Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Diyaarad ku dhacday badda Ivory Coast

$
0
0

Diyaarad ayaa ku burburtay badda Ivory Coast waxyar un kaddib markii ay ka kacday gagida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Abidjan, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dhowr qof ay dhinteen kuwo kalana ay dhaawacmeen.


Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Ururka ITU (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta isgaarsiinta
Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.
Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday Xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.
Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.
Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/heshiis-isgaarsiin-7... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/heshiis-isgaarsiin-7... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/heshiis-isgaarsiin-7... 628w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/heshiis-isgarsin-768... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/heshiis-isgarsin-768... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/heshiis-isgarsin-768... 637w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />
The post Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Ururka ITU (Sawirro) appeared first on Shabelle.

Kenya oo sheegtay in ay ka hortagatay weeraro Al...

$
0
0

Gaarisa ( Sh. M. Network )-ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaacay ka qaaday in ay fashiliyeen weeraro Al Shabaab ay damacsanaayeen in ay ku bartilmaameesadaan shacabka ku dhaqan Magaalooyin Gaarisa iyo Lamu.
Milateriga kenya ayaa ayaa sheegay in ay ogaadeen in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ka soo gudbeen Keymaha Boni ee xadka Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo ku wajahnaa Lamu iyo Gobalka Waqooyi Bari oo ku dhow xadka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada milateriga ee Kenya colonel David Obonyo ayaa in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo aad u hubeysan, isla markaana isu qeybiyey seddex kooxood ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan qeybo ka mid ah Magaalada Lamu.
Mr Obonyo ayaa xusay in sirdoonka dalka Kenya ay ka war heleen qorshaha Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in aysan u suura gelin in ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan milateriga Kenya la dhigay deegaannada Al Shabaab ay qorshaynayeen in ay soo weeraraan.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saraakiil ka tirsan booliska dalkaasi, walowl Kenya ay beenisay in weerarkaasi uu ka soo gaaray wax khasaaro ah.
storvideo: 

Afar qof oo ku dhintay shil diyaaradeed ka dhacay...

$
0
0

Diyaarad ayaa ku burburtay badda kadib markii ay ka Duushay Abidjan oo ku taala Ivory Coast, Reuters ayaa soo warisay iyada oo ka soo xigtay goobjoogayaal.
Shilka ayaa ku dhacay meel u dhaw Garoonka Caalamiga ah ee Abidjan intii ay dhacaysay duufaan wadata roobab xoogan iyo Hilaac.
Sida laga soo xigtay goobjoogayaal laba mayd ah ayaa laga soo saaray burburkii diyaaradda iyada oo laba mayd oo kale ah ay ku jiraan Burburka badda.
Sida laga soo xigtay goobjoogayaal diyaaraddu waxay ahayd diyaarad xamuul..
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta isgaarsiinta
Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.
Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay'addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday Xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.
Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.
Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Marwada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga...

$
0
0

Marwada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga ka Jartay 12 Xafiis oo xisbiga kulmiye Yeelanayo Magaalada Borama.
[embedded content]
storvideo: 

Xisbiga Kulmiye Iyo Koobka Musuqa Adduunka ....

$
0
0

Waa maalmo is Xigxiga oo siyaasada dalka aysan fadhiyin, waa Arooryo iyo subax aan suubanayn, waa saacado xiidhiidhsan, hadana maqalka wararka aysan dhagahaagu u rooneyn, waa maqal lagu lifaaqay muuqaalo ku Qamuunyo gelinaya, waa maalmo Siyaasigu badan yihiin hadana mid walba uu muunad gaar ah isu yeelayo, waa Mindiyo isu tumasho hor leh oo magacyo qurux badan la huwiyey, waa waa shirar beeleedyo.
Ilaahay ayaa mahad leh isaga ayaan Ku shukriyeynaa, oo kaalmaysanaynaa, oo dambi dhaaf weydiisanaynaa, llaahay ayaan ka magan galaynaa nafteena sharteeda iyo acmaasheena xun. llaahay wuxuu waajibiyey waxyaalo waajib ah oo aysan banaaneyn in la dayaco, wuxuuna jeexay xuduud aysan banaaneyn in la dhaafo.Islaamku wuxuu meel adag ka istagay laaluushka iyo maalka dadka oo si xaqdaran u cuntid. Waxay ka mid tahay danbiyada waa weyn ee lagu halaagsamo, Dadka caadada ka dhigtana waxa loo balan qaaday halaag adduun iyo hoog aakhiro, Waxa laga xarimay laaluushka dhamaan nocyada kala duwan ee bulshada, madaxdeeda iyo shacabkeeda, Mana jirto cid loo baneeyay inay laaluush qadato daruuf kasta iyo dan walba oo haysaba.
XISBIGA KULMIYE....wuxu ku caam baxay, musuq-maasuq iyo wax is daba marin oo uu heysto koobka musuqa aduunka. Arintaan waa mid dalka haysata waana musuq baahsan oo ah lunsashada hantida shacabka.
Dadkeygu uma arkaan inay tahay danbi Alle ama mid Eebe, Sidoo kale uma arkaan khiyaamo qaran,Taas waxay keentay in qof walba siduu doono ugu tagri falo, xoolihii ummada. Wuxu Abu Hureyra ka soo weriyey Nebigeena suuban (SCW), xadiis saxiix ah,l`n llh `ly lr shy wlmrtshy
QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)KRISTIANSAND, NORWEY
storvideo: 

Ciidamada Galmudug oo qaaday Isbaarooyin la soo dhigay deegaanno ka tirsan Maamulkaasi

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Waxaana ciidamadu ay cagta mariyeen Isbaarooyin dhowr ah oo la soo dhigay inta u dhexeysa Magaalada Cadaado iyo deegaanka Galinsoor ee Gobolkaasi.
Saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ku dhawaad 10 jid gooyo, ay qaadeen, islamarkaana ay la wareegeen goobahaasi ciidamada Daraawiishta ee Galmudug.
Waxaana saraakiishu ay shaaca ka qaadeen in aysan u dul qaadan doonin in Isbaaro la soo dhigto deegaanada Maamulkaasi Galmudug.
Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli indhawaanahan Shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulkaasi ay ka cabanayeen Maleeshiyaad hubeysan oo Isbaarooyin Hhor leh soo dhigtay deegaanno ka tirsan Galmudug.
The post Ciidamada Galmudug oo qaaday Isbaarooyin la soo dhigay deegaanno ka tirsan Maamulkaasi appeared first on Shabelle.


Ciidamada Galmudug oo qaaday Isbaarooyin la soo...

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Waxaana ciidamadu ay cagta mariyeen Isbaarooyin dhowr ah oo la soo dhigay inta u dhexeysa Magaalada Cadaado iyo deegaanka Galinsoor ee Gobolkaasi.
Saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ku dhawaad 10 jid gooyo, ay qaadeen, islamarkaana ay la wareegeen goobahaasi ciidamada Daraawiishta ee Galmudug.
Waxaana saraakiishu ay shaaca ka qaadeen in aysan u dul qaadan doonin in Isbaaro la soo dhigto deegaanada Maamulkaasi Galmudug.
Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli indhawaanahan Shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulkaasi ay ka cabanayeen Maleeshiyaad hubeysan oo Isbaarooyin Hhor leh soo dhigtay deegaanno ka tirsan Galmudug.
storvideo: 

R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.
Guddigan oo isugu jira mas'uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka ayaa guddoon looga dhigay R'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.
Waxaa kamid ah xubnaha guddigan 5 Wasiir iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda ururada Bulshada Rayidka.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay'adaha Dowladda.
Dhawaan ayay ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDaacish oo bilowday in ay isaga baxda magaalada Raqa ee Siiriya.

storvideo: 

Mas’uul ka tirsan DF oo kamid noqday dadkii ku...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Soope ee Magaalada Muqdisho uu ku dhintay mas'uul ka tirsanaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha.
Mas'uulkan ayaa la sheegay in xiliga uu dhacaayay Qaraxa uu kamid ahaa dadkii isticmaalayay wadada, waxa uuna la kawsaday ismiidaaminta xili uu kusii jeeda Isgooyska Debka.
Mas'uul ka tirsan Wasaarada ayaa inoo xaqiijiyay inuu geeriyooday Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Abuukar Daahiye.
Waxa uu intaa ku daray mas'uulka in marxuumka uu sababsaday dhaawac cuslaa oo kasoo gaaray Qaraxa, waxa uuna isla goobta ugu dhintay dhaawaca.
Dadka dhaawacmay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jireen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, inkastoo aan si toosa loo carabaabin magacyadooda.
Dhinaca kale, Qaraxaani ismiidaaminta ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa kan ugu cuslaa ee ka dhacay Muqdisho.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Taabid:-“Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho Wuxuu...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana uu sheegay in uu arkay dhibaato badan oo uu sababay qaraxaas.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka waxyeelada soo gaartay.
"Intii dhimatay Alla Ha'unaxariisto, laakiin dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay,waxaan codsaneynaa Hay'addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro", ayuu Yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi Maxamed.
Inta la xaqiijiyay in ka badan30-ruux ayaa ku dhintay halka 70-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markiii gaari TM ah oo lagu soo xirey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.PUNTLAND POST
The post Taabid:-"Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho Wuxuu aaha Masiibo",!! appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Isbitaalada Muqdisho oo Caawa la Ciir Ciiraya...

$
0
0

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee - Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan30 Ruux waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Isbitaalada Muqdisho ayaa waxa ay caawa la ciir ciirayaan Dhaawacyo farabadan oo ah dad rayid ah oo ku dhaawacmay Qaraxaasi.
Agaasimaha Isbitaalka Daaru Shifaa Dr Maxamed Cabaas ayaa u sheegay Warbaahinta Goordhow oo Caawa ah in dad badan la geeyay Isbitaalkooda kuwana ay geeriyoodeen.
Isbitaalka Madiina ayaa sidoo kale la geeyay dad aad u badan oo dhaawac.Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho uu qaraxa ka diyaariyay.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/10/War-Cowke-Qaraxa-PP-Muqdisho.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Isbitaalada Muqdisho oo Caawa la Ciir Ciiraya Dhaawacyada iyo Dhimashadii oo sii siyaaday appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay qaraxii galabta...

$
0
0

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyka Zoobe. Waxaana uu wasiirku sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu waddo baaritaan arrintan ku aadan isla markaana la soo sheegi doono tirada rasmiga ah ee qaraxaas ku dhimatay. Wasiir Yariisow, ayaa ciidanka amniga Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu dadaalayaan adkeynta amniga si loo badbaadiyo nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo cadowgu u soo maleegayo hagar daamada. http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/10/Wasiirka-Warfaaf...
storvideo: 

Liverpool iyo Manchester United oo Isku-garab Dhacay

$
0
0

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United, ayaa kulan ka tirsan horyaalka dalka Ingriiska ku kala baxay goolal la'aan bar-baro ah, kadib markii ay ku kulmeen gegada Liverpool ee Anfield.
Labada kooxood ayaa ciyaar wanagsan soo bandhigay. Taakada United loo dhigay ayaa waxa ka faa'ideystay kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Manchester City, taas oo 7 iyo 2 kaga adkaatay kooxda Stoke City.
Horyaalka waxa hadda dhibco nadiif ah ku hoggaamineysa kooxda Manchester City oo leh 22, 8 kulan oo ay ciyaartey, halka Manchester United-na oo kulamo intaa la'eg dheeshayna iska leh 20 dhibcood.
storvideo: 


Gaalkacyo oo ay ka socdaan dadaalo xal loogu...

$
0
0

Agaasimeyaasha Idaacadaha magaalada Gaalkacyo ee waqooyiga iyo koonfurta magaalada ka shaqeeya ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis wada shaqayneed oo kusaabsan sidii ay uga qaybqadan lahaayeen Nabada iyo Xasiloonida Gaalkacyo.
Heshiiskan ayaa qeyb ka noqonaya kulan isdhexgal ah oo bulshada magaalada Gaalkacyo ay isugu yimaadeen Hotelka 5-Star ee Koonfurta Gaalkacyo.
Sidoo kale kulankaan waxaa goobjoog u ahaa madax ka tirsan Puntland,Galmudug ,Dowlada Federalka,UNSOM iyo Daneeyaal kale.
Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay magaalada Gaalkacyo ka socdaan barnaamijyo xal waara loogu raadinayo Nabadda iyo Deganaanshaha ee shacabka Galmudug iyo Puntland.Abshir DhiiranePUNTLAND POST.
The post Gaalkacyo oo ay ka socdaan dadaalo xal loogu raadinayo Nabadda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Cishqi iyo Colaad waa Buugii Koora Dadab oo Garowe...

$
0
0

14th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Ogaysiis Bulshada ku nool caasimadda Puntland ee Garowe. Bandhiga Buuga Koora Dada, waxa lagu qaban doonaa gAROWE, HoteL New Rays Jimcaha soo socda Habenka sabtidu soo galayso 20/10/017 7:00 Fiidnimo
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Dib u Dhigay Caleema saarka...

$
0
0

Waxaa dib u dhac ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu waday in la qabto maalinta Isniinta oo ku beegan 16-ka bisha October.
Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay ka qeyb galka Munaasabada caleema saarka ayaa la sheegay inuu dalbaday in dib loo dhigo.
Saraakil ka Tirsan Madaxtooyadda Hir-shabeelle ayaan kasoo xiganay in Madaxweyne Farmaajo uu codsaday in howlaha u yaalla darteed dib loogu dhigo munaasabada caleema saarka.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle dib loo dhigay 23-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota
Madaxweynaha Cusub ee Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la doortay 16-kii bishii hore ee September ayaa caleema saarkiisa labo jeer ay dib u dhacday caleema saarkiisa.
Qaban qaabada iyo diyaar garowga munaasabada caleema saarka ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaa, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
storvideo: 

Guddiga Diiwaan-gelinta Qareenada oo Ruqsadii...

$
0
0

Guddiga Diiwaan-gelinta Qareenada ayaa ruqsadii Qareenimo kala laabtay Yaxye Sheekh Cali oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Galmudug.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ahna Guddoomiyaha Diiwaan-gelinta Qareenada Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan qoraal uu soo saaray ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu Yaxye yahay shaqsi caadi ah.
Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Yaxye uu horay isaga casilay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, isla markaana u Qareenimada dib ugu soo laabtay.
storvideo: 

Gudoomiye Taabid oo dadka Muqdisho u diray baaq deg...

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Muqdisho in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadkii maanta ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacday Musiibo Qaran oo aad u xanuun badan.
"Waxaan markale ka codsanayaa umadda soomaaliyeed in aan isbitaalada tagno si aan dhiig ugu shubno walaalaheena dhaawaca ah.
Aan wadajir ugu gurmano dadka ay saameysay masiibadan. Waxaan Hay'addaha Amniga ugu baaqayaa in dadka gurmadka ah aanan wadooyinka lagu xayirin" ayuu yiri Taabid.
Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa wali waxaa socota Badbaadinta dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.
Qaraxan, ayaa waxaa lagu sheegay mid ka mid ah qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhaca wadada halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live