Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Biyo gudood oo labo qof lagu dilay

$
0
0

23rd August 2017 admin Category :
Labo nin ka soo jeeda Maakhir ayaa lagu dilay Biyo Guduud, oo hoos tagata degmada Ceerigaabo.
Allah ha u naxariistee Labao nin oo isu adeer ah oo lagu kala magcaabo Axmed Sugule iyo Ina Maxamed jaamac Sugule ayaa maanta gacab ka xaq darani ku dishay degaanka Biyo Guduud ee hoos taga degmada Ceerigaabo.
Labada beelood oo horay u heshiiyey hoos ka daawo
[embedded content]
storvideo: 


DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Ronaldo: macquul ma ahan ganaax lay saaray

$
0
0

Xidiga kubadda cagta ee kooxda Real Madrid, Cristiano Ronald oo ka hadlay go`aanka maxkmadda dalka Spain ee dhanka ciyaaraha ay kaga ganaaxday shanta ciyaarood ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan macquul aheyn.

Mareykanka oo qiray in uusan ku guuleysan karin dagaalka Afghanistan.

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Rex Tillerson ayaa qiray in Mareykanka uusan awoodin in uu ku guuleysto dagaalka ka socda dalka Afghanistan.

Mareykanka oo qiray in uusan ku guuleysan karin...

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Rex Tillerson ayaa qiray in Mareykanka uusan awoodin in uu ku guuleysto dagaalka ka socda dalka Afghanistan.
Mar uu shir jar'iid qabtay ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Taliban sidoo kale aysan ku guuleysan doonin dagaalka Afghanistan, waxaana uu door biday wadahadal laga yeesho dagaalka ka socda dalkaasi.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, waxaa uu intaa ku daray in Pakistan ay dowr muhiim ah ka qaadan karto sidii miiska wadahadalka loo keeni lahaa Taliban.
Tillerson ayaa markale ku celiyay hadal horay uu u yiri madaxweyne Trump ee ahaa in xukuumada Pakistan ay gabaad siiso argagixisada.
Malintii isniinta, Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu ku dhawaaqay qorshaha cusub ee Mareykanka ee ku aadan dalka Afghanistan, taasi oo laga yaabo inay qeybka tahay in ciidamo dheerad ah loo diro dalkaasi.
Dowlada Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay inay dooneyso nabad ka aslaxdo dalka Afghanistan, ayna diyaar u tahay in caalamka ay kala shaqeso sidii meesha looga saari lahaa argagixisada.
storvideo: 

XOG muqaal:Madaxda dalka oo caawa lashiray...

$
0
0

Aug 22, 2017 -
Warar lagu kalsoonyahay oo caawa ka helnay xarunta madaxtooyada dalka soomaaliya ayaa sheegaya in shir sadax geesood ah laga yeeshay mooshinka xildhibaanada koofur galbeed ka keeneyn madaxweynaha maamulkaas.
Shirkaan sadax geesoodka ah ayaa ka qeyb galayn madaxweynaha dalka soomaaliya iyo Xasan Cali Kheyre iyo gudoomiyaha baralmaanka soomaaliya Jawaari iyo qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay Shariif Xasan.
Xildhibaanada ayaa lasheegaya in laga dhageystay waxyaabaha kusoo eedeeyeen madaxweyne Shariif Xasan waxaana lagu gor feeyay sidii u dhaqan geli lahayd inkastoo lashegaayo in madaxda qaranka tageero xoogan u muujiyeen xilhdibaanada.[embedded content]
Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo ayaa lashegaya in aduun lacageed ku bixinayaan sidii xilka looga qaadi lahaa madaxweynayaasha ay soo dhiseyn dowladii Xasan Sheekh inkastoo aan la ogeyn in olalahaan saameyn doono Puntland iyo Jubbaland.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhoofka xoolaha nool oo sare u qaaday dakhliga Somaliland

$
0
0

Xoolaha faraha badan ee laga dhoofinayo xilligan xajka dekedda Berbera ayaa waxaa ka dhashay in uu kordho dakhliga xukuumadda iyo tan deegaanka ee dawladda hoose ee Somaliland.

150 qof oo hal maalin dooni la degtay

$
0
0

23rd August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Warqdan Gabar Soomaaliyeed ayaa Allsanaag u soo qortay tobon sano ka hor, iyada oo ka hadlaysa dhacdadan ay New york times qortay march 4, 1991. Soomaali ka soo cararatay dilkii iyo xasuuqii ay jabhaddii USC ka waday magaalada Muqdisho 1991 , oo ka soo wada jeeday beesha Daarood ayaa Dooni la degtay. waxa ku dhintay 150 qof oo isgu jiray Dumar iyo caruur.
http://www.nytimes.com/1991/03/04/world/150-somalis-drown-fleeing-to-ken...

Galaal iyo taariikhdiisa madow

storvideo: 


Maxaa helay degmada Shingaani mar haddii Muqdisho inteeda kale ay dhismatay

$
0
0

Degmooyinka Muqdisho intooda badan waa ay ka soo kabteen burburkii colaadda balse degmada Shangani waxaa wali ka muuqda raadadkii colaadda.

Daawo:Warar Deg Deg caawa naga soo gaaray maamul...

$
0
0

Aug 22, 2017 -
Shabakada Badweyn.com ayaa nisoo xushay muqaalkii ugu danbeeyay ee caawa naga soo gaaray maamul goboleedyada oo dhan iyo - dalka soomaaliya.
Muqaalkan oo lagu soo koobay warbixinadii ugu danbeeysay ee soomaalida iyo caalamka waxaana kamid ah qodobo xasaasi oo maanta aad ku aqrisan wararkeyna.
Sidoo kale, wararka Xiisad ka taagan Somaliland, Xaaladda Buuhoodle, Warar ka cusub Galmudug, Puntland iyo Deegaanada kale ee Soomaaliya iyo sidoo kale wararkii caalamka
[embedded content]
Nagala soo xiriir
storvideo: 

VIDEO: Wiil uu dhalay madaxweynayaashii Somalia oo...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

XOG Cod:Gen Gabre oo muqdisho kusoo laabtay iyo...

$
0
0

Aug 23, 2017 -
Waxa magaalada muqdisho dib ugu soo laabtay maalinimadii shalay generaal Gabre oo hore oga mid ahaa dadka ugu saameynta badan siyaasada soomaaliya hore oga mid ahaa saraakiisha itoobiyaanka ee dalka soomaaliya soo galay 2007.
Gabre ayaa lashegayaa in kulamo xoogan muqdisho kula yeeshay xildhibaano aad u farabadan oo katirsan kooxda damul jadiid isla markaa lashegayaa in diyaarinayaan mooshin laga keyni rabo madaxweynaha dalka soomaalia.
Xildhibaanadaas ayaa lashegayaa in kulan kuyeesheyn guriga oo muqdisho kadeganhay xildhibaan Amin Jeesoow oo u dhow madaxtooyada soomaaliya inkastoo kasoo qeyb galayn wasiiradii dowladii Farmaajo.
Kulankaan oo soo buux dhaafiyeen kooxda damul jadiid iyo xildhibaano ku kacsan madaxweynaha iyo xukumada waxaana lagu gorfeeyay sidii mooshin looga geyn lahaa farmaajo.
Lama oga sida xaalka noqon doono inkastoo xildhibaanada iyo Gabre muqdisho haatan ka wadaan abaabul mooshinkaas isla markaa cod ugu raadinayaan xildhibaanada kale.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG Vedio:MD Farmaajo oo masuuliyad cusub u dhiibo...

$
0
0

Aug 23, 2017 -
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay xarunta madaxtooyada dalka soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo u yeeray wariye samafale Cabdi maalik Muuse Coldoon oo haatan kusugan magaalada muqdisho.
Coldoon ayaa muqdisho soo gaaray maalmo kahor waxaana lashegayaa in madaxweynaha qeyb ka gelin rabo gudi hore oo Farmaajo u magacaabay oo ahaa guriga taakuleynta ciidamada qalabka sida.
Gudigaas oo gudoomiye u yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa lashegayaa in Cabdi Maalik qeyb ka noqon doono isla markaa dar dar gelin doono arintaasi.
Madaxweynaha ayaa lasheegay in cabdi maalik usoo xushay madaama subcad cad aad u wanaagsan kudhex leeyahay shacabka soomaaliyeed islamarkaa dadyowga soomaaliyeed kalsooni buuxda ku qabaan.
Cabdi maalik ayaa ah shaqsi siweyn loogu yaqaano samafalka kahorna ahaa wariye ka howl gali jiray warbaahinta maamulka somaliland oo wakiil wareed oga ahaa magaalada burco.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG Dhageyso:Xaaska MD Farmaajo oo maalmo kadib...

$
0
0

Aug 23, 2017 -
Sida ay sheegayaan warar hoose oo aan ka heleyno ilo u dhow dhow xaaska madaxweyne Farmaajo Zeynab Macalin ayaa lagu wadaa in muqdisho oga dhawaaqdo hay add qeyri ah.
Qaban qaabada munaasabada hay addaas ayaa kasocota magaalada muqdisho ayadoo lasheegay in lagu caawin doono caruurta iyo haweenka ayna fulin doonto hay addaas gooba caafimaad iyo gooba waxbarasho iyo taakuleyn.
Magaca hay'addaas ayaa loo bixin donaa sida ay noo sheegeyn dad u dhow dhow Zeynab Foundation waxaana lasheegay in oo kasoo qeyb geli doono odaygeeda oo ah madaxweynaha dalka soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Xogtaan ayaa raacineyso in Zeynab dooneyso sidii magac iyo maamuus oga dhex sameysan lahayd shacabka soomaaliyeed oo aan siweyn u aqoon magaceeda.
Arinta sida weyn la isku weydinaayo ayaa ah aduunka lacageed ee isticmaali doonto Zeynab Foundation ayaa lashegayaa in ay tahay malaayiinta dolllar ay beesha caalamka ugu deeqday soomaaliya ayadoo qeyb laga siin doono bajad ahaan si hay addaas ugu fuliso mashaariicda ay dooneyso.
Isku soo wada duub arinkaan ayaa ah mid ku cusub dalka soomaaliya waxaana hore caan ku ahayeen xaasaska madaxdii dalka soo martay taakuleyn aan xad lahayn balse lacagaas ay ahayd mid qaranka soomaaliyeed laga masuq maasuqay sida ay sheegayaan dadka ku xeel dheer siyaasada.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Galmudug oo beenisay inuu jiro heshiis iyo wada...

$
0
0

Gaalkacyo (RBC Radio) Wasiirka warfaafinta dowlad-gobolleedka Galmudug,Maxamuud Cismaan Masagawa ayaa beeniyay inuu jiro wax heshiis ah oo ay la gaareen Ahlusunna,kaddib shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Cadaado.
Heshiiska labada dhinac waxaa u sheegay warbaahinta Jen Maxamed Nuur Galaal , oo marka tilmaamey inuu garwadeen ka yahay wada-hadallo labada dhinac ay qaateen oo ay marka ka soo baxeen sida u sheegay qodobbo u dan ah.
Heshiiska waxaa ku jirey inay midoobaan Ahlusunna iyo Galmudug,balse waxaa beeniyay wasiirka warfaafinta Galmudug.
"Hadalka Jen Galaal ee ah in uu u xilsaaran yahay wada-hadallo u dhaxeya Galmudug iyo Ahlusunna iyo waliba heshiis hor-dhac ah oo la gaaray waa mid been abuur ah." ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.
"Jen, Galaal waa oday Soomaaliyeed oo sama jecel, waqti xaadirkan wax damaanad kama heysto labada dhinac oo uu sheeganayo inuu dhex dhexaadinayo, wax alla wixii uu ka hadlay waa aragtidiisa qofnimo." ayuu raaciyay hadalkiisa wasiirka oo Jen Galaal u jawaabayay.
Waxaan caddeyn ilaa hadda sababta uu Jen Galaal u sheegay heshiis inay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna oo u khilaaf ka dhaxeeya,taaso keentay in la beeniyo.
__
RBC Radio

storvideo: 


XOG:Sheekh Mukhtaar Roobow kulan la leh...

$
0
0

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu shir uga furmay xildhibaanada labada Aqal ee Koofur Galbeed ee kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed iyo Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masnuur oo dhowaan dowladda isu dhiibay.
Kulanka ayaa bilow u ah kulamo la sheegay inuu Mukhtaar Roobow la yeelanayo qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo isaguna uu kasoo jeedo.
Ciidamo fara badan ayaa sugaya ammaanka goobta uu kulanka ka dhacayo oo ah Hotel-ka Royal (Ex-City Palace) oo ku dhow xarunta lagu hayo Wadaadka ee NISA ku leedahay degmada Shibis.
Kulanka oo xilligan socda ayaa la sheegay inuu yahay wadatashi iyo is wareysi ku saabsan xaaladda Sheekha iyo waxa laga yeelayo mustaqbalka siyaasadda ee Sheekha oo dhowaan isu dhiibay K/Galbneed iyo dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegay inuu Sheekh Mukhtaar Roobow kulamo la yeelanayay maalmihii ugu danbeeyay madaxda dowladda sida Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Heshiis dhex mara Dowladda Soomaaliya iyo Sheekh Roobow ayaa socda iyadoo labada dhinac ay hortaallo waxa laga yeelayo Sheekha iyo doorkiisa, isla markaana looga hadlayo mustaqbalka ciidamada taabacsan ee ku sugan Gobolka Bakool.
storvideo: 

DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo...

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.
Guddoomiye Thaabit ayaa arrintan ka sheegay xaflad furitaan ah oo loo sameynayay taalladii Axmed Gurey oo ku taalla isgoyska KM4 oo la qabtay habeenkii Arbacada.
Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taalladan, wuxuuna sheegay in mashruucan ay xigi doonaan kuwo la mid ah oo lagu soo nooleynayo astaamihii qaranka.
Mudane Thaabid ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay si buuxda kala shaqeyn doonaan xukuumadda federaalka iyo shacabka Muqdishaba sidii dib loogu soo nooleyn lahaa, loona dayactiri lahaa taallooyinka qaranka iyo goobihii nasashada oo intooda badan ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.
"Taalladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha. Waxaan dooneynaa inaan ololahan sii wadno si aan u soo celino quruxdii ay caasimaddu lahaan jirtay" ayuu yiri guddoomiye Thaabit.
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

DHAGEYSO Barnaamij looga hadlayo cadaallad darida Dalka Soomaaliya

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka ee Idaacadda Shabelle

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live