Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

TOOS UDAAWO: Jabuuti oo Xuseysa Maalinta Xoriyadda &...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Magaaladda Jabuuti ee dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti waxaa maanta loo dabaal dagayaa sanad guuradii 40-aad ee kasoo wareegatay markii ay xoriyada ka qaateen gumeystihii France.
Xaflad balaaran ayaa ka socota garoonka weyn ee magaaladda halkaas oo uu madaxweyne Ismacil Cumar Geelle ku sugan yahay.
Ciidamada noocyadooda kala duwan ayaa wada roondo iyo dhoola-tus ay si gaar ah ugu xusayaan maalintan Taariikhiga ah.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


DAAWO: Wasiirka Cadaaladda oo Guulweyn gaaray,...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga hadlay arimo xasaasi ah.
Isagoo ku sugan London ayuu wasiirku ka hadlay qaabka ay dowladda Soomaaliya udiyaarisay in loo wajaho cadaaladda Soomaaliya xili madaxweyne Farmaajo uu balan qaaday in muhiimad la siin doono cadaaladda.
Wasiirka ayaa wareysigan ku bixiyay xogta ka dambeysa in madaxweynuhu uu maamulo qeybo kamid ah wasaaradiisa iyo qaabka wasaaradiisu udajisay arintan.
Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay Muqdisho oo cadaalad daro badan la sheegay iney ka jirto gaar ahaan dad guryo laga haysto iyo xukuno si qaldan loo sameeyay.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Qarax laga maqlay Markab marayay xeebaha Puntland

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Wararka naga soo gaaraya xeebaha deegaanka Caluula ee Puntland ayaa sheegaya in Halkaas uu ku dagay Markab ka dib markii uu Qarax ka dhacay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in Markankaan asaga oo Maraya xeebaha Puntland uu Qarax wayn ku dhacay ka dibna uu quusay Badda.
Ilaa iyo Hada lama halka laga leeyay Markabkaan iyo Waxa sababay Qaraxaan ka dhex dhacay.
Maamulka Puntland ayaanan wali wax war ah ka soo saarin arintaan.
Wixii ku soo kordhaa goor dhow kala soco WWW.SONNA.SO
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDadka Jabuuti oo u dareeray xuska sanadgurada 40-aad ee xornimada dalkaasi,

DHAGAYSO: Maxey tahay Saameynta Go’aanka Kasoo Baxay...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u eegeyso kiiska amarki uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay Mareykanka soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.
Dikareetada madaxweyne Trump ayaa dhigeysay in mudo 90 cisha aysan imaan karin Mareykanka muwaadiniinta dalalka Somalia, Sudan, Iran, Libya iyo Yemen. Sido kale qaxootiga ayaanan soo gali karin mudo 120 maalmood ah.HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:
Hadaba go,aanka Maxkamadda siduu u saameyn doonaa qaxootiga, gaar ahaan Somaalida muxuuse kaga duwanyahay kuwi hore.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Qarax lala Beegsaday Ciidanka Amisom.

$
0
0

Qarax Miino ayaa Duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo lagula beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.
wararka ka imaanayo Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan qaraxa marka ciidanka kolonyada Kenya lala beegsaday ay fureen rasaas isla markaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaan kooban.
wali lama oga qasaaraha saxda ah ee uu geestay qaraxa balse waxii warar ah ee kusoo kordha waan idin soo gudbin donaa insha alah.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

First Export of Responsible & Conflict-Free...

$
0
0

Jeweller Completes First Export of Responsible & Conflict-Free Artisanal Gold from Eastern Congo to Canada.
OTTAWA, Canada (RBC Radio) Partnership Africa Canada and Fair Trade Jewellery Co. today announce the first export of conflict-free and traceable artisanal gold from the Democratic Republic of Congo to Canada.
The milestone comes a month after Partnership Africa Canada announced the Just Gold project had implemented a system to trace legal and conflict-free artisanal gold in DRC, with a proven chain of custody from mine site to exporter.
Fair Trade Jewellery Co., a Toronto-based pioneer in ethical sourcing, sustainability and retail, imported 238 grams in three gold dore bars to Canada.
Within days, the Toronto team refined, alloyed and designed four responsibly-mined and conflict-free artisanal gold rings. Each ring has been engraved with a lot number, which traces it to a specific mine site in the DRC's Ituri Province, where the gold originated.
"Sourcing from Congo was a new and exceptionally ambitious process, but one to which our organization is committed to and capable of achieving thanks to partners on the ground, like Partnership Africa Canada," said Robin Gambhir, Fair Trade Jewellery Co. co-founder.
"After more than a decade of ensuring that our materials are responsibly-sourced, we're delighted to add Just Gold to the gold options we currently offer our clients. Ensuring we source fully traceable materials directly from communities is a way to foster community development, and as a company--deepen our impact on many stakeholders," added Gambhir.
Partnership Africa Canada began the Just Gold project as a pilot in 2015 in Ituri Province. The project creates incentives for artisanal gold miners to channel their product to legal exporters--and eventually responsible consumers--by offering fair and transparent pricing and by providing capacity-building, such as technical assistance to miners in return for legal sales. Miners are taught better exploitation techniques and are offered Just Gold project equipment. In return, gold they produce must be tracked and sold through legal channels.
Today, the project has over 600 miners registered across six sites.
As the project moves out of its pilot phase with a proven chain of custody from mine site to the exporter in DRC, Fair Trade Jewellery Co.'s move to import the gold is an important next step. The jeweller also collaborates with its sister company, Toronto-based software startup Consensas, to trace the gold from export to consumer.
"This export from Bunia, DRC to Toronto proved that it is possible to bring Canadian and international consumers traced conflict-free Congolese artisanal gold. What is particularly exciting is that we have shown that every gram of gold can be accompanied by reliable quantitative and qualitative data about its provenance and the actors involved in its extraction, production and trade," said Joanne Lebert, Partnership Africa Canada's Executive Director.
"Saying that it is impossible to carry out due diligence on gold supply chains is no longer a valid argument for industry. We have proven otherwise," said Lebert.
Challenges faced during this export included high export taxes, transportation restrictions, and burdensome paperwork, will be used by Partnership Africa Canada to call on the Congolese government to create more favourable conditions for legal trade and responsible investment.
Funding for the Just Gold project is provided to Partnership Africa Canada by Global Affairs Canada, with additional funding by USAID through the Capacity Building for Responsible Minerals Trade (CBRMT) project and International Organization for Migration.

DAAWO:Jabhad La Dagalamaysa Shabaab Oo Laasqoray Iyo...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
jabhadani oo Loogu magac daray gaadh haye Loogana Dhawaaqay laasqoray Ayaa Sheegay inay wadaan Sidii deegaanka Uga Safayn lahayeen kooxda Shabaab.
waxay Fariin Kulul u Direen jabhadani soomaliland iyo Puntland Oo Sheegeen Inay Dhankooda Ka Qeyb qataan Inkasta Oo Dhankooda Sheegeen Inaysan Siyaasad Shaqo ku lahayn.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

DAAWO VIDEO:Maydka Gabadh Yar Oo 3 Jir Ah Ayaa Laga...


Xildhibaan Mahad Salaad oo Weerar Afka ah ku qaaday...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Maalmihii Ciida waxaa shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Mogadishu Taliyaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) isaga oo isbarbardhig u sameeyay Qaraxyadii iyo Dilalkii Mogadishu ka dhacay sanadkii 2016 iyo kuwa dhacay Bishii Ramadaan ee sanadkaan 2017! Waxa uu isbarbardhigayana ay tahay sanad 12 bilood ka kooban iyo bil 30 maalmood ka kooban sida uu ku sheegay shirkiisa Jaraa'id! Wuxuuna ku bilaabay hadalkiisa sida soo soocta:
1. Sanadkii 2016 waxaa Magaalada Mogadishu ka dhacay 28 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 80 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 40 qofood!
2. Bishaan Ramadaan ee sanadka 2017 waxaa Mogadishu ka dhacay 3 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 28 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 12 qofood! Waxaana la dhaawacay 40 qofood!
3. Bishaan Ramadaan qaraxyadu waxay hoos u dhaceen 90%! Dhimashadana waxay hoos udhacday 80%!

Taliyow horta aan ku saxee sanad waxaa lala barbardhigaa sanad, bilna bil ee marka hore raali ahoow!
Sidoo kale hadaan tusaale usoo qaato, labadii Ramadaan ee sanadkii 2016 iyo sanadkaan 2017 sida aad ka arki karto faylasha Xarunta aad madaxda ka tahay tuban oo aan umaleynayo inaadan wali waqti u helin aad ku eegto sida hadaba aadan waqti ugu helin inaad iska saxdo markii aad sheegaysay wadarta guud ee dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii lasoo dhaafay!
1. Bishii Ramadaan ee sanadkii 2016 Magaalada Mogadishu waxaa ka dhacay hal qarax kaas oo lagu weeray Hotel Naasa Hablood 1, waxaana ku dhintay 10 ruux oo uu ku jiray Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee dhanka Bey'adda Burci Maxamed Xamza AUN.
2. Ramadaan kaan hada dhamaaday ee 2017, waxaa ka dhacay Magaalada Mogadishu saddex weerar oo is qarxin ah mudo waliba 9 maalin gudahood ah.
- Weerarkii 1aad: waxaa uu dhacay 14-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats oo isku dhow, waxaa weerarkaas ku dhimatay illaa 28 ruux.
- Weerarkii 2aad: waxa uu dhacay 20-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Xarunta Maamulka Degmada Wadajir, waxaana ku dhimatay 14 ruux oo dumar u badan.
- Weerarkii 3aad: waxaa uu dhacay 22 bishii June, kaasoo lagu qaaday Saldhiga Degmada Waabari, waxaana ku dhimatay illaa 8 ruux oo uu ku jiro Wasiirkii Dhalinyarada Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax.
3. Sidoo kale waxaa dilal qorsheysan lagu dilay Magaalada Mogadishu intii lagu gudo jiray bishii Ramadaan ee sanadkaan dad kor u dhaafaya 40 qofood!
4. Isku celcelis bishaan Ramadaan waxaa Magaalada Mogadishu lagu dilay 90 qofood ugu yaraan sida laga soo xigtay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Mogadishu iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Magaalada Mogadishu.
Haddaba Taliyow,
Soo nasiib daro maahan Taliyihii Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka in macluumaadkii sanadkii lasoo dhaafay uusan heynin! Ma kala garan karo inaad waqti u weysay aad ku hubiso macluumaadka Xaafiiskaaga dhex tuban iyo in shaqada Qaran ee laguu idmaday aad u heysato hanjabaadaha iyo propagandada dadka looga afuufayo Warbaahinta iyo Baraha Bulshada?!
Soo nasiib daro maahan inaad isbarbardhig u sameyso sidii Ciidan cadow oo la jabiyay, dadkii Soomaaliyeed ee laf dhabarka u ahaa Bushada Soomaaliyeed ee Dhalinyarada iyo Haweenka u badnaa ee la xasuuqay, Eheladii iyo Umaddii Soomaaliyeed ee ay ka baxeena ay wali quluubtoodu ilmeynayso, meeshii aad isku canaanan lahayd kana dhiidhin lahayd fashilka Amni ee dhacay, tilaabana aad ka qaadi lahayd cidii fashilkaas mas'uulka ahayd maadaaba aad tahay qofkii u xilsaarnaa ilaalinta Amniga muwaadiniintaas Soomaaliyeed?!
Ugu danbeyntii waxaan halkaan ammaan aan lasoo koobi karin uga jeedinayaa Ciidamada Amniga ee har iyo habeen heeganka ugu jira difaaca Dalka iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan ugu tacsiyeynayaa Madaxda Qaranka, Taliye yaasha Ciidamada iyo Eheladii ay ka shahiideen Ciidamadeena Amniga oo tiradii ugu badnayd ee Ciidan waxyeelo kasoo gaartay bishii Ramadaan ee hadda dhammaatay, xilli ma naxayaasha argagixisada ah beegsanayaan Shacabka Soomaaliyeed.Qore :Xildhibaan Mahad Salad
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

XASAASI: Hay’adda Amniga oo baadi goobeysa Gaari...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada amaanka ayaasoo gudbiyey xog ku saabsan in magaalada Muqdisho uu ku jiro gaari sida waxyaabaha qarxa oo doonaya inuu bartilmaameed ka dhigto xarumaha dowlaha.
Xogtan ayaa sheegeysa in gaariga Nuuciisa uu yahayn Susuko laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ciidamada amaanka ayaa inoo sheegay in la aqoonsaday gaariga taarikadiisa waxayna ku sheegeen Ab7458
Xalay magaalada Muqdisho ciidamada waxay si taxadar leh u baarayeen gawaarida, waxaana guud ahaan ciidanka iyadoo la adeegsanayo Fooneeyaha lagu wargeliyay inuu gaarigaasi ku jiro magaalada.
Saraakiisha aan la hadalnay ayaa kalsooni ka muujiyay in la fashiliyo gaarigaan sida waxyaabaha qarxa oo magaalada Muqdisho ku dhuumaaleysanaya.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalmahaan dambe ay kordheen weerarada Al-shabaab ku qaadayaan goobaha shacabka iyo dowlada, waxaana qaraxyadii ugu dambeeyay ku geeriyooday shacab aad u badan.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Arin murugo badan oo haatan naga soo gaartay Gobolka...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Wararka ka imaanaya Tuulada Lumqo Goronyo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saddex ruux ay Gaajo darteed ugu geeriyoodeen Tuuladaasi.
Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Rooble ayaa Badweyn.com u sheegay in dadka dhintay Labo kamid ah ay ahaayeen Gabar iyo Hooyadeed, wuxuuna sheegay guddoomiyaha in dadkaan maalmahan dambe ay haysay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
"Sadddex ruux oo Labo isku qoys ah ayaa u dhintey abaar darteed, ma aysan helin dadkaan wax ay cunaan muddo badan, waxay waayeen raashiinkii ay ka heli jireen deegaanno kale, waddooyin badan ayaa jarmay oo tuuladaasi tagayey, waxaana taasi ay keentay in xaaladdan ay dhacdo" ayuu yiri Ugaas Salaad.
Dhanka kale Ugaaska oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo ay la il daran abaarta ka jirta Tuulada Luqmo Goronyo ee Galgaduud, isaga oo ku baaqay in la sameeyo gurmad degdeg ah.
Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah gobollada sida daran u saameeysay abaarta dalka ku dhufatay, welina dadu waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin...

$
0
0

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen, si ay mustaqbalka dhaw ugu faa'iideyaan aqoonta ay soo barteen dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka. dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa [...]

DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga Bariga...

$
0
0

Salaada ciidul fitriga ee sanadkan oo ku soo aadey bisha June 25, 2017, kuna soo aaday xili wadanka Maraykanka laga dareemaayo culays lagu hayo dadka Muslimiinta ah, ayaa masaajidaka Xaafada Bottineau ee Bariga Magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, lagu lagu tukaday Salaadul Ciidul Fidriga ee sanadkaan.

Puntland Oo Faah Faahisay Markab La Sheegay In...

$
0
0

Ayadoo warar soo baxayey ay sheegayeen in qarax laga maqlay markab taagnaa meel ku dhow xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Puntland waxa ay faah faahin ka bixisay jiritaanka warkaasi iyo ilaa hada xogta laga hayo. Maxamed Axmed Caynab oo ah Guddoomiyaha gobolka ay ka tirsan tahay Caluula ee Puntland oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen in markab kuwa dagaalka ah oo taagnaa xeebta Caluula uu markab kale oo dagaal gantaal ku dhuftay ayaga oo taasi ka duulayana ay tageen goobta. "waxaan tagnay goobta naloogu sheegay in markabka uu ku qarxay, dadku qaar waxeey kuu sheegayaan in markabka uu markab kale gantaal ku dhuftay oo halkaa uu ku quusay balse anagu goobta markii aan gaarnay maanta haba yaraatee kuma aynaan arag wax raad ah oo muujinaya in goobta markab lagu gubay iyo qasaaro kale toona"ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab. "xeebta badda cas ma ahan sida xeebta badweynta India oo hadii uu markab ku quuso horey laga arkayo oo waa mool aad u dheer,markab quusayna sida alwaax horey lagama arkayo oo dusha sooma fuulayo wuu degayaa oo wuu quusayaa waxaan u baahannahay inaan si qoto dheer u baarno [...]

Daawo Sawirada “Yaxaas Badeed looga qaxay Xeebta...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Magaalo xeebeedka Mallorca ee dalka Spain ayaa maalmahaan dambe waxaa dadka dalxiisayaasha ah cabsi fara badan galiyay Yaxaas badeedka loo yaqaan Hai kaas oo ugu dambeeyntii si cajiib ah loo qaarajiyay .
Mudo 4 cisho ah ayaa xeebta magaalada Mallorca looga qaxay Yaxaaskaan , wuxuuna ugaarsi ba'an ku hayay dadka Dalxiisayaasha ah ee ka kala yimid dunida dacalaeeda. Ugu dambeeyntii ciidamada Bada dalka Spain ayaa ku guuleystay inay cirbad sun ah ku dilaan Yaxaaskaan oo dad badan dhaawacyo kala duwan u geystay .

Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Dawladda Somalia oo guul ka sheegatay dagaal ay ku...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa saaka weerar ku qaaday tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la soo sheegayo in dagaalo culus ay ka socdaan tuulooyinka qaar.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay weerareen tuulooyin dhinaca bari ka xiga Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo hoos taga degmada Mahadaay
Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa xilligan ku dagaalamaya Tuulada Cali Fooldheere oo u dhaxeysa Mahadaay iyo Biyo Cadde.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. Caanood oo hoggaaminaya howl galka ayaa sheegay in ciidamada ay saaka weerareen tuulooyin dhowr, ayna ka qaarkood la wareegeen ciidamada, waxaa uu xusay in hada dagaal uu ka socdo Tuulada Cali Fooldheere.
Dadka deegaanka ee ku dhaqan Tuulooyinka u dhow dhow Jowhar iyo Mahadaay ayaa soo sheegaya inay arkayeen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal ay u gudbeen tuulooyin dhanka waqooyi bari ee gobolka.
Xaalada Tuulooyinkaas ayaa laga soo sheegayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo saan saan dagaal, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho dagaalada.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Haweenay ducayso is lahayd oo diyaarad baajisay

$
0
0

Haweenay da' ah oo safraysay ayaa dib u riday duulimaad diyaaradeed oo ka kici lahaa magaalada Shanghai ka dib markii ay matoorka diyaaradda si kama ah ugu tuurtay qadaadiic.

Militariga Turkiga oo Weeraray Kurdish-ka Syria

$
0
0

Militariga Turkiga ayaa sheegay maanta in ay burburiyeen bartilmaameedyo Kurdish-ka Syria ay leeyihiin ayaga oo uga aargudanaya gantaalo ay ku rideen ciidamada Turkiga uu taageero ee ku sugan waqooyiga Syria.

Haweenay ducayso is lahayd oo diyaarad baajisay

$
0
0

Haweenay da' ah oo safraysay ayaa dib u riday duulimaad diyaaradeed oo ka kici lahaa magaalada Shanghai ka dib markii ay matoorka diyaaradda si kama ah ugu tuurtay qadaadiic, sida ay xaqiijisay shirkad diyaaradeed oo Shiinaha laga leeyahay.
Haweenaydan oo 80 jir ah ayaa tuurtay qadaadiic sarif ahaan loogu soo celiyay iyada oo sii galaysa diyaarad ay leedahay shirkadda China Southern Airlines.
Booliiska ayay u sheegtay in ay tuurtay qadaadiicda iyadoo ku ducaysanaysa nabadgalyo" Talaadadii.
Sagaal xabo oo qadaadiic ah ayay tuurtay balse mid ka mid ah ayaa gashay matoorka, taas oo horseeday in la daad gureeyo rakaabka oo ay afar saacadood hakadaan.
Qof rakaabka ka mid ah oo arkay haweenayda qadaadiicda tuurtuuraysa ayaa laamaha ammaanka ee garoonka Shanghai Pudong International Airport ku wargaliyay, waxaa la sheegay in ay Alle bari ku qaaday arrintaas.
Saraakiisha ayaa markaa ka dib su'aalo waydiiyay haweenayda oo la safraysay ninkeeda, gabadh ay dhashay iyo wiil ay soddoh u tahay, wax dacwad ah laguma soo oogayo.

Maamulka Shariif Xasan oo qaadaya Tilaabo aan Dalka...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Shacabka ku dhaqan Shan degmo oo ka tirsan K/galbeed ayaa lagu wadaa iney doortaan hoggaanka maamulkaasi, kadib markii bishii tagtay ay baarlamaanka K/galbeed ansixiyeen in shacabka ay cidda ay doonaan soo doortaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka K/galbeed ayaa shaaca ka qaadday in 10-ka July ay dhici doonaan doorashooyinkaan, ayna noqon doonto middii ugu horreysay oo ka dhaca deegaannada maamulkaasi.
Shacabka ayaa dooran doona guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada degmooyinka Baraawe, Ceelbade, Bardaale, Xudur iyo Baydhabo.
Waxaa jira mas'uuliyiin u sharaxan xilalkaan, balse waxaa la wada eegayaa qaabka ay doorashadan ku dhici doonto.
Tani ayaa noqoneysa tijaabada ugu horreysa ee maamulka K/galbeed ka sameeyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live