Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la...

$
0
0

Wasaaradda Warfaafinta ayaa maanta Abaal marisay qaar ka mid ah Howlwadeenada Wasaaradda kuwaas oo ku mutaystay Shaqo wanaag sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda.
C/raxiin Ciise Cadow oo ah Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ayaa sheegay in 7-ka mid ah Howlwadeenada Wasaarada lagu Abaal mariyay Shaqadooda aad u wanaagsan darteen.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shaqaalahaan ay Abaal marinta ku mutaysteen ilaalinta Waqtiga ay shaqada soo galaan iyo waqtiga ay shaqada laga baxo.SHAQAALAHA LA ABAAL MARIYAY.

  1. Ismaaciil Muqtaar Cumar (Orange)
  2. Axmed C/qaadir Axmed (Qays)
  3. C/risaaq Maxamed Faarax (Shiine)
  4. C/najiib Xasan Cigaal.
  5. C/salaan Cali Mataan.
  6. Xafso Axmed Caamir.
  7. Aamina Shariif C/qaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa sheegay in shaqaalahaan lagu soo xushay hab saxan oo cadaalad ah oo ay ka soo wada shaqeeyeen Guddiyada Anshaxa iyo Goob shaqo.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda ayaa sheegay in marka laga soo tago Shaqaalaha la Abaal mariyay ay jiraan kuwa kale oo mutaystay Ganaax ka dib markii ay ka soo bixi waayeen shaqooyinkooda.
"Waxaa jira Shaqaalo badan oo u qalma in la Abaal mariyo laakiin dadka oo dhan hal mar Abaal marin lama wada siin karo, Arintaan waxay mudan tahay ku dayasho, waxaana loo baahanyahay shaqaalaha oo dhan inay sameeyaan shaqooyin wanaagsan si ay u helaan Abaal marin." Ayuu yiri Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala.
Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahayd masuuliyiinta ka soo qaybgalay munaasabaddan ayaa sheegtay inay muhiim tahay inay isku xirnaadaan Dhamaan Bahda Warbaahinta ee Wasaaradda oo markasta la xasuusto xubnihii muhiimka ahaa ee u geeriyooday iyagoo haaya shaqada Warbaahinta Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ka hadashay Munaasabadda Sheegtay in shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay shaqeeyaan waqti badan xaqna u leeyihiin inay helaan Xuquuqo dheeraad ah.
Ugu Danbayntii Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan "Yariisow" ayaa sheegay inay sii socon doonto Abaal marintaan oo la qabanayo Saddexdii Bilba Mar, isla markaan la siindoono Qof kasta oo qabta shaqo wanaagsan.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa kula dar daarmay dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda, maadaama Warbaahintu si wayn oga qaybqaadato hormarka dalka.


(Dhageyso) Wasiirka amniga Galmudug Oo Ka Hadlay...

$
0
0


Cismaan Ciise Nuur Taar Dhuleed oo waraysi gaara Siiyay Idaacada Codka Mudug ayaa si qoda dheer uga hadlay arimo la xariira amniga iyo Dagaalo ka dhacay Galbeedka Goballka Mudug.
Sidoo kale wasiirka Ayaa sheegay in ay Meel wanaagsan Marayaan Howlihii Nabadaynta ee ay Baryihii u denbeeyay wadeen Gudiyada isku dhafka ah ee ka kala Socday galmudug iyo Puntland.HOOS KA DHAGEYSO. WARAYSIGA WASIIRKA.
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/TAAAR-DHULED-SAXIIX11.mp3
XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG SHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Itoobiya oo Maxaabiis farabadan ku wareejisay...

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa lagu wareejisay 120 Maxbuus oo Soomaali ah oo muddo ku xirnaa dalkaas.
Ra'iisul wasaaare Kheyre ayaa sheegay in Itoobiya ay maxaabiistan ku wareejisay iyadoo fulinaysa heshiis ay safarkii hore wadagaleen oo ay ku heshiinay in Maxabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkeedda lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay guul tahay in qeyb kamid ah heshiiskii dhax maray Soomaaliya iyo Itoobiya la fulinayay laguna wareejiyay Maxaabiistan Soomaaliyeed oo dalka Itoobiya ku xirnaa waqtiyo kala duwan.
Maxaabiis badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xiran dalal badan oo caalamka ah, waxayna talaaba Ra'iisul wasaaare Kheyre noqonaysaa tii ugu horeysay oo madaxda Soomaaliya kaga jawaabto.
Ra'iisul wasaaare Kheyre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa waxaana diiradda lagu saarayay dhallinyarada Afrika.
Dhanka kale Ra'iisul wasaaare Kheyre ayaa la kulmay Madaxweynaha Bangiga horumarinta Afrika waxay ku heshiiyeen in la bilaabo mashaariic horumarineed oo loo sameynayo dhallinyarada Soomaaliyeed.PUNTLAND POST
The post Itoobiya oo Maxaabiis farabadan ku wareejisay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Booliska Mozambique oo baaraya cidda soo abaabusha dilalka ragga bidaarta leh

$
0
0

Booliska gobolka Zambezia ee bartamaha dalka Mozambique ayaa sheegaya in uu ballaarinayo baaritaannada ka dhanka ah sare u kaca dilalka loo gaysto ragga bidaarta leh.

Xal ma laga gaari doonaa khilaafka waddamada Khaliijka?

$
0
0

Muddo kordhinta waddamada Khaliijka u sameeyeen Qadar ma tahay mid xal u noqon doonto khilaafka Khaliijka ka taagan.

Booliska Mozambique oo baaraya cidda soo abaabusha...

$
0
0

Booliska gobolka Zambezia ee bartamaha dalka Mozambique ayaa sheegaya in uu ballaarinayo baaritaannada ka dhanka ah sare u kaca dilalka loo gaysto ragga bidaarta leh.
Tan iyo bishii la soo dhaafay ayaa waxaa dalkaasi lagu dilay dhowr nin oo bidaar leh.
Booliska ayaa ka shakisan dadka wax ku dabiiba dawo dhaqameedka in ay faafinayaan warar aan sal lahayn oo ah in dahab uu ka buuxo madaxyada ragga bidaarta leh, iyagoo rajaynaya in madaxyadaasi loo keeni doono si ay ugu curaaftaan oo ay qeyb ahaan ugu isticmaalaan daweyntooda.
Ilaa iyo haatan booliska ayaa waxa ay soo xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay dileen rag bidaar leh, haatanna waxa ay baacsanayaan dadka soo abaabulay weerraradan lagu bartilmaameedsanayo ragga bidaarta leh.
Afhayeen u hadlay booliska gobolkaasi Zambezia ayaa sheegay in inta badan dadka dambiilayaasha ah ee falalkan ku kaca ay ka yimaadeen dalalka dariska ah.
Booliska deegaanka ayaa sidoo kale ka walaacsan dilalka ka dhanka ah dadka Albinaha loo yaqaan ee jirkooda uu ka maqan yahay maadada midabka keento, iyadoo lagala baxayo qaar ka mid ah unugyadooda jirka, arrimahaasi oo dhammaantood ah kuwo ku yimid curaaf ama in lagu faashado.

Barnaamijka Madasha Dhalinyarada Oo Ku Saabsan...

$
0
0

Barnaamijka Madasha Dhalinyarada oo ka baxa galab walba Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Wadajirka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayadoo barnaamijka uu xambaarsan yahay macluumaad isugu jira Faallo iyo Suugaan ku saabsan Moowduuca waxaana qeybta dambe qadadka telefoonka kaga qeybgalaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan. Hoos Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran:- http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/07/Barn-Madasha-Dha...

Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Oo Ka Hadlay...

$
0
0

Wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayuu uga hadlay xiisadaha ka aloosan gobollada dhexe ee ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah. "cabashooyinka aan hada maqleyno waa in lacago cusub oo lasoo daabacay ay dadku ka biyo diidsan yihiin anaga lafteenu waa ka biyo diidsannahay waxa aan u sheegeyno dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacay lacagtan waa iney ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo waana nasiib daro talaabooyinka noocaan ah"ayuu yiri Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya. Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daabacaada lacagahan oo sharci darada ah ay ka mid tahay dambi la galo kuwooda ugu waaweyn waayo kuwa ku kacaya waxey dhibaateeynayaan malaayiin shacab Soomaaliyeed islamarkaana xukunnada ka dhalan karta ay dil ka mid tahay. Wareysiga waxa uu sidoo kale Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle kaga hadlay qorshaha Wasaaradda Maalliyadda ee ku aadan shilinka Soomaaliga iyo in ay waajib tahay in dalka uu yeesho lacag cusub. Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka Maalliyadda oo Dhameystiran :- http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/07/WAREYSI-WASIIRKA...


Wasiirka Warfaafinta Oo Faah Faahin Ka Bixiyey...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey shirka Golaha Amniga Qaranka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka. Shirkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya. "Shirkan Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shir guddoominayo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin hirgelinta qorshayaasha amni ee ay dowladda Soomaaliya wado, qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Soomaaliya lagu taageerayey waxaana shirkan uu yahay gogol Soomaaliyeed oo uu dhigay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo"ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow). Ajandayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ah bandhigista guullaha laga gaaray qorshaha xasilinta amniga Caasimadda Dalka iyo dhameystirka qodobbo looga hadlay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee kan ka horeeyey oo ay ugu horeysay dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah. Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka Warfaafinta oo Dhameystiran :- http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/07/WARESYI-WASIIRKA...

HRW oo ku baaqday in caddaalad loo helo colaadda CAR

$
0
0

Warbixin cusub oo ay hadda soo saartay hay'adda Human Rights Watch, ayaa waxa ay ku dhaleecaysay isla xisaabtan la'aanta ka jirta dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika tan iyo sanadkii 2014, markaa oo kooxo hubaysan ay bilaabeen inay beegsadaan dadka rayidka ah.

Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyay in uu ka doodo xeerar muhiim ah

$
0
0

Baarlamaanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa meel mariyay ajandaha kalfadhigooda cusub ee shalay un billowday.

HRW oo ku baaqday in caddaalad loo helo colaadda CAR

$
0
0

Warbixin cusub oo ay maanta oo Arbaca ah soo saartay hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa waxa ay ku dhaleecaysay isla xisaabtan la'aanta ka jirta dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika tan iyo sanadkii 2014, markaa oo kooxo hubaysan ay bilaabeen inay beegsadaan dadka rayidka ah.
Warbixinta ayaa waxa ay ku adkaysanaysaa sida loogu baahan yahay maxkamad cusub oo gaar ah oo degdeg ku howlgasha.
Warbixintan cusub ayaa soo jeedinaysa baahida loo qabo caddaalad lagu wajaho colaadda afar sano ka hor ka bilaabatay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.
Warbixinta oo diiraadda lagu saarayay dambiyada dagaal ee ka dhacay guud ahaan dalkaasi ayaa waxa ay soo xiganaysaa wareysiyo lala yeeshay boqolaal qof oo ku kala nool saddex gobol oo dalkaasi ah.
Gobollada Haute Kotto iyo Ouaka, ayey warbixintu sheegtay inay sare u kacayaan rabshadaha sababo la xiriiro dagaal ku saabsan maamulidda dhulka iyo kheyraadkiisa dabiiciga ah, kaas oo u dhaxeeya garabyada ay Muslimiintu horkacayaan ee Seleka iyo maleeshiyaadka Kirishtaanka ah ee anti-balaka.
Inkastoo heshiis nabadeed bishii Juun ee sanadkii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo inta badan kooxaha hubeysan, ayaa hadana dilalka dadka rayidka ah, tuulooyinka oo la weerraro, iyo dilalka aargoosiga ah ayaa qeyba badan oo ka mid ah dalkaasi ka noqday kuwo iska caadi ah.
Dambiyadaasi dagaal ayey tahay inay qaaddo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC-da.
Maxkamad gaar ah ayaa laga hirgaliyay gudaha dalkaasi balse ma haysato dhaqaale ku filan.
Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa tan iyo 2013 waxa ay bartamaha kaga jirtay colaad diimeed, kaddib markii falaagada Muslimiinta ah ay la wareegeen xukunka dalka oo ay afgambiyeen madaxweynihii masiixiga ahaa ee Francois Bozize.
Tan iyo markaana 400,000 oo qof ayaa ku baracakay gudaha dalka haatanna ku dhawaad kala bar dadka dalkaasi waxa ay ku tiirsan yihiin gargaar.

Soomaaliya oo IGAD kala wareegeyso dowrka hoggaaminta dagaalka burcad badeedda

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay la wareegto dowrka hogaaminta ee dagaalka ka dhanka ah burcad badeedda Soomaalida.

Saldhiga Milateri ee Berbera

$
0
0

5th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Saldhiga militare ee Imaaraadka ka sameenayo magaalada Berbera ayaa waxaa soo baxaya in Imaaraadka uu u sameenayo xaruntaas militeri wadamo kalle. Wadanka loo sameenayo ayaa ah dalka Masar, iyaga oo u soo maray dalka Imaaraadka Carabta. Hadaba, dhismaha xaruntaa militari ayaa waxaa ku gadaaman shaki aad u weeyn, waana wax la iska oggaa in Imaaraadka uusan dal ahaan u baahneen xarun militari, laakiin ay fullinayaan danaha wadamo kalle. Waxaana dhici karta in dawladdo kalle ay iyaguna ka mid yihiin dadka saldhigaas loo sameenayo.http://www.elzmannews.com/77346
Post navigation
- Previous Post

UNICEF: 'Muhaajiriinta ugu badan Afrika qaaradda ayey ku dhex wareegaan'

$
0
0

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa sheegaysa in 12 milyan oo qof oo ku nool Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ay sanadkastaa ka socdaalaan deegaanadooda.


UNICEF: 'Muhaajiriinta ugu badan Afrika...

$
0
0

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa sheegaysa in 12 milyan oo qof oo ku nool Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ay sanadkastaa ka socdaalaan deegaanadooda.
In ka badan kala tiradaasi ayaa ah carruur.
Warbixintu waxa ay sheegaysaa in socdaalka ballaaran ee dadkaasi uu salka ku hayo dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin tirada dadka oo korodhay, colaadda iyo isbadelka cimilada.
Sida ay sheegtay UNICEF weli taariikhda laguma hayo in dad tiradaas dhan ay galbeedka iyo bartamaha Afrika ka socdaalaan deegaanadooda.
Todoba milyan oo carruur ah ayaa ka mid ah dadyowga isaga kala goosha xuduudaha sanadkasta.
Inta badan socdaaladaasi ayaa ah kuwo waafaqsan sharciga, gaar ahaanna galbeedka Afrika oo urur shaqaale uu fududeeyo socdaalka caadiga ah ee dadka ka haajiraya wadamadooda.
Iyadoo reer Yurub ay isha ku hayaan dadka Afrikaanka ah ee ka soo tallaabaya badda Mediterranean-ka ayaa warbixintan waxa ay qeexaysaa in dhab ahaantii muhaajiriinta ugu badan ay ku dhex wareegaan qaaradda dhexdeeda.
Balse UNICEF ayaa waxa ay ka digaysaa in tiradaa aadka u badan ay culeys ballaaran saarayaan adeegyada markii horaba aanan wanaagsanayn eeay bixiyaan dowladaha, iyadoo badanaana ay carruurta dhexda ka baxaan.
Warbixintu waxa ay leedahay sababaha socdaalka dadkaasi ayaa ah kuwo aad u adag oo aan la fahmi karin, hasayeeshee isbadelka cimilada ayaa ah arrinta ugu muhiinsan.
Waxa ay warbixintu intaa raacisay in daadadka iyo abaaraha ba'an ay iyaguna saameyn weyn ku reebaan wax soo saarka beeraha.

Xogtii Ugu dambeysay Xaalada Sh.Muqtaar Roobow iyo...

$
0
0

Jul 5, 2017 -
Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan dadaalka ay dowlada Mareykanka Liiska Argagixisada Caalamka uga saartay Wadaadka lagu magacaabo Mukhtaar Roobow.
Warar dheeraad ah oo aan helnay ayaa muujinaaya in qorshahaasi uu lahaa Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 4tii bil ee ugu danbeysay xiriir joogta ah la lahaa Mukhtaar Roobow.
Shariif Xasan iyo Roobow ayaa sidoo kale la sheegay inay wada kulmeen muddo laba jeer inta lagu guda jiray wadahadalka, waxa ayna kulamadaasi ka kala dhaceen deegaanada ay labada mas'uul ka kala arimiyaan.Ogaalka dowlada Federaalka ee arrimaha Roobow ayaa ahaa mid ugu horeeyay shaacinta ka saarida Liiska, waxa ayna howshaani aheyd mid u gaar ah Shariif Xasan iyo Dowlada Mareykanka.
Dowlada Mareykanka iyo Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaan weli arrinta Roobow macluumaad kasiin dowlada Federaalka oo iyadu iminka ah mid ku jahwareersan arrinta Roobow.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed, ayaa go'aanka liiska looga saaray Roobow kadib Safar degdeg ah ku gaaray magaalada Nairobi, halkaa oo uu kula kulmay Saraakiil Mareykan ah oo uu kala hadlaayay arrimaha ku xeeran Roobow.
Dowlada Federaalka oo aan weli ka hadal mowduuca Roobow, ayaa u muuqata mid garan la halka ay ka bilaabi laheyd, waxaase socda dadaal arrintaani lagula socodsiinaayo DFS oo uu wado Safiirka Mareykanka ee Somalia,
Mukhtaar Roobow Cali oo kamid ahaa hoggaamiyasha al-Shabaab ayaa khilaaf ay ku kala tageen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godan oo diyaaradaha Maraykanku dileen, sanadkii 2013 waxaana muddo labo sano ka badan ku dhuumaaleysanayey gobolka Bakool.
Mukhtaar Roobow ayaa la aaminsan yahay in uu qayb ka ahaa shacab badan oo lagu diley gobolada Koonfureed, markii uu ahaa hoggaamiyaasha Shabaab.
Nagala soo xiriir

Canada oo raaligelin siinaysa nin ka mid ahaa maxaabiistii Guantanamo

$
0
0

Dowladda Canada ayaa lagu wadaa inay soo saarto raaligelin iyo magdhw la siinayo Cumar Khadr oo horey uga mid ahaa maxaabiistii ku xirnayd xabsiga Guantanamo Bay,

SAWIRO: Feeryahan Dunida Caanka ah oo Feer Nafta...

$
0
0

Jul 5, 2017 -
Tim Hague waa mid ka mid ah feeryahanada Miisaanka culus ee ugu caansan Dunida gaar ahaan gudaha dalka Canada wuxuuna Feeryahaankaan oo 34 jir ah si toos ah ugu dhex geeriyooday maslaxa Feerka .
Kulan feer ah oo dhex maray Tim Hague iyo ninka lagu magacaabo Adam Braidwood ayaa waxaa dhaawac adag uu Maskaxda ka soo gaaray feeryahan Tim Hague kaas oo ugu dambeeyntii u geeriyooday dhaawicii halista ahaa.
Nagala soo xiriir

Canada oo raaligelin siinaysa nin ka mid ahaa...

$
0
0

Dowladda Canada ayaa lagu wadaa inay soo saarto raaligelin iyo magdhw la siinayo Cumar Khadr oo horey uga mid ahaa maxaabiistii ku xirnayd xabsiga Guantanamo Bay, waxaana la sheegay in loo gaystay xadgudubyo intii uu xabsiga ku jiray, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.
Khadr, oo u dhashay dalka Canada islamarkana ah 30 jir ayaa sanaddii 2010kii ayaa lagu helay dembi ahaa in askari Maraykan ah uu ku dilay dalka Afqaanistaan.
Waxa gacanta lagu dhigay sanadkii 2002-dii xiligaasi oo uu jiray 15 sano, wuxuuna xabsiga ku qaatay muddo 20 sano ah.
Sanaddii 2010, ayaa maxamada sare ee dalka Canada waxa ay gudoomisay in markii su'aalaha la waydiinayay Khadr uu la kulmay xaalad cadaadis ah.
Waxa la sheegay in hadda Cumar Khadr la siin doono lacag dhan 8 milyan oo doolar.
Wargayska the Toronto Star oo soo xiganaya ilo wareedyo aan la shaacin ayaa sheegay in qareenada Khadr ay la kulmeen xeer ilaaliyaal ka socday waaxda cadaaladda bishii hore si heshiis loo gaaro.
Ku dhawaaqida raaligalinta rasmiga ah iyo magdhawga ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo todobaadka soo socda ,sida warbixinta lagu sheegay .
Mar wax laga waydiiyay ra'isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa ka gaabsady oo aan wax faahfaahin ah ka bixin arrintan.
Taariikhda :Waa kumaa Cumar Khadr
Khadr, oo ahaa maxaabiiskii ugu da'da yaraa ee ku xirnaa Xabsigaasi ku yaalla Cuba ,ayaa dadka ka soo horjeeda xabsiga Guantanamo Bay waxa uu kiiskisa u noqday mid shaac baxa islamarkana soo jiitay dareenka caalamka.
Waxa lagu helay shan dembi ,oo ay ka mid ahaayeen in sannadii 2002 bam gacmeed uu tuuray uu ku dhintay Christopher Speer oo ka tirsanaa ciidmada Marayknaka.
Cumar Khadr ayaa toogasha lagu dhaawacay kadibna gacanta lagu dhigay.
Khadr ayaa la sheegay in qirashadiisa uu u qirtay saraakiisha Maraykanka dembiyadan in ay ahayd mid ku timid cadaadis iyo cagajugleyn.
Waxaa dib loo celiyay sannadii 2012 ka dib markii la aqbalay codsi ahaa in laga wareejiyo xabsiga Guantanamo uuna inta badan 8 sano ee mudada xabsigiisa uu ku qaato dalka Canada.
Sanaddii 2010, ayaa maxkamadda sare ee Canada waxay sheegtay in qaabkii ay dowladda Canada ula tacaashay kiiska la xiriira Khadr aysan xaqiijin mabaa'diida gundhiga u ah caddaalada "ayna ku tumatay xuquuqdiisa dastuuriga ah .
Sanadii 2015, ayaa garsoore waxaa uu ku sii daayay damaanad iyada oo ay jirtay in ay racfaan ka qaadatay dowladdii xiligaasi jirtay oo doonaysay in xabsiga lagu sii hayo.
Wax uu xiligaas sheegay Khadr in dadka ree Canada uu u muujin doono in uu yahay "Qof wanagsan ".
Khadr ayaa ah wiil uu dhalay nin la sheegay in ay si aad ah isugu dhawaayeen Cusama Bin Laden waxana la sheegay in uu ku milmay kooxaha mintidiinta xili ay da'diisu aad u yareyd.
Waxa dhalinyaranimadiisii uu ku qaatay dalalka Canada iyo Pakistan, halkaasi oo aabihii ay dano uga xirnaayeen.
Kiiskiisa ayaa noqday mid fikir ahaan ay ku kala qaybsameen dadwaynaha Canada.
Dadka difaaca ayaa ku tilmaamay in uu ahaa caruur la askareeyay halka kuwa kale ay ku doodayeen in uu ahaa dagaalyahan xagjir laga dhigay markii la qabanayay.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live