Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Baaq Nabadeed oo ku aadan khilaafka u dhexeeya...

$
0
0

Muqdisho, 07 June 2017 - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah. Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah. DHAMMAAD


DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha Dowlad goboleedka...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay qeybaha bulshada ee magaalada iyo maamulka Gobolka.Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxa ay socod ku mareen goobo badan oo lagu soo dhaweeyay, iyagoo markii dambe u gudbay xarunta maamulka Gobolka ee Galmudug, halkaasi oo ay kulan looga hadlayay xaaladda magaalada ay kula qaateen maamulka Gobolka. Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kula dar daarmay shacabka Gobolka Mudug inay ka shaqeeyaan Nabadda. Waa socdaalkii labaad ee uu Madaxweynaha Galmudug uu ku tego qaar ka mid ah degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo safarkiisa ugu horeeyay ku tegay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud tan iyo markii dhawaan xilka looga caleemo saaray. SAWIR QAADE: DAAHIR FAARAX

Soomaaliya oo soo dhoweysey go’aanka Golaha...

$
0
0

Mogadishu, 07 June 2017 - Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey go'aanka golaha Wasiirada India oo ay ku ansixiyeen Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista. Golaha Wasiirada India oo uu shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha India Shri Narendra Modi ayaa ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo India ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado. Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa sahlaya maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India in loo soo masaafuriyo dalkooda Hooyo. Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in go'aanka golaha Wasiirada India ay soo dhoweynayaan isla markaana maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keeni doono dalkooda Hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda. "Dowladda Federaalka ayaa ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka."ayuu yiri Wasiir Eng Yariisow. Eng. Yarisow oo hadalkiisa wata ayaa yiri "Dowladda Federaalka waxey u mahadcelineysaa Dowladda India oo ka dhabeeysey heshiiskii aan wada gaarnay, isla markaana xushmeeysey si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda Hooyo. Go'aankan waa mid ay qoysaska maxaabiista ku xiran dalka India ay aad u soo dhoweeeynayaan iyo sidoo kale [...]

DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Warfaafinta oo booqday...

$
0
0

Kampala, 7 June 2017 - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo booqasho ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Bulshada ee Uganda (Uganda Broadcasting Corporation (UBC) iyo Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) si uu ugu kuurgalo howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Uganda u hayaan si dalka Soomaaliya looga hirgeliyo Warbaahinta Bulshada iyo dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya. Wasiir Eng. Yarisow oo ugu horreyntii booqday xarunta UBC oo ah Warbaahinta Bulshada Qaranka Uganda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha xaruntaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta ee ku aadan sidii loo aasaasi lahaa Warbaahinta Bulshada Soomaaliyeed (Somali Broadcasting Corporation (SBC)) oo uu Xeerka Saxaafada siinayo sharciyadii loo baahnaa. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in abuurista Warbaahinta Bulshada ay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo sare u qaadi doonta horumarka warbaahinta dalka, gaar ahaan xilli uu dalku isu diyaarinayo xisbiyada siyaasadda oo Warbaahinta Bulshada ay si dhexdhexaad ah ugu adeegi doonta xisbiyada dalka, siyaasadda iyo weliba, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siin doono lagu horumariyo howlahooda ay bulshada u hayaan. Wasiir Eng. Yarisow ayaa sidoo kale intii uu joogey [...]

Mudane Baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday...

$
0
0

Samiira Xasan Cabdulle ayaa ka mid ah mudanayaasha cusub ee baarlamaanka ka soo galay Jowhar.
Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday weerar qarax miino oo lala beegsaday baabuurkeeda xilli ay galabta mareysay xaafada Taleex ee degmada Hodan, Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhacay daqiiqad wax ka yar markii baabuurka xildhibaanka uu dhaafay goobtii ay ku jirtay miino nooca dhulka lagu aaaso, oo loola dan lahaa baabuurka xildhibaanka.
Xildhibaan Samiira ayaa ka badnaaday weerark, waxaase ku dhaawacmay labo ruux oo uu ku jiro qof ilaalo u ahaa xildhibaanada, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni iyo dad goobta ka dhawaa.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in qaraxa uu aad u weynaa, jugtiisana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.
Ma jirto cid sheegatay weerarka illaa hadda, hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay inay weeraro moocan oo kale ku qaadaan xildhibaanada iyo saraakiisha dawlada.
Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle ayaa ka mid ah mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, waxayna ka soo gashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaraxa ayaa dhacay iyadoo ciidamada amniga ee xasilinta Muqdisho ay hawlgal baaritaan baabuurta iyo dadka ah ay maanta ka sameeyeen agagaarka Wadada mashquulka badan ee Maka al-Mukarama.
Gelinkii horana koox hubeysan ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka amaanka, xaafada Carwo Idko ee degmada Warta Nabadda, iyagoo goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Puntland oo sheegtay in ay duulaan ku soo Afjari...

$
0
0

Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar gaadmo ah oo ay Al- Shabaab kusoo qaadeen Saldhig ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ku yaala tuulada Af-Urur.
Wasiir Qarjab ayaa sheegay in ay si adag ciidamadu iskaga difaaceen kooxahan weerarka ah, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shacabka oo ay laayeen dad badan oo daganaa tuulada Af-urur oo ay galeen.
Dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland iyo Ururka Alshabaab ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo iskugu jira Sarakiil Ciidan, Askar iyo dadka Deegaanka.
Puntland wali si rasmi ah uma sheegin inta ka dhimatay in kastoo Wasiir Amniga Puntland uu sheegaya in ay baarayaan inta ay leegtahay dhimashada Askarta ka tirasan ciidmada Puntland.
War lagu qoray Warbaahinta Taageerta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyadda weerarka waxaana ay sheegeen iney ku dileen 61 Askari oo ka tirsan ciidamadda Puntland.
Degmada Carmo oo ka tirasan Gobalka Bari ayaa la sheegay in la keenay Dad dhaawac ah oo gaaraya in ka badan 30 Qof oo iskugu jira Dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Puntland.
Tan iyo sanadkii 2010 oo uu si rasmi ah u bilowday dagaalka ay isaga soo hor-jeedaan ciidamada Puntland iyo Al-shabaab waxaa degaanadaas ka dhacaayey dagaalo goos-goos ah oo khasaare naf iyo hantiba leh geystay.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/06/DHAGEYSI-XASAASI-AH-Dawladda-Puntland-oo-si-adag-uga-hadashay-Dagaalkii-Af-Urur-Dagaal-ka-socda-Buuraleyda-Galgala-PuntlandTimes-Wararkii-ugu-dambeeyey-Puntland-iyo-Somalia.mp3
CABDIQANI BOOSPUNTLAND POST
The post Puntland oo sheegtay in ay duulaan ku soo Afjari doonta Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.

Warbixin: Saameynta Cudurka Shubanka ee Somaliland

$
0
0

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxa deegaanno badan oo Somaliland ah ka dillaacay cuduro ay ka mid yihiin Shubanka, jadeecada iyo nafaqo-darro, kuwaas oo ka dhashay abaarihii ka dhacay deegaannadaas.
Dadka ugu badan waxa dilay cudurka shubanka. Intii cudurkani jiray waxa uu haleelay dad ku dhaw 11,000 oo qof, waxaana u dhintay dad kale meelo kala duwan.
Tirada dhimashada, meelaha uu ka dhacay iyo sida ay imika xaaladdu tahay waxa warbixintan ku eegaya weriyaha VOA Barkhad Maxamuud...

Sh/Dhexe: 8 Qof oo Qarax iyo Weerar lagu Dilay

$
0
0

Ilaa saddex askari ayaa ku geeriyootay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miino kuwa dhulka lagu aaso ah ay gaarigii ay wateen oo ahaa nooca ay Soomaalidu Cabdi Bilaha u taqaano ah kula qaraxday meel aan ka fogeyn garoonka diyuuradaha magaalada Jowhar oo ku yaalla deegaanka macaashka cadayga oo qiyaastii 10km waqooyiga kaga beegan magaalada Jowhar.
Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in gaariga qarxay uu gabi ahaanba bur-buray, waxaana askartii dhaawacu uu soo gaaray la geeyay...


(Daawo)Madaxweyne Xaaf Oo Kormeeray Dhismaha Xabsi...

$
0
0


Xabsigaan oo laga hirgelinayo duleedka dhanka koofureed ee magaalada Gaalkacyo baaxad ahaana ku fadhiyay dhul dhan 500 m2 Ayaa waxana maanta kormeer ku Tagay madaxweynaah galmudug Axmed Dulaace Geele Xaaf.
Madaxweyne xaaf oo ay wehliyaan mas'uuliin ka tirsan maamulka Gobolka Mudug Ee Galmudug Iyo Masuuliyin kale ayaa kormeerkiisa ku tegay dhismaha qabyada ah ee xabsigaasi oo loogu tala galay in lagu xiro dadka Lagu Soo Qabto danbiyada kala duwan.
Axmed dulaace geele xaaf madaxweynaha galmudug oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsigaan si loo helo meel danbiilayaasha lagu ilaaliyo.
Madaxweynaha galmuudg ayaa sidoo kale bulshada deegaanka ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro hormur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha maamulka galmudug in lasoo wareeji doono maxaabiista ku xiray Maamulada somaliland iyo puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsiga.
SAWIR QAADE SAFIYO SH CALIHOOS KA DAAWO SAWIRADA..XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG SHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Somaliland: 10 xildhibaan Golaha Deegaanka Saylac oo...

$
0
0

Sawirka: Degmada Saylac.
HARGEYSA (RBC Radio) Ciidanka booliska maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay illaa 10 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Saylac.
Ciidan boolis ah oo hubeysan ayaa maanta galay xafiisyada xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac, iyagoo xabsiga u taxaabay tobanka xildhibaan oo uu ku jiro gudoomiye cusub oo ay Golaha Deegaanku dhowaan doorteen.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in xariga xildhibaanadaas ay salka ku heyso khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha Golaha Deegaanka iyo gudoomiyahoodii hore oo ay hadda sheegayaan inay xilka ka qaadeen.
Mid ka mid ah xildhibaanada la xiray oo lagu magacaabo Cabdikarin Aw-Aadan Kibaar, ayaa saxaafadda u sheegay in xariga Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac uu ka danbeeyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo uu ku eedeeyay inuu isagu faragalin ku hayo hawlaha Golaha Deegaanka Saylac.
Khilaafka ka dhex taagan Golaha Deegaanka Saylac ayaa la sheegayaa inuu ku saleysan habka maamulka iyo dakhliga, iyadoo madaxweyne ku xigeenka la sheegayo inuu ka horjeestay in xildhibaanada ay ku dhaqaaqaan ceyrinta Duqa Magaalada Saylac.
Xildhibaanada tobanka ah ayaan la ogeyn in maxkamad la geyn doono haddiiba eedeyn lagu hayo, iyo inta uu qaadan doono xarigooda.
http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/06/XARIGA-SAYLAC.mp3

Faahfaahin khasaaraha dagaalkii Buurta Galgala

$
0
0

PUNTLAND POST oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ciidamo ka tirsan Puntland iyo Alshabab ku dhex marey tuulada Af-urur wuxuu gaarayaa dhimashada ilaa 45 askar, saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland iyo afar qof oo shacab ah.
Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyo ka tirsan Alshabab waxaa wararku sheegayaan inuu yahay khasaaraha dhankooda soo gaarey dhimashada 15 ka tirsan dagaalyahanada Alshabab..
Sidoo kale intii uu socday weerarka gaadmada ee saaka lagula beegsadey ciidamo ka tirsan PUNTLAND fariisin ay ku lahaayeen meel u dhaw tuulada Af urur waxaa lagu gubay tiro dhawr baabuur ah oo ay leeyihiin ciidanka Puntland.
Maleeshiyaadka Al-shabab ayaa dib ugu laabtay fariisimo ku yaala qararka buuraha silsilada Golis,Waxaana gaarey subaxnimadii hore ee maanta Af urur ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada Puntland General Siciid Dheere oo hadda halkaas ku saugan.PUNTLAND POST
The post Faahfaahin khasaaraha dagaalkii Buurta Galgala appeared first on Puntland Post.

Malaayiin Qof oo Maanta u Dareeray Doorashada Britain

$
0
0

Doorashada guud ee ka dhacaysa guud ahaan dalka Britain waxaa isu diiwaan-galiyay 47 milyan oo qof oo cod-bixiyayaal ah oo u dareeray sanaadiiqda codbixinta oo gaadhaya 40’000 oo sanduuq si ay u doortaan cidda hogaamin doonta dalkan.

Ra’iiusl Wasaaraha Britain, Thersa May ayaa bil iyo 3 todobaad ka hor ku dhawaaqday doorashada maanta oo xiligeedii laga soo hormariyay.

Sanaadiiqda codbixinta oo saaka loo dareeray ayaa furnaan doona ilaa 10-ka fiidkii ee caawa, natiijada ayaa lagu wadaa...

Comey "Trump Wuxuu iga Doonayey Daacadnimo"

$
0
0

Agaasimihii FBI-da ee shaqada laga eryey James Comey ayaa xubnaha senate-ka Mareykanka maanta u sheegay in madaxweyne Trump uu ka doonayey inuu daacad u noqdo, islamarkaana joojiyo baaritaanka lagu hayo xiriirka kaaliyayaashiisa iyo saraakiisha Ruushka.

Comey "Trump Wuxuu iga Doonayey Daacadnimo"

$
0
0

Agaasimihii FBI-da ee shaqada laga eryey James Comey ayaa xubnaha senate-ka Mareykanka maanta u sheegay in madaxweyne Trump uu ka doonayey inuu daacad u noqdo, islamarkaana joojiyo baaritaanka lagu hayo xiriirka kaaliyayaashiisa iyo saraakiisha Ruushka.

Malaayiin Qof oo Maanta u Dareeray Doorashada Britain

$
0
0

Doorashada guud ee ka dhacaysa guud ahaan dalka Britain waxaa isu diiwaan-galiyay 47 milyan oo qof oo cod-bixiyayaal ah oo u dareeray sanaadiiqda codbixinta oo gaadhaya 40'000 oo sanduuq si ay u doortaan cidda hogaamin doonta dalkan.
Ra'iiusl Wasaaraha Britain, Thersa May ayaa bil iyo 3 todobaad ka hor ku dhawaaqday doorashada maanta oo xiligeedii laga soo hormariyay.
Sanaadiiqda codbixinta oo saaka loo dareeray ayaa furnaan doona ilaa 10-ka fiidkii ee caawa, natiijada ayaa lagu wadaa...


Dhowr qof oo Shuban-biyood ugu dhintay magaalada...

$
0
0

Hay'adda IRC ayaa sheegtay in malaayiin carruur ah oo ku nool Bariga Afrika iyo Yemen ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan cudurka daacuunka iyo cudurada kale ee ka dhasha biyaha ee laga hortegi karo.
Hay'addani ayaa sheegtay in waddamada ay colaadda iyo abaaraha ka jiraan ay yihiin kuwa ugu daran ee ay cuduradani aafeeyeen.
Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegtay in qiyaastii hal milyan oo carruur ah oo ku nool bariga Afrika ay haysato nafaqadarro.
Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada gobolka ee abaarta ay dhibaatada ugu ba'an ka soo gaartay, waxaana qaybo badan oo dalka ka tirsan haatan ka jira shuban biyoodka galaaftay nolasha dad badan.
Deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa ka mid ah deegaanda uu aadka u saameeyay shuban biyoodka, waxaan xaaladda shubanka ee deegaankaasi ka wareysanay Dr Maxamuud Cabdisamed Cali oo ka hawlgala cusbitalka Dhahar.

Muddo kaddib waa sidee xaalada magaalada Raqqa?

$
0
0

BBC-da ayaa markii ugu horeysay muddo kaddib heshay muqaal ku saabsan xaalada magaalada Raqqa ee dalka Suuriya oo in muddo ah ay ka arriminesay Kooxda ISIS.

Maxay Trump uga dhigantahay marqaati furkii James Comey?

$
0
0

Qareenka madaxweyne Trump ayaa ku gacan seyray hadalo uu madaxii hore laanta dembi baarista dalka Mareykanka ee Fbi-da uu ka hor sheegay guddiga sirdoonka ee aqalka Senateka ee dalka Mareykanka.

Warbixin: Maragfurka Comey

$
0
0

Agaasimihii hore ee hey’adda dambi baarista Mareykanka James Comey ee shaqada laga eryay ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu weydiistay inuu u balan qaado inuu daacad u noqonayo

Warbixin: Maragfurka Comey

$
0
0

Agaasimihii hore ee hey'adda dambi baarista Mareykanka James Comey ee shaqada laga eryay ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu weydiistay inuu u balan qaado inuu daacad u noqonayo

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live