Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Murrashax Muuse Biixi oo Daaha ka Fayday...

$
0
0

Murrashax Muuse Biixi oo Daaha ka Fayday Fadhiidnimada Golaha Wakiillada ee uu Hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro
Burco (Waaheen)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka Golaha Wakiillada Somaliland ee uu hoggaamiyaha ka yahay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaannu shaaca ka qaaday in golahaasi ku guul-darraystay inay ummadda wax la taaban karo u qabtaan muddo 12-sanno ah oo uu gadh-wadeen u ahaa.
Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu daah-furay bixinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha ee Gobolka Togdheer oo ka dhacday magaalada Burco maanta, waxa uu si faahfaahsan bulshada ugu sharraxay sida Golaha Wakiillada ee uu gadhwadeenka ka yahay Cabdiraxmaan Cirro uga gaabiyeen waajibaadkii qaran ee loo doortay iyo niyad-jabka ay ku rideen ummadda.
Guddoomiyuhu waxa uu is barbar-dhig ku sameeyey labada ee xukuumadda iyo Baarlamanka ee waqtigan ka jira Somaliland, waxaannu xusay in Wakiilladu yihiin gole awood badan la siiyey oo xataa xukuumadda ka awood sarreeya, balse aan waajibaadkoodii kasoo bixin, "Dawladdu waxay ka koobantahay laba qaybood oo kala ah xukuumadda oo uu madaxweynuhu oday u yahay iyo Golaha Wakiillada oo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wakiil u ah, cidda aynu ka rabno hawsha maanta taagan, ta berri iyo maalin walbana waa iyaga, labadana waxa awoodda weyn leh Wakiillada," ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyuhu waxa uu qeexay shaqooyinka baaqday ee waajibka ku ahaa Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay safka hore kaga jiraan xeerarka uu dalku baahida badan u qabo, waxaannu yidhi "Baarlamaanka waxa laga rabaa inay dejiyaan siyaasaddii iyo xeerarkii lagaga bixi lahaa faqriga, maantana waxa aynu arkaynaa oo weli horyaalla xeerkii dadka maalka haya iyo kuwa aqoonta leh isku geyn lahaa oo lacagtu wareegto si uu qaranku hore ugu maro, haddii lacagtiina meel fadhiisato oo ninkii lahaa qasnad ku xidho kii aqoonta lahaana qaranku hore u mari maayo baryana ka bixi maayo."
"Maanta Baarlamaanka iyo Guddoomiyahooda oo murrashax ah waxaan ku dhaliilayaa inaanay samaynin xeerkii lacagta iyo dadkaas aqoonta leh isku geyn lahaa, xukuumadduna inay ku daba joogto bay ahayd oo ay tidhaahdo maxaad waxan u dhaqaajin weydeen," ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu caddeeyey inaanay Golaha Wakiilladu muddadii dheerayd ee kuraasida ku fadhiyeen fulinin wixii laga filayey ee waajibka ku ahaa iyo wax u dhaw midna, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, "Baarlamaanku xukuumadda wuu ka adagyahay oo isaga ayaa ka awood badan, maantana Baarlamaanku wax way qabteen oo ma wada dafirayno, laakiin hawshii aynu ka rabnay 12-sano ee ay fadhiyeen boqolkiiba toban (10%) kamay qabanin."
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu farriin dhaxalgal ah uu u diray muwaadiniinta qaadanaya kaadhadhka codbixinta ee ay kaga qaybqaadanayaan doorashada madaxtinimada ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 13-ka bisha November, kaasi oo u sahlaya codkooda ku go'aamiyaan ciddii horumarka dalka wax ka tari lahayd, "Muwaadinka codaynaya waxa laga rabaa kaadhka uu maanta qaadanayaa inuu dhibaatooyinka jira saxo, mana ah inuu qaato inuu qof si uun wax ugu sheegay ugu rido, laakiin codkaagu waa inuu keenaa Baarlamaan hawshiisa qabsanaya oo uu keeno Somaliland oo wax isku darsata oo kala qoqobka iyo xaafad-xaafadda ka baxda, codkaagu maanta waa inuu ka taliyaa sidii shaqo la'aanta dalka haysata looga bixi lahaa, ummadaha adduunka oo dhammina ma laha dal aan shaqo la'aan iyo dhibaatooyinka aynu soo marnay iyo kuwo ka liita soo marini, laakiin dadku iyagaa inta ay fikiraan dhibaatooyinka ka wada baxa, shaqo la'aanteenana way dhib yar tahay sida looga baxaa," ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi Cabdi.
storvideo: 


Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Magacaabay Garabbada...

Ciidamada PSF Puntland oo burburiyay saldhigyo...

$
0
0

Wararka laga helayo Buuraha Galgala ayaa sheegaya in ciidamada PSF ee Puntland burburiyeen 2 saldhig oo ay buuraha silsilada Golis ku lahaayeen kooxo ka tirsan Ururka Alshabab, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen 06 July 2017 inta u dhaxaysa deegaanada Madarshoon iyo Diindigle
Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay in hawlgalkooda ku dileen ilaa 12 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Alshabab
Waxay intaas ku dareen Saraakiishan oo ka gaabsadey magacyadooda in la shaaciyo saldhigyada la burburiyay inay Alshabab ku lahaayeen qarar ku yaala deegaanada Madarshoon iyo Agagaarka Deegaanka Diindigle .
Waxaay sheegeen saldhig kasta in ciidanku ugu tagey ilaa dhawr boqol oo ah noocyada kala duwan ee raashinka iyo Agabyo kale.
Ciidamada PSF ayaa qeyb libaax ku leh hawlgalada Puntland kula dagaalamayso kooxaha ka tirsan Alshabab iyo Daacish, Mana ahan markii ugu horeysay oo ay saldhigyo ka burburiyaan .BosasoPUNTLAND POST
The post Ciidamada PSF Puntland oo burburiyay saldhigyo Shabaab ku lahaayeen buuraha Galgala appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Trump iyo Putin oo shirka G20 ku kulmaya

$
0
0

Booliska Jarmalka ayaa waxa ay isku dhaceen dibadbaxayaal ka hor shirka G20 ee maanta ka furmaya magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

Trump iyo Putin oo shirka G20 ku kulmaya

$
0
0

Booliska Jarmalka ayaa waxa ay isku dhaceen dibadbaxayaal ka hor shirka G20 ee maanta ka furmaya magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.
Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa ballanqaadday inay dadaal u gali doonto sidii ay wax wanaagsan uga soo bixi lahaayeen shirkaasi oo looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin isbadelka cimilada iyo ganacsiga adduunka.
Hasayeeshee shirkan ayaa waxaa harayn doono kulanka koobaad ee fool ka foolka ah ee ay yeelanayaan madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka.
Ku dhawaad muddo lix bilood ah oo uu hayay xilka ayuu Madaxweyne Donald Trump waxa uu kulankii ugu horreeyay oo muhiim ah uu la yeelanayaa dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.
Kulanka ayaa noqon doona mid lagu loolami doono rabitaanka shakhsiyadeed iyo sidoo kale adeegsiga xeelad xikmadaysan.
Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii Mareykanka si uu ugu soo baxo musharaxa uu door bidayo iyo inuu shakhsigaasi saameyn ku yeesho.
Madaxweyne Trump ayaa suuragalnimada arrintaa qiray markii uu usoo socday magaalada Hamburg ee uu shirka ka dhacayo, sidoo kalana waxa uu Ruushka ku eedeeyay inuu si bareer ah xasilooni darro uga abuurayo Ukraine, eedaymahaasi oo dhammaantood uu diiday aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo Ruushka.
Labadan masuul ayaa rajaynaya inay meel dhexe isugu yimaadaan, balse loolanka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya ayaa ka tarjumaya kala qeybsanaanta ba'an ee ka dhex jirta hoggaanka dalalka ugu dhaqaalaha buuran caalamka.
Madaxweyne Trump ayaa kali ku noqon doona diidmada heshiiskii caalamiga ahaa ee Paris ee lagu dhimayay heer kulka sii kordhaya ee caalamka, hasayeeshee hogaamiyaha Jarmalka ee martida loo yahay ayey tahay inay ku dadaasho ilaalinta mowqifka inta badan wadammadii heshiiskaasi ansixiyay.
Arrimaha kale ee sida weyn looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah muranka dhanka ganacsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa Waqooyiga Kuuriya.
storvideo: 

Maxaa laga filan karaa kulanka Trump iyo Putin ka hor shirka G20

$
0
0

Waxaa markii ugu horreysay maanta kulmaya hoggaamiyeyaasha waddamada Mareykanka iyo Ruushka tan iyo markii Donald Trump loo dhaariyay xilka.

Daawo:RW Kheyre oo caawa kayaabshay shacabka iyo...

$
0
0

Jul 7, 2017 -
Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa caawa booqday hotelada iyo goobaha maqaaxiyaha ah ee shacabka isgu imaadaan kuwaasi oo sheeko iyo fikiro isdhaafsaday.
Siyaasihiin caanka ah soomaaliya oo xilal soo qabtay iyo shacab ayuu halkaas kula kulmay Mr Kheyre asagoo weydinaye qaar katirsan go aanadii kasoo baxay xafiiskiisa sida u arkaan iyo waxyaabaha dhibka ku ah.
Booqashadaan kadiska ah ee hotelada caawa ra'isulwasaare Kheyre ayaa imaaneyso xili maalinimada beri ah magaalada muqdisho kafurmi doono kalfadhiga barlmaaanka soomaaliya kasoo lagu wado in mooshin laga geeyo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:RW Kheyre oo caawa kayaabshay shacabka iyo...

$
0
0

Jul 7, 2017 -
Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa caawa booqday hotelada iyo goobaha maqaaxiyaha ah ee shacabka isgu imaadaan kuwaasi oo sheeko iyo fikiro isdhaafsaday.
Siyaasihiin caanka ah soomaaliya oo xilal soo qabtay iyo shacab ayuu halkaas kula kulmay Mr Kheyre asagoo weydinaye qaar katirsan go aanadii kasoo baxay xafiiskiisa sida u arkaan iyo waxyaabaha dhibka ku ah.
Booqashadaan kadiska ah ee hotelada caawa ra'isulwasaare Kheyre ayaa imaaneyso xili maalinimada beri ah magaalada muqdisho kafurmi doono kalfadhiga barlmaaanka soomaaliya kasoo lagu wado in mooshin laga geeyo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Kulanka Baarlamaanka Ee Berito Oo Caawa Laga...

$
0
0

Jul 7, 2017 -
Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha Shacabka iyo hoteelada qaar ayaa waxaa Caawa lag dareemayaa qaban qaabada ku aadan kala-fadhiga xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri ka furmaya Magaalada muqdisho.
Xildhibaanadii ugu badnaa ee ebid ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho si ay uga qeyb galan kulanka Baarlamaanka oo ka duwan kulamadii caadiga ahaa.
Madaxweyne Farmaajo,ayaa la filayaa in uu kulankaas furo,waxana xildhibaanada qaarkood la sheegay in ay mooshin ka keeneen Xukuumada Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Hotelada ku yaalla Muqdisho qaarkood ayaa waxaa Caawa shirar kala duwan ku leh Xildhibaanada labada Aqal ku waas oo ka hadlaya qaabka qof walba uga qeybgeli doono kulankaas.
Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa baahinayay in xildhibaanada ay qorsheysanayaan in ay kalsoonida kala laabtaan ra'iisul Wasaare kheyre,islamarkaana lagu bedelo C/raxmaan Ceynte,in kastoo aan Warkaas xaqiiqo looheyn.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

AMISOM oo War-saxaafadeed yaab leh kasoo saartay...

$
0
0

Jul 7, 2017 -
Ciidamada AMISOM ayaa ku kacay fal naxdin leh kadib markii kolonyo ka mida gaadiidkooda si naxdin leh ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka.
Shalay ayay ahayd markii Kolonyo ka tirsan AMISOM ay degaanka u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ay ku jiireen Mooto ay la socdeen askarta, waxaana dhacday in ilaa saddex gawaarida gaashaaman ah ay dul mareen Mootada, taasoo caro weyn ka dhalisay degaankaasi.
Laba ka mida askarta ayaa isla goobta ku dhintay markii saddex Baabuur oo waaweyn ay dul mareen, halka mid kale uu si xun ugu dhaawacmay, waxaana kolonyadii AMISOM ay u baxsatay dhinaca Muqdisho iyadoo aan u istaagin.
War ay AMISOM soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay si weyn uga xun tahay shilka ka dhacay Wadadda Afgooye oo ay ku lug yeesheen ciidamada AMISOM, waxayna tacsi u dirtay dadkii ay ka dhinteen askarta Soomaalida.
AMISOM ayaa sheegtay inay tallaabada ku haboon oo sharci ah ka qaadeyso arrintan kadib markii baritaan lagu sameeyo, haddii ay soo baxdo inay ku kaceen masuuliyad darro ama taxadar la'aan.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saarin falka naxdinta leh ee AMISOM ku kacday, waxaana marar badan ciidamada AMISOM ku lug yeesheen falal noocan oo kale ah.PRESS RELEASE (For Immediate Release) AMISOM PR/053/2017AMISOM regrets the deaths of two SNA soldiers in a road accident involving anAU armoured vehicle
Mogadishu-July 7th, 2017: The African Union Mission in Somalia (AMISOM) highly regrets the deaths of two SNA soldiers and the critical injuries caused on a third soldier, from a road accident which occurred yesterday, 6 July 2017, at approximately 1300hrs, between Elashabiyaha and Lafole, involving their motorcycle and an AU armoured vehicle.
AMISOM offers their heartfelt condolences to the bereaved families and has instituted an immediate enquiry to establish the full facts of the incident. Appropriate legal action shall be taken against those involved, if the inquiry reveals elements of culpability in the form of negligence, carelessness, recklessness or other, on their part.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:Xog caawa kusoo korartay xaalada Muqtaar...

$
0
0

Jul 7, 2017 -
Dowlada Mareykanka ayaa Liiska shaqsiyaadka sida gaarka ah loo doondoonaayo ka saaray Horjooge kuxigeenkii hore ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow "Abuu Mansuur".
Abuu Mansuur ayaa Hogaanka maleeshiyada ka baxay wixii ka danbeeyay khaarijinta Kooxo Ajaaniib ah oo qeyb ka ahaa aasaaska Kooxda.
Roobow ayaa go'aanka uu kaga baxay Kooxda qaatay kadib dilkii Ibraahim Xaaji Jaamac meecaad "Ibraahim Afgaan" iyo C/xamiid Xaaji Col-haye "Macalin Burhaan".
Roobow waxa uu sheegay in dilka shaqsiyaadkaasi uu Shabaab ku yahay mid ay alle uga fogaaden, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna meesha ka saaray in maamulka Shabaab uu yahay mid ku dhisan Hanaan Jihaadi ah.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Cumar C/rashiir oo dhaliilay Go’aanka dowladda...

$
0
0

Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke oo horey labo jeer u soo noqday Ra'iisul wasaare Soomaaliya hadana ka tirsan mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mowqifka dhexd-heaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ka qaatay Khilaafka Wadamada Carabta.
Cumar Cabdirashiid oo Wareysi gaara siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in mowqifkaas dhexd-heaaxdnimo laga noqdo, isaga oo sheegay in maslaxadda Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo uu sheegay in ay mar walba usoo gurmadaan Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dowladda Qadar aysan wax weyn tarijirin dowladda Soomaaliya, balse ay jirtay shaqsiyaad iyo xarakooyin ay gacan qabatay.
Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd in ay talo badan galiso intii aysan go'aankaas qaadan, madaama ay ahayd arin masiiiriya oo saameyn ku yeelanaysa xiriirka amni iyo dhaqaale.
Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay 7-dii June ku sheegtay in ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta ee walaalaha ah.
War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ku baaqeyso in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.
Go'aankaas ayaana muujiyay in dowladda Soomaaya ay dhex-dhexaad ka tahay Khilaafka Wadamada Carabta.Hoos ka dheyso Wareysiga oo uu qaaday Ridwaan Xaaji Cabdiweli/ VOA
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/07/4c3b4423-420b-4b1a-9cbe-fd99b920896b_16k.mp3
PUNTLAND POST
The post Cumar C/rashiir oo dhaliilay Go'aanka dowladda Soomaaliya ee Khilaafka Carabta appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Reer Garoowe dawladnimo ayeey sheegteen

$
0
0

8th July 2017 admin Category :
Daawo Odayaasha Daarood, Isaaq iyo Hawiye oo ka hadlaya -ha ay kala joogaan ee Muqdisho, Hargaysa iyo Garowe. Daawo daqiiqadda 9:37, marka Odayaasha Daarood ka hadlayaan Caasimaddu waxay u taagan tahay. Sidoo kale daawo Daqiiqada 2: 07 marka Xildhibaanka ISAAQ uu ka hadlayo caasimadda iyo dadka ku nooli waxay u taagan yihiin
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

Naafada Minneapolis oo ka shiray xaaladda dadka naafada ah ee gobolka Minnesota

$
0
0

Qaar ka mid ah Soomaalida naafada ah ee ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in la garab istaago dadka naafada ah.

Madaxda G-20 oo ku dadaalaya inay heshiis gaaraan

$
0
0

Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka.


Madaxda G-20 oo ku dadaalaya inay heshiis gaaraan

$
0
0

Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka.
Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirka, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag.
Booliska ayaa habeenkii labaad waxa ay isku dhaceen dibadbaxayaal iskudayay inay carqaladeeyaan shirka.
storvideo: 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho kaga Qayb...

$
0
0

8th July 2017 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta 08 July 2017 ka qayb galay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa sidoo kale kala qayb galay furitaanka kal-fadhigani, Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Madaxdda dawladdaha xunaha ka ah DFS, maasuuliyiin ka tirsan goloyaasha DFS, saraakiisha ciidanka qalabka sidda, masuuliyiin ka socdey beesha caalamka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka kal-fadhigaasi ayaa sheegay in maanta ay muuqato wanaag Soomaaliyeed oo tiro badan iyo mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta ah mid wanaagsan, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya dan u tahay in la-yagleelo geedi ku salaysan horumarka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed." Runtii waxaa noo muuqda anaga wanaag Soomaaliyeed oo tiro badan, waxaa noo muuqda mustaqbalka Soomaaliyeed inuu fiicanaan doono, dhib badan waa la soo maray laakiin runtii waxaanu qabnaa rajo weyn, in Soomaaliya waddadii saxda ahayd ay qaaday, is bedel dhabihina ka muuqdo una socoto dhankii wanaagsanaa runtii, markaad eegto meesha aan ka nimi waxay maanta Soomaaliya haysaa wadadii saxda ahayd" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay in lahelayo hadii ummaada Soomaaliyeed mudawdo wanaag degdega, horumar degdega iyo isbedel wanaagsan oo degdega, hadiise aan la helin waddajir Soomaaliyeed in intaasiba dib u dhacayaan oo aanay hirgalayn." waxaan aamin sanahay hadii aynu midawno wanaagu waa soo degdegayaa, horumarku waa soo degdegayaa , is bedelkuna waa soo degdegayaa, hadii aanaan mudobin oo dhibta jirta aanaan u midoobina dabcan xalku iyo wanaaga aan rajaynaynaa waa ay sii dheeraanayaan, 27 sano oo shido ah iyo shaqaaqo ah ha kala duwanaatee ayaan soomarnay , dabcan bulshada marka dhibaatadu ku raagto colaadu ku raagto waxa ay noqotaa bulsho xun, taasina waxaa ka dhalanaya wax badan oo aadan ku tala gelin inay yimaadaan, waxaana taasi kaga bixi karnaa Soomaali oo midaysan, "hadii cadawgaagu bato cududaadaa waa lamideyaa ". ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya kooxda nabad diid ka ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in yihiin dabayl dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed mustaqbalka dhawna lays waydiin doona Al-shabaab waxay ahaan jireen.
Guddomiyaha golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka jeediyey kal-fadhigani khudbad ku salaysan wixii u qabsoomay baarlaanka labadii kalfadhi intii u dhexaysey, waxaana uu xaqiijiyey in golaha shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin la xisaabtanka xukuumadda DFS iyo horumarinta shuruucda dalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaaj oo si rasmi ah u furay kal-fadhiga 2aad ee golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa khudbadiisa dastuuriga ah kaga hadlay horumarka ay ku talaabsatay xukuumadiisu mudadii u dhexeysey labada kal-fadhi ee sadadka 2017-ka waa 1aad iyo kan 2aad
Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in laga midaysan yahay dhammaan Maamuladda Soomaaliya iyo DFS-ba dib usoo celinta sharaftii iyo karaamadii dawlad-nimo Soomaaliyeed, taasina ay tahay maanta tan isu keentay hogaamiyayaasha ummaada Soomaaliyeed.==DHAMMAAD== XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.
Share this:
storvideo: 

Akhriso:- Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee ...

$
0
0

Bismillaahi Raxmaani RaxiimGuddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan JawaariGuddoomiye ku-xigeennada iyo Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha ShacabkaXubnaha Golaha Aqalka SareMadaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Danjireyaasha martida inoo ahiyo dhammaan marti-sharafta kale
Assalaamu Caleykum Waraxma Tullaahi Wa BarakaatuhuGuddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Marka hore, waxaa mahad leh EEBBE oo noo suurto-geliyey inaan maanta oo ah Sabti, 8dii Luuliyo 2017-ka, isugu nimaadno kulanka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.
Marka labaad, waxaan u mahad-naqayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo fursaddaan qaaIiga ah i siiyey, si aan u furo kalfadhigaan, taas oo ka mid ah waajibaadkeyga Madaxweyne ee dastuuriga ah.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee Xilldhibaan Siciid Xasan Geeddi iyo Xildhibaan Cabbaas Cabdullahi Shiikh Siraaji oo inagala qeybgalay Kalfidhigii 1aad ee Golaha Shacabka. Ilaahay ha u naxariisto, ehelladoodiina samir iyo imaan haka siiyo.
Kalfadhigii hore, labada gole ee Baarlamaanku waxay si habsami leh u dhameystireen nidaamkii doorashada dalka iyo isbedelkii dowladda oo ay ku soo gunaanadeen Doorashadii madaxweynaha dalka iyo ansixintii Ra'iisul Wasaarraha iyo Golaha Wasiirrada. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay suurto-gelinta isbadelkaas taariikhiga ah. Waxaa ilaahay mahaddiisa in si nabad iyo xasillooni ah uu noogu dhammaaday isbadelkaas.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Si aan uga mira-dhalinno balanqaadyadii aan u sameyney shacabka Soomaaliyeed iyo dareenkii ay muujiyeen bulshadu kadib doorashadii 8dii bisha feberaayo 2017 ka, waa inaan wada-shaqeyneynaa innagoo gacmaha isheysanna, una badalnaa taageerada iyo guubaabada shacabka wax-qabad mug leh. Waa inaan guulo la taaban karo ka soo hoyinnaa himilooyinka iyo rajooyinka shacabka, si dalka iyo dadku uga baxaan dhibaatooyinka raagaadiyay oo ay ugu horreeyaan nabad la'aanta, cadaalad-darrada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada.
Dhibaatooyinkaan, waxaa looga bixi karaa inaan la nimaadno daacadnimo, firfir-cooni, wada-shaqeyn, daah-furnaan iyo isla-xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay'adaha kala duwan ee dowladda.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
In kastoo ay jiraan caqabado cul-culus, haddana waxaa hubaal ah in horumar la gaaray tan iyo markii ay dib-u-soo-laabatay dowladnimadii Soomaaliyeed. Balse, waqtigaan, hammiga iyo himilada shacabku wey ka duwan tahay middii hore. Wax-qabadka iyo horumarka nalaka filayo wuu ka baaxad weyn yahay midkii hore. Sidaa daraadeed, waa in dadaalkeenna iyo wax-qabadkeennu ka sii badnaadaan kuwii dowladihii iyo Baarlamaannadii naga horreeyey, si aan guul uga gaarno himilooyinka shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyaan.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Waxaan fursad u helnay in aan hoggaanka dalka qabanno. Waa mas'uuliyad aad u baaxad weyn oo ay nagu aamineen dadka Soomaaliyeed, kuwaas, oo innaga sugaya inaan ka dhabeyno ballan-qaadyadii aan si wadajir ah dusha u saaranay. Waxaa taariikhdu qori doontaa, isla markaasna shacabku nagu qiimeyn doonaan waxqabad-wadareedkeenna iyo guulaha si wadajir ah aynu uga soo hoyno xallinta dhibaatooyinka ragaadiyay ee dalkeenna iyo dadkeenna.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Muddadii koobneyd ee dowladdu jirtay, waxaa noo qabsoomay howlo dowladnimada muhiim u ah sida:
* Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay'adaha kala duwan ee dowladda sida Barlamaanka, xukuukamdda, hay'adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah
* Ka guul gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah
* Howl-gelinta ciidammo gaar u ah nabadeynta Caasimadda
* Xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowlado-goboleedyada.
* Qaadidda jid-gooyooyin sharci-darro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka
* Ka soo hoyinta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London. Guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyayaasha
* Dib-u-hanashada saxiixa deeqaha ku baxa magaca Soomaaliya. Awooddaas oo muddo dheer gacanteenna ka maqneyd.
* Dhameystirka heshiiskii duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
* Dib-u-soo-celinta duulimaadkii habeennimo ee garoonka Muqdisho.
* Dhameystirka dib-u-hanashada maamulka hawada Soomaaliyeed ka hor dhammaadka sanadka.
* Guul ka gaarista in aan heshiis la galno dhowr waddan oo ay ku dhibaataysnaayeen maxaabiis Soomaaliyeed si xurriyadoodii loogu soo celiyo. Dufcadii koowaad waxaan dib ugu soo celinaynaa maalmaha soo socda Insha Allaah.
* Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda.
* Qabsoomidda shirar gogol xaar u ah dib-u-heshiisiin dhab ah.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Waxaa kale oo na horyaalla howlo aad iyo aad u baaxad weyn. Howlahaasi, waa kuwa naga wada-dhaxeeya oo aan Golaha Shacabka la'aantiis horumar laga gaari karin. Howlahaas waxaa ka mid ah:
1) Dib-u-eegista iyo afti-u-qaadidda dastuurka,
2) Dhameystirka federaalaynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka,
3) Hirgelinta Xisbiyo Siyaasadeed iyo gaaritaanka qof iyo cod 2021,
4) Dhisidda guddiyada madaxa-bannaan ee dastuuriga ah ee dhimman,
5) Go'aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda,
6) Isla meel-dhigidda habka loo wadaagayo khayraadka dalka,
7) Dib-u-habeynta hay'adaha garsoorka, iyo
8) Ansixinta shuruucda hortabinta u leh XukuumaddaGuddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dowladdu waxay xoogga saareysaa toddobada qodob ee soo socda:
1) Dib-u-xasilinta dalka;
2) Dib-u-habeynta garsoorka;
3) Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha;
4) Dhameystirka federaaleynta & Dimuqaraadiyeynta dalka;
5) Xoojinta Xiriirka Caalamiga;
6) Dib-u-habeynta iyo tayenta hay'adaha dowladda;
7) Dib-u-heshiisiinta dadka Soomaliyeed.
Si aan higsigaas uga mira-dhalinno, waxaa lagama maarmaan ah in aan u abbaarno si wadajir ah. Waxaa xusid mudan in lixdaas qodob ay leeyihin ahmiyad siman, loona baahan yahay in dhammaantood laga gaaro natijooyin wax-ku-ool ah.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Nabad La'aani waa Nolol-la'aan. Sidaa daraadeed, aan ku hormaro hiigsiga dib-u-xasilinta dalka.
Si aan u gaarno, waxaan ku guda jirnaa ka howlgalka:
1) Dejinta shuruucda iyo qorshayaasha hay'adaha amniga
2) Wacyigelinta iyo dhaqan-celinta dhalinyarada marin-habaabsan iyo soo dhaweynta xubnaha ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisinimada;
3) Dardar-gelinta olalaha la dagaalanka argagixisada iyo fikirkooda gurracaan ee ay ku marin-habaabinayaan dadkeenna;
4) Dib-u-dhiska, isku-dhafka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka qaranka iyo hay'adaha amniga, si aan u gaarno isku filnaansho ugana kaaftoonno ciidamada AMISOM ee hadda ina taakuleeya
5) Ka-hortagga maalgalinta iyo gacansiinta fikirka argagaxnimada.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay istiraatijiyad ku saleysan geesinnimo, dhiirranaan iyo go'aan adeyg, si loo badbaadiyo qaranka. Annagoo taas ka duuleyna, waxaan abbaari doonnaa wadadii lagu heli lahaa hay'ado amni iyo ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Hay'adaha amniga iyo saraakiishooda, waxaa looga fadhiyaa sidii ay u dejin lahaayeen siyaasado iyo qorsheyaal shaqo oo waxtar leh, diiradana saara helista xog looga hortegi karo falalka amni darro ee lidka ku ah shacabka. Sidoo kale, fikirka cusub ee aan dooneyno wuxuu salka ku hayaa mabda'a ah in amnigu uu yahay danta guud, qof walbana laga doonayo in uu ka qeyb qaato. Si taas looga miro-dhaliyo, waxaa lagama-maarmaan ah sameynta dadaaal baaxad leh oo lagu abaabulayo qeybaha kala duwan ee bulshada.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dhismaha gaarsoor loo siman yahay waa hiigsiga labaad lamana gaari karo haddii aan la helin cadaalad iyo garsoor baahsan, kalsooni lagu qabo, dhowrana xuquuqda muwaadinka goob walba iyo goor kasta. Si hiigsigaas loo gaaro, waxaan bilownay qorshe ballaaran oo aan wax uga badaleyno garsoorka iyo cadaaladda. Waxaa xaqiiqa ah in ummadi gaari karin horumar, haddaysan lahayn nidaam cadaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka ilaaliyana naftiisa iyo hantidiisa. Waxaa kaloo hubaal ah in cadaalad-darradu ay qeyb weyn ka aheyd sababaha keenay burburka iyo is-aamin la'aanta aafesay midnimada iyo amniga ummadda Soomaaliyeed.
Si aan u gaarno waxaan ka howl-galeynaa:
1) Dhameystirka sharciyada iyo habraacyada khuseeya hay'adaha garsoorka
2) Dib-u-habeynta iyo tayeynta hay'adaha iyo howl-wadeenndada garsoorka
3) Hirgelinta nidaam garsoor oo baahsan, kaas oo saldhig u ah sarreynta sharicga
4) Isla-xisaabtanka iyo ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa iyo eexdaGuddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Cadaaladda ma hormarin karno haddii aynaan si adag ula dagaalamin musuq-maasuqa iyo wax-isdaba-marinta. Sidoo kale, dowladdu ma gudan karto waajibaadkii loo idmaday inta uu musuq-maasuq ka jiro hay'adaha dowladda gaar ahaan kuwa garsoorka. Waxaan bilwonay in aan dib u habeyn ku sameyno hay'adaha garsoorka dalka si aan dib ugu hanano kalsoonida shacabka. Waxaa naga go'an ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa nuuc walba, heer walba iyo goob walba, si dib loogu hanto garsoor loo siman yahay, loona gaaro dowlad-wanaag iyo daahfurnaan.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ah qodobka saddexaad, wuxuu u udub-dhexaad u yahay dabargoynta saboolnimada, iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, wax-soo-saarka, horumarinta tacliinta iyo caafimaadka iyo ka faa'ideysiga khayraadka dalka.
Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma'ahan mid dabiici ah ee waxaa abuuray colaadaha, iyo xasilooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqday ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo danyarta.
Si aan uga mira-dhalinno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ku howlannahay:
1) Hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka
2) Dhiiri-gelinta maalgashiga iyo abuuridda jawi kordhiya dhaqdhaqaaqa ganacsiga
3) Dib-u-dhiska tiirarka dhaqaalaha gaar ahaan kuwa loo isticmalo wax-soo-saarka
4) Kobcinta iyo suuq-geynta khayraadka dalka, sida xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo khayraadka dabiiciga ahGuddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta waxaa udub-dhexaad u yahay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod sanadka 2021, si loo gaaro dimuquraadiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda-doorasho ee shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa ka soo wareegay 50 sano ku dhawaad doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Intii ka dambeysay waqtigaas, dalku wuxuu soo maray caqabado iyo dhibaatooyin badan oo wali saameyn ku leh dalka iyo dadkaba. Nasiib wanaag, sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo dhanka doorashada xubnaha Baarlamanka iyo hoggaanka sare ee dalka. Doorashadii bilowga sanadkan, waxaa suurtogal noqday in Xildhibaanada intooda badan laga soo doorto dowlad-goboleedyadii iyo degaanadii ay wakiilka ka ahaayeen, si doorasho dadban ah.
Si aan u dardar-galinno howlaha federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta, waxaan ku howlannahay:
1) Isla meel-dhiggidda qorshaha lagu fulinayo geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka
2) Dhameystirka sharciyada iyo Guddiyada dhimman ee doorashooyinka Qof iyo Cod
3) Habka & Geeddi socodka loo hirgelinayo Nidaam Siyaasadeedka Xisbiyada badan
4) Go'aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda
5) U diyaar-garowga tirakoobka, afti u qaadidda dastuurka, si loo gaaro doorashada qof iyo cod 2021
Waxaa xaqiiqa ah in howlo iyo dadaallo culusi ka horeeyaan gaaridda hiigsiga federaaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka. Si aan uga gudubno caqabadaas, waa inaan u wajahno si wadaninimo iyo geesinimo leh.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Xoojinta xiriirka caalamiga waxaa saldhig u ah xiriir caalamiya oo miisaaman, ku saleysan isqadarin iyo isfaham, innaggoo mar walba horumarineyna danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sidaa awgeed, waxaan xoojinay xiriirka aynu la leenahay caalamka, gaar ahaan waddamada aan deriska nahay, dowladaha Carabta, caalamka Islaamka, iyo wadamadda aan xiriirka dhow leenahay, dhanka iskaashiga nabadgalyada iyo dhaqaalaha, xiriirkaasi oo ah mid miisaaman, hormarinayana danta dalka iyo dadka.
Anigoo tixraacaya qoraalkii iga soo gaaray Guddoonka Golaha Shacabka 3dii bisha May 2017, kaas oo ku saabsanaa Heshiiska Barbara, waxaan caddeynayaa qodobadaan:
1) Sida ku cad dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed qodobkiisa 7aad, faqradiisa 2aad, 4aad iyo 5aad, waxaa waajib nagu ah illaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
2) Waxaan caddeynayaa in bilowga howlshaas ay ka horreysay 8dii feberaayo, 2017 kii. Sidaa awgeed, dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dhameystiran oo la xiriirta arrintaan.
3) Marka aan helno xog dhameystiran, waxaan la wadaagi doonnaa Golaha Shacabka iyo dhammaan hay'adaha ay khuseyso.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dib-u-habeynta iyo tayenta hay'adaha dowladda oo ah hiigsiga lixaad, waxaa udub-dhexaad u ah helitaanka hay'ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaamka iyo sharciga dalka, si hufanna u guta waajibaadkooda shaqo. Hay'adaha dowladda waxaa saamayn baahsan ku yeeshay burburkii muddadii dheereyd ee dowlad la'aanta aan aheyn.
Si loo meel-mariyo barnaamijyada iyo qorshe-howleedyada dowladda, waxaa lama huraan ah in dib loo yagleelo haykalkii hay'adaha dowladda.
Si aan u gaarno higsigaas, waxaa lagama maaraan ah:
1) In qiimeyn baaxad leh lagu sameeyo tayada, baahida iyo caqabadaha horyaal Hay'adaha Dowladda;
2) In la hirgeliyo habraac & hannaan saldhig u noqda maamulka iyo maareynta shaqaalaha iyo hay'adaha dowladda;
3) In la kordhiyo tayada shaqaalaha rayidka ah, laguna kabo xirfadley iyo xeel-dheerayaal;
4) In la dayac-tiro xarumaha Wasaarradaha lana howl-geliyo aaladaha teknoolajiyada.Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Haddaba, si aan u xaqiijinno ballan qaadyadeennii, waxaan ka codsanaya Golaha Shacabka ee sharafta leh in ay ansixiyaan 15ka hindise-sharciyeed oo ay dhawaan Xukuumaddu idin hor keeni doonto. Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in haddii hay'adaha dastuuriga ahi ay ka wada ambaqaadan hadaf mideysan aynu gaarneyo natiijooyinka waxqabad ee shacabku naga filayaan.
Ugu dambeyntii, waxaan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
SOOMAALIYA HANOOLAATOPUNTLAND POST
The post Akhriso:- Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

President Farmaajo Opens The Second Parliamentary...

$
0
0

Mogadishu, 8th July, 2017: The President of the Federal Republic of Somalia H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo has officially opened the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament after two months of recess.
President Farmaajo while giving his constitutional address to both houses of parliament emphasized on the need to have the separate organs of the government to work closely together to achieve development goals.
In his address, the president shared with the parliamentarians highlights of the government's progress include consistency in paying salaries and wages for all government employees, efforts in controlling the free flow of illegal arms, operationalizing an integrated special stabilization force for the capital and strengthening of cooperation between the central government and the federal states.
The government has as well been successful in finalizing regaining control of the Somali airspace, has made huge progress in negotiating for agreements to free Somali prisoners in foreign countries and reclaiming Somalia's cosignatory status for aid funds earmarked for development in Somalia.
President Farmaajo confessed that a lot is expected from the government including ensuring security and stability, justice sector reform, recreating sound economic infrastructure, strengthening foreign policies and relations, upgrading government institutions and public reconciliation.
The president then requested parliament to approve 15 bills that the administration plans to table before the house in this parliamentary session to fast track delivery efforts.
President Farmaajo while addressing the pertinent issue of the Berbera port deal underscored that it is clear in article 7, sub-article 2, 4 and 5 of the constitution of Somalia that it is of paramount importance to safeguard the sovereignty and unity of the republic, adding that the administration would soon bring before the house a full report on the same.PUNTLAND POST
The post President Farmaajo Opens The Second Parliamentary Session of The House Of The People appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

SOMALIA: CPJ calls Puntland to release journalist...

$
0
0

Journalist Ahmed Ali Kilwe detained on July 2nd, after criticizing Puntland president Abdiweli Gaas.
NAIROBI (RBC Radio) Authorities in Puntland should immediately release journalist Ahmed Ali Kilwe, the Committee to Protect Journalists said today.
Security forces in Garowe, the administrative capital of the semi-autonomous region of Somalia, have detained Ahmed, the founder of the news website Puntlandone.com, since July 2, according to media reports.
Media reports and three journalists who cover Puntland who spoke to CPJ on condition of anonymity for fear of retaliation said they believed Ahmed's arrest was linked to a June 23 Facebook post that Ahmed wrote criticizing the president of Puntland and his use of public funds.
In a statement published today, the press freedom group Media Association of Puntland said that senior Puntland officials had told them that counterterrorism police detained Ahmed on the orders of President Abdiweli Ali for "posting articles impertinent to the Puntland president."
"Ahmed Ali Kilwe's detention without charge sends a terrifying message to journalists in Puntland," said CPJ's Africa Program coordinator, Angela Quintal, in New York. "Authorities should release Ahmed without further delay, and should allow him and all journalists to work without fear of reprisal."
Ahmed was initially held at a prison at a police checkpoint near Garowe, Omar Mohamed, of Media Association of Puntland, told CPJ. Security forces also use the facility to jail suspected members of the armed group Al-Shabaab, Omar said. In an email, MAP Secretary General Fatima Mohamed Mohamud today said that Ahmed had since been moved to Puntland Central Prison.
General Director of Puntland's Ministry of Information Mowlid Abukar Abkey did not respond to CPJ's repeated phone calls and text messages seeking comment. Vice Minister of Information Abdirizak Omar Ismail told CPJ that he was committed to protecting journalists, but that he could not speak about Ahmed's specific case because he knew nothing about it. CPJ could not reach the president's office for comment.

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live