Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kenya denies 57 soldiers killed in Kulbiyow attack


Al-Shabab oo Qabsatay Saldhigii Kenya ee Kulbiyow

$
0
0

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa qabsaday sladhigii ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee magaalada Kulbiyow ee J/Hoose, oo 18 km u jirta xuduudda Kenya, sida ay dadka deegaanka u sheegeen VOA.

Marekanka oo hakiyay qaxootiga soo-galaya

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Marekanka,Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xayiraad ka dhan ah muslimiinta tagaya dalkaas,waxaana ujeedka lugu sheegay in Marekanka laga ilaalinayo muslimiinta xagjirka ah.
Donald Trump ayaa qalinka ku duugay go'aano ka dhan ah qaxootiga,wuxuuna ilaa amar dambe mamnuucay qaxootiga Suuriya ka soo jeeda.
Laakin dad Suuriya u dhashay ayaa wali fursad u heysta inay Marekanka tagaan,kuwaaso ah dadka masiixiyiinta,wuxuuna sheegay madaxweynaha Marekanka in mudnaanta koobad la siin doona marka ay magan-galyo ka dalbadaan Marekanka.
"Waxaan billaabayaa tallaabo lagu kala shaadheynayo Muslimiinta si argagixisada aysan Mareykanka u soo galin. Waxaan dalkeena u ogolaaneynaa kuwa na taageeraya dadkeenada aadka u jecel oo keli ah".ayuu yiri Trump .
Qodobbada kale ee u sheegay madaxweynaha Marekanka waxaa ay kala-yihiin.

  1. In la hakiyo qaxootiga Mareykanka soo galaya 120 maalmood
  2. In la mamnuuco qaxootiga Suuriya "illaa is bedel muhiim ah" laga sameynayo
  3. In 90-maalmood la joojiyo dadka ka soo safraya dalalka Ciraaq, Suuriya iyo dalalka noqday "meelaha laga walaaco"
  4. In muhiimadda la siiyo codsiyada qaxootiga oo ku saleysan diin - waana in qofka uu ka soo jeedo dad diin ahaa looga tiro badan yahay dalka ay ka soo jeedaan.
  5. In la qaabilo 50,000 oo qaxooti sanadkan 2017-ka, taas oo kala bar la yar tiradii Obama uu qaadi jiray
  6. In la weydiiyo dadka Mareykanka galaya su'aalo lagu ogaanayo sida uu codsiga noqonaayo iyo waxa uu ku soo kordhinayo bulshada.

Sidoo kale,Waddamada Ciraaq, Syria, Iran, Sudan, Libya, Yemen iyo Soomaaliya waxaa ay noqon doonan dalalka la haakiyay qaxootiga ka imaanaya,dhammaantod waa muslimiin.
Ugu dambeyntii,qodobbadan wuxuu madaxweynaha Marenka ku saxiixay munaasabad ka dhacday waaxda difaaca ee Pentagon-ka, halkaas oo lagu dhaariyay Janaraal James Mattis oo noqonaya xoghayaha cusub ee gaashaandhigga dalkaasi.
__RBC Radio

Kenya oo sheegtay 9 askari in looga dilay weerarkii...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa war dheerad ah ka soo saartay weerar ka dhacay saldhig ku yaalla deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose oo ay ku sugnaayeen ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Wasaaradda gaashandhigga oo warkan soo saartay,waxaa ay xaqiijisay weerarka ay fuliyeen dagaal-yahannada al-Shabaab inay kaga dhintay sagaal askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.
15 askari oo kale ayaa kaga dhaawacmay weerarka ciidamada Kenya,Laakin war hore oo ka soo baxay kooxda weerarka fulisay ee al-Shabaab waxaa ay sheegen weerarka inay ku dileen 67 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dhankeeda sheegtay khasaaro badan inay gaarsiiyeen kooxda weerarka fulisay oo ay ka dileen 70 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab.
Warka ka soo baxay Kenya,waxaa kalo lugu beeniyay in saldhigga deegaanka Kulbiyoow uu ka baxay gacantooda,waxaana lugu muujiyay qoraalka inay iska difaaceen kooxda weerarka soo qaaday.
Goob-joogayaal iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay xilli hore ee Jimcihii shalay ah Raxanreeb in dagaalyahannada al-Shabaab ay la wareegen saldhigga muddo kooban.
Sidoo kale,weerarka waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo mas'uuliyiin ka tirsan kuwa deegaanka ee dowladda Faderaalka oo u ka mid yahay guddoomiyihii degaanka Kulbiyow,Maxamed Tooxyare Nuuh.
Al-Shabaab weerarro dhowr ah ayay ku qaaden saldhigyada ciidamada Kenya ee ku sugan koonfurta Soomaaliya,waxaa la xasuusta weerarkii xooggana ee ka dhacay saldhigga deegaanka Ceelcadde.
__RBC Radio

Video : Hadaladii Taariikhda Galay ee Madaxweyne...

$
0
0

Kn: Iyada oo uu dalka ku jiro xili doorasho madaxweyne, ayaa dadweynaha Soomaaliyeed waxa ay aad u hadal hayaan, gaar ahaan caasimadda in dhamaan musharixiinta hadda tartamaya aysan u qalmin in ay dalka madaxweyne ka noqdaan, taasi badalkeedana waxa ay soo jeedinayaan in ay jeclaan lahaayeen in uu Axmed Maxamed Islaam isa soo taago.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu xusuustaa hadaladii taariikhda galay ee uu ka jeediyey shirarkii Madasha Hoggaamiyeyaasha, waxaana ka mid ah arartiisii ahayd in Afka Soomaaliga lagu hadlo, Calanka Soomaaliyana la isticmaalo.
Hadaba Taleefishinka Jubbaland ayaa maalmahan laga baahinayay muuqaato kala duwan oo la'isku soo uruuriyey oo ka turjumaya hadaladii taariikhda Galay ee Axmed Maxamed Islaam.
Daawasho Wacan
KismaayoNews.com

Britain oo Cambaareysay weerarkii Al Shabaab ee...

$
0
0

London ( Sh.M.Network)-Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Dowladda Britain, Boris Johnson ayaa si kulul waxuu u cambaareeyay Weerarkii xooganaa ee Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Xeradii Ciidamada Kenya.
Xoghaye Boris Johnson ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Weerarkii lagu beegsaday Ciidamada Kenya, kaasi oo Al Shabaab ay ku sheegeen in ay ku Dileen in ka badan 50 Askari.
Dhinaca kale, Xoghayaha ayaa bogaadiyay jawaabta Ciidamada Difaaca ee Dalka Kenya ay ka bixiyeen Weerarkii Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Dalka Britain ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay sii wadi doonto taagerida ay u heyso Shacabka iyo Dowladda Kenya.

Faah Faahinno laga helayo Qarax Ciidamada Kenya...

$
0
0

Nairobi ( Sh.M.Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah oo Kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya lagula eegtay nawaaxiga Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada amaanka ee Dalka Kenya ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid waddada qarkeeda lagu diyaariyay, islamarkaana lagu beegsaday Gaari ay wateen Ciidamada Kenya.
Sarkaalkan ayaa xusay in Qaraxa ay ku dhinteen labo Askari, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray 4 kale oo Kolonyada la socday.
Dhaawac 4 Askari ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Qaraxan ayaa waxuu imaanayaa xili Al Shabaab ay sheegteen in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Ciiadamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa Xero ku taalla meel u dhow Xadka Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in xaalado Abaaro oo...

$
0
0

New-York ( Sh.M.Network)- Isagoo warbixin kooban Xaalada Soomaaliya ka siinayay Golaha Amaanka, ayaa Danjiraha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating waxa uu sheegay in abaaro xoogan ay ka jiraan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Danjire Michael Keating ayaa sheegay in saameynta abaarahaasi laga dareemay Deegaano iyo Degmooyin dhaca Maamulada Puntland, Jubaland iyo Somaliland.
Waxuu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in wax laga qabto abaarahaan oo saameyn xoogan ku yeeshay Dad badan, kuwaasi oo aan waxba heysan.
Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa cod dheer ku sheegay in 320 kun oo da'ahaan ka yar 5 Sano ay wajahayaan nafaqo darri, taasina ay tahay wax aan loo dulqaadan karin balse u baahan in wax laga qabto.
Hadalka Danjiraha ayaa waxuu imaanayaa xili abaaro saameeyay Dadka iyo Duunyada ay ku dhufteen Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliy


Kenya police officers killed in blast near Somali...

$
0
0

Two Kenyan police officers were killed and four others seriously wounded on Friday when their vehicle was hit by explosive device along the border with Somalia.
A security officer said the deceased from Administration Police were responding to an attack by Al-Shabaab terrorists on a Kenya Defence Forces base in Kulbiyow when they were attacked.
"We lost two officers while the other four have been admitted at the hospital here in Nairobi.
"They were responding to the attack on KDF base in Somalia," said an official aware of the incident.
The security office who declined to be named said their vehicle ran over an Improvised Explosive Device (IED) as it crossed the border to Somalia to rescue KDF personnel who were under siege.
The injured were flown to Nairobi for specialized treatment and those who saw them said they had serious multiple injuries.
The incident forced the officers to abandon their mission.
"Reinforcements deployed by the KDF in Kenya encountered massive IEDs along the MSR (military service requirements) and had to abandon mission," said the official.
A reinforcement that arrived hours later managed to take control of the base.
Somali militants staged a dawn attack on KDF camp in Kolbiyow and killed an unknown number of Kenyan soldiers who are part of the AMISOM troops.
The militants used twin suicide vehicle bound improvised explosive devices (SVBIED).
KDF said it sent reinforcement which was able to destroy two vehicles loaded with improvised explosive devices within the vicinity of their Forward Operating Base (FOB) at Kulbiyow, an area near Kenya's border with Somalia.

Amarka Trump ee qaxootiga siduu u saameyn doonaa Soomaalida?

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah "si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka". Haddaba sidey arrintaasi u saameyn kartaa Soomaalida?

Guuleed oo quus ka taagan Xildhibaanada BG & Dacwad...

$
0
0

Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale ku guuldareystay la kulanka Xildhibaanada BG, kuwaa oo dhawaan sheegay in xilka ay ka qaaden.
Guuleed oo ay xaaladu ku xuntahay ayaa ku dhiiraday in Odayaasha Beelaha uu usoo bandhigo Dacwadaha uu ka qabo xil ka qaadistiisa.
Guuleed, oo la kulmay Odayaasha ayaa waxa uu ku wargaliyay in tallaabo uu ka qaadi doono Xildhibaanada ka hor imaaday, waxa uuna farta ku goday in marnaba uusan u dulqadan doonin in meesha laga saaro Maamulkiisa.
Guuleed, waxa uu Odayaasha Beelaha u sheegay inay la hadlaan Xildhibaanadooda, waxa uuna ballanqaaday in wakhti danbe uusan qaadan doonin wadahadal ku aadan arrinkaasi.
"Odayaashu waa in Xildhibaanadooda ay kala hadlaan dhibta ay deegaanka ka dhex wadaan, waxaan halkaani ka sheegayaa in arrinkaani aan fadhi kale looga wadahadli doonin"
Qoraal dhawaan kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Guuleed uu yahay Hogaamiyaha Maamulka, isla markaana uusan booska uga bixi doonin go'aan ay gaaren tirro Xildhibaano ah.
Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay xiisada ka dhex aloosan C/kariin Guuleed iyo Xildhibaanada BG.Caasimada OnlineXafiiska Cadaado Caasimada@live.com

Maleeshiyaadka Daacish oo askar iyo dad kala degay...

$
0
0

Guddoomiyaha degmada Qandala Shirin Maxamed Quurshe oo Warbaahinta Qaranka u warramay ayaa sheegay in jidka loo galay gaari ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada Puntland iyo dad rayid ah. Falkan oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa guddoomiyuhu sheegay in maleeshiyad hubeysan ay gaariga ku joojiyeen meel 35-km u jirta degmada Qandala, isla markaana ay sagaal nin kala degeen oo afar ka mid ah ay ahaayeen Askartooda, walow qaar ka mid ah oo cagahooda ku baxsaday uu sheegay iney khadka Telefoonka kula soo xiriireen. Guddoomiyaha degmada Qandala Shirin Maxamed Quurshe ayaa sheegay in saakay ciidammo ay u direen deegaanada lagu tuhmayo iney ku suagn yihiin Maleeshiyaadkaasi, kuwaasoo sameynayo howlgallo lagu soo badbaadinayo dadka ay afduubteen iyo kuwa howdka ku baxsadayba. Maleeshiyada ayaa la sheegay iney fasaxeen gaarigii oo ay la socdeen haweeney carruur sidatay iyo darawalkiiba. Halkan ka dhageyso Wareysiga

Beesha Caalamku Waa Koox Dayeysan..W/Q Hussein-lucky...

$
0
0

Waxaa Xalay Warbaahinta Caalamka iyo tan Maxaliga ahba ku jirtay Beesha Caalamka oo diiday go'aankii ay Axaabta Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland Isla qaateen ee lu aadanaa in Doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo ilaa iyo Bisha Octobor 017, si mudnaanta koowaad loo siiyo samatabixinta iyo taakulaynta dadka la dhibaataysan abaarta daran ee inta badan ka jirta dalkeena, iyagoo, weliba si adag u faray Xisbiyada Qaranka iyo dawladda Somalilandba inay dib uga noqdaan go'aankaas, haddii kale, ay dib u eegi doonaa wada shaqaynta iyo Iskaashiga ay la leeyahiin Somaliland. Labo arimoodba Waa layaab, 1. Umad la leeyahay sida aad masiirkiina iyo noloshiina u maaraynaysaan xaq uma lihidiin, ee anagaa (Beesha Caalamka) idiin sheegayna, idiina goynayna sida aad u maaraynaysaan noloshiina waa wax aad iyo aad loola yaabo, 2. In wixii ay isku raaceen hay'adihii umadani lahayd, iyo shacabkiiba, inta layska indha-tiro, oo la yidhaahdo ma ahan sidan aad u fekerteen sax, ee waa inaad raacdaan sidaanu u fekerayno haddaanu nahay Beesha Caalamka, iyana waa layab kale. Beesha Caalanmka ee baaqan soo saartay, ma ka warqabaan waayaha iyo dhibaatada haystata dadkayagii?, ma ka warqabaan dadkayaga dhimanaya abaarta darted, iyo xooolahooda idlaaday?, ma ka warqabaan in umaddani aanay maanta doorasho iyo wax la mid ah oo laga fekero fursad u haynin, ee ay la tacaalayaan sidii loo badbaadin lahaa dadka inta hadhay? Mise arinkoodu waa HABARTII DUSGHEEDIYO DEGELKAY KU NOOLAYD DARUURUHU KU HOOREEN, DADBA WADA HELYOO DAAD-WARARAC BAY TIDHI, oo macnaheedu yahay, haddii iyaga dalalkoodii iyo dadkoodii aanay dhibaato hayninj, ma ahan inaad u qaataan in noloshu ay wada tahay sida tan dalkooda taala.
Akhriste, Waxaynu ka warqabnaa qarax yar, ama Duufaan, ama dhul gariir yar oo ka dhaca dalalka mid ka mid ah kuwan ku bahoobay magaca beesha Caalamka ayaa ay xaalad degdeg ah ku dhawaaqaan, oo ay xataa wax kastoo muhiim ahaa joojiyaan, halka ay masiibadda abaareed ee dad iyo duunyaba ay u dhimanayaan ee maanta aynu ku jiro ay kasoo qaadayaan wax aan macno lahayn, oo ay doorasho inagu dirqiyayaan, waar yaa wax doorta,ma qof dhibaataysan, oo silcaya ayaa wax doorta? Mise, iyagaa (Beesha caalamka) codaynaya oo doorashada gelaya?
Gunaanadkii, Waxaan kula talin lahaa Xisbiyada Qaranka, iyo Golayaasha kale ee Somaliland inaanay dhegaysan Baaqan macno-darada ah ee kazoo yeedhay Beesha Caalamka, waayo, waa mid haybad iyo macnaba tiraya xaq u lahaanshaheena ku aadan inaynu masiirkeena uga talino sida aynu qabno inay inoogu fiican tahay, Beesha Caalamkana waxaan odhan lahaa u fekera si waaqici ah oo caqli iyo masuuliyadi weheliso oo laydinla qaadan karo, waayaha aanu qabno, duruufaha abaareed ee na haysta iyo waajibka naga saaran doorasho xalaal ah oo dalkan ka dhacda is waafajintoodana, anagaa idiinka xogogaalsan, idinkana xaq leh ka go'aan gaadhistooda.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Qalinkii;- Hussein-lucky Mohamed Mohamoud.
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

Faa’iidooyinka Adeeega Zaadka Iyo Edahabka:Cali...

$
0
0

Waxayno wadda ogsaanahaya in aeegayada kala duwan ee habka casriga ah lacagaha la iskugu dirro ee Zaadka Iyo Edahabku ay door weyn ka qateen hurumarinka ballaadhan ee somaliland ku talaabsatay geeskata, iyadoo ay adeegyadaasi fududeeyeen inuu qof si hawlyar lacag ugu diro dhammaab deegaanada kala duwan ee Somaliland iyadoo aan wax khimada laga qaadayn isla markaana ay si deg deg ah u gaadhayso lacgto meeshii loogu talo galay markiiba.
Haddaba Xukuumadda KULMIYE iyada ayaa abuurtay sicir bararka markaa ma haboono in ay sicir bararka ay iyadu abuurtay ay kula gal-galo shirkadaha la mahadiyey ee shacabku au adeegaya ee Dahabshiil iyo Telesom.
haddaaii aan hal Tusaale ka soo qaato faa'iidada Zaadka iyo Edahabka u leeyihiin bulshada , waxa inagga filana
Tusaale reer guuraagu ama xoolo dhaqatadu marka ay ka guraan halkii ay deganayeen ee ay meel kale u hayaamana , waxay sitaan telefoono iyadoo ay la xiddhiidh cidii dhaqaale u haysay, isla markaana ay meesha ay tagaan-ba laacagta loogu soo dirayo Zaad ahaan ama Edahab ahaan.
Waxa kale oo tuseela inoogu filan xiligan abaarta in dadka hayeema ama haajiray ay badanaa ku tiirsanyihiin lacagta loogu diro adeegayda Zaadka iyo Edahabka, odhaaha aan ka duntay oday reer miyi ah dhawaan "waxaan Dareemayaa lacag la'aaan ee ZAAd shandoolar ama shilin soomali oo aan ku shaaho isoodira, xaqiiqdii sifududbuu uhelay xawaalad na mayaqaan tuulo geed hoostiya ayuu raashin iyo shaah uu NAFTA Ku qabto kaga iibsanyaa adeega zaad ama edahab doolar ama shilinka somaliland, waxaan ku soo gunaanada adeegyada Zaadka iyo Edahabka waa la mahadiyey runtii
(Ganacsade Calinuur xuseen gahayr (Cali dareen)gahayr456@gmail.com

“Ujeedada socdaalkayaga Kuwait Waxa ay tahay in Aanu...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen ) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka isaga iyo wefti ka tirsan Xukuumaddu ay ugu ambabaxeen waddanka Kuwait.
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in ujeeda socdaalkoodu ay tahay sidii ay kaalmo u aadan taakulada abaaraha ugu codsan lahaayeenk wadankaasi Kuwait, isaga oo geesta kalena ka hadlay deeq raashin ah oo dawladda Itoobiya ay Somaliland ugu deeqday.
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena shaaciyey wufuud kale oo ay u kala dirayaan wadama dariska si buu yidhi ay ugala hadlaan xaalada abaaraha ba'an ee dalka ka jira iyo caawimada aynu qaran ahaan ugu baahan nahay, mudane Xaashi ayaa sidaasi u sheegay qaar ka tirsan Saxaafadda dalka oo uu galabta kula hadlay Madaarka Cigaal oo uu ka dhoofayey waxaanu yidhi " Galabta waxaan u ambabaxay waddanka Kuwait, waxa saaka halkan ka dhoofay xubno kale oo guddida abaaraha iyo xukuumadda ka tirsan, oo wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka caafimaadka, gudoomiyaha hay'adda sekada iyo mudane Sakariye oo guddida abaaraha ka tirsan, aniguna weftigaa ayaa ka mid ahaa galabta ayaan aniguna ka daba-tagayaa idamka ILAHAY, waxaanu u kicitimaynaa waddanka Kuwait, waxaanu la kulmaynaa dawladda Kuwait iyo hay'adaha khayriga ah ee waddankaasi."
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu intaasi ku daray " Ujeedada socdaalkayagu waxa ay tahay in aanu taakulayn ugu doono dadka tabaalaysan ee ummadda Somaliland ee abaaruhu saameynta weyn ku reebeen, Xukuumaddu waxa ay wadaa dadaalo badan oo ay taakulayn ugu raadinayso dadkaas, hadii ay tahay mid aynu inagu isku tashanayno Xukuumad ahaan wixii aanu bixin karno, wixii shacbiga Somaliland qaadhaan aanu ka guri karno iyo wixii dalalka aynu saaxiibada nahay aynu ka baahaysan karno."
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa geesta kalena ka hadlay wufuud ay Xukuumaddu u kala dirayso wadamada jaarka waxaanu yidhi " Waxa dhawaan ilaa Isniinta bixi doona wefti weyn oo u bixi doona wadamada Jabuuti, Kiiniya, Yugaandha iyo Tansaaniya wadamadaas oo dhan u bixi doona, waxa wadanka Itoobiya ku maqan wasiirkii khaarajiga iyo xubno kale oo iyaguna la socda oo shirka midowga afrika ka wada hawlo dublamaasiyadeed, waxa uu maanta wasiirku la kulmay wasiirka khaarajiga Itoobiya wuxuu u bandhigay xaaladda abaarta, kaalmo ayeynu dawladda itoobiya waydiisanay, waxa ay inoogu yabooheen ilaa sadex kun oo tan oo qamadi iyo wixii la mid ah, waxa kale oo ay inoogu yabooheen calaf wixii ay ina siin karaan inay ina siiyaan, dadaaladaas oo dhami waxay ay ka turjumayaan walaaca xaalada abaareed ee bulshada Somaliland haysata waxaanu bulshadda ugu baaqaynayaa inay isu naxariistaan isna kaalmeeyaan."


Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya oo waraaqahii...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya oo waraaqahii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somaliland.
Somaliland oo codsi cusub ee xubinnimada u gudbisay Midowga Afrika
Addis Ababa-Somalilandspan-Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waraaqahii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalkaa Amb. Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe)
Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Gebeyehu oo shalay ku qaabilay xafiiskiisa safiirka Cusub ee Somaliland Amb. Cali Shoombe ayaa muujinaysa sare u kaca xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, oo isbedel weyn ku yimi tan iyo mudadii uu xilka wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland qabtay Dr. Sacad Cali Shire.
Kulanka oo goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, iyo sidii loo horumarin lahaa, siduu mareegta Somalilandspan u xaqiijiyey Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya.
Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland oo dhowaan madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u magacaabay xilkaa ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya ka gudoomo waraaqahiisa aqoonsiga.
Dhinaca kale, wefdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo maalmahii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika dalab xubinnimo Jamhuuriyada Somaliland ka hesho.
Dr. Sacad Cali Shire oo wareysi siiyey wakaalada waraka AllEastAfrica ayaa yidhi, "Hadii loo baahdo waxaanu u gudbin doonaa codsi cusub.
"Waxaanu doonaynaa inaan Midowga Africa ka dhigaan ajandaha koowaad arrinka Somaliland iyo Soomaaliya." Ayuu raaciyey.
"Waxaanu qeyb ka ahayn Soomaaliya 30 sannadood, waxaan filayaa inay ku filan tahay. Xaqiiqdii waxay ahayd soddon sannadood oo waaya-aragnimo xun kala kulanay midnimadii. 25kii sannadood u dambeeyey gaar ayaan u taagnayn, ma jirto sabab aan ugu noqono midnimo aan shaqeynayn,?"

US: Qaaddi Amar Kasoo Saaray Go'aanka Hakinta Socdaalka

$
0
0

Maxkamad federaali ah ayaa soo faragalisay amarkii madaxweyne Donald Trump ee ku saabsanaa hakinta dadka muhaajiriinta ah ee imanaya Maraykanka ee u dhashay toddoba waddan iyo qaar ka mida dadka haysta degenaanshaha rasmiga ah ee dalalkaas u dhashay.

Ex Xildhibaan Kulalihi:- Kursiga Jaale Ugaar NO...

$
0
0

Kulalihi oo boor-weyn la maraaya Bartamaha Garowe
Xildhibaan Maxamuud Axmed oo looyaqaan "Kulalihi" wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa Baarlamaankii hore ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ee dhawaan xilalkoodii wareejiyey, hase ahaate xildhibaankan ayaa gashaanka u daruuray qaabka loo doortay kursigiisii hore ama kursiga ay Beeshiisu ku leedahay Dawlada Federaalka oo kamida ahaa xildhibaanadii lagu doortay magaalada Garowe.
Kaamirada Puntland Post ayaa qabatay arin u eg mudaharaad uu kaligiis maalmahan ka waday bartmaha Garowe xildhibaan kulalihi taas oo uu kaga cabanaayo qaabka loo doortay kursigii xildhibaan ee uu u tartamay oo weli muran xoogani ka taagan yahay.
Kulalihi ayaa bartamaha caasimada Puntland ee Garowe kula wareegay boor-weyn oo uu ku qoran yahay "Kursiga Jaale Ugaar NO musuq-maasuq" taas oo ula jeeddo inaan si cadaalada loo dooran kursiga ay beeshiisu ku leedahay Baarlamaanka Dawlada dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu goobaha lagu qaxweeyo ku qaybinaayey warqado ay isla erayadaas ku qoran yihiin.Hadalada uu adeegsanaayey waxaa kamida ahaa " Dhaq-dhaqaaqa isbadel doonka Soomaaliyeed"
Dadka aqoonta u leh Maxamuud Axmed Kulalihi waxay ku sifeeyaan shaqsi ka dhawrsoon isdaba-marinta aana la gaban wax uu aamisan yahay, sidoo kale kale waa sharci yaqaan ku hadla illaa 6 luuqadood.
Hoolkii doorashada ayuu ka sheegay in la musuq-maasuqay kursiga uu u tartamay, wuxuuna eedayn kulul dusha uga tuuray gudigii heer Puntland ee maamulaayey Doorashadaas iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay ku lug lahaayeen musuq-maasuqa.Daawo Kulalihi oo ka hadlaaya qaabka ay u dhacday Doorashadiisii
PUNTLAND POST
The post Ex Xildhibaan Kulalihi:- Kursiga Jaale Ugaar NO musuq-maasuq!!! appeared first on Puntland Post.

MISS INFLATION waa sheeko hoga-tusaalaynaysa wadciga...

$
0
0

waa sheekada aan maanta idiin hayo
waxa la yidhaa sheekada #miss #inflation
Beribaa Waxa jiri jirtay tuulo aad u nabdoon oo lacag fara badani dhex taalo Waxa ganacsiga ugu badan ku jirtay islaan da' ah dhamaan ilaha dhaqaalaha badankoodu iyada ayey hoos iman jireen sida kaalmaha shidaalka supermarketyo warshada laydhka iyo waxayaabo badan oo ay sheer weyn ku lahayd
islaantu waa goblan cid u dhow oo dhaxashaana ma jirto
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa naftii qabatay duqdii deedna waxay tidhi iigu yeedha gudoomiyaha maxkamada waxaan u sheegayaa cida I dhaxlaysee
Markii loogu yeedhay ee uu warqadii ka buuxiyey gudoomiyihii bacda usbuuc way geeriyootay islaantii
Markii ay geeriyootay ayuu gudoomiyihii tuulada ee maxkamadu dadkii ku yidhi bari isku yimaada waxaan yeedhinayaa qofkii ay dhaxalkii uga tagtay .
dadkii waxay isugu yimaadeen barxadii tuulada ugu weyneyd wuxuuna gudoomiyihii ku yidhi Dadkii islaantii waxay ku dardarantay inay dadkeeda jeceshay oo ay hantidan ka shaqaysatay bulshada sidaa darteed bulshada oo dhan ayaa I dhaxalysa ayey tidhi.
Dadkii farxad iyo riyaaq ayey is hayn waayeen Markiiba waxa la bilaabay tirakoobkii qofkastana waxa kusoo hagaagay 10,000 $ laba todobaad ayaa lacagtiu loo qaybinaayey dadkii qofkastana wuxuu u cararay xagii suuqa.
Kii baabuur doonayey, Kii arosanaayey ee qalab aroos doonayey, Kii aqal qabyo ka ahaa nin walbaaba suuqa ayuu lacagtii la galay deedna waxa dhacday la yaab wax walbaaba way dhamaadeen oo la iibsaday macradkii gawaadhida waxa kusoo hadhay tiro yar oo gawaadhiya dadkii ayaa isku qabsaday iga iibi iyo anigaa libinlaab kaa siisanaaya ee iga iibi gaadhigii qiimihiisu ahaa 2000$ wuxuu gaadhay 5000$ deedna dadkii sidi meel walba loo qaaliyeynaayey lacagtii xabada roodhiyi waxay gaadhay 2 dollars deedna tuuladii waxa ay gaadhay in shay qudha la goyn waayo.
Dadkii iyagoo aad u cadhaysan ayey yidhaahdeen alla!! yaa kasoo saara qabrigii aanu nolosha ku gubnee.......
deedna islaantii waxay u bixiyeen MISS INFLATION.
Haddaba sheekada wadankeenu waxay maraysaa miss inflation story.
Hadaba yaa maanta ah miss inflation
qalinkii cabdi cawiye tell +256324115877

Xukuumada Oo Mamnuucday In Lagu Safro Basaboorka...

$
0
0

Hargaysa( Waaheen)- Shir Ay saaka iskugu yimaadeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa dalka lagaga mamnuucay Guud Ahaanba in lagu joojiyey Isticmaalka Iyo ku Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.
Shirkan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2017 ka qabsoomay xafiiska wasiirka Arrimaha gudaha ayaa lagu cusboonaysiiyey qaraar hore uga soo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo mamnuucayey qaadashada iyo isticmaalka baasaboorka lagu sameeyo ama laga soo saaray goob kamida gudaha dalka Somaliland.
Go'aamada Wasiiradu isla qaateen waa sidan hoos ku qoran:
1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada , istimaalka iyo ku safarka baasaboorka soomaliya ee kazoo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyey goob kamida dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.
2- Dhamaan Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee laga mamnuucay Isticmaalkiisa.
3- Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.
ALLAA MAHAD LEH
Jamal Abdi Muhomed
Spokesman Somaliland Ministry Of Interior,
Halkan ka daawo Muuqaal

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live