Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

ISIL claims responsibility for bomb attack in Somalia

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
The Islamic State Militants in Somalia have claimed responsibility for a deadly suicide attack in the port town of Bosaso on Tuesday evening, which left at least three people dead.
In a statement released by the Islamic State of Iraq and the Levant's official Amaq news agency, ISIL said they killed Police officers in the attack carried out by its bomber.
The bomber blew himself up at a security checkpoint near a a hotel in the commercial city of Puntland shortly after the evening prayer, according to Radio Shabele's reporter in the area.
The latest reports said the death toll jumped to 5 people, among them Policemen.
A suicide bomber strapped with explosives rushed toward the police at the checkpoint at a busy junction, before blowing himself up, a witness told Radio Shabelle.
Tuesday's attack is the latest attack in an escalating campaign by Al-Shabab in the coastal city, which lies on the Gulf of Aden, and serves the main port and commercial hub for Puntland.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter


DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ruxay Muqdisho &...

$
0
0

Qarax weyn ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Sida wararkii ugu horeeyay sheegayaan qaraxa ayaa ruxay bartamaha magaalada, waxaana laga maqlay qeybo ka mida magaalada.
Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyay, kaasoo ku qarxay agagaarka Dekadda Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Baar ku dhow Dekadda Muqdisho waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka iyo gaadiidka gurmadka degdegga.
Qasaare dhimasho iyo dhawac leh ayaa la soo weriyay inuu qaraxu dhaliyay, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah
The post DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ruxay Muqdisho & Dekadda oo lagu kala cararay appeared first on Warqaad.com.

Mooshinkii Dekadda Berbera oo loo gacan geliyay...

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha dalka u diray Mooshinkii ku saabsanaa heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ee Berbera.
Guddoonka Baarlamaanka oo qoraal dheer ku lifaaqay mooshin ay xildhibaanada Baarlamaanka ka keeneen heshiis Imaaraadku la galay maamulka Somaliland oo saldhig milateri laga siiyay magaalada Berbera ayaa ka dalbaday madaxtooyada iyo xukuumadda inay caddeeyeen mowqifkooda.
Qoraalka oo horaantii bishan la gaarsiiyay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa laga sugayaa jawaab, iyadoo ay xaalad ah soo wajahday labada Gole oo muddo dheer ka aamusnaa heshiiskan oo muran dhaliyay.
Waxaa la aamisan yahay in heshiis qarsoodi ah madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku ogolaaday heshiiska socdaalkii uu ku tegay Imaaraadka, waxaase hadda dib u soo noolaaday Mooshinkan oo noqon doona tijaabadii ugu weyneyd ee hortaalla wadaniyadda Farmaajo.
The post Mooshinkii Dekadda Berbera oo loo gacan geliyay Madaxweyne Farmaajo (CADEYN) appeared first on Warqaad.com.

DFS Oo Ammar Degdeg Ah Lagu Siiyey Iney Wada Hadal...

$
0
0

Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen howlaha guddiga iyo dib u heshiisiintii ay sameeyeen.
Guddoomiyaha guddigan Ismaaciil Macalin Muuse ayaa shaagay iney wax ka qabteen dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada dalka, lagana gaaray dib u heshiisiin dhab ah.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dowladda laga doonayo in ay hirgeliso dib u heshiisiin dhab ah, dhinacyada dowladda kasoo horjeedana sida Al-shabaab aan xalkooda lagu raadin awood, balse wada hadal lalal galo.
"Mabda ahaan waxaan qabnaa in dowladda wadahadal la gasho lana heshiisiiso cid kasta oo Soomaali ah ee kasoo horjeedda, islamarkaana ogol iney miiska wada hadalka soo fariisato iyadoo aan wax shuruud ah ku xireyn, jumladdaan waxaa ku dhan haddii ay yihiin koox siyaasadeed, haddii ay tahay qabiillo si siyaasadeed u abaabulan, haddii ay tahay xoogag mucaarad oo dowladda kasoo horjeeda kol haddii ogolyihiin in miiska soo fariistaan ay dowladda heshiis la gasho, si looga gudbo caqabada ay dhalinayaan, waxaana kamid ah xoogga aan sheegeynno dagaalyahanna Al-shabaab, maxaa yeelay in muddo ah ayaa la dagaallamayey, mana aaminsanin in xoog Milatari lagu xallin karin waxyaabaha dalka ka jira" ayuu yiri guddoomiye Ismaaciil.
Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin siyaasadeed loo sameeyo maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca, isaga oo tilmaamay in Galmudug howlaha shaqo ee laga doonayo ay arrintaasi caqabad ku tahay.
Ugu dambeyn guddoomiye Ismaaciil Macalin Muuse ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in guddigooda aanu shaqeyn, wuxuuna tilmaamay in shaqooyin badan ay soo qabteen, kuwo kalena ay haatan ku haminayaan iney qabtaan.
The post DFS Oo Ammar Degdeg Ah Lagu Siiyey Iney Wada Hadal La Gasho Al-shabaab appeared first on Warqaad.com.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay Jabuuti...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali soo wata safaradda uu dibadda ku tagayo,isagoo booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayuu hadda u ambabaxay dalka Qatar.
Madaxweynaha ayaa booqashadii ugu horreeysay ku joogay dalka Jabuuti,halka oo u kulamo gaar ah kula qaatay madaxweynaha dalkaas Ismaacil Cumar Geelle,Waxaa kalo oo u khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka, waxaa uu maanta ka qeyb galay dhagax dhigga deked cusub ay yeelaneyso dowladda Jabuuti.
Booqashada ayaa u ahayd safarkii saddexaad ee waddamada dariska uu ku tago,wuxuu horey u booqday waddamada Kenya iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa isla maanta u ambabaxay dalka Qatar ,kaddib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Boqorka dalkaas Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani.
Waxaa lugu sheegay safarkan dowladda inay kaga raadineyso dowladda Qatar taageero amni iyo mid dhaqaale,laakin su'aalo badan waxaa dhaliyay madaxweynaha oo xilka haya boqol maalin inuu sagaal jeer dibadda u baxo,waxaase safaradda badan ee madaxweynaha difaacay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo marka sheegay madaxweynaha inuu ku dadaallayo sidii loo wanaajin lahaa taageerrada ay dowladda ka helayso caalamka.
"Annaga oo ka faa'iideysanayna taageerada iyo niyad samida shacabka Soomaaliyeed ay dowladdooda u muujiyeen iyo beesha caalamka oo u aragta in ay Soomaaliya heshay hoggaan lagu kalsoonaan karo, waxaan garaaceynaa albaab walba oo aan isleenahay waxbey idin kala qaban karaan la dagaallanka nabadgalyo xumada iyo saboolnimada"ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan gudaheed galay safaro dhowr ah, sida Itoobiya, UK, Sacuudiga, Jabuuti iyo Qadar oo uu hada booqanayo, waxaana uu dalalka qaar kaga qeyb galay shirar muhiim ah.
Ugu dambeyn,Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Qadar ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.
__
RBC Radio

Al Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Ciidamada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)--Waxaa warar dheeraad ah ay Caawa ka soo baxayaan Weerar Xoogan oo Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Xarumo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degaanka Lambar Konton ee Gobolka Sh.Hoose.
Weerarkan oo Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay labo jiho ka soo qaadeen ayaa sida tilmaamay lagu beegsaday fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degaanada Muura iyo Muuri ee Gobolka Sh.Hoose.
Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in lix ka mid ahaa Al Shabaab halkaasi lagu Dilay, waxuuna sheegay sidoo kale Xarakada laga dhaawacay labo kale.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in labo ka mid ah Al Shabaab ay gacanta ku hayaan, waxuuna xaqiijiyay in hal askari uu dhankooda ka dhintay, labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray Weerarkaasi.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ay uga jawaabayaan hadalkii ka soo yeeray Saraakiisha militariga Dowladda.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Faah Faahin dheeri ah oo ku saabsan Qaraxii galabta...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Qarax loo adeegysaday Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa ayaa gabbal dhicii Maanta lala beegsaday Maqaayad kutaalla Xaafada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab gaar ahaan kasoo horjeedka Soomaali Fruit .
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen oo xiligaa ahayd meel saxmad badan,Waxaana Qaraxa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey 8 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa waxaana ku dhintay 16 kale oo dhammaantood ahaa dad Shacab ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen.Saacid oo kamid ahaa Masuuliyiintii garay goobta uu Qaraxu ayaa ku eedeeyey Al-shabaab iney caadeysteen gumaadka Shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna Alle uga baryey inuu u naxariisto dadkii ku dhintay Qaraxa,wuxuuna u rajeeyey kuwa dhaawaca ah inuu caafiyo.
Gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa goobta ka daad gureeyey Meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxa,Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari kuwa Raaxada ah ayaa Qarxay kadib markii uu soo dhaafay Bar Koontarool oo Ciidanka Dowladda ay ku lahaayeen afaafka hore ee Somali Fruit.
Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weerarkan uu dhiiga badan ku daatay,waxayna sheegeen iney la beegsadeen shir ay lahaayeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
RBC RADIO

Madaxweynaha JFS oo si heer sare ah loogu soo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Doha(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Caawa si balaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad Rasmiya oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero Amni iyo mid Dhaqaale uga heli lahayd Dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas'uulyiin kala duwan.
Madaxweynaha waxaa Safarkiisa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.
Dhinaca kale Madaxwyane Farmaajo ayaa lagu Wadaa inuu Habeen danbe hadii alle idmo Kulan balaadhan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.(SAWIRRO)


Somali President arrives in Qatar on state visit

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Somali President HE Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Doha, the capital of Qatar on a state visit on Wednesday afternoon.
President Farmajo accompanied by several high-ranking officials, including foreign, Security and planning ministers received a cordial welcome at Doha Airport from Qatar government.
According to sources, the President is expected to meet with the Emir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, and will discuss on bilateral relations between the two countries.
The President's trip to Qatar which becomes 10th since taking office in February came after he received an official invitation from Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani last week.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Safarada Farmaajo oo la hadal hayo

$
0
0

Kn: Mid ka mid ah balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor intii aanan la dooranin ayaa waxaa ka mid ahaa in uu badali doono dhaqamada madaxdi hore ee ahayd safarada badan, haddii isaga la doortana uu safarada dibada u dhaafi doono wasiirka arrimaha dibada.
Laakiin taasi badalkeeda muddo 3 bilood ah madaxweynaha wuxuu galayaa safarkii 9aad oo dibada ku aado, kii ugu dambeeyeyna waxa uu haatan ku tagay dalka Qadar.
Wararka waxa ay sheegayaan in Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre uu casuumaad oga keeney Boqorka Qadar, taasi oo la sheegey in ay ku saabsantahay in uu madaxweynaha saxiixa ugu dambeeya ku duugo heshiisyo waaweyn oo labada dawladood ay galayaan.
Madaxweynaha oo laftiisa u muuqda in uu ka walwalsanyahay safarada badan ee uu galayo iyo sida ay dadka u arki karaan ayaa sheegey in dhammaan safarada uu galay aysan jirin wax qarash ah oo oga baxay, islamarkaasina dawladaha isaga casuumey ay diyaaradaha usoo direen, kana bixiyeen qarashaadka kale.
Inta hadda la ogyahay ma jiro safar gaar ah oo uu galay wasiirka arrimaha dibada Yuusuf Garaad, kaasi oo la sheegey in uusan ku faraxsanayn sida ay hadda wax u socdaan.
Waxaase muhiim ah in dhammaan safarada uu galay ay ahaayeen kuwa aad muhiim u ah, waxyaabo wanaagsana kasoo qabsoomeen.
KismaayoNews.com

Madaxweynaha Federaalka oo Kismaayo tagaya

$
0
0

Kn: Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tagi doona magaalada Kismaayo, sida wararku sheegayaan.
Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysey oo uu Farmaajo tagayo magaalada Kismaayo, waxana uu halkaasi kulamo kula qaadan doonaa madaxda ugu sareysa ee dawlad goboleedka Jubbaland.
Qodobada miiska saaran ayaa ka mid ah hawlgalada ciidamada la qorsheynay, qeybsiga kheyraadka dalka, iyo wadahadalo la sheegey in lagu dhameynayo qadiyadii Bakool Sare iyo Koonfur Galbeed.
KismaayoNews.com

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo & Amiirka Qatar oo...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed "Farmaajo" iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.
Madaxweynaha waxaa Safarkiisa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Waxay iyagana maanta la kulmi doonaan Wasirrada dhiggooda ah.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib maanta la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani waxaana kulanka goob joog ka ahaa Wasiiro labada dhinac ka socday.
Waxa ay ka wada hadleen arrimaha Amniga, Abaaraha, sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero uga heli laheyd dalalka ay saaxiibada yihiin iyo waxybaabo kale.
Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, ayaa balan qaaday inay dowladda Soomaaliya ka taageereyso dhinacyada dib u heshiisiinta, Amniga iyo dib u dhiska.
Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, ayaa sidoo kale Madaxweynaha Somalia u balanqaaday inuu ka taageeri doono dhanka dhaqaale oo lagu kabi doono miisaaniyadda dowladda.
Sidoo kale, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, ayaa Farmaajo u balanqaaday inay ka caawin doonaan dhinacyada Tababarada ciidamada iyo qalabeyntooda si looga adkaado Xoogaga xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka mahad celiyay ballanqaadyada uu kala kulmay dowlada Qadar oo kamid ah dowladaha garab taagan Somalia.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu Wadaa in caawa hadii uu Alle idmo Kulan balaaran la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.
The post DAAWO: Madaxweyne Farmaajo & Amiirka Qatar oo Heshiis Xasaasi ah gaaray appeared first on Warqaad.com.

Boqortooyada Sacuudiga oo Shaacisay xilliga ay...

$
0
0

Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa goor dhoweyd shaacisay maalinta uu bilaabanayo soonka bisha Ramadaan ee sanadkan.
Maxkamadda sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa go'aamisay in maaainta Beri ay noqon doonto maalintii ugu dambeysay ee Bisha Shacbaan (30-ka Shacbaan) oo la dhameystirayo bisha.
Waxay maxkamaddu ku dhawaaqday in maalinta Sabtida ah ay tahay maalinta koowaad Ramadaan, sanadkan 1438 Hijriyadda. Dalalka kale ee Sabtida ay u bilaabaneyso Bisha Ramadaan ayaa kala ah: Imaaraadka, Baxreyn, Yeman, Kuweyt, iyo dalal kale.
Go'aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii la sheegay in waayay bishii Ramadaan oo laga raadiyay gobollada kala duwan ee boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay maanta u ahayd 29-ka Shacbaan.
The post Boqortooyada Sacuudiga oo Shaacisay xilliga ay bilaabaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan appeared first on Warqaad.com.

HALIS CUSUB: Maleeshiyada Al-Shabaab oo adoonsatay...

$
0
0

Markii Salma Cali ay billowday baaritaanka halka ay qabteen labo wiil oo la dhalatay sannadkii la soo dhaafay ayaa waxaa u soo baxay wax kale oo ka yaabiyay. Waxay ogaatay in ka sokow ragga u safray Soomaaliya si ay ugu biiraan Shabaabka ay sidoo kalana jiraan haween ay kooxdu qafaalatay si ay uga dhigtaan addoomo ay u galmoodaan.
Salma ayaa si qarsoodi ah u waday baaritaanka xog ku saabsan halka ay walaaladeed ku dambeeyeen. Sababtoo ah haddii la tuhmo in ay kooxda Al Qaacidda xiriirka la leh ay ku biireen, waxaa ka dhalan karta in xoogagga ammaanka ay arrimahaasi fiiri gaar ah u yeeshaan. Mana aysan rabin Salma sidaa.
Sidaas darteed ayay si qarsoodi ah ugu xan qarsatay haween kale oo ku nool Mombasa iyo deegaannada u dhaw iyadoo ka war doontay inay jiraan iyo in kale rag sida walalaheed oo kale maqan.
"Waxaan ogaaday in dadka xaaladeyda oo kale ku sugan ay badan yihiin," ayay tiri Salma.
Balse Salma waxay sidoo kale ogaatay arrin taasi ka duwan -- sheekooyin la xiriira in haweenka si qasab ah loogu kaxeeyo Soomaaaliya.
Haweenka waxay isugu jiraan kuwa da' yar, kuwa waaweyn, Masiixi iyo Muslimiin ku nool Mombsa iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka xeebta.
Waxaa inta badan loo ballan qaaday shaqooyin lagu siin doono mishaar badan amaba in dibedda loo dhoofin doono si ay u soo shaqeystaan. Balse taas badalkeeda waa la afduubay.
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, Salma waxay qaadatay tababar sida loo bixiyo la talinta dhibbaneyaasha, waxayna alkuntay xarun qarsoodi ah oo ay ku taageerto haweenka soo laabanaya.
Haween badan oo soo laabtay ayaa u yimid markii ay maqleen jiritaanka xarunta lagula taliyo dhibbanayaasha soo laabtay.
Qaarkood ayaa la soo laabtay carruur, waxaana laga helay HIV, qaarkood xannunnada dhimirka ayaa ku dhacay.
Qol mugdi ah oo ay si qarsoodi ah ugu kulmaan haweenkan ayay BBC-du booqatay, waxayna nala wadaageen sheekooyin aan horay loo maqlin.
" Rag ayaa intay ii yimaadaan ii galmoon jiray--Xitaa tiradooda kuuma sheegi karo. Saddexdii sano ee aan halkaa joogay, nin kasta ayaa ila seexan jiray", ayay tiri mid ka mid ah haweenka.
" Gabadh kasta oo meesha joogtay labo ilaa saddex rag ah ayaa habeen kasta u galmoon jiray", ayay tiri haweenay kale.
Qaarkood waxaa lagu khasbay inay " xaasas" u nqodaan mintidiinta Al Shabaab, waxayna u muuqataa in qaar kale si addoonsi ah xoog loogu heystay si loogu galmoodo.
Al Shabaab waxay u dagaalmeysaa inay dowlad Islaami ah ka hirgeliso Soomaaliya, waxayna weerarro ka geysatay dalalka deriska ah ee ciidammada u diray Soomaaaliya.
Kenya waxaa ka dhacay weerarro badan oo ay Shabaabku ku sheegeen in ay yihiin kuwa aargoosi ah. Ciidammada Kenya ayaa keynta baaxadda weyn ee Boni ee u dhaw xadka Soomaaliya ka baadigoobaya dagaalamayaasha Shabaab.
Marka aad diyaarad ku dulmarto keyntan, waxaad arkeysaa dhabbo cariiri ah oo ay mintidiintu sameysteen si ay u maraan. BBC-du waxay la hadashay in ka badan 20 haween ah oo dhammaantood ka hadlay in la dhexmariyay howd cidlo ah. Waxay u badan tahay in hawdkaasi uu yahay Boni.
Faith oo mar dhaw uun ka soo baxsatay qafaalashadii ayaa ah xubin cusub oo ka tirsan kooxda Salma.
Iyada oo 16 jir ah ayay lamaane da' ahi u yimaadeen una soo bandhigeen shaqo ay ka siinayaan magaalada Malindi oo xeebta ku taalla.
Iyadoo shaqo aad ugu baahan ayay maalintii labaadba fuushay bas ay saaran yihiin 14 ruux oo kale, dhammaantoodna waxaa la siiyay biyo daroogo lagu daray si ay u cabbaan.
"Markii uu miyirku noo soo noqday waxaan aragnay anaga oo joogna qol ay labo nin ku jiraan," Ayay tiri Faith.
Indhaha ayay maro madaw nagaga xireen. Qolkaas gudahiisa ayayna nagu kufsadeen."
Markale ayaa daroogo la siiyay, Faith-na waxay soo toostay iyadoo joogto kayn mugdi ah waxaana loo sheegay in la dili doono haddii ay isku daydo in ay baxsato.
Iyadoo aad u baqaysa oo kaligeed ah ayay saddexdii sano ee xigtay cunto u karin jirtay rag Soomaali ah oo "gar waawayn".
Uur ayayna ka qaaday kufsigii loo gaystay iyada oo kaligeed ah ayay ilmo ku dhashay kaynta.
"Ayayday hooyo ayaa ahaan jirtay umuliso dhaqameed, sidaas daraadeed aqoon yar ayaan u lahaa hawsha umulinta," ayay tiri waxayna intaas ku dartay in "anigoon cid kale i wehelinin ayay fooshu i qabatay aniga ayaana canugga iska dhaliyay".
Faith ugu dambayn waxaa u suuragashay in ay soo baxsato iyadoo ay gabadheedii yarayd weheliso ka dib markii uu wadada tusay qofka hab dhaqameed wax ku daweeya oo arkay isaga oo kaynta ka raadsanaya dawo dhaqameed.
Gabadheeda oo iyada oo aan dhar xiranin ku soo kortay kaynta ayaa hadda la qabsan la' nolosha magaalada.
Waxay kortay iyadoo la qabatintay "in aan u noolaanno sidii xayawaanka kaynta oo kale", ayay tiri Faith.
Tiro dumar ah oo la hadlay BBC ayaa kaymaha ku dhalay iyaga oo afduub loo haysto.
Sarah, oo ah xaaska nin horay uga barbardagaalmi jiray Al Sahbaab ayaa sheegtay inuu jiro barnaamij lagu abuurayo jiilka xiga ee dagaalamayaasha.
"Xerada aan joogay waxaa laga soo diray haween si ay u soo qoraan haween kale oo ay xerada u keenaan," ayay tiri Sarah. "Waxay rabaan inay helaan haween u dhala jiilka xiga ee dagaalamayaasha."
Inta badan 300 oo haween ah oo ku noolaa xerada aan joogay waxay u dhasheen Kenya, ayay tiri.
Salma waxay sidoo kale taageertaa qoysaska eheladooda ku waayay sida Elizabeth, oo walaasheed la waayay 2 sano ka hor iyagoo markii hore u haystay inay Sacuudiga u doonatay shaqo.
Bil ka dib ayayseqoyskooda ay dib u soo wacday.
"Waxay noo sheegtay inay ku sugan tahay goob aad u xun misana khatar badan leh oo gudaha Soomaaliya ah," ayay tiri Elizabeth. Khadka ayaa ka go'ay mar dambana warkeeda lama maqlin.
Dowladda Kenya inkastooy qirsantahay inay dhibaatadu jirto, haddana Evans Achoki, oo ah guddoomiyaha Mombasa wuxuu qabaa inay adagtahay in qiimeyn laga bixiyo heerka ay gaarsiisan tahay maadama haweenka dhibaatada la kulmay aysan dowladdu macluumaadkaasi la wadaagin.
Inkastoo uu jira barnaamij ay dawladda cafis ugu fidineyso dagaalamayaasha ka soo laabanayo Soomaaliya oo weliba qaarkood dhaqan celin looo sameeyay, haddane waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dad lagu tuhmay inay Shabaab ka tirsan yihiin la waayay ama la khaarijiyay.
"Dadka dowladda ayay ka cabsoodaan," ayay tiri Sureya Xersi oo ka tirsan hay'adda ' Gabdhaha aan Xudduuda lahayn' oo fadhigoodu yahay gobolka xeebta kana shaqeeya la dagaalanka xagjireynta dhallinyarada.
" Labaduba, kuwa iskood u aaday iyo kuwa lagu khasbayba, waxaa loola dhaqmaa inay dambiilayaal yihiin."FG: Magacyada haweenka sheekadan waa la badalay sababa la xiriira ammaankooda.ISHA BBC
The post HALIS CUSUB: Maleeshiyada Al-Shabaab oo adoonsatay dumar si ay ugu galmoodaan (Akhri) appeared first on Warqaad.com.

Jubbaland oo ku dhawaaqday Go’aan aysan ku farxin DF...

$
0
0

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamul goboleedka Jubbaland go'aansatey inaan la aqbali karin habka ay dowladda federaalku u maareynayso kheyraadka dalka.
Warka ayaa lagu sheegay sidoo kale in Sidaa awgeed dowlad goboleedka jubbaland waxay xaq u leedahay inay ka faaiideysato kheyraadkeeda inta laga helayo nidaam la isla ogol-yahay oo lagu wadaagayo kheyraadka Dalka.Hoos ka Akhris War-saxaafadeedka.
The post Jubbaland oo ku dhawaaqday Go'aan aysan ku farxin DF (Akhriso) appeared first on Warqaad.com.


DAAWO: P/Land oo ku maadeysatay Somaliland Xili...

Barlamaanka Jubbaland oo eedeyn dusha kaga tuuray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)- Xildhibaan C/Qaadir Maxamed Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa eedeeyn dusha ugu tuuray Axmed maxamed islaam Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Xildhibaankani ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu handado Xildhibaanada Barlamaanaka islamarkaana Xildhibaankii ka soo horjeesta Siyaasadiisa uu ku tilmaamayo in uu ka tirsan yahay Xarakada Alshabab isagoona carabka ku dhuftay in dhibaatooyin xoogan lagu hayo shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.
C/Qaadir Maxamed Cali ayaa shaaciyey in Xildhibaano ka soo horjeestay siyaasada Axmed Madoobe laga soo masaafuriyey Kismaayo isagoona tilmaamay in xiligan aan loo dulqaadan Karin siyaasada caburinta ah ee Madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe, haddii ay u arkaan ummada Soomaaliyeed nin wadani ah waxaan ku tilmaamayaa ereygii ahaa Xarakada muxuu dowriyaa waa xoon iyo laxdiisiye cidii Xarakada ay u aragto in dhibaatooyin ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed isagaa ugu horeeya Axmed Madoobe wuxuuna ka mid ahaa aas aasayashii Xarakada Alshabab meel uu kaga baxayna Ma Jirto ayuu Yiri Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Cali.
Idaacada Shabelle oo xiriiro kala duwan la sameysay Axmed Madoobe si wax aan ugu weydiino eedeynta Barlamaanka Jubbaland ay u jeediyeen ayaa suuragalin.
Ma jiraan cid si madax bananan u Xaqiijineyso eedeynta Barlamaanka Maamulka Jubbaland.
Dhawaan Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Kudlad Mucaarad ah taasi oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Jubbaland kuwaasi oo ka soo horjeestay siyaasada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Trump oo dhaliilay gaashaanbuurta NATO

$
0
0

Madaxweynah Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliilay waddamada ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO, asagoo hogaamiyayaasha dalalkaasi ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan gaashaandhiggooda.

Xamaas oo dishay rag “la shaqeeyay Israa’iil”

$
0
0

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa dilay saddex nin, oo uu ku eedeeyay in ayaga oo Isra’iil u shaqeynaya ay marinka Qaza ku khaarajiyeen mid ka mid ah taliyayaasha ururkaasi.

Trump oo dhaliilay gaashaanbuurta NATO

$
0
0

Madaxweynah Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliilay waddamada ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO, asagoo hogaamiyayaasha dalalkaasi ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan gaashaandhiggooda.
Trump ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhammaan dalalka NATO ay kharashkaasi gaarsiiyay waxa uu ku tilmaamay heerka ugu yar, oo ah boqolkiiba laba wax-soo-saarka guud ee waddan kasta.
Khudbad uu ka jeediyay xarunta NATO ee Brussels, ayaa madaxweyne Trump waxa uu ka cawday in keliya shan ka mid ah dalalka NATO ay kharash gareeyaan misaaniyaddaasi.
Haseyeeshee tiro dalal ah ayaa ku gacan sayray qiimayntaasi uu sameeyay madaxweynaha Maraykanka.
Trump ayaa sidoo kale ugu baaqay NATO in ay xoogga saarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Kulanka madaxda dalalka ka tirsan NATO, ayaa lagu ansixiyay qorshe uu Maraykanka watay oo ah in la kordhiyo dowrka ay gaashaanbuurtaasi ku leedahay dagaalka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live