma jirin barnaamij qeexan ee la isla qaatay, kaasoo ah maxaa la sameeyaa Siyaad Barre kadib.
Kooxo ganacsato ah iyo dulaaleey ayaa Xamar kaga dhawaaqday Dowlad iyaga kaliya ka kooban. Kooxdaan Sheegatay inay xukunka la wareegeen ayaa ku dooday inay arrintaas u sameeyeen oo kaliya, ay tahay, "qarashkii kaga baxay kacdoonkii dadweynaha inay ku beddesheen awoodihii qaranka". Laakin koox kale ee isla USC ah ayaa arrintaas ku gacan seertay. Waxaa bilaabmay dagaal hore leh, si weynna loogu hoobtay, burbur iyo kala qax aan horay loo arag ayaa lala kulmay.
Dhanka kalena, Gobaladii Waqooye (Jabhaddii SNM) ayaa iyagana, iyagoo isu arkaaya inaan lala tashan, waxay ka caroodeen wixii Xamar ka dhacay. Maajo 18, 1991 ayay ku dhawaaqeen inay ka go'een, kana baxeen midowgii Somalia, waxay ku dhawaaqeen waxa lagu magacaabay Jamhuuriyadda gooni isu taagga ah ee Soomali Land. Siddeed Sanno ka dibna, SSDF oo beri hore Siyaad Barre Qabri dhigay ayaa iyagoo reer aaqiraad ah ka hinaasay Soomaalileyntii wixii ay sameeyeen. Waxay iyagana Garowe ka sameeyay maamul beeleed xag jir ah.
Dalka ilaa hadda wuxuu ka dambeeyaa inuu ka jiro hardan qabiileed siyaasadeysan oo si fool xun u wiiqay karaamadii Madaxbannaanida iyo Midnimadii Qaranka , Firqooyin diini ah iyo Argagixiso xag jir ah oo aad u naxariis darran, Nidaamka awood beel wax ku qaybsiga ee 4.5, Dastuur qabyo qoraal ah oo la dagay masiirkii iyo himilooyinkii ummadeed iyo maamulo xag jir qabiileed, qaarkoodna isu mahadiyay inayba ka awood weyn yihiin midda dowladda Dhexe oo adduunku u aqoonsan yahay inay tahay dowlad kaliya ee sharciga ah, matashaana dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed, lehna xuquuq aasaasi ah iyo qiyam la siman midda duwalka adduunka.
Ilaa hadda muddo rubuc qarni ku siman, redistii heeryadii kalagii talisnimada kadib, ma muuqdaan natiijooyin wax ku ool ah, una adeegaaya in la helo nidaam dowladeed dhammeys tira ah. Waxaa kala dhantaalan siyaasadihii dowladda iyo danihii amaankii Qaranka oo ay ku hor gudban tahay ixtikaar baaxad leh oo ay sameyesteen shisheeyaha danaha kala duwan dalka ka leh, gaar ahaan kuwa dariska ah oo faragelin qaawan ee joogta ah la soo taagan.
Ilaa hadda arrimahaas waxay u dhacaayaan, Soomaaliyana la il darran tahay waxaa waaye wixii ka yimid natiijooyinkii caddaalad darrada iyo qaabkii kale colaadaha ku dhisnaa, uu dalkana ku maamaamulaayay kaligii taliyihii arxanka darnaa ee Siyaad Barre.Qore: Ali Muhiyaddiin Ali facebook.com/sheekha2Muxiyaddiin@hotmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Xog cusub: Yaa loola dan lahaa weerarkii hotel Dayax...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerarkii iyo labadii qarax ee shalay lagu qaaday hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof oo shacab u badan.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in weerarka loola dan lahaa wasiiro, xildhibaano iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, oo hotelka degenaa, shir muhiim ahna ku lahaa shalay.
Waxaan sidoo kale ogaanay in maalin ka hor maamulka hotel-ka ay ka war-haleen in weerar kusoo fool lee yahay una diyaar garoobeen, hase yeeshee ay awoodi waayeen inay horjoogsadaan awoodda kooxda Al-Shabaab.
Qorshaha Al-Shabaab ayaa ahaa inay dilaan inta ay awoodaan oo ah mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed, balse waxay u suurta gashay inay dilaan dhowr nabadoon, qaar kalena dhaawacaan
Nabadoonada Qaraxyada ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ah Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan Keeroow iyo Malaaq Cabdi Rashiid Sheekh Cabdi Salaan.
Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3 Malaaqyo lagu kala magacaabo Malaaq Xasan Buule, Malaaq Yuusuf Cabdiyow iyo Malaaq Shariif Muxyadiin oo kasoo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed.
Saddex wasiir oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku sugnaa hotel-ka kuwaasi oo dhammaantood ka badbaaday weerarka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaanahan waxaa dagaallo khasaare badan gaarsiiyey ku haystay gobollada Bay iyo Bakool, waxayna doonayeen inay si aad u culus uga arrgutaan mas'uuliyiinta deegaanadaas.Caasimada Online Xafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Warbixin: Gefkii Axmed Cawad iyo beentii uu u...

$
0
0

Washington DC (Caasimada Online) - Magaalada Muqdisho waxaa shalay laga dejiyey 90 qof oo Soomaali ah oo laga soo masaafuriyey dalka Mareykanka, kadib markii loo diiday inay magan galyo ka helaan dalkaas.
Wax dhib ah kuma sugna in qof lagu celiyo dalkiisa hooyo, hase yeeshee waxaan dooneynaa inaan halkan ku sharaxno qaabka dadkaas lagu celiyey iyo gefkii uu ka galay safiirka Soomaaliya ee magaalada Washington DC iyo beentii uu sheegay markii uu wareysi siiyey idaacadda Mareykanka ee VOA.
Axmed Ciise Cawad ayaa saddex been oo aad u weyn ku sheegay wareysiga, kuwaas oo kala ah 1- In Mareykanka aaminsan yahay in Soomaaliya tahay meel nabad ah oo lagu noqon karo. 2 - in Safaaraddu aysan shaqo ku lahayn celinta dadkaas, iyo 3 - In dadkaas ayaga ay ogolaadeen in la celiyo. Waxaan soo bandhigeynaa caddeymo naqdinaya saddexdaas arrinHalkan ka dhageyso beenta Axmed Cawad
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2017/01/40e82cff-8cdc-4302-a29d-0a4c674c266b_hq.mp3
Mareykanku ma aaminsana in Soomaaliya tahay meel nabad ah oo lagu noqon karo, waxaana ayaan darro ah in been intaas la eg uu Axmed Cawad u sheego bulshada Soomaaliyeed. Waxaa caddeyn ku filan go'aan 17-kii bishan u kasoo baxay xoghayahii amniga gudaha (Homeland Security) Mareykanka ee dowladdii Obama, Jeh Johnson.
Go'aankas ayaa waxaa lagu dheereeyey waqtiga barnaamijka TPS (Temporary Protected Status), oo dadka Soomaalida ah u ogolaanaya inay dalka Mareykanka sii joogaan illaa bisha September ee sanadkan, halka markii horey uu ku ekaa bisha March ee sanadkan. TPS ayaa waxaa la siiyaa dadka aan dalalkooda ka jirin nabad ee aan dib u noqon karin, wuxuuna u ogolaanayaa inay ka shaqeystaan Mareykanka.Go'aanka Mareykanka ee soo baxay 17-kii bishan halkan ka akhriso ama eeg sawir aan kasoo qaadnay website-ka waaxda Homeland Security.
Axmed Cawad ayaa been labaad oo aad u weyn sheegay oo ah in dadka la celiyey ay ogolaadeen ayaga. Wareysiyo badan oo dadkaas horey looga qaaday waxay ku caddeeyeen inaysan marnaba ogolaan in Soomaaliya lagu celiyo, arrintanna ay ka dambeyso safaaradda. Halkan ka dhageyso mid ka mid ah wareysiyada dadka la masaafuriyey oo burinaya been 2 iyo been 3, ee uu sheegay Axmed Cawad
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2017/01/Soomaalida-Florida-Kuxiran-.mp3
Waxaa sidoo kale la yaab lahaa in dad dhowr qof un ahaa oo horey Mareykanka loogu xiray uu u magac huwiyo dadka soo galootiga ah, isaga oo wareysiga ku sheegay in dad badan oo dadkan ka mid ah ay yihiin dambiilayaal.
Axmed Cawad ayaa dhinaca kale sheegay in safaaradda Soomaaliya aysan arrintan shaqo ku lahayn, haddana wuxuu afkiisa ku qirtay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay tahay meel nabad ah. Waxaa yaab leh in marka uu sidaas leeyahay saacado yar un ka hor magaalada Muqdisho ee dadkaas lagu celiyey ay ka dhaceen laba qarax oo 30 qof ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen 51 kale.Caasimada Online waxay ogtahay in dadkan lagu celiyey saxiixa safiirka Soomaaliya, isaga oo xaqiijiyey in Soomaaliya ay nabad tahay. Dowladda Mareykanka marnaba ma celin lahayn dadkaas, waayo waxaa qabanaya xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga, hase yeeshee maadaama dowladda Soomaaliya xaqiijisay in dalku nabad yahay, waa ay ka maran tahay wax eed ah.
Dad dalkoodii lagu celiyey ceeb maaha, waana meel uga wanaagsan xabsiga ay ku jireen. Hase yeeshee waxaa ayaan darro ah mas'uul been cad u sheegaya umadda, haddana aysan la ahayn in laga daba-tagayo, sida ay iminka uga daba tagtay Caasimada OnlineCaasimada Online Xafiiska Minneapoliscaasimada@live.com

Muxuu Trump ka sameyndoonaa arrinta Afghanistan?

$
0
0

Mareykanka muu joojindoonaa dagaalkii ugu dheeraa ee uu galo?


Taksiilaha daacada ah ee celiyay wixii gaarigiisa lagu illaabay oo abaalmarin helay

$
0
0

Reggie Cabututan daacadnimadiisa waxay u noqotay inuu ku guuleysto abaalmarin ah inuu Australia ka shaqeysto, waxna ka barto

Trump oo sheegay in uu taageersanyahay jirdilka

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu aaminsan yahay jirdilka.

Masar oo u gudubtay wareegga sideeda kooxood ee tartanka Afcon 2017

$
0
0

Xulka qaranka ee Masar ayaa gaaray wareegga sideedda kooxood ee tartanka qaramada Afrika, sidoo kale Ghana ayaa wareegaas u gudubtay.

Trump oo amray in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico

$
0
0

The president also orders funding be stripped from US cities that harbour undocumented immigrants.

Musharaxii ugu horeeyay ee madaxweyne oo u...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Musharax Cali Maxamed Geedi, ayaa la xaqiijiyay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa, kadib markii ay wadahadal galeen Musharaxa C/qaadir Cosoble.
Munaasabada uu Cali Geedi ku shaacin doono tanaasulkiisa ayaa iminka ka socta Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana guubta ku sugan Musharaxa C/qaadir Cosoble iyo Musharaxiin kale.
Cali Geedi ayaa tanaasulkaasi u sameynaaya C/qaadir Cosoble oo ay isku jufo yihiin, Maadaama ay soo dhawaatay xiliga Doorashada Heerka Madaxweyne oo dhici doonta Bisha February.
Cali Geedi ayaa la filayaa inuu Musharax Cosoble ka taageeri doono Ololihiisa Murashaxnimo, iyadoo uu Murashaxaasi ka mid yahay Murashixiinta ugu cadcad ee Tartanka Doorashadda.
Sidoo kale, Musharax C/qaadir Cosoble ayaa sannadkii 2012-ki ka mid ahaa Murashixiintii ku tartantay xilka Madaxweynaha ee uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Musharaxiin dhowr ah ayaa lagu wadaa inay ka tanaasulaan hankooda Musharaxnimo waxaana suuragal ah in 25 Musharax ay kasoo haraan 9 Musharax oo kaliya.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live