Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Beelaha Birmaal Iyo Muuse Dhariyo Ee Gobolka Gabiley...

$
0
0

Beelaha Birmaal Iyo Muuse Dhariyo Ee Gobolka Gabiley Oo Taareeyo Balaadhan U Muujiyay Xisbiag Kulmiye
[embedded content]
storvideo: 


Khudbada Jumcaha Mawduuca Macaasida ka dhalanaysa...

$
0
0

Khudbada Jumcaha Mawduuca Macaasida ka dhalanaysa Ololaha Doorashada Fadiilatu Sheekh Cusmaan
Halkan guji si aad u dhagysato Khudbada Jumcaa Radadka Macaasida Ollalaha Doorashoyinka Somaliland 2017 Sheekh Cusmaan Cali Xuseen
storvideo: 

Xasan Abshir Faarax oo ka waramay taariikhdii...

$
0
0

Xasan Abshir Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladdii Kacaanka Soomaaliyeed iyo Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo marey ayaa uga waramay Warbaahinta PUNTLAND POST taariikhdii iyo halganka uu ku lahaa dalka Soomaaliya Alle ha u naxariisto General Maxamed Abshir Muuse oo maalin ka hor ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Siyaasi Xasan Abshir Faarax ayaa uga tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo Eheladda Marxuum Maxamed Abshir Geeridiisa, wuxuuna sheegay inuu ahaa General Maxamed Abshir shaqsi taariikh mug leh ku lahaa Ummadda Soomaaliyeed.
General Maxamed Abshir Muuse ayaa ahaa Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliska, Sidoo kalena ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaaliyeed oo qaata darajada Jeneralnimo.
Haddaba Daawo Wariye Abshir Dhiirane oo uu uga waramay Siyaasi Xasan Abshir Taariikhda Marxuum Maxamed Abshir Muusse.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST.
The post Xasan Abshir Faarax oo ka waramay taariikhdii General Maxamed Abshir appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Sarbeeb Siyaasadeed oo ku socota musharxiinta Wadani

$
0
0

Sarbeeb Siyaasaddeed Oo Ku Socota Murrashaxiinta Xisbiga (WADANI)10th -Oct-2017
Faysal Cali Waraabow, Murrashaxa Madax-weynaha Xisbiga WADANI maaha Bisad ama Bisad weynaatay ee waa qalab sameynaya dhaqdhaqaaq iyo cod.
Haddaba, Inkastoo aanay dareen iyo wax-fikrad ah u lahayn shaqsiyaddaada, haddana waa wax lala yaabo oo aad u cajiib ah, marka ay la wadaageyso dadka waaweyn dhinaca madadaalada iyo weheshiga.
Waa qalab sameynaya dhaqdhaqaaq iyo dhawaaq codeed, waxaana loo sameeyey maskax yar oo lagu kaydiyey barnaamijyo aad u xiiso badan, sida; Ruwaayaddo, sheekooyin, khudbado iyo dhacdooyinka aflaanta muuqaal arraga oo kale, isla markaana qalabkaas waxa uu jilayaa hadba dabeecadaha nooca uu u eeg-yahay xayawaanada dab-joogta ah.
Ka fikirka hindisaha qalabkan cusub iyo sameyntiisa waxa ka shiray saynisyahano kala duwan, ka dib markii aqoonyahano ku taxa-luqa daryeelka caafimaadka iyo daaweynta xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn ay u gudbiyeen saynisyahanadaas, war-bixino cilmi-baadhiseed oo ay ku ogaadeen in xayawaanada nool ee dab joogta ah ay ka waxtar-badan karto sameynta manoole dab joog ah, xaywaanadaas oo inta badan lajoogitaankooda dadka waaweyn lagula tacaali jiray in lagu dabiibo nooc ka mid ah xanuunada ku yimaada dadka da'doodu weynaato ee afka-qalaad loo yaqaano, (Amnesia).
Waxa kale oo war-bixinta cilmi baadhiseed si faahfaahsan loogu cadeeyey kala duwanaanshaha waxtarka xayawaanadda noolaha iyo manoolaha dab-joogta ah ay leeyihiin, taasoo ay ku macneeyeen in xayawaanadda noolaha dab joogta ahi leeyihiin dabeecado kala gadisan iyo qorsheyaal la xidhiidha hab nololeedkooda, waana kuwo leh xilliyo ay seexdaan, ciyaaraan, nastaan, mararka qaarkoodna waxay u baahdaan cunto iyo biyo ay cabaan, taasina waxay caqabad ku noqotay dabiibkii ay ka heli lahaayeen dadka da'doodu waynaato, waxaanay arrintaas ku sababeeyeen inay u baahdeen agjoogida xayawaankaasi in aanu mar qudhaata ka ag-maqnaan oo aanu ka ag-tagin.Khubaradan ku takhakhusay cilmiga sayniska ayaa markii danbe ku guulaystay inay sameeyaan manoole dab-joog ah oo leh, hadba dabeecadaha nooca xayawaanka dab-jooga ah ee ay u eegyihiin, sida;- Bisaddaha, bakaylaha, Fardaha, Sakaaradda, Daayeero, IWM.
Qalabkan manoolaha dab-jooga ahi waxa uu wax-weyn ka taray oo ku caafimaaday dad badan oo la ildarnaa nooc ka mid ah xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn ee la yidhaahdo xusuusla'aanta, ee afka-qalaadna loogu yeedho, Amnesia.
Mana jirto illaa iyo hadda daaweyn u gaar ah oo lagu daweeyo xusuus la'aanta, balse waxa lagula tacaalaa farsamooyin macquul ah oo ku salaysan waxyaabihii ay caanka ku ahaayeen wax u eeg iyo habab kale oo cilmiyaysan, taasoo usoo celisa xusuusashada dhacdooyinkii hore, keydinta xogaha cusub ee habka kaydinta xog-ururineed ee maskaxda.
Noocyada kala duwan ee xusuusla'aanta ee afka qalaad lagu yidhaahdo "Amnestic Disorders " waxa inta badan sababa dhaawac soo gaadhay qaybo ka mid ah kaydka xog-ururineed ee maskaxda, mana aha oo kaliyaata xusuustii oo mararka qaarkood kaa lunta, laakiin waa mid joogta ah, taasoo lala xidhiidhiyo kaydkii xog ururineed oo lumay, isla markaana, uu abuuri kari waayo inuu sameeyo keyd-cusub oo xog ururineed ama uu awoodi kari waayo inuu barto wararka cusub kala saaristooda.
Xusuusla'aantan waxa la moodaa in loola jeedo mid ka mid ah khasaaraha soo gaadha xusuusta, laakiise, sida ay xaqiiqadu tahay dhinaca xogaha iyo waayo-aragnimada, kuma keento wax khasaaro ah guud ahaan nolosha dhabta ah ee dhinaca aqoonta gaarka u ah, haddana waxa badanaaba ku adkaata inuu si cad uu wax u fahmo, ama ay ku adkaato barashada wararka cusub iyo abuuridda xusuuso hor leh oo cusub.
Inakastoo nooc ka mid ah xusuus la'aanta afka-qalaad lagu yidhaahdo " anterograde amnesia" lala xidhiidhiyo inay ku adkaato xusuusashada khibradihii iyo dhacdooyinkii dhacay ee la soo dhaafay, isla markaana, xaqiiqada dhabta ah ee mudadaasi ka soo barteen inuu ka warbixiyo, kana hadlo xogihii hore, waxa kale oo ay ku keentaa feejignaan la'aan iyo inuu ixtiraami waayo wakhtiga mudada u dhaxaysa, taas macnaheedu waxa weeyaan ma awoodi karaan inay kuu sheegaan haddii aad weydiiso maanta todobaadka halkay kagaga jirtaa.
Maxamed Faarax Qoti
storvideo: 

Dhacdo Cajiiba Wiil da’ayr oo hal mar wada aroosay ...

$
0
0

Dhacdo Cajiiba Wiil da'ayr oo hal mar wada aroosay Laba Dumara Gabiley
[embedded content]
storvideo: 

Kenya: Maxaa xigi doona doorashada ka dib?

$
0
0

Doorashada isku celiska ah ee madaxtinimada Kenya ayaa la qabtay, laakin ifafaalaha durba soo muuqanaya ayaa ah in tirada dadka u soo baxay ay aad uga yar tahay codbixintii hore ee ay baabi'isay maxkamadda sare.
Sharci ahaanshaha doorashadan ayaa su'aal laga keenay ka hor intii aysanba billaaban codaynta, laakin haddii 46%-ka u codaysay mucaaradka markii u dambaysay aysan u soo bixin doorashada, qaabka ay wax u socdaan oo dhan ayaa noqonaya mid la halleeyey.
Kisumu, sida qaybo kale oo ka mid ah galbeedka Kenya, waxaa xoog ku leh mucaaradka, codad dhowr ah - haddiiba la dhiibtay - ayaana halkaasi laga riday.
Sarkaalka guddiga doorashada ee jooga halka loogu tala galay in codadka lagu tiriyo ee bartamaha Kisumu, wuxuu u muuqday sidii qof meel cidlo ah jooga.
Isaga iyo laba sarkaal oo kale oo guddiga ka tirsan , oo qayb ka ah 400 oo shaqaale oo doorashada maamuli lahaa, ayaa soo shaqo tegey.
Sanaadiiqdii cod bixinta ayaan la keenin ilaa 7-dii subaxnimo.
Inkastoo 3 sarkaal oo ka tirsan IEBC ay dhabarka u riteen inay qalabkii codbixinta dul saaraan sanduuq kasta, haddana ma jirin cid u qaadda xarumaha codbixinta ama muraaqibaysa doorashada.
Xitaa haddii ay jireenna, waxay u badan tahay in aan loo ogolaadeen inay galaan dhismayaal kala duwan oo magaalada ku yaalla oo codaynta loogu tala agalay.
Sababtu waxay ahayd cabsi gelin
Darawallada gaadiidka xamuulka ma doonayaan inay khatar isku galiyaan qaaditaanka sanaadiiqda ama warqadaha codaynta, bacdamaa dhallinyaro jirri (mooryaan) ah ay waddooyinka meeraysanayaan, ayagoo u hanjabaya cid walba oo lala xiriiriyo inay isku daydo in codbixintu dhacdo.
Waddooyinka waaweyn ee Kisumu waxaa xiray dhagxan iyo taayarro gubanaya oo ay ag joogaan dhallinyaro ulo sita.
Waxay ku qaylinayeen ereyo ka dhan ah Kenyatta, waxayna ka ashtakoonayeen in boolisku ay rasaas nool-nool iyo gaaska illinta keena ku rideen.
Maalintii oo dhan waxaa is eryanayey ayaga iyo ciidanka amniga; dhagxan iyo fargan dhinac ah iyo gaaska illinta keena iyo mararka qaar rasaas kor loo ridayo oo dhinaca kale ah ayaa socday.
Laakin waxaa jiray dhaawacyo badan oo rasaaseed, ugu yaraanna hal qof ayaa la dilay.
George Odhiambo oo 19 jir ah ayaa isbitaalka la geeyey isagoo lug ka dhaawacnaa, wuxuuna geeriyooday markii uu dhiig badan ka baxay.
Markii maxkamadda sare ee Kenya ay baabi'isay doorashadii madaxtinimada bishii Agoosto, waxaa go'aankaas loo arkay guul u soo hoyatay madax banaannida garsoorka, iyo dimoqaraadiyaddii Afrika oo shaqaysay.
Labadaba waxay la hungoobeen dhacdooyinkii ka horreeyey codbixinta.
Rasaas
Maxkamadaha waxaa mashquuliyey sidii ay ula tacaali lahaayeen eedaha iyo eedaha ku liddiga ah, laakin laba arrimood ayaa ka soo muuqanaya doorashada labaad, kuwaasoo shidaal u noqonaya sheegashada inay qayrul-sharci tahay.
Midda hore waa rasaas badan oo dhaawac ba'an gaarsiisay waardiyihii ku xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare, laba habeen ka hor doorashada.
Tan labaadna waxay tahay in xaakimiinta maxkamadda sare aysan doonayn inay shaqo tagaan.
Waxa weeye mid aan la yaab lahayn in gabadha qaaddiga ah, Philomena Mwilu, aysan maxkamadda imaan subixii ku xigay markii gaarigeeda rasaas lala dhacay.
Nasiib wanaag, wakhtigaas gaariga ma aysan saarnayn.
Waxaa si cad loogu fasirtay in khatar aad u ba'an ay nafteeda gashay - isku day cad oo la doonayey in lagu baqdin galiyo xaakimka labaad ee ugu sarreeya dalka. Wayna shaqaysay.
Guddoomiyaha maxkamadda sare, David Maraga, wuxuu raalli galin siiyey dhinacyadii isu yimid ee doonayey in maxkamaddu joojiso dib u qabashada doorashada madaxweynenimada, ka hor maalinta codaynta.
Ma aysan awoodin inay kiiska dhagaystaan sida uu sheegay, maadaama tiradii lagu fariisan lahaa aysan dhammayn.
Shan ka mid ah todobada xaakim ee maxkamadda ayaa loo baahan yahay inay joogaan, si go'aanka la gaaro uu u noqdo mid meel mara, laakin laba kaliya ayaa maalintaas soo xaadiray.
Philomena Mwilu suurtogalba uma ahayn inay maxkamadda timaado"dhacadadii qabsatay habeenkii ka horraysay darteed" ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare.
Xaakim Maxamed Ibraahim in muddo ah ayuu xanuunsanayey, dalkana wuu ka maqan yahay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gabadhja xaakimka ah, Njoki Ndung'u "suurtogal uma ahayn inay dib ugu soo duusho Nairobi wakhtigii loo baahnaa" xaakimiinta Ojwang iyo Wanjala-na "uma suurtogalin inay maxkamadda yimaadaan" ayuu yiri isagoo aan wax sharraxaad ah bixin.
'Way adag tahay in la damaanad qaado'
Maxkamadda ugu sarraysa dalka - oo haysata fursad ay xukun uga gaarto iska hor imaanshaha sharciga doorashada, dastuurka, iyo tafsiirka kala duwan ee laga bixiyo - gadaal ayey u degtay, waxayna ogolaatay in doorashadu dhacdo ayadoo aan dood kale la galin.
Kiiska waa la hakiyey - shaki kuma jiro in dib loo eegi doono, laakin waa goor dambe.
Ka dib markii kalsoonidii lagu qabay IEBC ay shaki galisay guul darraysigoodii markii hore, ayey u eg tahay inaysan u badnayn in tiro badan oo dad dad ah ay aqbali doonaan natiijada doorashadan ku celiska ah.
Todobaadkii hore ayey ahayd markii guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu yiri "way adag tahay in la damaanad qaado "doorasho xor iyo xaq ah oo la isku hallayn karo".
Laakinse, sidaas oo ay tahay wuxuu ku dhawaaqay in doorashadu dhici doonto "taasoo ku salaysan ballanqaadka guddiga la siiyey" ee amniga iyo horumarka la sameeyey ee lagu xaqiijiyey in codayntu noqonayso xor iyo xaq.
Meelo badan oo dalka ah way ka dhacday - shaki ma lahayn oo meelaha uu xoogga ku leeyahay xisbiga talada haya codad badan ayaa la diiwaan galiyey, laakin si guud marka loo fiiriyo, tiraduaad bay u hoosaysay.
Tirada yar ee soo baxday, ayaa dhinaca kalena waxaa sare u sii kacaya codka mucaaradka.
Ayadoo meelaha mucaaradka ay ku xooggan yihiin aan la doonayn in laga codeeyo, iyo sida muuqata oo laga hor istaagayo dadka kale inay sidaa yeelaan, ayaa Kenya waxay ka dhigaysaa mid hubaal la'aan ku jirta.
storvideo: 

Israa'iil oo nin Carab ah ku maamuustay abaalmarinta ugu sarraysa

$
0
0

Qofkii u horreeyay ee Carab ah ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay Israa'iil bixiso, isaga oo ku mutaystay in uu badbaadiyay Yuhuud intii uu socday xasuuqii Holocaust ee Nazi-ga.

Israa'iil oo nin Carab ah ku maamuustay...

$
0
0

Qofkii u horreeyay ee Carab ah ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay Israa'iil bixiso, isaga oo ku mutaystay in uu badbaadiyay Yuhuud intii uu socday xasuuqii Holocaust ee Nazi-ga.
Maxamed Helmy oo dakhtar reer Masar ah ayaa qariyay haweenay Yuhuudad ah caawiyayna qoyskeeda oo Baarliin ku noolaa, halkaas oo uu ku noolaa kana shaqeeyay dagaakii labaad ee adduunka ka hor.
Dadkii ka farcamay Dr Maxamed oo dhintay 1982 ayaa la gudoonsiiyay abaalmarintan oo xalfadeeda lagu qabtay magaalada Baarliin.
Dad lagu qiyaasay 70 ruux oo Muslimiin ah ayaa ka mid ah 26,500 oo ruux oo aan Yuhuud ahayn oo ay Israa'iil u aqoonsatay badbaadiyeyaal.
Maxamed Helmy ayaa Baarliin dagay 1922 halkaas oo uu ku bartay dakhtarnimo kana shaqeeyay isbitaal ku yaalla.
Isaga laftirkiisa ayaa cunsurinimo la kulmay markii ay Nazi-yiintu talinayeen, shaqadiisa ayuu waayay, labo jeer ayaana la xiray.
Markii ay sare u sii kacday waxyeelooyinkii Yuhuudda loogu gaysanayay Jermalka ayuu Dr Maxamed qariyay Anna Boros oo ahayd 21 jir bukaankiisa ka mid ahayd.
Wuxuu maareeyay in uu ka qariyo booliiska dharcadda ah oo uu hoy siiyo, wuxuuna caawiyay hooyadeed, ninka hooyadeed qabay iyo ayaydeed tan iyo intii uu dagaalku ka dhamaanayay 1945tii.
Waa dambe ayay qortay Anna Boros "Dr Maxamed waxyaabo badan ayuu ii qabtay isaga oo ay ka tahay naxariis qalbigiisa ka soo go'day, waligayna abaal ayaan uga hayn doonaa."
Dr Maxamed waxaa aqoonsadau Yad Vashem oo ah meel qaran oo Israa'iil ay ku xasuusato xasuuqii Holocaust, sannadkii 2013kii.
Abaalmarintiisana waxaa la gudoonsiiyay Nasser Kotby oo uu waalid labaad u yahay oo isaguna dakhtar ka ah safaaradda Israa'iil ee Baarliin.
Gabadh ay dhashay Anna Boros ayaa iyadana ka timid magaalada New York si ay u maamuusto xalfadda loo qabtay.
storvideo: 


Daawo: Xisbiga Ucid Oo maanta Ololihiisii Doorashada...

$
0
0

Daawo: Xisbiga Ucid Oo maanta Ololihiisii Doorashada u badalay In ay Sadaqo Bixiyaan Kuna Wareejiyey $ 5000 Oo Ka dhinaa Goglida Masaajid ka mid ah Masaajidada Magaalada Boorama
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Beesha Jibriil Tuurawaa Oo Sheegtay in ay...

$
0
0

Daawo: Beesha Jibriil Tuurawaa Oo Sheegtay in ay Guud ahaanba ku biireen Xisbiga Kulmiye Sheegeena in ay Codka u hibaynayaan Muuse Biixi
[embedded content]
storvideo: 

Israa’iil oo nin Carab ah ku maamuustay abaalmarinta...

$
0
0

Maxamed Helmy (bidix) ayaa badbaadiyay qaraabada Carla Greenspan (oo midig ka muuqata)
Qofkii u horreeyay ee Carab ah ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay Israa'iil bixiso, isaga oo ku mutaystay in uu badbaadiyay Yuhuud intii uu socday xasuuqii Holocaust ee Nazi-ga.
Maxamed Helmy oo dakhtar reer Masar ah ayaa qariyay haweenay Yuhuudad ah caawiyayna qoyskeeda oo Baarliin ku noolaa, halkaas oo uu ku noolaa kana shaqeeyay dagaakii labaad ee adduunka ka hor.
Dadkii ka farcamay Dr Maxamed oo dhintay 1982 ayaa la gudoonsiiyay abaalmarintan oo xalfadeeda lagu qabtay magaalada Baarliin.
Dad lagu qiyaasay 70 ruux oo Muslimiin ah ayaa ka mid ah 26,500 oo ruux oo aan Yuhuud ahayn oo ay Israa'iil u aqoonsatay badbaadiyeyaal.
Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @JIssacharoff
Maxamed Helmy ayaa Baarliin dagay 1922 halkaas oo uu ku bartay dakhtarnimo kana shaqeeyay isbitaal ku yaalla.
Isaga laftirkiisa ayaa cunsurinimo la kulmay markii ay Nazi-yiintu talinayeen, shaqadiisa ayuu waayay, labo jeer ayaana la xiray.
Markii ay sare u sii kacday waxyeelooyinkii Yuhuudda loogu gaysanayay Jermalka ayuu Dr Maxamed qariyay Anna Boros oo ahayd 21 jir bukaankiisa ka mid ahayd.
Wuxuu maareeyay in uu ka qariyo booliiska dharcadda ah oo uu hoy siiyo, wuxuuna caawiyay hooyadeed, ninka hooyadeed qabay iyo ayaydeed tan iyo intii uu dagaalku ka dhamaanayay 1945tii.
Waa dambe ayay qortay Anna Boros "Dr Maxamed waxyaabo badan ayuu ii qabtay isaga oo ay ka tahay naxariis qalbigiisa ka soo go'day, waligayna abaal ayaan uga hayn doonaa."
Dr Maxamed waxaa aqoonsadau Yad Vashem oo ah meel qaran oo Israa'iil ay ku xasuusato xasuuqii Holocaust, sannadkii 2013kii.
Abaalmarintiisana waxaa la gudoonsiiyay Nasser Kotby oo uu waalid labaad u yahay oo isaguna dakhtar ka ah safaaradda Israa'iil ee Baarliin.
Gabadh ay dhashay Anna Boros ayaa iyadana ka timid magaalada New York si ay u maamuusto xalfadda loo qabtay.
storvideo: 

Xaaf oo Berri kusoo wajahan Muqdisho iyo isku soo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu dambeyntii go'aansaday inuu Berri usoo duulo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si uu uga qeybgalo shirka uu madaxweynaha Soomaaliya iclaamiyey inay yeelaan doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe kadib Khilaaf soo if baxay.
Madaxweynaha Galmudug oo markii hore shaki weyn la gelinayey inuu ka qeybgalayo shirkaas ayaa ugu dambeyntii go'aan ku gaaray inuu kasoo qeybgalo kulankaas kadib markii ay isla hadleyn Dowladda Soomaaliya.
Madaweyne Xaaf ayaa maalin ka hor soo saaray warbixin xasaasi aheyd oo ku saabsaneyd inay dowladda Soomaaliya Magaalada Cadaado ka wado ololo cusub oo lagu doonayo in xilka looga qaado.
Xaaf ayaa xusay inaysan is qaadan karin inay dowladda dhexe shir ugu yeerto madaxda Maamul Goboleedyada iyo inay faragelin kusoo heyso Maamulkiisa.
Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo ololihii ugu weynaa oo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo Madaxweynaha Galmudug oo berri kasoo dagi doono garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso in la diyaariyey ku dhawaad 8 Kun oo qof kuwaas oo soo xiran doono Funaanado ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay kamid tahay (Galmudug faragelinta halaga daayo) (Xaaf Waa Madaxweynaha Sharciga ah ee Galmudug).
Isku soo baxaan lagu soo dhaweenayo Madaxweynaha Galmudug ayaa kasoo bilaaban doono gudaha Magaalada, iyadoo ugu dambeyn la isugu tagi doono garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde halkaas oo uu Madaxweynaha kula hadli doono dadka isku soo baxay.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeyb geli doono Shirka Berri ka furmayo Muqdisho kaasoo ay yeelan doonaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu shirka dib ugu dhacay Maalinta Axadda ah.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Siyaarada Sheekh Yuusuf oo lagu qabtay Xeraale

$
0
0

Maamulka Xeraale iyo Wasiiro ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay siyaaradii Sheekh Yuusuf oo sanadkaan lagu dhigay magaalada Xeraale. Sanad waliba waqtigan oo kale ayaa la xasusaa Sheekha, waxaana uu ku aasan yahay tuulada Huurshe oo ka mid ah deegaanada ku yaala waqooyiga Gobolka Galgaduud, ammaanka guud ee magaalada Xeraale iyo deegaanada ku dhaw ayaa aad loo adkeeyay si loo ilaaliyo Nabadgelyada goobta siyaarada iyo marti sharaf kala duwan oo u yimid magaalada ka qayb galka Xuska siyaarada Sheekh Yuusuf oo kamid ahaa (AUN) Mashaa'ikhda culimada Soomaaliyeed. Sanadkan waxaa dadka degan Xeraale ay ku siyaaranayaan sheekhooda goobta oo ah gudaha magaalada Xeraale waxaana sabata kaliftay in lagu dhigo xeraale oo aan la tagin goobtii hore ee Huurshe ka hadlay Gudoomiyaha magaalada Xeraale Bashiir Daahir Yaasiin oo tilmaamay in xaruntii hore ee Sheekh ay iminka ku suganyihiin dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxaana u guddoomiyaha bulshada ka dalbaday inay sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Sheekh Maxamed Sheekh Cabinaasir Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Awlaaddii Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Maxamed Maxamuud iyo Nabadoon Cabdulle Macalin Ibraahin ayaa uga mahadceliyay dadka soo qayb galay siyaarada Sheekha. Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada Mahad Maxamuud Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo [...]
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo la filayo berito inuu u...

$
0
0

Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uga qeybgalaan magaalada Muqdisho shirka uga furmi doona madaxda maamulladda dalka iyo Dowladda Federalka Somalia ka dib wada hadalo uu ku baaqay todobaadkii horre Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ajandaha shirka looga hadlayo ayaa ku saabsan xal u helida khilaafka maamulladda dalka oo isku dhinac ah iyo Dowladda Federalka Soomaaliya oo bilihii u dambeeyay ku kala aragti duwanaa arrimo ay ka mid yihiin , Faragalin lagu eedeeyay Dowlada Federalka inay ku hayso khilaafka ka dhexjira Galmudug, Muranka Dowladaha Khaliijka,Xeerar la xiriira dastuurta dalka iyo Hanaanka dhismaha Ciidamo Qaran.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa).
Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirkaan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf) oo maalmo ka hor warbaahinta u xaqiijiyay inuu caasumaad ka helay Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.Kala soco PUNTLAND POST faahfaahinta.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo la filayo berito inuu u socdaalo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Qabanqaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Xaaf oo ka...

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qabanqaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale (XAAF) oo la filayo inuu gaaro maalinta beri ah si uu uga qeybgalo shirka dhexmaraya Madaxweynayaasha maamulladda dalka iyo Madaxweyne FARMAAJO.
Kumanaan qof oo taageersan ayaa isu diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweyne XAAF kuwaas oo warar madax banaan sheegayaan inay sitaan dhar iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyo ay ku qoran yihiin (Galmudug faragelinta halaga daayo iyo Xaaf waa halyeey".
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa horey ugu eedeeyay Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya inay faragalin iyo burburin ku hayaan maamulka Galmudug, ka dib markii uu taageeray go,aankii maamulladda kale ku garab istaageen Xulufadda Dowladda Sucuudigu hogaaminayso ee ku aadan muranka u dhaxeeya Dowladdaha Gacanka Carbeed.Kala soco Faahfaahinta PUNTLAND POST.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Qabanqaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Xaaf oo ka socota Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Caruur ku dhacday Biyo Dageen ku taalla Degmada Xamar Jajab.

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Sida  Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad deegaanka ah  Caruur Yar Yar ayaa ku dhacay Biyo Galeen ku yaalla Buurta Afisyooni ee degmada Xamar Jajab.
Illaa 2 caruur ah ayaa la sheegay in illaa iyo iminka la la’yahay, arrintaan ayaana ka dambeysay kadib markii meeshaas biyo galeenka ah  dhawaan Ciidan laga gurtay taas oo sababtay in Hadaan Biyo Galeen ah noqoto.
Wararka ayaa intaas ku daraya in haatan ay socdaan dadaallo Biyaha halkaas looga  bixinayo si Raq iyo Ruux loogu helo Caruurtaasi lala’yahay.
Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com.
The post Caruur ku dhacday Biyo Dageen ku taalla Degmada Xamar Jajab. appeared first on Shabelle.

Caruur ku dhacday Biyo Dageen ku taalla Degmada...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Sida Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad deegaanka ah Caruur Yar Yar ayaa ku dhacay Biyo Galeen ku yaalla Buurta Afisyooni ee degmada Xamar Jajab.
Illaa 2 caruur ah ayaa la sheegay in illaa iyo iminka la la'yahay, arrintaan ayaana ka dambeysay kadib markii meeshaas biyo galeenka ah dhawaan Ciidan laga gurtay taas oo sababtay in Hadaan Biyo Galeen ah noqoto.
Wararka ayaa intaas ku daraya in haatan ay socdaan dadaallo Biyaha halkaas looga bixinayo si Raq iyo Ruux loogu helo Caruurtaasi lala'yahay.
Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com.
storvideo: 

Dhageyso: Thaabit ”Hal wado ayay isticmaali doonaan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo weliba sida uu maamulka Banaadir ka yeelayo gaadiidka waaweyn.
Duqa magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarbuunka iyo weliba jidcadayaasha kale ee xiran.
Waxa uu qiray in ay jiraan Wadooyinkaas xiran isaga oo tusaalo u soo qaatay Wadada Tarabuunka iyo kuwo kale oo muhiim ah oo ay degan yihiin Safaarado balse qorshuhu yahay sida uu sheegay in dib loo furo.
Dhan kale waxa uu Gudoomiye Thaabit ka hadlay xadeynta Gawaarida nooca xamuulka qaada ee Habeen iyo Maalin mara Wadooyinka Muqdisho, iyo cabsida Shacabka kaga timid tan iyo wixii ka dambeeyay markii 14 Bishaan Gaari Weyn uu ku qarxay Isgoyska Zoobe kaas oo dhaliyay khasaaro badan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gawaaridaas loo sameyn doono Wadooyin gooni ah oo ay isticmaali doonaan sida uu hadalka u dhigay.http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/10/Cod-Thaabit-.mp3
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo sheegay in dib loo...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarabuunka iyo weliba jidcadayaasha kale ee xiran, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan qorshayaal ku aadan sida uu maamulka Gobolka Banaadir ka yeelayo gaadiidka waaweyn ee dhex mara magaalada. Guddoomiyaha oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayuu ku sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee xiran magaalada. "Wadooyinka sababta loo xirey waa arrimo amni, balse mar walba waxa uu maamulka Gobolka ka shaqeynayaan danaha shacabka ay u shaqeeyaan."ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho. Mar uu Guddoomiyaha ka hadlayay gawaarida xamuulka qaada ayuu sheegay Guddoomiye Taabit inay ku qorsheynayaan in waddo kaliya loo yeelo gawaarida xamuulka qaada, taasoo ay haatan wada qorsheynayaan iskaashatooyinka gaadiidka iyo weliba ciidamada taraafikada. Guddoomiye Taabit ayaa tilmaamay in aysan suuragal aheyn in dekadda ay qaabisho gawaari badan, sidaasi darteedan gaadiidka Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan noqday [...]
storvideo: 

Madaxweynaha Uganda oo soo bandhigay tirada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in Somalia ay u dirto ciidamo dheeri ah oo ka qeybqaata amaanka Somalia.
Museveni, oo Xafiiskiisa ku qaabilay Khubaro dhanka Militery oo ka socda dowlada Mareykanka ayaa sheegay in qorshaha Ugandha uu yahay in 5,000 oo askari uu u diro Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwo khibrad fog u leh la dagaalanka argagixisada oo uu ula jeedo Alshabaab iyo wixii lamid ah, waxa uuna rajo ka muujiyay in Somalia ay ka dhigi doonaan dhul nabdoon.
Yoweri Kaguta Museveni, ayaa khubarada u sheegay in ciidamadaasi ay doonayaan xuquuq iyo agab Militery oo hubaal ah, si ay usoo afjaraan Alshabaab.
Waxa uu Yoweri Kaguta Museveni khubaradaasi ka dalbaday in ciidamadaasi ay doonayaan qalab suurtogelinaya in ay awood u yeesheen inay weeraro qaadaan sida diyaaradaha helicopterska.
Ugandha ayaa Madaxweynaha Somalia u ballanqaaday inay la garab istaagayaan ciidamo cusub oo Alshabaab ka saara Goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, waxaana suuragal ah in ciidamadaani uu sheegay Musavani ay yihiin kuwa ballanqaadka uu ku dhacay.
Dhinaca kale, Uganda ayaa ciidamo gaaraya lix kun oo askar waxa ay ka joogaan Soomaaliya waana ciidamada ugu badan ee ka socda wadamada Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live