Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Odawaa oo diiday inuu kamid noqdo guddiga uu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo horey usoo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa cudurdaar ka bixiyey inuu kamid noqdo guddiga loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa maanta soo saaray liiska guddiga gaarka ah ee loo xil saaray inay go'aan kasoo saaraan go'aankii ay xukuumadda ka qaadatay kiiska Qalbi Dhagax.
Liiskaas waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa, balse wuu ka cudur daartay inuu kamid noqdo, isagoo sheegay inuu safar shaqo oo dibadda ah uu ku maqan yahay , isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray, isagoo xusay inuu ka cudur daaranayo.
"Safar shaqo ayaa dibadda ugu maqanahay, inaan guddigaas ka mid noqdo waa ka cudur daaranayaa, anigoo aysan ii saamaxeyn inaan guddigaas la shaqeeyo iyo mudada guddigaas loo qabtay oo aan dalka ka maqanahay"ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu cid kale booskaas u magacaabo, maadaama uu Odawaa ka cudr daartay.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xildhibaannada Golaha shacabka oo akhrinta koowaad...

$
0
0

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar , waxaana ajendaha kulanka uu ahaa qeybinta heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya oo ku saabsan Isdhaafsiga Maxaabiista Xukuman,Warbixinta gudiga Isgaarsiinta oo ku saabsan sharciga Isgaarsinta oo Aqalka sare usoo celiyay golaha shacabka, akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka kheyraadka Biyaha iyo sidoo kale akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbarashada Heerka 1-aad 2-aad iyo Tacliinta sare. Sida uu qabo qodobka 56-aad farqadiisa 5aad ee xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo ku saabsan magacaabida guddi gaar ah oo leh jiritaan cayiman guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaray qaraarkii golaha Wasiirada ee lixdii bishan kaddib doodii kulankii 17-aad ee Golaha Shacabka uu yeeshay 13-kii bishan kuna saaabsanaa qaraarkii golaha Wasiirada oo Ra'yiga aqlabiyada Xildhibaanada golaha shacabka uu ku taliyay in loo saaro guddi gaar ah oo kasoo baarandega arrimaha ku xusan qaraarka golaha Wasiirada ee kor ku xusan, waxaana xoghayaha golaha shacabka ugu horeyn golaha ka hor aqriyay magacyada gudiga uu Guddoomiyaha magacaabay. Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo ay golaha kusoo celiyeen golaha Aqalka sare, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Jabriil [...]
storvideo: 

Magacyada iyo Qabiillada Gudiga Xildhibaanada ee loo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay Dowladda Itoobiya iyo doodii ka dhalatay.
Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaaraan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.
Waxaa lagu wargeliyay dhamaan Hey'adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda. Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda Koowaadna uu ku qabsoomo 21-ka Bishan September
Waxaa kaloo la faray in 10-ka bisha October ay ku soo gudbiyeen warbixin Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka.
Halkan hoose ka akhriso: Magacayada iyo Qabiillada Gudiga Xildhibaanada ee loo Xilsaarey Cabdikarin Shiikh Miuuse Qalbi Dhagax
Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Gasoowe) Dir
Xildhibaan Axmed Mayow C abdule (Ruush) Raxan weyn
Xildhibaan Burhaan Aadan Cabdule Daarood
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa Hawiye
Xildhibaan Cabduqaadir Shiikh Cali Ibraahim Baqdaadi Dir
Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan Silcis Gorgaarte
Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh Daarood Majeerteen
Xildhibaan Hani Maxamed Aadan Digil iyo Mirifle
Xildhibaan Lutfoi Shariif Maxamed Cumar Reer Xamar
Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Hawiye
Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed ( Garwayne) Digil iyo Mirifle
Xildhibaan Maxamed Cumar Caymooy Jareer Weyne
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe Dir isaaq
Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi Daarood Ogaadeen
Saciid Maxamed Maxamuud Xayd Muuse Dhari
storvideo: 

Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadlay Beelaha...

$
0
0

Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadlay Beelaha Taageerada Waydiisanaaya Codka Reer Boorama, Qaadka, dilka Dadkii Oromadu Dishay
storvideo: 

Macalin caawiya Agoonta Boko Xaraam oo abaalmarin caalami ah helay

$
0
0

Nin xanaanayneeyo agoonta ay ka dhinteen dagaalyahanada Islaamiga ah ee Boko Xaram iyo ciidamada Naajeeriya ayaa ku guulaystay abaalmarinta sanadkan ee hay'ada UNHCR, ee loo yaqaano Nansen Refugee Award.

Puntland oo Qabatay Nin xalay ku Dilay Masuul u...

$
0
0

Ciidanka Ammaanka Ee Maamulka Puntland aya Maanta Magaalada Gaalkacyo ku qabtay nin xalay Fiidkii Magaaladaasi ku dilay Masuul la shaqaynayey wasaaradda Maaliyadda Ee Maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa ninka dilka geystay kazoo qabtay Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo oo illaa xalay uu ku dhuumaaleysanayey markii uu falka dilka ah geystay kadib.
Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa xaqiijiyey in ay ciidamadu qabteen Saaka Barqadii Ninkii ka dambeeyey dilka Libaan Warsame oo la sheegay inuu ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee qaybteeda Gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in loo dhaadhiciyey Saldhigga weyn ee magaalada Gaalkacyo halkaa oo uu xukun suge uu ku yahay Sida uu xaqiijiyey,xaaladda Magaalada ayuu sheegay inay daggantahay kadib shaqaaqadii xalay dhacday
Magaalada Gaalkacyo dhinaca woqooyiga ee uu ka arimiyo Maamulka Puntland ayaa waxaa isbuucyadan ka taagan xiisado ku saleysan aanooyin qabiil,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in xabsiyada Magaalada lagasii dayey tiro dad ah oo lagasoo qabtay dilalkii ka dhacay magaaladaas.
storvideo: 

Muwaadin Soomaliyeed oo Loo Qabtay Weerar Ka Dhacay...

$
0
0

Ciidamada Police-ka magaalada London ee dalka Britian ayaa baaritaano ku haya muwaadin Soomaaliyeed iyo nin u dhashay dalka ciraaq kuwaa oo lagu eedeenayo in ay ka dambeeyeen weerar todobaadkii hore ka dhacay magaalada London.
Raggan lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Tareen ayaa da'dooda lagu kala sheegay 21 jir iyo 18 jir iyagoo la tilmaamay in waqti badan ay ku bixiyeen fulinta dhacdadaasi oo la'aamin sanyahay in ay aheed weerar argagixisnimo.
Booliiska magalada London ayaa baaritaano ku sameeyay hoyga ay ku noolaayeen muwaadiniintaa n oo dhaca magaalada Stanwell waxaana habeenimadii sabtida lagu qabtay magalada Hounslow.
Golaha deegaanka ee weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in ay heleen macluumaad ku saabsan cidii weerraka fulisay iyagoo tilmaamay in wali baaritaano kale ay wadaan si loo qabto dad la tuhun sanyahay in isla magaalada ay ku nool yihiin.
Muwaadiniintan u kala dhashay soomaaliya iyo ciraaq ayaa si qaxootinimo ah ugu noolaa dalka Britian.
storvideo: 

Somali and Oromia Leaders Cooperate to Resolve Conflict

$
0
0

Heads of Oromia and Somali regional states announced that they will work together to end the conflict and rehabilitate the people displaced due to the conflict, Ethiopian News Agency reported.
In a joint press conference reported by ENA by the leadership of the two regional states along with with Minister of Federal Affairs and Pastoral Development, both Somali and Oromia leadership expressed sadness over the death and displacement of people.
"The conflict that led to the death and displacement of people doesn't represent the people and governments of the regional states. " Head of Oromia regional state, Lemma Megersa said as quoted by Ethiopian News Agency, underlining that the conflict is the result of criminal activities of individuals.
On the hand, Head of Somali regional state, Abdi Mohamed condemned the acts of killings and reiterated that its against the culture of both people.
"The act seen during the conflict is against the culture of both people, recalling their tradition of resolving conflicts peacefully." Somali Regional State, Abdi Mohamed said.
Kebede Chane, Minister of Federal Affairs and Pastoral Development called the act as a conspiracy against the federal system and urged the need to end the conflict immediately.
"As the federal system is based on consensus and unity, such acts are intended to jeopardize it." Kebede Chane, Minister of Federal Affairs and Pastoral Development said.
More than 30 Somalis were brutally killed last week by members of the Oromo Security Eastern Ethiopian town of Hawadaay, while the tension between the neighboring regional states worsened prompting thousands of civilians to flee.
storvideo: 


Galmudug Oo Amartay In La Soo Xiro Mid Ka Mid Ah...

$
0
0

Kadib kulan dhexmaray Masuuliyiinta Wasaarada amniga Maamulka Galmudug iyo Wasaarada Arrimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulkaas ayaa waxaa la amray in lasoo xiro Mid kamid ah Culumada Gobolka Mudug,
Shiikhan oo lagu magacaabo Shiikh Cabdi Wali Afyare Cali ayaa lagu heestaa Muuqaalo lagu faafiyay Baraha bulshada oo aad looga naxay,
Muuqaalka ayaa muujinaya Sawirka qof lagu sheegay Xabiibkeena Muxamed NNKH kaasi oo dad badan oo Soomaliyed ka caresiyay.
Maanta ayaa la filayay in Culumada Gobolka mudug qaarkood ay isku yimaadeen isla markana ka hadlaan arinta taagan,balse waxaa soo baxay amarka Masuuliyiinta amamul Goboleedka Galmudug.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Mahad Xassan Maxamed ayaa amar ku siiyay Ciidamada Maamulkaas in ay Gacanta ku soo dhigaan Sheekhaasi.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira in uusan ku dhuuman deeganadooda.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ciidamada Amaanka Boosaaso oo fashaliyey qaraxyo...

$
0
0

Ciidamada Amniga ee magaalada Boosaaso Ee Xarunta gobalka Bari ayaa fashiliyey miino lagu aasay agagaarka Xarunta dawladda Hoose ee Boosaso.
Ciidamada ayaa fashiliyey miinadan oo aan waxba khasaare ah geysan, waxayna qarxiyeen miinada oo ay si farsameysan ugu guuleysteen saarideeda.
Laamaha Amniga ayaa sheegay in ay ku timid fashilintan xogo ay heleen iyo iska warqabaka shacabka iyo ciidamada Amaanka Boosaso.
goobta lagu qarxiyey Miinooyinkan ayaa xiran sarkaal sare oo ka tirasan Ciidamada dawlada ayaa Puntland Post u xaqijiyey in wlai laga cabsi qabo miinooyin kale in ay ku asan yihiin lakiin waxa uu tilamamay in ku rada jooga ciidmada u tababaran fashalinta miinooyinka .
Miinadan halka lagu aasay ayaa ah goob mashquul ah, waxaana haddii ay qarxi lahayd ay geysan lahayd khasaare fara badan, maadaama goobtaas ay tahay meel magaalada dhexdeeda ah.Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah
The post Ciidamada Amaanka Boosaaso oo fashaliyey qaraxyo lagu aasay Bartamaha Suuqa Boosaso appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose

$
0
0

Afgooye (Sh M Network) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lagu beegsaday Gaari nuuca raaxada oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiya ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee Degmada Afgooye, Mahdi Xasan Abuukar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ku dhintay halka askari.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo goobta soo gaaray ay bilaabeen howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan la sheegin hadii dad lagu so qab qabtay.
Degmada Afgooye ayaa qiyaas ahaan 30km dhanka Koonfureed waxey uga beegan tahay Magaalada Muqdisho.
The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose appeared first on Shabelle.

Maamulka Galmudug oo amar ku bixiyay in la so xiro Wadaad u gafay Nabi Maxamed ﷺ

$
0
0

Cadaado (Sh M Network)—Maamulka Galmudug ayaa mar ku bixiyay in xabsiga la soo dhigay Wadaad ka mid ah Culimaa’udiinka ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wadaadkan oo lagu magacaabo Sheekh C/wali Afyare Cali ayaa lagu eedeeyay in uu u gafay Nabi Maxamed ﷺ
Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Maamulka Galmudug, Mursal C/raxmaan Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Amniga, Mahad Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxey sheegeen in Wadaadkaasi uu u gafay Nabiga.
Wasiir  Mursal C/raxmaan Axmed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Degaanada Maamulka Galmudug in aysan baraha bulshada ku faafin gafka uu sameeyay Sheekh Afyare.
Dhiniciisa, Ku Xigeenka Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug, Mahad Xasan ayaa faray Laamaha Amniga in ay soo xiraan Wadaad Afyare.
Waxaa ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug looga baahan yahay in ay u hogaansamaan amarkan islamarkaana ay xabsiga soo dhigaan Wadaadkaasi.
The post Maamulka Galmudug oo amar ku bixiyay in la so xiro Wadaad u gafay Nabi Maxamed ﷺ appeared first on Shabelle.

Maamulka Galmudug oo amar ku bixiyay in la so xiro...

$
0
0

Cadaado (Sh M Network)--Maamulka Galmudug ayaa mar ku bixiyay in xabsiga la soo dhigay Wadaad ka mid ah Culimaa'udiinka ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wadaadkan oo lagu magacaabo Sheekh C/wali Afyare Cali ayaa lagu eedeeyay in uu u gafay Nabi Maxamed
Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Maamulka Galmudug, Mursal C/raxmaan Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Amniga, Mahad Xasan oo shir jaraa'id qabtay ayaa waxey sheegeen in Wadaadkaasi uu u gafay Nabiga.
Wasiir Mursal C/raxmaan Axmed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Degaanada Maamulka Galmudug in aysan baraha bulshada ku faafin gafka uu sameeyay Sheekh Afyare.
Dhiniciisa, Ku Xigeenka Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug, Mahad Xasan ayaa faray Laamaha Amniga in ay soo xiraan Wadaad Afyare.
Waxaa ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug looga baahan yahay in ay u hogaansamaan amarkan islamarkaana ay xabsiga soo dhigaan Wadaadkaasi.
storvideo: 


Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Afgooye...

$
0
0

Afgooye (Sh M Network) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lagu beegsaday Gaari nuuca raaxada oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiya ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee Degmada Afgooye, Mahdi Xasan Abuukar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ku dhintay halka askari.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo goobta soo gaaray ay bilaabeen howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan la sheegin hadii dad lagu so qab qabtay.
Degmada Afgooye ayaa qiyaas ahaan 30km dhanka Koonfureed waxey uga beegan tahay Magaalada Muqdisho.
storvideo: 

Akhriso: Galmudug oo dab kusii shiday go,aanka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado (- Online) - War Saxaafadeed ku qornaa Luuqa English-ka oo ka soo baxay Maamulka Galmudug, ayaa lagu muujiyay taageerada maamulla ee ku aadan go'aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraada ku saareen Dowladda Qatar.
Warka ka soo baxay Galmudug, ayaa lagu sheegay go'aankii Dowladda Somaliya ay qaadatay 6-dii Bishii June ee ay ku muujisay Dowladda inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka khaliijka inuusan aheyn mid ku yimid wadatashi lala sameeyay Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Galmudig ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin dalal xiriir wanaagsan oo soo jireen la leh Somaliya, ayna taageerayaan mowqifka ay qaateen.
"Dowladda Galmudug waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go'aankii ay qaateen Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar." Ayaa lagu yiri Warka.
Horay waxaa go'aanka Dowladda Sacuudiga u taageeray Maamulada kala ah Hirshabelle, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudig oo hadda ku soo biiray Maamulada taageeray go'aankii Dowladaha Khaliijka.
Go'aankaan ka soo baxay Maamulka Galmudug, ayaa culeys hor leh wuxuu ku noqonayaa Dowladda Federalka Somaliya, maadaama Dowladda ay horay u qaadatay go'an dhexdhexaad ah.
Halkaase hoose ka akhriso waraaqdaa kasoo baxday Galmudug
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Galmudug:Nin Nebiga af-lagaadeeyeey oo la raadinayo

$
0
0

Maamul goboleedka Galmudug ayaa laamaha nabadgelyada ee dowlad goboleedkaas ku amray in ay soo qabtaan nin la sheegay inuu ku xad gudbay diinta Islaamka. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay waajib tahay in ninkaa la soo qabto oo la baadho.

Miyeeysan mudneen in beesha Daarood loo duceeyo...

$
0
0

Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa u arka in beesha Daarood ay ahaayeen gumayste gumeesanayey beelaha kalle ee Soomaaliyeed. Tusaale, beesha Hawiye ayaa u arka General Caydiid inuu ahaa halyeey gumeeste Daarood ka xoreeyey Muqdisho.
Gumeesiga ma ahan wax sahlan, laakiin si dadka loogu Awr kacsado ayaa dhagaha loogu sheegay gumeesi in laga xoreeyay.
Dawladdii Daaroodka uu hoggaaminayey iyaga ayaa ku dulmanaa sababtoo ah qofka kasta oo Daarood ah waxaa la yiri waa inaad dhakhtarka Muqdisho u timaadaa, Jaamacdda u timaadaa Muqdisho, baasaboorka iyo diyaarada aad u soo raadsataa Muqdisho iyo wax kasta oo uu qofka u baahnaa.
Balse, Daarood inuu gumeeste ahaa iyo in kalle waxaa u marqaati kacday magaalada Muqdisho kadib markii kuwii lahaa gumeestaha ayaan kaa xoreeneenaa ay sida aboorkii kor iyo hoos uga dhax baxeen, dhiigii ka billawday daadintiisa Muqdisho 1991dii waa mid la istaajin la'yahay illaa waqtigan.
Hadaba, heestan amaanta ah waa mid lagu amaanayo dadkii dabka maanta gubanaya shiday? Miyeeysan mudneen in Daarood loo duceeyo maanta?
storvideo: 

(Sawiro)Xafladii Caleemo Saarka Suldaan Cabdulaahi...

$
0
0

?
Munaasabad Ka dhacday Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Gobalka Mudug Waxaa Suldaan Cusub Ku doortay Beesha Reer Hilowle Gaar ahaan Reer Sharmaake..
Xaflada Lagu dooranayay Suldaanka Cusub Ayaa waxa Ka Soo Qeyb galay Masuuliyin Ka tirsan Galmudug ,Culimaa,udiin,Qaar ka Mida Odayaasha Dhaqanka ,Dhalinyaro, Haween Iyo Fanaanada Caanka Ah Fartuun Axmed Sahal (Fartuun Birimo).
Intii Ay Socotay Xafladu Ayaa waxaa Madasha Laga Soo Jeediyay Qudbado Kale Duwan Oo dhamaan tood ku Aadanaa Dardaaran Loo Jeedinayay Suldaanka Cusub Ee La Caleemo Saaray Cabdulaahi Siciid Gacmodheere..
Doorashada Suldaan Ayaa ahayd Mid ay si hufan u Soo Qabanqaabiyeen Beesha Hogaanka u igmatay Cabdulaahi Siciid Gacmodheere waxayna Dhamaan Dadkii Ka Hadlay ugu Duceeyeen Suldaanka Cusub in ilaahay La garab galo....HOOS KA DAAWO SAWIRADA..????
XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG
SHABAKADDA WARARKA
WWW.HOBYONET.COM
NAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COM
TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live