Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taliyaha Booliska G/Baay oo awood kula wareegay...

$
0
0

Baydhabo (- Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Gobolkaasi uu awood kula wareegay xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa la sheegay in xiligii uu la wareegaayay xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu watay ciidamo farabadan oo ku hubeysnaa hubka kala duwan.
Taliyaha ayaa goortii uu gaaray xarunta Maxkamada dhammaan howlwadeenada ku amray inay faarujiyaan xarunta isla markaana ay dib ugu laabtaan guryahooda ilaa iyo amar danbe.
Taliyaha ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Fanax ku amray inuusan soo gali karin xarunta Maxkamada ilaa iyo amar danbe, waxa uuna ka gaabsaday inuu u sheego sababta ka danbeysay inuu la wareego Xafiiskiisa xili aan lasoo wargalin.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Sheekh Fanax oo u waramaayay warbaahinta ayaa dhankiisa ka sheegay inuu xiran yahay Xafiiskiisa, balse uusan la socon sababta ka danbeysay amarka looga mamnuucay Xafiiska.
Waxa uu tilmaamay in lagu xadgudbay isla markaana uu doonaayo in jawaab cad laga bixiyo falka lagula kacay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan uu faragelin toos ah ku hayo shaqada Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, waxaana faragalintaasi ka dhashay xiisad.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay falka uu ku kacay Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan, waxaase loo maleynayaa in amarkaasi uu lahaa Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.- OnlineXafiiska Baydhabo-@live.com
storvideo: 


Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo Maanta Bilaabay...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Wefti balaadhan oo uu hogaaminyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaan Cabdirakiim Aw Cali Shabeel oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana kamida Xisbul Xaakimka Talada Waddanka Haya ee Kulmiye iyo xubno qurba joog ah , Cuqaal, Salaadiin iyo waxgarad ayaa Socdaal Deeganada Abaarso, Laalays, Dhaboolaq iyo Gegmada Gabiley, halkaasi oo wafitga si diiran loogu soo dhaweeyey, waftiga uu hogaaminayo Xildhibaanku waxa qeyb ka ahaa Baanbowda oo ahaa wax ku cusub Ololaha Doorashada wakhtigan.Ka hor intii aanu Waftigu ka anba bixin Gudaha Caasimadda Hargeysa waxa uu isu soo baxyadii Ololaha kala qeyb galay Degmooyinka 26-Jun iyo Axmed Dhagax oo, waxaana uu Fagaarayaasha Garoonka Xawaadle iyo Garoonka Kubada Cagta ee Hargeysa Stadium kala hadlay kumaan qof oo kamida taageerayasha Xisbiga Kulmiye ee muujinayey cududooda taageero, waxaana uu ku booriyey inay ilaaliyaan nabad gelyada waddanka si loo gaadho doorasho xor ah oo xalaal ah, sidoo kale Xildhibaan Obama waxa uu Taageerayaasha ugu baaqay inay codkooda mideeyaan islamarkaana ay u codeeyaan Xisbigooda si loo sii anba qaado horumarka dalka.Xildhibaan Obama oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Waxaan Idin Xasuusinayaa waxaynu dooranaynaa 13-ka November waxaad donaysaan , waxaad doonaysaan waa maxay? Waa Muuse Biixi Cabdi saw maaha? Xaafadani maxay doonaysaa? Waxay doonaysaa Somaliland oo dhamina doonaysaa Muuse Biixi Cabdi " ayuu yidhi xildhibaan ObamaXildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo isaguna halkaasi bulshada kala hadlay ayaa yidhi " waxaa laydinka doonayaa inaydaan dayicin kaadhka codaynta waayo waxa weeye waxa codka lagu kala helayaa waa kaadhka, waxaa kale oo aanu idin faraynaa inaan ilaalino dhaqanka wanaagsan, sida aynu ognahay dhaqanku waa waxa qofku quruxda iyo qiimaha ku leeyahay" sidaa waxaa yidhi Xildhibaan Shabeel
Waftiga Xildhibaanku Hogaaminayey ayaa gaadhay Deegaanada Dhaboolaq, Abaarso, Gabiley iyo Laalays, waxaana uu dhammaanba deegaanadaasi kala kulmay soo dhaweyn diiran, waxaana khud bado ka jeediyey guud ahaan deegaanadaa kala duwan ee uu waftigiisu booqday, waxaana uu xildhibaanku markasta shacabka kula dardaarmayey inay nabad gelyada ilaaliyaan, isagoo hoosta ka xariiqay inay sida midaysan ugu codeeyaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Md: Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Isku soo wada duuduuboo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa bilaabay Ololihii ugu adkaa uguna miisaanka cuslaa Doorashada Madaxtooyada isagoo Faraaha Siyaasada kusoo kordhiyey Ciyaaraha Baandoyda oo wakhtigiisa qeyb ka ahaa
storvideo: 

Galmudug oo Digniin u dirtay Siyaasiyiinta ka soo...

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Cismaan "Masagawaa" oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaasi.
Waxaana uu eedeeyay in dhibaato iyo burburin la doonayo in lagu dumiyo Galmudug ay ka wadaan Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan "Masagawaa" ayaa hoosta ka xariiqay in Siyaasiyiin badan haatan ay ku sugan yihiin Magaalada Cadaado, kuwaas oo uu tilmaamay in fowdo ay ka wadaan Magaaladaasi.
Balse waxa uu shaaca ka qaaday in ay ka hortagi doonaan Siyaasiyiintaasi, islamarkaana Maamulka uu qaadi doono tallaabo dheeri ah oo lagu xakameynayo arrimahaasi.
Weli waxaa Galmudug ka jira khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Maamulkaasi, kaas oo ka dhashay, go'aankii madaxweyne Xaaf uu ka qaatay khilaafka Wadamada Khaliijka.
storvideo: 

Faah faahinno ka soo baxaya Qarax ka dhacay Degmada Kaaraan

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo  baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Guri ku yaalla Xaafada Buurka Diikow ee Degmadaasi Kaaraan.
Waxaana Gurigaasi daganaa 3 ruux oo kala ahaa Milkilihii Guriga, Nin iyo Xaaskiis, iyadoona qaraxaasi uu ku dhintay Milkilihii Guriga, kuna dhaawacmeen Ninka kale iyo Xaaskiisa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qaraxa lagu diyaarinayay Gurigaasi, gaar ahaan Qol ay kiro u daganaayeen Lamaanahaasi oo haatan, iyagoo dhaawac ah gacanta ugu jira Ciidamada dowladda.
Ma jiro weli faah faahin dheeri ah ee uu Maamulka degmada Kaaraan uu ka bixiyay qaraxaasi.
Balse waxaa saakay ciidamada dowladdu howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
The post Faah faahinno ka soo baxaya Qarax ka dhacay Degmada Kaaraan appeared first on Shabelle.

Faah faahinno ka soo baxaya Qarax ka dhacay Degmada...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Guri ku yaalla Xaafada Buurka Diikow ee Degmadaasi Kaaraan.
Waxaana Gurigaasi daganaa 3 ruux oo kala ahaa Milkilihii Guriga, Nin iyo Xaaskiis, iyadoona qaraxaasi uu ku dhintay Milkilihii Guriga, kuna dhaawacmeen Ninka kale iyo Xaaskiisa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qaraxa lagu diyaarinayay Gurigaasi, gaar ahaan Qol ay kiro u daganaayeen Lamaanahaasi oo haatan, iyagoo dhaawac ah gacanta ugu jira Ciidamada dowladda.
Ma jiro weli faah faahin dheeri ah ee uu Maamulka degmada Kaaraan uu ka bixiyay qaraxaasi.
Balse waxaa saakay ciidamada dowladdu howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
storvideo: 

Beesha caalamka maxay ka tiri doorashada Kenya?

$
0
0

Qoraal ay soo saareen danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayey ku sheegeen inay si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya. Dadka waddanka Kenya ayey ugu baaqeen inay muujiyaan deganaan oo ay ku dhaqmaan mabaadii'da dastuurka.

Beesha caalamka maxay ka tiri doorashada Kenya?

$
0
0

Qoraal ay soo saareen danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayey ku sheegeen inay si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya.
Waxay sheegeen inay ka xun yihiin wax ay ugu yeereen "faragelinta sii socota ee labada dhinac ay ku wiiqayaan hawlaha madaxa banaan ee guddiga doorashada, garsoorka iyo hay'adaha kale ee lagama maarmaanka u ah".
Waxay hadalkooda ku cambaareeyeen weerar la sheegay in lagu qaaday qof ilaalo u ahaa ku xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare.
Waxay sheegeen inaysan jeclaysan in fadhigii maxkamadda sare ee shalay uu qabsoomi waayo, inkastooay jeclaayeen in kiiska doorashada doorashada go'aan laga gaaro inta aan la isku celin.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dadka waddanka Kenya ayey ugu baaqeen inay muujiyaan deganaan oo ay ku dhaqmaan mabaadii'da dastuurka. "Kenya waxay khatar ugu jirtaa inay lumiso wixi ay hanatay tan iyo 2008, ilaa iyo ay dadku isu yimaadaan wakhtigan xasaasiga ah mooyee, si ay u dhawraan dimoqaraadiyadooda iyo aasaaska xorriyaadkooda" ayey yiraahdeen.

  • Odinga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashada
  • Ammaanka Kenya oo aad loo adkeeyay iyadoo ay codayntu socoto

Qoraalka waxaa wadajir u soo saaray madaxda ergooyinka diplomaasiyadeed ee Nairobi u fadhiya Maraykanka, Midowga Yurub, |Finland, Norway, Netherlands, Denmark, Faransiiska, Australia, UK, Switzerland, Sweden, Germany, Canada, Talyaaniga iyo Beljam.
storvideo: 

Sagaal Ruux oo Soomaali ay ku jiraan oo Cudurka...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Sagaal Qof ayaa Cudurka Malaariyada (duumada) ugu geeriyootay xerada qaxootiga Kakuma iyo degaanka Kalobeyei ee dalka Kenya ka dib markii cudurku ka dillaacay aaggaas.
War ka soo baxay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee UNHCR,ayaa lagu sheegay in kumanaan Kiisas malaariyo ah laga soo wariyay labadii bilood ee ugu danbeysay xerada Qaxootga Kakuma iyo deegaanka Kalobeyei ee dalka Kenya.
Xerada Qaxootiga ee Kakuma ayaa waxaa marti ku ah Qaxooti fara badan oo ka kala yimid dalalka Ethiopia,Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan kuwaasoo halkaasi ay ku taageeraan Hay'ado ka shaqeeya Arimaha bini-aadanimada.
Tiro dad lagu qiyaasay sagaal ruux ayaa ugu geeriyootay Cudurka deegaanka Kalobeyei iyo Xerada Qaxootiga Kakuma,sida warbixinta Hay'adda UNHCR lagu xusay.
Ku dhawaad 12,000-Kiisas malaariyo ah ayaa laga daweeyay Shacabka Qaxootiga ee ku dhaqan Xerada Kakuma iyo dadka ku nool deegaanka Kalobeyei tan iyo bishii Augusto ee sanadkaan 2017-ka.
UNHCR,ayaa sidoo kale sheegtay iney jiraan Kiisaska Cudurka Malaariyada oo kor u sii kacaya Xeryaha Qaxootiga iyadoo loo aaneynayo xilli roobaadka oo la guda galay.
Hay'adda ayaa Xustay in shaqsiyaadka uu sameeyay Cudurka Malaariyada (plasmodium falciparum),hadda lagu daweynayo xarumo caafimaad oo kala duwan oo ku yaalo Xerada Qaxootiga Kakuma.
Xarumaha caafimaadka ee ku yaalo Xerada Kakuma iyo deegaanka Kalobeyei ayaa lagu diyaariyay dawada malaariyada oo lagu daweynayo dadka xaaladooda yara roon tahay iyo kuwa sida ba'an uu cudurka u hayo.
Hay'adda Caafimaad Aduunka (WHO),ayaa xeryaha ka howlgelisay dhalinyaro loo carbiyeyay iney bulshada ka wacyigeliyaan halista uu leeyahay cudurkaan iyo qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo.W/Q: Daahir Aadan Ali
storvideo: 


Boqorka Norway oo Billad sharaf guddoonsiiyay...

$
0
0

Boqoka dalka Norway King Harald ayaa Billad sharaf guddoonsiiyay Muwadin Somali ah oo ku nool dalkaasi. Maxamed Caji Kheyrre ayaa ah ninka la gudoonsiiyay Bilad sharaftan isagoo ku muteystay wax qabad badan oo uu muujiyay. Kheyrre oo ah macalin ayaa si iskaa wax u qabsa ah ugu shaqeeyayaa Bulshada uu la nolyahay. Sidoo kale Maxamed Cali Kheyrre waa Samafale in badan soo caawiyay Soomaamlida iyo dadyowga kale ee ku nool Magalada Oslo. Waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee Billad ka hela guriga Boqortooyada Norway.
storvideo: 

Ku-simaha R/wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii...

$
0
0

Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday. Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse waxuu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah. Ku Simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa yiri "Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN." Ku Simaha Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay'ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faano, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir [...]
storvideo: 

Alshabaab dad ku xabadeeyey Badhan

$
0
0

26th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Alshabaab iyo SNM oo dad ku xabadeeyey degmada Badhan
mid ka mid ah nimanka la shaqeeya mamulka SNM, una qaabilsan in nimanka ka yimaada Burco iyo Beer uu Buuraha calmadiow soo geliyo ayaa markii sadexaad gobolka sanaag dad ku xabadeeyey isaga oo laga hor istaagayey inuu argagixisada soo geliyo buuraha Cal madow.
Guray Cismaan oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli, oo aad looga yaqaan gobolka inuu argagixisada ku soo daabulo Buuraha Calmadow, oo maanta wata gawaari Tiknimo ah oo beesha Isaaq leeyihiin ayaa xabado ku furay dad shacab ah oo magaalada BADHAN kaga mudaharadaayey in Alshabaabka lagu soo daabulIN Buuraha Calmadow.
Dadka ay dhaawaceen argagixisadu maanta waxay ahaayeen 7 Qof , waxa ku jiray labo Caruur ah oo ka yar D'ada afar jir, Cali wayne, , Ina Cali Dhiif iyo Cismaan Sugule ayaa ka mid ahaa dadka dhawacmar
Beelaha Isaaq waxay u dabaal degayaan sidii ay u kala dooran lahaayeen sadex nin oo ka soo jeeda Beesha Isaaq/.Laakiinde sidii dhaqanka u ahayd beelaha Harti waxau u soo direen Tikniko lagu cabsi geliyo Bulshada aan la Isirka ahayn
Post navigation
- Aflagaadada Ciidamada AMISOM u gaysteen Soomaalida.
storvideo: 

Madaxweynaha oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Janaraal Maxamed Abshir Muuse

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo Xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”
“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaan Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
The post Madaxweynaha oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Janaraal Maxamed Abshir Muuse appeared first on Shabelle.

Ganacsatada hareeraha Isgoyska Zoobe oo amaro culus...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wararka aan ka haleyno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Maamulka Degmada Wadajir uu amaro culus dul dhigay ganacstada Hareraha Soobe oo 14 Bishaan uu ka dhacay Qaraxo gilgilay Magaalada oo dhan.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Sheekh Cumar C/laahi Xasan oo la hadlay Idaacadaha Gudaha ayaa sheegay inay amaro kor dhigeen ganacsatada Isgoyska Soobe ku gacansan jiray.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha amarada ayaa waxaa ka mid ah inaan Shidaal lagu iibin karin hareeraha laamiga Zoobe, inaan Qaadka lagu iibin karin dhinacyada laamiga iyo ganacsiyada yar yar ee kale ee halkaas ku lahaa sandaqadaha ganacsiga.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe saameynta ugu badan uu ku yeeshay dadka ganacsatada yar yar ku lahaa Isgoyska Soobe, sidaas darteed wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka la badbaadiyo islamarkaana laga fogeeyo sida uu sheegay Isgoysyada.
Waxaa xusid mudan inuu Guddoomiyaha sheegay in ay qorshe gaar ah u sameeyeen dadka ganacsatada yar yar ku lahaa Isgoyska Soobe marka laga raro Isgoyskaasi si uusan gaabis u galin howlahooda ganacsi.
Guddoomiyaha ayaa ganacstada ka codsaday inay amarkaan u hoggaansamaan isla markaasna ay maamulka la shaqeeyaan.
Dhanka kale waxaa durba amarkaan cabasho ka keenay dadka halkaas ganacsiyaha ku lahaan jiray oo sheegay inuu amarkaan dhibaato ku yahay ganacsigooda, waxayna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka codsadeen in wax laga qabto amarka kasoo baxay Guddoomiyaha Degmada Wadajir.
Ganacsatada ayaa sheegay inaan waqtigooda waxba loogu dareyn isla markaasna aysan macquul aheyn inay iska dhaafaan Isgoyska Zoobe.
Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee ebed ka dhaco Soomaaliya, wuxuuna galaaftay nafta ilaa 358 Qof oo Soomaalia ah halka ay ku dhaawacmeyn tiro kale oo gaareyso 220.Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Guddoomiyaha:http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/10/COD-Wadajir.mp3
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Rabshado hareeyey doorashada Kenya

$
0
0

Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhaceysa dalka Kenya, ayaa waxaa hareeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Ankara kula kulmay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo khamiis ah dhigiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee - dalka Turkiga.
Mudane Xasan Cali khayre iyo dhigiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf ugu qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga,waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood.
Intaasi ka dib Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra'iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.
Kulanka Labada Ra'iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ahaa Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.
Sidoo kale,waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhigiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.
Qado sharafta ka dib ayaa Wafdiga Ra'iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay so qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba.
Dhanka kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ee dhawaan loo qaaday dalka Turkiga.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleTaariikh Nololeedka Gen: Max'ed Abshir Muuse+Sawirro

storvideo: 


Taariikh Nololeedka Gen: Max’ed Abshir Muuse+Sawirro

$
0
0

Muqdisho-(SONNA)-Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen: Max'ed Abshir Muuse ayaa Xalay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka.Taariikh Nololeedka Taliyaha:-
General Max'ed Abshir Muuse waxaa uu ku dhashay Magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug Sanadkii 1926dii, wuxuuna Ciidamada Booliiska ku biirey isagoo dhalinyara ah wuxuuna tababarkiisii ugu horeeyay ku soo qaatay dalka Talyaaniga.
Allaha u Naxariistee Gen: Max'ed Abshir wuxuu Noqday Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya 1960kii, xilkaasi oo uu hayay muddo sagaal sano ah.
1969kii markii Millatarigu la wareegay talada dalka, waxaa marxuumku ka mid ahaa masuuliyiintii la xiray, wuxuuna Xabsiga ku jiray muddo Toban sano ah.
A.U.N General Max'ed Abshir Muuse markii xabsiga laga soo daayay wuxuu aad xoogga u saaray barashada Culuumta Daraasaadka Islaamka,wuxuuna ka mid ahaa culumadii ka aflaxday Tafsiirka Qur'aanka ee uu aqrin jiray Shiikhii waynaa Shiikh Max'ed Macallin Xasan, taasi oo uu meel sare ka gaaray.
Dhamaadkii 1991dii wuxuu marxuumku dib ugu laabtay Gobollada Punt land, halkaasi oo uu ka noqday hogaamiyaha garabka Siyaasadda ee Jabhaddii S.S.D.F xilkaasi oo uu hayay illa 1998dii.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra'iisal wasalwasaaraha X.F.S Md Xasan Cal Khayre, Raiisal wasaare ku xigeenka X.F.S,Md, Mahdi Max'ed Guuleed (Khadar) Wasiirka wasaaradda Wasaaradda Warfaafinta Md: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo Agaasimaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md:- C/llaahi.Sh. C/raxmaan (Haybe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Masuuliyiinta Qaranka ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay'ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faanno, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse. Allaha u naxariisto marxuumka.
storvideo: 

Amaro cusub oo la dul dhigay dadka ku ganacsada...

$
0
0

Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa amaro cusub dul dhigay ganacsatada yar yar ee ku ganacsata hareeraha Isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Amarada maamulka degmada Wadajir ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah inaan Shidaal lagu iibin karin hareeraha laamiga Zoobe, inaan Qaadka lagu iibin karin dhinacyada laamiga iyo ganacsiyada yar yar ee kale.
Maamulka ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay iney u hogaansamaan amarka Maamulka ka soo baxay.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Sheekh Cumar C/laahi Xasan ayaa sheegay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe saameynta ugu badan inuu ku yeeshay dadka ganacsatada yar yar ku lahaa Isgoyska Soobe.
Waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in dadka la badbaadiyo islamarkaana laga fogeeyo sida uu sheegay Isgoysyada.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Sheekh Cumar C/llaahi Xasan ayaa sheegay in ay qorshe gaar ah u sameeyeen dadka ganacsatada yar yar ku lahaa Isgoyska Soobe marka laga raro Isgoyskaasi si uusan gaabis u galin howlahooda ganacsi.
Qaraxiika dhacay Zoobe 14-kii bishan oo ay ku dhinteen boqolaal dad ah ayaa saameynta ugu badan wuxuu ku yeeshay dadka ganacsiyada yar yar ku lahaa hareeraha laamiga, kuwaasi oo u badnaa dad danyar ah.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Qaraxii Zoobe ma halkaas ayaa looga hari doonaa?

$
0
0

Soomaaliya weli sooma marin in dad ka badan 350 qof ay hal maalin oo kaliya dhintaan. Waa dhacdo dhalisay su'aalo iyo doodo dhinacyo badan yeeshay. 50 qof ka badan ayaa weli la la'yahay. Waxaa loo tirinayaa inay dambaska ka mid noqdeen.
Su'aasha aan ilaa hadda jawaabta loo helin waxay tahay nooca qaraxan uu ka samaysnaa ee sidaa dadka u laayay. Ma qaraxyadii gudaha dalka lagu farsamayn jiray baa, mise waa wax nagu cusub oo ka tan weyn?
Gurmadka looma kala harin
Gurmad degdeg ah
Shacabku si isku mid ah ayey uga jawaabeen ayadoo aan loo eegin farqiyada siyaasadeed ama kala duwanaanshaha afkaarta. Meydadka la aasay mooyee waxaa jiray in dhaawacyada gurmad xoog leh loo fidiyey.
Dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Jabuuti, Qadar, Iimaaraadka, Kenya, Itoobiya, Maraykanka iyo Suudaan ayaa dhaawacyada intoodi darnayd loo qaaday ama soo diray dhakhaatiir iyo gargaar caafimaad.
Waxaa soo baxay dhallinyaro is abaabulay oo gurmadka qayb lixaad leh ka qaatay. Waxaa la oran karaa waxay buuxiyeen kaalintii looga baahnaa kooxaha baaritaanka iyo samatabixinta oo ugu yaraan dal walba uu leeyahay si markii ay masiibo timaado ay ula tacaalaan.Dhiillada Qaraxa
Sida aan kor ku sheegay, qaraxan oo kale weli hore uma soo marin taariikhda Soomaaliya. Dad goobjoogeyaal ah waxay sheegeen in gaariga qarxay uu sameynayey guux la moodo sidii Folkaane qarxi raba, intii uu gaarigu soo cararayey isgoysyada Banaadir iyo Soobbe dhexdooda. Dhismeyaal dhagax ka samaysan, sida Hotel Safari, ayaa gebi ahaanba ilbiriqsiyo gudahood dhulka la sinmay.
Dadka aqoonta u leh waxyaabaha qarxa waxay sheegayaan in ay u badan tahay in la kordhiyey awoodda qaraxa oo ugu yaraan la horumariyey ama lagu daray waxyaabo cusub oo waxyeellada badinaya.
Qaraxa wuxuu burburiyey dhismeyaal shub ka samaysnaa
Yaa ka dambeeyey
Madaxda dawladda Soomaaliya waxay wacad ku mareen in la soo qaban doono cid alla iyo ciddii ka dambaysay qaraxa oo aan la isaga hari doonin.
Gaarigan qarxay waxay warar aan la xaqiijinin sheegayaan in laga soo raray deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Dhamaanba koontaroolladii uu soo maray waxaa joogay ciidamo kuwa dawladda ah oo uu si fudud kaga soo gudbay. Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, marna noqday agaasime ku xigeenka hay'adda nabadsugidda Soomaaliya(NISA) oo iminka ka faallooda arrimaha amniga wuxuu sheegayaa in baabuurkan uu yahay mid la yaqaannay oo jidkaas mari jiray, qof la yaqaannana uu damiintay. Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan duruufo nololeed oo askarta ku xeeran iyo qalabkii qaraxyada lagu ogaan lahaa oo aan oollin baraha koontaroollada.
Ilo ay BBC la xiriirtay oo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in gaari kale oo isna ku qarxay xaafadda ceel qalow in yar ka dib markii uu gaariga weyn qarxay uu xiriir la lahaa, looguna tala galay in marka hore uu gaariga yar irridda bartilmaameedka qarax ku furo, si gaariga weyn uu qarax xoog leh uga gaysto.

Sida muuqata Dawladda Soomaaliya waxay samaysay baaritaan, waxayna sheegtay in ay xog hayaan, dadna loo qabtay. Ilaa hadda ma jirto tallaabo intaa dhaafsiisan.
Ma jirto cid haddii la qabtay maxkamad la soo taagay. Mana jirto xog kale oo la soo bandhigay oo ah ugu yaraan in la shaaciyo halka uu bartilmaameedku ahaa.
Cabdisalaam Yuusuf Guuleed wuxuu qabaa in qaraxaasi lagaba hortagi karay. "Anigu waan arkay farriimaha la isu dirayo oo laga digayo in gaari noocaas ah uu soo socdo. Maxaa digniintaas loo qaadan waayey waa su'aal ay tahay inay ka jawaabaan hay'adaha amniga" ayuu yiri Cabdisalaan, wuxuuna intaas raaciyey "waxaa looga hortagi karay khatartan oo kale in baabuur kasta oo noocaas ah ah laga taxadaro, la baaro, la hubiyo, ama la joojiyo".
Baarayaasha dowladda ma sheegin in la hayay sirdoon ku saabsan weerarkan.
Dhinaca kale, dalka waxaa la galiyey 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah.Dagaalka Al Shabaab
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu ka codsaday guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka inuu la hadlo xildhibaannada, hase yeeshee dib ayaa loo dhigay.
Arrinta micnaha samaysay ayaa ah in Mr Farmaajo, bacdamaa uu doonayey inuu labada aqal ee baarlamaanka u jeediyo in dalka la geliyo xaalad dagaal/degdeg ah ay ku haboon tahay inuu marka hore kala tashado oo uu meel saaro kalsoonida iyo ka raalli ahaanshaha arrintaas dalalka ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan oo cududdooda lagu tashto, markaa ka dibna uu baarlamaanka hor yimaado. Haddii uu dhanka kale ka billaabo waxaa malaha laga shakiyey in qorshuhu dhicisoobo.
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka kula hadlay garoonka K/cagta Banaadir
Inta uu madaxweyne Farmaajo socdaalka ku maqnaa waxaa isna dhinaca kale madaxda AMISOM la kulmay oo la dagaallanka Al Shabaab la soo qaaday taliyaha cusub ee milateriga Soomaaliya S/gaas C/weli Jaamac Gorod.
Sida muuqata Farmaajo qorshahaas wajigiisa hore wuu u hirgalay. Wuxuu soo maray 3 dal oo kala ah Uganda, Itoobiya, iyo Jabuuti. Dhamaantood way ku taageereen la dagaallanka Al Shabaab, sida uu madaxweynuhu sheegay. Laakinse Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ma uusan tegin, mana uusan kala hadlin barnaamijkiisa. Waa maxay sababta? Dr C/wahaab Sh. Cabdisamad oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ee Afrika wuxuu leeyahay "laba arrin ayaa macquul ah inuusan Farmaajo Kenya uu imaan. Tan hore waa Kenya oo ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, sidaa darteedna ay adkaanayso in aan wakhti ku haboon loo helin. Tan labaadna waa in uu Farmaajo ishaa-falataysi ku jiro oo uu doonayo in labada nin ee loollanku ka dhaxeeyo, Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga hadba kii soo baxa uusan cuqdad ka qaadin".

  • Yaa ka dambeeyay qarixii Soobe?
  • Qarixii Soobe ka dib "Muqdisho ma niyad jabin"
  • Qarixii Soobe: "Laba maalmood ayaa burburka ku hoos jiray"

Haddaba su'aalaha soo baxaya marka halkaas la marayo ayaa ah Al Shabaab duullaan milateri ma looga guulaysan karaa.
Haddii la sii jilciyo, ciidan rigli ah oo hogaan iyo kala dambayn iyo dishibiliin iyo talis leh oo tababar qaba oo ku qalabaysan dabaabaad iyo gawaari gaashaaman ma looga hortagi karaa dagaal is qarxin iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah? Waa kan mar kale Cabdisalaan Yuusuf Guuleed. "waa dagaal magaalo oo xeel iyo xirfad u baahan, muhiimadduse waxay tahay ma la haysan karaa? Waddooyinka la marayo ayey Al Shabaab joogaan, mana arkaysid marka uu ku dilayo mar ka horraysa. Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in caaddifad iyo 'waan aarsanaynaa' inta meel la iska dhigo oo dawladda Soomaaliya ay fariisato oo dib u qaabayn ay ku samayso ciidankeeda, qaabka dagaalkeedana ay wax ka beddesho. Taas ayaan u arkaa in lagu guulaysan karo".
Waxaa iyadana caqabad ah in jawaab laga helo madaxda dawladda oo lagu amray inaysan arrimaha xasaasiga ah warbaahinta kala hadlin.
Dadka dhaliila dawladda waxay u arkaan la dagaallanka Al Shabaab inaysan noqon arrin indhaha shacabka looga jeediyo ciddii mas'uulka ka ahayd qaraxii 14kii Oktoobar oo dawladdu sheegtay inay dad u xirxirtay. Qaraxyo iyo dilal hore ayaan laga gun gaarin markii la sheegay in guddi baaritaan loo saaray. Haddaba ma halkaas ayaa looga hari doonaa qaraxii Soobbe ee 14 Oktoobar?
storvideo: 

Rabshado hareeyey doorashada Kenya

$
0
0

Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhaceysa dalka Kenya, ayaa waxaa hareeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin.
Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ku sugnaa deegaanka Kibera ee caasimadda Nairobi, xilli ay isku dayayeen inay dhagxaan ku gooyaan goobaha codbixinta.
Rabshadaha ayaa sidoo kale ka dillaacay magaalada Kisumu, halkaasi oo tobaneeyo goobaha codbixinta ah ay xirnaayeen, islamarkaana saraakiisha doorashada la la'yahay meel ay jiraan.
Doorashada ku celiska ah ayaa timid laba bilood kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay in dib loo doorto, hase yeeshee doorashadiisa ayaa waxaa meesha ka saartay maxkamadda sare oo ku tilmaamtay sharci darro.
Si kastaba doorashada ku celiska ah ee maanta ayaa iyana qas madaxa la gashay. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay laba toddobaad ka hor, isaga oo ku eedeeyey guddiga doorashada ee IEBC inaysan wax horumar ah ka sameyn doorashada, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa inay qaadacaan.
Bayaan uu soo saaray maalin ka hor doorashada, ayuu Odinga ku ballan qaaday in isbaheysiga uu hoggaamiyo ee NASA uu isku rodgi dono "Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah" oo kasoo horjeeda doorashada.
storvideo: 

R/wasaaraha Soomaaliya oo dhiggiisa Turkiga kula...

$
0
0

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta oo khamiis ah dhiggiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Mudane Xasan Cali khayre iyo dhiggiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga, waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood. Intaasi kaddib Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre iyo Ra'iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono. Kulanka Labada Ra'iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi. Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhiggiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf ah oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya. Qado sharafta kaddib ayaa Wafdiga Ra'iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay si qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba. Dhanka [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live