Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DEG DEG: RW Kheyre oo Isku Shaandheyn ku sameynaya G...


Arsenal oo markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga

$
0
0

Kooxda Arsenal ayaa markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga kaddib markii ciyaar loo bogay ay 2-1 ku garaacday kooxda uu xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Chelsea.

Arsenal oo markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga

$
0
0

Kooxda Arsenal ayaa markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga kaddib markii ciyaar loo bogay ay 2-1 ku garaacday kooxda uu xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Chelsea.
Chelsea ayaa ku rajoweyneyd in koobka FA-ga ay ku darsato midka Horyaalka Ingriiska ee ay xilli ciyaareedkan ku guulaysatay balse taas Arsenal ayaa diidday oo sidaana tartanka FA-ga ugu dhigtay rikoor cusub.
Natiijada Arsenal ayaa ka dhigan in tababare Arsene Wenger uu yahay tababaraha ugu guusha badan taariikhda tartankan oo waxa uu ku guulaystay todoba jeer.
Kooxda Gunners ayaa si uu muran ku jiro daqiiqaddii shanaad ku dhalisay goolka koobaad oo waxaa u saxiixay laacibkooda Alexis Sanchez, hasayeeshee calanwadaha ayaa calanka kor u taagay isagoo muujiyay in Aaron Ramsey uu ka horreeyay ciyaartoyda Chelsea. Hasayeeshee Ramsey ayaanan taaban kubadda taasna waxa ay u sahashay Sanchez inuu kubadda la ordo oo uu shaqaba cuksiiyo.
Arsenal ayaa iska maamulanaysay qeybtii hore ee ciyaarta oo waaba ay labayn lahaayeen balse Danny Welbeck ayaa tiirka goolka ku dhuftay kubad uu madaxa lahelay, Ramsey-na isla tiirkii ayaa u diiday isla kubadii oo uu xabadka ku soo celiyay.
Victor Moses ayaa qeybtii labaad waxaa laad qurxoon ka badbaadiyay goolhaye David Ospina, ka hor inta aanan loo taagin kaarkii labaad ee huruudda sidaana looga saaray ciyaarta daqiiqaddii 68-aad kaddib markii uu isku tuuray xariiqqa rigoorada.
Markii ay 14 daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta ayaa kooxda Blues-ka lagu naanayso ee Chelsea waxaa ciyaarta ku soo celiyay oo goolkii barbarada u dhaliyay Diego Costa, hasayeeshee laba daqiiqo un kaddib ayaa goolka guusha waxaa Chelsea ka dhaliyay ciyaaryahan Ramsey. Ciyaaryahankan u dhashay Wels ayaa sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee ay Arsenal 2014-kii koobka FA-ga kaga qaadday kooxda Hull City.

Trump oo diiday heshiiska isbedelka cimilada

$
0
0

Hogaamiyayaasha ururka G7 ee dalalka hodanka ah, ayaa ku guuldaraystay in ay ku heshiiyaan qoraal wadajir ah oo ku aaddan isbedelka cimilada adduunka.

Trump oo diiday heshiiska isbedelka cimilada

$
0
0

Hogaamiyayaasha ururka G7 ee dalalka hodanka ah, ayaa ku guuldaraystay in ay ku heshiiyaan qoraal wadajir ah oo ku aaddan isbedelka cimilada adduunka.
Lix ka mid ah todobadaas hogaamiye ayaa markale xaqiijiyay taageerada ay u hayaan heshiiskii Paris, oo ah kii ugu horreeyay ee ay dalalka caalamka ku dhimayaan qiiqa carbon-ka.
Balse madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa diiday in uu markale xaqiijiyo in dalkiisa uu taageersan yahay heshiiskaasi, waxaana uu sheegay in go'aankiisa uu caddeyn doono todobaadka dambe.
Trump ayaa horay ugu hanjabay inuu Maraykanka ka saarayo heshiiska Paris.
Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dood adag oo aan lagu qanci karin ay ka yeesheen arinta isbedelka cimilada.
Balse madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in uu rajaynayo in madaxda kale ay ku qanciyeen Donald Trump, in heshiiskaasi ay ku jirto danta dalka Maraykanka.
Qodobada ay madaxda G7 ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa isu soo dhawaashaha dhanka ganacsiga, iyo weliba walaaca ay Washington ka qabto ganacsiga aan isu dheeli tirnayn.

AKHRISO: Magacyada iyo Halka ay kasoo jeedaan 5 nin...

$
0
0

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday 5 nin oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso ,iyagoo wata gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, kuwaas oo la aaminsanaa inay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab.
Shantaan nin ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inay kamid yihiin Ururka AL-Shabaab isla markaasna ay iyaga soo abaabuleen qaraxa saarnaa Gaariga.
Shantaan nin oo Afar ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Baay ayaa Ciidamada Amniga Boosaaso ay ka qabteen Xilli ay doonaayeen in ay Weeraro Qaraxyo in ay ka geystaan Boosaaso.
Magacyadda Ragga xukunka lagu riday ayaa kala ah:

  1. Cabaas Ibraahim Aadan 26 sano jir ah
  2. Ibraahim Maxamed Canshuur 20 jir ah
  3. Dhaqane Aadan Cabdi Xasan 25 sano jir ah
  4. Aadan Nuur Aadan 27 sano jir ah
  5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq 27 sano jir ah

The post AKHRISO: Magacyada iyo Halka ay kasoo jeedaan 5 nin oo ay Puntland dil ku riday appeared first on Warqaad.com.

Tirada carruurta ay nafaqo-darrada ku hayso Muqdisho oo korartay

$
0
0

Waxaa bishan korodhay tirada carruurta ay hayso nafaqo-darrada ee la seexinayo isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Maanta la kulmay...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta kormeer ku tagay Xarunta Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.C/xakiin Daahir Siciid Saacid,waxayna ka wada hadleen sidii Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Booliska ay iskaga kaashan lahaayeen dardargalinta Qaadista Canshuuraha.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney bixiyaan Canshuurta si dalka uu horu mar u gaaro,wuxuuna sheegay in Shacab walba oo bixiya Canshuurta iney gaaraan Sharaf sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka codsaday Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iney kala shaqeeyaan sidii Shacabka loogu boorin lahaa bixinta Canshuurta.
RBC RADIO


Sicir bararka iyo Ramadaanka Hargeysa

$
0
0

Bisha Ramadaan ee bilowga ah waxa ay dadweynuhu siiba kuwa qoysaska ah aad u iibsadaan khudradda la miirto iyo ta la cunaba, hilibka saanbuusaha laga sameeyo iyo sareenka laga suxuurto.

Shirka dalalka G7 oo looga hadlay dhibaatada Tahriibta

$
0
0

Dalalka ku horumaray warshedaha iyo dhaqaalaha Adduunka G7 ayaa uga hadlay shir khamiistii lasoo dhaafay uga furmay dalka Talyaaniga arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada iyo weliba dhibaatooyinka tahriibta.
Raysal wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo si weyn daba uga riixaysa in shirkaan laga soo saaro qodobo wax looga qabanayo Argagixisada , halka dalalka Jarmalka iyo Faransiisku xooga saarayeen sidii wax looga qaban lahaa Isbedelka Cimiladda iyo Taabo galinta Heshiiskii Paris.
Sidoo kale Dowlada Talyaaniga ayaa iyadu ka dhawaajisay in dhibaatada muuqata ee bini,aadamku maanta tahay sidii wax looga qaban lahaa muhaajiriinta kusoo qul qulaya wadamada midowga Yurub.
Shirkaan ayaa lagu casumay qaar ka mid ah madaxda dalalka Qaarada Africa sida Kenya, Itoobiya,Niger, Najeeriya,Tunisa iyo qaar kale oo lagala hadlayo sidii ay dhalinyaradooda ugala dagaalami lahaayeen tahriibta.Garowe.PUNTLAND POST
The post Shirka dalalka G7 oo looga hadlay dhibaatada Tahriibta appeared first on Puntland Post.

Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka oo si...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii Afaraad barnaamijka ay taaba galineyso maamulka gobolka Banaadir. Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan. Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay inay sharaf u tahay in markale ay qabanayaan tartan cilmiyeedka, iyadoo ay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ay ka kala socon doonaan Warbaahinta Qaranka, sida Telefishinka iyo Radio Muqdisho, isla markaana uu sanadkan yahay kii 7aad ee ay qababeyso Warbaahinta Qaranka. Agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in barnaamijkan uu soo bilowday sanadkii 2012-ka, afar sano oo ka mid ah mudadii la soo qabanayay waxaa maal gelinayay maamulka Gobolka Banaadir, sanadkan waxaa ka qeyb galaya 28 degmo oo ay ku jiran 17-ka [...]

Saddex arrin oo Muqdisho ku hormari karto haddii ay...

$
0
0

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka, waxaa hadda ka jira xooga horumar ah, balse weli sidii loo baahnaa maahan.
Haddii Saddex arrin ay ka hesho shacabka deggan magaaladan waxaa hubaal ah in magaaladan ay noqon doonto mid horumar ah, waxaana kamid ah:

  • Dad oo si dhab ah maalgashi ugu sameysta magaalada
  • La yimaada ka shaqeynta amniga iyo la shaqeynta dowladda
  • Iska saara qabyaaladda una soo jeesta waxqabsi

Hadaba haddii intaan laga helo shacabka Muqdisho waxaa hubaal ah in magaalada ay isbedasho horumar iyo amnina ay gaarto.
The post Saddex arrin oo Muqdisho ku hormari karto haddii ay ka hesho dadkeeda (Akhriso) appeared first on Warqaad.com.

Shariif Xasan oo awooddiisa ku tijaabinaya Al-shabaab

$
0
0

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay ciidamada maamulkiisa duulaan ku yihiin deegaannada Al-shabaab maamulaan.
Wuxuu sheegay in dhankooda weerarkaan kali ku ahaan doonaan si ay u ogaadaan awoodooda iyaga oo aan la socon AMISOM ama Federaal.
"Annaga duulaan ayaan ku nahay Al-shabaab, waxaan ku soconaa meelaha ay joogaan, awoodeenna waa inaan ogaannaa, ciidanka Federaalka iyo AMISOM la'antood waa inan wax qabannaa" ayuu yiri Shariif.
Sidoo kale Shariif Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerarada ugu horreeya ku qaadi doonaan hareeraha magaalooyinka waaweyn si Al-shabaab loo sifeeyo.
K/galbeed waxay qabtaa ciidan gaar ah, kuwaasi oo weerar ku qaada xarumaha Al-shabaab ku leeyihiin Baay iyo Bakool.
The post Shariif Xasan oo awooddiisa ku tijaabinaya Al-shabaab appeared first on Warqaad.com.

XOG CUSUB: Jawaari oo iska sii jeediyey xildhibaanno...

$
0
0

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliy Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa iska sii jeediyey xildhibaanno iska mooshin ka waday.
Xog aynu helnay waxay sheegeysaa in Jawaari uu si gaar ah ula kulmay qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka, ayna ka wada hadleen sidii isaga looga leexin lahaa mooshink.
Waxaa la sheegayaa in qaar kamid ah xildhibaannadan uu siiyey lacag u muuqatay laaluush, si aanu kursiga looga kicin.
Xildhibaannada uu la kulmay waxaa kamid ah, C/rashiid Xidig, Goodax Barre iyo sidoo kale Jeesow, kuwaasi oo isaga muddooyinkaan mucaaradkiisa kamid ahaa.
Waxay hadda u muuqan doontaa in Jawaari laga yareeyay cadaadiska saaran kursigiisa, inkstoo wuxu siyaasad tahay, marwalbana isbedal imaan karo.
The post XOG CUSUB: Jawaari oo iska sii jeediyey xildhibaanno xilka ka qaadi lahaa appeared first on Warqaad.com.

Halkee iska shabahaan Farmaajo iyo Xasan Sheekh?

$
0
0

Durba waxaa soo baxaysa saadaal ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan halka ay iska shabahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Dadka qaar ayaa durba cabiraya halka ay iska shabahaan mas'uuliyiintaan, iyadoo markii aad maqashidna garwaaqsan doontid arrintaasi.
Xasan iyo Farmaajo ayaa iska shabaha ugu horreyn ballanqaadyada badan ee aan fulin.
Madaxweyne Farmaajo, hadal walbo oo uu jeedinayo wuxuu sameeyaa ballanqaad, hadana dhammaantood ma ahan kuwo fula, illaa hadana ma muuqato wax fulay.
Xasan Sheekh sidaas ayuu ahaa, wuxuu dadka tusi jirey aduun wanaagsan, balse kama aanu dhameyn ballamihiisa.
Farmaajo mudadii koobneyd ee uu xilka hayey, ama 100-kiisa cisho wuxuu galay safari badan oo uu sheegay in dalka ay dani ugu jirto, sidaasi oo kalena Xasan Sheekh ayaa soo ahaa.
Waxaa soo bixi doona waxyaabo badan oo Labadan mas'uul iska shabihi doonaan, haddii aanu isbedal keenin Farmaajo.
The post Halkee iska shabahaan Farmaajo iyo Xasan Sheekh? appeared first on Warqaad.com.


KASHIFAAD: Rag ka tirsan DFS oo la shaqeeya Al-shabaab

$
0
0

Warar si hoose ay u heshay wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegaya in ay jiraan rag ka tirsan DFS islamarkaana la shaqeeya Al-shabaab.
Raggan oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa fududeeya qaraxyada ka dhaca Muqdisho, waxaana ay soo gudbiyaan gaadiidka is qarxinaya.
Gaadiid dagaal ayaa la shegaa in lagu soo galbiyo gaadiidka qaraxyada xambaarsan, si aan loogu qaban koontaroollada laga soo galo magaalada.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in gaarigii ku qarxay Muqdisho uu soo galbiyey sarkaal ciidan oo illaa hadda magaciisa la helin, balse kasoo tallaabsiiyey Ex-control Afgooye.
Rag badan oo gacan saar la leh Al-shabaab ayaa jira, qaarkoodna waa ganacsato, saraakiil iyo xubno kale oo DFS ka tirsan.
The post KASHIFAAD: Rag ka tirsan DFS oo la shaqeeya Al-shabaab appeared first on Warqaad.com.

Jabhad ka dagaalanta Liibiya oo burburtay

$
0
0

Ururka ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya - kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo inuu ka dambeeyay weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka Amerikaanka ee Benghazi - ayaa sheegay inay burureen.

Jabhad ka dagaalanta Liibiya oo burburtay

$
0
0

Ururka ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya - kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo inuu ka dambeeyay weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka Amerikaanka ee Benghazi - ayaa sheegay inay burureen.
Ururka Ansaar al-Shariica ayaa la dagaalamayay ciidanka isku tilmaamay inuu yahay xoogga qaranka Liibiya, oo saldhigyada ku leh bariga dalkaasi kaas oo uu abaanduule u yahay Khaliifa Xaftar.
Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu kasoo gaaray dagaaladda, isla markaana la laayay hogaankiisa.
Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ururrada Islaamiyiinta ah in ay u midoobaan dagaalka Benghazi.
Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Maxamed Azahawi, ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Benghazi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar.
Jenaraalka oo ka dagaallama bariga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.
Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahannada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Liibiya.
Jabhadaasi ayaa markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, waxa ay la wareegtay saldhigyadii ciidan ee ku yaallay Benghazi, waxaana ay ka dhigtay goobo lagu tababaro kumannaan dagaalyahan oo intooda badan markii dambe aaday Ciraaq iyo Suuriya.

Dowladda Masar oo Cadaadis ku haysa Madaxweyne...

$
0
0

War lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Masar ay dadaal xoogan ugu jirto iney saldhig militeri ka sameysato gudaha Soomaaliya
Hogaamiyaha Dalka Masar Cabdi Fitaax Al Siisi ayaa casuumaad rasmi ah usameeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la filayo inuu dhawaan tago Qaahira si arimahaas looga wada hadlo.
Dowladda MASAR ayaa xiligii uu dalka ka talinayay madaxweyne Xasan Sh Maxamuud isku dayday iney labo mar ka dhaadhiciso in loo ogolaado in saldhigan militeri ay ka sameystaan Soomaaliya
Qorshaha Masar ayaa ah in la siiyo dhul weyn oo ay ka dhistaan saldhiga militeri, si ay awood ugu yeeshaan geeska Afrika.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda madaxweyne Farmaajo ay aad uga caga jiideyso dalabka Masar maadaama uusan jirin cilaaqaad toos ah ama mid saaxiibtinimo oo udhaxeeya labada dowladood gaar ahaan Siisi iyo madaxweyne Farmaajo.
Hadii Masar loo ogolaado in saldhig militeri ay ka sameysato Soomaaliya, taas waxaa ay halis utahay dowladda Itoobiya oo ay ku muran san yihiin kheyraadka biyaha wabiga Niil oo mara labada wadan
Si kastaba, waxaa la filayaa in siyaasadda ay isbadasho marka madaxweyne Farmaajo uu tago dalka Masar isla markaana laga yaabo in saldhig militeri loo ogolaado Masar
Dowladdaha Imaaraadka, Turkey, Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale ayaa saldhigyo ciidan ku leh Soomaaliya waxaana wadan walba uu leeyahay dano gaar ah
The post Dowladda Masar oo Cadaadis ku haysa Madaxweyne Farmaajo & Itoobiya oo diidan dalabka Siisi appeared first on Warqaad.com.

XOG CUSUB: MD Farmaajo oo diiday dalab halis ku ah...

$
0
0

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hor istaagay qorshe ay soo jeediyeen madaxda Hay'addaha nabad sugida iyo qaar kamid ah la taliyaashiisa.
Hay'adaha amaanka iyo la taliyaasha madaxweynaha ayaa dalbaday in ciidamada gaarka ah ee loogu talagalay amaanka magaaladda Muqdisho awood loo siiyo iney qaab cusub uga nadiifiyaan magaaladda raga hubeysan ee la arko.
Wararka la helay ayaa sheegaya in hay'adaha amaanka ay doonayeen in madaxweynuhu u ansixiyo in la toogan aro marka la arko ciidamo hubeysan oo ku sugan magaaladda Muqdisho.
Laakiin, madaxweyne Farmaajo ayaa la ogaanayaa inuu diiday daladaas sababo la xariira in wali magaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda sidoo kalana aan lakala saari Karin kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo kuwa dowladda taageersan
'Ciidamada amaanka ee nabadeynta Muqdisho maadaama ay dhibaato kala kulmaan kooxo hubeysan, waxaa ay dalbadeen in la siiyo awood ay kula dagaalami karaan, laakiin madaxweynaha waa diiday" sidaas waxaa sheegaya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay iney jiraan ciidamo dowladda ah oo aanan haysan aqoonsiyadii ciidanimo iyo kuwa kale oo intii magaalada laga saaray soo laabtay kuwaas oo hadii lala dagaalamo ay dhibaato ka dhalan karto
Magaaladda Muqdisho, ayaa dhawaan laga saaray ciidamada militeriga ah waxaana sugida amaankeeda loo xil saaray ciidamo si gaar ah utababaran.
The post XOG CUSUB: MD Farmaajo oo diiday dalab halis ku ah Muqdisho oo uga yimid Hay'adaha amaanka appeared first on Warqaad.com.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live