Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha  Puntland Iyo Weftigii uu Hogaaminayey...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa kala qayb galay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London habeenimadii Jimcaha 12/05/2017 xaflad soo dhawayn ah uu ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.
Xafladan soo dhawaeynta ah ee madaxweynha dawladda Puntland iyo weftigiisa lagu maamuusayey ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada London oo ah Jaaliyad aad u balaadhan marka loo eego jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee ku sugan wadamada isutaga boqortooyda ingiriiska.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey safarkiisa shaqo wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamaiga Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Budhcad Badeeda Saciid Maxamed Raage, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyda ee xidhiidhka Caalamiga Burhaan Cilmi, Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dr. Sayid, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyda Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 9 May 2017 soo gaadhay maagaalada London kadib markii dawladda Ingiriisku ku casuntay Dawladda Puntland inay kasoo qayb gasho shirkii London ka dhacay 11 May 2017 ee London Somali conference 2017, shirkaas oo lagu casumahqy Dawladda Puntland, Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Madxada Maamul Goboleedyada Soomaaliya, shirkaas oo looga hadlayey sidii looga abuuri deganaasho iyo xasilooni Soomaaliya si loo helo Soomaaliya la jaanqaada caalamka intiisa kale.
Hadaba xafladii soo dhaweynta ahayd ee xalay ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dawladda Federalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubba-Land iyo dhamaan bulshada qaybaheed kala duwan.
Sidoo kalena waxaa door weyn ka qaadatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa fanaantii Soomaaliyeed ee magaalada London oo soo bandhigay heeso wadaniya oo ay ku dhiirigelinayeen Madaxweynaha iyo weftiigiisa, isla marhaantaana qaab suugaameed ku soo bandhigay waxqabadka dawladda Puntland iyo horumarka muuqda ee ka socda Puntland.
Dhinaca kale waxaa xafladani ero koo kooban ka jeediyey Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, xubnahaas oo dhamaantood si isku mida uga hadlay adkaynta amniga, horumarinta Puntland iyo sidii siyaasada DawladdaPuntland ee ku aadan maalgashiga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha loo xoojin lahaa Dawladdana garab loogu siin lahaa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii kulanka soo gunaanaday ayaa sheegay in shirkii dawladda Puntland kasoo qayb gashay ee London Somali conference 2017 uu kusoo dhamaaday jewi degan oo wanaagsan, isla marhaantaana ay muhiim tahay in la helo Soomaaliya siman isku xaquuqa oo si cidaalad ah loogu cadaalad falo si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo dhab ah.
"Puntland waxay rabtaa Soomaaliya lagu dhaqo nidaamka federalisamka, waxaan rabnaa in la qaybsado masuuliyada, markii masuuliyada laqaybsadona waxaa la qaybsanayaa awooda, madaxweynaha Soomaaliya waxuu ahaanayaa Madaxweynaha Dawladda federalka Soomaaliya waana Madaxweynaheenii, lakiin Puntland weligeed Madaxweynaheeda waa lahaanaysaa nidaamka federelka ayaana sidaasa, ninkii diidaya iyo ninkii ogolba Soomaaliya federal ayey ahaanaynaa, waxaan doonaynaa in Soomaaliya xasilooni hesho, waxaan doonaynaa gaajada iyo haraadka in laga baxo waxaan rabnaa in meelkasta oo Soomaaliya ahi ay ay xislooni iyo nabad iyo nolol wanaagsan hesho, waxaan rabnaa inaan tuulo kasata ka hirgelino hal jid iyo hal ceel, waa siyaasada Puntland taasi, waxbarasha iyo caafimaadka ayaan xooga saaraynaynaa, dhisada kaabaayaasha dhaqaalahuna waa halbawlaha siyaasadayda, waxaan rabaa inaan ka togo Puntland isku filan oo meel wanaagsan maraysa wasidaa sidaa sida aan anigu la rabaa Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba" ayuu yidhi Madaxweyna"-DHAMMAAD-XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND
The post Madaxweynaha Puntland Iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Xaflad soo Dhaweyn ah Loogu Sameeyey Magaalada London. appeared first on Puntland Post.


Somaliland oo Faah-faahisay Saamiga Itoobiya Laga Siiyey Dekedda Berbera

$
0
0

Somaliland ayaa faah-faahisay sida loo kala qeybsaday faa'iidada kasoo baxeysa dekedda magaalada Berbera.

Prof. Looxoow Oo Geeriyooday

$
0
0

Allah u naxariistee waxaa xalay gurigiisa oo ku yaalla degdmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Professor Abuukar Cusmaan Abikar oo loo yaqaan Proffesor Looxoow.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Doha

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheye iyo wafti uu hogaamiynayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qadar.
Ra'iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Doha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiiru dawlaha Arimaha dibadda Qadar Suldaan bin Sacad Al-Maraykhi, sii hayaha xilka safaarada Qadar ee Soomaaliya Xasan bin Xamza, Safiirka Soomaaliya Cumar Idiris, iyo madax kale.
Waftiga Ra'iisul wasaare Kheyre oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow iyo masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra'iisulwasaaraha ayaa ka qeyb gali doona shirka Doha Forum oo maalinta bari ah ka furmaya Hotelka Sheraton ee magaalada Doha.
Safarkan ayaa ah safarkii ugu horeeyay oo Ra'iisul wasaare Kheyre uu ugu baxo dalka dibadiisa.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Ra'iisul wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Doha appeared first on Puntland Post.

Woqooyiga Kuuriya: "Wada hadal" waan la galaynaa maamulka Trump

$
0
0

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warantay in Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay wada hadal la geli doonto Maraykanka "hadii duruufuhu saamaxaan."

Imaaraadka: Haween ka tirsan qoyska reer Al-Nahyan oo maxkamadi kaga socoto Brussels

$
0
0

Sideed haween amiirado Carab ah ayaa dacwad lagaga soo oogay maxkamad ku taal Brussels waxaana lagu eedeeyey in ay shaqaalahoodii jidh dileen intii ay magaaladaa joogeen.

Kuuriyada Woqooyi oo gantaal tijaabo ah ridday

$
0
0

Wararka ka imanaya Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Sacuudiga oo xidhey dariqyada magaalada Cawaamiya

$
0
0

Waxa la xidhey wadooyinka magaalada Cawaamiya oo ay Shiicadu ku badan yihiin kadib markii lagu diley nin Pakistani ah iyo wiil yar oo laba jir ah oo dalka u dhashay.


Talyaaniga oo lagu Xiray Soomaali dooneeysay in ay...

$
0
0

Ciidamada Booliska Talyaaniga ayaa xabsiga dhigay Tahriibayaal Soomali oo doonayay in ay ku biiraan dagaalyahanada Daacish.
Howlgal ay ciidamada booliska Talyaaniga ay ka sameeyeen koonfurta dalkaas ayaa lagu qabtay Tahriibayaasha Soomalida waxaana la sheegay in ay qorshaynayeen ku biirista kooxda daacish ee ka dagaalanta dalalka bariga dhexe.
Booliska waxa ay sidoo kale sheegeen in Tahriibayaasha Soomalida ay wateen ducumtiyo been abuur ah islamarkaana ay doonayaan in ay ka gudbaan talyaaniga ayna gaareen Jaziiradda Malta oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dagaalyahano xiriir la leh Daacish.
Booliska ma aysan shaacinin Tirada Soomalida la qabtay.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Talyaaniga oo lagu Xiray Soomaali dooneeysay in ay ku biiraan Daacish appeared first on Puntland Post.

Tartan Ciyaareedkii loo qabtay ardayda Jaamacadda...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post] Waxa la soo gaba gabeyey Tartan ku Badda Cagta ah o ay so qaban qaabisya Jaamacada Badda Cas waxana ciyaarti ugu danbaysay Iskaga Horyimid Wareegii Ugu dadanbeeyay Ee Finalka Labada Kooxood Ee ka kala socday Ardayda Jaamacadda Koowaad Galab Iyo Labaad Subax.
Tartan Ciyaareedkan Ayaa Waxaa Looga Danleeyahay Isdhex-galka Iyo Kor Uqaadista Caafimaad Jirreedka Ardayda .
Labada Kooxood Ayaa Waxa ay Soobandhigeen Ciyaar Wanaag Kudhisan Akhlaaq Iyo Hufnaan
Waxayna Isladhaafiwaayeen gool iyo gool ,
Ugu Danbeyntiina Waxa loo dhigay Gool Kulaad Waxayna Halkaas Guushu Kuraacday Kooxdii Kasocotay Ardayda Labaad Subax.
Masuuliyiinta Jaamacadda Ayaa Waxa ay Guddoonsiiyeen Kooxdii Kuguuleysatay Koobkii ay Udhigtay Jaamacadda Halka Kuwa kaalinta Labaad soogalayna Laguddoonsiiyay Billado Sharafeed.
Ugudanbeyn Maamulka Jaamcadda oo Ugu Horeeyo Guddoomiyaha Jaamacadda Mudane Cabdullahi Shiikh Xassan Cabdisalan Waxa ay Hambalyo Iyo Bogaadin Udireen Dhammaan Ardayda Jaamacadda Ee Ka qaybgashay Tartan Ciyaareedkan Waxayna U rajeeyeen Guul Iyo Horumar.
CABDIQANI BOOSPUNTLAND POST
The post Tartan Ciyaareedkii loo qabtay ardayda Jaamacadda Badda Cas oo la soo geba-gabeeyey appeared first on Puntland Post.

Labo Wiil oo isla Dhashay oo isku dilay Duleedka Jowhar

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Laba ruux oo isla dhashay ay isku dileen dhaxal ka dhexeeyey duleedka degmadaas.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdaan ay tahay mid ilaa haatan ay la yaaban yihiin shacabka Magaalada Jowhar islamarkaana labada wiil ay isku dileen dhaxal ka dhexeeyey.
Wuxuu sheegay in muran labada wiil u dhaxeeyay uu keenay in ay isdilaan islamarkaana uu soo jirey mudooyinkii ugu dambeeyay balse ay xalay ay keentay in ay isdilaan haatan meydkooda uu yaalo Saldhiga Magaalada Jowhar.
"Labo wiil oo walaalo ahaa ayaa isku dilay duleedka Degmada Jowhar,waxa ay isku dileen dhaxal ka dhaxeeyay oo ahaa gaari kuwa Raaxadda ah waxay ku murmeen waa la gadayaa iyo mala gadaayo,toorey ayaa isku adeesadeen labada Wiil, way dhinteen,jowhar arintaan ayaa laga hadal hayaa", ayuu yiri qofka deegaanka.Hoos ka dhageyso Codka.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/05/Cod-Jowhar.mp3
Xasan Maxamed Samatar cowkePuntland Post Muqdisho
The post Labo Wiil oo isla Dhashay oo isku dilay Duleedka Jowhar appeared first on Puntland Post.

Macron oo loo dhaariyay madaxweynaha France

$
0
0

Emmanuel Macron ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha cusub ee Faransiiska, todobaad ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Turkiga iyo Shiinaha oo iska kaashanaya la dagaalka argagixisada

$
0
0

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dhigiisa Turkiga kala hadlay sida ay labada dal isaga kaashan karaan la dagaallanka argagixisada.

Saddex caruur ah oo biyo kula tageen Gobolka Nugaal.

$
0
0

Saddex caruur ah ayay biyo kula tageen daadad kusoo rogmadey deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal sida uu u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST Gudoomiyaha Degmada Buurtinle Maxamed Buurdubi oo sheegay in deegaanka Reedable oo hoosyimaada Degmada Buurtinle saddex caruur ah oo labo walaalo yihiin biyo kula tageen.
Gudoomiye Buurdubi ayaa sheegay in meydkooda maanta lagu aasay magaalada Buurtinle caruurtan oo da,doodu u dhaxayso 7, 8 ilaa 9 sano jir, Halka uu sheegay inay soo badbaadiyeen ilaa 7 qof oo kale oo daadadka biyaha ka korey geedo.
Roobabkii ka da,ay habeen ka hor deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa ahaa kuwii ugu xoog badnaa taariikhda inta laga war hayo 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana si weyn ugu diirsadey dadka iyo duunyadaba.Dhagayso wareysi uu siiyay Gudoomiyaha Buurtinle PUNTLAND POST
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/05/Buurtinle.mp3
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Saddex caruur ah oo biyo kula tageen Gobolka Nugaal. appeared first on Puntland Post.

Kuuriyada Waqooyi oo Ridday Gantaal Kale

$
0
0

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah tijaabisay gantaal kuwa riddada dheer ah oo gaari kayara ilaa 4,500 kiilo-mitir.


Gudoomiye Jawaari oo Muqdisho ka furay Shirka ...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa daah furay Shirka hannaanka dib u eegista Dastuurka dalka.
Xafladda furitaanka Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,Shirkan oo socon doona muddo Saddex cisho ah ayaa waxaa looga hadli doonaa hannaanka dib u eegista Dastuurka waxaana ka qaybgalaya Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada.
C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisa ay ka go'an tahay in Dastuurka dalka lagu qabyo tiro mudo Laba Sano gudahooda ah,wuxuuna tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku yeelan doonaan hannaanka dib u eegista Dastuurka dalka.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkani uu muhim u yahay bulshada Soomaaliyeed maadaama looga arinsanayo hannaanka dib u eegista Dastuurka dalka,wuxuuna xusay iney adag tahay in la helo Dastuurka ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed.
RBC RADIO

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka Ee...

$
0
0

Muqdisho,(SONNA):-Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho, shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go'antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti go'an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.
"Maanta waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaaradda ay soo diyaariso shirkan, inaga waxaa inaga go'an in Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dhamaada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wadatashiyo badan laga sameeyay" ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay Wasiiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Wasaaradda.
"Waxaan aan bogaadinayaa Wasiir Cabdi Xoosh, Wasiir Ku-Xigeenka, iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda oo laba-kacleyn ku sameeynaya hawlaha Wasaaradda oo Qarankeenna muhiim u ah, sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay maal-geliyaan Geedi-socodkan si Dastuurka uu u noqdo mid aan anagu leenahay; shirka waa inoo furanyahay waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan go'aamo mira-dhala" ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.
Ugu dambeyn, shirkan 3da maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay Wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed xoojiya wadashaqeeynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada.
---DHAMAAD---

DAAWO:- Khudbadda Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Ka...

$
0
0

Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyey shirka Doha ee ka soconaya caasimadda dalka Qatar. Hadaba Khudbadda Ra'isulwasaaraha Hoos Ka Daawo:-

RW Kheyre “Aduunka Waxaan Ka Codsanaynaa in Aysan...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka.
Ra'isiwasaaraha ayaa soo hadal qaaday daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.
"Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, inaga kan dowlad ahaan waxaa naga go'an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato" ayuu yiri
Ra'iisul Wasaaraha oo hadalkiisa ku daray "Inagu waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.
Ra'iisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka
"Qaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub ee hadda jirta waxaa ka go'an inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed e dib ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka kus oo barakacay gudaha dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka uga baahanay inay gacan nagu siiyaan" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.Hoos ka Daawo Sawirada
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post RW Kheyre "Aduunka Waxaan Ka Codsanaynaa in Aysan Indhahooda Ka Qaadin Soomaaliya" appeared first on Puntland Post.

SAWIRRO:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Furay...

$
0
0

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho, shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka ka jira. Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka goaEU(tm)antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti goaEU(tm)an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran. "Maanta waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaaradda ay soo diyaariso shirkan, inaga waxaa inaga go'an in Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dhamaada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wadatashiyo badan laga sameeyay" ayuu yiri Wasiir Xoosh. Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay Wasiiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Wasaaradda. |Waxaan aan bogaadinayaa Wasiir Cabdi Xoosh, Wasiir Ku-Xigeenka, iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda oo laba-kacleyn ku sameeynaya hawlaha Wasaaradda oo Qarankeenna [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live