Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qaramada Midoobey'ma waxa ay ku guuldareysatay...

$
0
0

Hoggaanka Qaramada Midoobey ee ku sugan Myanmar ayaa isku dayay in ay joojiyaan in laga hadlo xuquuqda dadaka Rohingya loona gudbiyo cabashada dowladda Myanmar ,waxaa sidaasi BBC u sheegay ilo wareedyo laga helay Qaramada Midoobey iyo hay'adaha Samafalka.
Sargaal horey uga tirsanaan jiray Qaramada Midoobey ayaa sheegay in madaxa Qaramada Midoobey ee Myanmar uu isku dayay in uu ka hor joogsado in dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ay booqdaan goobaha xasaasiga ah ee ay ku nool yihiin dadka Rongya.
In ka badan 500,000 oo ah dadka Rohingya ayaa ka qaxay howlgalo ay militariga Myanmar ku bartilmaameedsanayaan.
Qaar badan oo ka mid ah dadkan qaxay ayaa waxay imika ku nool yihiin xerooyiin ku yaalla dalka Bangladesh.
Qaramada Midoobey ayaa beenisay xogta ay heshay BBC iyo eedeeynta.
Bil ka hor inta aysan qaxa billaabin dadka Rohingya ayaa waxay Qaramada Midoobey hormuud u ahayd jawaabaha la bixinayo waxa ayna canbaaraysay xukuumada Burma.
Balse ila wareedyo laga helay gudaha Qaramada Midoobey iyo hay'adaha gargaarka oo ku sugan gudaha iyo dibadda Myanmar ayaa u sheegay BBC-da, in afar sano ka hor inta aysan billaaban dhibaatada hadda jirta uu madaxa Qaramada Midoobey ee Myanmar Renata Lok-Dessallien.

  • uu isku dayay in uu hor istaago dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha in ay gaaraan gobaha ay ku nool yihiin dadka Rohingya.
  • Waxa uu isku dayay in uu uu afka qabto dadka ka hadla mowduuca Rohingya.
  • Waxa uu u diiday in ay ka hadlaan shaqaalaha isku dayay in ay ka digaan in isir sifey ay soo socoto.

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka, Caroline Vandenabeele,ayaa aragtay calaamado muujinaya digniin.
Waxa ay ka soo shaqaysay Rwanda markii sanddii 1994 uu halkaasi Xasuuqa ka dhacayay,markii ay Myanmar soo gaartay Vandenabeele ayaa aragtay calaamado walaac leh oo la mid ah kuwii ay Ruwanda ku aragtay.
" Vandenabeele ayaa tiri"waxa aan maqlay Mid ka mid ah dadka Burma oo dhahaya 'waa in aan dilnaa dhamaan sida Eeyga oo kali '.
Caroline Vandenabeele ayaa sheegtay in ay xaqiiqsatay in bulshada dhexdeeda ay caadi ka noqdeen rabshadaha.
Sanaddii 2012,isku dhacyo ku dhex maray gobolka Rakhine Muslimiinta Rohingya iyo dadka Buudistaha ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof islamarkana in ku barakaceen in ka badan 100,000 oo ah dadka Rohingya oo ku jiray xero looga sameeyay,Sittwe oo ah caasmida Rakhine.
storvideo: 


Daawo: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Sucuudiga oo amar ku...

$
0
0

Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga Sheekh Saciid bin Cabdullaahi ayaa amar ku bixiyay in la soo xidho nin dhallinyaro ah oo muuqaal fiidiyoow ah iska soo duubay isaga oo ugu hanjabaya haweenka Sacuudiga in uu gubi doono baabuurtooda.
Sida laga soo xigtay wargeyska "Riyadh", Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in aanay oggolaan doonin qof ku xadgudba amniga Sacuudi Carabiya iyo in jahwareeriyo dadka ama in lagu xad gudbo xeerarka.
Waxayna carrabka ku adkeeyeen in Xeer Ilaalinta guud ay ka ciyaari doonto kaalinteeda u adeegidda bulshada iyo in ay ka ilaaliso gacan-ka-hadalka iyo xadgudubka.
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Haweenay Talyaani ah oo Is Guursatay Qabsatayna...

$
0
0

Haweeney Talyaani ah ayaa is guursatay waxay Xaflad u sameysey 70 qof oo marti ah, Waxayna Xidhatay Toobka Cad ee Aroosadaha.
Laura Messi oo ah 40-jir tababare Jidhka ah ayaa tidhi"Waxaan haystaa Iimaan waa in aan Nafaheena marka u horeysa Jeclaana, Qof kasta oo inaga mid ah ayaa haya sheeko khiyaali ah xataa iyada oo aan lahayn amiir. "
Inkastoo munaasabadu aysan laheyn miisaan sharciyeed, Ms. Messi waxay qayb ka ahaa isbedelka ku aaddan is-guursiga oo loo yaqaan "Sologamy", aduunka oo idil.
Laura ayaa sheegtay in ay go'aansatay in ay qabato arooska laba sano ka hor, ka dib markii xidhiidh 12-sano jiray uu gebogeboobay.
Qaar ka mid ah Taageerayaasha Xafladan ayaa sheegaya in ay ku saabsan tahay jacayl iyo is-oggolaansho Naftaada ah.
"Waxaan u sheegay saaxibada iyo qoyska in haddii aanan helin lamaanahayga Marka aan Gaadho da'da 40-sano jir, waan is guursan doonaa," Laura ayaa sidaa u sheegtay Wargeyska La Repubblica.
Waxay intaa ku dartay "Haddii aan maalin uun helo nin aan kula qorsheyn karo mustaqbalka isaga waan farxi doonaa, laakiin farxaddaydu kuma tiirsanaanayso," ayay tidhi.
Ms Messi ayaa sharxaday in ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee Talyaani ah ee qabta xaflad Is aroos,Bishii May ee la soo dhaafay Nilo Ruggero ayaa is guursaday wuxuuna yidhi "Haa" xaflad ka dhacday magaalada Naples.
Dalka Japan, hay'ad dalxiis ah ayaa bilawday wada-shaqeynta aroosyada haweenka kelidood ah 2014. Waxa isna jira Website Maraykan ah oo la yidha Waxaan Guursaday Naftayda waxaan ay bixisaa heshiisyada guurka noocaas ah.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Somalia: Al Shabaab overruns military base in Bariire town

$
0
0

Somalia’s al Shabaab fighters attacked a military base outside the capital Mogadishu using car bombs and guns, killing 17 soldiers and taking control of the base and a nearby town, the group said on Friday.
Residents and officials confirmed the attack, but gave no details on casualties.
“After morning prayer today, two Mujahideen rammed into Barire military base with suicide car bombs. We killed 17 soldiers and took seven technical vehicles,” Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s military operation spokesman told Reuters on Friday, referring to pick-up trucks mounted with machine guns.
“The other soldiers ran helter skelter into the woods. We now control the base and the village.”
Barire is 50 km (30 miles) southwest of Mogadishu.
Al Shabaab aims to topple the government in Mogadishu and impose its strict owns interpretation of Islam. Somalia has been at war since 1991 when clan-based warlords overthrew dictator Siad Barre and then turned on each other.
The al Qaeda-linked group was driven out of the capital in 2011, but still carries out frequent attacks on security and government targets, but also on civilians. They also target African Union peacekeeping troops.
Ali Nur, the deputy governor of Lower Shabelle region where Barire is located, confirmed the fighting but gave no more details on casualties.
Residents in Barire also confirmed the attack.
“First we heard two huge blasts at the base and then heavy exchange of gunfire followed. Now it looks like the fighting died down,” Ali Farah told Reuters from Barire village.
Two weeks ago, al Shabaab attacked an army base at a town near the border with Kenya, while three weeks ago they struck another in the southern port city of Kismayu, killing at least 43 people in both incidents.
The post Somalia: Al Shabaab overruns military base in Bariire town appeared first on Shabelle.

Somalia: Al Shabaab overruns military base in...

$
0
0

Somalia's al Shabaab fighters attacked a military base outside the capital Mogadishu using car bombs and guns, killing 17 soldiers and taking control of the base and a nearby town, the group said on Friday.
Residents and officials confirmed the attack, but gave no details on casualties.
"After morning prayer today, two Mujahideen rammed into Barire military base with suicide car bombs. We killed 17 soldiers and took seven technical vehicles," Abdiasis Abu Musab, al Shabaab's military operation spokesman told Reuters on Friday, referring to pick-up trucks mounted with machine guns.
"The other soldiers ran helter skelter into the woods. We now control the base and the village."
Barire is 50 km (30 miles) southwest of Mogadishu.
Al Shabaab aims to topple the government in Mogadishu and impose its strict owns interpretation of Islam. Somalia has been at war since 1991 when clan-based warlords overthrew dictator Siad Barre and then turned on each other.
The al Qaeda-linked group was driven out of the capital in 2011, but still carries out frequent attacks on security and government targets, but also on civilians. They also target African Union peacekeeping troops.
Ali Nur, the deputy governor of Lower Shabelle region where Barire is located, confirmed the fighting but gave no more details on casualties.
Residents in Barire also confirmed the attack.
"First we heard two huge blasts at the base and then heavy exchange of gunfire followed. Now it looks like the fighting died down," Ali Farah told Reuters from Barire village.
Two weeks ago, al Shabaab attacked an army base at a town near the border with Kenya, while three weeks ago they struck another in the southern port city of Kismayu, killing at least 43 people in both incidents.
storvideo: 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga oo goor dhow kasoo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Taliyaha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay diplumaasiyiin ka tirsan Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Safiir Olgan Baker, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Maxamed Axmed Jimcaale Geedi iyo Mas'uuliyiin kale.
Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa waxaa loo galbiyay xarunta Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas'uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Somalia.
Taliyaha ayaa ka qeybqaadan doona munaasabadda xariga looga jarayo Xero Ciidan oo Turkiga uu ka hirgeliyay duleedka magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro Ciidamada.
Saldhigan Dhexdiisa waxaa laga dhex furay Saddex Dugsi oo nooca ciidanka lagu tababaro ah, taasi oo Ciidamada Soomaalida u saamixi doonta inay helaan tababar wanaagsan oo ku filan xaga Khibrada ciidanka ah.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamo hubeysan, meelaha qaar xitaa looma ogola in ay maraan gaadiidka dadweynaha.
Dhinaca kale, dowladda Erdogan ayaa saaxiib dhow la'ah Somalia oo ay ka saacidan dhinacyo badan sida taageerada ciidanka, midda amniga iyo mida arrimaha Bulshada intaba.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Yuusuf Garaad oo qoray warbixin uu cinwaan uga...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye. Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada Soomaaliya waa mid mar labaad socod-barad ah oo hadda la kabkabayo una baahan koolkoolin iyo in loo turo.
Sagaashanaadkii
Waxaan ka soo gudubnay xilligii Sagaashamaadkii oo aan ahayn Dowlad la'aan. Waa xilligii abwaan Soomaaliyeed oo aan kula kulmay Baydhaba uu ka tiriyay tix aan ka xusuusto hooriskeeda oo ahaa:"Wada Tuute noqannaye,
nin waliba tabtuu rabo, ha u rido tumaatida".2000 iyo ka dib
Waxaa kale oo aan ka soo gudubnay tobankii sano ee xigay ee Hoggaamiye Kooxeedyo hub badan haysta, mararka qaarna degaan ka taliyaa ay Dowladda is hor taagi jireen amaba ay ridi jireen.
Hoggaamiye kooxeedyadaas oo uu mid waliba u duulo caasimad shisheeye tii uu doono iyo weliba mararka qaarkood gobollo shisheeye si uu heshiiska uu doono ula soo galo Dowlad ama sharikad iyada oo og in aanuu heshiiskaas fulin karin haddana dano gurracan dartood shaar ka weyn u toli jirtay Hoggaamiye kooxeedka.2012
Waa laga soo gudbay xilligii ku meel gaarka, inkasta oo weli xagga dib u heshiinta iyo dib u dhiska hey'daha Dowladda siiba ciidanka ay wax badani ka dhimman yihiin.
Waxa la isku afgartay ee Dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay, oo uu Madaxweyne ku noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Madaxweynayaashii isaga ka horreeyayba ay ku noqdeen, waa Dastuurka dalka oo isaga laftiisu weli ku-meel-gaar ah ilaa afti laga qaadayo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Dastuurku si cad ayuu u qeexayaa in Siyaasadda Dibadda ay u xilsaaran tahay KELIYA Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dastuurku wuxuu awood u siinayaa in Madaxweynuhu uu yahay mas'uulka dalka ugu sarreeya, fagaarayaasha caalamiga ahna uu isagu ama wakiilkiisu ku matalo Soomaaliya.
Dastuurku ma qorayo in Gobol waliba uu dalka uu doono la geli karo heshiis ama taageero siyaasadeed u fidin karo. Sidoo kale, Dastuurku ma qorayo in Gobolkii doonaa uu Dowladda uu xiriirka u jari karo ama uu ku qaadi karo dagaal.
Madaxda Dowlad Goboleedyadu cod iyo mas'uuliyad heerkooda ah ayay ku leeyihiin talada Dalka. Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalkuna waa ay ku xushmeyneysaa. Haddii ay la soo gudboonaato mar go'aan ay Xukuumaddu gaartay uu u cuntami waayo Madaxweyne Goboleed ama uu hayo talo ka wanaagsan go'aanka Xukuumadda, waxaa u furan in uu Dowladda Federaalka ah u soo jeediyo talo.
Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka dhexeysa wadashaqeyn fiican xagga siyaasadda iyo xagga amnigaba. Khilaafna kama jiro Arrimaha Gudaha ee dalka. Arrimaha Dibaddana go'aankeeda waxaa leh Madaxweynaha Jamhuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka.
Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa in aan dhammaanteen siinnaa qiimeynta ugu weyn. Waa waxa keliya ee waaraya. Xil uu qof mas'uul ahi hayo heerka uu doono ha noqdee waxaa ka weyn Qarankeenna. Manfac iyo damac kasta oo kale waxaa ka weyn wadajirkeenna iyo Madaxbannaanideenna. Iyaga ayaa waaraya.
Sidaa darteed aan ka dhowrsanno in Hoggaamiyaha dalka ee maanta iyo berri lala qabsado isteerinka. Hoggaamiyaha maanta ee dalku waa Maxamed Cabdullaahi Maxamed. Hoggaamiyaha berri imaan doona ama imaan doonta ma naqaan. Laakiin mid kasta oo Hoggaamiye noqda waxaa uu jeclaan lahaa, Soomaaliyana u roon, in uu la wareego Dowlad wax-ku-ool ah oo nidaam iyo kala dambeyn ku socota oo aan is-barbar-yaac lahayn.
Dastuurka Soomaaliya meelaha qaar ma cadda oo mugdi ayaa ku jira. Meelaha qaarna waa mid aan dood geli karin waxa uu Dastuurku ka qabo.
Soohdinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada marka ay joogto Arrimaha Dibaddu uma baahna fasiraad badan marka aad akhriso Dastuurku sida uu u qeexayo.
Qofka ka dhowrsan waaya in uu si sharci darro ah isteerinka ula qabsado Hoggaamiyaha Dalku, ama aan si kale u dhigee ku kaca fal lid ku ah Dastuurka dalku ha ogaado in uu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.W/Q: Wasiirka A/Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar - OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

FAAHFAAHIN: Dagaal Culus oo Ciidanka DF iyo Al...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaallamay ka tirsan ayaa ku dhintay in ka bandanna way ku dhaawacmeen dagaal cuus oo ay saakay aroortii Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada Dowladda FS ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kaddb markii Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday saldhigga iyadoo u adeegsatay dagaalkan qaraxyo culus, kaddibna si toos ah u weeraray saldhigga oo la sheegay inuu ahaa mid uu difaaciisu si aad ah u adkaan.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay gudaha u gashay saldhigga isla markaana ay la wareegtay deegaanka Bariire, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay halkaas ku dileen tiro ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia.
Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan Bariire ayaa iyaguna waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-shabaab ee ah inay qabsadeen saldhigga iyo deegaanka oo dhan, balse waxay sheegeen inuu dagaal socdo.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in ciidammo badan ay daadsan yihiin saldhiggii lagu dagaalamay, xaaladduna ay kacsan tahay oo la maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan.
"Hadda shan qof meydkooda ayaan kor taaganahay kuwaasoo dhamaan lagu dilay dagaalay dagaalka," ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta, isagoo intaa ku daray. "Dhimashada waxaan maqlay inay 10 kor u dhaafayso, tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray."
Ugu dambeyn, Deegaanka Bariire ayay Al-shabaab dhawr jeer soo weerartay iyadoo marar kala duwanna la kala qabsaday deegaankaan oo dhinac walba u leh muhiimad gaar ah.PUNTLAND POST
The post FAAHFAAHIN: Dagaal Culus oo Ciidanka DF iyo Al-shabaab ku Dhex-maray Deegaanka Bariire appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Daawo: Beesha Muuse Fiin Ee degta Degmada Boorama...

$
0
0

Daawo: Beesha Muuse Fiin Ee degta Degmada Boorama iyo Madaxdhaqameedkeeda oo Cabasho ka muujiyey Fal Dil ah oo Aan waxba looga Qaban Kuna sheegay Sharci Ku tumasho
[embedded content]
storvideo: 

Taliyaha Ciidamada Millateriga Turkiga iyo Wafdi uu...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo dagay saakay Taliyaha guud ee Millateriga dalka Turkiga, Hulusi Akar iyo Wafdi uu hoggaaminayo.
Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka, xubno ka tirsan safaaradda uu Turkiga ku leeyahay Muqdisho iyo xubno kale.
Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Safaaradda uu Turkiga ku leeyahay Muqdisho, halkaasoo kulammo uu kula leeyahay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ayaa ka qayb-geli doona munaasabadda xariga looga jarayo Xero Ciidan oo Turkiga uu ka dhisay duleedka Muqdisho, taasoo loogu talo-galay in lagu tababaro Ciidamada xoogga dalka.
Dhanka kale, Saldhigaan ayaa waxaa ku dhex-yaalla saddex dugsi oo nooca ciidamada lagu tababaro ah, taasoo ciidamada Somalia u saamixi doonta in ay helaan tababar wanaagsan oo ku filan xaga Khibrada ciidanka ah.
Amniga Guud ee Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana la xiray waddooyinka waa-weyn, kuwaasoo lagu arkayay ciidamo hubeysan, meelaha qaar xitaa looma ogola in ay maraan gaadiidka dadweynaha.
Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa saaxiib dhow la'ah Somalia oo ay ka saacidan dhinacyo badan sida taageerada ciidanka, midda amniga iyo mida arrimaha Bulshada intaba.PUNTLAND POST
The post Taliyaha Ciidamada Millateriga Turkiga iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Muqdisho Yimid appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Mas’uul ka tirsanaa Dowladda Kenya oo u dhintay...

$
0
0

Nairobi (Sh M Network)--Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in Mariam El-Maawy oo ka tirsaneyd Waaxda howlaha guud ee Dowladda Kenya ay ku geeriyootay Magaalada Nairobi.
Madaxweyne Kenyatta ayaa xusay in Mariam ay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray Weerar Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Haweeneydan iyo mas'uuliyiin kale ayaa 14-bishii July waxaa Magaalada Lamu ka afduubtay Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab, balse waxaa goor dambe ka soo furtay Ciidamada Kenya.
Iska horimaad xiligaasi dhexmaray labada dhinac ayaa dhaawac culus waxuu ka so gaaray Haweeneydan ka tirsan Waaxda howlaha guud ee Kenya, sida uu shaaciyay Madaxweyne Kenyatta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku dhiftay in howlgalkii lagu soo badbaadinayay Mariam ay ku dhinteen darawalkeedii iyo 4 kale oo ka mid ahaa Ciidamada Boolisk Kenya.
Weeraro xoogan ayaa mararka qaarkood waxey ka dhacaan qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, iyadoo xusid mudan in Weeraradaasi mas'uuliyadoodu ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab.
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo cambaareysay Weerarkii ka...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay Qarax khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho, Michael Keating ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Qaraxii ka dhacay nawaaxiga Beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Danjire Michael Keating ayaa xusay in Shacab aan waxba galabsan ay ku dhinteen islamarkaana ku dhaawacmeen Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay nawaaxiga Beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu tacsi u diray ehelada iyo Asxaabta Dadkoodii ku waayay Qaraxaasi ka dhacay - Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo dhamaantooda ahaa Shacab.
storvideo: 

Taliyaha Ciidamada Dowladda Turkiga oo yimid...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Wafdi uu hogaaminayo taliyaha Guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas'uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey garoonka Aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.
Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada Amniga ay si weyn u sugayaan nabad gelyada.
Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socoda Dalka Turkiga kuwaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga looga jarayo xarun lagu tababaro ciidamada oo Turkiga ka hirgeliyay magaalada Muqdisho.
storvideo: 

Dhegayso: Khudbadii Jumcaha iyo Maanta Mawduuca...

$
0
0

Dhegayso Khudbadii Jumcaha iyo Maanta Mawduuca Fadliga Bisha Muxram Fadiilatu Sheekh Cusmaan Cali XuseenHalkan Guji Si aad u Dhagaysato Khudbadda Jumcaha Mawduuca Fadliga Bisha Muxaram,
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Dhageyso: Gudoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay...

$
0
0

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa - Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lakulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxaana uu kala hadlay inay qeyb ka taaqaan suggidda Amniga Gobolka Banaadir. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa - Taabid Cabdi Maxamed kulankaan uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah Didaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaadanaayo Xaqiijinta Amaanka - . Ciidamada Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ay gaystaan dhibaatooyin soo gaara Shacabka Soomaaliyeed sida in ay Gawaaridoodu jiiraan dad rayid ah. Halkaan hoose ka dhageyso gudoomiye Taabid: http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/09/Taabid.mp3
storvideo: 


XOG : Beesha Habargidir oo xuudaarsi hoose wada &...

$
0
0

Faah Faahinta Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Bariire
September 29no comments
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkii safka ballaarnaa ee saakay aroortii Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Degaanka Bariire ee Gobol...

[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

10 Arimood oo lagu amaani karo Xukuumadda Kheyre...

$
0
0

Soomaaliya mudadii burburka kadib waxaa soo maray Xukuumado fara badan oo badankoodu iyagoo la dhaliilayo uu xilka ka dhamaaday ama isaga degay waxaanse si qota dheer rabaa inaan idiin xasuusiyo 10 Arimood oo aad iskaga caafin karto cudurka ku haayo ee Dowlad diidka ah aadna ugu amaanayo Xukuumada Kheyre
Waxaana hubaal ah ineey jiraan dadyoow fara badan oo iyagu sabab la'aan ku nacaya xukuumad walboo lasoo dhiso waxaana qabaa inaad waqti kugu filan ku daawato muuqaalka oo hoose
storvideo: 

R/Wasaafre Khayre oo sheegay in la kordhinayo...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wuxuu sheegay hadii ay wadashaqeyn dhexmarto Ciidamada iyo shacabka in laga dareemayo amniga magaalada, hadafkana uu yahay in magaalada iyo dalka oo dhan la nabadeeyo.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u balan qaday in ay sii dardar gelinayaan wax ka qabashada arrimaha amniga, ilaa laga gaaro in dadka Soomaliyeed ay ku qancaan niyadoodana ay ku degan tahay in Dowladdooda ay ilaalin karto amnigooda.
Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo hadal qaaday dagaalka Al-shabaab ayaa sheegay siyaasadda Dowladda in ay tahay labada sano ee hada bilaabatay in guud ahaan Shabaab laga saaro dalka.
Wuxuu sheegay Khayre Shabaab in laga saaro dalka in aysan u baahneyn oo keliya arrimo Ciidan, balse ay ay u baahan tahay arrimo siyaasadeed, dhaqaale, maamul, Caqiido, dhaqan iyo kuwo kale.
Ugu dambeyntii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab in ay hoos u sii dhacayaan, sidaasi darteedna shacabka ayuu ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan amniga.
Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada, dilalka iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, taasi oo dadka odorasa arrimaha ammaanka ay ku sheegeen isdhigasho ka jirta dhanka Ciidamada Dowladda.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Taliye Cirfiid” Turkiga Waxa Uu Doorweyn Ku Leeyahay...

$
0
0

Axmed Jimcaale Cirfiid taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Maanta ku soo dahweeyay dhigiisa dalka turkiga oo Muqdisho soo gaaray ayaa sheegy in dowladda Turkiga ay doorweyn ka qadatay taakuleynta dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya yimid waqtigii loo baahnaa taas oo aheyd xili Shacabka Soomaliyeed ay heysatay abaar sameysay dadka iyo duunyada.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Turkigu uu sidoo kale uu k qeyb qaadanayo dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Hadlkaan ayuu sheegay Axmed Jimcaale Cirfiid taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya xili uu Maanta kulan la qaatay taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar oo Maanta Muqdisho yimid
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Faah Faahinta Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Bariire

$
0
0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkii safka ballaarnaa ee saakay aroortii Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare badan.
Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaankaasi, waxaana xigay Dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo weerar toos ahaa ku qaaday saldhiga.
Al-Shabaab ayaa Saddex jiho ka weeraray laba xero oo Ciidamada Dowladda ay kaga kala sugnaayen Bariga iyo Galbeedka Bariire, Waxaana intii uu socday dagaalka la maqlay qaraxyo waa weyn, Qaraxyadan laba ka mida waxay ka dhasheen baabuur Madooyinka qarxa laga soo buuxiyay.
Degaanka Bariire oo Webiga Shabeelle uu dhexmaro ayaa waxaa dhanka Galbeedka ka deganaa ciidan caddaan ah, halka Ciidamada Dowladda ay iyaguna deganaayeen xero ku taala dhinaca Bariga, Ciidamadii caddaanka, ayaa maalintii Arbacada isaga guuray Bariire, iyagoona xeradii ay ka jooggeen ku wareejiyay Ciidamada Dowladda.
Shabaabka ayaa la wareegay labada xero ee ay weerareen mudo kooban, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Dowladda Soomaaliya, waxayna Ciidamada xeryahaasi ugu taggeen saanad hub ah iyo dhawr ka mida gaadiidka dagaalka.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Hoobiyeyaal ku soo rideen saldhigga ciidamada dawladda ee Laanta Buuro, iyaga oo isku dayaya inay ka hor istaagaan in gurmad uu u tago ciidamada Barire.
Warar madax banana ayaa sheegay weerarkan in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, oo u badan dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dadka degaanka.
Degaanka Bariire ee dagaalka uu ka dhacay ayaa Ciidamada Dowladda waxa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen 19-kii August ee sanadkan, kadib dagaal adag oo ay la galeen.
Dadka Odorosa arrimaha ammaanka ayaa waxa ay sheegayaan weerarada Shabaabka ee soo ku soo batay Muqdisho iyo gobolada dalka in ay sabab tahay isdhigasho ka jirta dhinacyada kala duwan ee Ciidamada Dowladda.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live