Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Al-Shabaab Oo Cabsi Gelin Ku Haya Ganacsatada Muqdisho

$
0
0

Qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa waxaa soo food saaray walaac ku aadan culeys ay Shabaab saareen ganacsatada, taasi oo la xiriirta dhaqaale badan oo laga doonaayo dadka ganacsiga leh.
Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe dadka ganacsatada ka soo wacaayay taleefanadooda gacanta ah waxaana ay ku amraayeen inay tagaan Magaalada Tooratoorow, Bariire ama Awdheegle, hadba meeshii uu fudud uu qofkaasi uu tagi karo, iyadoo ujeedka uu yahay in dhaqaale laga qaado qofka ganacsadaha ah.
Ganacsatada oo muujiyay culayska arintaasi ay leedahay ayaa bilaabay inay bedeshaan taleefoonadooda gacanta ah ama ay iska damiyaan si aysan u soo gaarin fariinta Shabaab ee ku aadan bixinta lacagta faraha badan.
Qaar kale oo ganacsatada ka mid ah ayaa u hoggaansamay amarka Shabaab, waxayna tageen deeganada Shabaabka ay maamulaan oo ay ku soo bixiyeen lacago fara badan si ganacsigooda badqab uu ugu noqdo, iyagana ay uga nabadgalaan Al-Shabaab.
Mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu garan la'yahay wax uu sameeyo, maadaama lacag badan ay ku amreen Shabaabka inuu bixiyo, taasi oo uusan awoodin.
Ganacsadahan ayaa la weydiiyay lacag dhan 50-kun oo Doolar inuu bixiyo, wuxuuna sheegay taasi inuusan awoodin bixinteeda, haddii uu bixin waayana inuu ka cabsi qabo in Shabaab ay dilaan ama ay qarxiyaan goobtiisa shaqada.
Wadada Shabaabka ay u soo maraan dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha ay uga qaadaan ayaa waxa ay tahay in Shabaabka ay aruurinayaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad, qof kasta oo hanti lehna ay ka doonayaan.
Walaaca kale ee ganacsatada ay muujiyaan ayaa ah in haddii ganacsadaha la ogaado inuu bixiyay dhaqaale uu Shabaab u geeyay inuu ka cabsi qabo Dowladda Somaliya inay xirto qofkaasi, maadaama Dowladda ay sheegtay inaysan u dulqaadanayn ganacsatada Shabaabka dhaqaalaha ku taageera.
Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haysata laba arin midkood inay kala doortaan, lacagta Shabaab inay bixiyaan, haddii ay diidaana ay suuragal tahay in dil loo gaysto iyo Dowladda oo ku goodisay inay tallaabo ka qaadeyso ganacsadihii la ogaada in Shabaab uu lacag ku taageeray.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


Bay: Shaqaale Samafal oo la Afduubay

$
0
0

7 qof oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia oo lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo kusoo socdey magaalada Baydhobo.
Shaqaalaha la afduubtey ayaa dhamaantood ahaa dad Soomaali ah oo watey gaarigi ay kasoo kaxeysteen magaalada Buur-hakabo.
Wariyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa la socdey xiriirna la sameeyey hay'ada iyo masuuliyinteeda. Sahra Cabdi Axmed ayuu u waramay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:26
0:00:00 /0:04:26
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Bay: Shaqaale Samafal oo la Afduubay

$
0
0

7 qof oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia oo lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo ku socdey magaalada Baydhobo.

Martida: Maxamed Xaaji Maxamuud

$
0
0

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay sida uu noqonayo xaalka degnaansho ee dadka reer Yurub ee ku nool dalka Britain, ka dib marka dalkaasi uu rasmi ah uga baxo M. Yurub.
Barnaamijka waxa soo diyaariyey soona jeedinaya Ridwan X. Cabdiwali.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:14:36
0:00:00 /0:14:36
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Taliye ka Tirsan Malatariga Soomaliya oo la Dilay

$
0
0

Taliyaha ayaa lagu magacaabayay Col. Cumar Macalin Xasan, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay markii miino wadada dhinaceeda la dhigay lala eegtay gaarigii uu saarnaa sida Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda ay u sheegeen warbaahinta.
Qaraxa lala eegtay gaariga Taliyaha ayaa waxaa daba socotay weerar ay koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen kolonyada uu la socday Taliyaha oo maraysay duleedka Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada dilka Taliyaha iyo labo askari, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera.
Degmada Qansaxdheere ayaa ka mid ah degmooyinka ay go'doomiyeen Al-Shabaab, iyagoo jaray waddooyin gala degmadaas, waxaana degmadaas ay sahayda iyo saanada ciidanba ku tagtaan diyaarad.
storvideo: 

Hambalyada iyo Heesaha

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoos oo gudbinaya Caasha Ibraahim (Cuud) iyo Cabdixakiim M. Shirwac
storvideo: 

Shaqaale Samafal oo lagu Afduubtay Koonfur Galbeed...

$
0
0

Jul 15, 2017 -
7 qof oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo kusoo socdey magaalada Baydhabo.
Shaqaalaha la afduubtey ayaa dhamaantood ahaa dad Soomaali ah oo watey gaarigii ay kasoo kaxeysteen magaalada Buur-hakabo.
Ilaa iyo hadda lama ogga cida Afduubatay, laakiin warar ayaa sheegaya in halka lagu Afduubtay Shaqaalahaasi ay ka taliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Badweyn.com u sheegay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu badbaadinaayo Shaqaalahaasi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

War ka cusub canshuurtii Shabaab kusoo rogeen...

$
0
0

Jul 15, 2017 -
Qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa waxaa soo food saaray walaac ku aadan culeys ay Shabaab saareen ganacsatada, taasi oo la xiriirta dhaqaale badan oo laga doonaayo dadka ganacsiga leh.
Shabaab ayaa muddooyinkii dambe dadka ganacsatada ka soo wacaayay taleefanadooda gacanta ah waxaana ay ku amraayeen inay tagaan Magaalada Tooratoorow, Bariire ama Awdheegle, hadba meeshii uu fudud uu qofkaasi uu tagi karo, iyadoo ujeedka uu yahay in dhaqaale laga qaado qofka ganacsadaha ah.
Ganacsatada oo muujiyay culayska arintaasi ay leedahay ayaa bilaabay inay bedeshaan taleefoonadooda gacanta ah ama ay iska damiyaan si aysan u soo gaarin fariinta Shabaab ee ku aadan bixinta lacagta faraha badan.
Qaar kale oo ganacsatada ka mid ah ayaa u hoggaansamay amarka Shabaab, waxayna tageen deeganada Shabaabka ay maamulaan oo ay ku soo bixiyeen lacago fara badan si ganacsigooda badqab uu ugu noqdo, iyagana ay uga nabadgalaan Al Shabaab.
Mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu garan la'yahay wax uu sameeyo, maadaama lacag badan ay ku amreen Shabaabka inuu bixiyo, taasi oo uusan awoodin.
Ganacsadahan oo aan diidnay magaciisa iyo shaqadiisa in aan sheegno ayaa la weydiiyay lacag dhan 50-kun oo Doolar inuu bixiyo, wuxuuna sheegay taasi inuusan awoodin bixinteeda, haddii uu bixin waayana inuu ka cabsi qabo in Shabaab ay dilaan ama ay qarxiyaan goobtiisa shaqada.
Wadada Shabaabka ay u soo maraan dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha ay uga qaadaan ayaa waxa ay tahay in Shabaabka ay aruurinayaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad, qof kasta oo hanti lehna ay ka doonayaan.
Walaaca kale ee ganacsatada ay muujiyaan ayaa ah in haddii ganacsadaha la ogaado inuu bixiyay dhaqaale uu Shabaab u geeyay inuu ka cabsi qabo Dowladda Somaliya inay xirto qofkaasi, maadaama Dowladda ay sheegtay inaysan u dulqaadanayn ganacsatada Shabaabka dhaqaalaha ku taageera.
Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haysata laba arin midkood inay kala doortaan, lacagta Shabaab inay bixiyaan, haddii ay diidaana ay suuragal tahay in dil loo gaysto iyo Dowladda oo ku goodisay inay tallaabo ka qaadeyso ganacsadihii la ogaada in Shabaab uu lacag ku taageeray.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Daawo:Mid kamid ah gawaarida ugu qaalisan dunida oo...

$
0
0

Jul 15, 2017 -

Nagala soo xiriir
storvideo: 

Turkiga oo xusaya sanad guurada isku-daygii afgembi

$
0
0

Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.
15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.
Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto aya shaqada kaga ceyrisay in ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno.
Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fetxullaah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.
Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.
Falan qeyn ku saabsan sanad kadib afgembigii dhicisoobay ee Turkiga
storvideo: 

Arag sawirka Amin arts oo Cumar Cabdirashiid iyo...

$
0
0

Jul 15, 2017 -
Ayadoo dhawaan dowlada soomaaliya go aan dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka wadamada khaliijka inkastoo shaqsiyaad dowlada katirsan arintaasi kasoo horjeysteen.
Shaqsiyaadka kasoo horjeystay ayaa kamid ah ra'isulwasaarihii hore ee soomaaliya Cumad Cabdirashiid iyo qaar kale inkastoo lashegaayo in tageero xoogan ka heysto xildhibaanada ku aftirsada kooxda damul jadiid.

Nagala soo xiriir
storvideo: 

MAANTA IYO XAALADA WAQOOYIGA SOOMAALIYA

$
0
0

16th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Ma Aniga oo Reer Maakhir ah, oo Suldaanka Somaliland Suldaankaygua ahaan jiray, oo 1960 ka hor sida taariikhdu qorayso aan xor ahaa oo nidaam dawladeed iyo kala danbayni Maakhir ka jirtay lagu amaanay . Miyaa maanta nin duurka ku jiray oo Deerada daban jiray ee dawladeeyaa oo Seexaarodo Beeli leedahay dhulkayga keenaaMaamulka Isaqland horay waxay marar badan ku guul dareysteen sanaadiiqdii ay rabeen iney ku khalkhal geliyaan nabada dhulka Maakhir iyo Dhulbahantaha ee Puntland. Maamulka Isaqland iyo dabadhilifyada tirada yar ee macaanjecesha ah ee u adeegaa waa iney ogaadaan in aaney wax ka qaadin karin dadka Reer Maakhir iyo Dhulbahantaha dega Waqooyiga oo diiday gunnimada hoos taga Isaqland oo doortay gobanamida la noolashaha reer tolkooda Puntland, wax kasta ah isku qabeene.
Nabad loo wada noolaado oo aan la isa sheegan ayaa walaaltinimada iyo deris wanaagu ku jiraan. Odayaasha Warsangeli iyo Dhulbahante ha iska jireen biidhiqaatayaasha tirada yar ee magaca la wadaaga oo shilimaadka Isaqland ka soo qaadanaya si ay u khayaameeyaan iyagoo isla simaya iney la mid yihiin Dhulbahantaha iyo Warsangeliga Puntland ka socda.
Puntland waa dalkeenii iyo dadkeenii oo doorasho ayeynu kaga mid noqonay. Puntland waa dalkeenii uu khasab Warsangeli iyo Dhulbahante kuma sheeganayaan halka Isaqland rabaan in ay dadka sanka ka geliyaan goosashadooda. Puntland dad inala dhashay baynu wada sameysanay oo ina khasbi maayaan, markaynu doono ayeynu aayaheena ka tashan karnaa haddii wax isbedelaan. Laakiin waa in aan ogaanaa kuwa jecel in Dhulbahante iyo Warsanageli looga dhigo Puntland dab gubaya si walaalehoodii ay garabsan lahaayeen loogu diro. Marka dugsiga walaalkood laga soo saaro ayey iyagoo baylaha ah gees keligood ugu soo bixi doonaan Isaqland. Isaqland waa siday rabaane markaa ayey caada-qaatayaashooda iyagoo dabada ka wada waxay doonaan sameyn doonaan, sida Laas Caanood ka taagan. Waa in aan ogaanaa dadkaa deriskeena ah ee qabyaalada ISAQLAND ku sameystay ee magaca "SOMALILAND" ku gabanayaa in ay midnimada walaaltinimo ee Dhulbahante iyo Warsangeli ay Puntland kaga mid noqdeen in goolkoodu yahay iney dumiyaan. Isaqland waa qabiil khasab Dhulbahante iyo Warsangeli ku sheeganaya oo raba, si uu u duleysto, in ay sandule iyo xoog ku hoos yimaadaan.
Saluuga iyo guuxa hoose oo maamulka Puntland ay qaar dadka reer Puntland , reer Maakhir iyo Dhulbahante ka tirsanayaan ma aha iney ku kalifto iney mid qabyaalad iyo naceyb la sarkhaasan ay hoos galaan. Gaar ahaan Dhulbahante iyo Warsangeli marna yey gunnimo, addoonsi, duleyn iyo iney is hoos geliyaan Isaqland oo cawaaqib xumo wiil-wiil ka dhaxlo ku kalifin hadday ka cadhoodaan maamulka Puntland. Puntland ka mid noqoshadeedu xidhiidh lama le maamulka Puntland ee xilligaa jooga. Maamulka iyo dadka horboodayaa waa yimaadaan oo tagaan laakiin Puntland weligeed waa jireysaa. Haddii aanu maanta nin Reer Laas Caanood ahi madaxweyne ka aheyn Puntland, berito ayuu ka noqon karaa. Markaa ka mid noqoshada Puntland waa in aan lagu khaldin qalooca ka iman kara shakhsiyaadka maamulka markaa jira, qofkuu doono madax ha u ahaadee. Isaqland ma aha iney marna soo dhexgalaan dadka wada dhashay ee Puntland sida aaney Isaqland marna u ogoleyn in Puntland ay soo dhexgasho markay dhexdooda iska qabtaan.
TAARIIKHDA SALDANADA MAAKHIR EE PUNTLAND IYO HESHIISKAY LA GALEEN BOQORTOOYADA INGIRIISKA
Lix qabiil oo Waqooyiga degan ayaa la kala galay Ingiriiska lix heshiis [xagga hoose ayaa lixda heshiis ku qoran yihiin]. Qabiilka Dhulbahante iyagu wax heshiis ah lama gelin Ingiriiska oo waxay ku hoos yimaadeen Ingiriiska heshiiskii jeexida xudduuda Italian Somaliland iyo British Somaliand. Qabiil Isaaq la yidhaahdo oo wada socda oo heshiis la galay Ingiriiska ma jirin. Ma jirin wax la yidhaahdo "Somaliland" dad metelaya oo wada socda oo heshiis la wada galay Ingiriiska. Ereyga "Somaliland" wuxu ahaa magac ay dawlada Ingiriisku maamulka qabaa'ilka ay heshiiska la gashay iyo Dhulbahante ay ula baxday dhulkii ay deganaayeen iyadoo magacaa markii u horeeyey, maadaama "Dhul Soomaaliyeed" uu u taagan yahay, loo isticmaalay Koonfurta iyo magaalooyinka Baraawe.
Qabaa'ilka Waqooyigu xorriyada kuma qaadan in ay ka mid noqdaan dal xor ah oo "Somaliland"la yidhaahdo. Markii xorriyada Waqooyiga la siinayey dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintii Shirkii Dastuurka ee May 1960 u sheegtay in aaney heshiis la gelin wax la yidhaahdo "Somaliland" oo siyaasiyiin metelaan sidaa darteed aaney xorriyad sharciyan sidaa ku bixin karin. Dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintaa ka dalbadeen iney dib ugu noqdaan qabaa'ilka heshiiska lala galay iyo Dhulbahante, oo kaga mid noqday maamulkii Ingiriisiga ka dib markii Talyaaniga iyo dalwada Ingiriisugu kala saxiixanayeen heshiiskooda xadka, oo weydiiyaan waxa ay rabaan.
Siyaasiyiintaa xornimo ayaanu rabnaa ku yidhi Ingiriiska ma laheyn awood ay ku joojiyaan ama baxaan heshiisyadii qabaa'ilka lala galay, maadaama aaney iyagu saxiixin. Wasiirkii Isticmaarku wuxu amray kuwii metelayey "Somaliland' in ay soo caddeeyaan waxa qabaa'ilku rabaan si heshiiskaasi meesha uga baxo. Markii siyaasiyaantii dib loo soo celiyey iyadoo taa shardi lagaga dhigayo ayaa Odayaashii heystay awooda saxiixu caddeeyeen in aaney rabin Xornimo iyodawlada "Somaliland" la yidhaahdo oo keliya laakiin ay rabaan xornmimo iyo Dawlada Soomaaliyeed oo mideysan(Independence and Union With Somalia).
Maamulka Isaqland ee Hargeisa marin habaabinta uu wado oo ah in xorrnimada lagu helay wax la yidhaadho "Somaliland" oo xor u noqatay iney keligeed istaagto oo markaa "Italian Somaliland" lala midowday waa mid ka hor imaneysa xaqiiqada sharciga ah ee maanta caalamka meel kasta taala oo ah in wax "Somaliand" la yidhaadho aaney weligeed si cad xorriyad uga qaadan Ingiriiska iney noqoto dal madaxbanaan. Arrinta beenta ah ee Isaqland sheego oo ah waa nala aqoonsaday iyada adduunku waa la yaabaa beenta iyo indha-adayga ay aqoonsiga ku raadsanayaan maadaama ay meel kasta yaaliin caddeymaha muujininaya sidii xornimada loo siiyey qabaa'ilkii deganaa Waqooyiga iyo in aaney jirin cid weligood aqoonsatay; tahniyadihii meelaha qaar ay u soo direen qab'aailkaa Soomaaliyeed ee xorriyadoodii ku helay iney la midoobaan "Italian Somaliland" ayey ka dhigaan mid lagu aqoonsaday. Ma oga in aaney adduunka khaldin karin oo ay u fiican tahay iney xaqiiqda sheegaan hadday wax aan soconeyn xitaa raadsanyaan.
Si sharciyan loo helo magac ka duwan "British Somaliland" ayaa markay odayaashi ogoladeen"Xorriyad iyo Midnimo Soomaaliyeed" aya dawlada Ingiriisku si taxdir le u isticmaashay ereyga "Somaliland", oo "British" laga reebay, si ay fuliso wixii ay tahay in ay kaga baxdo dhulkaa iyo sharciga dhawrka cisho oo "Italian Somaliand" xornimada qaadaneyso ay sii hoos geliyaan. Marna, xitaa shantaa cisho, magacaa looma adeegsan oo uma taagneyn wadan madaxbaanaan. Dal la yidhaadho "Somaliland" oo xornimo ku helay shuruud la'aan sida aanu weligii u jirin ayey maantana tahay in aan la keeni karin wax "Somaliland" la yidhaahdo oo wada socda oo "Koonfur" ama "Italian Somaliland" la hadlaya.
Waxa jiray qabaa'il "British Somaliland" hoos imanayey oo madaxbaanin ku helay in ay la midoobaya "Italian Somaliland". Shardiga xorriyada lagu helay oo ah midnimada Soomaaliyeed xaq uma le qabiilka Isaaqa keligii intuu dib ugu noqdo 1960 in uu markaa meel kasta ka sheego tan xornimada ookeliya. Xorriyada iyo midowga siday markaa u wada socdeen ayey u wada soconayaan ama qabiil kastii aayihiisu ka tashanayaa. Sidaa darteed Dawlada Federaaligu waa in aaney meesha marna keenin wax aan jirin xitaa 1960 oo dawlada Ingiriisku diiday oo ah in Isaqland metelaan qabaa'ilkii British Somaliland oo dhan, waa haddii Dawlada Federaalku aaney rabin in Soomaali sii kala go'do oo qabiil kastii dawlad noqdo.Sultan Mohamud Sultan Ali-Shire Sultan Muhammad(Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire Suldaan Maxamed), Sultan of WarsangeliWarsangeli Heshiiska uu la galay Boqortooyada Ingiriisku waa ka duwan yahay heshiisyada kale oo dhan marka la eego xagga awooda saxiixa, madaxbanaanida loo ogolaa, maamulkood gaarka ah iyo qodoba kale u ku jira heshiisyada qabaa'ilka kale oo laga saaray ama waxa laga bedelay markii Warsangeli lala gelayey.Dhulbahante heshiis lama gelin Ingiriiska; Odayaasha Ardaaga Warsangeli iyaguna wax kasta oo loo keenay qalinka kuma ay duugine waxay si adag u dalbadeen in qodobada Ingiriisku la yimi ee qolooyinka kale aqbaleen in qaar gebi ahaan laga saaro oo aanay aqbaleyn, qaarna wax laga bedelo iyo in iyagu qaar ku soo darsadaan.
Heshiiska Warsangeli waa kan keliya oo uu saxiixay Suldaan Guud oo loo aqoonsan yahay hogaanka qabiilkiisa iyo maamulka dhulkiisa.
Heshiisyada kale odayaasha saxiixayaa ma le awoodaa, loomana aqoonsan markay wax saxiixayeen. Aqoonsiga la siiyey Suldaanka iyo Maamulkii Ardaaga Odayaasha Warsangeli si loo dhawro nidaamkoodii ismaamulka ee casriga ahaa waxa Ingiriiska khasab ku noqotay inuu si gaara ula galo wada hadal Odayaasha Warsangeli. Taasi waxay keentay in heshiiska Warsangeli laga ilaaliya waxkasta oo xornimadooda, maamulkooda, ku xadgudubka dhulkooda iyo iska soo gelida badooda laga ilaaliyo. Waa laga wada saaray heshiiska Warsangeliga qodobada heshiisyada qabaa'ilka kale ku jira ee wax u dhimi kara arrimahaa.
Heshiiska Warsangeli waxa laga saaray odhaahda "the maintenance of our independence, the preservation of order ...... " oo ah in xejintta xornimada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta dhulka gacanta loo geliyo Dawlada Ingriiska. Qabaa'ilka Waqooyiga ee heshiisyada saxiixay way ogalaadeen taa laakiin Odayaasha Ardaaga Warsangeli waa diideen waana laga saaray heshiiskooda. Warsangali waxaa loogu bedelay, hadday baahiyi timaado, in Warsangeli gacan siin doonaan hawlaha gaarka ee sarkaalkaa loo diro iyagaa ka wada shaqeynaya iyaga iyo Warsnageligu arrimaha caddaalada, horumarinta kheyraadka dalka, ganacsiga, iyo arrimaha la xidhiidha nidaamka, dawlad wanaaga iyo horumarinta guud ee ilabxnimda caalamka. Faahfaahintaa dheer oo tilmaamay sida dawlada Ingiriisku u aragtay in ay Warsangeli yihiin maamul adduunka wax ku soo kordhin kara oo ay aqoonsatay nidaamka iyo horumarka Saldanada Maakhir gaartay ayey garteen iney heshiiskooda sidaa u dhigaan oo deegaanka maakhir ka dhigaan "country" halka heshiisyada kale laga dhigay qabiil wax lala saxiixda oo laga xayuubiyey xornimadoodii oo Boqortooyada Ingiriisku ilaalineyso.
Maadaama awood xagga badda ah oo weyn Warsangeligu ay lahaayeen Ingiriisku wuxuu kaloo ka saaray odhaahda "All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within ..." oo ah in maraakiibta wadata calanka Ingiirsku la siiyo ogalaasha furan oo ah iney siday doonaan uga ganacsan karaan xeebaha iyo goobaha qabiilka. Maadaama nidaam iyo kala dambeyn ay leedahay Saldanada Maakhir waxay diideen in ay Boqortooyada Ingiriiska uu ogalaadaan iney maraakiibtoodu xeebahooda iska soo galaan oo dhulkooda ka ganacsadaan iyagoo aan ogolaasha Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka heysan. Laakiin qabaa'ilka kale dhulkooda iyo xeebahooda sidii la doonaa laga yeelayey.
Waxay kaloo Ardaaga Odayaasha Warsangeli xilligaa dalbadeen in aan heshiiskoodu noqon mid furan oo suldaanada isbedelayaa dhaxlaan. Waxay diideen odhaahda qabaa'ilka kale oo dhan heshiisyadooda la raaciyey oo ah in iyaga iyo kuwa ay sii dhalaan oo dhulka dhaxli doonaa ay khasab ku tahay iney ilaaliyaan heshiiskaa waa " their heirs and successors ."
Waxa la yaab le xeel-dheerida iyo garashada fog ee Ardaaga Odayaasha Warsangeli ee xilligaa. Maanta looyarada joogaa sida ayArdaaga Odayaasha Warsangeli heshiiskoodu ugu adkeysteen inuu ka duwanaado qabaa'ilka kale iyo in aan ismaamulkooda la taaban karin oo xornimadooda wax loo dhimin, in sidii dal "Country"loola galo, in aan doonyaha iyo maraakiibta Ingiriisku iska soo geli karin dhulkooda, in aan dadka hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiksu iska dhex mari karin iyo inaan heshiisku noqon mid furan oo Sultaan uu Sultaan ka dhaxlo.
Heshiiskaa Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka shaqeeyeen xilligaa maanta ma sameyn karaan kuwa jooga oo xirfadaa iyo xeel dheeridaa la yaab kale oo ay xitaa ku darsadeen awooda ah in haddii Suldaan cusubi yimaado oo Ardaaga Odayaasha Warsangeli iyo Suldaanku isla gartaan in ay ka baxaan ay jebin karaan halka Soomaalida kale ay khasab ku tahay iney weligood Boqortooyada Ingiriiska ku hoos jiraan.
storvideo: 

Warsangeli iyo Calanka Ingiriiska 1886

$
0
0

16th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Odayaashii Warsangeli ee 1886 Ingiriisku, markuu heshiiska la saxiixanayey, wuxuu kula dhici waayey in uu yidhaadho qaata calankeyga oo ciidiina ka taaga
Waa nasiib xumo dadkii ka farcamay odayaashaa calanka Ingiriiska lugula dhici waayey in ay maanta harqad qabiil Hargeisa degani ay "calan" ka dhigteen intay soo qaataan, iney dhulkooda keenaan, iyagoo xitaa diyaar u ah in ay maradaa calalka ah u dhintaan. Waa aakhiru saban.
"...IT WAS NOT DEEMED advisable to press on the Warsnagli the acceptance of our flag....." Consul Hunter, 1886" ...Ilama ahayn in wax lagu taliyo ay tahay in Warsagenli lagu caddaadiyo in ay aqbalaan calanka Ingiriisiga[oo dhulkooda laga taago]...." Consul Hunter, 1886
Marka odayaasha Warsangeli xilligaa ay diideen CALANKA Ingiriisiga, isla markaana heshiiskooda gaarka looga dhigay, qabaa'ilka Aadan Madoobe, Reer Dood, Sacad Yoonis, Muuse Carre, Cali Siciid iyo kuwa kale, CALANKA Ingiriiska ayaa farta laga saarayey oo ay sudhayeen ciidooda. Halka hoose ka arag iyo lifaaqa(attachment) ka arag
Waa kuwan qoraalada kooban oo ku jira lifaaqan (attachment):
..Aden Madoba, sub-tribe of the Habr Toljaala,....The British flag was given to the inhabitants, who at once hoisted it.
...Ankor was reached, the flag hoisted, and the Treaty signed by Rerdod tribe without hesitation.
At Shelloa, .... The flag was hoisted;
..at Maid, where the various sub-tribes of the Musa Array and Ali Said signed the Treaty and voluntarily hoisted the flag.
It was not thought worth while visiting the roadstead of Hashow, but an Elder of the Saad Yunus tribe, who was at Maid, signed the treaty and took charge of the flag.
We arrived at Bunder Gori, or, as the Somal call the port, Laskhoray, on the 27th, and the Gerad of the Warsangali being fortunately present, I was enabled to conclude a Treaty, placing the coast between Ras Galweni and the Mijjertain limits under British protection. This carried our protectorate as far as Bunder Ziadeh on the 49th parallel of longitude. IT WAS NOT DEEMED advisable to press on the Warsnagli the acceptance of our flag. They evidently consider their relations with us should resemble those held by the Mijjertain, and they asked to be made, like them, stipendiaries; also that the relatives of the Gerad should be permitted to wear ARMS in Aden, a privilege enjoyed by the family of Sultan Othman. I think that an annual stipend of 180 dollars(half the sum paid to the Mijjertain) might be allowed to the Warsangali Gerad. The arms question can be dealt with by the Resident.
Tan iyana waa la soo maray:
The Warsingali complained to me sadly of their decline in power
since the English had interfered in their fights with
the Habr Teljala, which took place near Aden about seven years ago,

and had deprived them of their vessels for creating a disturbance,
which interfered with the ordinary routine of traffic. They said
that on that occasion they had not only beaten the Habr Teljala,
but had seized one of their vessels; and that
prior to this rupture they had enjoyed paramount superiority over all the tribes of
the Somali but now that they were forbidden to transport soldiers
or make reprisals on the sea, every tribe was on an equality with
them.
John Hanning Speke, 1854
TURJUMID:
" Warsangeli waxay tirsinayeen, iyagoo aad uga xun, sida awoodoodii u wiiqatay ilaa iyo markii Ingiiiisrku ay soo fara geliyeen dagaalkii iyaga iyo Habar Toljeclo, kaasoo todoba sano ka hore ka dhacay meel Cadan u dhaw, oo doonyahdooda lagula wareegay iyadoo laga dhigayo in ay qas abuureen, kaasoo dhexgashay isku socodkii caadiga ahaa.
Waxay yidhaadeen xilligaa Habar Jeclo kama guuleysan oo keliya laakiin waxay kaloo ka qabsadeen mid ka mid aheyd doonyohoodii; xagal ka daacan ka hor waxay ku dhex muxaashi jireen gacan sareyn aan cid tiigsataa jirin Soomaalida dhexdooda laakiin hadda waa loo diiday in ay ciidankooda badda ka talaabiyaan ama xitaa badda ka ugaadhsadaan kuwa aanada ka qaba, nasiib xumo qabiil walba waa lala simay"
John Speke, 1854
Xusuus: 1847 Warsangeli ciidamo ayey badda ka gudbin jireen iyagoo dadkii gardeysa kaga daba tegi jiray. Nasiib daro Maanta Hargeysey ciidan u yihiin?
storvideo: 

XOG: Guushii Ugu weyned ee Dowlada Farmaajo ku...

$
0
0

Jul 16, 2017 -
Dowladda cusub ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku fashilantay caddeynta horumarkii ugu weynaa ee ay sheegtay inay gaartay intii ay xukunka heysay.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dib uga laabtay arrin uu wax badan saxaafadda ka sheegay oo ahayd in dakhliga dowladda uu kordhay 90% kadib isbedel lagu sameeyay saraakiisha canshuuraha Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo musuq lagu eedeeyay.
Wasiir Beyle oo shalay hortegay Baarlamaanka Federaalka ayaa su'aalo badan laga weydiiyay dakhliga u soo kordhay xukuumadda, wuxuuna beeniyay inuu isagu sheegay kororsiimo 90% ah, isagoo ku cudurdaartay in hadaladdii kasoo yeeray ay farxadi ka keentay oo aanay xaqiiqo ahayn.
Wasiirka ayay ka muuqatay inuu shaqada ku cusbaa, waxaana xilligii danbe uu xaqiiqsaday in kororsiimada ka jirtay garoonka diyaaradaha iyo Dekadda ay ahayd mid xilliyeed ee aanay ahayn mid joogto ah, kadib markii ay hoos u dhaceen canshuuraha ilahaasi kadib munaasbadii ciidul fitriga.
Kororka Dakhliga dowladda ayaa ahaa waxa ugu weyn ee madaxda dowladda kaga hadlaan fagaarayaasha, sida madaxweyne Farmajo iyo Ra'iisal wasaare Kheyre, taasoo hadda noqotay mid laga daba tegay oo aan xaqiiqo ahayn.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wararka Dibada: Daawo Madaxweyne Erdogan oo Ka Qayb...

$
0
0

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka qayb galay socodkii ugu waynaa ee lagu xusayo sanad guurada koowaad ee inqilaabkii dhicisoobay ee ciidamada dalkaasi kula kaceen xukuumadiisa loogu xusayo oo ka dhacay magaalada Istanbul.
Socodkan dheer oo intiisa badan lagu maray, meelihii ciidamadii af gambiga dhicisoobay sanad ka hor ka sameeyay dhulkaasi ay ka bilaabeen inqilaabkooda ayaa ahaa mid qiiro badani ka muuqatay, oo si wayn loogu xusay dadkii ku dhintay isku daygaa dhicisoobay.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


DAAWO: 8 Qof oo Ku Dhimatay Ciyaarihii Kubada Cagta...

$
0
0

Ugu yaraan Sideed qof ayaa ku dhintay, in ka badan lixdana way ku dhaawacmeen, rabshado ka dhex qarxay taageerayaasha labada kooxood ee ugu waaweyn dalka Senegal, oo ciyaartoodi kama danbaysta ee tartanka kooxaha heerka koowaad ku dhex martay caasimadda dalkaas ee Dakar.
Garoonka Demba Diop Stadium oo ciyaartii kama danbaystii ku dhex maraysay labada kooxood ee Ouakama iyo Stade de Mbour ayaa rabashado ka dhex qarxeen taageerayaasha ka dibna booliska u adeegsaday suntan dadka kaga ilmaysiisa, waxaana dumay qaybo ka mid ah garoonka oo dhimasho iyo dhaawac intiisa u badan sababay.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Maamulka Koofur Galbeed oo ka hadlay Shaqaalo...

$
0
0

Baydhabo ( Sh.M.Network)-Wasiirka Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Muuse Abuukar ayaa ka warbixiyey shaqaale hay'ad Samafal oo shalay laga afduubtay inta u dhaxaysa deegaanka Deynuunaay iyo degmada Baydhabo ee gobolka Baay, kuwaas oo doonayey in howlo samafal ay ka sameeyaan naawxiga Deynuunaay ee gobolka Baay.
Shaqaalahaas ayaa ka tirsanaa hay'adda Gareedo oo ka shaqeysa dhinacyada caafimaadka iyo quudinta caruurta, taasi oo ka howlgasha deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Gargaarka ee Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in shaqaalahaasi ay afduubteen Al Shabaab, islmarkaana ay gaarayaan 7 ruux oo ay afar ka mid ah yihiin Haween halka seddexda kalana ay yihiin Rag sida uu Shabelle u xaqiijiyay Cabdullaahi Muuse Abuukar wasiirka Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu tilmaamay in howlo caafimaad oo dhinaca talaalka caruurta ay shaqaalahaas u tageen gobolka Baay.
ilaa iyo hada majirto wax war oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan in ay afduubteen Shaqaalaha hay'addaasi samafal, oo uu wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed ku eedeeyay In ay Afduubteen.
Waxaana wali wax war ah aan laga hayn halka ay ku danbeeyaan shaqaalaha Hay'adda Gareedo oo shalay laga afduubtay inta u dhaxaysa deegaanka Deynuunaay iyo Degmada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

storvideo: 

Weerar Askar Puntland ka tirsan ay ku dhinteen oo ka...

$
0
0

Boosaaso ( Sh. M. Network)-Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.
Weerarka oo la sheegay in ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu dilay illaa 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland sida Ilo deegaanka ah ay Shabelle u xaqiijiyeen.
Al Shabaaab ayaa weeraro kala duwan ka geysta buuraleyda Galgala iyo qeybo ka mid ah Gobolka Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Puntland ayaa Ciidamo badan geysay Buuraleyda Galgala , kuwaas oo howlgallo xoogan oo ay sheegaan in ay ku baacsanayaan Al Shabaab ka wada halkaas.

storvideo: 

Siyaasiga Cabdi Jiinow oo sheegay in laga gaabiyay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Guddoomiyihii hor ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo u warraamayay Idaacadda Shabell ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in laga gaabiyay wax ka qabashada dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday Shabeelaha Dhxe.
Mr Cabdi Jiinow ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in si dhab ah loogu tafa xeeto wax ka qabashada Dagaal Beeleedkaasi ka aloosan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku booriyay Maamulka iyo Waxgaradka Gobolkaasi Shabeelaha dhexe in ay Masuuliyad iska saaraan wax ka qabashada dagaal beeleedkaas ka aloosan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Deegaanno ku dhow dhow degmada Cadalle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa beryihii dambe waxaa ka jiray xiisad beeleedyo khasaarooyin xoogan geystay.

storvideo: 

Turkiga oo laga Xusay Sannadguuradii Koowaad ee ka...

$
0
0

Turkiga oo laga Xusay Sannadguuradii Koowaad ee ka soo wareegtay Afganbigi Fashilmay
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Shacabka Turkiga iyo xukuumadda ka talisa dalkaasi ayaa xalay xustay sanadguuradi koowaad ee ka soo wareegatay afganbigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay 15-kii July ee sannadkii 2016.
Boqollaal kun oo ruux ayaa ka qeybgalay banaanbaxyo ka dhacay xalay magaalooyinka ugu waaweyn dalka. Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa noo diyaariyey Nur Hassan Nur Bukhaari.
http://www.awdalpress.com/index/wp-content/uploads/2017/07/4f5125fc-8149...
VOA
This post has been viewed 55 times.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>