Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qadar oo wacad ku martay in aysan 'is dhiibi doonin'

$
0
0

Dawladda Qadar ayaa wacad ku martay in aysan siyaasaddeeda arrimaha dibadda uga "tanaasuli doonin" muranka dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalka Carbeed ee ku eedaynaya in ay xiriir la leedahay argagixisada.


Qadar oo wacad ku martay in aysan 'is dhiibi...

$
0
0

Dawladda Qadar ayaa wacad ku martay in aysan siyaasaddeeda arrimaha dibadda uga "tanaasuli doonin" muranka dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalka Carbeed ee ku eedaynaya in ay xiriir la leedahay argagixisada.
Wasiirka arrimaha dibadda Sheekh Maxamed bin Abduraxmaan al-Thani ayaa sheegay in uu jecelyahay in dublamaasiyad lagu dhameeyo xiisadda sii xoogaysanaysa xalna uusan ku jirin mid milatari, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Qadar ayaa diiday sheegashooyinka ah in ay hogaaminayso taageerada Islaamiyiinta xagjirka ah.
Dhanka kalana warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegtay in lagu soo qaaday weerar dhanka internetka ah.
"Al Jazeera weerar dhanka internetka ah ayaa ku socda waxaana la bartilmaameedsanayaa qaybaheeda kala duwan oo dhan oo ay ka mid yihiin websiteyadeeda iyo baraheeda bulshada", ayay Twitterka ku soo qortay.
Warbaahinta Al Jazeera ayaa qayb ka ahayd muranka hadda taagan, dalalka kale ee Khaliijka ayaana ka mamnuucay dhamaadkii bishii shanaad.
Aljazeera ayaa websaite-keeda ku soo qortay in uu wali shaqaynayo balse uu weerarka lagu hayo uu sii xoogaysanayo isagoo qaabab kala duwan ah".
Dhanka kalana telefeshinka dawladda Qadar ayaa isna sheegay in uu si ku meel gaar ah u xirayo website-kiisa, sababo la xiriira iskudayo lagu doonayo lagu jabsado.
Waxyaabaha kale ee soo kordhay

  • Dawladda Masar ayaa laamaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ugu baaqday in ay baaritaan ku samayso sheegashooyin ah in Qadar ay madax furasho u bixisay hal bilyan oo doolar si loo sii daayo xubin ka tirsan qoyska boqortooyada oo la afduubtay isaga oo ugaadhsi ka samaynaya koonfurta Ciraaq.
  • Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa u duulay Cammaan si uu wadahadallo ula yeesho laakiin saraakiishu faahfaahin kama aysan bixinin.

Cammaan wali qayb kama aha talaabooyinka ka dhanka ah Qadar ee ay dalalka Carbeed qaateen.
Sacuudi Carabiya iyo dalal kale ayaa isu socodkii iyo xiriirkii dublamaasiba ka goostay Qadar Isniintii.
Amiirka dalka Kuwayd ayaa isku dayaya in uu dhexdhexaadiyo murankan ka dhex aloosan Qadar, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta isaga oo dublamaasiyad adeegsanaya.

Dhibaato ka taagan xabaalaha Xamar

$
0
0

Qaar kamid ah dadka Barakacayaasha ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ku adkaatay inay xabalaan carruurta iyo dadka u dhinta cudurka shuban biyoodka, halka qaar na ay maalmo guryaha ku hayaan meydka, madaama ay buuxsameen xabaalaha.
Dadka qaar ayaa sidookale la sheegay in aysan awoodin inay iibsadaan karfanta iyo in ay iska bixiyaan lacagaha la siiyo dadka xabaasha qoda.
Haddabo si an arrimahaasi wax badan uga ogaano ayaanu ka wareysanay Guddoomiyaha degmada Kaxda, Maxamed Ismaciil oo u warramay Bushra Nuur Maxamed.

Xisbiga Talada Haya ee Britian oo Kuraas Luminaya

$
0
0

Dalka Britain Xisbiga Muxaafadka ayaa noqonaya xisbiga kuraasta ugu badan ka hela dorashada guud ee dalkaasi shalay looga dareeray, laakiin ma helayo aqlabiyadda, Sida ay sheegeyso saadaasha goobaha codbixinta,

Xisbiga Talada Haya ee Britian oo Kuraas Luminaya

$
0
0

Dalka Britain Xisbiga Muxaafadka ayaa noqonaya xisbiga kuraasta ugu badan ka hela dorashada guud ee dalkaasi shalay looga dareeray, laakiin ma helayo aqlabiyadda, Sida ay sheegeyso saadaasha goobaha codbixinta,

Theresa May oo soo dhisaysa xukuumad

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa soo dhisaysa xukuumad cusub, ka dib markii ay ogolaansho ka heshay boqorada, xilli xisbigeeda uu hoos u dhac kala kulmay doorashadii guud ee shalay dhacday.
Xisbigeeda muxaafidka oo aan helin aqlabiyadda uu u baahnaa si uu dowlad usoo dhiso, ayaa hadda taageero ka helay xisbiga DUP ee Northern Ireland.
Theresa May ayaa rajeynaysay in doorashada xilligeeda laga soo hormariyay ay ku xoojin doonto awoodda xisbigeeda, balse taa bedelkeeda waxa uu xisbiga lumiyay qaar ka mid ah kuraastii uu ku lahaa baarlamaanka.
Tafaftiraha arimaha siyaasadda ee BBC ayaa sheegaya in Theresa May ay noqon doonto ra'iisul wasaare aan awood badan lahayn, ayna dhici karto in muddo kooban ay xilka hayso.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee labour-ka, Jeremy Corbyn, oo uu xisbigiisa kuraas badan oo dheeraad ah ka helay doorashada, ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaare May in ay iscasisho.
Ra'iisul wasaaraha ayaa xaqiijisay in wadaxaajoodka muhiimka ah ee ku aaddan sidii uu dalkeeda uga bixi lahaa Midowga Yurub, ay billaaban doonaan xilliga loogu talagalay oo ah 19-ka bishan.

Jarmalka oo ku baaqay in la joojiyo go'doominta Qatar

$
0
0

Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday in dadaalo diblumaasiyadeed lagu xalliyo dhibaatada sii kordheysa ee Qatar, taas oo afar dal oo Carab ah ay ku eedeeyeen inay maalgeliso argagixisada.

Jarmalka oo ku baaqay in la joojiyo go'doominta...

$
0
0

Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday in dadaalo diblumaasiyadeed lagu xalliyo dhibaatada sii kordheysa ee Qatar, taas oo afar dal oo Carab ah ay ku eedeeyeen inay maalgeliso argagixisada.
Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Masar iyo Baxrayn ayaa Isniintii waxa ay dalka Qatar u jareen xiriirkii socdaalka iyo midkii diblumaasiyadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, oo hadlayay kaddib markii uu martigaliyay dhiggiisa Qatar, ayaa ku baaqay in la qaado xayiraadaha "badda iyo cirka" ee Qatar lagu soo rogay.
Qatariyiinta ayaa diiday eedaha ah inay taageeraan kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah.
Tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeyo Qatar iyo dalalka ay dariska yihiin, ayaa Jarmalku waxa uu xoogga saarayay in xal diblumaasiydaeed lagu dhammeeyo arrinta.
Mr Gabriel ayaa laba maalmood ka hor la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudi Carabiya, Caadil al-Axmed al-Jubayr, waxa uuna sheegay in dhammaan dhinacyada ay doonayaan "inay ka fogaadaan inay xaaladda sii xumaato".
Kaddibna Jimcaha maanta ah ayuu Mr Gabriel magaalada Wolfenbuettel ee waqooyiga Jarmalka waxa uu kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabduraxmaan al-Thani.
Markaasi kaddibna Mr Gebriel ayaa u sheegay weriyayaasha: "Waxaannu haatan ku qanacsannahay in la joogo saacaddii diblumaasiyadda, oo waxaa qasab ah inaannu wadahadalno; iyadoo ay joogaan saaxiibadayada Ameerikaanka iyo saaxiibadeenna gobolka, waa inaannu iskudayno inaan xal gaarno, gaar ahaan waa in la qaado xayiradaha badda iyo cirkaba,"


Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole oo si adag uga...

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Madaxweynihii hore ee Puntland,hadana ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si kulul uga hadlay weerar shalay kooxda Al Shabaab ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-urur oo katirsan gobolka Bari.
Farole oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii iyo ciidamadi ku waxyeeelloobay weerarkaas, isagoo codsaday in lagu sameeyo baaritaan qoto dheer maadama falkaas uu ahaa mid aan horay uga dhici deegaanada Puntland iyo buuralayda Gal-gala oo ay ku dhuumalaystaan mallayshiyaad katirsan Argagixisada.
Cabdiraxmaan Farole oo hadda ku sugan Waddanka Australia, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay talo isugu yeerto dadweynaha Puntland iyo saraakiisha ku xeel dheer arrimaha ciidamada si wax looga qabto xaaladda cakiran ee gobolka Bari.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in culayska kooxdan ka saaran koonfurta Somalia ay sabab u tahay inay si dhuumalaysi ah ku soo galaan deegaanada Puntland iyagoo doonaya inay ka fuliyaan weeraro argagixiso.
Koox ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa shalay weeraray saldhig ciidamada Dowladda Puntland ay ku leeyihiin deegaanka af-urur oo dhacda aaga Buuraha Galgala halkaas oo ay ku dileen ku dhawaad 30 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland tiro intaa ka badana ay ku dhaawaceen.Halkaan ka dhegeyso codka Faroole.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/06/Hadalka-Farole.mp3____RBC Radio

SAWIRO + DHAGEYSI: Afar Al-Shabaab oo waxyaabaha...

$
0
0

Ciidanka amaanka Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay afar nin, oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.
BELEDXAAWO (RBC Radio) Ciidanka amaanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay afar nin, oo sida lagu eedeeyay ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.
Afarta nin ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Doolow, halkaasoo sida la sheegay, ciidamada maamulka Jubbaland ay ku sameynayeen baaritaan su'aalo weydiin ah.
Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ka hadlay goobtii afarta nin lagu soo bandhigay ayaa sheegay in afarta laga qabtay hal hotel oo ay wada degeen, markii ay magaalada Beledxaawo yimaadeen.
Waxaa goobta lagu soo bandhigay qalab kala duwan oo loo adeegsado diyaarinta qaraxyada, sida sunta budada ee qarxinta sameysa, biro iyo caagag lagu cabeeyo waxyaabaha qarxa, si loo qariyo.
Wasiirku cadeeyay in ujeedada qaraxyadan ay ahayd in baabuurta gaarka loo leeyahay iyo goobaha dadku ku badan yahay in lagu beegsado.
Goobta qalabkaasi lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale waxay saraakiisha amaanku keeneen afarta nin oo aan magacyadooda la sheegin, indhuhuna u duubnaayeen.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/06/WASIIRKA-AMNIGA-JL.mp3
Afarta nin iyo waxyaabaha qarxa ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Afarta nin iyo waxyaabaha qarxa ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Waxyaabaha la soo bandhigay waxaa ku jira sunta budada ee qarxinta sameysa, biro iyo caagag lagu cabeeyo waxyaabaha qarxa, si loo qariyo.
Waxyaabaha la soo bandhigay waxaa ku jira sunta budada ee qarxinta sameysa, biro iyo caagag lagu cabeeyo waxyaabaha qarxa, si loo qariyo.
Waxyaabaha la soo bandhigay waxaa ku jira sunta budada ee qarxinta sameysa, biro iyo caagag lagu cabeeyo waxyaabaha qarxa, si loo qariyo.

SOMALIA: 15 killed as government soldiers fight at...

$
0
0

FILE PHOTO: Baydhabo is the provincial capital of the Southern Somalia region of Bay.
BAYDHABO (RBC Radio) At least 15 civilians died and 10 others wounded after two government forces fought over the control of food aid distribution in Baydhabo in Southern Somalia region of Bay on Friday.
Baydhabo is among the worst drought-hit regions in Somalia.
According to the town's security officials, the fighting broke out after soldiers loyal to the Baydhabo Mayor who Previously secured the aid distribution site blocked another soldiers who wanted to take the food forcibly.
The two forces then exchanged fierce gunfire prompting the death of 15, mostly the drought-affected victims who were queuing to receive the food relief. 10 others are hospital with some in critical condition, the local officials said.
There was an ongoing investigation, the officials who refused to be named as the situation remained tense in the town, confirmed.
In the past there have been several incidents similar to the one today in Baydhabo, whereby rowdy armed militias and hungry government soldiers fought for food aid in towns in the country, including Kismayo, Baydhabo and Abudwak.

TURKEY: FM strongly condemns Al-Shabab attack in...

$
0
0

ANKARA (RBC Radio) Turkish Foreign Ministry on Thursday condemned Al-Shabab raid on a military base in the Somalia's northeastern region of Puntland, that killed more than 50, and injured 40 others.
The surprise attack targeted Puntland's Dervish unit base in Af Urur in the dawn of Thursday.
Turkish Foreign Ministry in a statement condemned Al-Shabab's terrorist attack saying that the raid targeted forces who devoted to stabilize the Horn of African country.
"We strongly condemn this terrorist attack against security forces who devotedly work to ensure peace and stability in the country," the statement said.
Turkey, already a major donor and Somalia's biggest budgetary assistance provider, assured support to the Government of Somalia in its fight against terrorism.
"Our solidarity with the Somali people and government will continue in the fight against terrorism."
On Thursday President Mohamed Abdullahi Farmajo noted how the war on terror was in its dangerous era, remionding how the militant group continued to wreak havoc within the civilians in Somalia.
"This once again proves that the enemy we are facing is dangerous, is bent on causing harm to the peace loving people of this country and must be fought with by all means. We must show no mercy in dealing with Al-Shabab". the Somali-American President said after the militant group claimed to have carried the deadly attack.

Tartan Qur’aan  akhris ah oo lagu soo gaba gabeeyay...

$
0
0

Mu'asasada Dacwada iyo Horumarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii Qur'aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso. Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Qur'aan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka. Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur'aan akhris ah oo sanad waliba bisha Barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso, kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka Puntland ee ka dhici doona magaalada Garoowe. Goobta xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan, waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin Maxamed C/laahi C/axmaan oo ahaa xubin ka mid ah guddiga Garsoorka Tartanka Qur'aanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax u saxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay Qur'aan baristooda. Intaa kadib waxa hadalka qaaty Ustaad Cismaan Maxamed Cumar oo ahaa Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartanka Qur'aanka ee magaalada Boosaaso, waxa uuna ka waramay tirada ardayda sanadkan tartanka ka [...]

Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay Guluf...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa'iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynayo Dhammaan Degaanada Puntland.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.'' Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo dalkooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland''waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada difaacayey dadkooda iyo dalkooda iyo saldhigooda ciidanba, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen tuulada Af-urur sharwada yaashu'' ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda ugus ee Al-shabaab ee kusoo duuley dalkooda, kaas oo lagaga sifaynaayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku filan yihiin, kuna filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha Al-shabaab.''Waxaan u sheegayaa dad weynaha Puntland meel kastoo ay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad dimeedka kusoo duuley dalkooda, dawladda Puntland iyo shacabkeedu waysku filan yihiin, waana ku filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha, waxaa balan igu ah oon balan qaadaynaa in dhul kayaga aanu ka sifayno Al-shabaab, daacish iyo intii u soo dulaan tagtay in ay gumaado shacab kayaga'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland
Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu magcaabay guddi wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaadhey dagaal kaasi.''waxaan shalay magcaabay guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday kana qayb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii wax yeeladu kasoo gaadhtey dhacdadaasi foosha xun''ayuu yiri madaxweynuhu.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah.''waxaan ugu baaqayaa Dawladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay nagu tageeraan dedaalka adage e aan kula jirno ladagaalanka sharwadayaasha usoo tafa-xaytey inay gumaadaan shacabiga Soomaaliyed'' ayii yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
-DHAMMAAD--
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Dhegayso codka madaxweeynaha:-
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/06/Codka-Madaxweynaha.mp3

The post Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed oo Ka dhan ah Shar-wadayaasha Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Puntland oo Dowladda Federalka iyo...

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa saxaafadda shir jaraa'id ugu qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada garoowe ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Tuulada Af-urur oo ka tirsan Gobalka Bari ee Puntland.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaaraabadii ay ka geeriyoodeen Ciidamadii iyo shacabka ku dhintay weerarkaasi,waxaana uu sidookale caafimaad u rajeeyey intii ku dhaawacantay.
Madaxweyne Gaas oo hadal kooban warbaahinta siiyay, ayaa wacad ku maray inay Puntland ka sifayn doonaan kooxaha Daacish iyo Shabaab Buuralayda Galgala ee Gobalka Bari.
Dowladda Federaalka Somalia iyo beesha Caalamka ayuu ka dalbaday inay ka qayb qaataan howlgalka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah ee duullaanka kasoo qaaday deegaanada Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda ugus ee Al-shabaab ee kusoo duuley dalkooda, kaas oo lagaga sifaynaayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku filan yihiin, kuna filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha Al-shabaab.
''Waxaan u sheegayaa dad weynaha Puntland meel kastoo ay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad dimeedka kusoo duuley dalkooda, dawladda Puntland iyo shacabkeedu waysku filan yihiin, waana ku filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha, waxaa balan igu ah oon balan qaadaynaa in dhul kayaga aanu ka sifayno Al-shabaab, daacish iyo intii u soo dulaan tagtay in ay gumaado shacab kayaga'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa intaas ku daray inuu magacaabay Guddi Wasiirro ah oo baaritaan ku sameeya sida ay wax u dhaceen, kuwaasoo sidoo kale ka shaqeeyaa sidii loo caawin lahaa dadkii dhibaatadu soo gaartay, isagoo sheegay in dowladdu aysan joojin doonin howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada.Halkaan ka dhegeyso shirka jaraa,id ee Madaxweynaha.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/06/Madaxweynaha-Puntland-Cabdiwali-Maxamed-Cali-Gaas-oo-ka-hadlay-dagaalkii-Af-urur.mp3____RBC Radio


Kooxo Hubeysan oo Askari DF ka tirsanaa ku dilay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa mid ka mid ka mid ah Ciidamada Minishiibiyada waxa ay ku dileen degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo lagu Magacaabi jiray Cali Salaad ay dileen 2 Nin oo ku hubeysnaa Bastoolado.
Waxaana Ragga Falkaasi dilka ah geystay lagu soo warramayaa in mesha wax ka dhaceen ay isaga baxsadeen.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

SOMALIA: Saudi pressures Somalia to severe ties with...

$
0
0

MOGADISHU (RBC Radio) The oil giant Arab, Saudi Arabia is pushing Somalia to follow its line and severe ties with Qatar, after Somalia's Federal Government declared that it will take neutral role amid diplomatic crisis between the Arab countries.
Last week Somalia announced it will take neutral role and was ready to mediate between Qatar and four Arab countries, namely Saudi, Bahrain, UAE and Egypt who said to have severed ties with Qatar.
According to sources in Mogadishu, Saudi met its full blow after a senior diplomat sent to Mogadishu last week met President Mohamed Abdullahi Farmajo to convince Mogadishu to join the four Arab states that severed diplomatic ties with Qatar.
"President Farmajo clearly told the Saudi diplomat that Somalia was a friendly country to all Arab states, and that it was ready to open arbitration talks to ease the growing tension between Qatar and the four countries [Saudi, Bahrain, UAE and Egypt]." the source told RBC Radio.
But instead, the Saudi diplomatic returned with disappointment.
This soon resulted a bad effect on Somalia's hopes for support from Saudi Arabia, especially promises made by the Saudi King during a recent visit by Somali President Farmajo to the Kingdom.
Somali government was forced to change its ministerial level delegation to Saudi earlier this week, and instead dispatched Permanent Secretaries to Riyadh to meet Saudi officials.
The Somali delegation was supposed to discuss their Saudi counterparts on ways forward for several high profile projects which Saudis pledged in support for the new government of Somalia.
Qatar is also a friendly nation with Somalia and maintains strong influence when it comes to Somalia's new President whose new Chief of Staff Fahad Yasin is a longtime former Al-Jazeera employee.
Qatar also pledged to pay a budgetary backing to Somalia Federal Government.
Somali Presidential source said, the Federal Government of Somalia does not in any circumstance wish to involve in the current crisis with the Gulf and Arab states, but would also need their support, that seem o be coming with conditions.
Last year, Somalia's then President Hassan Sheikh Mohamud sided with Saudi-led Sunni Arab countries after Saudi suggested all Arab countries to severe ties with Iran, Shia Muslims. Mogadishu immediately followed suit and expelled Iran's ambassador and closed down its embassy in Mogadishu.

Dhageyso: Barnaamijkii xiisaha lahaa ee Hambalyada...

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

Somaliland oo sheegtey in ay xiriirka u jartay Qatar

$
0
0

Kn: Golaha Wasiirada Somailand oo uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ayaa sheegay inay si toos ah u taageerayaan xulafadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ay xidhiidhka u jareen wadanka Qadar.
Somaliland ayaa sheegay in aanay ogolayn cid kasta oo taageerta argagixisadda ama nabadgalyada caalamka wax u dhimaysa, waxaanay inay la mawqif yihiin dalalkaKHaliijka ee xidhiidhka u jaray wadanka Qadar.
"Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Soomaaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxaa ay golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso."ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo akhriyey go'aankii ka soo baxay shirka golaha wasiiraddda.
Go'aamadda golaha wasiiradda ka soo baxay waxay u qornaayeen sidan:
1. in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
2. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale, wasiirka Duulista hawadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo isagu warbaahinta la hadlay saaka ayaa sheegay in Dawladda Qadar u ogolaanayaan inay isticmaalaan hawadda Somaliland.
Waxaanu sheegay inay maalin kasta ay diyaaradaha Qadar soo maraan hawadda Somaliland,isla markaana og yihiin maalin kasta diyaaradaha kala duwan ee hawadda Somaliland soo mara.
"nidaam baanu leenahay haddii aynu Somaliland nahay aanu ku maamulno diyaaradaha hawadeenna soo mara, waxaanu diwaangalinayaa saacad walba iyo maalin walba diyaaradaha hawadeenna soo mara, marka diyaadaha Qadar Airways waanu la socona oo jidka ay maraan, oo waxay soo maraan hawadeena oo waxay ka soo wareegaan Iiraan, Cumaan waxayna hawadeena ka soo galaan Laasqoray oo ay Hargeysa soo dul maraan oo dalalka Afrika kaga sii gudbaan"ayuu yidhi wasiir Haybe oo isagu taageersanaa inay diyaaradahoogu soo maraan hawadda Somaliland.
Wasiirka hawadda Somaliland ayaa u muuqday mid aan wax badan kala socon shirka golaha wasiiradda iyo go'aamadda ka soo baxay, taas oo ay is burinayaan labadda hadal ee ay ku kala hadleen.
KismaayoNews.com

Sucuudiga oo Soomaaliya ku qasbaya in ay xiriirka u...

$
0
0

Kn: Dowladda Sacuudiga ayaa lagu waramayaa in ay cadaadis ba'an ku saareyso dowladda Soomaaliya in ay dib uga laabato mowqifka ay ka qaadatay khilaafka ka taagan wadamada Carabta islamarkaana xiriirka u jirto dowladda Qatar.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balanqaaday in uu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku iman karo haddii ay Soomaalia ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan taageerin mowqifka Sacuudiga uu ka qaatay Qatar.
Dhawaan waxaa tagay dalka Sacuudiga wafdi heer wasiiro ah oo ka socday dowladda Soomaaliya, kuwaa oo la sheegay in ay qaabileen agaasimayaal, halkii uu markii hore qorshuhu ahaa in ay is arkaan wasiirada dhigooda ee dalkaasi Sacuudiga.
Daahir Maxamuud Geelle oo ah safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa dhiniciisa qiray in wasiirradii ka socdayi DF Soomaaliya aysan is arag dhigooda boqortooyada Sacuudiga, hasse ahaatee ay la kulmeen mas'uuliyiintii ay quseysay ujeedada socdaalkooda.
''Waxaa run a in aysan is arag wasiirradii dhigooda ahaa , laakiin markii horeba qorshuhu ma aheyn in ay wasiiro kulmaan, tusaalle ahaa wafdiga waxaa ka mid ahaa wasiirka duulista hawada waxaa ay is arkeen dad ka socday wasaarrada duulista hawada Sacuudiga, '''ayuu yiri safiirka.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhinaca kale sheegay in wafdi ka socday dowladda Sacuudiga oo loo xilsaaray in arintan ay kala hadlaan dowladda Soomaaliya tageen magaalada Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha, balse waxaa uu beeniyay in wafdigii dhawaan tagay Sacuudiga ee ka socday xukuumada Soomaaliya lagu soo hadal qaaday in Soomaaliya xiriirka u jarto Qatar.
''Wafdi sharaxaad ka bixinaya mowqifka dowladda Sacuudiga ee Qatar Muqdisho ayeey tageen madaxweynaha Soomaaliya ayeey la fariisteen, waa run in aragtida Sacuudiga iyo Soomaaliya ee ku aadan Qatar ay kala duwan tahay, laakiin wafdigii halkan yimid ee wasiirada ahaan marnaba arintaa laguma soo hadal qaadin'' ayuu yiri safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle.
Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in uusan ka warqabin safar wasiirka arimaha dibada Sacuudiga uu ku tagi doono wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay, isaga oo dhinaca kalana meesha ka saaray mugti la sheegay in uu soo kala dhax-gallay xiriirka labada dowladood ''Waxaan rabaa in aan kuu caddeeyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Sacuudiga ma jiro wadan Carbeed oo ay la leedahay, '' ayuu hadalkiisa sii raaciiyay safiir Geelle.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay dhaxdhaxaad ka tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadamada Khaliijka, waxaana ay ku baaqday in wada hadal wax walba lagu dhameeyo.KismaayoNews.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live