Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

TOOS U DAAWO: Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo...

$
0
0


Xilli dhow ayaa la sugaya si rasmi ah doorashada madaxweynaha inay uga billaabato Muqdisho,xidlhibaannada baarlamaanka ee wax dooranaya ayaana ku sugan hoolka doorashada.
22 musharrax oo qaarkood suragal tahay inay doorashada ka haraan ayaa u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya,aad ayaana dalka looga sugaya natiijada doorashada ka soo baxaysa.
Hoos si toos ah uga daawo doorashada


Daawo Doorashada madaxweynaha Somalia oo ka socota Muqdish Live

Dabaal-degyo lugu soo dhaweynayo madaxweynaha cusub...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Bulshada Soomaaliyeed ayaa inta badan soo dhaweysay madaxweynaha cusub ee maanta la doortay.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha ee ka dhacday Muqdisho.
Isku soo baxyo ayaa lugu qabtay deegaanno badan oo dalka ka mid ah,deegaannada Jubbaland,Puntland,gobollada dhexe koonfurta dalka iyo xitaa caasimadda Muqdisho ayaa dadku isku soo baxeen,iyagoo taageerraya madaxweynaha cusub.
Doorashada ayaa si wanagsan oo nabadgalyo iyo dimuquraadiyad ku jirto uga dhacaday caasimadda dalka,dadka Soomaaliyeed ayaana dhammantod ahaa kuwa doonayay isbadal hoggaamineed oo dalka ka dhaca.
Madaxweynaha cusub wuxuu noqonaya madaxweynaha 9 aad ee Soomaaliya ay yeelato.
__RBC Radio

Taarikhda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee baarlamaanka uu maanta doortay waxa uu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurabaha, gaar ahaan dalkan Maraykanka.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo),wuxuu guul weyn ka gaaray doorasho goor dhaweyd soo gaba-gaboowday 184 cod oo u ka heley wareegii labaad ee doorashada ayaa ka dhigtay madaxweynaha cusub,waxaana tanaasulay musharrixiin la tartamayay Xasan Sheekh oo ah madaxweynihii ka horreeyay.
Farmaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka.Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya bishii April 1962-dii.
Wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho.
wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000.
Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha.
Isagoo agaasime guud ka soo noqday hay'ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii ilaa wakhtigan uu ka shaqeynayay.
Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.
Intii uu burburku dhacay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu inta badan ku noolaa dalkan Maraykanka.
Markii ugu horreeysay ee siyaasadda Soomaaliya lugu arko waxay ahayd sanadkii 31 Oktoobar 2010,marka oo loo magacaabay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,xilli dowladdii madaxweyne Shariif Xasan.
Muddo kooban ayuu xilka hayay,isagoo iska casilay taariikhda marka ee eheed 19 Juun 201,waqtiga kooban ayuu ku kasbaday taageerrada dad badan oo Soomaaliyeed,kuwaaso maanta muujinayay sida ay ugu qanacsanyihiin xilka cusub ee u qabtay.
Ugu dambeyntii,wuxuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqday madaxweynihii 9 aad ee jamhuuriyada Soomaaliya.
__RBC Radio

Former PM elected as new Somali President

$
0
0

Former Somali PM Mohamed Abdullah Farmajo, has been elected as the new President of Somalia on Wednesday after a ballot vote by 328 MPs in Mogadishu.
Farmajo was announced to be the winner after Former President Hassan Sheikh pulled out of the race during the third round of the voting process.
Intense Celebratory gunfire burst into the city as thousands have taken to the main streets to show their strong support for the President-elect Mohamed Abdullahi Farmajo.
Former Somali President Hassan Sheikh Mohamud has conceded defeat and welcomed the election of Mohamed Abdullahi Farmajo as the new president of the four years to come.
The new President-elect who holds American passport has served as prime minister for 8 months between 2009 - 2010, whereas he earned the support of the public and army.

Banaabaxyo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Farmaajo...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ka so socdo Banaanbaxyo xoogan oo lagu soo dhaweynayo guusha Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Banaabaxyadan lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa siyaabo kala duwan ay caawa uga socdaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan oo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cirka u ridayaan, waxaana lagu micneeyay rasaastaasi mid dabaaldag ah.
Ugu dambeyn, Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa sidoo kale ka socda dibadbaxyo lagu so dhaweynayo Madaxweynaha cusub.

Dabaal degyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub oo...

$
0
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo qaybo badan oo ka mid ah dalka ka socda Banaanbaxyadii ugu weynaa oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo. Waxaa la arkayaa dadweyne badan oo maraya wadooyinka magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la maqalayaa rasaas badan [...]

Hoggaanka KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Wefti ka Socda...

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Hoggaanka xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Jamhuuriyadda Czech (Jeek) ee ku yaal qaaradda Yurub oo socdaal ku yimi Somaliland.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta kale ee xisbiga, ayaa xarunta xisbiga ku qaabilay maanta weftiga ka socda Czech oo ka kooban siyaasiyiin qaarkood xilal ka hayaan dawladda, khubaro aqoonyahanno ka socda jaamacadaha ah iyo ganacsato ka socota dalkaasi, kuwaas oo hore ula kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.Weftigan oo uu hoggaaminayo Mr. Hynek Kmoni?ek Ergayga guud ee siyaasadda Arrimaha Dibadda kala taliya Madaxweynaha dalka Czech, waxay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ka wadahadleen xaaladaha guud ee Somaliland, siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha, dimuqraadiyadda iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland.Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa uu sharraxaad dheer ka siiyey weftiga taariikhda uu soo maray dalka Somaliland iyo halka uu joogo waqtigan ee guulaha uu gaadhay ah dhinacyada horumarka iyo siyaasadda, gaar ahaana waxa uu uga xog-warramay hannaanka dawladnimo iyo nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Somaliland la isku beddelo talada dalka, kaas oo noqday tusaale ifaya oo Somaliland iyadoo aan la aqoonsanayn ay kaga horreyso inta badan waddamada Gobolka.Md. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu u iftiimiyey weftigan sida beesha caalamku u hagratay shacabka reer Somaliland iyo baahiyaha ay dal ahaan qabaan, waxaannu si gaar ah uga codsaday dawladda Czech inay ka qaybqaadato taageerada qaddiyadda Somaliland, isagoo xusay in Somaliland aad u danaynayso inay xidhiidh qoto dheer la samayso waddanka Czech oo isaga hore ay u kala go'een dalka kale ee la yidhaa Slovakia oo la isku odhan jiray Czechoslovakia.Ugu dambayntii, weftiga ka socda Jamhuuriyadda Czech ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay u socdaan xaqiiqo raadin ay doonayaan inay xogogaal uga noqdaan dalka Somaliland iyo xaaladihiisa, isla markaana socdaal ay ku soo mareen dhawr gobol intii ay joogeen ay ku soo arkeen waxyaabo badan oo aad u soo jiitay, waxaanay ballanqaadeen in xidhiidhka iyo booqashadoodu aanay noqon doonin mid halkaa ku istaagta ee ay sii wadi doonaan.Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed waxa ku wehelinayey kulanka Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Cali Maxamed Cali oo ka mid ah saraakiisha xisbiga.
Somaliland.Org/Hargeysa


Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Soomaaliya iyo...

$
0
0

Daawo: Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Soomaaliya iyo Xasan Sheikh oo laga guulaystay..
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu ka adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayuu ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku guuleystay.
Farmaajo ayaa helay codadka 184 xildhibaan, Xasan Sheekh ayaa helay 97 cod, halka Shariif Sheekh Axmed uu ka helay 46 cod.
Waxaa loo gudbi lahaa wareegga saddexaad maadaama midna uusan wareegga labaad ku helin 219 cod.
Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegga saddexaad kula tartami lahaa Farmaajo, ayaa sheegay inuu tanaasulay, waxaana sidaas madaxweyne ku noqday Farmaajo, oo xilka loo dhaariyey.
VOA

Waa kuma madaxweyne Farmaajo?

$
0
0

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii xassan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo?
Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo. Dugsiga sarena waxa uu uga baxay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole.
Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka.
Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya
Eedeymo musuqmaasuq oo hareeyay doorashada Soomaaliya
Waxa uu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalkan Maraykanka. farmaajo waa aabe dhalay afar caruur ah.
Wuxuu shahaadada koowaad ee B.A-ga iyo shahaadada labaad ee M.A-ga ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-kii iyo 2000.
Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha. Agaasime guud ayuu ka soo noqday hay'ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii.
Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.
Bishii Octobar 14-keedii sanadki 2010-kii Maxamed Cabdulah Farmaajo waxaa loo magacaabay raiisal wasaaraha Soomaaliya, Isaga oo badelay Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo xiligaasi iska casilay bilka hor intii aysan isku dhicin madaxweynihii xiligaasi Shariif Sheekh Ahmed.
Bishii Octobar, 31-geedii 2010-kii, xubnaha barlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixyay raiisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Kontonkii maalmood ee ugu horeysay xafiiska ra'iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku guuleystay bixinta mushaaraadka ciidamda iyo shaqaalaha dowlada.
Dhanka dagaalka, Xukuumadii cusbeyd ee Farmaajo iyo ciidamada AMISOM waxa ay hanteen boqokiiba lixdan caasimada Muqdisho, iyagoo oo ka saaray dagaalyahanadii Al-Shabaab.
Hase ahaate dhowr bilood ka dib khilaaf u dhaxeeyay raiisal wasaare Farmaajo iyo madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenkii baarlamaankii Shariif Xasan Sheekh oo salka ku hayay qabashada doorashada 2011-ka Augosta.
19-kii bishii Juun 2011, ra'iisul wasaare Farmaajo waxa uu iska casilay xilka, Ka dib heshiis lagu soo gaaray Kampala.
Farmaajo ayaa khudbadii uu xilka uga degayay ku sheegay in uu go'aankaasi u qaatay danta dalka iyo dadka awgeed.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyadeeyay geerida ku...

$
0
0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa Tacsi u Diray Ummada Reer Puntland Iyo Shacabka Soomaaliyeed Geerida Ku Timid Madaxweynihii Hore ee Puntland General. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor oo ku geeriyooday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horay u soo noqday Ra'iisalwasaare ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Hambalyo U Diray...

$
0
0

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabduulaalhi Cosoble ayaa hambalyo kal iyo lab ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loo doortay in uu hogaamiyo 4-sano ee soo socota dalkeena, iyadoo uu soo dhoweeyay guulaha waaweyn ee uu dalku hiigsanayo. Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay doorashadani mid [...]

Ruushka oo duqayn ku laayay askar Turki ah

$
0
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii Ruushku uu duqayn xagga cirka ah ku laayay qaar ka mid ciidammada Turkiga

Ruushka oo duqayn ku laayay askar Turki ah

$
0
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii Ruushku uu duqayn xagga cirka ah ku dilay saddex ka mid ah ciidammada Turkiga oo ku sugnaa gudaha Suuriya, sida uu Turkigu sheegay.
Warkan oo hadda soo dhacay faahfaahintiisa dib ayaan ka soo qori doonnaa.


Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo ka hortimid...

$
0
0

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku gacanseyrtay go'aankii dowladda ku dooneysay in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxayna maxkamaddu sheegtay in go'aanka dowladda Kenya uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga. Maxkmadda sare ee dalka Keenya ayaa ku tilmaantay qorshaha dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab mid aan dastuuri ahayn oo ka hor imaanaya sharciga dalkaasi. Xaakimka maxkamadda sare ee dalka Kenya John Mativo ayaa yiri ''go'aanka dowladda wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida, taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go'aankaasi ka soo qaaday mid aan waxba ka jirin". Go'aanka maxkamadda sare ee Kenya ayaa imaanaya, iyadoo wasiirka amniga ee Kenya uu shaaciyay bishii May ee sanadkii tagay in dowladda Kenya ay si rasmi ah u xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab., halkaas oo ay ku nool yihiin kummanaan qaxooti Soomaali ah. Dhanka kale Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee kala ah Human Right Watch iyo Amnesty international ayaa soo dhoweeyey go'aanka maxkamadda sare ee Kenya ay ku hor istaagtay qorshaha dowladdaasi ay ku soo xireysay xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxa ayna sheegeen in uu yahay mid taarikhi ah.

Somaliland oo Hambalyo u Dirtay Farmaajo

$
0
0

Xukuumadda Somaliland ayaa hambalyo u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo shalay lagu doortay magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa lagu yidhi, "Xukuumadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa go'aankii ka soo baxay kulanadii is-daba joogga ahaa ee ay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku kala cuganayeen Mudanaha loo dhiibayo Hoggaanka iyo talada dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya."
"Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waanu ku hambalyeynaynaa xilkaa loo igmaday waxaanannu ALLAH uga baryeynaa inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa ku asturo."
VOA

Beesha Caalamka oo Soo Dhoweysay Doorashada M...

$
0
0

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri "Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale jecelyihiin inay mahad iyo qadarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyagoo uga mahadnaqaya guulihii badnaa ee ay gaareen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna [Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud] uga mahadcelinayaan khudbadiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kaladambayn leh xilka la iskugu wareejiyo"
Waxaa qoraalka lagu yiri "Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed. Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka inay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale [oo dalka ka dhacda]"
Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ku hanweyntahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dalka ka jira.
VOA

Ahlu Suna hails Farmajo’s election, pledges support

$
0
0

Ahlu Sunna Waljama administration has warmly welcomed the election of President-elect Mohamed Abdullahi Farmajo as president of Somalia.
According to the vice president of Ahlu Sunna administration, people living in towns under their admin have greatly celebrated the victory of Farmajo in Thursday's election.
He pledged support to the new President-elect who will take over the office from Hassan Sheikh Mohamud, who has conceded defeat to Farmajo during the third round of the voting.
Ahlu Sunna, which controls large parts in central Somalia has been in battle against Al shabaab since 2008, has now a self-declared regional administration based in Dhusamareb.

Dawladda Somaliland oo Hambalyaysay Madaxweynaha...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org)-Xukuumadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa go'aankii ka soo baxay kulanadii is-daba joogga ahaa ee ay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku kala cuganayeen Mudanaha loo dhiibayo Hoggaanka iyo talada dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waanu ku hambalyeynaynaa xilkaa loo igmaday waxaanannu ALLAH uga baryeynaa inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa ku asturo.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho iyo xal waara oo loo helo arrinta murugada leh ee ka jirta Soomaaliya.
Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland waxa si dhab ah uga go'an in la da-dar geliyo oo la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.Haddaba si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaanu Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqaynaa inuu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaaday Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee ku suntanaa faro-gelinta iyo carqaladaynta Qadiyadda iyo Gooni isu-taagga JSL. Madaxweyne Farmaajo waxaanu kula talinaynaa inuu muhimadda koowaad siiyo sidii u dalkiisa iyo dadkiisa ugu horseedi lahaa nabad iyo degenaansho waarta taasoo ay ku jirto danaha iyo maslaxadaha jaarnimo.
Sidoo kale, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland aanay meteli karin shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aan haysanin kalsoonidooda. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas'uul ah Madaxweyne iyo M/weyne ku xigeen ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah iyo Goleyaal Qaran oo ku yimi rabitaanka iyo Codka ummadda JSL.
Guntii iyo gebagabadii, JSL waxay xasuusinaysaa Madaxweyne Farmaajo in Somaliland ay tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka, waxayna diyaar u tahay inay soo fadhiisato gole kasta oo caalami ah oo xaajadeeda lagu gorfaynayo.
[embedded content]
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cigge (deyr)
Afhayeenka MAdaxtooyada JSL.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live