Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DEG DEG: Shabaab oo War Cad kasoo saaray Dilka Cali...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Xarakada Alshabaab ayaa War cad kasoo saartay dilkii ciidamada Mareykanka u geysteen guddoomiyihii u qaabilsanaan G/Banaadir Sheekh Cali Maxamuud Xuseen (Cali Jabal).
Bayaan ay soo saareen Alshabaab ayaa lagu xaqiijiyay geerida Sheekh Cali Jabal kadib muddo 20 maalmood ah markii Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay shaacin in duqeyn uu ogolaaday madaxweynaha Soomaaliya lagu dilay.
Alshabaab ayaa Sheekha ku tilmaamay shahiid ku baxay gacanta caddowga, waxayna u rajeeyeen jano, iyagoo intaas ku daray inay jidkiisa ku socon doonaan.
30 July ayaa Sheekh Cali Jabal lagu dilay duqeyn ka dhacday agagaarka degaanka Tooratorow ee Gobolka Shabeelada Hoose, weerar ay geysteen ciidamo Mareykank ah oo lagu duqeeyay gaari uu la socday.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Falanqeyn: DF Somalia Ma ku Saxan tahay Go’aanka ay...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
May ahayn inay Taageerto go'aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.
Deegaanka uu matalo maamulka hirshabeelle waxaa degan 32 Qabiil iyo dhul badan oo kooxda shabaabku Haystaan abaaro iyo Dagaalo soo noqnoqda oo qabaa'ilaadka ka dhexeeya. Markaa xaaladaa oo dhan la cabiro way adag tahay wax jira in la burburiyo.
War saxaafadeed ay dawladu soo saartay wuxuu muran galinayaa jiritaanka Dawlada Faderaalka soomaaliya ee Tabarta yar ee aan haysan wax dhaqaalo ah oo ay ku fuliso hawl galkeeda caadiga ah.
Waan wada og nahay wali lagama bogsan dhaawacyadii Dagaalka sokeeye markaa sow siyaasad qar iska tuura maaha in la yiraahdo.
Waa in la qabtaa doorasho Madaxweynaha muddo 30 cisho gudahood, anigu ma garan dhaqan kaan fudedyku dhisan Goorta uu ka dhamaanayo siyaasada Madaxda Soomaaliya hogaamisa.
Falanqeyntayda waxaa ku soo gaba-gabeynayaa yaa qaadanaya Mas'uuliyada hadii inta wax la bur buriyey wax la dhisi waayo.
Sidaan warka ku helayo Madaxweynaha Hiirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa diiday inuu la kulmo Madaxda ugu Saraysa Dawlada Faderaalka. iyagoo Raba inay ku qasbaan in uu xilka isaga tago.
Waxaa kaloo jira in kulamo xasaasi ah ay ilaa xalay usocdeen Xildhibaanadda labada aqal ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Hiirshabelle, iyo madaxweyne Cosoble,
Kulamadaa oo aad la isigu khilaafay in Go'aan isku mid ah la qaato. Arinkan Hirshabeelle waa dhaawac ku yaal wajiga hore ee Dawlada Faderaalka, Mana Garanayo sida ay u sixi karto khaladka ay gashay.
Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble, si fudud iskuma dhiibi doono, lamana oga tillaabadiisa xigta waana suura Gal ah in uu Baladweyne xarun ka dhigto. Arinkaa ayaa u banaan.Qore: Maxamed CaalimAqoon-yahan ka Faalooda Arimaha Somalia
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRO+ Muqaal: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Qaahir ee dalka Masar ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Qasriga Itixaad ee madaxtooyada dalka Masar, magaalada Qaahira ayaa soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya iyadoo uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada ilaalada Madaxtooyada Masar, waxaana qaabilay madaxweynaha Masar C/fataax Alsisi.
Laba madaxdweynaha ayaa markaas kadib yeeshay kulan laba dhinac ah oo ay uga hadleen xiriirka labada dal, waana booqashadii ugu horeysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu tago dalka Masar intii la doortay.[embedded content]
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog:Beel saameyn kuleh Hawiye oo xiriirka Ujari...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Warar hoose oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in beesha xawaadle shir caawa ku qabsadayn dhanka talefonka kasoo ka soo qeyb galayn boqolaal qof.
Shirkaas oo shir gudoominaaye ugaaska guud ee beeshaas ayaa lashegayaa in kasoo qeyb galayn siyaasihiin caanka ah siyaasada iyo dadyow aad u farabadan oo dunida daafaheeda ku kala sugan.
Xogta aan helnay ayaa sheegaayo in beesha tageertay madaxweyne Cosoble islamarkaa qexday go aankeeda waxaana ay sheegtay in u aqoonsantahay madaxweynaha rasmiga ee maamulkaas.
Sido kale beesha ayaa raacisay in madaxda dowlada gadaal ka riixayaan xilka qaadista madaxweynahaas isla markaa hormarka u diidanyihiin shacabka gobolka Hiiraan waxaana sido kale soo dhaweyeen magacaabista madaxwene Cosoble oo ahayd in hiiraan gobol cusub lagu soo kordhiyay.
Ugaaska beesha ayaa sido kale sheegay in oo qaban qaabinaayo shir beesha wada yeelaneyso ay kasoo qeyb geli donaan waxgaradka iyo siyaasihiinta beeshaas go aano cad cad laga soo saari doono.
Ugu danbeyntii ugaaska iyo siyaasihiinta beesha ayaa isku raacay dowlada xiriirka u jaraan hadi go aan cad ka qaadan arinta madaxweynha hirshabeelle waxaana si gaar ah usheegeyn in madaxweyne Farmaajo ka warsugi donaan balanta u qabtay madaxweynaha hirshabeelle oo muqdisho kulan ku yeesheyn habeen hore.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada...

$
0
0

Qaahira, Ogosto 20, 2017- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.
Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalka.
Ajandayaasha kale ee Madaxweyne Farmaajo iyo Al Sisi ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa in Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dal ku-galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya baasaaboorka shaqaalaha iyo diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.
Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la leh wasiirrada dhiggooda ah ee Masar iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isdhaafsi uga yeelan lahaayeen dhinacyada beeraha, waraabka, tamarta iyo kalluumeysiga.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barri kulamo la qaadan doona Sheekha Al-Azhar Dr.Axmed Al-Dayib iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirrada Arrimah Dibadda, Beeraha, Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.DHAMMAAD
storvideo: 

R.W Ku xigeenka oo la kulmay Safiirka China

$
0
0

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Qin Jain,waxayn ka wada hadlayn habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara China iyo Soomaaliya, iyo sidii labada wadan uga wada shaqeyn lahaayeen dhanka maalagashiga iyo Ganacsiga.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay booqashada Safiirka dalka China, sidoo kalena waxuu u mahad celiyay muwaadaniinta u dhashay dalka China, kuwaa soo dalxiis ku yimi Soomaaliya, si ay u arkaan quruxda iyo bilicdda dhulka Soomaaliyeed, isagoona taas ku macneeyay in dalka Soomaaliya uu hormuud u yahay wadamadda loo soo dalxiis tago ee qaaradda Africa.
"China iyo Soomaaliya waa labo dal oo xariir dheer leh si wanaagsana u wada macaamila, waxyna iska kaasahan doonaan dhanka ganacsiga iyo maalgashiga maadaama ay Soomaaliya markale ku soo laabatay saaxadda aduunka' ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Safiirka dalka China Mr Qin Jain ayaa tilmaamay in wadankiisu uu diyaar u yahay in Soomaaliyada cusub ay ka caawiyaan dhanka difaaaca iyo la dagaalanka argagixisada, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan amni, dawladuna ay si buuxda u maamusho amaanka dalka.
Dhanka kale Ra'iisul Wasare ku xigeenka Soomaaliya oo uu waheliya Wasiir dawlaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Cabdullaahi Camuud ayaa qalab xafiis ka gudoomay Safiiirka dalka China,waxaana loogu tala galay in lagu dardargaliyo shaqooyinka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Deg Deg: Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DF iyo Shabaab...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Dagaal Kooban ay ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Dagaalka ayaa ka dhacay Buundada yar ee Degmada Afgooye, waxaana lasoo sheegayaa in uu sababay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac ah inkastoo aanan la cayimin.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Shabeelaha Hoose, Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geysatay Degmada Afgooye.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Weerar qarax ku bilaawday oo lagu qaaday Ciidamo ka...

$
0
0

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Amisom lagu weeraray duleedka degmadaas gaar ahaan meel aan ka fogeyn tuulada Gololeey.
Weerarka ayaa ku bilaawday qarax miino oo wadada lagu aasay kaas oo qabsaday mid ka mid ah Gawaarida Amisom,waxaana xigay dagaal dhexmaray Ciidamada Amisom iyo raggii wadada u galay.
Khasaara kala duwan ayaa la sheegay in uu dagaalkaas ka dhashay walow ilaa iyo hada aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.
Masuuliyiinta Maamulka degmada Balcad ayaa la xiriirnay si aan waxa uga weeydiino balse kama jawaabin taleefoonadeena .
storvideo: 


Al-shabaab oo Xaqiijiyay Dhimashada Cali Maxamed...

$
0
0

Xarakada Al-shaabab ayaa xaqiijisay dhimashada gudoomiyihii ugu Magacownaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Ali Jabal) kaasi oo lagu dilay duqeyn ka dhacday 30-bishii June Magaaladda Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Qoraal kasoo Baxay Al-shabaab islamarkaana lagu daabacay Garabka Warbaahineed ee Al-shaabab ee Al-kataaib ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay beegsadeen gaari uu la socday oo marayay deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in Ali jabal uu ahaa nin inta badan kasoo qeyb qaatay dagalada lagula jiro Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM,islamarkaana ay soo magacaabi doonaan mas'uulkii badali lahaa.
storvideo: 

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo caawa soo weeraray...

$
0
0

Ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar saf balaaran ah waxa ay ku soo qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Dagaalyahanada Al-shabaab oo watay Hubka nuucyadiisa kala duwan sida dadka degaanka ay sheegeen ayaa weerarkooda waxa ay ka soo bilaabeen dhanka Wabiga, halkaasi oo u dhow fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin.
Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay dagaalka in mudo kooban uu ka socday xaafadaha Siigaale iyo Ceel-qode ee degmada Afgooye, halkaasi oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.
Sidoo kale dadka degaanka ayaa inoo sheegay dagaalka intii uu socday in ay maqleen Madaafiic ku soo dhacday Wabiga, balse aanay garaneyn cida sida rasmiga ah u riday.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in ay dib u ruqaansadeen Dagaalyahnadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday, maadaama Ciidamada Dowladda ay iska caabiyeen.
Ilaa hada si dhab ah looma oga khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan caawa ka dhacay degmada Afgooye, balse waxaa jira khasaare soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.
Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino dagaalkan iyo khasaarha rasmiga ah ee ka dhashay ayaa waxa ay ka jawaabi waayeen Telefoonadeena.
Xaalad cabsi ah ayaa caawa ka jirta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dadka degaanka ay yihiin kuwo feejigan, maadaama ay sheegeen caawa mar walba in ay filan karaan dagaal.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sacuudiga oo Qadar ku eedeeyay carqaladeynta xujeyda

$
0
0

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dowladda Qadar aanay weli siin ogolaansho ah inay dalkaasi kasoo daabusho dadka doonaya in sanadkan ay soo xajiyaan.
Labada dal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasi, taasoo keentay in xukuumadda Riyad iyo dalal kale oo xulafo la ah ay xiriirka u jaraan Dooxa, isla markaana ka xirtaan xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.
Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay soohdinteeda u furayso xujeyda Qadar, tallaabadaasi oo u muuqatay mid muujinaysa in xiisadda ay hadda hoos u dhacday.
Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga ayaa sheegaysa in maalmo ka hor ay u gudbisay xukuumadda Qadar codsi ah inay dalkaasi ka qaado xujeyda doonaysa inay hawada ku safraan, balse aanay wax jawaab ah helin.
Dalalka go'doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay inay taageerto ururo ay ku sheegeen argagixiso, eedeyntaasi oo ay beenisay xukuumadda Dooxa.
storvideo: 

Ciidamada Ciraaq oo billaabay duulaanka Tal Cafr

$
0
0

Ciidamada lugta ee dalka Ciraaq ayaa billaabay duulaan ay dib ugu qabsanayaan magaalada Tal Cafar oo ka mid ah deegaannada kooban ee ay hadda dalkaasi kaga sugan yihiin xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Cali khaliif oo Filim kale jilaya

$
0
0

21st August 2017 admin Category :
Mid ka mid ah nimanka la shaqaysta ee SNM, oo ka soo jeeda beesha cali Geri, oo ka mid ah labadii beelood ee Buuhoodle ku dagaalamay, ayaa hadda ku doodaya in Reer Hagar iyo Cali geri ayna ku dagaalama Buuhoodlei ee Somaliland la soo weeraray
[embedded content]
storvideo: 

Prof. Caalin A. Faatax ayaa Si Diirran loogu Soo...

$
0
0

Hormuudka Jaamacadda Maakhir Prof. Caalin A. Faatax ayaa Si Diirran loogu Soo Dhoweeyey degmad Badhana ee gobolka sanaag.
Waxa galabta si diirran loo soo dhoweeyey Prof. Caalin Axmed Faatax oo dhowaan uu madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas u magcaabay Jaamacadda Maakhir.Maamulka heer gobol iyo heer degmo , bareyaasha iyo Ardayda Jaamacadda , maamuleyaasha dugsiyada iyo ardeyda dugsiyada sare , ururada bulshada , aqoon yahan iyo waxgarad ayaa si fiican usoo dhoweeyey , waxayna u ballan qaadeen iney isgarab taagayaan kuna faraxsan yihiin imaatinkiisa.
Prof. Caalin ayaa dhankiisa u mahad celiyey masuuliyiintii iyo dadweynihii soo dhoweeyey, isagoo tilmaamay in insha allah Jaamacada Maakhir noqon doonto tan ugu tayada badan Soomaaliya , tacliintana loo soo wada doonan doono .
Maalmaha soo socda ayuu odayaasha iyo waxgaradka la kulmi doonaa .Soo dhoweyntan ayaa si farxadle oo nabad ah kusoo dhamaaday.
storvideo: 

Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo...

$
0
0

21st August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.
Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalka.
Ajandayaasha kale ee Madaxweyne Farmaajo iyo Al Sisi ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa in Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dal ku-galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya baasaaboorka shaqaalaha iyo diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.
Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la leh wasiirrada dhiggooda ah ee Masar iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isdhaafsi uga yeelan lahaayeen dhinacyada beeraha, waraabka, tamarta iyo kalluumeysiga.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barri kulamo la qaadan doona Sheekha Al-Azhar Dr.Axmed Al-Dayib iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirrada Arrimah Dibadda, Beeraha, Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
[embedded content]
Post navigation
- Prof. Caalin A. Faatax ayaa Si Diirran loogu Soo Dhoweeyey Badhan.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo Caawa kulan la leh dhigiisa...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa Caawa waxa uu kulamo la leeyahay madaxda dalkaas.
Xarunta Madaxtooyada Masar,ayaa waxaa Caawa ka socda kulamo uu Madaxweyne Farmaajo la leeyahay dhigiisa dalkaasi Masar Cabdifitaax Al-Siisi,iyada oo ay ka wada hadlayaan arrimaha dalka Soomaaliya.
Maalinta berito ah ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Ardayda iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar sida ay horay u shaaciyeen Masuulinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Masar.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG:Xaqiiqda Booqashada Madaxweyne Farmaajo Ugu...

$
0
0

Aug 21, 2017 -
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Abdulfataax Al Sisi. Waxaana booqashada Farmaajo ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Xildhibaanno.
Booqashada Farmaajo ee Masar oo kusoo beegantay xilli maamulada dalka iyo dowladda dhexe ay labo go'aan oo iska soo horjeeda ka qaateen xiisadaha dalalka Carbeed ee Qatar lagu cunaqabateeyay ayaa socdaalka Farmaajo la xiriiraa sidii madaxweynaha Masar uu ugula hadli lahaa wax ka badalka mowqifka dowladda ee dhexdhexaadnimada.
War kasoo baxay madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegay in socdaalka Farmaajo uu la xiriiro adkeynta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Waxbarashada, Beeraha, Socdaalka, Duulista Hawada iyo Tamarta iyo Biyaha.
Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa go'aan isku mid ah ka qaatay xiisada Khaliijka, iyagoona taageeray dalalka isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana madaxweyneyaasha labadaasi maamul Cabdiweli Gaas iyo Axmed Siilaanyo ay ku kala sugan yihiin hadda dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo sawirada:Khayre oo la kulmay Culima’udiinka...

$
0
0

Aug 21, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culimada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii ku ammaanay Culimada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato oo suurtogeliyey in Soomaalidu ay soo ururiyaan lacago fara badan oo suurtogeliyey in dadka ay abaarahu heshay loogu gurmaday.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in culumada looga baahanyahay inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska dalka, waxuuna yiri "Culimada door weyn bey ku leedahay hoggaminta bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad xoojisaan oo bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah."
Culimada Soomaaliyeed ayaa Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uga mahadceliyey dhiirigelinta doorka culumada oo Guddiyada sida kan Abaaraha iyo kan Taakuleynta Ciidankaba ugu dareen.
Culimada ayaa u xaqiijisay Ra'iisul Wasaaraha inay diyaar u yihiin sidii ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen Bulshada isla markaasna ay diyaar u yihiin in dowladda ay ku toosiyaan dariiqa saxa ah, isla markaasna garab istaagaan marwalba si dalka loo gaarsiiyo horumar ballaaran oo dhan walba ah.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog: Isbitaalka ugu wayn Muqdisho oo qarka u saaran...

$
0
0

Aug 21, 2017 -
Isbitaalka Madiino ee Muqdisho oo ah Isbitaalka ugu wayn ee loogu adeego Shacabka Muqdisho ayaa hadda qarka u saaran inuu u xirmo isqabsi dhinaca Maamulka ah. Waxaana Isbitaalka hadda ka jira Xaalad jahwareer ah oo shaqooyinka Isbitaalka qaarkiis ay istaageen.
Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib markii Agaasimaha Isbitaalka Madiino, Dr Maxamad Yuusuf oo xil ka qaadis ku sameeyay Madaxa Qaybta Caafimaadka Isbitaalkaasi, Duniyo Maxamad Cali, Waxayna Duniyo ku gacan sartay Xil ka qaadista lagu sameeyay, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Maleeshiyaad ku qabiil ah Duniyo ayaa soo buux dhaafiyay Isbitaalka, kadib markii Saaka la bixiyay amar ah inaysan soo gali karin, Waxayna u adeegsatay Awood Ciidan inay ku soo gasho Xafiiskeeda, taasoo qalqal xooggan ka dhex abuurtay Isbitaalka.
Isbitaal Madiino oo ah Isbitaal ay leeyihiin Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ayaa hadda waxa uu ku shaqeeyaa Hab Isbitaal Shacab, iyadoo aysan maamulin Ciidanka Booliska, Waxaana Isbitaalka dhinaca Mushaaraadka, Daawadda iyo Qalabka ka caawisa Hay'dda ICRC.
Boqolaal Bukaan ah oo u badan Dhaawacyo ayaa hadda lagu dawaynayaa Isbitaal Madiino oo ah kan kaliya ee laga heli karo Adeeg Caafimaad oo Lacag la'aan ah. Waxaana haddii Xiisadan aan loo helin xal dhici karta in Isbitaalka uu xirmo.
Agaasimaha Isbitaalka, Dr Maxamad Yuusuf waxa uu horay sidan oo kale xilka uga qaaday Ku Xigeenkiisii, taasoo buuq badan ka dhashay. balse ugu dambayntii markii ay Dawladda Somalia soo faragalisay ay ku qancisay Agaasime Ku Xigeenkii Xilka laga qaaday inuu isaga tago Shaqada, si hawlaha Isbitaalka uusan caqabad ugu noqon.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO: Sedexda Beel ee ugu waa weyn Hawiye oo...

$
0
0

Aug 21, 2017 -
Ra'isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wajahaya xiisad siyaasadeed oo aad uxoogan iyadoo sedex kamid ah beelaha ugu waa weyn Hawiye ay kalsoonidii kala laabteen.
Beesha Mudulood ayaa si cad ugu sheegtay RW Kheyre iney kalsoonidii kala laabteen isla markaana ay beeshiisa ku dacweeyeen sidii uu dhibaatada ugu geystay beeshaas.
Sidoo kale odayaasha Beeshaas ayaa ku amray dowladda Soomaaliya iney soo daayaan ciidamo uxiran isku dhac ka dhacay Muqdisho oo askar ay ku dhimatay, hadii lasoo deyn waayana ay talaabo ku haboon qaadayaan.HOOS KA DHAGAYSO CODKA mudulood[embedded content]
Dhanka kale, Beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha Hawiye ayaa xafiiska Ra'isul Wasaare Kheyre gaarsiisay warqad ay ugu sheegeyso in hadii Cali Cabdullahi Cosoble xilka laga qaado aysan aqoonsaneyn.
Xildhibaano, ugaaska Beesha Xawaadle iyo siyaasiyiin kale ayaa hogaaminaya qorshaha beeshaas ay uga soo horjeedo Ra'isul Wasaare Kheyre.
Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hiirshabelle Cosoble ayaa si cad usheegay in RW Kheyre uu afgambi ku sameeyay.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA. cosoble[embedded content]
Sidoo kale,Beelaha Habar Gidir ayaa ka careysan talaabooyinka xukuumadda Kheyre, waxaana madaxweynaha Galmudug uu marar badan Xafiiska Kheyre kala hadlay inuu wax ka badalo siyaasadiisa.
Laakiin xaaladda ayaa sii xumaatay kadib markii dowladda ay diiday in wada xaajood laga galo dilkii Wasiir Marxuum Siraajo oo askarigii dilay isna xukun dil ah lagu soo rogay.HOOS KA DAAWO GO'AANKA HABAR GIDIR.[embedded content]
Waxaa jira beelo kale oo Ra'isul Wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa kalsoonidda kala laabtay, waxaana ay arrintan cadaadis xoogan gelineysaa dowladda Soomaaliya
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live