Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Trump oo lagu dhaliilay 'dareen la'aan' mar uu la hadlayey carmalad

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay carmalad uu ka dhintay askari si dhuumaalaysi ah loogu dilay Niger in "uu ogaa hawsha loo shaqaaleysiiyey" sida ay sheegtay gabar sharci dejinta ka tirsan.


Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

muqdisho soo gaartayDeeq dawo ah oo Puntland ugu...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Iyadoo weli ay soconayaan howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu ka qeyb qaadanayaa howlahaasi samafalka ah.
Diyaarad sidda daawo uu soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana loogu talagalay daawadaasi in lagu baxnaaniyo dadka ay mashaqadu saameysay.
Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey wefdi dhaqaatiir ah o dawooyinkasi la socday,Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha SHacabka Mahad Cabdalla Cawad,iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.
Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDowladda oo Shacabka ugu baaqay in ay u dibadbaxaan si Nabad ah
Next articleGobolada Dalka oo ka socoda banaan baxyo ka dhan ah Shabaab

storvideo: 

Ciidamada AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Gobalka...

$
0
0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa qarax miino oo dhulka lagu aasay waxaa lagula eegtay qeybo ka mid ah Gobalka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa lagula eegtay agagaarka Tuulada Killi-caafimaad oo ah Tuulo u dhaw deegaanka Numbar Lixdan ee Gobalka Shabeelada hoose dhawaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
Miinada ayaa haleeshay oo burburisay gaari Taw ah waxaa sidoo kale qaraxan dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM.
Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka mid ah gobalada khasaaraha ugu badan ay kala kulmeen ciidamada AMISOM.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM.
storvideo: 

Trump oo lagu dhaliilay 'dareen la'aan&...

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay carmalad uu ka dhintay askari si dhuumaalaysi ah loogu dilay Niger in "uu ogaa hawsha loo shaqaaleysiiyey" sida ay sheegtay gabar sharci dejinta ka tirsan.
Federica Wilson oo ka tirsan Kongaresska waxay sheegtay in ay maqashay hadallo "aan wax dareen ah lahayn" oo gabadha telefoonka loogu sheegay, mar ay gaari la saarnayd qoyska laba alifle David Johnson.
Waxay sheegtay in madaxweyne Trump uu intaas ku daray "waxaan filayaa inay ku xanuujisay".
Sarkaal ka tirsan aqalka cad ayaa sheegay in wadahadalka uu Mr Trump la yeesho qoysaska askarta dhimata ay yihiin kuwo gaar ah.
Laba alifle Johnson oo 25 jir ahaa wuxuu ka mid ahaa 4 askari oo Maraykan ah horraantii Oktoobar lagu dilay deegaan ay koox mintidiin ah, oo ay ku jiraan kuwo Al Qaacida taageera, ka hawlgalaan. Carmaladdii uu ka dhintay, Myeshia, ayaa sidda uurka ilmihii 3aad.
Waraysi ay siisay CNN ayey Ms Wilson ku sheegtay in telefoonka Mr Trump uu yimid in yar ka hor markii naxashkii uu ku jiray meydka laba alifle Johnson uu imaanayey Miami.
Haweeneydan oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga ayaa sheegtay in qayb ka mid ah wada hadalka ay ka maqlaysay samaacadda telefoonka.
Waraysi kale ayey ku tiri Ms Wilson "haa sidaas wuu yiri. Waxay aniga iila muuqataa in la dhihi karo, laakin aan lagu oran karin carmalad barooranaysa".
"Qof kastana wuu garanayaa marka aad dagaal aado, inay dhici karto in aadan soo laaban adigoo nool. Laakin ma aha in taasi aad xusuusiso carmalad barooranaysa. Waa arrin damiir la'aan ah" ayey raacisay.
Hadalladaas la sheegay waxay caro ka dhex dhaliyeen baraha bulshada, ayadoo Ms Wilson ay Twitter ku sheegtay in Mr Trump "uusan lahayn shakhsiyaddii, garashadii iyo naxariistii u ku ahaan lahaa madaxweynaha Maraykanka".
Mr Trump waxaa lagu dhaliilay inuusan dhakhsiyo ula xiriirin qoysaska afarta askari ee la dilay. Isniintii ayuu sheegay inuu warqado u qoray qaraabadooda, uuna qorshaynayo inuu si dhakhsiyo leh ula hadlo.
Goor dambe ayuu aqalka cad sheegay in madaxweynuhu uu la hadlay qoysaskaas, laakin lama sheegin goorta ay ahayd.
Talaadadii ayuu Mr Trump sheegay in madaxweyne Barack Obama uusan la hadlin qoyska taliyihii ciidamada, Jeneraal John Kelly, markii wiilkooda lagu dilay Afghanistan 2010.
Hadalkan ayuu ku sheegay waraysi uu ku difaacayey mowqifkiisa ah in ninkii isaga ka horreeyey uu dayacay inuu la hadlo qaraabada askartii dhimatay. Hadalka ayaa ka caraysiiyey gacan yarayaashii hore ee Mr Obama.
storvideo: 

Gobolada Dalka oo ka socoda banaan baxyo ka dhan ah...

$
0
0

Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxi Soobe iyo falalka arxan darrada ah ee maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.
Wariyaheena nooga soo warama Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dibadbaxan ay ka qeybqaateen Kumanan dadweyne ah kuwaasoo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab .
Dibad Baxayaasha ayaa sheegay in xiligan la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa la dagaalanka Al shabaab,waxaana Dhaliyarada Boroordiiqaysay ay wacad ay ku mareen in ay u dhimandoonaan Difaaca dalkooda.
Ficillada waxuushnimada ah ee Al shabaab ay sameeyaan ayaa ah kuwo Marwalba Bulshada Soomaaliyeed ku abuura . Murugo . Balse Xasuuqan ka dhacey Soobe ayaa u muuqada mid mideynaya dareenka Ummadda Soomaaliyeed . madaama Shabaab ay u soo jeesteen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah.
Dhanka kale Dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo falalka guracan ee maleeshiyaadka Shabaab iyo xasuuqii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel.
Wariyaha nooga soo warama deegaannadaasi Maxamed Deeq Cabdi Maxamed ayaa soo sheegaya in dibadbaxani ay ka qeybqaateen kumannaan dadweyne ah oo aad uga careysnaa xasuuqii lagu laayay boqolaal shacb Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.
Banaanbaxayaasha oo badankood madaxa ku soo xirtay weer gaduudan ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna socod ku soo mareen wadooyinka magaalooyinkaasi.
Mas'uuliyiin la hadashay dibadbaxayaashaasi ayaa dalbaday in meel looga soo wada jeesto maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo sheegay in la gaaray xilligii midnimada ummadda iyo baaba' maleeshiyaadka Shabaab.
storvideo: 

Bannaan-baxyo looga soo horjeedo Qaraxii Zope iyo Al...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Qaraxii dhawaan ka dhacay isgoyska Zope ee Muqdisho ayaa maanta ka socda Muqdisho iyo qaar ka mid ah degmooyinka Somalia, waxaana dibad-baxyadaan ka qayb-galaya kumannaan qof oo Soomaali ah.
Dibadbaxa ka socda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galaya boqolaal qof oo ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo boorar ay uga soo horjeedaan qaraxii foosha xumaa ee Muqdisho ka dhacay, kaasoo ay ku naf waayeen in ka badan 300-qof.
Shacabka bannaan-baxan ka qayb-galaya ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay erayo ay ka id ahaayeen; 'Dooni mayno Al-shabaab''Dooni Mayno Dhiigyo cab' iyo erayo kale oo dareen leh.
Dhanka kale, Magaalooyinka Baydhabo, Garba-haarey, Dhuusa-mareeb iyo kuwo kale ayaa waxaa iyaguna ka socda dibadbaxyo kale oo iyagana looga so horjeedo Qaraxii xasuuqa badan geystay ee 14-kii bishaan Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyka KM5 ee Zope.
Bannaan-baxa ka socda magaalooyinka ka kala tirsan maamul-gobleedyada dalka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas'uuliyiin ka tirsan Maamullada, iyadoo shacabku ay ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan sida xanuunkii ka dhashay Qaraxaas ay u dareemayaan.
Dadweynaha bannaan-baxyada dhigaya ayaa waxaa wajiyaada ugu xirnaa maro guduudan, kuwaasoo ay ku muujinayaan dareenkooda xanuunka leh ee ka dhashay Qaraxii dhibaatada badan dhaliyay ee Muqdisho ka dhacay.
Ugu dambeyn, Bannaan-baxa Maanta ka socda Caasimadda Somalia ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir uu shaciyay in la qaban doono dibadbax looga horjeedo Al-shabaab iyo Qaraxii Zope ee ay ka dhasheen khasaarooyin faraha badan.PUNTLAND POST
The post Bannaan-baxyo looga soo horjeedo Qaraxii Zope iyo Al-shabaab oo ka socda Muqdisho iyo... appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Diyaarad sidday Dawo uu soo dhiibay Maamulka...

$
0
0

Iyadoo weli ay soconayaan howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu ka qeyb qaadanayaa howlahaasi samafalka ah. Diyaarad sidda daawo uu soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana loogu talagalay daawadaasi in lagu baxnaaniyo dadka ay mashaqadu saameysay. Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey wefdi dhaqaatiir ah oo dawooyinkasi la socday,Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad,iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.
storvideo: 


Madaxweynaha Somalia oo Al-shabaab Ku Eedeeyay...

$
0
0

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna ku eedeeyey inay Alshabaab ka dambeeyeen qaraxaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay in laga yaabo in goobtii uu qaraxu ka dhacay laga helay Faraha Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inaysan isaga shaki ugu jirin arrintaasi.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab joogitaan xooggan ku leeyihiin Koonfurta dalka Somalia, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero ka siiyaan sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay
Si kastab ha ahaatee, ma jirto koox si rasmi ahaan u sheegatay mas'uuliyadda Qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300 oo qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale.
Dhinaca kale,, Weriyaha Aljazeera , Maxamed Caddow oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inay Baarayaasha weli ku hawlan yihiin sidii ay ku ogaan lahaayeen halka laga keenay maadooyinka qaraxa ee loo adeegsaday Qaraxaasi, kaasi oo heerkiisu ahaa Qaraxyada ay Ciiddamadu isticmaalaan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Banaanbax Ballaaran oo ka socdo Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Banaanbaxan oo ah mid ballaaran ayaa waxa uu ka socdaa Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana looga soo horjeedaa qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300 oo ruux.
Boqolaal dadweyne oo isugu jira Dhalinyaro, Haween  iyo arday ayaa ka qeyb galaya Banaanbaxa, kuwaasi oo ku qeylinayo erayo ka dhan ah Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukra Islow “Ducaale” oo banaanbaxayaasha kula hadlay Isgoyska Zoobe oo ah halka qaruxu ka dhacay ayaa mahadcelin ballaran u jeediyay dibadbaxayaasha.
Waxaana uu sheegay in Galabta madax ka tirsan dowladda ay ka soo soo qeyb gali doonaan banaanbaxaasi oo loogu Baroor Diiqayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14 kii bishan ka dhacay Zoobe.
The post Banaanbax Ballaaran oo ka socdo Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

Soomaaliya: Banaanbaxyo Ka Dhan ah Shahaab oo Meelo Badan Ka Dhacay

$
0
0

Magaalada Muqdishu iyo magaalooyin kale oo waddanka ahba waxaa maanta ka dhacay bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo kooxda al-Shabaab iyo qaraxii weynaa ee maalintii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya dibad baxa Muqdisho

$
0
0

Dibadbaxyo ka dhan ah weerarkii Soobe ayaa hadda ka socda magaalada Muqdisho, ayadoo gobollada qaarna ay ka dheceen isu soo baxyo.

SALAADIINTA CIR CADAAGA NOQDEY

$
0
0

Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu dunida ka korarsada khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta "taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga" oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in dib danbe kuugu dhicin.
Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegno loolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaa damaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, ka kalena dibindaabyo uu la rabo walaalkiis, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshoodii u durbaan tumeysayna dawakhisaa oo gelisaa dakano qabiil iyo mid dowladeedba. Ragaas inta uu loolanka u dhaxeeyo waa laga waayaa in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas'uulka ka ahaayeenba.
Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay "Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa", iyo "maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaaba waa deyrta maanta ahe!", iyadoo intii kasoo hadhayna dufaanadii colaadeed ay raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oo garbahoodii dunshay oo dushana laga wada qabsaday.
Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii, masuuliyad kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan, dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay.
Waxaan Shacabka reer Somaliland leeyahay, wixii maanta ka bilowda in ay isweydiiyaan jawaab cadna ka bixiyaan, Sumad na u yeelaan Salaadiinta cir cadaaga noqdey ee qaranimadeenii iyo walaaltinimadii shacabka Somaliland qabiil dib ugu celiyey.
Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa)
Kristiansand, Norwey
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Gurmad...

$
0
0

Muqdisho, 18, October 2017---Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagey xarunta gurmad qaran, wuxuna halkaasi warbixino uga dhageystay qaar kamid ah xubnaha guddiga iyo dhalinyaro Soomaaliyeed ee is xil-qaantay una istaagay iney caawiyaan dadkii ay saameysay dhibaatadu. Ra'iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee doorka fir-fircoon ka qaatay sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii bishan October. Isagoo ugu baaqay iney sii wadaan dadaalka ay ku caawinayaan shacabka dhibaateysan. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in doorka ay maanta qaateen ee gurmadka ay sii wadaan. Wuxuuna cadeeyey in haddii la helo midnimo iyo wadajir laga guuleysan karo cadow walba oo dhibaatu ku ah shacabka Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta gurmadka kula kulmay haweeney Soomaaliyeed oo wadata labo caruur ah seygeediina ku weydey qaraxii isgoyska Zoobe . Ra'iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeyey dhibaatada soo gaartay, isla markaana ay dawladdu xil iska saari doonto wax u qabashada dhibanayaasha ay dadkoodii xasuuqeen Argagixisadu.
storvideo: 

Wabiga adduunka ugu dheer oo soo cimri gaabanaya

$
0
0

Biyaha sii gabaabsanaya ee wabiga Niilka-ka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu xasarad ka dhexdhalin karo dalalka gobolka ee biyaha wabiga wadaagga.


Soomaaliya: Banaanbaxyo Ka Dhan ah Shahaab oo Meelo...

$
0
0

Magaalada Muqdishu iyo magaalooyin kale oo waddanka ahba waxaa maanta ka dhacay bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo kooxda al-Shabaab iyo qaraxii weynaa ee maalintii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen ilaa 300 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Dad bannanbaxaya ayaa ku dhowaaqayey hadallo ay ka mid yihiin "nabad-diid dooni mayno" iyo ereyao kale.
Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka telefoonka ee Muqdishu kula xidhiidhay weriye Munasar Maxamed oo ku sugan garoonka Koonis oo ah halka ay iskugu imaadeen dadka bannaanbaxayay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:51
0:00:00 /0:03:51
Direct link
Pop-out player
Sidoo kale, meelo kale oo ka mid ah gobollada dhexe ayay bannaanbaxyo ka dhaceen, sida uu ku soo waramayo wariyaha VOA ee Baladweyne, Xuseen Xasan Dhaqane.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:46
0:00:00 /0:03:46
Direct link
Pop-out player
Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn, oo isla dhacdadii Soobbe looga soo horjeed. Mukhtaar Catoosh ayaa Baydhabo ka soo direy warbixinta.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:35
0:00:00 /0:03:35
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Wabiga adduunka ugu dheer oo soo cimri gaabanaya

$
0
0

Biyaha sii gabaabsanaya ee wabiga Niilka-ka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu xasarad ka dhexdhalin karo dalalka gobolka ee biyaha wabiga wadaagga.
Dhibka waxa uu ka bilaabanayaa halka wabiga uu kasoo qulqulo, tusaale ahaan wabiga Niilka-ka waxa uu boqolkiiba 80% kasoo qulqulaa dalka Itoobiya. Qeybta wabiga Niilka ee kasoo burqata Itoobiya waxaa loo yaqaanaa Niilka Buluugga ah.
Halka Niilka Cad uu kasoo qulqulo harada weyn ee Victoria , waxayna labada wabi isaga darsamaan dalka Suudaan.
Wabiga waxa uu ka dhashaa roobabka ka da'a deegaanada uu kasoo qulqulo, balse dhawaanahan roobabkii aad ayay u yaraadeen, sidaasi darteedna wabigii waa uu biyo yareeyay.
Mararka ay roobabka aadka u da'aan waxaa la socda dabeylo iyo duufaano, kuwaasi oo dhulka Itoobiya ka dhaqa maadada bacriminta ciidda, taas oo waxyeelo weyn ay kala kulmaan beeralayda Itoobiya.
Waraabka iyo Beeraha
Kororka dadka oo sii kordhinaya ayaa ka qeybqaadanaya xaalufinta dhulka, iyaga oo maalin kasta jara dhirta si ay u deegaamaystaan.
Daadadka waaweyn ee soo rogmada ayaa iyaguna xaalufka dhulka kasii qeybqaadanaya.
Dadkii horay ugu tiirsanaan jiray roobabka ayaa hadda u wareegay in ay beerahooda ka waraabiyaan biyaha wabiga Niilka, taas oo saamayn ku yeelatay xadka biyaha wabiyaga Niilka.
Dadka qaarkood oo degen tuulooyinka ayaa gabi ahaanba iska dhaafay tabcashadaha beeraha, waxayna u guureen magaalooyinka sida magaalada Bahar Dar oo kale.
Qaarkood kale waxa aadayaan tahriib dalalka Yurub si ay halkaas nolol uga sameeyaan.
Dadkaas waxaa ka mid ah wiilka lagu magacaabo Getish Adamu oo 17 jir ah, wuxuu yaambo u heystaa beertiisa, isaga oo rajaynaya waxa kasoo baxa in uu sii iibiyo, kadibna ku tahriibo.
Markasta oo hoos loosii raaco wabiga, waa markasta oo dhibaatada iyo biyo yaraanta ay kasii badantahay.
Masar iyo Itoobiya
Waxaa xaaladda uga sii daray biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka dhisayso meel aan ka fogeyn xudduuda ay la wadaagto Suudaan, halkaas oo ay dowladda ka barokicisay kumanaan qof si dhulka looga kireeyo shirkado waaweyn oo beero ka samaysanaya.
Dadka waa kuwa cabsi qaba, si fiican kuuguma waramayaan.
Marka wabiga uu gaaro Masar halkaas oo roobabka aad ugu yaryihiin, islamarkaasina ku tiirsan biyaha wabiga boqolkiiba 95% ayaa waxaa xaalad walwal leh laga muujinayaa biyo xireenka weyn ee Itoobiya.
Heshiis Masar iyo Sudan ay kala saxiixdeen sanadkii 1959-kii heshiis ay ku qeybsanayaan biyaha wabiga, waxana heshiiska uu Masar siinayaa biyaha intooda badan.
Heshiiskaas qeyb ka aysan ahayn Itoobiya iyo inta badan dalalka kale ee wabiga uu kasoo qulqulo kuwaas oo xiligaas ku jiray gumeysi. Dhammaan dalalkan waa ay kasoo horjeedsadeen sharcinimada heshiiskaas.
Xukuumadda Qaahiro ayaa marar badan ku hanjabtay in ay dagaal ka xigto haddii biyaha wabiga la leexsado.
Ciidammada Itoobiya ayaa heegan ugu jira haddii lasoo weeraro, waxayna xitaa leeyihiin ciidamo badda ah kuwaas oo ku sugan harada weyn ee Tana , waxayna kuu sheegayaan in ay ogsoonyihiin in ay joogaan furun dagaal.
Tayada biyaha wabiga
Marka la'isku daro dadka degan dalalka uu maro wabigan waxa ay wadartu gaaraysaa illaa 500 milyan qof marka la gaaro sanadka 2050-ka, waxaana ugu wacan kororka dadka, waxayna taas mustaqbalka ka dhigaysaa mid mugdi ah.
Magaalada Khartuum oo kale, bulaacadaha wasaqda ee ku darsama wabiga ayaa aad u haleeyay tayada biyaha, waana dhib sidoo kale ka jira magaalooyinka waaweyn ee dhaca hareeraha biyaha.
Nidaamka qashin uruurinta iyo dhimasha dhuumaha wasaqda qaada oo aad u yar awgeed, dad badan ayaa qashinkooda ku quba wabiga, waxaana xitaa ka mid ah warshadaha oo haraadiga kiimikada ah ah ku shuba wabiga.
Bacaadka galaya wabiga
Marka laga yimaado biyo yaraanta, iyo wasaqda lagu shubayo, waxa kale oo xaaladda wabiga uga sii daraya ayaa ah bacaadka saxaraha oo halis ugu jira in uu duugo wabiga.
Dadka beeralayda ee ku nool dhulkan saxaraha ee Masar waxa ay la qabsadeen xaalad kasta oo soo foodsaarta, waxayna xal u heli jireen dhibaato kasta.
Dhibaatooyinka soo foodsaaray waxaa ka mid ah heer kulka daran ee deegaankaas iyo waliba korontada oo ka tagta biyo xireenada ay waraabka wabiga ka helaan.
Balse hadda bacaadka soo durqaya ee saxaraha ayaa aad usoo koobay dhulkii beerashada ku habboonaa. 150 mitir oo kaliya oo wabiga hareerihiisa ah ayaa ku habboon in la beerto, waana xad aad halis u ah kan uu bacaadka ku socdo.
Bacaadka wuxuu soo durqay 120 km 30kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa kale oo dhibka sii kordhinaya ayaa ah heerkulka oo xad aan la qiyaasi karin ku socda.
Waxaa ugu wacan ayaa la leeyahay isbadalka cimiladda adduunka.
Waqooyiga dalka Suudaan dhibka waa mid ka duwan kaas, dhalinyaradii beeraha fali jirtay ayaa waxa ay u yaacday dhanka godadka macdanta laga qodo.
Sidaasi darteed beeralayda waxa ay hadda kireystaan muhaajiriinta ka imanaysa Itoobiya, Eritrea iyo waliba gobolka Dafur, kuwaas oo marin ka dhigta waqooyiga Suudaan.
Marka uu wabiga gaaro magaalada Qaahira ayay xaaladda ugu sii darantahay.
Goonyaha wabiga waxaa buux dhaafiyay qashinka, biyuhuna waa kuwa aad gabaabsi u ah, waxaana aad usii yar biyaha ku qulqula ilaha biyaha ee beeraha lagu waraabiyo.
Walwal xooggan ayaa ka muuqda wajiyada saraakiisha wasaaraddadaha ku teedsan wabiga kuwaas daaqadaha kasoo eegaya qulqulka biyaha wabiga, indhahooda hortooda ayayna wax kasta ka dhacayaan "Niilka wax kasta ayuu noo yahay anaga, waa waxa aan cabno, islamarkaasna cunno, waa masiibo weyn haddii ay wax ku dhacaan biyahan" ayuu yiri Cali Naqiifi oo ka tirsan wasaaradda waraabka iyo maareynta biyaha Masar.
Horay Masar iyo Itoobiya waxa ay isu dhaafsadeen haddalo kulkulul oo la xiriira dhismaha biyo xireenka weyn ee Itoobiya, kaas oo ay Masar ka baqayso in uu aad u yareeyo biyaha ay hesho.
Qaxootiga Oromada ee ku nool Masar ayaa sheegay in aad loo dhibaateeyo markasta oo ay soo baxaan warar ku saabsan xaaladda dhismaha biyo xireenka itoobiya, sidaas si la mid ah kaniisadaha Itoobiya oo xiriir fog la lahaa kuwa Masaarida ayaa xiriirka u jaray, waxayna Itoobiya ka ceeyriyeen baadariyo kaniisadahooda ka hawlgali jiray oo Masaari ah.
Sidaasi darteed xaaladda labada dal waa mid ka taloowsan diin iyo aragti siyaasadeed, balse waa mid ku qotanta nolosha labada shucuub.
Itoobiya waxa ay u aragtaa in biyo xireenka uu yahay horumarkii ugu weynaa ebed ee dalkaas soo mara, xitaa caruuraha ayaa ku heesa.
Dadka ka kalluumaysta wabiga ayaa xitaa ay dhibaatada soo gaartay, kalluunkii ayaa aad u yaraaday, waxayna hadda soo qabsadaan wax aad uga yar wixii ay horay usoo jalaaban jireen.
"Markii hore wabiga waan caabudi jirnay, balse hadda ma doonayno wax isaga ku saabsan, waxaanan rabnaa in aan ka fogaano in kasta oo suurtogal ah" ayuu yiri Khamees Khala oo ka mid ah kalluumaysata wabiga Niilka.
Hadda doomihii lagu kalluumaysanayay qaarkood waxaa loo rogay in ay safriyaan dadka tahriibayaasha ah ee Yurub u socda.
Si kastaba ha ahaatee wabiga Niil-ka oo ah wabiga ugu dheer adduunka ayaa hadda loo yaabanyahay mustaqbalkiisa, balse lama oga waxa uu galaafan doono marka cimrigiisa uu soo dhammaado.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqey in loomidoobo...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo,Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo R/wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Maleeshiyada Shabaab iyo qarixii Soobe kaasi oo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.
Mas'uuliyiintan ayaa khudbad u jeedinaya shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku boorinaya in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in lagu soo duuley jiritaanka umadda Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday shacabka in waxkasta meel la iska dhigo loona soo jeesto xoreynta Dalka.
Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dheer oo khiiro gelisay shacabka Soomaaliyeed ka jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo,oo siweyn uga hadlay khataraha bulshada ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday kahadalka ahmiyadda ay leedahay in cadowga SHabaab laga difaaco dalka iyo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in la sameynayo ciidamo loogu magic daray ciidamada difaaca Shacabka.
"Waxaan leeyahay caruurtii,Aabayaashii iyo hooyooyinkii ku dhintay qarixii 14kii bishan dhacay illaahay ha bogsiiyo,gacan ka xaqdaran ayaa dishey,aan u duceyno in illhaahay naxriistiisa uu siiyo,intii dhaawacantayna uu bogsiiyo,dadkaasi waxay ahaayeen mujaahidiin,waa ay shahiideen,dalka dhibaatada in muddo ah kajirta waxaa sabab u ah inaga oo caasinay illaahay aan u towbad keeno oo aan cafisweydiisano inagana aan iscafino si aan u helno naxriista alle", Ayuu yiriMadaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowladihii ka qeyb qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay,wuxuuna xusay in mar un loo abaal gudi doono,wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Qaranka sida ay ugu istaageen howlaha gurmadka ah tan iyo malintii qaraxa uu dhacay,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaad adag.
"14kii bishan waxay noqonaysa Taariikh madow oo Soomaaliya ay xusuusan doonto 100 sano ee soo socota,balse waxay ku xiran tahay sida ay uga jawaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaa la sameynayaa ciidamada difaaca shacabka waxaa lagu bilaabayaa 14 milyen oo dowladdu bixinayso,waxaana kow ka ah shaqaalaha Dowladda,ha la is qoro dalka hala difaaco",ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay ciidamada Amisom dowrka ay ka qaadanayaan difaaca dalka,balse wuxuu xusay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in iyaga ay is difaacaan hubkuna ay qaataan si ay uga hortagaan dhagaraha cadowga.
storvideo: 

Laamaha Ammaanka Dowladda oo Teleefan Gaar Ah u...

$
0
0

Laamaha ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya oo ka jawaabaya xaaladaha ku aadan gurmadka la xiriira dhanka ammaanka iyo ficilada kale ee Muqdisho ka dhaca ayaa sameeyay taleefoon gaar ah oo dadka ay kala soo xiriiri karaan.
Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Ducaalle (Islow) ayaa Bartiisa xiriirka Bulshada ee (Facebook) wuxuu soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo taleefoonka gaarka ah ee Hay'addaha ammaanka sameeyeen.
"Hay'addaha amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha deg degga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan WAC 991." Ayuu yiri Wasiirka amniga oo qoraalkaan soo dhigay boggiisa xiriirka Bulshada.
Shacabka Somaliyed ayaa horay ugu dhibanaa meel ay kala xiriiraan laamaha ammaanka dowladda, xilliyada ay jiraan xaaladaha u baahan ka jawaabista deg degga ah ee ciidamada.
Inkastoo laamaha ammaanka ay soo bandhigeen taleefoonkaan u gaarka ah laamaha ammaanka ayaa haddana waxaa aad u yar kalsoonida shacabka Somaliyed ay ku qabaan inay xiriir wargelin ah la sameeyaan laamaha ammaanka, maadaama aysan jirin isku haleyn badan oo shacabka ay qabaan.
Dowladda Federalka Somaliya ayaa looga fadhiyaa inay ka fekerto hanaanka ugu haboon ee lagu kalsooni gelin karo bulshada Somaliyed si loo helo ciidan iyo Bulsho si hufnaan ah u wada shaqeeya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Sawirro: Sidee ayay banaanbaxyada u gilgileen...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Beledweyne (- Online)-Waxaa magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay isugu soo baxeen dad ka badan Shan kun oo shacab ahaa.
Dadka isugu soo baxay dibadbaxa ayaa waxaa ku jiray mas'uuliyiin ka tirsanaa maamulka, waxa uuna banaanbaxa gilgilay dhammaan magaalada Beledweyne.
Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa ku qeyla dhaaminaayay "Alshabaab ha dhacdo, Dhiigyacab doonimeyno, Nabadiid doonimeyn iyo Erayo kale oo ka dhan ah Alshabaab"
Bannaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Hiiraan, ayuu ujeedkiisu ahaa inay reer Hiiraan muujiyaan dareenkooda ku aadan, sida ay kaga soo horjeedaan gumaadka ay Shabaabku ku hayaan shacbiga Somaliyeed.
Dhalinta reer Baledweyne oo qaarkood ka hadlay bannaanbaxaasi, ayaa waxay sheegeen in dadkii lagu laayay qaraxii Zoobe, aanay ahayn kuwo ku shaqo leh siyaasad, isla-markaana ay aad uga xun yihiin gumaadka rayidka.
Waxa ay Alshabaab ka dalbadeen inay isaga baxaan dalka oo ay u jihaad tagaan dalalka uu jihaadka ka socdo sida Falastiin, Ciraaq iyo Syria.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live