Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Gaas oo Kulan Balaadhan La Qaatay...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas a oo ku sugan degmada Xaafuun ayaa maanta 26 January 2016 kulan la yeeshay wax garadka iyo maamulka Degmada, kulankaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan,
kulankan uu madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la yeeshay bulshada degmada Xaafuun ayaa waxaa uu ahaa kulan is xog waraysi ah oo uu madaxwynuhe ugu kuur gelayey xaalada guud ee degmada Xaafuun iyo marxalada ay ku sugan yihiin dadweynihii abaarta kasoo hayaamay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la hadlayey bulshadii kulanka uu la qaatay ayaa sheegay in dawladu qorshaynayso wax ka qabashada baahiyada ka jira degmada iyo degaanada hoosyimaada, sidoo kale madaxweynaha ayaa balan qaaday qodaalka ceel biyood laga hirgelindoono, waxana iyaduna qayb ka ahayd balanqaad ka in degmada laga hirgeliyo golaha degaanka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay hay'ada biyaha, tamarta macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda puntland "PSAWEYN" dedaalka ay ugu jiraan hirgelinta halku dhiga "HAL-JID HAL-CEEL" oo ka ay hirgelisey gobolada Puntland ceel biyoodyo ay ka faa'idaystaan shacabka Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda oo weli ku guda jira kormeerkii uu ku dhex marayo bulshda ku dhaqan Gobolada Bari iyo Karkaar ayaa galabta gelinkii danbe booqday tuulada garduush, halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan bulshadii ku sugnayd, kadibna raashin iyo biyo loogu qaybiyey dadkii danyarta ahaa ee degenaa tuuladaasi Garduush.-DHAMMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweyne Gaas oo Kulan Balaadhan La Qaatay Bulshada Degmada Xaafuun appeared first on Puntland Post.


Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga oo Turkiga ku...

$
0
0

MUQDISHO (SONNA) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen Cali, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga iyo sii haayaha safiirka Soomaaliya ee wadanka Turkiga ayaa maanta booqday ciidamo Soomaaliya loogu tababarayo magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga. Ciidamadaan dowladda Turkiga ay u tababareyso Soomaaliya ayaa waxay isugu jira ciidanka Badda, Cirka iyo Dhulka waxaana [...]

Warsaxaafadeed: shirkada isgaadhsiinta Telesom ka...

$
0
0

Shirkada isgaadhsiinta Telesom ayaa ka soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan goaankii golaha Wasiirada Somaliland,

Daawo: Booliska Somaliland oo ka hadlay dhimashada...

$
0
0

Daawo: Booliska Somaliland oo ka hadlay dhimashada gudoomiyihii Sariflayaasha Hargaysa oo saldhiga Booliska ku geeriyooday ka dib markii shalay xukuumada Siilaanyo xidhay

Musharax Shariif Sh. Axmed oo noqday Musharixii ugu...

$
0
0

Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday Musharixii ugu horeeyay ee is diiwaangaliyay xili maanta ay bilaabatay diiwaangalinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Sheekh shariif ayaa Guddiga doorashada Madaxweynaha maanta ugu tagay xafiiskooda oo ku yaala xarunta Vila Hargeysa oo Baarlamaanku ay arimaha qaaska ah ku qabsadaan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa la xasuustaa in sanadkii 2012-ka Xiligaasi uu markale isku soo sharaxay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee is diiwaangaliyay.
Musharixiin badan ayaa xusul duub uga jira in ay ku guuleeystaan jagada Madaxtinimo ee Soomaaliya oo dhaceysa 08 Bisha soo socota ee Febuary.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Musharax Shariif Sh. Axmed oo noqday Musharixii ugu Horeeyay ee isdiiwaangaliya appeared first on Puntland Post.

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Garowe ku qabatay...

$
0
0

Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Puntland ayaa maanta ku qabatay magaalada Garowe kulan dhaqameed lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka ay leedahay Soomaaliya, Waxaana xaflad loo sameeyay kazoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Masuuliyiin ka socda Hay,adda SAVE THE CHILDREN iyo Marti sharaf kale.
Kulanka dhaqmeedkan ayaa lagu soo bandhigay ahmiyadda uu leeyahay dhaqanka dalka iyo dadka, waxaana lagu daawaday ruwaayad ka turjumaysa dhaqanka oo ay matalayeen Ardey dhigata Iskuulada Alwaaxa iyo Imaamu Nawaabi.
Prof Abshir Awyuusuf Awciise oo ka hadlay bandhiga dhaqanka ee maanta lagu qabtay Garowe ayaa sheegay in Wasaaradiisu masuuliyad wayn iska saareyso sidii loo bari lahaa Ardeyda wax ka barata dugsiyada Puntland hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Faadumo Shukri oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ka warantay faa,iidada ay ardeyda u leedahay in la baro Suugaanta ka hadlaysa arrimaha dhaqanka Soomaalida.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Garowe ku qabatay bandhig dhaqanka appeared first on Puntland Post.

Puntland oo shahaado sharaf gudoonsiisay Hay,adda...

$
0
0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda Garowe shahaado ku gudoonsiiyay Hay,adda SAVE THE CHILDREN ka dib markii Dowlada Puntland ay ku amaantay Gurmadka Abaaraha Soomaaliya Hay,adda SAVE THE CHILDREN.
Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdihakim Abdulahi Camay ayaa uga mahadceliyay Hay,adda SAVE THE CHILDREN kaalinta iyo gurmadka ay ka gashay abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan abaarta ka jirta deegaanada Puntland.
Wuxuuna sheegay Eng Cabdihakim Abdulahi Camay inay tahay SAVE THE CHILDREN Hay,addii ugu horeysay oo ka qeyb qaadata gurmadka abaaraha ka jira Puntland, Isagoona sheegay inay gaarsiisay deegaanada ay ku nool yihiin dadka reer guuraagu deeq isugu jirta biyo iyo raashin.
Agaasimaha Soomaaliya ee Hay,adda SAVE THE CHILDREN Hassan Nuur oo ka gudoomay Madaxweyne kuxigeenka Puntland shahaado sharafta ayaa uga mahadceliyay, wuxuuna sheegay inay hay,addo halkeeda kasii wadeyso gurmadka iyo caawinta Ummadda Soomaaliyeed.DAAWO .
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland oo shahaado sharaf gudoonsiisay Hay,adda SAVE THE CHILDREN appeared first on Puntland Post.

Mid kamid ah Musharixiinta Madaxweyne oo tanaasulay

$
0
0

Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u taagnaa xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay xilkaas.
Ka dib Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in uu joojiyay hankiisii ahaa in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Cali Maxamed Geedi ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa in uu ka tanaasulay hankiisii ahaa in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Doorashada Soomaaliya ayaa sanadkan ah mid aad u adag , waxaana ku loomaya Musharaxiin ku dhow ilaa 30.
Doorashada ayaa dhaceysa 8 Bisha soo socota ee Feebaraayo.
Xasan Maxamed Samatar CowkePuntland Post, Muqdisho
The post Mid kamid ah Musharixiinta Madaxweyne oo tanaasulay appeared first on Puntland Post.


Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada xaafuun ee gobplka Karkaar ayaa maanta 26 January 2017 komeeray xarumaha Dawladda ee degmadaasi, waxaana kamida goobaha uu kormeeray madaxwenuhu Cusbitaalka weyn ee degmada Xaafuun, dugsiga H\Dhexe ee degmada iyo dekedii hore ee degmada Xaafuun.
Kormeerka uu ku tegey xarumaha Dawlada ee Degmada Xaafuun ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Masuulinyii ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Karkaar iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kormeeray cusbitaalka weyn ee degmada Xaafuun isagoona ka xog wartaystay maamulka cusbitaalka xaalada guud ee cusbitaalka iyo sidoo kale baahiyaha gaar ka ah ee uu u baahan yahay in gacan laga geysto.
Kormeerka kadib hadal uu siiyey madaxweynuhu warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in cubitaalka uu yahay mid wax badan ka qaban kara baahida shacabka ku dhaqan degmada Xaafuun iyo degmaanada ku hareeraysan sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha cusbitaalku ay yihiin kuwo ka soo bixi kara shaqada ay u hayaan dadkooda." sharaf ayay noo tahay inaan cusbitaalka soo booqano runtii waxa aanu ku aragnay maaha wax caadiya, waxaa ka shaqaynaya shaqaale u tababaran shaqada ay u hayaan bulshadooda, runtii cusbitaalkan waxaa uu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan ee Puntland ka jira aad ayaana ugu bogaadinayaa dhamaan shaqaalada iyo maamulka Cusbitaalka, dabcan muhiimad gaara ayay leedahay degmada Xaafuun sababtoo ah waa magaalo ka dheer adeegyada bulshada oo aan degdeg lagu gaarsiin karin sababtoo ah meesha ay ku taalo ayaa aad u fod" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeeray Dugsiga Hoose\dhexe ee degmada Xaafuun, saldhiga Booliska iyo dekedii hore ee magaalada taarikhiga ah ee Xaafuun.
Ugu Danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay shacabka iyo maamulka degmada Xaafuun dedaalkooda iyo sida ay ugu heelan yihiin hirgelinta hurumarka degmadooda iyo degaanada hoos yimaada.-DHAMMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda ee Degmada Xaafuun appeared first on Puntland Post.

Musharax Farmaajo”Aniga lix tiir idiinma wado balse...

$
0
0

Muqdisho-(RBC Radio)-Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ah musharrax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa maanta kulan uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee ururrada haweenka ka sheegay in waxyaabaha caqabadda ku ah hana qaadka nidaamka dowlanimo ay kamid yihiin wada shaqeyn la'aan ka dhex jirta madaxda qaranka, musuq maasuqa lagu hayo hantida dadweynaha iyo ku tumashada dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.
Mudane Farmaajo ayaa ku dhalliilay Madaxweynaha haatan xilka haya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu aad u dhiirrigeliyay in dastuurka la baal maro isaga oo ku eedeeyay inuu 6 bilood ah oo aan sharciga waafaqsaneyn uu xafiiska sii joogo. Waxaa laga doonayay madaxweynaha ayuu yiri inuu dhawro dastuurka iyo shuruucda lagu heshiiyay.
Mudane Farmaajo ayaa yiri "Waxaad arkeysaan in Madaxweyna uu xafiiska ku fadhiyo harci darro muddo 6 bilood ah. Waxay ahayd in uu doorasho qabto bishii September ee sanadkii hore. Waxyaabaha dib noo dhigay ayay kamid tahay inaan sharciga la ixtiraamin."
Waxaa uu intaas ku daray hadalkiisa in haddii ay xildhibaannada qaranka kalsoonidaada siiyaan in uu wax ka qaban doono amniga iyo dhaqaalaha oo ah labada qodob ee ugu muhiimsan siyaasadda uu dalka ku hagi doono. "Anigu lix tiir idiinma hayo. Waxaan idiin wadaa inaan wax ka qabto labo arrimood oo ah inaan saboolnimada la dagaallamo iyo inaan colaadaha dalka ka jira joojiyo."
Mar uu ka hadlayay sida uu wax uga qaban doono amniga haddii la doorto ayuu sheegay in ay ay Al Shabaab ka faa'iideysanayaan kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dowladda, isaga oo carrabka ku adkeeyay inuu isku xiri doono shacabka iyo dowladdooda.
"Haddii ay shacabka iyo dowladdu ay is raacaan oo ay isgarabsadaaan Al Shabaab labo arrimood ayaa hor yaalla in ay kala doortaan; haddii ay heshiis rabaan inaan soo dhaweyno oo aan tabobar iyo dhaqancelin u furno. Haddii ay diidaan aniga ayaa hormuud ka noqonaya dagaalka lagu qaadayo oo tuutaha ciidanka xiranaya. Meel ay ku dhuuman karaan maleh oo maalin qura ma sii jiri karaan. Waxa ay noo laynayaan oo ay noo qarxinayaan wax kale ma aha. Waxaa sabab u ah shacab iyo dowladda oo aan wada shaqeynin.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku amaanay haweenka Soomaaliyeed kaalintii ay ku lahaayeen halgankii leegada SYL isaga oo uga mahadceliyay taageerada ay la garab istaageen xukuumaddii uu Ra'iisul Wasaaraha ka ahaa.
Ugu dambeyntii Mudane Farmaajo ayaa kula dardaarmay haweenka in ay kaalin mug leh ka qaataan ololaha uu ku doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo. "Haweenka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay xildhibaannada la hadlaan oo ay u sheegaan in ay codkooda meel fiican ku ridaan. Maxaa yeelay codkaas haddii mar meel xun lagu rido 4 sano lama soo celin karo."
Halkaan ka Daawo Sawirradda.___RBC Radio

Daawo: Odayaal reer Hargaysa ah oo ka hadlay...

$
0
0

Daawo: Odayaal reer Borama ah oo ka hadlay xakamaynta ZAAD iyo Edahab, xukuumada Somaliland baaq ujeediyay..

Guddoomiyihii sarifleyaasha oo ku dhintay xabsi ku...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa xilli hore oo maanta ah waxaa ku dhintay guddoomiyihii sarifleyaasha oo shalay la soo xiray,sida laga soo xigtay saraakiil xabsiga dhexe ka tirsan.
Warar horu-dhac ah ayaa sheegaya inuu geeryooday guddoomiyaha sarifelayaasha Hargeysa,marxuum Cabdilaahi Cali Bare markii uu quracday,wuxuuna ka mid ahaa shan qof oo shalay loo soo xiray arrimaha sarifka lacagaha kadib markii ay ka hor yimaadeen go'aankii lagu amray in aanay dhaafin sarifka.
Xukuumadda Soomaaliland waxaa ay ku sheegtay geerida guddoomiyaha sarifelayaasha Hargeysa inaysan xiriir la lahayn xariga la xiray,sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.
"Wuu quraacanayay, waxaan u maleynayaa mid ka mid ah Ilkiisa oo dhacday in ay raashinka u sii raacday oo cunaha ka joogsatay, Dhakhtarka ayaa loola cararay intii la sii waday ayuu dhintay" ayuu yiri wasiirka.
Wali waxaa saldhigga dhexe ee Hargeysa ku xiran shan ruux iyo sarkaal ka tirsan shirkadda TELESOM oo isagu ka hor yimid amarkii ka soo baxay golaha wasiiradda isna wuu xidhan yahay.,dhamman dadkan arrimo la xiriira safirka ayay u xiran-yihiin.
__RBC Radio

Al-Shabab oo Weeraray Saldhigii Kenya ee Kulbiyow

$
0
0

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa qabsaday sladhigii ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee magaalada Kulbiyow ee J/Hoose, oo 18 km u jirta xuduudda Kenya, sida ay dadka deegaanka u sheegeen VOA.

Meydka Malaaq Xasan Buulle oo lagu aasay Isbitaalka...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--AUN waxaa maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Malaaq Xasan Buulle Cabdulle, kaasi oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa 135-ta Oday dhaqameed ee soo xulay Xubnihii Baarlamaanka 9-aad ee Dalka, tallona ku la haa dhisida Baarlamaanka 10-aad ee Dalka.
Malaaq Deeroow Yacquub Sheekh oo ah Afhyeenka Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa geerida marxuumka u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, isagoona tacsi u diray elahada uu ka baxay marxuumkaasi.
Afhayeenka ayaa waxuu tilmaamay AUN Marxuum Malaaq Xasan Buulle in uu ku dhashay Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool, islamarkaana ku soo barbaaray Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Waa Malaaqii 3-aad oo ka mid ah 135-ta Oday dhaqameed oo geeridiisa ay sabab u noqotay Weerarkii mas'uuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Al Shabaab oo maalin ka hor lagu qaaday Hoteelka Dayax ee bartamaha Magaalada Muqdisho.

Kenya oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday Xerada...

$
0
0

Nairobi (Sh M Network)--Wasaarada Difaaca ee Dowladda Kenya ayaa qoraal ka soo saartay Weerarkii Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Kenya ee Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose.
Bayaanka Wasaarada Difaaca ayaa lagu xusay in Weerarka uu ku bilaawday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana intaasi ay ku dareen in Ciidamada Kenya ay iska caabiyeen Weerarkii Al Shabaab.
Waxaa Qoraalka Wasaarada sidoo kale lagu shaaciyay in Xubno ka tirsan Xoogaga Al Shabaab lagu Dilay Weerarkii ka dhacay Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu beeniyay warka ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in 57 Askari oo Kenyaan ah lagu Dilay Weerarkii lagu beegsaday Saldhiga Ciidamada Kenya.
Bayaankan ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu qeexay in Ciidamada Kenya ay ka feejignaan doonaan Weerarada Al Shabaab, islamarkaana ay sii wadayaan howlgalka AMISOM ee lagu xasilinayo Dalka Soomaaliya.


Booliska Soomaaliland oo billaabay waddooyinka inay...

$
0
0


Hargeysa (RBC Radio) Booliska Soomaaliland ayaa billaabay howlgallo lugu ogaanayo sharciyada ay ku joogan deegaannada ajanabiga ku sugan,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan maamulka.
Howlgalladan waxaa ay ka socdaan magaalada xarunta ah ee Hargeysa iyo meelo kale oo ka mid ah deegaannada maamulka,waxaana waddooyinka lugu joojinaya dadka ajaanibta ah iyagoo la waydiinayo sharciyada ay ku joogan Soomaaliland.
Sarkaal booliska u hadlayay wuxuu u sheegay Raxanreeb in arrintan looga danleeyahay sugidda amniga,isagoo marka sheegay inay dhaceen falal dhowr ah oo ay ajanabi lug ku lahaayeen.
"Waxa la waydiinaya qof walba oo ajanabi ah wuxuu ku joogo Soomaaliland,"ayuu yiri sarkaalka u hadalayay booliska oo inta ku daray."Kaliya arrinta waxaa laga doonaya in lugu xaqiijiyo ammaanka".
Waa howlgalkii ugu horreeyay ee noocan ah oo ka bilowda Soomaaliland,wuxuuna ku soo aaday xilli ay kor-dhayaan dadka ajanabiga ah ee ku nool Soomaaliland.
__RBC Radio

Madaxweynaha Puntland oo Kulan Balaadhan La Qaatay...

$
0
0


Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas a oo ku sugan degmada Xaafuun ayaa kulan la yeeshay wax garadka iyo maamulka Degmada, kulankaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan,
kulankan uu madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la yeeshay bulshada degmada Xaafuun ayaa waxaa uu ahaa kulan is xog waraysi ah oo uu madaxwynuhe ugu kuur gelayey xaalada guud ee degmada Xaafuun iyo marxalada ay ku sugan yihiin dadweynihii abaarta kasoo hayaamay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la hadlayey bulshadii kulanka uu la qaatay ayaa sheegay in dawladu qorshaynayso wax ka qabashada baahiyada ka jira degmada iyo degaanada hoosyimaada, sidoo kale madaxweynaha ayaa balan qaaday qodaalka ceel biyood laga hirgelindoono, waxana iyaduna qayb ka ahayd balanqaad ka in degmada laga hirgeliyo golaha degaanka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay hay'ada biyaha, tamarta macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda puntland "PSAWEYN" dedaalka ay ugu jiraan hirgelinta halku dhiga "HAL-JID HAL-CEEL" oo ka ay hirgelisey gobolada Puntland ceel biyoodyo ay ka faa'idaystaan shacabka Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda oo weli ku guda jira kormeerkii uu ku dhex marayo bulshda ku dhaqan Gobolada Bari iyo Karkaar ayaa galabta gelinkii danbe booqday tuulada garduush, halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan bulshadii ku sugnayd, kadibna raashin iyo biyo loogu qaybiyey dadkii danyarta ahaa ee degenaa tuuladaasi Garduush.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Marekanka oo la...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Danjiraha Marekanka u fadhiya Soomaaliya iyo safaaradda ku taalla Washington ayaa lugu eedeyay doorkii ay ku lahaayeen dhallinyaro Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay.
Ku dhawaad 90 ruux oo dhallinyaro u badan ayuu Marekanka soo masaafuriyay,kuwaaso maalin ka hor laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Dhallinyarada qabka tarxiilka ah looga soo celiyay Marekanka ayaa lugu arkayay shalay iyagoo koox koox ugu lugeynaya jidka ugu mashqulka badan caasimadda Muqdisho ee Al-Mukamarama.
"Halkan waxaan naloogu soo celiyay sabab ay leedahay safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Marekanka,"ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada laga soo celiyay Marekanka.
Wuxuu sheegay inuu muddo ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Marekanka,waxaase uu ka hor mariyay inuu safar dhibadan ku gaaray dalka Marekanka.
Axmed Maxamed Axmed oo sanad iyo bilo ku xirnaa Marekanka ayaa ka mid ah dhallinyarada laga soo celiyay Muqdisho,wuxuu sheegay inuu ku yimid Soomaaliya documentiyo ay bixisay safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Washington.
"Waxaa dhici jirtay horay in Soomaalida markay iska dhiiban Marekanka xabsi kaddib in la aqbalo,laakin hadda safaaradda Soomaaliya ayaa arrinta hortaagan iyagana ka qayb-qaatay oo dhallinyarada soo celiyay,"ayuu yiri Axmed.
Dhibaatooyinka ay dalka uga tageen oo ammaanka uu ugu horreeyay ayuu sheegay,Axmed wali inay dalka ka taagan-yihiin oo maalinta ay ka soo degeen Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo waa weyn.
Tirada dhallinyarada ee u Marekanka dib ugu soo celiyay Soomaaliya,waxaa loo arka kuwii ugu badnaa ee sanadihii dambe la soo celiyo.
__RBC Radio

Al-Shabaab oo weerar culus ka geysatay saldhig...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dagaal-yahanno ka tirsan ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa weerar xooggan ka geystay saldhig milateri oo ku yaalla deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose.
Deegaanka waxaa saldhig ku leh ciidamada Kenya ee nabad ilaalinta dalka u jooga,goob-joogayaal ayaana laga soo xigtay weerarka ka dhacay saldhigga inuu saacado socday oo si weyn looga dareemay deegaanka.
Weerarka ayaa ku bilowday gawaari qaraxyo laga soo buxiyay oo lugu jabiyay xayndaabkii xerada,kaddibna waxaa bilowday weerar toos ah.
Warbaahinta al-Shabaab war lugu baahiyay waxaa lugu sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen ciidammada dalka Kenya oo ay ka dileen 75 askeri.
"Ma aha war jira hadalka al-Shabaab,"sida waxaa yiri afhayeen u hadlayay ciidamada Kenya oo lugu magacaabo,Paul Njuguna kaaso diidey hadalka ka soo baxay al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sidoo kale qaraxyada, waxaana uu intaa ku darray in ay iska caabiyeen al-Shabaab laakiin ay jiraan khasaare soo gaaray ciidamadooda.
Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM,waxaa ay gudaha dalka kula kulmaan weerarro xooggan,sanad ayaa hadda laga jooga markii weerar noocan ah ay al Shabaab ku qaaday xeradii milateriga ciidammada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde,halka oo askar badan ay uga dhimatay.
__RBC Radio

Meydadka Askar Kenyaan ah oo lagu soo bandhigay...

$
0
0

Jilib (Sh M Network)--Wararka laga helayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Meydadka Ciidamo Kenyaan ahaa halkaasi lagu soo bandhigay.
Meydadkan oo gaaraya 10 Askari, lagana keenay Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in Xoogaga Al Shabaab ay ku soo bandhigeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
Askartan meydadkooda la soo bandhigay ayaa waxey ka mid ahaayeen kuwa kale oo lagu Dilay Xerada Siinaay oo Ciidamada Kenya ay ku la haayeen Degaanka Kulbiyoow oo Weerar ay kula wareegeen Xoogaga Al Shabaab.
Bandhiga Meydadkan ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ay Weerar culus ku qaadeen Xerada Ciidamada Difaaca ee Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyoow oo ku dhow Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live