Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

SOMALIA: Federal Parliament sends back incomplete...

$
0
0

MOGADISHU (RBC Radio) Somali Federal Parliament on Monday sent back the draft bill of the Anti-corruption shortly before the lawmakers begun to debate it.
The Minister of the Justice Hassan Hussein read a presentation about the draft bill to the legislators as he noted that the bill was vital for the country.
The Monday's Parliament session chair, Deputy Speaker Abdiwali Ibrahim Mudey said the draft bill was incomplete and thus not suitable for lawmakers' discussion and therefore informed the Justice Minister Hassan Hussein who attended the session to complete the draft.
MP Dahir Amin Jesow who made a comment of the draft said there were critical pints the draft of the Anti-corruption Bill failed to be included and therefore requested the Minister to further review and send to the parliament the full completed version again.
Parliament second Deputy Speaker Mahad Abdallah Awad announced that parliamentarians could not hold a debate of the draft bill since it lacked key parts resulting the Monday's sitting to agree to send the draft bill of the Anti-corruption back to the proposed ministry.
The Justice Minister agreed to re-table the draft bill once his ministry completes the review again.

storvideo: 


SAWIRO” Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan. Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Somaaliya in dowladda Faransiisku ay kala shaqayso. Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladdu ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahnayahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka. Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Immanu-wel Mak-roon" Emmanuel Macron" oo ku tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
storvideo: 

Uhuru Kenyatta oo Diiday Dooddii Madaxweynaha

$
0
0

Ayada oo laba toddobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha dalka Kenya, ayaa dadweynaha waxa habeenkii isniinta daawadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo kaligiis doodaya, kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu iman waayey.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Danjiraha cusub ee...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan.
Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Somaaliya in dowladda Faransiisku ay kala shaqayso.
Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahnayahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.
Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Immanu-wel Mak-roon ( Emmanuel Macron ) oo ku tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Danjiraha cusub ee Faransiiska appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

“Saraakiil Ciidan oo maanta gaaray magaalada...

$
0
0

Saraakiil ciidan oo ka socda Dowladaha Talyaaniga,Ingiriiska iyo maraeykanka ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Baydhaboee Xaruunta Gobolka Baay waxaana Garoonka Baydhabo kusoo dhaweeyey Saraakiisha Xooga Dalka Soomaliya. Saraakiishaan ka socday Dowladaha reer Galbeedka ayaa booqosho kala duwan ku tagay Xeryaha Ciidamada Xooga Dalka ku leeyihiin Xaruunta Gobolka Baay waxaana ka mid ah Xaruumaha ay kor meereen Xerada taliska qeybta 60 aad ee Ciidamada Xooga Dalka iyo Xaruumo kale. Waxaa ayna balan qaadeen inay dhawaan deegaanada Maamulka koofur Galbeed ay ka hirgalin doonaan Xaruumo Ciidan taasooo qeyb ka noqonaysa Xoojinta iyo tayaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. Amaanduulaha taliska qeybta Lixdanaad ee Ciidamada Xooga Dalka G/ sare Cismaanciil Khaliif Shire ayaa sheegay inay Saraakiisha ka socday Dalalka Talyaaniga,ingiriiska iyo mareykanka ay kala hadleen inay ka taageeraan dhinacyada tababarada iyo taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka gaarahaan kuwa ka howl-gala Gobolada Baay iyo Bakool.
storvideo: 

Trump : Xeer Illaaliyaha Guud waa nin daciif ah

$
0
0

Warar qaarkood oo ay qorayaan saxaafada Maraykanka ayaa sheegaya in Trump uu ka fikirayo in uu xilka ka qaado Sessions oo maalmahanba hadal-heyntiisa ay socotay.

Uhuru Kenyatta oo Diiday Dooddii Madaxweynaha

$
0
0

NAIROBI --
Ayada oo laba toddobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha dalka Kenya, ayaa dadweynaha waxa habeenkii isniinta daawadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo kaligiis doodaya, kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu iman waayey.
Kooxda madaxweyne Kenyatta ayaa sheegtay inuusan ka qeyb galin doodda, sababtuna ay tahay ayaga oo aan ku faraxsaneyn qaabka dooda loo qorsheeyey iyo xeerarkeeda.
Bayaan maanta kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu shacabka si toos ah ula hadli doono, islamarkaana uu qorsheynayo inuu ka hadlo 40 radio oo ku yaalla Kenya, ka hor inta aysan doorashada dhicin.
Odinga ayaa muddo 90 daqiiqo ah ka jawaabayey su'aalo ay weydiinayeen labadii qof ee doodda dhex dhexaadinayey.
"Waxaan u ordayaa sababta oo ah waxaa iga go'an inaan beddelo dalkan. Waxaan matalaa is-beddelka" ayuu yiri Raila Odinga.
Odinga ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono heerka qiimaha nolosha ee sare usii kacaya, islamarkaana uu la dagaalami doono musuq-maasuqa.
storvideo: 

Trump : Xeer Illaaliyaha Guud waa nin daciif ah

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka ayaa markale weeraray xeer illaaliyaha guud ee dalkaasi Jeff Sessions xili ay madaxweynaha ku furanyihiin baaritaanno la xiriira in uu Ruushka garab ka heley xiligii doorashadii dhacday sanadkii hore.
Warar qaarkood oo ay qorayaan saxaafada Maraykanka ayaa sheegaya in Trump uu ka fikirayo in uu xilka ka qaado Sessions oo maalmahanba hadal-heyntiisa ay socotay.
Trump ayaa boggiisa Twitterka waxa uu ku qoray "Xeer Illaaliyaha Guud Jeff Sessions waxa go'aan daciifnimo ah ka qaatay baaritaanka la xiriira dambiyada ay gashay Hillary Clinton , iyo dadka faafinaya siraha dalka".
Mar sii horeysey Trump waxa uu Sessions ku tilmaamay nin go'doonsan, isaga oo ka shalaayay in uu markii horeba xilka u magacaabay.
Waxa uu Trump ninkani ku heystaa sababta uu isaga saaray guddiga baaritaanka FBI ee la xiriirey lugtii Ruushka ku lahaa doorashadii dhacday sanadkii hore.
Isfaham darada madaxweynaha iyo xeer illaaliyaha ayaa gaartay halkii ugu sareysey iyada oo Jeff Sessions uu Aqalka Cad tagay Isniintii si uu ula kulmo Trump, balse kulankaasi ma uusan dhicin sida ay sheegtey Sarah Huckabee Sanders oo ah afayeenada Aqalka Cad.
Wararka qaarkood oo soo baxay ayaa tibaaxaya in madaxweynaha uu booska ninkani ku badali doono duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani.
Balse sida uu sharciga qabo haddii Sessions xilka laga qaado waxaa isla markiiba booska buuxinaya ku xigeenkiisa Rod Rosenstein, hase yeeshee Trump ma jecla ninkani laftiisa, horey ayuuna eedeymo ugu jeediyey.
Dadka siyaasadda u dhuun-daloola waxa ay sheegayaan in bartilmaameedka ugu weyn ee Trump uu yahay Ergeyga gaarka ah ee baaritaanka fadeexadda Ruushka, Robert Mueller, kaasi oo uu ul booc ah ugu tukubayo sidii uu meesha oga saari lahaa.
Ma jirto cid ka badbaaday Trump, todobaadkii hore waxa uu u duur-xuley Agaasimaha cusub ee FBI-da Andrew McCabe, kaasi oo uu ku ka sheegey wax u muuqdey eedeyn musuq-maasuq, isaga oo sheegey in Hillary Clinton ay xaaska McCabe siisay lacag gaaraysa $700,000 .
Sidoo kale todobaadkii hore waxaa xilkii isaga dagay afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer oo ahaa foolka muuqda ee Trump.
storvideo: 


Kooxo hubeysan oo dhac ka geystay Suuqa Bakaaraha ee...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Goobtan ganacsi oo ku taalla nawaaxiga Masaajidka Abuu Hureyra ee gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Muqdisho ayaa maanta waxaa dhac u geystay rag biskoolado ku hubeysan kuwaasi oo qaatay Moobeylo lagu iibinayey halkaasi
Mid ka mid Gancsatada goob dhaca loo geystay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ragga hubeysan ee dhaca u geystay goobtaasi ay iska dhigeen Dad iibsanaya taleefanada gacanta lagu qaato islamarkaana ay isku diyaariyeen Salaada duhur wuxuuna intaa ku daray in ku dhawaad 100 moobeyl ay ka qaateen goobtasi
Koox bistoolada ku hubeysan waxaa ay wateen Moota Bajaaj oo ay ku baxsadeen Markii agabyadaasi ay ka qaateen goobta iyadoona jirdillo ay u geysteen shaqaalihii ku sugnaa goobtaasi ganacsi oo ku dhex taalla Suuqa ugu weyn ee Muqdisho.
Arintani ayaa imaaneysa xili 24 saac ee la soo dhaafay Laamaha Amniga ee Dowlada Soomaliya ay gacanta ku soo dhigeen kooxo hubeysan oo dhac ka geysanayay Muqdisho waxaa maalmihii dambe soo kordhayay dhac nuucan oo kale oo ay geysanayaan burcad hubeysan.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee Dowladda oo ku aadan dhacan ku soo batay muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho.
storvideo: 

DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Jubba-land & Mas’uul kale...

$
0
0

Jul 25, 2017 -
Faaduma Khaliif Cabdi, ayaa waxay si kulul kaga hadashay walaalkeyd oo ka mid ahaa raggii habeen hore lagu dilay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Masuuliyiinta Degmada Beled Xaawo, ayaa afar nin oo ay kala baxeen xabsi ku yaala degmadaasi waxay ku dileen duleedka degmada, taa oo walaac ku dhalisay bulshada deegaanka. Masuuliyiinta waxay ku andacoonayan in raggaasi ka tirsanaayen maleeshiyada Al Shabaab.
Faaduma Khaliif Cabdi oo la dhalatay Faarax Khaliif Cabdi oo ka mid ahaa dhalinyarada la toogtay, ayaa si xoogan u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay walaalkeyd.
Faaduma Khaliif waxay sheegtay in walaalkeyd uu ahaa nin si weyn looga garanayay Degmooyinka Beled Xaawo & Mandheera, oo sida ay sheegtay kaga shaqaysanayay gaari dameer.
Iyadoo la hadleysay VOA, ayay sheegtay in dadka reer Beled Xaawo ay si wanaagsan u garanayeen Faarax Khaliif, isla-markaana aanu ebid ka mid noqon urur diimeed iyo koox gaara, midna.
Tallaabada lagu dilay wiilka la dhashay, ayaa waxay dusha kaga tuurtay afar nin oo ay ku sheegtay inay ilmo adeer yihiin, kuwaa oo sida ay sheegtay xasuuq ku haya bulshada reer Beled Xaawo.
Faaduma oo carro badan laga dhadhansan karay, ayaa saddex ka mid ah raggaasi waxay ku kala sheegtay Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur (Janan), Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Maxamuud Xayd Cismaan iyo nin kaloo ay magaciisa C/raxmaan ku sheegtay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

KASHIFAAD: horjoogihii Shabaab ee lagu qabtay...

$
0
0

Jul 25, 2017 -
Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa madaxii howlgallada kooxda Al-Shabaab ee lagu qabtay magaalada Galkacyo, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Puntland ee loo yaqaano PSF-ta oo ay iskaashanayaaan ciidamada NISA , qeybta Galmudug.
Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaanay (Ina Calool Geel), waxaana lala qabtay afar kale oo kamid ah ururka Al Shabaab.
Waxaa hadda soo baxeysa in ninkan ay horay u qabteen ciidamada amniga Puntland, isagoo lagu lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu qabtay Qaraxyo.
November 18, 2012 ayaa la qabtay Tahliin oo dadka qaybtiis u yaqaanaan Ilkacase iyo nin kale oo lagu magaciisu ahaa Maxamuud Nuux Adam (Abu-Xafsa) oo ahaa madaxa amniyaadka ee dilalka iyo Qaraxyada kooxdaas islamarkaana soo noqday Madaxii ilaalada hogaamiyihii la dilay ee Al Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland, ayaa 02 March, 2013 Caloolgeel iyo Abuu Xafsa ku xukuntay dil toogasho, waxaase xukunkaasi ka soo horjeestay Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Gaalkacyo. Maamulkii Cabdiraxmaan Farole oo lagu cadaadiyay in uu soo sii daayo Caloolgeel, ayaa dhegaha ka fueystay.
Madaxweyne Gaas oo Maamulka Puntland la wareeegay bishii January ee sanadkii 2014-ka, ayaa amray in lasii daayo Caloolgeel, ka dib laba sano oo dil sugge uu ugu xirnaa xabsiga Garowe, waxaana arrintaas dabada ka riixayay mid kamid ah Xubnaha Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Maxamud Dheere, kadib markii mallayshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug gacanta ku dhigeen xubno shacab ah oo ay sii dayntooda ku xireen Tahliil.
Sii daynta Tahliil iyo Abuu Xafsa, ayaa la dhaafsaday maxaabiis lagu haystay deegaanada Galmudug.
Madaxweyne Gaas ayaa dhagaha ka furaystay talooyin loo soo jeediyay oo ku aadan inuusan sii dayn ninkan ku xukuman dilka iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta hadii dib loo siiyo xorriyadiisa.
Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland taasoo ku aadan qabashada Tahliil iyo qaabka xukuumaddu ka yeeli doonto, maadama horay loo jabiyay xukunkii lagu riday.
Tahliil oo gacanta Puntland ka baxay 18 December, 2015 ayaa hadda kooxdaas ka hayay labo Jago oo kala ah; Madaxa Amniyaadka gobolka Mudug iyo sidoo kale Madaxa dhaqaalaha.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

WAR CUSUB: Fanaanada Nasteexo Indho oo lagu xiray...

$
0
0

Fanaanada Nasteexo Indho oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed islamarkaana dhawaan show ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa Maanta mudo dhowr Saacadood ah ku xayirneed Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Fanaanada ayaa ku sii jeeda Magaalada Dubia balse xiligii ay tagtay Garoonka ayaa waxaa xoogaa isfahamwaa uu soo kala dhexgalay Sarkaalad ka tirsan Ciidamada Booliiska Somaaliyeed ee ku sugan gudaha Garoonka kadib markii ay isku khilaafeen qeybta baaritaanka oo ay Nasteexo indho Mareysay.
Mudo dhowr Saacadood ah ayay ku xayirneed gudaha Garoonka,waxa ayna ku sigatay in ay ka tagto Diyaarada Jubba Airweys oo ay ku qorneed in ay raacdo iyada DJ,Subeyr oo la socday,sida xaqiijiyeen Saraakiil ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.
Ugu dambeyn mudo kadib ayay Nasteexo Indho ka dhooftay Garoonka Aadan-Cadde iyada iyo DJ,Subeyr,waxana inta ay ku sugneed Muqdisho ay Garoonka Banaadir Stadium ay ku qabatay show loogu Magacdaray Nabadda.
storvideo: 

XOG:Amisom oo laga saraayo gooba muhiimad weyn u leh...

$
0
0

Jul 25, 2017 -
Duqa magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi ayaa maanta hadal qiimo leh ka jeediyay shirka xarunta Xalane uga socdda madaxda dowladda Somalia iyo taliska ciidamadda Amisom.
Mr Taabit ayaa qudbadiisa maanta kaga hadlay goobaha muhiimka u ah nolasha dadka reer Muqdisho ee ay dagan yihiin ciidamadda Amisom, si gaar ah waxa uu usoo hadal qaaday garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Jaale Siyaad.
Gudoomiyaha gobalka Benaadir ayaa bilawgii hore ee qudbadiisa uga mahadceliyay Amisom doorka ay ka qaadatay hormarka iyo nabadda Somalia si gaar ah caasimadda Muqdisho.
Wax badan oo abaal ah ayey idiin hayaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan dadka ku nool gobalka Benaadir , waxaad nala joogteen waqti adag oo aan u baahneyn caawimaad ciidan oo banaanka ah mana iloobi doonaan Soomaliddu doorkiina ayuu yiri Mr Taabit.
Waxaan rabaa inaan ka hadlo arinta ku saabsan goobaha aad dagantihiin , waxaa jira meelo muhiim u ah shacabka sida Stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Jaale Siyaad, waxaan idinka codsanaya inaad deeganadaas ka guurtaan oo aad maamulka kusoo wareejisaan si dadweynuhu ay u isticmaalaan.
Amisom oo ka jaawabeysa soo jeedinta Duqa magaaladda ayaa sheegtay in ay aqbaleen iney labadaas xarumood ka guuraan ayna deg deg ku wareejin doonaan.
Ka bixitaankii ay ciidamadda Amisom ka baxeen xaruntii Jaamacadda Gaheyr ayuu Taabit ku tilmaamay talaabo wanaagsan, waxaa uu sheegy iney noqon doonto goob dadka loogu shaqeeyo.
hirkaan oo diiradda lagu saarayo qaabkii ay ciidamadda Amisom howsha amniga dalka ugu wareejin lahaayeen ciidamadda Dowladda Somalia ayaa la filaayo in lasoo gaba gabeeyo Khamiista.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga caafimaadka Obamacare

$
0
0

Senate-ka Mareykanka ayaa u codeeyay in la bilaabo dood ku saabsan qodob sharciyeed cusub oo ah adeeg caafimaad oo uu soo gudbiyay xisbiga Jamhuuriga.

Warar deg deg ah oo Caawa naga soo gaaray Beled...

$
0
0

Jul 25, 2017 -
Weli waxaa degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ka taagan xiisadii ka dhalatay Afar qof oo habeen ka hor lagu dilay degmadaas kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab islamarkaana ay ka dambeeyeen falal amnidaro oo horay uga dhacay degmadaas.
Intaasi kadib waxaa Balad xaawo gaaray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland kuwaas oo aad uga xumaaday dilka Afarta dhalinyarada ah.
Masuuliyinta Maamulka Jubbaland ayaa Xabsiga dhigay Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo Madaxa Arimaha Bulshada degmadaas iyo taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Gedo,kuwaas oo ka dambeeyay amarka lagu dilay ragga Shabaabka lagu eedeeyay.
Masuuliyiintaan oo xalay ilaa Maanta ku xirnaa Gudaha degmada Balad Xaawo ayaa Wararka Caawa nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in loo wareejiyay xabsi ku yaalla degmada dooloow,sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Ehelada Dhalinyaradii la dilay ayaa waxa ay sheegeen in sixaqdaro ah loo dilay islamarkaana ay doonayaan in Cadaalada lamarsiiyo dadkii ka dambeeyay dilkaas,inkastoo Madaxda jubbaland ay sheegayaan in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga...

$
0
0

Senate-ka Mareykanka ayaa u codeeyay in la bilaabo dood ku saabsan qodob sharciyeed cusub oo ah adeeg caafimaad oo uu soo gudbiyay xisbiga Jamhuuriga.
Arrintan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday markii la fiiriyo iskudayga Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro sharci uu dajiyay ninka uu xilka kala wareegay.
Codka oo aad isugu dhawaa, ayaa dhowr xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo markii hore diidanaa qeyb ka mid ah qorshaha waxa ay daqiiqaddii ugu dambaysay badaleen ra'yigoodii oo waxa ay la safteen xisbigooda.
Iskudayo hore oo meesha loogaga saari lahaa adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa todobaadyadii la soo dhaafay u burburay kala qeybsanaan ka dhex jirtay xisbiga Jamhuuriga.
Madaxweyne Trump ayaa ololihiisii ku ballanqaaday inuu burburin doono sharcigaasi.
Inta aanan codka loo qaadin doodda qodob sharciyeedkan, ayuu Trump uga digay senatarrada xisbigiisa cawaaqibka ka dhalan kara haddii aanay baritaarin tallaabooyinka meesha looga saarayo misana lagu badelayo Obamacare.
Xisbiga Jamhuuriga oo aqlabiyad u baahnaa si uu u bilaabo doodda arrintan ayaa helay 51 cod kaddib markii Madaxweyne Kuxigeenka Mike Pence uu dhiibtay cod uu ku taageerayo sharcigan cusub.
Senatar John McCain, oo dhawaantan laga helay kansarka ku dhaca maskaxda ayaa loo istaagay kaddib markii uu dib ugu soo laabtay kongareeska si uu "Haa" ugu codeeyo.
storvideo: 

New French ambassador presents his credentials to...

$
0
0

A new French Ambassador to Somalia Antoine Sivan, has presented his credentials to the president of the country Mohamed Abdullahi Farmajo on Tuesday in Mogadishu, July 25.
President Farmajo and ambassador Sivan, accompanied by Somalia's state minister for Foreign affairs, diplomats, held talks on the bilateral relations between the two nations.
Somali President whose government mainly relies on public support and the foreign assistance expressed his appreciation towards the French government's diplomatic ties.
The Ambassador conveyed a personal message from President of France Emmanuel Macron, expressing his commitment to support Somalia in efforts to restore peace.
storvideo: 

Daawo sawirada:Wacdaro iyo qosol ka dhacay tartan...

$
0
0

Jul 25, 2017 - jawaab
Tartan wacdaro lahaa oo loo qabtay dadka cuuryaamiinta ah oo loogu magac-daray "IPC Athletics World Championships" ayaa waxaa lagu soo gaban-gabeeyay magaalada London ee caasimadda dalka Ingriiska.
Tartankan ayaa waxaa uu socday muddo sagaal casho ah (4-23 July).

Nagala soo xiriir
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Magacaaga (required)
Email-kaaga (Lama Arki Doono)
Notify me of follow-up comments by email.
Notify me of new posts by email.
storvideo: 

Dhinacyada Liibiya oo ku heshiiyay xabbad joojin

$
0
0

Hogaamiyayaasha labada dowladood ee iska soo horjeeda ee ka dhisan dalka Liibiya ayaa waxa ay gaareen heshiis wadajir ah oo la isugu dayayo in xasillooni loogu soo dabaalo dalkaasi.

Dhinacyada Liibiya oo ku heshiiyay xabbad joojin

$
0
0

Hogaamiyayaasha labada dowladood ee iska soo horjeeda ee ka dhisan dalka Liibiya ayaa waxa ay gaareen heshiis wadajir ah oo la isugu dayayo in xasillooni loogu soo dabaalo dalkaasi.
Waxa ay isla garteen in la sameeyo xabbad joojin u dhaxaysa dhinacyada ay kala hogaamiyaan oo dalkaasi ka hirgasha.
Ra'iisul Wasaaraha dowladda ay baritaarto Qaramada Midoobay Fayez al-Sarraj iyo abaanduulaha milateriga Liibiya Khalifa Haftar, kaasi oo maamula bariga dalka, ayaa Talaadadii ku kulmay magaalada Paris.
Kulankooda ayaa looga gol-leeyahay sidii lagu soo afjari lahaa colaadda dalkaasi ka taagneyd tan iyo 2011-kii markaas oo xilka laga tuuray Kol. Mucamar Qaddaafi.
Waa markii ugu horreysay oo labadan mas'uul ay saxiixaan heshiis ay isla ogol yihiin.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo martigeliyay kulanka labadaasi nin ayaa sheegay in labada dhinac ee aadka isku haya mar dhaw loo arki doono astaanta dib u heshiisiinta Liibiya.
Dhibaatada faraha badan ee ka dhalatay qulqulka qaxootiga ka soo tallaabaya dalka Liibiya ee isku biimaynaya badda Mediterranean-ka ayaa in nabad lagu soo dabaalo dalka Liibiya waxa ay reer Yurub u tahay mudnaan lama dhaafaan ah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live