Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa lugu soo raray...

$
0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa deegaanka Beyra ee duleedka magaalada Gaalkacyo ku qabtay,gaari kuwa xamuulka qaada ah oo lugu soo sararay waxyaabaha qarxa.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa u sheegay Raxanreeb gaariga la qabtay in xog-tiisa lahayay wuxuuna si qardo jeex ah ku soo maray waddooyinka rafka ah ee duleedka magaalada Gaalkacyo.
Inta wuxuu ku daray gaarigan inuu ka yimid gobollada dhexe oo laga dhex helay,sida u sheegay qalab laga farsameeyo qaraxyada, kaasoo la doonayay in la geliyo gudaha deegaannada Puntland.
Sidoo kale,waxaa la qabtay afar ruux oo kale oo gaariga la socotay,kuwaaso hadda ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan,raggan ayaana lugu tuhmaya inay ka tirsanyihiin ururka al-Shabaab.
"Baaritaan ayaa ku socda gaariga iyo afarta ruux ee kale oo la socota,"ayuu yiri sarkaalka u hadlayay ciidamada oo aan bixin faah faahin inta ka badan.
Hay'adaha ammaanka ee gobolka,kama aysan hadlin gaariga goobta uu ka yimid iyo halka uu ka socday,dowladda dhankeeda wali warbixin kama soo saarin.
Wuxuu ku soo aadaya gaarigan lugu qabtay waxyaabaha qarxa,xilli ay socdaal dadaallo ay dowladdu ku dooneyso in lugu xaqiijiyo nabadgalyada,markii ay siyaadeen weerarrada iyo dilalka ka dhacaya deegaanno ay ku jirto magaalada Boosaaso.
Xoogag ka tirsan al-Shabaab iyo Daacish ayaa sidoo kale ku dhuumaleysta buura leyda Galgala iyo deegaanno kale oo ku yaalla bariga fog,halkaas oo ay Puntland kula dagaallanto.
__RBC Radio


Madaxweyne Farmaajo oo dowladda Marekanka kala...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horreeysay sheegay dowladiisa inay kala hadlayso Marekanka xayiraada lugu soo rogay dadka Soomaaliyeed.
Farmaajo oo dhalasho Marekanka ah heysta,waxaa kalo uu ka hadlay xiriirka Marekanka iyo Soomaaliya ka dhaxeeya,wuxuu sheegay xiriir dheer inay labada dal wadaagan.
Wuxuu inta ku daray inuu dadaal ku bixin doono sidii Soomaaliya looga saari lahaa waddamada dadkooda laga xayiray inay tagaan Marekanka.
"Waxaan jeclahay in aan kala hadlo dowlada Maraykanka waana isku dayayaa in go'aanka loogaga xanibay dalka Maraykanka dadka Soomaalida ah dib loogaga noqdo maadaama ay Soomaalida Maraykanka ku nool yihiin dad shaqeysta oo wax ku kordhiya wadanka Maraykanka."ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmo ka hor la doortay muddo dheer ayuu ku noola Marekanka,wuxuuna qaatay dhalashada Maraykanka kaddib markii ay dagaalada sokeeye ka bilowdeen dalka Soomaaliya waxana 4 carruur ah oo uu dhalay ay ku nool yihiin wadanka Maraykanka.
__RBC Radio

Madaxweynaha Puntland oo soo gaadhay Bosaso

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11 February 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Madaxweynha iyo weftigiisa ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku soo dhoweeyey masuuliyiinta gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay waajib ahayd in Dawladda Puntland ay qayb ka ahaato isbedelka Doorasho ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qayb gasho, kor joogtaysana isbedelka doorasho ee Soomaaliya,
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shegay in isbedelka doorasho ee Soomaaliya uu yahay isbedelkii loo baahnaa isla mar'ahaantaana ay Puntland ku kalsoon tahay doorashada loo doortay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.''waxaan mudo todobaada ku maqnayn magaalada Muqdisho oo ay ay ka dhacaysey isbedelkii doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya, Dawladda Puntland oo ka mida Dawladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib baynagu ahayd inaan tagno, ka qayb galo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qayb gasho.''runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoon yihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaa soo kale'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqaynta Dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana uu illahay uga baryyey inay noqoto tii Soomaaliya dib ugu usoo celisa sharafteedii, karaamadeedii iyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Puntland iyo Ummada Soomaaliyeed meel kastay joogaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland General. Cade Muuse Xirsi Boqor.-DHAMMAAD--XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo soo gaadhay Bosaso appeared first on Puntland Post.

Hambalyada iyo Heeshaha: Danduray iyo Cuud

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxa inoo haya Ibrahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo gaaray...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11 February 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Madaxweynha iyo weftigiisa ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku soo dhoweeyey masuuliyiinta gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay waajib ahayd in Dawladda Puntland ay qayb ka ahaato isbedelka Doorasho ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qayb gasho, kor joogtaysana isbedelka doorasho ee Soomaaliya,
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shegay in isbedelka doorasho ee Soomaaliya uu yahay isbedelkii loo baahnaa isla mar'ahaantaana ay Puntland ku kalsoon tahay doorashada loo doortay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
''waxaan mudo todobaada ku maqnayn magaalada Muqdisho oo ay ay ka dhacaysey isbedelkii doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya, Dawladda Puntland oo ka mida Dawladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib baynagu ahayd inaan tagno, ka qayb galo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qayb gasho.
''runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoon yihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaa soo kale'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqaynta Dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana uu illahay uga baryyey inay noqoto tii Soomaaliya dib ugu usoo celisa sharafteedii, karaamadeedii iyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Puntland iyo Ummada Soomaaliyeed meel kastay joogaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland General. Cade Muuse Xirsi Boqor.
RBC Radio

Midowga Yurub oo digniin culus u dirtay Madaxweynaha...

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online)-Midowga Yurub ayaa digniin culus u diray Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii la sheegay inuu ku fogaaday faragalinta Siyaasada Yurub.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa sheegtay in maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kasoo talaabayo xadka, waxa ayna ka digtay inuu kusii fogaado faragalinta muuqata.
Federica Mogherini, ayaa hadalkaani sheegtay iyadoo ku sugan Washington, DC, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inay xadidi doonaan xad dhaafka uu wado Madaxweyne Trump.
Federica Mogherini ayaa tiri "Midowga Yurub ma faragaliyo Siyaasada Mareykanka waxaan dooneynaa in Trump uu joojiyo faragalinta uu ku hayo Siyaasadeena"
"Ma aqbali doono in Maraykanka uu faragaliyo arrimaheena waa in Trump uu ku ekaada arrimaha Mareykanka oo uusan sameyn faragalin muuqata"
Trump ayaa maalmo un ka hor inta uusan la wareegin Xafiiska sheegay in Brexit ay tahay talaaba muhiim ah islamarkaana Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ay aheed caqli wanaagsan.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa hadalka Trump ku sheegtay mid lagu sii kala fogeynaayo Yurub waxa ayna ku goodisay inay qaadi doonaan talaabo lagu faragalinaayo Siyaasada Mareykanka waa haddii aan faragalinta laga joojin.
Talaabadaani ayaa muujineysa mid carro galisay Midowga Yurub, kadib markii Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ay sheegtay in Mareykanka uu kusii fogaanaayo Siyaasada Yurub.Caasimada OnlineXafiiska NairobiCaasimada@live.com

Sawirro + Video: Sidee ayuu u dhacay kulankii ...

$
0
0

Mogadishu (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulankii saacadaha qaatay ee Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa gaaray Xarunta Villa Somalia iyadoo aan loo xirin wax wado ah, waxaana xiliga uu wadada Makka Al-mukarama maraayay garab socday gaadiidka shacabka oo aan la dareensiinin wax dhibaato ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa amnigiisa sugaayay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada AMISOM uu diiday inay galbiyaan.
Kulanka oo saacado qaatay kadib ayaa waxaa ku biiray Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxtooyada Somalia kuwaa oo la kala baraayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Farmaajo.
Waxyaabaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Isbedelka, Xil wareejinta iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha Dowlad kaafisa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed.
Intaa kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Villa Somalia iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada.
Gudaha bishaani ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyo xilka, si loo dardar galiyo howlaha Qaranka Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inuu magacaabo Ra'isul wasaaraha dalka si loo soo dhiso Xukuumada Somalia, ee bedeli doonta Xukuumadii hore ee iminka dhacday.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: " Madaxweynaha cusub ee J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa igu soo booqday Madaxtooyada, oo maalmo ka dib si rasmi ah igala wareegi doona xafiiska".
Xasan Shiikh oo ay ka muuqatay jaceyl iyo farxad ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha cusub waxayna kormeer ahaan usoo mareen qeybaha ay ka kooban tahay madaxtooyada.
Sidoo kalana wuxuu soo dhigay muuqaalka soo dhaweynta madaxweynaha cusub uu u sameeyey waxaadna ka daawan kartaa qeybta hoose ee warbixintaan.
Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Hoos u dhac ku yimid sarifka doollarka Marekanka...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Hoos u dhici ugu ballaarna ayaa ku yimid qiimaha lugu sarifo lacagta doollarka Marekanka suuqyada Soomaaliya,sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ganacsatadiisa.
Saddexdii bilood ee ugu dambeeyay doollarka sarifkiisa ayaa meel sare jogtay,balse hadda lacagta shilinka Soomaaliga oo kor u kacday ayaa sabab u noqontay lacagta doollarka inaysan wax qiimaha ah ka joogin gudaha suuqyada Soomaaliya.
Toddobadyadii ugu dambeysay $1 (hal doollar) ayaa lagu sarifi jiray shilin Soomaali dhan 23,000 (Sedex iyo labaatan Kun), balse maanta suuqyada magaalada Muqdisho waxaa lagu sarifayaa lacag dhan Sh. Som. 16,000 (Lix iyo toban kun).
Waxyaabaha hoosu dhaca keenay,waxaa lugu sheegay in suuqyada Soomaaliya ay soo gashay lacag doollar ah oo badan,taaso qiimo beelisay sarifka.
"Magaalada Muqdisho waad la socotaan hoos u dhaca ku yimid Doollarka Suuqyada Muqdisho, lacago Doollar oo tiro badan ayaa galay suuqyada, taa ayaana keentay in uu saameyn ku yeesho suuqyada dalka oo dhan," sidaa waxaa yiri Maxamuud Yuusuf oo kamid ah sarifleyaasha Kismaayo.
Hoosu dhaca lacagta doollarka ayaa ku soo aaday,isbadalka ka dhacay dalka,waxaana maalmo ka hor soo gabagaboobay ol olaha doorashada madaxweynaha oo la aaminsan-yahay lacago badan inay ku baxeen.
__RBC Radio


Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay hoggaamiyeyaasha...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee dowladda Faderaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulankii ugu horreeyay la qaatay madaxda maamul-gobolleedyada dalka,kuwaada ku sugan Muqdisho.
Kulanka wuxuu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen oo warbaahintu dibadda ka jogtay,waxaana la sheegay inta uu socday in diirrada lugu saaray sidii wada-shaqeyn xogleh ay u dhexmari lahayd dowladda dhexe iyo maamullada dalka.
Hoggaamiyeyaasha shirka ka qaybgalay,waxaa ay ka socdeen maamullada Puntland,Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed,waxaana kulanka ka maqnaa madaxweynaha Jubbaland oo aan isagu Muqdisho imaan.
Saddex maalin oo u dooran-yahay madaxweynaha cusub,wuxuu kulamo joogta ah la qaadanayay danjirayaasha, duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiin, waxaana kulamadaasi gabi ahaan looga hadlayay wada shaqeyn in ay hesho dowladda dhexe ee taageerro xoog-leh.
Madaxweynaha cusub ayaa toddobadyada ina soo aadan laga sugaya ra'iisul wasaaraha,dadka Soomaaliyeed ayaana mar kale u dhug haya cida xilka loo magacaabayo.
__RBC Radio

15 qof oo cudurka shuban biyoodka ugu dhimatay...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa u dhimatay cudurka shuban biyoodka deegaanka Buurdhuxunlee ee gobolka Bakool,sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.
Dadka dhintay waxaa ay u badan-yihin carruur iyo dad waayeelo ah,waxaa kalo xarumaha caafimaadka lugu dabiibaya soddomeeyo ruux oo cudurka shuban biyoodka la jiran.
Deegaanka uu xanuunka ka dilaacay ee Buurdhuxunlee waxaa ay 30 -km u jira magaalada Waajid,waxaana laga soo dayrinaya xaaladda deegaanka,maaddama aysan jirin xarumo caafimaad oo awood leh.
Dhibaatooyinka kale ee deegaanka ka jirta waxaa ka mid ah nabadgalyo xumo,taaso wax adag ka dhigtay inay ka shaqeeyaan hay'adaha caalamiga ah ee caafimaadka.
Labadii sanno ee ugu dambeysay cudurka shuban biyoodka ayaa dad badan ku laa'yay deegaanno ka titrsan koonfurta iyo bartamaha dalka.
__RBC Radio

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore...

$
0
0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.
kulankaani ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.
kulankaan oo warbaahintu ay dibada ka joogtay ayaa waxaa looga hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay xaflada xil wareejinta.
Waa Kulankii ugu horeeyay oo ka fool ka fool ah oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.

Gaas oo shaaciyay go’aanka Puntland kaga aadan la...

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo shir jaraa'id ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee Bosaso, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in Guusha Farmaajo ay Puntland uga dhigan tahay Guul, waxa uuna tilmaamay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan Dowlada cusub.
Hogaamiyaha wuxuu sheegay in Puntland ay kalsooni ku qabto Madaxweynaha Cusub ee la doortay, Maxamed C/llahi Farmaajo, wuxuuna cod dheer ku sheegay in Puntland ay ku qasban tahay inay garab boodo Farmaajo iyo Dowladiisa.
Doorashada ka dhacday Somalia ayuu sheegay inay aheyd mid loo baahan yahay isla markaana ay mar waliba yihiin kuwo taageersan isbedelka ka curtay Somalia.
Hogaamiyaha wuxuu kaloo uu sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u tahay inay wadashaqayn dhow la yeelato Madaxweynaha cusub iyo Ra'isul Wasaaraha uu soo magacaabi doono.
"Isbedelka ka dhacay Somalia waa mid kheyr qaba oo loo baahnaa waxaan ka Puntland ahaan xaqiijineynaa inaan wadashaqeyn dhow la yeelan doono Dowlada cusub"
Hogaamiye C/wali Gaas, ayaa hadalkaani sheegay xili uu maanta ka degay magaalada Boosaaso, waxaana xusid mudan inuu kamid ahaa Hogaamiyayaasha maamulada ee la kulmay Madaxweynaha cusub.Caasimada OnlineXafiiska GarooweCaasimada@live.com

Qiimaha Shilin Soomaaliga oo Sare U Kacay

$
0
0

Dhaqaalayahannada Soomaalida ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Cusub ay saameyn ku yeelatay inuu xoogaa xoogoobo shilinka Soomaaliga marka lagu sarrifayo lacadaha qalaad qaarkood sida doollarka Maraykanka.

Maamulka gobolka Banaadir oo banaanbax ku taageerray...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Isku soo bax ballaaran ayaa maanta ka dhacay caasimadda Muqdisho,waxaana lugu taageerray madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Banaan-baxa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir oo u hoggaaminayay duqa caasimadda Muqdisho,Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo xubnaha kale ee maamulka gobolka.
Boqollaal dad ah oo ka socday degmooyinka gobolka ayaa ka qayb-galay isku soo baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Dahsoon ee ku taalla magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta iyo dadka isku soo baxa ka qayb-galayay la hadlay,wuxuu sheegay bulshada iyo maamulka inay wada-jir usoo dhaweynyaan madaxweynaha cusub ee dalka.
Waxaa kalo uu sheegay in ay ka dalbanayaan dowladda cusub sidii loo caddeyn lahaa maqaanka ay caasimaddu leedahay,isagoo sheegay arrinta in looga baahan-yahay mas'uuliyad inay iska saaran hoggaamiyeyaasha dowladda dhexe.
"Maamulka gobolka Banaadir wuxuu diyaar u yahay inuu raadiyo xaquuqda uu leeyahay gobolka iyo madataala siyaasadeed,madaxda dowladda oo u madaxweynaha ugu horreeyo ayaan ka dalbaneyna inay caddeeyaan maqaamka caasimadda,"ayuu yiri guddoomiye Jimcaale.
Docda kale,bulshada caasimadda ayuu ka dalbadey in wada-jir looga shaqeeyo nadaafadda,wuxuuna sheegay inaysan ogalaan doonin wadooyinka Muqdisho lagu xiro jaqafyo , dhagaxaan iyo kombooyin.Amniga ayuu sheegay in laga rabo in ay sugtaan shacabka gobolka Banaadir ,islamarkaana loo furo wadooyinka.
Banaan-baxa maanta ka dhacday Muqdisho ayaa ka mid noqonaya isku soo baxyo maalintii saddexaad ka socda gobollada dalka iyo waddamada dibadda ee ay Soomaalida ku badanyihiin.
__RBC Radio

Madaxweynaha cusub oo booqday dhismaha madaxtooyadda...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta tagay dhismaha aqalka Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Dhismaha madaxtooyadda waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha cusub,madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud -kaaso si weyn oo diyaar garow ka muuqday ku soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Xasan Shekh Maxamuud ayaa wada qaatay kulan albaabada xiran, inkastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin waxyaabihii ay ka hadleen.
Waxaa laga dheehanayay is araga madaxweynaha cusub iyo madaxweynaha wali madaxtooyadda ku sugan darren farxadeed,waxaana lugu ammaanay madaxweynihii hore sida dimuquraadiyada leh ee u xilka ku wareejinayo.
Kulanka kaddib madaxweynaha cusub ayaa kormeer ku tagay qaybaha ay dhismaha madaxtooyadda Soomaaliya,waxaana kormeerka ku waheliyay madaxweynihii hore.
Madaxweyne Farmaajo wali lama wareegin xilka madaxweynaha,waxaana la filaya munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacaysa madaxtooyadda inuu xilka kula wareegi doono.
Dhinaca kale,waxaa la arkayay madaxweynaha cusub oo tagaya madaxtooyadda iyadoon waddooyinka la xirin,inta waxaa dheer in ammaanka madaxweynaha ay sugayeen ciidamada Soomaalida ah ee gaashan.
Doorashada saddex maalin ka hor ka dhacday Muqdisho,ayaa waxbadan oo wanaag ah usoo jiiday Soomaaliya,sida ay sheegayaan dadka siyaasadda falan-qeeya,maaddama doorashada nabadgalyo lugu soo dhammeeyay si dimuquraadiyad-lehna loo qabtay.
__RBC Radio


Hambalyada iyo Heeshaha: Danduray iyo Cuud

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxa inoo haya Ibrahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo...

$
0
0

Jigjiga (Somaliland.Org)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo u joogay magaalada Addis Ababa, ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya maanta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir oo ka tirsan golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa ku tagay Jigjiga marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamed Cumar.
Weftiga Guddoomiyaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga duhurkii maanta, waxa ku qaabilay gegida diyaaradaha madax ka tirsan Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ka mid yihiin; Afhayeenka Baarlamanka dawlad-deegaanka Soomaalida Md. Maxmed Rashiid Isaaq, Madaxweyne-ku-xigeenka dawladda Ismaamulka Soomaalida, ahna madaxa Beeraha Marwo Sucaad Axmed Faarax, Ku-xigeenka Xafiiska Maamulka dawlad-degaanka Md. Deeq Cabdillaahi Buraale iyo Wasiirka Ganacsiga Md. Khadar Cabdi Ismaaciil.Guddoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga wehelinaya, ayaa lagu wadaa inay ku sugnaan doonaan magaalada Jigjiga maalmaha soo socda, isla markaana kulamo dhexmari doonaan Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Weftiga Guddoomiyaha oo ay hore xubno uga ahaayeen wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland waxay hore magaalada Addis Ababa kulamo shaqo ugula soo yeesheen masuuliyiinta Itoobiya oo uu ka mid yahay Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha danaha labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo si buuxda la isugu afgartay.
Somaliland.Org/Hargeysa

Sawirro + Wareysi: Ar Farmaajo ii geeya oo la kulmay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa caawa Magaalada Muqdisho ku qaabilay ninkii dhalinyarada ahaa, ee suuqa soo geliyay (Ar Farmaajo ii geeya).
C/laahi Maxamuud Cismaan (Daanyeerow) oo ka mid ah dhalinta ku dhaqan Magaalada Jowhar, ayaa habeenkii Arbacada ka qayb qaatay isu soo bax ay dadka reer Jowhar ku soo dhaweynayen guusha uu Madaxweynuhu ka gaaray tartankii doorashada madaxtinimada ee dalka.
C/laahi Maxamuud Cismaan, ayaa ka soo muuqday muuqaal teleefanka gacanta lagu qaaday, laguna baahiyay barraha bulshada, isagoo markaasi ku qaylinaayay (Ar Farmaajo ii geeya) iyo dhalin kale oo ka daba hoorineysay, isla-markaana leh (Waa laguu geynaa).
Dhinacyo kala duwan, ayaa gacan ka gaystay, sidii uu Madaxweynaha Somaliya ku qaabili lahaa C/laahi Maxamuud, waana tallaabo ku haboon hogaaminta dalka iyo dadkuba.
Ninkan dhalinyarada oo beeraley ah, ayaa sheegay in taageero uu u ahaa Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu Ra'iisal Wasaare ka ahaa dalka.
C/laahi Daanyeerow ayaa la hadlay kulanka kadib idaacada Dalsan ee MuqdishoHalkan Hoose Ka Dhageyso Codkiisa
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2017/02/waresi-ar-farmaajo-iigeeya-c-laahi-maxamuud-cismaan-daanyeerow.mp3

Daawo Baadiyaha Gobolka Nugaal oo heesta geela looga...

‘Ar Farmaajo Ii Geeya’ oo lala kulansiiyay...

$
0
0

Kn: Cabdulaahi Maxamuud Cismaan oo ku magac dheer "Ar Farmaajo Ha La Ii Geeyo"ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ugu dambeyntii Cabdulaahi Maxamuud oo si weyn baraha bulshada ku qabsaday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Farmaajo Ha La Ii Geeyo ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo aqbalaada la kulankiisa waxana uu ka codsaday Madaxweynaha in ballanqaadyadii uu u sameeyay bulshada uu hirgeliyo.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay in markii ugu horeysay abid aan gacan qaado ama salaamo Madaxweyne arintaana waxa ay ii tahay mid aan weligey illoobi doonin."ayuu yiri Cabdulaahi Maxamuud Cismaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee taageeradooda u muujiyay waxana uu u mahadceliyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee taageeray doorashadiisii kadib iyo kahorba.
Kulanka Cabdulaahi Maxamuud ee Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka shaqeeyay oo gacan ka geystey Cali Cabdi Wardheere(Cali Yare) oo ka mid ah saraakiisha u qaabilsan ololaha doorashada iyo Agaasimaha Radio Jowhar Maxamed Abukar Caseyr oo ku dadaalay sidii ay u rumoobi lahayd hadaaqa ah Ar Farmaajo Ha La Ii Geeyo.KismaayoNews.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live