Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali militants vow to up attacks after bombing

$
0
0

MOGADISHU, Somalia — Al-Qaida-linked militants threatened more terror attacks that will “increase day by day” after a suicide bomber killed 72 people. Mourners transported coffins atop cars Wednesday to funerals for those who perished in al-Shabab’s deadliest bomb attack in Somalia. A truck loaded with drums of fuel exploded Tuesday at the gate of building [...]


UNPOS and Ethiopia killed the hope for sovereign Governance in Somalia

$
0
0

Reflecting upon the charade that surrounded the UN Consultative Meeting (UN-CM) held at Mogadishu Airport at a time when the entire Somalia is overwhelmed by the worst drought and famine in 60 years, two questions came into my mind: (1) Why the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) has decided to treat Somalis as [...]

Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada SYAO oo cambaareeyay falkii waxashnimada lagu laayay dadkii Ardayda u badnaa

$
0
0

Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYAO ayaa si kulul u cambaareeyay falkii waxashnimada ahaa ee shalay lagu xasuuqay dadkii u badnaa Ardayda Xarunta Hargaha iyo Saamaha ee nawaaxiga Isgoyska KM4. War saxaafadeed ka soo baxay Ururka xafiiskiisa Magaalada Nairobi ayaa ugu horeyn waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray Eheladii iyo dadkii ay ka geeriyoodeen [...]

Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan dowladda KMG oo la geeyay degmada Dharkenley

$
0
0

Ciidammo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta la geeyay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho,  iyagoo la la wareegay jidgooyooyin halkaasi u yaalay ciidamadii maamulka degmadaas oo gaadiidka lacago baad ah ka qaadan jiray.
 
Taliyaha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Dharkeynley G/sare C/llaahi Cismaan Cagey ayaa sheegay in la joojiyay lacagii gaadiidka iyo goobaha ganacsiga laga qaadi jiray, isagoo  sheegay in ciddii lagu arko iyadoo lacag ka aadaysa dadka rayidka tallaabo adag laga qaadayo.
 
Maleeshiyooyinkii isbaarooyinka dhigan jiray  xaafadaha degmada Dharkenlay ayaa amar lagu siiyay inay guryahooda ku haystaan hubka, ciddii hub sharcidarro lagu arkana la ciqaabi doono sida uu yiri Col. Cagey oo sheegay inay saddex casho kusoo celin doonaan ammaanka guud ee  degmada Dharkeynley.
 
Guddoomiyaha degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la baabi’iyay isbaarooyinkii lacagaha lagu qaadi jiray, cid lacag qaadi kartana aysan jirin, isagoo  sheegay in cidii lagu helo iyadoo lacag qaadaysa sharciga la horgeyn doonaa, haddii ay is hortaag sameysana la  toogan doono sida uu yiri.
 
Degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka jiray isbaarooyin fara badan oo ay dhiganayeen maleeshiyaad ku lebisan dareeska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kuwaasoo falal ammaandarro ka sameeya halkaas, sidoo kalena gaadiidka iyo ganacsatada lacago ka qaadanayay.

Hey’adda Nabadsugida oo soo bandhigay dhalinyaro Shabaab ka soo goosatay

$
0
0

Iyadoo Kooxda Al-Shabaab ku hanjabeen inay sii wadi doonaan weeraro la mid ah kuwii shalay dadka faraha badan ku hoobteen ayaa Hey’adda Nabadsugida Qaranka waxay maanta soo bandhigtay afar dhalinyaro ah oo ay sheegeen in Shabaab ka soo goosteen. Afarta Dhalinyaro waxay ku hubeysnaayeen qoryaha fud fudud, iyagoo sanado la shaqeynayay Shabaabka, labo ka mid [...]

Sheekh Nuur Baaruud “Maxaa loo waayay Ilaa Hada Hal nin oo madaxda Shabaab oo is qarxiya hadii Janno……”

$
0
0

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyed ayaa sheegay in layaab ay tahay in wali aan la arag Madax ka tirsan Shabaab oo is qarxiya, bedelkii ay qaldayaan caruurta inay is qariyeen. Isagoo ka hadlayay Idaacada Afka Dowladda ku hadasha ayaa Sheekh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in Ragg madaxdfa u ah [...]

Dhaawacyada Halista ah oo Dibedda loo Qaadayo

$
0
0

Madxweynaha DKMG ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho oo ku jira cisbitaallada Madiina iyo Xalane.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo qaadi doonno dalalka dibedda si loogu daaweeyo.
M/wenyaha ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi dhaqaale u uruuriya dadkii dhaawacyadu ka soo gaadheen qaraxa. Dowladda ayaana lacag gaaraysa 100 kun oo dollar ku yaboohday akoon loogu talagalay dadkii dhaawacmay.

Dhaawacyada Halista ah oo Dibedda loo Qaadayo

$
0
0

Madxweynaha DKMG ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho oo ku jira cisbitaallada Madiina iyo Xalane.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo qaadi doonno dalalka dibedda si loogu daaweeyo.

M/wenyaha ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi dhaqaale u uruuriya dadkii dhaawacyadu ka soo gaadheen qaraxa. Dowladda ayaana lacag gaaraysa 100 kun oo dollar ku yaboohday akoon loogu talagalay dadkii dhaawacmay.


Dowladda Turkiga Oo Dalkeeda Ku Daweyneysa Dhaawacyadii Qaraxii Muqdisho

$
0
0

Muqdisho 05 October 2011 (SONNA) –Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in ay dalkeeda ku daaweyneyso dhaawacyadii dhacdadi naxdinta lahayd ee Hargaha iyo saamaha Shalay ka dhacday. warkaan oo dhameystiran halkaan ka aqri:
http://www.sonnanews.net/so/read.php?id=579

Ra’isal wasaaraha Turkey iyo madaxweyne ku xigeenka South Africa oo cambaareeyay falkii ardayda lagu xasuuqay.

$
0
0

Ra’isal wasaaraha Turkey Rajab Dayib Ordogan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeyb qaadanayay shir ka dhacayay dalka South Africa ayaa shirka inta uu socday ka sheegay dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Muqisho taasi oo lala beegsaday qarax weyn ardaydii eeganaysay natiijoyinka imtixaanaadkii ardayda ugu dhoofi lahayd wadanka Turkey-ga. Ra’isal wasaaraha uu garab taagnaa madaxweyne [...]

Sharta Shabaab fara kama qodna.

$
0
0

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, intii ku dhimatay falkiii foosha xumaa ee shalay lala beegsaday dad shacab ah oo u badnaa Arday Allaha u naxariisto, kuwii ku dhaawacmayna allaha caafimaad deg deg ha ugu badalo dhaawacyadooda. Damiirkeyga ayaa i siin waayay inaan ka aamuso dhacdadii shalay lagu gumaaday Arday ku han weyneyd iney waxbarashadooda [...]

Xisbiga PDP oo cambaareeyay weerarkii is qarxinta

$
0
0

War Saxafadeed INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAJICUUM Dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka iyagoo aad uga tiiraanyeysan waxay la wadaagayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxii arxan darrida ahaa ee aan diinta iyo dadnimadaba meel ku lahayn ee lala beegsaday dad Muslimiin ah, Soomaali ah, rayid aan hubeysneyn ah [...]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo weerarkii ka dhacay Muqdisho ku tilmaamay fal argagaxiso

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliy, C/weli Maxamed Cali oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku cambaareeyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.
Weerarkan oo lagu bartilmaameedsaday dhisme ay daggan yihiin sideed wasaaradood oo ka mid ah kuwa dowladda ayaa waxaa ku dhintay 79-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, iyadoo beesha caalamku ay falkan ku tilmaameen mid argagaxiso.
“Kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxay shalay ka fuliyeen Muqdisho falkii ugu xumaa oo lagu waxyeelanayo nafteenna, waxaana lagu dilay arday iyo dad shacab ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu si adag u cambaareynayo falka, isagoo ku tilmaamay mid fulaynimo. Isagoo sheegay in shalay u ahayd Soomaaliya oo dhan maalin murugo.
“Waxaan weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan oo ay ka hortagaan argagaxisada, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad iyo heshiis,” ayuu yiri Dr C/weli Gaas. Isagoo intaas ku daray: “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaas.”
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in weerarka ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan aysan ogolaan doonin, isagoo sheegay in tani ay muujinayso awood yarida Al-shabaab ayna waayeen kalsoonida shacabka.
“Haddii aan nahay Soomaali waxaan u baahan-nahay inaan ka hortagno oo aan meel uga soo wadajeesanno falalka Al-shabaab ee ka baxsan bani’aadamnimada iyo fikirka ay rumeysan yihiin. Falkanna wuxuu na tusayaa in Al-shabaab uu ku dhacay niyad-jab, falkoodana waa mid kasoo horjeeda nabadda gobolka oo dhan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Dr C/weli Gaas ayaa weydiistay beesha caalamka inay gacan ku siiso dowladda KMG ah sidii lagu horkeeni lahaa cadaaladda kuwii falkaan mas’uulka ka ahaa, lagulana xisaabtami lahaa dambiga ay galeen.
“Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen arday iyo waalidiintoodii oo sugayay inay ogaadaan natiijada imtixaan deeq waxbarasho ah oo ay galeen,” ayuu Dr Gaas ku yiri shirka jaraa’id ee uu qabtay.
Laba sano ka hor ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Shaamow ayaa lagu dilay arday bartay cilmiga caafimaadka, macallimiin, waalidiin iyo dad kale oo rayid ah.
Source-Hol

Xukuumadda Somaliland oo Tacsi u dirtay Shacabka iyo Dawladda Somaliya dadkii kaga dhintay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab

$
0
0

Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Soomaaliya qaraxii ismiidaaminta ahaa ee  ka dhacay Salaasadii  magaalada Muqdisho. Kaasi ay   oo in ka badan  70  qof ay ku dhinteen 150 kalena ku dhaawacmeen
“Waxaanu ka tacsiyadeyneynaa anigoo ka xun  dhibaatadii ku dhacdey shacabka Soomaaliya,  khaasatan shacabka ku nool magaalada Muqdisho weererkii ay ay Salaasada  argagixisadu ku qaaday dad farabadan oo maati ah  oo ardey u badan naftoodii ku waayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada oo maanta u waramayay saxaafaddu.
Wasiirka Khaarajigu waxa uu falkaasi ku tilmaamay  mid argagixiso oo  oo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan, waxaanu yidhi “Weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay argagixisadu ku soo qaaday sidaanu wararka ku heyno waxaa halkaasi ku nafwaayey dad aad u badan oo shacab u badan wax dambi ah oo ay galabsadeena aanay  jirin. arrintaasi xukuumada Somaliland iyo shacbigeeduba aad iyo aad ayey uga xun yihiin waxaanuna halkan ka cambaareyneynaa argagixisada faldambiyeedka intaa le’eg gashay.”
“Waxaanay khatarahani muujinayaan culeyska iyo khataraha ku wajahan Geeska Afrika ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ee ladagaalama bini’aadanimada ee argagixisada, arrintaasi waxaan caalamka ugu baaqeynaa in gargaar u fidiyaan dadka halkaas ku waxyeeloobey,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirku waxa uu ku dooday inay  la dagaalanka argagixisada lagaga hortagi karo iskaashi  “Arrintaasina waxaan aaminsanahay in iskashi lagaga bixi karo oo shacabka soomaaliyeed iska garabsadaan xukuumad iyo shacaba sidii looga hortagi lahaa in ay arrimahaasi oo kale ay dhacaan,”ayuu intaasi raaciyay
Wasiirku  waxa  uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay feejignaadaan, sidoo kalena ciidamada Somaliland boolis iyo Milatariba  ugu baaqey inay heegan noqdaan waxaana hadaladiiii kamid ahaa.  “Waxaan  shacabka Somaliland ugu baaqeynaa in ay kor dhiyaan oo ay laba laabaan oo feejignaadaan  oo sidii  hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ee ay ku ilaashadaan  nabad galyadooda.”
“Ciidamada nabadgalyada ee qaranka Somaliland sidii caadadu ahayd ee horeba looga bartay waxay had iyo jeer heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada dalka iyo wixii kale dhibaatooyin u keenaya wadanka  waxaanan ku kalsoonahay in arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabad galyada ku jira.”
Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland sii gelisay heegan  waxaanu yidhi “Xukuumada Somaliland waxay sii kordhineysaa dedaalkii ay hore ugu jirtey ee sugida amniga iyo lashaqeynta caalamka sidii ay waligeedba ay ula shqeyn jirtey sidii loo yareyn lahaa khataraha argagixisada iyo budhcad badeeddaba.”
Waaheen

India Oo Soo Bandhigtey Computer $35doolar ah.

$
0
0

India ayaa waxa ay soo bandhigtey wax ay ugu yeertay computerkii ugu raqiisasnaa ee dunida iyadoo lagu sheegay qiimihiisa 35doolar. Kombuterkan oo loo bixiyey Aakash ayaa loogu talogalay in ardayda dalka Hindiya uu wax u taro. Kombuterkan ayaa la sheegay in laga isticmaali karo Internetka laguna qaban karo wax loo yaqaan video conference oo ah.

 

Munaasabad lagu soo bandhigayay computerkan ayaa wasiirka u qaabilsan horumarinta aadanaha dalka Hindiya Kapil Sibal uu guddoonsiiyey illaa shan boqol oo arday computeradan loogu magac daray Aakash oo la macno ah cirka.</p>
<p>Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada Hindiya ay soo iibsan doonto illaa boqol kun oo Aakash ah iyadoo rajeyneysa in illaa toban malyan oo arday ay siiso qalabkan.</p>

<p>Aakash ayaa waxaa sameeyey shirkad xarunteedu tahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo DataWind iyo Machadka Horumarinta Cilmiga ee dalka Hindiya (Rajasthan).</p>
<p>shirkadda soo saartay Computerkan yar ayaa waxa ay sheegtay in dhammaadka sanadkan soo bandhigto nooc kale oo lagu magacaabo UbiSlate kaasoo la iibin doono qiime dhan $60.</p>
<p>Si kasta ha ahaatee waxaa jira cabsi ay qabaan dadka wax odorosa ee dalka hindiya iyagoo ka cabsi qaba in qalabkan uu noqdo mid aan wanaagsanayn oo aan lahayn adkeysi badan.</p>


Qorshe la doonayay in lagu dilo Madaxweynaha Afganistan oo la fashiliyay

$
0
0

Saraakiisha sirdoonka dalka Afganistan ayaa waxa ay sheegeen in ay xabsiga dhigeen illaa lix ruux oo la rumeysan yahay in ay doonayeen in ay qaarijiyaan madaxweynaha dalka Afganistaan Xamid Karzai. Dadkan la eedeeyey ayaa la sheegay in ay qorteen mid kamid ah ilaalada gaarka ah ee Karzai waxaana laga yaabaa dadkan inay xiriir la leeyihiin [...]

Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo Ka Warbixyay Halka Ay Marayaan Hawlihii Lagag Saarayay Gobolka Togdheer Dadka Soo Galootiga ah

Xukuumada siilaanyo khatar bay Galisay ardayda muqdisho martay Waalidiintuna way ku khamareen Caruurtooda W.Q abdiqani salaf

$
0
0

 
Marka hore waxan tacsi tiiranyo leh udiraya dhamaan walidiinta ay ka geeriyoodeen
 
Caruurtoodi iyo kuwoodii ay jeclaayeenee ku qudhbeelay kadib qaraxi is midaaminta aan loo meel dayin
Ee lagu qaday ardaydii, muqdisho inta kadib
Waxa iyana halisa wayn galay ardayda rer somaliland ee loo diray muqdisho si ay uga
Gudbaan Turkey oo siisay (scholarship) kadib markii si aan ila hada lagaranayn sababteda
Oo cad loo geeyey ardayda magalada holcaysa ee muqdisho oo ah goob ku caan baxday
In lagu cuno beerka caruurta da,yarta ah ee wax baratay arimo siyaasado ubadan  oo si
Wax shinimo ah maalin walba loogu laayo raxan raxan iyadoo hadhawna lagu dhibco tirsado
Laguna faano sida ay warbaahinta ka sheegayeen qoladii shegatay dhiiga ubadka hadaba
Waxa isweydiin leh kuwa cabaya dhiiga caruurtoodii ma cafiyayaan caruur islaameed oo dalkale
Ka yimid maya weeyi jawaabta su,asha fududi hadaba
 
Waxa ila hada aan raba inay iiga jawaabaan xukuumada somaliland ee ardaydan masuulka ka ahayd
Gaar ahan wasaaradi waxbarashada ee ardaydan loo xilsaaray sababta ardayda rer somaliland loogu
 
 
Khamaaray naftooda markii loo ogalaaday si,aan xikmad badani ka danbaynin ee ah iga gee in ardayda loo 
 
mariyo (route) qaldan oo ah inay (transit) ku marayaan magalada gubanaysa ee muqdisho halkaas oo ay halis 
ugu jiraan markasta inay weeraraan argagaxisada wareersan
 
 
 
Ee shalay ardayda muqdisho kulaysay iyagoo waliba somaliland na aad ugu cadhaysan oo aynu
Ogayn weerarkii 29/ oct/2008 ay kusoo qaadeen somaliland argagaxisada alshaydaan ee muqdisho
Dhiiga dadka muslimka ku xalashaday iyo meel walba oo ay gaadhi karaanba somaliland
Waxay ayku mah maahan nin sigtay ma nabad galin waayo ardaydaa muqdisho jooga halis
Ayay ugu jiran anytime inla wax yeeleeyo madaama aanay meesha ka jirin dowlad itaal leh
Oo sugi karta ardayda amaankooda ardaydan oo lagu sheegay sidan warar lagu kalsonyahay
Ku helay ila 35 inay gaadhaan somaliland ma samraysa hadii ubaaxaa wadanka dhayal lagu
Laayo jawaabta su,ashaasi wa maya takale waalidiinta caruurta dhashay iyagu miyayna ka damqanayn
In caruurtooda laga geeyo muqdisho madama meesha lagu socda tahay Turkey oo loo  mari karo
Meel walba oo aan ka ahayn meshan halista badan ee muqdisho ee dadkeedii gubayaan hadiise
Ardayda ilahay ka bad baadiyey waxii ardayda ku dhacay la midka ahayd een waxba galabsan
Haleelo maxay inoo taraysa qoomamo wayo wax la aqbali karo maaha inagoo rer somaliland ah
Oo sheganayna inan nahay dowlada madaxbanaan inan ardaydeena laga xukumo muqdisho
Oo naftooda halis lagu galiyo mise danba lagama laha oo sheekadu wax weeyi mar hadii kuwaygii
Anka warqabo waxba igama galin qar kale miyanay masuliyad culusi dowlada ka saarayn ilaalinta
Iyo check garaynta halka ay ardaydu marayso inay ugu horayn noqoto meel ay ku nabadgeli karan
Ardaydu wayo de haday dhintan waxbarasho aaqiro ka keeni mayaan.
 
Guntii yo gabo gabadii malaha dowladan siilaanyo waxa looga taliyaa muqdishee mar ay wasiro kiish
Lacaga ugu dhiibto iyo mar ay ubaxii wadanka loo diro meel aan nabadeedu daganayn  oo waxkasta
Ku dhici karan waxan arkayay dowlada oo leh ardaydu waxay ku dhoofeen passborka somaliland iyo
Muqdisha lasii marinaya isma qabtaane tolow labada goor markee ayay dowladu caafimaad qabta
Arintan wa in lasameeya badhitaan xoog leh oo ku aadan waxa kalifay in ardayda waliba lasheegay
 In somaliland dowlada Turkey gaar usiisay tiradan ardayda ah iyo inay ku dhoofen passport haday
Sheekadu anay siyaasadaysnayn oon wasarada tacliinta ee muqdisho sii ansixinayn ardayda oonay
Waliba itaxan kaga qaadayn muqdisho wa in dadwaynaha rer somaliland laga qanciya loona sheega
Sababta dhabta ah ee kadanbaysay in ardayda halis lagaliyo lana marsiyo muqdisho.
 
Allaa mahad leh
Abdiqani ibrahim salaf (kaptanka)
Political activist
Cape twon south africa
captainsalaf@hotmail.com
abdiqanisalaf@facebook.com
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla
 

Marwo Samsam Cabdi waa in ay iska casishaa jagada ay u heyso shacabka reer Somaliland‏,By: Mohamed Kadar Abdi

$
0
0

Horta waxaa nasiib darro ah inay awoodi kari weydey dawlada Somaliland iney ardeydeeda deeqda wax barasho ka heshey dalka Turkiga, iyadu u qaado wadankaas  una sii marisey koonfurta Soomaliya  oo waliba ardeyda  reer somaliland  lagu qasbo in loo sameeyo baasabor soomali taasoy iardeydu siteen somaliland Passport.
Ka dib qaraxii ka dhacey magaalada Muqdisho shaley  markii aan indho indeeyey xaalada ay ku sugnaan karaan  17 ardey ee reer Somaliland ee ku sugan ilaa iyo imika goob dagaal ama qaraxyo, walidkood iyo dhamaan shacaka reer Somaliland oo dhami.  Ka dib markii aan ogaadey in  ardeyda joogta ilaa iyo imika Xamar aaney ku ahey meeshaas (Transit) ama hakad ay diyaarad ku sugayaan.  Iyo  sida aaney ugaba hadal dawlada uu madaxweyneha ka yahey Mudame Axmed Siilaanyo iyo khaasatan wasiirkiisa wax barashada marwo  Samsam. Qirteenna iney ardeydu iska wada nabad qabaan. 
 
waxaa inoo muuqaneysa iney marwo Samsam ku fashilantey hawshii lo xilsaarey, mudantaheyna  iney iska casisho jagadaas, waayo caruur yar yar oo aan arag wax qaraxa tan iyo maalintey dhasheen,  ayay wasiiradu iyo xukumaduba  iyagoo  u ogaa si aan habayaaatee wax mad madwo ahi ku jirin in lasii mariyo loona baahnaa iney qaataan baasabooro dawlada Somaliaya bixiso !!   ka qaraiyeen shacabka reer somaliland oo iyagu ahaa kuwii u doortey iney maanta hogaanka u qabtan dalkan iyo dakiisaba ugana hiiliyey xukumadii iyaga ka horey sey ee uu hogaamin jirey Daahir Rayaale.
 
Waxan hadalkeyga kusoo gaba gabeynayaa waxaan in badan ka maqalnaa Tv yada ama idaacadaha caalamka  in wasiiro badani iska casilaan markey arin adagi ku timaado hawsha ay markaas u hayaan qarankooda imika iyo haatana waa iney marwo Samsam iska casishaa jagadaas.
 
Iscasiladina macnahedu maaha inaaney laheyn khibradeeda waxeyse tahey waay ku fashilantay arintaas waxaana fiicnaan laheyd ka hor intaaney soo bixin wararkii shaageyey in ardeydii ka degeen Xamar iyadu wasiir ahaan warbaahinta ka sheegto sababaha keeney iney xamar ka dagaan iyo hadiiba ay dhacdey taasi sheegto  muddo da aysii joogi laheeyeen.
Wabillaahi towfiiq
 
Somaliland deserve recognition
 
 
 
Mohamed Kadar Abdi
hogaamintosan@hotmail.com
Limoges France
 
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla

Saxiibtinimadu dhib iyo dheef keebay ku dheertahay,By: waliid yousuf ahmed saryan

$
0
0

 
   tan iyo markii la abuuray adaamaha  waxa uu lahaa baahiyo aad utira badana kuwaas oo isaga laf ahaantiisa lagu abuuray baahida asaasiga ah waa isagoo adaamuuhu markasta iyo meelkasaba uu u baahanyahay wehel tan waxa cadeeyay ilahay (markii aadam la abuuray waxa isla markiiba la abuuuray xaawa waayo aadan waxa uu u baahnaa wehel markiiba ) culimada darasaysa sifooyinka adaamaha ayaa ku sheegay qeexitankan . aadamuhu kali manoolan karo kalina meel ma gaadhi karo waxa laga yaaba inaad cadayn iga baahato balse  aad ayaan u jecelahay dadka raba in la jaahil saaro  .buuga uu qoraaga  jibriilnasar qoray ee hoyga keydka iyo nolosha wuxuu ku xusay sheeko  waana tan  ee iga qabo   maalinmaalmaha kamida anoo nolol maalmeedkeygii ku jira  ayaan la kulmay qudhaanjo ku jirta shaqadeedii caadiga ahayd ee ay ku badbaadinaysay nolosheeda mudo markii aan dawanayay ayaan jeclaysaytay inay ii waranto balse hadal badan ima sheegin waxay ii sheegtay ereyo aan ku xardhay darbiyada laabtayda waana kuwan ilahay wuxu abuuray qoomiyado kala duwan sida jinka insiga xayawaanadka  midkastana  waxa uu ku dhex abuurray fidro u gaara oon aduunyada bilow ilaa dhaamaad cid la wadaagtaa jirin waxa kale oo uu siiyay sir ku dhex qarsoon saacadaha uu nooolandono  ma I fahantay  imika ayay igu tidhi qudhaanjadii balse wali arin ayaan I cadayn  hadalka ayay sii wadatay iyada oo ii sheegtay ujeedadu inay tahay inuu qofkasta oo aduunyada ku nooli sir hayo una baahanyahay siraha  ka maqan oo dhan tiisana loo baahanyahay   . jooji qoraalka eeg kabahaga .surwaalkaaga .sunkaaga .iyo waliba shaadhkaaga .imisa dowladood ayaa sookala saray .adigu dharkaaga waad taqaana lakiin dadkii kusoo saray nasiib daro isma yaqaanan balse adiga waxa kugu  waajiba inaad u mahad naqdid gidiigood waayo waxaad haysataa sirahoodi haday taada heli lahaayeena way u baahnan lahaayeen .waxa uu jibriil nasar markale ka hadlayaa  adamaha  iyo sidaanu kaligii wax u qabsankarin ilaa la kaaliyo .waxa aad ku nooshaya guri marka aad subixii soo toosto waxaad  u bahantay  biyo laydh .quraac .Dhar maydhan. Intaa ka bacdi waxaa doonaysa inaad tagto shaqo ama wax barasho marka aad ka timaado waxaa niyada ku haysaa inay kaa horeyso meel aad ku nasanayso waaana halkaad saaka ka timi waxa yaala qado bisil .biyo  lagu qubaysto. Iyo waliba shayga aduunyada ugu qaalisan oo ah farxad waxa  la gaadhay caawa waxaad u baahantahay hurdo wanagsan .hadaba aan  su.aal   ku waydiiyo  yaa biyaha diyaarinaya yaa quraacda samaaynaya waa ayo ama imisa qof bal adigu qabso hadaad karto shaqooyinka  ma shaqo ayaad tagi mise lacagta laydhka iyo biyaha ayaad soo bixin ma dharkaad maydhi mise dugsiga ayaad aadi ma qaban kartaa shaqada gurigiina ka socota oodhan hadaad samayso noo sheeg balse waxaa uu shegay jibriil nasar qofna awoodisa wax ka baxsan inaanu la iman Karin
 
 
la soco qaybta xigta ee labaad kana dhiibo doodada  maqaalkan cusub ee ay wada qorayaaan  jibriil and waliid……………………………………….
reference jibriil mahomed essa and books
 
waliid yousuf ahmed saryan
student university of hargeisa
email=waliid.saryan571@gmail.com
email=waliid671@yahoo.com

———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live