Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Guddoomiye Jawaari oo qaabilay Jeffery Feltman oo...

$
0
0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa soo gaarayWafddi uu hogaaminayo Madaxa qeybta siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda Jeffery Feltman.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Wafdiga Jeffery Feltma diblomaasiyiin caalami ah, mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa qeybta siyaasadda ee Qaramada Midoobay Jeffery Feltman oo Muqdisho yimid isaga iyo wafdi la socday.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha horyaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Faah faahin Odayaal lagu xir xiray Jowhar

$
0
0

Odayaashan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka qeyb qaadanayay gogoshii nabadeed ee fidsaneyd magaalada Jowhar, taasi oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laa laabtay ee ka dhaca degmada Cadale.
Ciidamada ammaanka oo soo qabtay Nabadoonada ayaa waxa ay dhigeen saldhiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana socoto dadaalo lagu soo deynayo.
Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle, kuwa gobolka iyo saraakiisha Ciidamada ayaa ilaa hada faah faahin rasmi ah waxa aysan ka bixin xariga loo geystay Odayaashan, lamana oga weli sababta loo xiray.
Warar ay heleyso Risaala ayaa waxa ay sheegayaan in Nabadoonadan ay diideen in ay dhexdhexaad ka noqdaan dagaal beeleedyada ka jira gobolka, iyaguna arrintaasi ay ka soo horjeesteen.
Odayaasha dhaqanka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay Dowladda Federaalka ka dalbadeen in ay soo fara geliso gogosha nabadeed ee taala magaalada Jowhar.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Khayre oo la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee QM ...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.
Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.
"Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo'' ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweynaha Jubbaland oo xarig-jaray Maxjarka...

$
0
0

Kismaayo (RBC Radio) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubbaland, kaas oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Kismaayo.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule, Maamulka maxjarka, Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Maxjarka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya, si gaar ah wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka, isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.
Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.
"Marka la eego xoolaha magaalada lagu qalo, waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha baarista lagu samayn doono" ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Axmed Madoobe u sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo, sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.
Gabagabadii,Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku booriyay maamulka Maxjarka in wax badan oo ahmiyad ah la siiyo dadka xoolaleeyda ah oo Khasaaraha iyo faa'iidadaba lala qaybsado wakhtiyada Cudurada ay dilaacaana baaris dheer la sameeyo si aysan ugu faafin Xoolaha.

storvideo: 

SAWIRO: Ololaha Doorashada M/weynaha Cusub ee...

$
0
0

Aug 24, 2017 -
Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaas.
Shirka Khamiis laha ee Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Shir Gudoominayay Madaxweynaha Kmg ahna Madaxweyne Ku xigeenka Dowlada Hir-Shabeelle Cali Gudlaawe Xussen,waxana inta badan Goobjog ahaa Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle..
Shirka Golaha Wasiirada ayaa Warbixino Laga dhageystay Wasaaradaha Maaliyada, Caafimaadka, Howlaha Guud, Shaqada iyo Shaqaalaha, Boostada Iyo Isgaarsiinta, Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda, iyo Diinta iyo Owqaafta.
Dhinaca kale Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxay ku waramayaan in magaaladaasi laga dareemayo qabanqaabada loogu jiro doorashada madaxweynaha Hirshabelle.
Siyaasiyiin badan ayaa gaartay magaalada iyadoo dib u habeyn lagu sameynayo howlka lagu wado iney ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo weli aysan jirin cid shaacisay iney tahay musharrax madaxweyne.
14-kii bishan, xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kalsoonida kala noqday madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.
Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay in xilka madaxweynaha kaliya u tartami karto Beesha Xawaadle oo madaxweynihii metalayay xilka laga tuuray.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo Muqdisho ku...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.
Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.
"Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo'' ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.
Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

storvideo: 

SAWIRO: MD Farmaajo iyo RW kheyre oo la kulmay...

$
0
0

Aug 24, 2017 -
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray.
Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.
"Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo'' ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xisbigee guulaysanaya doorashada Somaliland?...

$
0
0

Xisbigee guulaysanaya doorashada Somaliland? Doorashadu wakhtigeedii ma dhici doontaa? Xaaladaha dib u dhigi kara doorashada soo socota ee Somaliland la filayo in ay 13ka September ka dhacdo
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 24th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Hordhac
Sida aad ka dhan-dhansan kartaan mawduucda qormadan ee kor ku xusan, ayaan isku daynay in aan cilmi baadhis ku samayno, saddexdaa qodob ee kala ah:

  1. Xisbiyada Qaranka Somaliland midka u muuqda in uu doorashada ku guulaysan doono iyo sababta loo cuskan karo.
  2. Doorashadu wakhtigeedii ma dhici doontaa?
  3. Maxaa sababi kara in ay doorashu dib u dhacdo?

Marxaladda uu maanta dalkii marayo
In yar haddii aan in yar is dul taagno marxaladaha cakiran ee guud ahaanba ay Somaliland marayso, waxa ka mid ah:

  • Dalkii oo uu hadheeyey war war laga qabo siyaasad xumo baahsan.
  • Sicir barar iyo dhaqaalihii oo hoos u sii socda.
  • Adeegyadii dawladda ee ay dawladdu maamulaysey sida dekeddii Berber iyo maamulkii oo marba marba ka danbeeya sii xumaanaya.
  • Caddaalad darro gaadhay in hay'adihii ugu sarreeysey ay shaqayn la'yihiin sida maxkamaddii ama golihii sharci dejintu uu laba u kala jabay.
  • Boob lagu hayo hantidii dawladda ee maguurtada ahayd.
  • Madaxweyne Siilaanyo oo xaalkiisa caafimaad ama maamul laga dar-daar warinayo.

Dhinaca kale iyada oo dhibahaasi ay jiraan, kuna baaheen gobollada, degmooyinka iyo guud ahaanba hay'adaha dawladda, ayaa haddana dalkii uu socdaa, dadkii ay rajo qabaan, oo ay adkaysi badan u leeyihiin illaa......Mooji! malaha inta isbeddel imanao.
Arrimahaa aan soo sheegnay, siday xisbiyadu u kala arkaan amma siyaasiyiintu ugu kala dareen duwan yihiin.
An ku horaynee, xisbiga Kulmiye ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu, ma aragto dhibahaasi aan soo sheegnay, waxana ay ku faantaa in ay dalka horumar gaadhsiisay. Xisbiga Kulmiye madaxdiisa u tartamaysa talada dalkuna waxa ay isugu jiraan, kuwo xilligan aammus miciin mooday, oo aan ka hadli karinba xaaladaha adag ee dalkii marayo iyo kuwo boobka dalka lagu hayo qayb ka ah sida Wasiirrada iyo siyaasiyiin ka tirsan xukuumadda Siilaanyo. Muuqaalka noocaasi ah ee ka muuqda xisbiga Kulmiye ama xukuumaddu waxa uu xilligan dhaxal siiyey xisbigaasi in ay shacbiyaddiisii yaraato.
Laakiin xisbiga Waddani ayaa ah ka ku hadla afka shacabka, ka hadla marxaladda uu maanta dalku marayo, sidaasina ku kasbaday in shacab iyo shiyaasiba loo muujiyo taageero aad u xooggan. Sidaasi daraaddeed aad arkayso in maalin walba ay siyaasiyiini ku soo qul qulayaan.
Xisbiga UCID waa xisbi magac ahaan uun u jira, Faysal oo guddoomiyihiisa ah oo keliya ayaana ka dhex muuqda, ahna ninka keliya ee aadka uga hadla dhibaatada dalka ku habsatay. Farqi badan oo tartanka wax ka beddeli karana ma laha xilligan. Balse lama garanayo sida uu isku habayn doono muddada doorashada ka hadhay.
Xisbigee talada dalka mulkiyi kara.
Iyada oo xaalka dalka iyo aragtida xisbiyadu ay sidaa u kala duwan yihiin ayaan haddana lagu deg degi karin, oo aan la odhan karin, xisbigaasi ayaa doorashada helaya.
Xisbiyada labada ah ee aadka u loollamayaana waa Waddani iyo Kulmiye oo ay kala hoggaaminayaan Abdirahman Cirro oo uu weheliyo Amb. Mohamed Ali iyo Col. Muse Biixi Abdi oo uu weheliyo M/xigeenka xillagan Abdirahman Zaylici. Tartanka dhex mari doonaana waa mid aad u adag. Xilligan kala guur guurka ahna waxa xisbi walliba wadaa is habayn, dhaqaale urursi iyo xod xodasho lagu hayo dadka miisaanka ku leh bulshada.
Waxana xisbi walliba xilligan uu miiska u fadhiyaa sidii uu u dajin lahaa shaxdii uu ku guulaysan lahaa. Shaxda la cayaarayaana, waa mid laba iyo tobankeeda godba ay shacabka u muuqdaan.
Dhalliilaha ay shacabku hilaadinayaan ammaba uga dhex muuqda labadaa xisbi sida; musdanbeedka xisbiyadaasi iyo ragga shawladda u galay maamulkooda, ayaa iyaguna ah kuwo aan xisbina kalsooni badan ku qabi karin in uu guulaysto. Sidaasi daraaddeed ayaana keenta guur guurka xisbiyada laga guur guurayo.
Dhaqaale xumada xisbiga Waddani iyo maamulkii dalka oo looga badan yahayna waxa ay keeni kartaa xaalad aan sahlanayn oo uu xisbiga Waddani wajaho. Taasina, waxa ay laabta u tumaysaa xisbiga Kulmiye oo kolka horeba rag cabsi laga qabaa ay hoggaanka u hayaan. Laakiin madaxda Kulmiye ee taasi niyadda ku hayaa way is moodayaane, waxa dhici karta in ay dhinaca kale ugu rogmato. Ta ugu daran ee xilligan looga qaxayaana, waa fikirka noocaasi ah ee madaxda Kulmiye u qarsoon iyo kibirka aanay cidna u joojinayn.
La Soco qaybta danbe
Ahmedweli Goth
This post has been viewed 20 times.
storvideo: 


Madaxda ugu sarraysa Mashruuca CIP oo Soo gaarey...

$
0
0

Madaxda mashruuca Tayaynta shaqaalaha Rayidka ee Puntland ( Capacity Injection Project ) ee uu bangiga adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa Garoowe ku yimi kormeer la xiriira la socodka Habsami u socodka Mashruuca oo labdii sanno ee lasoo dhaafay ka soconayey Puntland.
Madaxdaan oo uu hoggaaminayey Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya Alex Appiah iyo Lucy Musira oo ah Madaxa qaybta hawlgelinta Mashruuca ayaa kulamo la yeesheen Madaxtooyada, Hay'adda Shaqaalaha Rayidka ah, Wasaaradaha Qorshaynta, SHaqada iyo Shaqaalaha iyo Jaamacadda Puntland State University waxay ugu kuur galeen arrimahaasi.
Ujeedada socdaalkaan ayaa salka ku hayey sidii wax badan laysaga weydiin lahaa habsami u socodka mashruuca iyo guulaha laga gaarey muddadii uu socdey mashruucaani iyo waxyaabaha ama baahiyaha kale ee loo baahanyahay in lagu soo daro.
Sidoo kale waxaa kulamadaan looga hadlay barnaamijka shaqaalaysiinta oo hadda uu socda wejigii labaad ee mashuura isla markaana dhowaan la qaadan doono 35 boos oo shaqaale cusub ah loo qaadan doono xarumaha dawladda isla markaana la doonayo in la ilaaliyo bed-qabka iyo caddaalada tartamayaasha ku tartamaya aqoontooda.
Barnaamijka dib u habaynta iyo dib u casriyaynta hay'adaha dawladda oo dhowaan loo qabtay 11 hay'adoo oo aan hore ugu jirin mashruuca CIP ayaa isagana kulamadaan looga wada hadlay iyo sidii loo xaqiijin lahaa hirgelintiisa.
Sidoo kale siyaasado kala duwan oo lagu hagi doono shaqaalaha iyo xarumaha dawladda oo dhowaan la dejiyey ayaa iyagana looga wada hadlay kulamadaan iyo sidoo kale barnaamijkii tiro koobka iyo diiwaan gelinta shaqaalaha oo dhowaan lasoo afmeeray.
The post Madaxda ugu sarraysa Mashruuca CIP oo Soo gaarey Garoowe kulamona la qaatay Xarumo kala duwan oo ka tirsan dawladda. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

UK: Somali-Briton woman stabbed to death in Bristol

$
0
0

London (RBC Radio) UK police in Bristol are investigating the death of Somali-Briton woman stabbed to death on August 21.
A man and a woman have been arrested on suspicion of murder after a woman died at a flat in St Paul's in Bristol last night.
According to local media, the woman was found inside the property with serious stab wounds and efforts to resuscitate her by police and paramedics tragically failed and she was pronounced dead at the scene.
A man aged 37 and a 27-year-old woman have been arrested, and forensic officers have spent the morning combing the scene, looking in gardens and public areas around the area, off St Nicholas Road.
The woman now identified as Asiya Omar is reportedly killed by her husband.
Both are of Somali origin.
The husband Adan Dahir is among the two arrested by the police.
Their neighbors said they did not hear any commotion and only knew the incident through the media and the police presence at the neighborhood.

storvideo: 

Faah Faahinta: Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday...

$
0
0

Aug 25, 2017 -
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-Shabaab xalay ku qaadeen deegaanka Qaansheeg oo ku yaalo duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Dagaalka ayaa ka dhacay Fariisin ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin halkaasi,waxaana dagaalka oo mudo kooban socday ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa ayaa inoo sheegay in ay arkeen dhimashada ugu yaraan 3 qof ka tirsan dhinacyadii dagaalamay waxaana sidoo kale jira Khasaare kale oo soo gaaray dadka rayidka ah.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan oo ay weerarkan uga hadleen waxay ku sheegeen weerarkan in ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay qaateen ilaa 4 Qori oo uu ku jiro Qori Baasuuke ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray fariisamaha ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Gobolka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG:MD Farmaajo & Sh Roobow oo Kulankii ugu weynaa...

$
0
0

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa manta la filayaa iney go'aan rasmi ah kasoo saarto xaalada Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan Muqdisho soo gaaray.
Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan aan caadi aheyn la yeelan doona Roobow, iyadoo kulankaas looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin mustaqbalka Sh Roobow iyo go'aanka ay dowladu ka qaadaneyso.
Muqtaar Roobow ayaa horay ula kulmay Ra'iisul wasaare Kheyre iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed kulankaas oo ahaa mid wadatashi ah.
Kulanka Maanta ayaa ka duwan kulamadii hore,waxaana uu yahay mid dhegta lagu wada haayo,in kastoo Saxaafada aan looga yeerin.
Muqtaar Roobow ayaa weli qaadan Go'aan kale marka laga soo tago in uu ka baxay Al-Shabaab,waxayna dowladda Soomaaliya ka fikireysaa waxa ay ka yeeli laheyd isaga iyo Ciidamadiisa.
Madaxweynaha DFS ayaa la filaaa inuu war rasmi ah kasoo saaro waxyaabaha kasoo baxa wadahadalkan.
Warar xili hore la helay ayaa sheegaya in Roobow fursad loo siinayo inuu kamid noqdo saraakiisha ciidamada dowladda si uu Shabaab ula dagaalamo, halka warar kale ay tilmaamayaa inuu ku laaban doono Baydhabo oo uu halkaas shacab ahaa isaga joogi doono inkastoo loo sameyn doono ciidamo waardiyeeya.
storvideo: 

Xogtii Ugu Dambeysay 34-Oday dhaqameed oo lagu Xeray...

$
0
0

Aug 25, 2017 -
Waxaa maalintii sedexaad magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku xiran Odayaal dhaqameed ka qeyb galayay Gogoshii Nabadeed ee loo dhigay beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle.
Odayaashaan oo gaaraya ilaa 34 Oday ayaa lagu xiray amar ka soo baxay madaxweynaha KMG,ka ah ee Maamulka Hir-Shabeelle ahna madaxweynebku xigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xusen kadib markii ay isku fahmi waayeen wadahadalkii ay u fadhiyeen.
Qaar ka mid ah waxgaradka Shabeellaha dhexe dhaliilay talaabada lagu xiray Odayaashaas,kuwaas oo sheegaya in aan wado sax ah loo marin.
Wali ma uusan ka hadlin Cali Guudlaawe oo lagu eedeeyay inuu bixiyay amarka lagu xiray Odayaasha.
Qaar ka mid ah Odayaal ku sugan magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay Dowladda federaalka Soomaaliya iney soo fara geliso xariga Odayaasha,islamarkaana xabsiga laga sii daayo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Maxbuux maraykan ah oo lagu dilay irbad tijaabo ah

$
0
0

Nin ay caddaannimadu la waynayd oo lagu eedeeyay in cunsurinimo dad ugu dilay gobolka Florida soddon sano ka hor ayaa xukun dil ah lagu fuliyay isaga oo lagu duray irbad.
Mark Asay ayaa taariikhda galay ka dib markii uu noqday qofkii koobaad ee caddaan ah ee gobolkaasi uu dil ku fuliyo isaga oo lagu helay in uu qof madaw dilay, sida ay sheegtay xarrunta xukunnada dilalka ah ee la fuliyay ee la dhoho Death Penalty Information Center.
Ninkan oo 53 jir ah ayaa lagu helay in uu labo ruux dilay sannadkii 1987dii
Waa markii koobaad ee qof nafta lagaga qaado dawo cusub oo loo yaqaanno cocktail.
Xeerbeegti ayaa Asay ku heshay in uu toogasho ku dilay Robert Lee Booker, oo ah nin madaw iyo Robert McDowell oo ah dadka asal ahaan ka soo jeeda laatiin Ameerika ee Hispanic loo yaqaanno, dilkaasna uu gaystay isla habeenkii laga maqlay isaga oo jeedinaya haddallo cunsuriyaddi ku dheehan tahay.
Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in Asay uu kiraystay McDowell oo dhar dumar qaba si uu ugu tago, balse uu rasaas ku dilay markii uu arkay in uu nin yahay.
Tan iyo markiu uu gobolkaasi dib u soo celiyay xukunka dilka ah sannadkii 1976, labaatan nin oo madaw ah ayaa loo dilay in ay dileen dad caddaan ah, sida ay ku warrantay Death Penalty Information Center.
storvideo: 

Deg Deg Dhageyso: Sarkaal Muhiim u ahaa Shabaab oo...

$
0
0

Aug 25, 2017 -
Cismaan Nuur Xaaji oo ah Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgalo maalmihii u danbeeyay ay wadeen ciidamada Dowladda ay ku soo qab qabteen dad looga shakisan yahay in falal amaandari ay wadeen.
Sidoo kale,Guddoomiye Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheega intii ay socdeen howlgalka ay jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isa soo dhiibay.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay Shabaabka isa soo dhiibay in uu ku jiray Cali Xuseen oo ka mid ahaa Taliyeyaasha Howlgelinta ururka Al-shabaab ee gobolkaasi.
Dhanka kale Guddoomiye Cusmaan ayaa sheegay dadka lagu soo qab qabtay Howlgalada in ay hada ku jiraan xabsiyada, laguna sameynayo baaritaano, si loo kala saaro, oo cidii dambi lehna loo xukumo.
Wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay in Gedo ay ka dhigaan meel nabad gelyo ah, oo Shabaabka halkaasi ku dhuumaaleysanayana ay la dagaalamaan.
Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in Dowladda ay cafis u fidineyso dhalinyarada Shabaab ka soo goosata ayaa waxaa jira rag badan oo Dowladda isku soo dhiibay, inkastoo tiradooda rasmiga ah aanan laheyn.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Xogta kulanka Xasaasiga ah ee Maanta Dhexmaraya MD...

$
0
0

Aug 25, 2017 -
Sida wararka aan ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Wadaadka ka soo baxsaday Al-Shabaab ee Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta ku kulmaya magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo ah mid xasasi ah ayaa waxa uu ka mid yahay wadahadalada u dhaxeeya Muqtaar Roobow iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana madaxweynaha iyo Abuu Mansuur kulankooda diirada ku saari doonaan arimo badan oo quseeya mustaqbalka Sheikh Mukhtaar.
Muqtaar Roobow ayaa horay ula kulmay Ra'iisul wasaare Kheyre iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed kulankaas oo ahaa mid wadatashi ah.
Kulanka Maanta ayaa ka duwan kulamadii hore,waxaana uu yahay mid dhegta lagu wada haayo,in kastoo Saxaafada aan looga yeerin.
Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhawaan Muqdisho warbaahinta loogu soo bandhigay ayaa sheegay iney jiraan wada hadal u socda isaga iyo Dowladda kaasi oo uu ka rajeeyay inuu guul ku dhamaado.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO: Mo-Faarax oo Cashar u dhigay Rag Itoobiyaan u...

$
0
0

Aug 25, 2017 -
Orodyahanka Asalkiisu yahay Soomaaliga ee u Orda Dalka Ingriiska MO FARAH ayaa Ku guulaystay Orodka 5-ta Kun ee Mitir kaasi oo lagu Qabtay dalka Jarmalka ( Zurich Diamond League ).
Maxamed Faarax ayaa Wuxuu Loolan adag la galay Rag u badan Itoobiyaan, Kuwaasi oo si Dirqi ah uu Guusha uga Hantay, waxaana Xusid mudan in Sidaan oo kale ay dhowaan Isugu tageen Tartankii lagu Qabtay Ingiriiska Balse laga guuleystay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhegayso: Nasra Xasan oo Soomalida Mareykanka Ku...

$
0
0

Aug 25, 2017 -
Waxaa dalka Mareykanka kusoo badanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee la imanaya halabuurrada gancsi ee ay iyagu gaarka u leeyihiin.
Nasra Hassan waa gabadh dhalinyara ah oo ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio, waxay leedahay xarun soo saarto kareemooyinka jirka, sidoo kale waxay sameysaa cuntooyin kala duwan, Waxayna u warantay Wariyaha VOA-da Sahra Abdi Ahmed iyadoo booqatay xarunta VOA-da ee magaalada Washington.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wasiirka Warfaafinta Somalia oo ka digtay khatarta...

$
0
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsan tahay, si nafsadooda aysan halis u gelin.
Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa doomanka fartay in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsan tahay aysan rakaab qaadin.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dad badan in ay ku dhinteen Badda, dadkana looga digayo in ay Badda u dhowaadaan.
Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in arrintan loo xilsaaray in ay warbixin dheer ka soo diyaariyaan Ciidamada Booliska, sidoo kalena laga doonayo in ay ka hortagaan dadka nafsadooda ku biimeynaya Badda.
Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa xeebta Liido waxaa u damaashaad taga dad aad u fara badan oo Dhalinyaro ay u badan yihiin, waxaana mararka qaar dhacda Meydad ay soo tufto Badda, kuwaasi oo u badan caruur.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ciidamada Ethiopia ee AMISOM iyo K/Galbeed oo...

$
0
0

Kulankan ay wada yeesheen maamulka degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud ee degmadaasi.
Saraakiisha Ciidamada ee kulankaasi soo xaadirtay ayaa waxaa laga dhageystay warbixino la xiriiray amniga iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay degmada iyo degaanada hoostaga.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Bardaale Cadow Cali Isaaq oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay guul ku soo dhamaadeen Howlgaladii isa saarka ahaa ee todobaadkan ka socday degmada.
"Maamulka Bardaale, Saraakiisha AMISOM, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxay yeesheen kulankii todobaadlaha ahaa ee amniga, shacabka waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada, si loola dagaalamo Al-Shabaab". Ayuu yiri Cadow Cali Isaaq.
Degmada Bardaale ayaa dhowaan waxaa la qorsheynaya in loo sameeyo maamul cusub, waxaana socda diyaar garow arrintaasi ku aadan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>