Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo isku dilay dalka Qubrus

$
0
0

Wiilkan Dhalinyarada ah oo kamid ahaa Soomaalida kunool Dalka Qubrus ee ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa lagu soo waramaya in uu isku dilay magaalada Larnaaka ee dalkaasi Salaasadii aan soo dhaafnay kadib markii loo diidey magan gelyo.
Soomaalida kunool Jasiiradda Qubrus ayaa sheegaya in sababaha loo aaneynayo in uu is dilo wiilkaasi oo lagu magacaabi jirey Max'ed Daahir Dayax ay tahay kadib markii uu la kulmey dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana loo diidey in uu lamidoobo qoyskiisa oo kunool dalka Britain.
Booliska dalkaasi Qubrus ayaa xaqiijiyay in wiilkaasi oo isaga is diley kadib baadhitaano ay sameeyeen,waxaa lagu qiyaasayay da'ahaan 18 ilaa 19 qof
Cabdalla Max'ed oo kamid ah Soomaalida kunool Dalka Qubrus ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi oo naxdinta ku noqotay Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.
"Waxaa lagu magacaabi jirey wiilkaasi Max'ed Daahir Dayax, wuxuu ka yimid Muqdisho, aniga muddo 1 sano ayaan is garaneynay, wuxuu kunoolaa dalkani, runtii waxyaabaha hadda loo sababaynayo in uu isdilo waxay tahay in laga hor istaagay in uu qoyskiisa oo kunool Ingiriiska uu lamidoobo, taasi oo in muddo ah uu ku hamiyay,Dalkani runtii ma daryeelo dadka Qoxootiga ah, wiilkani muddo ayuu I weydiin jirey goormaan shaqo heleynaa, goormaan waxbarasho heleynaa", Ayuu Yidhi Cabdalla.
Ciidamada booliska Dalkaasi Qubrus ayaa wada baadhitaano ku aadan sababta keentey dilka wiilkaasi,iyadoo lafilayo in meydkiisa halkaasi lagu aaso.
Dalkaasi Qubrus waxaa kunool Soomaali badan, kuwaasi oo isugu jira, qoxooti, Deegaan iyo kuwo kale oo waxbarasho ahaan u jooga, waa Jasiirad kamid ah Yurub waxay ku dhowdahay dalka Turkiga.
storvideo: 


Cilmi-baadhis Sheegtay In Hidde-sideyaashu ay  Go...

$
0
0

Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in hidde-sidayaashu ay door muhiim ah ka ciyaaraan amma go'aamiyaan sida qofku u soo jiidanayo kaneecada amma ay sababaan in kaneecadu dadka qaar qanniinto, qaarna aanay qaniinin.
Daraasadan oo lagu daabacay jariirada PLoS One oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay sheegtay in ay jiraan caddaymo laga helay hooyo caloosha ku sida ilmo oo jidhkeedu miisaan ahaan weyn yahay, mid cabta alkoosha iyo hooyo jidhkeedu soo saaro Carbon Dioxide badan ay soo jiidato kanecada, kadibna baadhitaan lagu sameeyey 37 ubad ah oo isku mar dhashay, waxaana ka soo baxday in hooyada soo jiidan jirtay kaneecada in ilmaheeduna la mid yahay oo ay kaneecadu jeceshahay inay qaniinto.
Cilmi-baadhayaashu waxa ay kaneeco dhex dhigeen dhuun amma quraarad u dhaw laba ilmo oo mar wada dhashay iyo qaar mataanno ah, waxaana la ogaaday in mataanaha aadka isugu eeg ee beedka kaliya ee hooyada ka samaysma (Identical) ay isku si u soo jiitaan qanniinyada kaneecada, halka kaneecadu mataanaha aan isu eekayn (fraternal) ay kala door bido.
Daraasadu may sheegin in ay jiraan walxo khaas ah oo qofka jidhkiisa ku jira oo sababa in kaneecadu qanniinto dadka qaar, qaarna aanay taaban, iyagoo cilmi-baadhayaashu sheegay in loo baahan karo daraasad dheeraad ah si loo sii ogaado waxyaabaha sida dhabta ah u sababa in kaneecadu dadka qaar qaniinto, qaar kalena aanay jidhkooda taaban.
storvideo: 

Ujeedada Safar Uu Wasiir Ka Socda Jabbuuti Ku...

$
0
0

"Soomaaliya waxaannu ka rabnaa inay tidhaahdo 'Somaliland waa dal xora madaxbannaan' marka ereygaas laga helo ayaa xidhiidhku furmi doonaa"..... "Waxaa noo qorsheysay inaanu soo saarno Orod-yahanno magacoodu meelmaro" - Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ee JSL
Hargeysa (ToggaHerer)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Waabari Rooble, ayaa sheegay inay Somaliland ku martiqaadeen wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Ciyaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti isla markaana labada waddan wadajir u samaysan doonaan guddiyo ka shaqeeya horumarinta noocyada ciyaaraha kala duwan.
Wasiirka oo shirjaraa'id ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxa kaloo uu ka hadlay hindiseyaal ay doonayaan inay cilaaqaad kula yeeshaan waddamada iyo xidhiidhada bariga afrika, waxaannu shuruud ku xidhay iskaashi dhexmara xidhiidhada ciyaaraha Somaliland iyo Soomaaliya.
"Waxaa dhawaan noo qorsheysay oo aanu rajeynaynaa inuu qabanno tartan ciyaaraha fudud, kuwaasi oo aanu doonayno inaanu soo saaro Orod-yahanno magacoodu meelmaro, xidhiidhka waddamada bariga Afrika aannu la leenahayna meel wanaagsan ayuu marayaa. waxaannu booqanay dalka Jabuuti waxaanan la kulanay madaxda ugu sarsareysa waanu wada hadalay, waxaannu casuumad u fidinay oo Somaliland noogu iman doona Wasiirka Ciyaaraha ee Jabuuti oo booqasho rasmi ah ku imanaya dalka.,"ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.
Waxa kaloo uu sharraxay qorsheyaal doonayaan inay ku horumariyaan ciyaaraha, waxaannu yidhi; "Waxaannu soo saari doona guddi labada dal ka kooban oo hawlaha ciyaaraha ka wada shaqeeya si ay u sii xoogeysato wada shaqeynta labada dal ka dhaxeysaa, sidoo kale waxaannu rajeynayna in aanu xidhiidh noocan oo kale ah aanu la samayno dalka Itoobiya, dhallinyaradana guulba uga soo hoyan doonta dedaaladan. Waxa kaloo noo qorsheysan inaanu iskaashanno dalalka bariga Afrika haddii dhallinyaradu xataa magaca waddankeenna ay ku ordi waayaan in magac dal kale ay ku ordaan si ay caan u noqdaan sida Moha Farah oo u orda waddanka Ingiriiska laakiin Somalilander ah, waana fikirka aanu doonayno in aanu ciyaaraha ku horumarino."
Wasiirku waxa uu sheegay inaanay xidhiidhada ciyaaraha ee Soomaaliya aanay yeelaynin wax iskaashi ah inta ay qirayaan madax-bannaanida Somaliland, waxaannu yidhi; "Soomaaliya wax xidhiidha oo aanu la leenahay ma jiro, waayo meel aanu kala xidhiidhnaba ma garaneyno Soomaaliya waxaannu ka rabnaa inay tidhaahdo Somaliland waa dal xora madaxbannaan marka eraygan laga helo ayaa xidhiidhku furmi doonaa."
storvideo: 

Saluuga Laga Qabo Saami-qaybsiga Xilalka Xisbiga...

$
0
0

"Waxaan shaacinayaa inaan Waddani ka baxay aniga oo saluugay 36 Xoghaye Oo Uu Cirro magacaabay, oo 3 kaliya Uu Ka siiyay gobolka......"
Hargaysa (Togaherer)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee xukuumaddii UDUB, Cismaan Sh. Cabdi Sh. Muxumed, ayaa ka baxay xisbiga Waddani oo uu ka tirsanaa.
Cismaan Sh. Cabdi oo shalay jirjaraa'id ku qabtay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in uu saluugay guddiyadii dhawaan uu magacaabay guddoomiyaha xisbiga Waddani,waxaannu tilmaamay in guddiyadaas lagu xaqiray gobolka Awdal oo aan laga siin saamigii ay ku lahaayeen.
"Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa inaan xisbiga Waddani ka baxay aniga oo saluugay shirkii golaha dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta xisbigaas iyo liiskii uu ku soo saaray guddoomiye Cirro oo uu 36 xoghaye oo uu magacaabay uu saddex xubnood oo kaliya ka siiyay gobolka Awdal. Sidoo kalena Guddiyo uu magacaabay guddoomiyaha Waddani oo 121 xubnood ahaa, waxa gobollada Awdal iyo Selel ka heleen 7 xubnood oo kaliya,"ayuu yidhi Cismaan Sheekh, waxaannu ugu baaqay bulshada degaankiisa inay ka tashadaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaannu yidhi; "Dadka ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Selel waxaan leeyhay ka tashada xisbigaas, waanad kala garan kartaan xisbiga dantiinna wada, guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaan kula talinayaa in aanu caayin dadka maskaxdooda waxaan u malaynayaa in aanu waxba doonayn."
Mr. Cismaan waxa kaloo uu ku ammaanay xisbal xaakimka Kulmiye codkii aqlabiyada ahaa ee Mudaneyaashoodu ku doorteen Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle; "27kii bishan aynu ku jirno waa la ogaa xisbiga Kulmiye waxa uu ka hawlgalay doorashadii lagu doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle xisbiga Kulmiye ayaa sabab u ahaa in la doorto xildhibaankan ka soo jeeda gobolka Awdal,"ayuu yidhi wasiirkii hore ee Macdanta iyo biyuhu.
storvideo: 

Komishanka Maamul-Wanaaga Oo Durba Fuliyey...

$
0
0

Akhri Macluumaadka baadhitaanno komishanka Maamul-wanaaggu fuliyay iyo Guddoomiyaha hay'addaas oo farta ku fiiqay musuqa ugu xun ee qaranku ka kici l'yahay
Hargeysa (ToggaHerer)- Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Jaamac Maxamuud, ayaa ka warbixiyay hawlgalo ay dalka ka bilaabeen oo lagu illaalinayo hantida qaranka xilliga lagu gudo jiro kala guurka.
Waxa kaloo uu caddeeyay inay baadhitaanno ku sameeyeen toban ka mid ah wasaaradaha dalka isla markaana ay wadaan inta u hadhay dhammaan laamaha dawladdana ay wada baadhi doonaan soona diiwaan gelinayaan guud ahaan hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba, si loo illaaliyo hantida qaranka oo aanay u dhicin in wax la lunsado.
Guddoomiye Axmed Jaamac waxa uu ka dayriyay in musuqa hantida ay ka xun tahay saacadaha shaqada qaranka oo dayacan ama aan sidooda loo fulin taasoo uu dooday in ay tahay halka dhibaatadu ka jirto.
"Horta anigu muddo kooban oo saddex bilood ah ayaan xafiiska joogay markii aan a wareegay xafiisku qorshe cad oo shaqo oo uu ku hawlgalo muu lahayn, waxyaabaha ugu badan ee uu hore u soo qabtayna waxay ahaayeen kormeerro ay dalka ku soo samayn jireen laamaha dawladda ee kala duwan,laakiin wax cad oo shaqaaluhu uu ku hawlgalo iyo nidaam ay raacaan muu jirin,"ayuu yidhi guddoomiyahu.
Guddoomiyuhu waxa uu faahfaahiyey talaabooyinkii uu qaaday, waxaannu yidhi; "Markaa taalaabadii ugu horraysay ee aan ku dhaqaaqay, waxay ahayd in uu jiro nidaam shaqo oo ah mid ka turjumaya baahidii komishanka loo aasaasay oo ah maamul-wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, qorshahaasi markii uu noo dhammaadayna waxaan uga gudubnay in aanu shaqadii aanu qaranka u haynay in aanu bilawno oo halkii markii hore komishanku uu kormeer uun ku tegi jiray laamaha dawladda in aanu baadhitaanno toos ah ka samayno.
Waxaan imika soo dhammaynay baadhitaannada toban wasaaradood oo aanu shaqo badan ka soo qabanay waxyaabihii aanu ka soo qabanay iyo xaaladaha ka jirana warbixinteeda waxaannu u gudbin doona madaxweynaha. waxa kaloo aanu wadnaa in aanu bacda ciidda gudagalno oo aanu dhammaan gobollada dalka oo dhan laamaha dawladda baadhitaanu ku soo samayno kuwa dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha hooseba." Ayuu guddoomiyuhu kusoo gunaanaday xog-warrankiisa ooay baahisay jariirrada afkadawladda ku hadasha ee DAWAN
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay in wasaaradaha ay soo baadheen in ay ku soo arkeen musuq iyo inkale waxa uu yidhi; "Horta dadkeennu Musuqmaasuqa waxay u yaqaanaan hanti la xado iyo lacag la lunsado, laakiin waxa jira wax ka qaalisan oo haddii la musuqmaasuqo aan laga soo kaban karin dalkana hoos-u-dhac laxaad leh ku keenaya taasoo ah wakhtiga shaqada oo la xado ama aan siday tahay loogu adeegin dadka, waana musuqmaasuqa ugu weyn ee aan odhan karo wuu jiraa.waxaynu u baahan yahay in wax laga qabto shaqadu xilli ayay leedahay oo qofku qaranka u shaqeeyaa. haddii xafiiskiiba cidla noqdo oo dadkii cid u adeegta ay waayaan maxaa inoo soconaya?, markaa ka aanu doonayno in aanu la dagaalanaa waa musuqmaasuqa wakhiga shaqada."

"Waxaad arkaysaa wasaarado dhan oo xafiisyadeediiba madaxdii dadka u shaqayn lahayd aanay joogin. waxaad arkaysaa dawladihii hoose oo dadkii ay faylal la taagan yihiin oo cid u shaqaysaba ay waayeen dadkiinna cashuur ayaa laga doonayaa. markaa arrintaas ayaanu xoojinaynaa in wax laga qabto.
Waxa kaloo loo baahan yahay in tababarro xirfadeed oo badan oo hawlwadeennada dawladda dhinaca xirfada laga dhisayo,"ayuu yidhi Axmed Jaamac, waxaannu intaas ku daray; "Waxa kaloo aanu wadnaa in aanu dalka oo dhan ka wada hawlgallo oo aanu dhammaan hantida qaranka diiwaangelino isla markaana ka hortagno in ay dhacdo wax lunsi ah xilliga kala guurka waxyaabaha aanu diiwaan gelinaynaana waa dhammaan hantida qaranka ee ma guurtda ah iyo ta guurtada ahba. waxaan soo saari doonnaa dhammaadka bisha September qoraallo rasmi ah oo aanu ku diiwaan gelinay hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba oo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu yar yare e xataa xafiisyada yaalla si xilliga kala guurka aanay u dhicin in wax la lunsan karo waxaanan awoood badan saaraynaa in dhammaan gaadiidka dawladduna uu noqdo mid wada leh summadda gaadiidka qaranka ee GT oo aanay jiri karin in lambar shicib baabuur dawladeed la iskaga wato."
storvideo: 

Siyaasiga Cabdillaahi Cirro Oo sheegay In Xukuumaddu...

$
0
0

Siyaasiga Cabdillaahi Cirro Oo sheegay In Xukuumaddu Si Kale U Macnaysay Hadal Uu Hore U Yidhi Oo Khuseeya Shakhsiyaad Somaliland Ku sugan
[embedded content]
storvideo: 

Dhageyso:Itoobiya oo war ka soo saartay Arrinta C...

$
0
0

Aug 31, 2017 -
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrinta sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.
Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ku soo wareejisay dowladda Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo Itoobiya ay u heysto denbiyo kala duwan.
Wasiirka oo la hadlay laanta Af-amxaariga ee VOA ayaa sheegay in ay dowladda u gacan gelisay sarkaalkan.
Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho
Itoobiya ayaa sarkaalkan ky tilmaantay inuu yahay madaxa koox argagixiso ah oo dembiyo badan ka galay Itoobiya iyadoo uu mudan doono xukun culus. Halka dhinaca kale uu yahay wadani u dagaalamay xoriyadda dadkiisa, wuxuuna hore uga mid ahaa ciidamada Soomaaliya ee ka qeybgalay dagaalkii 1977 ee xoreynta Ogaden.
Arrintan sarkaalkan oo xaalad ka abuurtay Soomaaliya ayaa waxaa hore uga hadlay ururka ONLF oo dowlada Soomaaliya ku eedeeyay inay dhoofisay muwaadin Soomaali ah, iyadoo dowladda Soomaaliya oo xaqiijiyay dhiibitaankiisa ay diiday inay wax faahfaahin ka bixiso xasaasiga kiiskan awgiis.
Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay
Nagala Xiriir E-mail
storvideo: 

DAAWO:- Guddiga Difaaca Ee Golaha Shacabka Oo Su...

$
0
0

Gudiga difaaca ee golaha shacabka ayaa kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda FS, kaas oo looga hadlay dadkii ku dhintay Bariire.
storvideo: 


DAAWO:-Fariinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee...

$
0
0

Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sh Cusmaan Jawaari ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda Ciida Carafo u diray u diray ummadda Soomaaliyeed isaga oo dhanka kalena shacabka fariin u diray,
storvideo: 

Xaaji Gaas oo Hambalyo Ku Aadan Ciidul Adxaha U...

$
0
0

31st August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku gudajira gudashada acmaasha akhyriga ah ee Xajka ayaa Hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland munaasibadda ciidul Adxaha darteed.
Madaxweynaha Puntland ayaa Alle ''SWC'' u weydiiyey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ciidan ciideeda Alle farxad, barwaaqo, Alla ka-cabsi, amni, horumar iyo mid nimo ku gaadhsiiyo, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay Eebe Weyne ka baryaan inuu ka saaro dalkooda colaadda, abaarta iyo cadawga, quluub-toodana isu soo jeediyo oo mideeyo.'' Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak, waxaan hambalyada ciidul Adxaha halkan uga hambalyay-nayaa shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaan, guud ahaan iyo gaar ahaanba shacab weynaha reer Puntland, waxaan Illahay uga rajaynayaa in iyaga caruurtooda, xaasaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo meelkastay joogaanba dibad iyo guddaba ay ku ciidan ciid wanaagsan, sanadka sanadkiisana ay ku gaadhaan bash-bash iyo barqaaqo, nabadgelyo, midnimo iyo waddajir '' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.'' Illahay aan ka cabsoono, Illahay aan u toobadkeeno, Illahay aan barrino inuu dalkeena noo hagaajiyo, inuu noo nabadeeyo, inuu dhibta nagasaaro, inuu abaarta naga saaro, inuu colaadda nagasaaro, dabadeedna uu waddanka noo islaaxiyo, in Illahay dadka qulluubtooda isu soo jeediyo. waddaninimo, qaranimo, Soomaalinimo iyo horrumar in loo soo jeesto ayaan rajay nayaa'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sigaara ugu hambalyeey ugana mahad celiyey ciidamada qalabkasida ee reer Puntland, waxaana uu sheegay inay isaga iyo weftigiisuba ee gudanaya acmaasha khayriga ah ee xajka si gaara ugu soo ducayn doonaa ciidamada geesiyaasha ah ee reer Puntland.''waxaan, sigaara rabaa halkan inaan uga mahad celiyo ciidamada qalabka sida ee reer Puntland oo noo ogolaaday inaanu ku xajino si nabad gelyo ah dalkana uga soo baxno una soo ducayno, dibad iyo gudana dalkooda ka difaacay cadawga, aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, si gaarana waan ugu soo ducaynaynaa, Allena waxaan ka baryaynaa inuu noo siyaadiyo wanaagaa faraha badan ee uu nagu galaday" ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.=DHAMMAAD=
storvideo: 

Maxakamadda sare ee Kenya oo go’aamisay in dib loogu...

$
0
0

Go'aan ka soo baxay maxakamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu sheegey in maxakamadu ay diidey natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenyata. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalkaasi Kenya David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah. Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda uu ay gudbiyeen mucaaradku qadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8 Agoosto aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya. Uhuru Kenyata ayaa 1.4 milyen oo cod ah kaga guuleystay doorashadii ka dhacday Kenya, sida uu sheegey Guddiga doorashada dalkaasi, iyadoo markiiba ay ka soo horjeesteen qolyaha mucaaradka ah,waxayna sheegeen mucaaradka in la jabsaday hanaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada. Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ka soconaya banana baxyo lagu taageerayo go'aanka maxakamaddu ay gaartay,taageerayaasha Rail Odinge ayaa sameynaya banana baxyo ayagoo ku dhawaaqaya guul guul iyo ereyo kale.
storvideo: 

Daawo:Madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo...

$
0
0

Sep 1, 2017 -
Masuuliyiinta dalka ugu sareyso iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ladukaday shacabka magaalada muqdisho kuwaasi oo isugu yimid masaajidka weyn ee isbaheysiga.
Masuuliyiinta ayaa dhamaantooda shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciida ayado qaar kood jeediyeen qudbado xasaasi oo ku cabireyn xaalada dalka oo haatan maraayo.[embedded content]
Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay
Nagala Xiriir E-mail
storvideo: 

Sawiro: A.madoobe oo farxada ciida awgeed la...

$
0
0

Sep 1, 2017 -
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubballand Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaar ka mid ah dadweynaha reer Kismaayo kula tukaday Xarunta Madaxtooyada magaaladaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka Juballand Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga .
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo Nabad iyo Barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.
Isagoo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.
"Waxa kaliyah ee maanta aan dhibka kaga bixi karo waa in aan gacmaha is qabsano oo aan is cafino" ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
"Maalmahan dadka aan qaabilayay waxa ugu badan ee ay isku haystaan waa dhul waxaan dareemayaa in dagaalka inoo dhiman uu dhulka ku salaysnaan doono" ayuu yiri Madaxweynahu.
Hay'adaha Cadaalada ayuu ku booriyay in ay dhameeyaan muranada dhulka la xiriira kahor inta aan lasoo saarin hananka bixinta dhulka oo uu xusay in Xukuumadu ay gacanta ku hayso.
Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay
Nagala Xiriir E-mail
storvideo: 

Sababta maxkamadda sare ee Kenya ay u baabi'isay doorashadii 8 Agoosto

$
0
0

Toddoba xaakim ayaa tiro aqlabiyad ah jimcihii ku go'aamiyey in guddiga doorashada uu ku guul darraystay inuu qabto doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka.

Sababta maxkamadda sare ee Kenya ay u baabi'...

$
0
0

Maxkamadda sare waxay baabi'isay dib u doorashadii madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Toddoba xaakim ayaa tiro aqlabiyad ah jimcihii ku go'aamiyey in guddiga doorashada uu ku guul darraystay inuu qabto doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka.
Sabab
"Doorashooyinku ma aha dhacdo ee waa geeddi socod. Ka dib markii aan ka baaraan degnay caddaymaha oo dhan, waxaan ku qanacnay in doorashooyinka aan loo qaban si waafaqsan dastuurka iyo mabaadii'da lagu dabakhi karo" sidaa waxaa yiri xaakimka ugu sarreeya caddaaladda Kenya David Maraga, wuxuuna intaa ku daray in "madaxweyne Uhuru Kenyatta aan si sax ah loo soo dooran 8 Agoosto".
Soo koobidda diiwaan hayaha maxkamadda sare (maxkamadda sare waxay soo saartay amarro laakinse guddiga doorashada badankood wuu iska dhego tiray) ee ah in la eegay foomamka 34 A & B iyo kombiyuutarrada waaweyn ee guddiga doorashada.
Qodobbo
1.ku dhawaad 3 meelood oo meel foomamka way khaldanaayeen. Qaar waxba laguma qorin, qaar isku far ayaa lagu saxiixay, qaar waxay ka yimaadeen xarumo doorasho oo aan si rasmi ah u jirin, qaar waxaa ka muuqday natiijooyin ka duwan wadarta, sidoo kalena ka duwan tan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada, kumanaan ma lahayn tiimbareyaal, saxiixyo iyo calaamadaha khafiifka ah ee warqadaha ka dhex muuqda.
2.Shan malyan oo cod oo ku filan inay natiijada saamayn ku yeeshaan lama xaqiijin.
3.Baaritaanka qaabka lagu galo kombiyuutarrada guddiga doorashada, maxkamadda waxay u saartay koox soo ogaatay in tiro isticmaaleyaal ah oo aan loo fasixin ay hanaanka gudaha u galeen, ka hor iyo ka dib doorashada.
4.In guddoomiyaha guddiga doorashada uu galiyey, kana saaray foomamka 34A.
5.In hanaanka KIEMS ee $24 Malyan joogay ee loogu tala galay in loo isticmaalo in isla markiiba toos loogu soo diro 34A si ay dhinacyada oo dhan u hubiyaan, uu hallaabay dhamaanba xarumaha codaynta ee dalka oo dhan, sidaa darteedna tirooyinka loo soo diray Nairobi ay badidood yihiin kuwo aan nidaamkaas loo isticmaalin ee lagu soo diray farriin qoraaleedka telefoonka gacanta.
storvideo: 


Sidee maanta looga ciiday Magaalada Khartoum?+SAWIRRO

$
0
0

Khartoum(SONNA):-Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa.
Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkane Suudaan gaar ahaan Magaaladda Khartoum, ayaa Salaadii ciida ee manta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula tukadeen goroonka kubadda cagta ee ku yaala gudaha Jaamaadda Afrika.
Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartoum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciidda.
Guud ahaan magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashaaka iyo dabaaldaga munaasabada ciida Al-adxa.
storvideo: 

Munaasabada Ciidul-Adxa oo si weyn Looga Oogay Boosaso

$
0
0

Boqolaal shacabka ku dhaqan magaalada Boosaso ayaa maanta Salaada Ciida ku Oogay Garoonka kubada Cagata Ee Magaalada Bosaso oo ay culimadu ka soo jeediyeen Khubado Diini oo la xiriira qiimaha maanta oo kale u leedahay muslimiinta dunida.
Salaada Ciida kaddib ayaa jidadka iyo xaafaddaha magaalada lagu arkayay Dhalinyarro, Waayeel iyo Carruur mush-mushaaxaya, islamarkaana isku marxabeynaya munaasabada Ciidul-Adxa.
Ciida Carafo ayaa uga uga duwan ciida kale ee Muslimiinta dadka oo isku martiqaadaan naafka Udxiyada oo qoysaska inta awooda u leh maanta oo kale gowracaan.
Carruurta ayeey sidoo kale farxad gaar ah u leedahay maanta oo kale iyaga oo ka nasanaya dugsiyada waxbarashada si ay uga qeybqaataan farxada maalinta Ciida.
Amaanka Magaalada ayaa ad loo adkeyey waxan inta badan xiraan wadooyinka Magaalada Boosaso ka hor tukashada Salaada Ciida.Cabdiqani Boos Puntland Post Boosaso
The post Munaasabada Ciidul-Adxa oo si weyn Looga Oogay Boosaso appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Khartoum?+SAWIRRO

$
0
0

Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa. Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkane Suudaan gaar ahaan Magaaladda Khartoum, ayaa Salaadii ciida ee manta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula tukadeen goroonka kubadda cagta ee ku yaala gudaha Jaamaadda Afrika. Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartoum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciidda. Guud ahaan magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashaaka iyo dabaaldaga munaasabada ciida Al-adxa.
storvideo: 

DAAWO: Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi , oo dhawaan si adag u cambaareeyay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ugu gacan-galisay Itoobiya,sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa hadda ka dalbadey inay dowladdu soo saarto cidii sarkaalka u dhiibtay Itoobiya.
Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay taleefishinka Universal, ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhiibista sarkaalka,wuxuuna sheegay in arrinta dhacday ay tahay mid uu wali rumeysan la'yahay.
Wuxuu ugu baaqay labada Gole ee Baarlamaanka inay tallaabo sharci ah ka qaado, isagoo xusay in arrintan ay aheyd khiyaano qaran oo aan laga aamusi karin.
Inta wuxuu ku darrey xildhibaanka in iyaga xataa ay khatar ku jiraan in loo dhiibo dowladda Itoobiya, isla markaana wax lala yaabo ay tahay in muwaadin Soomaaliyeed.
"Dowlad aan ku taageerney wadaniyad ,ku taageernay daacadnimo,ku taageernay inay qaranka Soomaaliyeed iyo umadda Soomaaliyeed u shaqeynayso oo ay mideynayso, ha iska soo dhex saareen cida dhiibtay ninkan ama ku talisay,banaanka ha soo dhigaan." ayuu yiri xildhibaan Zakariye.
Hoos ka daawo wareysiga xildhibaanka

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaji Cabdi oo u waramay Tvga Universal ayaa Qiyaana Qaran ku tilmaamay Go'aanki la sheegay in Dowlada Somaliya ay Ethopia ugu gacan galisay Cabdi Kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal katirsan Jabhada ONLF.
Posted by Universal Somali TV on Friday, September 1, 2017
__
RBC Radio

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live