Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DEG DEG: RW kheyre oo Faragalin ku bilaabay Xiisada...

$
0
0

Aug 17, 2017 -
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baxday xaaladda ka taagan maamulka Hirshabeelle, waxayna wafdi wasiiro ah u dirtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Wararka laga helayo xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in wafdi ka socda xukuumadda loo diray magaalada Jowhar, kuwaasoo kulamo la yeelan doona madaxda iyo xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.
Wafdiga dowladda ee Jowhar waxaa hoggaaminaya wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), iyagoo goor dhow gaaraya magaalada Jowhar.
Madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosobole ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay ololaha xilka looga qaaday.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa intooda badan magacaabay guddi qaabilsan doorashada madaxweynaha maamulkaasi, waxayna xiisada taagan ay timid kadib markii mooshin xilka looga xayuubiyay madaxweynihii maamulkaasi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Ganacsatada Somaliland oo maanta Madaxweyne...

$
0
0

Guddi Tijaartu iska soo xushay iyo Rugta Ganacsiga oo soo diyaarsaday Garnaqsi balaadhan oo koobsanaya dhibaatooyinka la soo darsay
Hargeysa(Waaheen) Ganacsatadda Somaliland oo maalmahanba ka cabanayey Maamulka cusub ee Dekedda Berbera ee ay ku shuraakoobeen Shirkadda DP-world iyo Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa manta inay Madaxweyne Siilaanyo la kulmaan si ay ugu bandhigaan dhibaatooyinka ay soo kordhisay shirkadaasi oo awoodi weyday Bucsharadahoodii inay u Rugto si ay Suuqa uga Iibisadaan.
Ganacsatadan oo ku shiray Xarunta Rugta Ganacsiga ayaa soo xulay guddi culus oo Madaxweyne Siilaanyo kala xaajoota sidii uu talaabooyin wax ku Ool ah uga qaban lahaa Nidaamka caqabada ku noqday Ganacsigoodii, iyadoo ay horena shirkadda ay ku bahoobeen shirkaddaha Ganacsiga eek u xidhan Dekeddu qoraal ay saxaafadda mariyeen ku sheegeen inay qaadi doonaan talaabooyin ay kaga tashan doonaan adeegsiga Dekedda Berbera.
Bucsharado farabad oo ku raran maraakiibtii siday ayaa hoganaya Badweynta kadib markii ay waayeen cid ka rogta, halka qaarkood na ay u shiraacdeen dekedda Gobolka sida Jabuuti, Boosaaso iyo Muqdisho, halkaas oo ay u wareejiyeen ganacsigoodii.
Qalab farabadan oo u badan kuwa dhismaha ayaa billihii ugu danbeeyey ku xayirnaa Dekedda Berbera, halka qaarkood na markii ay kala go'een ay ku kaceen qiimo qaali ah sida Looxa cas ee guryaha lagu dhiso, kaasoo afar jibaarmay marka loo eego qiimihiisii hore.
Dhibaatooyin is-biirsaday ayaa dul-hoganaya Dekedda Berbera, kuwaas oo laga yaabo qaarkood inay khatar galin karaan sida koontiiranada qaabka loo rogo oo culays ku keeni kara awooda ama xajmiga dekedda oo ka badan qiyaastii intii loogu talogalay.
Xukuumadda Somaliland oo aan waxba ka qaban tabashada ganacsatada ayaa doraad amar ku bixiyey in la rogo markab u rarnaa hay'adda WFP oo mucaawino u siday dalka Itoobiya, kaasoo la soo xidhay dajintiisiina socoto, halka ganacsatada Somaliland ee cashuurta dalku ku dhisan tahay aan cabashadooda waxba laga qaban.
Mushkilado farabadan ayaa dul hoganaya Dekedda waxaana ugu weyn gabi ahaanba wali inay xukuumaddu samayn kari la'dahay hogaankii maamuli lahaa oo ay saamiyo kala duwan ku lahaayeen DP-WORLD, Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood.
Si kasta, ha ahaatee waxa laga war sugayaa jawaabta ka soo baxda kulanka ganacsatada Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo.
storvideo: 

Sixid iyo Raaligalin:  War ku saabsanaa Hantidhawr...

$
0
0

Wargeyska Waaheen waxa uu Raaligalin ka bixinayaa war ku soo baxay cadadkii maanta 1973 oo ku saabsanaa Hant-dhawr baadhis ku sameeyey Dawladda Hoose ee Hargeysa, kaasoo ay ku jirtay in Hanti-dhawrku xidheen Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Maxamed Xuseen Jaamac, kaasoo aanu ogaanay inaanay waxba ka jirin.
Sidaas daraadeed; Wargeyska Waaheen waxa uu akhristayaasha iyo Agaasaimaha Maamulka iyo Maaliyadda Maxamed Xuseen Jaamac ka raaligalinaynaa Qaladkaas ku soo baxay Wargeyska, hase yeeshee waxa aanu caddaynaynaa in Hanti-dhawrkii shalay galay Dawladda Hoose aanay dib ugu soo noqon xarunta Dawladda Hoose, hawlihii shaqo ee xafiisyadda Dawladda Hoose-na sidoodii u socdaan.
storvideo: 

Sacuudiga oo Xadka u Furaya Xujayda Qadar

$
0
0

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa maanta ku warrantay in boqor Salmaan uu ansixiyey in la furo xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Qadar, si loogu ogolaado xujayda dalkaas inay gutaan xajka.

QARANIMADU WAY TAGI HADUU MAANKU TALIN WAAYO. W/Q:...

$
0
0

Inaan guulaysto mooyee, guuldaro qorshahayga kuma jirto Qaran ma inoogu dhismayaa? Sidaa waxa ka dhigan Xisbiga Wadani oo Gudoomiyahoodu 12 sano ku fadhiyay kursiga Wakiilada oo danahiisa siyaasada ku fushaday mudadaas, maalintii uu ka dagayna buuq iyo khilaaf huriyay, kadib markii ay ku tartameen labada nin ee isku deegaanka ah, guushuna ay ku raacday Gud. Baashe, waliba hal cod kaga guulaystay sida nidaamka dimuqraadiga ahi ee somaliland ka jira dhigayo guulbay u ahayd Wadani iyo Xildh. Talyanle si qurux badan oo gobonimo ah oo go,aan qaadasho ah ugu hambalyeeyay guusha walaalkii Gud. Baashe Maxamed Faarax.
Waxa nasiib daro ah oo Wadani ceeb ku ah oo Xildh,Talyanle ma hadho siyaasadeed ku ah hadalka daba keenka ah ee kasoo yeedhay isaga iyo Xisbigiisa Wadani. Waa laf jab qaranimo oon wax tudhaale ah wadan, waa arin ugub ku ah nidaamka Doorashada ee qaangaadhka ah, hore u may dhicin doorasho laysku gacan qaaday oo laysku haneeyay oo hadana dib loogu murmay. Way dhici kartaa in ninka tartamayaa saluugo habka codayntu u dhacday laakiin waa goorma waa ka hor inta aanu hambalyaynin guusha Musharaxii ay tartamayeen
Somaliland waxay kusoo caano maashay tartan xalaal ah iyo isku tanaasul, iyadoo laga dheeraanayo wax kasta oo qaranimada dhaawacaysa, Doorashadii Madaxtooyada ayaa kaabiga inagu haysa, arintan waxay fariin cad u tahay Doorashadan dhaw; waxa muuqata in Xisbiga Wadani oo usii tababaranayo khilaaf iyo muran lagaliyo doorashada hadii ay ku guuldaraystaan. Waxana marag madoon ah Xisbiga muran galiyay 78 xildhibaan oo aqal wada fadhiya inaanu muran la,aan aqbalayn Doorashada hadii lagaga guulaysto.
Waxa laga rabaa Xisbiga Wadani inuu danta gaarka ah ka horaysiiyo danta Qaranka. Inuu muujiyo Wadaniyad ku dheehan tahay laxejeclo dalka iyo dadka loo tudhayo, inay u hogaansaman Qaraarkii Maxkamada Sare, in golaha wakiiladu dhexdiisa ku dhamaysto wixii khilaafa iyadoo loo raacayo hab waafaqsan Xeerhoosaadka golaha. Xildh. Talyanle waa shakhsi qiimo badan sharafbuu mudan yahay inuu sidii hore ugu hambalyeeyay ku dhameeyo waliba la shaqeeyo Gudoomiyahiisa. Ugu danbayn Axsaabta qaranka waxa laga rabaa tartan xalaal ah oon cunfi iyo caadifad midna lahayn; Shacabka Somaliland isha ayay ku hayaan hirdanka iyo loolanka siyaasadeed iyagoo ku qiimaynaya Musharax kastaa halka uu ka taaganyahay Qaranimada iyo Jiritaanka Madaxbanaanida Somaliland.
Guul iyo Gobanimo.
Siyaasi Maxamed Gacayte
Hargeysa/SomalilandGacayte09@gmail.com
storvideo: 

Turkiga oo Boqolaal ciidamo ah u soo diraya Somalia ...

$
0
0

Aug 17, 2017 -
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo direysa in ku dhow 400 Askari, kuwaasi oo ka hawl-geli doona Saldhigga Milliteri ee ay Turkiga ka hirgeliyeen magaalladda Muqdisho.
Sida uu qoray wargeyska ARAB NEWS ee Sacuudiga Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka furan doonta saldhigii ugu ballaarnaa ee lagu tababarayo Milliteriga, waana Saldhigii ugu horeeyey ee ay Turkiga ka meel ka baxsan dalkiisa marka laga reebo dalka Qatar.
Dhismaha saldhigga ayaa la bilaabay March ee sanadkii 2011-kii, iyadoo ay ku baxday lacag dhan 50 million oo Dollar, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo furo bisha September.
Prof. Sedat Aybar, oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Afrika ee Jaamacadda Aydin University ee magaalladda Istanbul oo la hadlay Wargeyska ARAB NEWS ayaa sheegayinay Turkiga door wanaagsan ka qaateen Horumarinta Somalia.
Waxa uu tilmaamay inaysan jirin cabsi ka dhalaan karta Saldhigga Turkiga ka furayso Muqdisho, wuxuuna ku dooday in Muqdisho laga saaray Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in Turkiga oo xubin ka ah Isbahaysiga Milliteri ee NATO taxadar kaga jirto inaysan ku lug yeelanin Dagaalladda lagula jiro Alshabaab, waxayna qaadatay Tallaabo la mid ah Go'aanka Dowladda Maraykanka ee Xaalladda Somalia,
Dhinaca kale, Hasan Ozturk,oo ah Khabiir ku takhasusay Arrimaha Qaaradda Afrika ayaa sheegay in Saldhigga Milliteriga Turkiga ku yaallo meel Istaraatijiyad ah oo aad ugu dhow halka laga galo Gacan-biyoodka Cadmeed oo ku toosan Waqooyiga Muqdisho.
Wuxuuna xusay in Taageeradda Turkiga tahay mid ku faafaysa dalalka Afrika oo ay wax kala qabtaan Horumarinta iyo Tababarida Ciiddankooda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Madaxweyne Siilaanyo oo safar ugu baxaya DUBAI

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa berri oo Jimce ah in uu u socdaali doono Dalka Imaaaraadka Carabta.
Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu qaato muddo kooban, isagoo dalka dib ugu soo noqon doona, kadib marka uu soo dhamaysto Hawlihiisa.
Illaa hada safarka Madaxweynaha si rasmi ah looma oga ujeedadiisa, hase yeeshee waxa la filayaa in uu daba socdo safarkiisii ugu danbeeyey ee uu ku tagay dalka Imaaraadka.
Waxa la filayaa inay sii raaci doonaan xubno kooban oo ka mid ah xukuumaddiisa, wallow aan la ogayn kuwa ay noqon doonaan.
storvideo: 

Sacuudiga oo Xadka u Furaya Xujayda Qadar

$
0
0

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa maanta ku warrantay in boqor Salmaan uu ansixiyey in la furo xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Qadar, si loogu ogolaado xujayda dalkaas inay gutaan xajka.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in furitaanka goobta labada dal isaga gudbaan ee Salwa ka sokow, Sacuudiga uu sidoo kale magaalada Doha u dirayo diyaarado soo qaada xujayda, ayada oo qarashkana ay bixineyso dowladda Sacuudiga.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in go'aanka uu yimid kadib kulan dhex maray dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman iyo Sheikh Abdullah bin Ali Al Thani, oo ka mid ah boqortooyada Qadar.
Sacuudiga ayaa horey u sheegay inay xujayda dalka Qadar u ogolaan doonaan kaliya inay diyaarado uga yimaadaan Doha, taasi oo keentay in Qadar ay ku eedeyso Sacuudiga inay siyaasadeynayaan xajka.
Labadan dal ayaa waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasiyeed, tan iyo bishii June, markaasi oo Sacuudiga, Bahrain, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen Qadar, ayaga oo ku eedeynaya in dalkaas uu taageero argagixisada. Qadar waa ay beenisay eedeymahaas.
storvideo: 


Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ansixiyay Golaha...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Baydhabo(SONNA):- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaankaas in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay Bulshada ka sugayaan.
Ilaa 112 mudane ayaa ogolaatay,5 waa ay diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golahaasi Wasiirada.
Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo sheegay in wixii maanta ka bilowda ay Golahaasi Wasiirada ay qabsan karaan waajibaadka ka saran u adeegista shacabka.
Madaxweyen Shariif Xasan ayaa dhawaan waxaa uu isku shaandheyn ku sameeyey Golaha wasiirada, kadib markii ay soo baxeen baahi loo qabo wax ka bedelka qaab dhismeedka Golaha Wasiirada.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Gaas oo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland

storvideo: 

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo aan wali...

$
0
0

Waxa dhaamaday kuwii Dugsiyadda Dhexe
Hargeysa(Waaheen) wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaan wali bilaabin Sixitaanka Imtixaanaadkii Ardayda Dugsiyada sare ee Somaliland oo la filayey in wakhtigan lagu dhawaaqo Natiijadooda.
Lama garanayo sababta rasmiga ah ee loo bilaabi waayey Sixitaanka Imtixaanaadka Ardayda Dugsiyadda sare, wallow toddobaadkan uun ay dhamaadeen kuwii Dugsiyadda Dhexe oo ay ahayd in mar la wada bilaabo, maadaama macalimiinta saxaysaa ay kala duwan yihiin.
Ilo wareedyo Waaheen u waramay ayaa xaqiijiyey in duruufo dhawr ahi ay caqabad ku noqdeen Sixitaanka Imtixaanaadka, kuwaas oo ay ugu weyn tahay dhaqaale la'aan soo food saartay Gunooyinkii la siin lahaa Macalimiinta saxaysa.
Wasaaradda waxbarashada waxa hore uga caawin jirtay hay'ad dhaqaalaha ku baxa Imtixaanaadka, hase yeeshee sanadihii danbe waxa bixin jirtay wasaaradda, waxaana xilligan saameeyey dhaqaale yaraanta dalka ka jirta.
Sida xogtu ay sheegtay macalimiintii saxay Imtixaanaadkii Dugsiyadda dhexe ayaa muddo toddobaad ah kadib dirqi loogu helay kharashaadkoodii, halka ay arrintaasi sababtay dibu-dhaca kuwa Sare.
Inkasta oo aan la hubin waxa la filayaa toddobaadka soo socda in la bilaabo Sixitaanka Imtixaanada Dugsiyadda sare, hase yeeshee waxa dibu-dhac uu ku imanayaa wakhtigii la filayey.
Wasaaradda waxbarashada ayaa dhawaan soo saartay inaanay Dugsiyadda sare iyo Jaamacadduhu qaadan Karin Arday cusub illaa imtixaanka lagu dhawaaqo, hase yeeshee waxaad moodaa in uu dibu dhac weyni ku imanayo qaadashadooda.
Sidoo kale, waxay Wasaaradda waxbarashadu sanadkan joojisay qaabkii ay natiijaddu usoo bixi jirtay ee ay Ardaydu ku Tartami jirtay Kaalmaha ama darajada dhibcaha, taasoo saamayn ku yeelan doonta Xiisihii ay yeelan jirtay Natiijooyinka Imtixaanaadku.
storvideo: 

Maraykanka oo markale u digay Kuuriyada Waqooyi

$
0
0

Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa uga digay Kuuriyada Waqooyi inay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay dagaal ka bilowdo gobolkasi xiisadu ka taagan tahay.
Waxa uu u sheegay weriyayaal uu la hadlay in jawaab celinta ka dhalata weerar kasta oo ay qaado xukuumadda Pyongyang ay noqon doonto mid ballaaran, waxaana uu Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay inay ka baaqsato daandaansi.
Mas'uuliyiin ka socota Maraykanka iyo Japan oo kulan ku yeeshay Washington, ayaa sheegay inay sare u qaadi doonaan iskaashigooda ku aaddan difaaca, si ay uga hortagaan khatarta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.
Maraykank ayaa dhankiisa ku adkeystay inuu dhoolatus ciidan todobaadka soo socda la samayn doono dalka Kuuriyada Koonfureed, inkastaa arintaasi ay diiddan yihiin xukuumadaha Beijing iyo Pyongyang, oo Maraykanka uga baaqay inuu hakiyo dhoolatuskaasi xiisadda taagan awgeed.
storvideo: 

Shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo looga hadlay...

Wefti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo U...

$
0
0

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 17 August 2017 safar ugu ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Maxweynaha iyo weftigiisa ayaa daaranaa gudashada waajibaadka Xajka oo ah mid kamida tiirarka islaamka, kaas oo looga baahan yahay qofkasta oo muslima oo awooda.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahor inta aanu safrin lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay isaga iyo weftigiisu aadi doonaan dalka Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay soo gudan doonaan waajibaadka diiniga ah ee xajka, Madaxweynaha ayaa ka dhawajiyey in isaga iyo weftigiisu usoo ducayn doonaan dalka.''Waxaan galabta u ambabaxaynaa dalka Sacuudiga oo aniga iyo guddomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo ummad kale oo reer Puntland-ah aanu u aadayno gudashada waajibaadka Xajka, Illahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo gudashada waajibaadka Xajka dhammaantayo, Insha Alla haddaanu tagnona waanu soo ducaynaynaa in Illahay dalkayaga nabad noogayeelo, In Illahay horumarka iyo wanaagga noo siyaadiyo, In Illahay wixii dhib ah oo jira naga dulqaaado oo noo fududeeyo'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ummaadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland ka dalbaday inay usoo duceeyaan isaga iyo weftigiisa, isla markaana ay soocafiyaan, soona saamaxaan cid kasta oo wax tabanaysa haddii ay jiraan.
Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland kula dardaarmay inay Ilaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamadooda sugaya amaankooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryey inuu nabad kusoo celiyo, dalka oo nabadana ay dib ugu soo laabtaan.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Wefti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga Say Usoo Gutaan Waajibaadka Xajka. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Askar laascaanood Lagu Dilay

$
0
0

18th August 2017 admin Category :
Askar ka tirsan SNMta ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood kuwaas oo illaalinayey sanaadiiqda beesha Isaaq. Dadka dilka geeystay ayaa loo maleenayaa ineey ka tirsanyihiin shacabka ka soo horjeeda SNMta iyo marabidooda oo maalmahaan la wareegayey sanaadiiq iyo kaarar laga soo tahriibiyey magaalada Hargeeysa.
[embedded content]
Allsanaag.com
storvideo: 

Beesha Daarood ee dalka Cumaan

$
0
0

18th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Daawo: Xaflad qalinjabin ah oo ka dhacday dalka Cumaan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Daarood ee Cumaan ka soo jeeda. Faysal Cali Waraabe iyo kooxdii bal ha keeneen taariikh ka fac weyn CalaN baanu qaadnay oo Koonfur gaynay 1960.
Ninka Guddoon-siinaya Abaal-marinada, Waa Sheekh Siciid Bin Faarax, Maxamuud, Xassan Ugaas, Oo kamid ah Odayaasha Daarood Harti Dhulbahante. Sawirkaan waa Sheekh Siciid Iyo Wiilkuu Adeerka u yahay, Cali Ibn Yaxye, Ibn Faarax, Maxamuud, Xassan Ugaas.
Xaflad qalinjabin Cumaaniyiin asal ahaan ka soo jeeda Beesha Daarood xafldaa oo ka dhacday Oman Ardada la abaal mariyay waxa ay ka soo jeedeen beesha Daarood gaar ahaan Dhulbahante, Dishiishe, Warsangeli,tanade, Cali Saleebaan, Reer Cumar, Maxamuud Saleebaan iyo Siwaaqroon. Soo gudbintu waa Gobsoor faaladu waa Adi
Opslaet af Gobsoor pa 17. august 2017

Post navigation
- Askar laascaanood Lagu Dilay Gaas oo u safray Sucuudiga kadib Markuu taageeray Go'aanka looga horjeedo Qatar -
storvideo: 


Gaas oo u safray Sucuudiga kadib Markuu taageeray Go...

$
0
0

18th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweyne Gaas oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Xaashi oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga Say Usoo Gutaan Waajibaadka Xajka
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 17 August 2017 safar ugu ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Maxweynaha iyo weftigiisa ayaa daaranaa gudashada waajibaadka Xajka oo ah mid kamida tiirarka islaamka, kaas oo looga baahan yahay qofkasta oo muslima oo awooda.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.
[embedded content]
.
Post navigation
- Beesha Daarood ee dalka Cumaan SNM Oo Ka Hadashay Dilkii Caawa Ka Dhacay Laascaanood -
storvideo: 

Beesha Tanade ee Taleex oo Taageertay Goaamadii ka...

$
0
0

Laascaanood [RBC] Caaqilka Cabdullaahi Faarax Nuur Garyare oo lasooo xiriiray Raxanreeb.com ayaa waxa uu sheegay in beesha Tanade ee Taleex ee Gobolka Sool ay aad u soo dhaweysay Warsaxaafadeed dhawaan ay beesha kasoo saartay magaalada Garoowe kaas oo ku saabsanaa siyaasad sooca ka Puntland oo ay beesha ka tabatay.
Caaqilka ayaa waxa uu yiri "Anoo ku hadlaya magaca beesha Tanade ee Khaatumo waxa aanu taageereynaa warsaxaafadeedka beesha Tanade ee Puntland ee kasoo saartay Garoowe shirkii loo fadhiyey mudada Sadexda Bilood ah ee uGu danbeyntiina kusoo gabagaboobay in la xaqiro beesha Tanade ee Puntland".http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/08/Nabadoon-Cabdulaahi-Faarax-Nuur-Garyare.mp3AMA HALKAAN GUJI
Caaqilka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "waxaanu soo dhaweyneynaa shirka ay ku dhawaaqeen ee in lagu qabto magaalada Gaalkacyo kaasoo ay kaga tashanayaan aayahooda Siyaasadeed"
Caaqil Cabdullaahi Faarax Nuur Garyare oo kamid ah hogaamiyaasha dhaqanka ee gobolada KHaatumo oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.
"Waxaanu cadeyneynaa anaga oo ah Beesha Tanade ee Taleex ee KHaatumo in aanu hiil iyo hooba la garab taagan nahay walaalahayo beesha Tanade ee Puntland".
Nabadoonka waxa uu soo dhaweeyey wadahadalada KHaatumo iyo Somaliland u socda.
Cawrala Qoriuud
RBC Radio
Laascaanood

storvideo: 

Booliska Spain oo ka hortegay weerrar labaad

$
0
0

Howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee Cambrils, ee koonfurta magaalada Barcelona.

Ganacsatada badeecadaha kala soo dega Dekedda Berbera oo cabanaya

$
0
0

Waxaa maalmahan danbe isa soo tarayay cabashooyin ay ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera kaga cabanayaan badeecadahooda oo ku raaga dekedda, taas oo ay sheegayaan inay horseedday khasaaro soo gaaray.

Booliska Spain oo ka hortegay weerrar labaad

$
0
0

Howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee Cambrils, ee koonfurta magaalada Barcelona.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in shan qof oo looga shakisan yahay inay argagixiso yihiin oo xirnaa wax u muuqday suumanka la isku miidaamiyo la dilay.
Dowladda gobolka Catalonia ayaa sheegtay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda.
Todoba qof ayaa halkaasi ku dhaawacantay.
Dhacdada ayaa lala xiriiriyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo goor sii horraysay ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu qof gaari uu watay uu jiirsiiyay dad fara badan oo ku sugnaa wadada Las Ramblas ee magaaladaasi.
Saddex iyo toban qof ayaa halkaasi ku dhintay halka in ka badan 100 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.
Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.
Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga.
Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live