Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Netanyahu oo Iran ku eedeeyay tijaabinta gantaal

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay Iran in ay tijaabisay gantaal cusub oo kuwa ridada dheer ah, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid khilaafsan qaraar uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


Gudoomiye Jawaari oo Magacaabay Guddiga Anshaxa...

$
0
0

Guddoomiyaha Barlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Magaalada muqdisho kaga dhawaaqay guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqaynaya Ilaalinta anshaxa iyo asluub-wanaagga iyo Bedqabka geedi socodla doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.
Warsaxafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Barlamaanka waxaa sharaxaad lagaga bixiyay shaqooyinka iyo waajibaadka guddiga, waxaana ujeedada loo dhisay guddiga lagu sheegay in looga gol leeyahay in barlamaanka,murashixiinta tartamaya iyo dadweynaha Soomaaliyeed hubiyaan habsami u socodka, daahfurnaanta iyo bedqabka geedisocodka doorashadda.
" Guddigan wuxuu u xilqaaman yahay lana xisaabtamaya barlamaanka Federaalka, wuxuu iskaashi howleed la yeelanaya guddiga BDF u xilsaaran Doorashada Madaxweynaha JFS, wuxuuna u hoggaansamaya kuna shaqyanaha tilmaamaha labada guddoomiye ee Barlamaanka Federaalka iyo kuxigeennadooda" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.
Guddigu wuxuu kaloo u kuurgali doonaa habraaca iyo dhammaan hawlgalada la xiriira hirgalinta doorashada madaxweynha iyo sidoo wargalinta guddoonka barlamaanka wixii khilaafsan xeer-hoosaadka ama nidaamxumo u keeni kara bedqabka geeddisocodka
1.Faaduma Qaasim Dayib
2.Prof. Cabdi Axmed Maxamed (Baffo)
3.Shamsa Ibrahim Boolis
4.Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.
5.Rooble Axmed Daahir
6.Faadumo Jaamac Jibril
7.Prof. Mahad Maxamed sh. Xasan
8.Aadan Xasan Cabdi
9.Cabdullahi Maxamed Shirwac.
Gabagabadii, Magacaabista guddigan anshaxa doorashada ee maanta ayaa ku soo aadaysa, iyadoo murashixiinta qaarkood ay dalbadeen in laga saaro xubnaha Gudddiga doorashada Madaxweynaha Xildhibaan Fartaag oo si bareer ah u taageeray murashaxa madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud xaflad xalay ka dhacday Hotel SYL ee Magaaladda Muqdisho.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Boorama: Saldhiga Booliska oo lagu xidhay G...

$
0
0

Borama: Gudoomiye k/xigeenki hore ee golaha deegaanka degmada Boorama Maxamed Muxumed Faarax(Dheerayste) ayay saaka subax ciidanka Boolisku gurigiisa ugu tegeen, waxaanay ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada, Gudoomiye k/xigeenka hore ee degmada ayaa ka mid ah xubnaha golaha deegaanka, isla markaana leh maamuus xildhibaan gole, qaar ka mid ah xubnaha golaha degmada ayaa arintan ku sifeeyay qaab baal baalmarsan shuruucda dalka u yaala, mar aan isku daynay in aan ogaano sababta loo xidhay xildhibaanka, Nooma suurogalin inaan helo masuuliyiinta la sheegay in xadhiga mudanahan ay amreen.
Xadhiga G/xigeenka hore ee degmada ayaa loo aanaynayaa hadal iyo shirjaraaid oo uu shalay ku qabtay magaalada Borama, kaas oo uu kaga hadlay eedo uu u jeediyay masuuliyiinta Booliska iyo madaxda degmada Gabilay.
Xadhiga masuulkan hore ayaa u muuqda mid ka hor imanaya xoriyada hadalka iyo in xubnaha golayaasha deegaanka ee shacabku doortay loo xidho hab maamuuskiisa meel ka dhac ku ah.
Awdalpress
Desk Somaliland

Hargaysa: Wasiirudawlaha Qorshaynta Cismaan X. Xasan...

$
0
0

Hargaysa: Wasiirudawlaha Qorshaynta Cismaan X. Xasan Aw Cali oo qaabilay wefti ka socda SABA Banks

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo...

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen doodii musharaxiinta taasoo ahayd mid si weyn ay shacabka Soomaaliyeed u wada sugayeen.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Dr Cabdiraxmaan Ducal Beyle oo saxaafada la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ay u baaqatay dooda musharaxiinta xilka Madaxweynaha.
......" Sida aan horayba u sheegnay jadwalka doorashadana ku qoran maanta waxey aheyd in la hergaliyo qeyb ka mid ah jadwalka doorashada oo aheyd in musharixiinta dadka hor yimaadaan su'aalo toos ahna la weydiiyo, labo qeybood ayaan u kala qeybinay musharixiinta oo kala ah 12 musharax in gallinka hore ka qeyb-qaataan doodda, halka inta kalana loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan galinka danbe, waxaana soo ajiibay oo noo yimid 9 musharax, markii ay doodda wax xooggaa soctay ayaa ogaanay in Internetku laheyn awood uu ku gudbin karo doodda oo loo baahnaa in toos loo tabiyo, waan tan keentay in dooddii halkaa ku baaqato'' ayuu yiri
Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in arrintan ay ahayd mid tijaabo ah kuna cusub jadwalka doorashada Madaxweynaha ,sidaas darteedna ay go'aan ku gaareen iney joojiyaan doodda maadaama uu waqtigu kooban yahay.
...." Arintan markii horeba waxaa ay iska aheyd arin tijaabo ah oo ku cusub jadwalka doorashada, sidaa daraadeed waxaan go'aan ku gaarnay in gabi ahaanba aan halka ku joojino doodda, madaama waqtigu aad ciriiri noogu yahay, dhinaca kalana jadwalku naga qaldamin"ayuu yiri
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in musharax walba u furan tahay in uu iska soo duubo muuqaal shan daqiiqo ah oo uu dadka kula hadlayo dadka ,isagoona ballan qaaday in muuqaalkaas si toos ah looga sii-deynayo TV-ga Qaranka.
Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Ducal Beyle ayaa sheegay in child farsamo ee ku dhacday Internetka aan la oran karin cid gaar ah ayaa ka danbeysay maadaama uu guddigu si dhab ah u baaray arrinta.
________
RBC Radio
Muqdisho

Somalia: Abaaraha oo Kusii Fidaya Meelo Badan

$
0
0

Abaaraha iyo aafada ka dhalatay ayaa kusii fidaya gobollo badan oo dalka ah. Mas’uuliyiinta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi Bari Somalia waxay ka digayaan in tirada xoolaha le’anaya ay sii kordhayso.

Madaxweynaha Puntland oo gaarey Garowe

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftidii balaadhanaa ee uu hogaaminayo ayaa maanta 31 January 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimada Dawladda Puntland ee garoowe iyo degmada dangorayo ee gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan is xog waraysi ah la qaatay maamulka degmada Dangorayo iyo waxgaradka degmadaasi, waxayna madaxweynaha uga warbixiyeen mudadii ay xilka hayeen golaha degaan ka degmada dangorayo waxyabihii u qabsoomay iyo wax qabadka ay tiigsanayaan mustaqbalka dhow, intaasi ka dib Madaxweynaha ayaa soo kormeerey saldhiga ciidan degmada Dangorayo oo dhaan ay Dawladdu dhamaystirtay dhismihiisa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahaydlay maamulka degmada dangorayo iyo waxgaradka degmadaasi ayaa sheegay."golaha degaanka degmada dangorayo waxaan aad ugu amaanayaa sida wanaagsan ee ay uga dhexayso wada shaynta iyo sida ay u horumariyeen degmada iyo dhamaan degaanada hoos yimaada mudadii yarayd ee ay xilkaasi hayeen, waxaan idin ka rajaynaynaa inaad halkaa ka sii wadaan dedaalka iyo u heelanaanta aad yagleelka ugu jirtaan inaad horumarisaan degmada iyo dhamaan degaanada hoosyimaada" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si diiran logu soo dhoweeyey Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ka qayb qaalay Gudoomiyaha Baarlanaanka Dawladda Puntland Mudane Ahmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawlada Puntland, Maamulka degmada Garoowe, kan gobolka nugaal iyo shacabka magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa ka warbxiyey safarkii dheerah ee uu ugu kuurgelayey wax ka ogaanshaha xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku soo hayaantay degaanada gobolada Bari iyo Karkaar iyo sidoo kale dadka degaanadaasi ku dhaqan."waxaan mudo todoba cisho ah ku maqnayn safar aanu wax kaga ogaanayneyney xalada ka jirta deganadii aanu soo marnay wixii anu awoodneyna waanu ugayney ee ku yimi isku tashiga Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxaana illahay uga baryayaa inuu umadiisa ushubo raxmadiisa kana saaro abaarta" ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland mudane Ahmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa ku soo dhoweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa caasimada Dawladda Puntladn isla markaana waxa uu ku tilmaamay safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa mid guulweyn u soo hooyey sharafta Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee lagu dooran doono Madaxweynaha Soomaaliya 08 February 2017 waxaana uu madaxweynuhu illahay ka baryey in doorashu ku bilaabato kuna dhamaado si nabad gelyo ah isla markaana ay ahaato mid horumar u horseeda Soomaaliya.
.-DHAMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo gaarey Garowe appeared first on Puntland Post.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo Xariga ka...

$
0
0


Gaalkacyo-(RBC Radio)-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax ( Erag) ayaa Maanta Xariga ka jaray Saldhig Cusub oo si casri ah lo dhisay,kaaso dhawaan laga hirgaliyay Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug si loogu adeego bulshada Deegaankaasi.
Xarig jarka Saldhigan cusub ee Casriga ah ayaa waxaa ka so qayb Galay,Maamulka Degmada Xarfo,Taliska Degmada,Qurbo-joog,Odayaal,dhalinyaro,Haween,Xubno ka mid ah Golaha Deeganka iyo Maamulkii hore ee Degmada Xarfo oo lahaa Qorshihii Saldhigaasi.
Gudoomiyihii hore ee Degmada Xarafo C/fitaax Cumer Daahir (Garuu) oo ahaa Masuulkii bilaabay qorashada Saldhigaasi Xiligii uu Degmadaas Gudoomiyaha ka ahaa ayaa sheegay in dhib badan u so maray in Degmada Xarfo ay yeelato Saldhig boolis oo casri ah,taasina Alle ku guuleyay kadib dadaal badan u sameeyay.
"Waxay iga qaadatay waqti badan sidii Degmada Xarfo u heli-lahayd Saldhig casri ah oo la mid ah kuwa caalam oo kale,xitaa waxaan ka sameeyay buug qorsha uu ku shaqayn lahaa waana sababta la iiga aqblay,iyadoo jireen degmooyin kale oo tartan igula jiray xiligaasi helista saldhigan casriga ah blse ALLE ayaa anigu igu guuleeyay".
Gudoomiyaha Degmada Xarfo Bashiir Maxalin iyo Ku Xigeenkiisa C/laahi ayaa balan-qaadey in Dadweynaha logu shaqayndono Saldhigan cusub ee Casriga ah,iyagoona u Mahadceliyay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag iyo C/fitaax Guruu oo dhisimaha Saldhigan Gacanweyn ka gestay.
Sidoo kale,Suldan Dhowre oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee LONDON iyo Xubno kale oo odayaal dhaqameed iyo Haween isku jiray oo ka hadlay Xarig jarka ayaa so dhaweeyay saldhigan cusub oo ay sheegen in uu wax badan ka taridoono arimaha Amniga Degmada Xarfo iyo guud ahaanba Gobalka Mudug.
Dhinaca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland jen. C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa Xusay in Saldhigan uu qayb kayahay Saldhigyo Casri ah oo labadii sano ee ugu danbaysay Dowlada Puntland ay ka hirgaliysay.
Degmooyinka,Jariiban,Dangarayo,Bandarbeyla iyo Gaalkacyo,kuwaaso lo dhamaystiray dhamaan Xafiisyadii iyo adeegyadii kale ee Ciidanku ay ku howlgalilahaayen.
Ugu Danbayntii,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax ( Erag) ayaa sheegay in ay is dhinca socondoonan dhisida Saldhigyada Casriga ah iyo tayanta Ciidamada Saldhigyada Booliska Puntland,kuwaaso wajigii kobaad ee tirokoobadoodii la so gabo-gabeeyay bilowgii sanadkan.Daawo Sawirro.___RBC Radio


Akhriso: Jadwalka Hadal Jeedinta Musharixiinta...

$
0
0

Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Jadwalka Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Hadal Jeedinta Musharixiinta ayaa bilaaban doonto haddii alle idmo Maalinta Khamiista ah ee soo socota Taariiqduna ay ku beegantahay 02 Febuary ilaa 5 Febuary waxaana ay socon doontaa muddo 3 Bari ah.
Musharixiinta Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka hor jeedin doono Barnaamijkooda siyaasadeed oo ay dalka ku dhaqi doonaan haddii ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.Hoos ka Aqriso Jadwalka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Akhriso: Jadwalka Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha oo la soo saaray appeared first on Puntland Post.

Akhriso: Jadwalka khudbadaha ku jeedin doonaan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Guddiga Doorashada heer Madaxweyne ee Dowlada Federaalka Somalia ayaa goordhow shaaciyay Jadwalka ay Khudbadaha ku jeedin doonaan Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah.
Guddiga ayaa sheegay in Jadwalka Khudbadaha uu noqon doono midka ay ku kala horeyn doonaan Musharaxiinta.
Guddiga ayaa sheegay in Jadwalka Khudbadaha uu ka turjumaayo sida Habsamida leh ay ku socto doorashada Madaxweynaha, waxa ayna ballanqaaden inaan la baalmari doonin Jadwalka.

Musharrixiinta madaxtinniamada Soomaaliya oo ka carooday baajinta dooda

$
0
0

Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo kamid ahaa murashaxiinta ka ahdlay baajinta dooda ayaa BBc-da la hadlay

Dood dhexmari lahayd musharrixiinta Soomaaliya oo lagu kala tagay

$
0
0

Gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la joojiyay doodii loo qaban lahaa murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Faadumo Dayib oo Laga Saarey Guddiga Anshaxa ee...

$
0
0

Faaduma Qaasim Dayib oo horey u ahaan jirtey musharax Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ku darey in ay kamid noqoto Guddiga Ilaalinta iyo anshaxa ee doorashada Madaxweynaha. Marka xilkan loo magacaabayey Faadumo waxay ku sugneyd dalka Ingriiska. Faadumo oo waraysi siise BBC ayaa soo dhaweysey magaacibstaas waxaana ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in shaqadaas loo garto.
Si kastaba, magaca Faadumo ayaa habeenkii xalay laga saarey liiska waxaana iyadana lagu war-geliyey sidaas sida ay ku qartey barteeda Twitter-ka.
Faadumo Dayib ayaa sheegtey sababta looga saarey in ay tahay kuwo awooda si khaldan u isticmaalaya oo doonaya in ay doorasho musuq-maasuq ah galaan, maadaama aan ahay ayey tiri qof aan la gadan karin oo dida xaqa ah ku adag.
Shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaan sheegin sababta ay ugu dareem markii hore haddana ay uga saareen maadaama aysan ahayn cilad dhankeeda ka timid.
Guddiga Anshaxa iyo ilaalinta doorashada Madaxweynaha ayaa ka koobnaa 9 xubnood waxaa la magacaabey maalintii Isniinta waxaana shaqadoodu ahayd Ilaalinta anshaxa iyo asluub-wanaagga iyo Bedqabka geedi socodla doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.
Fadeexadda kale oo weli laga hadal hayo Muqdisho ayaa ah in ay baaqatey Dood Musharixiintu wada geli lahaayeen oo toos looga sii deyn lahaa telefishanada, kadib markii la waayey Internetka, lana sheegay laga sii daynaayo telefishanka Qaranka oo keliya iyada oo duuban taas oo musharixiintu ku tilmaameen mid aan la aqbali karin.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Ganacsato Soomaali ah oo loo qabtay dilka Ganacsade...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray Seddex ruux oo Soomaali ah kuwaa oo loo heysto dilka Ganacsade kasoo jeeda Dalka Ethiopia.
Booliska Degmadda Salvakop ee Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Pretoria, ayaa Seddexdaasi ruux ee Ganacsatada ah u qabtay dilka Ganacsadahaasi Ethiopian-ka ah.
Booliska ayaa sheegay in Seddexdaasi ruux ee Soomaalida ah ay ka danbeeyen dilka Muwaadinkaasi Ethiopian-ka ah, kadib markii ay heleen Cademo muujinaaya qaabka uu dilka u dhacay, sida ay qoreen Wargeysyada kasoo baxa dalkaasi.
Captain Augustinah Selepe oo ah Afhayeenadda Boliska Koonfurta Afrika, ayaa sheegtay in Ganacsadaha Ethiopian-ka ah lagu dhex toogtay goobtiisa Ganacsi, xili uu ku jiray hurdo gaaban.
Captain Augustinah Selepe, waxay sheegtay in dilka ay u qabteen Seddexda Soomaalida ah, waxa ayna meesha ka saartay inay ka madaxbanaan yihiin dilka, sida ay hadalka u dhigtay.
Dableydii ayaa la sheegay inay dhaceen lacag aan cadadeeda la aqoonin, waxayna ku baxsadeen gaari cad, sida ay Goobjoogayaal u sheegeen Baarayaasha Boliska.
Captain Augustinah Selepe, waxa ay ka gaabsatay inay shaaciso Magacyada eedeysanayaasha Soomaalida oo dhan ilaa Seddex.
Geesta kale, Captain Augustinah Selepe, waxa ay sheegtay in eedeysanayaasha ay da'doodii u dhexeyso 26-jir ilaa 27-jir.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Daawo Sawirada:Howlgal Qaas Ah Oo Ciidanka Galmudug...

$
0
0

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga ayaa howlgallo lagu sugayo Nabadgelyada ka sameeyay Degmada Balanbal
Hawlgalkaan oo ka socday Degmada Balanbal maalimihii la soo dhaafay ayaa waxaa wada jir u sameeyeen ciidamo ka wada tirsan Booliska Degmada, Ciidanka Milatariga Qaybta 21aad iyo Kuwa Nabadsugadda Qaranka Soomaaliyeed qaybtooda ka hawlgasha Deegaanada maamul Goboleedka Galmudug.
Taliyaha Hay'ada Sirdoonka Qaranka ee NISA u qaabilsan Qayba Galmudug, gaar ahaan waqooyiga Gobolka Galgaduud Cabdiwali Asad oo kula hadlay Degmada Balanbal Warbaahinta Qaranka maanta ayaa sheegay in ay ku guuleysteen sugidda ammaanka Degmada
Hareeri Xasan Barre oo ah Taliye Ku-xigeenka ciidanka Asluubta ee Galmudug oo ka mid ah saraakiisha hagaya ciidamada sugaya ammaanka degmada Balanbal iyo deegaanada ku xeeran ayaa sheegay in ay ku guuleysteen Sugidda Nabadgelyada degmada, waxaana uu baaq u diray Maamulka Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ( DDSI) in ay ka wada shaqeeyaan amniga deegaanada ku yaala xadka
Qaybaha Bulshada ayaa si wada jira u soo dhaweeyay hawlgalka lagu sugayo ammaanka degmada, Saaqo Siyaad oo kamid ah haweenka Degmada Balanbale ayaa sheegtay inay soo dhaweenayaan ciidamada wada howlgalka oo ay la shaqeyn doonaan
Ugu Dambayn Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle ayaa sheegay in mudadii uu socday Hawlgalka ay ciidamadu qabteen dad la tuhunsan yahay inay lidi ku ahaayeen amniga kuwaasi hada lagu wado baaritaanHalkaan Hoose Ka Daawo sawiarada wariyaash Hobyonet.com Ay Idiin Soo Qaadeen
XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.CO


Xildhibaan C/laahi Fartaag oo Iska Casiley Guddiga...

$
0
0

Xildhibaan Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka sare ee jamhuuriyadda ayaa maanta ku dhawaaqey in uu iska casiley xubinimadii guddiga doorashada iyo ku xigeenka guddoomiyaha guddiga doorashada.
Xildhibaan Fartaag ayaa ka qayb-galay xaflad ololaha doorashada ee Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu kamid ahaa kuwii khduabdda jeediyey si cod dheer ahna ku sheegay in codkiisa uu siin doono Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaar kamid ah Musharixiinta ayaa sheegay in Xil. Fartaag uu ku xadgudbey anshaxa doorashada maadaama uu ka qayb-galay ol-olaha doorashada mid kamid ah Musharixiinta, sidaas darteed ay dalbanayaan in uu iskiis isu casilo haddii kale guddiga doorashadu casilo.
Fartaag ayaa sheegay si guddiga doorashada loogu kalsoonaado dartood in uu isu casiley.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Cumar C/rashiid“ Qaar Ka Mid Ah Wadamada Dariska...

$
0
0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ahna murashax u taagan xilka mataxtinimada Soomaaliya ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay hoygiisa Muqdisho ku soo bandhigay qorshayaashiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu doonaya inuu ka qabto wadanka xilligaan soo socda.
Cumar Cabdirashiid ayaa marka horeysa ka hadlay Abaaraha ba'an ee dalka ka jira, wuxuuna ku nuux nuuxsady in ay socdaan dadaalo badan oo heer dowladeed, heer gobol iyo heer caalami ah oo looga jawabayo dhibaatooyinka abaaraha oo hada saameeyey dhamana gobolada dalka, sidoo kale golaha wasiiradu ay go'aamiyeen in lacagaha ku jira khasnada dowlada intooda badan lagu bixiyo wax ka qabashada abaaraha.
Raysal Wasaaraha ahna musharaxa madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadamada dariska ah qaarkood ay ku hayaan faragalin hanaanka doorasho ee dalka, iyagoona culaysyo ku saaraya maamulada qaarkood in ay taageeran musharax ay iyagu wataan.
"Waxaa jira culaysyo isa soo taraya oo ka imanaya wadamada dariska ah qaarkood, iyagoo olole ugu jira musharax gooni ah, arinkaasina wax weyn kama badali karo niyada iyo rabitaanka xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed. Dalku waa mid madax banaan islamarkaana doorashooyinka dhacaya waxaa go'aankooda iska leh Soomaalida" ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kale xusay in aysan marna aqbalayn in faragalin cad logu sameeyo hanaanka doorasho isla markaan dadka Soomaaliyeed ay u madax banaan yihiin cidii ay dooran lahaayeen.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa saxaafada sharaxaad dheer ka siiyey macanaha uu ku fadhiyo halku dhigiisa olalaha doorashada ee ahXasilooni Siyaasadeed, taas oo huwan macno mug leh oo u baahan faham daqiiq ah."Sidaad ka war qabtaan xasilooni siyaasadeed waa hal ku dhigayga doorashada, waana mid qeexaya habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay ku gaari karto hanashada dowladnimo buuxda, Xasilooni siyaasadeed waa hanaan qeexayaa in qaranimadu tahay wax ka dhexeeya dhamaan shacabka Soomaaliyeed, kuna dhisanta is tix gelin iyo is qadarin is aamin ku timaada oo dhex marta bulshadaas. Dadka Soomaaliyeed waxaa kala kaxeeyey qabyaalad iyo dagaalo sokeeye, waxaana markasta shaki badan ka yimaadaa hogaanka dalka oo laga baqo inuu la yimaado eex qabiil oo horseedi karta in uu dhaco aargudasho qabiil. Xasilooni siyaasadeed waxay daawo u tahay in talada dalka la wada yeesho lana muujiyo in dhamaan umadda Soomaaliyeed loo cadaalad falo"
Ra'iisul Wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri "Xisilooni siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo waxay wax weyn ka qabanaysaa, dhismaha hay'addaha dawliga, dhisida ciidanka qaranka iyo kawada shaqaynta amaanka guud ee dalka. Xasilooni siyaasadeed waxay horseedaysaa in la mideeyo dhaqaalaha dalka, oo hadda aad moodo in qolo walba goonideeda u qaado canshuur, taasoo meesha ka saartay taladii guud ee horumarka dhaqaalaha qaran, taasoo yaraysay adeegyada bulshada loo fidiyo ee dhinaca maamulka ka imaan lahayd"
"Xasilooni siyaasadeed waxay furo u tahay dib u heshiisiin waarta oo umadda dhex marta, waxayna horseedaysaa in la abuuro wada shaqayn guud oo ka dhaxaysa hay'adaha dowladda, iyadoo meesha ka saaraysaa in dalku yeesho halkii sanaba xukuumad cusub oo markasta ka soo bilowda meel aysan waxba jirin"
Ugu danbayntii Ra'iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in hannaanka doorashada dalka ee ay ku timid dibu dhacyo badani balse hada marxaladii ugu danabysay la marayo, maanta dalka u dhisan yahay labadii aqal oo wakiilka ka ahaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaa dalka dib u dhac ku yimid hanaanka doorashada oo ahaa in dalka la gaarisiyo hal qof iyo hal cod oo qorshuhu ahaa sanadkii tegey in wadanka laga qabto, nasiib wanaag waxaan dajinay siyaasad loo dhan yahay oo lagu qeexayo habka ugu macquulsan oo doorasho ka duwan tii 2012, waxaana dib ugu celinay kuraasta baarlamaanka deeganadii ay ka soo jeedeen tartamayaashu. Maanta waxaa noo dhisan labadii aqal oo asaaska u ahaa qaranimadeena".
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Baaq loo Diray Maamulka Puntland

$
0
0

Ehelada saddex dhallinyaro ah oo la sheegay inay dileen maleeshiyada taabacsan Daacish ayaa sheegay inay u baahan yihiin in maamulka Puntland uu xil iska saaro ilaalinta dadka rayidka ah.

Baaq loo Diray Maamulka Puntland

$
0
0

Ehelada saddex dhallinyaro ah oo la sheegay inay dileen maleeshiyada taabacsan Daacish ayaa sheegay inay u baahan yihiin in maamulka Puntland uu xil iska saaro ilaalinta dadka rayidka ah.

Beesha Jiidle oo shaacisay in boob lagu hayo...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network) - Kulan ballaaran oo Magaalada Muqdisho ay yeesheen Waxgarad iyo Aqoonyano ka soo jeeda Beesha Jiidle ayaa waxaa looga hadlay boob uu kusiga Xildhibaanimo ee Beeshaasi uu ku hayo Wasiirkii hore ee Dhalinayada iyo Ciyaaradaha Maxamed Cabdullaahi Nuux.
Kulankan oo sidoo kale ay ka qeyb galeen qeybaha duwan ee Beesha Jiidle ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay Waxgarad, Aqoonyahano Musharaxiin u tartameysay Kursiga Beeshaasi.
Ugu horeyn, Musharax Axmed Sheekh Nuur oo ka mid ahaa ilaa 4 Musharax oo u tartamayay Kursigaasi ayaa waxuu sheegay in Beesha Jiidle ay aad uga gilgisheen isku dayga uu kursiga Beeshaasi ku boobayo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha, kaasi oo carqaladeeyay doorasho ka dhaceysay Magaalada Jowhar.
Dhiniciisa, Musharax Nuur Bocor Jeelle oo kulanka ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masiirka Beesha Jiidle loo dhibaateeyo hal shaqsi oo ula jeedo Wasiirka Ciyaaraha Maxamed Cabdullaahi Nuux.
Sidoo kale, Musharax Nasro Axmed Cali Nuur oo hadal ka jeedisay Kulankaasi ayaa waxey shaaca ka qaaday in aan la aqbali doonin in Kursiga ay ku leeyihiin Golaha Shacabka Soomaaliyeed loo boobo hal shaqsi.
Ugu dambeyn, Kulankan oo sidoo kale uu goobjoog ahaa Ugaaska Guud ee Beesha Jiidle, ayaa Ugaas Cabdinaasir Ugaas Nuure, waxuu sheegay in uu aad ula yaabay markii Guddiga Doorashooyinka ay u xagliyeen Wasiir Nuux.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live