Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulaha Juventus oo Sanad La Ganaaxay

$
0
0

Gudoomiyaha kooxda Juventus Andrea Agnelli ayaa guud ahaan ciyaaraha laga joojiyay muddo sanad ah kadib marki lagu eedeeyay inuu tikdhada lagu daawado ciyaaraha ka iibiyay koox ka tirsan taageerayaasha Juventus balse lala xiriiryay inay ka tirsanyihiin burcadda maafiyada.


Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay “qaar ka mid ah...

$
0
0

26th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Maalin walba iyaga oo magac cusub wata ayeey la kulmaan madaxweynha Soomaaliya,
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.
Madaxweynaha ayaa yiri "Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada."
Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.
Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.
[embedded content]

Post navigation
- Ciidamadda dawladda iyo argagixisada Alshabaab Kaadida madaxdii SNM ayaan u soo cabay dalkan -
storvideo: 

Maamulaha Juventus oo Sanad La Ganaaxay

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Gudoomiyaha kooxda Juventus Andrea Agnelli ayaa guud ahaan ciyaaraha laga joojiyay muddo sanad ah kadib marki lagu eedeeyay inuu tikdhada lagu daawado ciyaaraha ka iibiyay koox ka tirsan taageerayaasha Juventus balse lala xiriiryay inay ka tirsanyihiin burcadda maafiyada.
Xiriirka kubadda cakta Talyaaniga ayaa sidoo kale Agnelli ku ganaaxay 20 kun oo euro, halka Juventus la dul dhigay ganaax lacageed oo gaaraya 300 oo euro.
Kooxda Juventus iyo gudoomiyaheeda Agnelli ayaa labaduba racfaan ka qaadan doona ganaaxa la saaray.
Go,aankan ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib marki Agnelli loo magacaabay gudoomiyaha Xiriirka Kooxaha Kubadda Cakta Yurub.
storvideo: 

Arsenal oo Garaacday West Brom

$
0
0

Kooxda Arsenal ahyaa heshay guusheedii saddexaad ee ay ku badineyso gurigeeda Alexandre Emirates Stadium xilli ciyaareedkan, kadib marki ay xalay 2-0 ugu awood sheegatay West Brom, their third win in a row at Emirates Stadium.

Arsenal oo Garaacday West Brom

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Kooxda Arsenal ahyaa heshay guusheedii saddexaad ee ay ku badineyso gurigeeda Alexandre Emirates Stadium xilli ciyaareedkan, kadib marki ay xalay 2-0 ugu awood sheegatay West Brom, their third win in a row at Emirates Stadium.
Ciyaarti xalay oo ka tirsaneyd horuaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxaa labada goolba Arsenal u saxiixay laacibka dhawaan kusoo biiray ee reer France Lacazette.
Lacazette oo ay Arsenal 46 milyan iyo badh lacagta Pound-ka Ingiriiska kaga soo iibsatay Lyon bishi June ee sanadkaan ayaa kulamadi ugu danbeeyay ee uu kooxda u ciyaaray aanan dhalinlaba goo loo xiriir ah.
Guushan ayaa Arsenal u dirtay kaalinta todbaad ee kala horeynta horyaalka Premier League, waxay shan dhibcood ka hooseysaa hadda kooxda horyaalka horkacaysa ee Manchester City.
storvideo: 

Faah-faahinta Kulamada Caawa ee Koobka Yurub

$
0
0

Waxaa caawa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo ka tirsan wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.

Faah-faahinta Kulamada Caawa ee Koobka Yurub

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Waxaa caawa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo ka tirsan wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Real Madrid ayaa wajaheysa naadiga Brussia Dortmund oo hadda hogaamineysa horyaalka dalka Jarmalka.
Real Madrid dhinaca horyaalka Spain ee La Liga waa ay badisay kulanki Sabtidi balse natiijooyinka guud ee tan iyo marki uu horyaalka bilowday ma aheyn kuwo qanciyay taageerayaasheeda.
Macalin Zinedine Zidane ayaa dalban doona ciyaar wanaagsan maadaama Dortmund ay tahay koox adag. Labadan koox ayaa isaga horyimid tartankan shan jeer lixdi xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ee tartankan.
Ciyaaraha kalana kooxaha waxay isaga hor imaan doonaan sidan:Group E
Sevilla ? - ? MariborSpartak Moscow ? - ? LiverpoolGroup F
Manchester City ? - ? Shakhtar DonetskNapoli ? - ? FeyenoordGroup G
Besiktas ? - ? RasenBallsport LeipzigMonaco ? - ? FC PortoGroup H
APOEL Nicosia ? - ? Tottenham HotspurBorussia Dortmund ? - ? Real Madrid
storvideo: 

Imaam qaaday heestii Umm Kulthum لسه فاكر – ام كلثو

$
0
0

26th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Imaam ka tirsan jamacadda Al-Azhar ee dalka Masar , ayaa shaqadii looga joojiyey ka dib markii uu hees ka qaaday Barnaamij ka baxa talafishanka dalka Masar
Imaam ka mid jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar ayaa raalin gelin bixiyey , ka dib markii shaqada looga faraiisiyey canbaarayn badan oo uga timid hees uu ka qaaday talafishanka
Imaamkan oo magaciisa la yiraahdo Sheikh Ehab Younes, ayaa ka qayb qaadanayey barnaamij ka baxa talafishanka Masar, cabaar markii barnaamijku soconayey ayaa qofkii marti gelinayey barnaamijka wuxuu ka codsaday Imaamka oo ku celceliyay inuu qaado oo ku luqeeyo hees lagu xasuusto, OO KA MID AH heesihii fananadii Carbeed ee Umm Kulthum
Imaam Ehab isaga oo ku luayanaya ayuu dhowr sadar ka qaaday heestii Umm Kulthum ee lsh fkr"Lesa Faker" ("Do You Still Remember?") weli ma xasuusataa
[embedded content]
[embedded content]
Post navigation
- Qof dhintay oo Qoob ki ciyaar lagu galbinayo
storvideo: 


Kheyre: Waxa uu adduunka naga aaminsan yahay anagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Soomaalida laga doonaayo inay dib usoo celiyaan mooraalkooda.
Kheyre waxa uu sheegay inuu dareemaayo farqi u dhexeeya waxyaabaha ay iska aaminsan yihiin Soomaalida iyo sida uu caalamka ka aaminsan yahay.
Waxa uu tilmaamay in Soomaalida ay aamineen inay ku jiraan burbur aan dawo laheyn, isla markaana ay ka niyad jabeen inay dib usoo nooleeyan rajadooda hormarineed.
Waxa uu sheegay in farqida jira uu yahay in dadka kale ee ku nool caalamka kale, ay rumeysan yihiin in Somalia ay ka gudubtay dhibaatadii ka jirtay, isla markaana ay cagta saartay dhabaha horumarka.
"Niyad jabka waaa mid ku eg soomaalida waayo adduunka dhan waxaa laga aaminsan yahay in Somalia ay ka amni iyo horumar fiican tahay wadamo badan oo dhisan"
"Waxaa la doonayaa inaan garano wixii noo wanaagsan waayo waxaa dib noo dhigay dal jaceylka oo aad noogu liito, waxaan aaminsanahay in Somalia ay ka hormari doonto dalal badan"
"Waxaan rajeynayaa in lasoo nooleeyo niyada naga jabtay, waxaa tusaale noogu filan in Ganacsatada ugu badan afrika ay yihiin Soomaali hadana aysan diyaar u aheyn in dhaqaalahooda ay gishtaan wadankooda, taa ayaa qeyb ka ah niyad jabka jira"
Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Washington kula qaatay dhalinyaro uu ku baraarujinaayay inay la imaadan qorshooyin ay ku hormarinkaraan dalkooda.
Geesta kale, Kheyre ayaa ku baaqay in loo midoobo Somalia oo uu sheegay inay iminka taal meel cidla ah.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Akhriso afarta qodob ee ay isku fahmeen Kheyre iyo...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Warar dheeraad ah ayaa wax uu kasoo baxayaa kulan magaalada Washington ku dhexmaray Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Madaxa Fulinta Bangiga Adduunka.
Kulanka labada mas'uul ayaa ku saleysnaa sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.
Ra'isul wasaare Kheyre ayaa inta uu kulanka socda Madaxa Fulinta Bangiga Adduunka ka dalbaday in la qeexo nidaamka ugu sahlan oo uu Bangiga dhibta jirta kaga saari lahaa dowlada Somalia oo aan weli heysan dhaqaale ku filan.
Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Fulinta Bangiga Adduunka, ayaa wada hadal dheer kadib isla fahmay qodobo dhowr ah, waxa uuna Mr Kristalina qalinka ku duugay:
1-In Bangiga Adduunka uu Somalia usoo diri doono Khubaro ku xeel-dheer arrimaha maamulka iyo maaliyada.
2-In Bangiga Adduunka uu kordhinaayo miisaaniyada ay ugu yaboohan Somalia, si loo dardar galiyo howlaha dowlada ee hakatka ugu jira dhaqaalo la'aanta.
3-In Somalia laga taageeri doono horumarinta Bankiga iyo tayeyntiisa.
4-Dib usoo celinta xiriirka rasmiga ee Bankiga adduunka kala dhexeeya kan Somalia.
Kristalina Georgieva, ayaa sheegay in Bangiga Adduunka ay ka go'an tahay inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan
"Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka."
Dhinaca kale, Ra'isul wasaare Kheyre waxa uu ballanqaaday in dowlada Somalia ay dhankeeda ka xoojin doonto heshiiska ay la saxiixatay Bankiga.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Xaaf oo xilkii Mooshin looga tuuray sidii Cosoble

$
0
0

26th September 2017 admin Category :
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow degmada Cadaado kaga dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada oo ku shiray mid ka mid ah Hotelada Cadaado ayaa sheegay in 52 Xildhibaan ay xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf.
[embedded content]
storvideo: 

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada...

$
0
0

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug
Sep 26, 2017 -
1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go'aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay'adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay'adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.DHAMAAD
WAsaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo War...

$
0
0

Wasaarradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa War saxaafadeed kasoo saartay Xaalada ka taagan Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Galmudug. Hoos Ka aqriso Warsaxaafadeedka oo dhameys tiran.
storvideo: 

Akhriso:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa War saxaafadeed kasoo saartay Xaalada ka taagan Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Galmudug.
Halkaan hoose ka Akhri digreetada Wasaaradda Arrimaha gudaha ay soo saartay.
1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.
2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go'aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.
4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay'adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay'adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Fanaanadda Qaran ee Maryan Mursal Ciise"Sawirro"

storvideo: 

Guddoomiye Thaabit oo ka hadlay falkii argagaxa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay fal naxdin lahaa oo ay maanta Ciidamada AMISOM ka geysteen Magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa Maanta Baabuur muwaadin Soomaaliyeed uu lahaa ku dardartay Wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Haddaba Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuusan marnaba raali ka noqon karin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed
" Waxaan aad uga xumahay falka ay maanta ku kaceen ciidanka Amisom" ayuu yiri Thaabit oo la hadlay Saxaafadda.
" Waxaan marka hore raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee gaarigiisa waxyeelada ay kasoo gaareen" ayuu sii raaciyey.
" Marna raali kama ihi in Muqdishaawiga ama Muwaadin Soomaaliyeed dhib loo geysto. Waxaan la xiriiray Amisom, jawaab deg deg ah ayaan ka sugeynaa in ay ka bixiyaan sidookalena askarigii falka geystay cadaaladda la horkeeno magdhawna ay ka bixiyaan. Mahad-badan" ayuu ugu dambeyntii sheegay Guddoomiye Thaabit .
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Kulankii ururka Sanaag, Sool iyo Bari ee Boosaaso

$
0
0

26th September 2017 admin Category :
Ururka Sanaag, Sool iyo Bari SSB ayaa meel isugu keenay Isimaddii, siyaasiyintii, Xildhibaanaddii iyo Ururada Bulshada reer Maakhir. Wakiilada Sanaag, Sool, iyo Bari ee dalka Soomaaliya , oo ay ka mid yihiin Fadumo Looshade iyo Sucdi Baandeey ayaa maanta markii ugu horaysay shir ay soo qaban qaabiyeen ku wacyi geliyey dhamaan bulshada reer Maakhir in loo diyaar garoobo sidii cadwga AAN NAXARIISTA LAHAYN OO SOO DUULAY looga saari lahaa buuraha Calmadow iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya. Madaxdii ka soo qayb gashay kulankan waxa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee kja soo jeeda Sanaag iyo Hayland, Siyaasiyiin iyo saraakiisha ay ka midka yihiin Xanaano iyo Jeeni taag.
[embedded content]

storvideo: 

Boqorka Sacuudiga oo fasaxay in haweenku gawaarida...

$
0
0

Boqorka Sacuudiga salman Bin Cabdicasiis ayaa soo soo saaray amar rukhsad u siinaya haweenka dalkaasi in ay gawaarida wadaan, taasoo meesha ka saaraysa muddo dheer oo haweenka Sacuudiga aay mamnuuc ka ahayd in ay gawaarida kexeeyaan,waxaana markiiba go'aanka soo dhoweeyey Maraykanka oo ku tilmaamay"tallaabo weyn loo qaaday dhinaca saxda ah".
Sidoo kale hay'adaha xuquuqda dumarka ayaa si weyn u soo dhoweeyey,waxayna sheegeen in weli xuquuq badan ka dhimman-tahay haweenka Sacuudiga,balse ay u riyaaqsan yihiin go'aanka loogu fasaxay gaadiid wadidda.
Boqorka ayaa sheegay"in markii uu la tashaday culimada waaweyn ee dalka ay u soo bandhigeen go'aankooda,islamarkaana ay tilmaameen in diinta islaamka aanay ku hayn daliil dumarka ka mamnuucaya darewalnimada,sidaasi darteedna uu amar ku bixiyey oo loo fasaxo".
Amarka uu soo saaray boqor Salman ayaa lagu caddeeyey in haweenka iyo raggu ay u siman yihiin shuruucda waddooyinka iyo shatiyada gaadiidka,balse waxaa shardi laga dhigay in haweeneyda gaariga wadaysaa ay asturantahay.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in la sameeyey guddi heer sare ah oo loo xil saray talo-siinta haweenka gaadiidka wadaya muddo 3o beri ah laga bilaabo salaasadii maanta ee go'aankani soo baxay.
Sacuudiga ayaa lagu eedeeya in uu ku tunto guud ahaan xuquuqda aadanah,gar ahaanna tan haweenka,waana dalka keliyah ee caalamka ay mamnuuc ka ahayd haweenkiisa in ay gawaarida wadaan,waxaana dhowaan si xoogleh loo cambaareeyey wadaad u dhashay dalkaasi oo sheegay in aan haweenka loo ogolaan gawaarida,maadaama uu ku tilmaamay"kuwo caqligoodu dhimman-yahay.PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Boqorka Sacuudiga oo fasaxay in haweenku gawaarida wadaan. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa soo saaray waraaq uusan la ogeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.
Waraaqdaan oo laga soo diray Emailka rasmiga ah ee wasaaradda oo u muuqatay mid aan asluubeysneyn dhanka qoraalka oo aan lasoo marsiin hab qoraalka dowladeed ayaa lagu sheegay in lagu soo dhaweeyey xil ka qaadistii ay maanta 17 Xildhibaan ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.
Sida aan xogta ku helnay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa dalka uga maqan safar shaqo oo dibadda ah, waxaana la sheegay inaan wasiirul dowlaha lala ogeyn waraaqda uu qoray.
Madaxda ugu sareyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida Wasiirka, Wasiir ku xigeenka, Xoghayaha Joogtada ah ayaa caawa kusoo baraarugay waraaq loo diray Emailada warbaahinta Soomaaliyeed.
Markii aan xogta arrintaan baarnay ayaan soo ogaanay inuu waraaqdaas soo diray Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Cabdullaahi Faarax Wehliye oo isaga la safan dhinaca kasoo horjeedo Madaxweyne Xaaf.
Waraaqdaan ayaan laheyn wax taariikh ah, Refference Number, Saxiix iyo Tiimbare, sidoo kalana uma sameysneyn qaabka waraaqaha kasoo baxo Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida aan horey u aragnay kuwa saxda ah.
Lama ogo sababta ku kaliftay Wasiirul dowlaha inuu go'aankaan qaato, waxaana sidoo kale Baraha Bulshada lasoo dhigay waraaq kale oo iydana u muuqato mid macmil ah oo lagu sheegay wax ka duwan middii hore oo looga hor imaaday go'aanka Xildhibaanada 17-ka ah ay soo saareen.
Waraaqdaan ayaa waxaa ka muuqatay deg deg, waxayna aheyd waraaq gaadmo ka muuqatay lana soo saaray xilli ay hurdeen Wasiirka iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo dhammaan agaasimayaasha.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa la filayaa inay Berri arrintaan si rasmi ah uga hadasho.
Halkaan ka akhriso waraaqda uu soo saaray Wasiirul dowlaha Wasaaradda
Sidoo kale waraaqdaan ayaa iyadana lagu arkay Baraha Bulshada waana mid kasoo horjeedo qaabka ay u qoran tahay waraaqda kasoo baxday Wasiirul dowlaha
storvideo: 

Warbixin: Xiisadda Galmudug iyo Jawaabta Xukuumadda

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee fadhiisinka u ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi inay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warbixin: Xiisadda Galmudug iyo Jawaabta Xukuumadda

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee fadhiisinka u ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi inay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xildhibaannadan oo ku shiray hotel ku yaalla magaaladan ayaa ku dooday in Madaxweynuhu sharciga ku tuntay, waxayna tilmaameen inay ahaayeen 55 Mudane, halkaas oo 52 ka mid ahi ay ogolaadeen xil ka qaadista.
Xildhibaannadan ayaa sheegay inay sidoo kale mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Galmudug.
Isla xalay waxaa magaalada Cadaado ka qabsoomay kulan kale oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxay ku dedafeeyeen oo waxba kama jiraan ku tilmaameen go'aankii ay soo saareen xildhibaannada ka horreeyey.
Xildhibaan Xareed Cali Xareed oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa VOA u sheegay in kulanka uu xalay guddoomiyey ay ka qaybgaleen 48 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad Xildhibaan Xareed ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo mooshin laga keenay Guddoomiyaha Golaha, isaga oo sheegay inay si dhakhso ah dooddiisa u gudo geli doonaan.
Guddoomiye Xareed ayaa eedaymo kulul u jeediyey dawladda Federaalka ah oo ku tilmaamay inay burburinayso maamul goboleedada, oo dhismahooda loosoo maray jid aad u adag. wuxuuna ugu baaqay inay arrintaas ka laabtaan.
DAWLADDA FEDERAALKA AH:
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda dhexe ee Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu taageeray go'aankii xubno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ay ku sheegeen inay xilka kaga qaadeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Warsaxaafadeedka ayaa ugu horrayn lagu sheegay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ka walaacsan tahayXasaradaha Amni iyo kuwa siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday Xarunta KMG ee CADAADO ee fadhiisinka u ah maamulka Galmudug.
Qoraalka ayaa lagu cambaareeyey, xayiraadda la saaray Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, waxaana lagu baaqay in xorriyaddooda si degdeg ah loogu soo celiyo.
Qodobka saddexaad ee warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go'aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga." Ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Ugu dambayn waxaa qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu sheegay in Dawladda Federaalka ahi ay Farayso hay'adaha Amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni arta amni darro saamaysa hay'adaha Dastuuriga ah, waxaana loogu baaqay shacabku inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>