Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

CADAWGII SOOMAALIYEED OO KA NAXAY SADEX IS RAACDAY...

$
0
0

Maanta ciidan baa inoo dhisan,waxaa ciidamadeenii dibadaha loo qaadi jiray hada lagu tababarayaa xeryo ku yaal dhulkeena iyo caasimadeena MOGDISHO. waa guul iyo faraxad iyo hormar.waxaa inaga hada dhib inagu haya oo dawlad nimadeena iyo jiritaankeena diidan waa shabaab iyo shaydaamo waa ibliis iyo ehelu naaro. waa dayuus iyo dawlad diid.
Heer waxay gaareen ayba boqaal boqolaal inoo laayaan oo inoo xasuuqaan oo ina dabar jaraan cadawgaasi.maxaaba laga hadlaa dal iyo dawlad dadkiiba la dhameeye? dhanka kale waxaa maanta guul inoo ah sadex mugdi shaydaan kala gashay oo maanta gacmaha is qabsatay oo mid ah kuwas oo ku midoobay danta dalka diinta iyo dadka waa kuwee kuwaasi?
1.DAWLADA DHEXE EE FADARAALKA
2.DAWLAD GOBOLEED YADA KA MID KA AH FADARAALKA
3.SHACABKA SOOMAALIYEED GUUD AHAANTII
Maanta dawladeenii dhexe oo ah hogaanka u sareeya dalkeena iyo garbihii ay ku duulaysay oo ah dawlad goboleedyada iyo shacabkii labadoodada xanbaarsanaa oo xooga u ahaa ayaa is qabsaday garbaha oo dantii umada soomaaliyeed gartay.Maanta waxaa la arkay yeey sumaysan oo dad iyo duunyaba xaaqaysa oo aan bad baadinaynin nafkastoo dhaqaaqda oo soomaaliyeed!! waxaa la arkay cadawad fog iyo isirka soomaaliyeed oo la doonayo in la tirtiro kadibna dalka la dhaxlo oo shisheeye qaato dalkeena afka inoo soo duubtay.
Kolmaanta hadii ay sadexdaani is raacday cid hor istaagi kartaa majirto,xoog waa haynaa,aqoon waa haynaa,lacag waa haynaa,waa jiraynaa soomaaliyana dawlad nimadeedu waa hirgashay cadawgeediina waa jabay.waxaynu nahay isku diin,waxaynu nahay isku diir,waxaynu nahay isku dad,hal afbaan leenahay,hal dal baan leenahay,hal madax wayne ayaan leenahay,hal caasimad ayaan leenahay,nalama qabsan karo dhulkayagana lama dhaxli karo cadawgu ha ogaado taas. waxaanu nahay DAWLAD DOON waxaanu nahay SOOMAALI ma nihin qabiil isku mid baa nahay. waxaa nagu filan yaa tahay? SOOMAALI diintaaduna waa maxay? ISLAAM oo maxaa tahay? MUSLIM SUNI AH.intaas ayaa nagu filan.
Waxaan rabnaa DAWLAD NIMO waxaan rabnaa nabad iyo nolol waxaan rabnaa soomaaliya oo xoogleh aqoon leh dhaqaalo leh oo hal ah.in caruurta soomaaliyeed magacyo loo kala bix bixiyo oo nala kala qaybiyo oo nala adoon sado yeeli mayno.gumadka dad kayaga oo danbe yeeli mayno. dawladiid dooni mayno, gafuur duub dooni mayno, habarti dili dooni mayno, ehlu naar dooni mayno, xaaran quute dooni mayno, dalka iibsade dooni mayno,cigaaleey uus buuran dooni mayno, Turki walaalkeen diidi mayno, dawladeena diidimayno, danta guud diidi mayno, dafaaca dalka diidi mayno,istaa kulaynta diidi mayno.khaadin carbeed dooni mayno,khiyaamo qaran dooni mayno,diin laawe doonimayno, dumar haleeye dooni mayno maato dooxe dooni mayno,ibliis walaalkii dooni mayno,shaydaan adoogiis dooni mayno,dalka beeciye dooni mayno,dhuuni qaate dooni mayno baladkoo dhan madaxwaynayaal dooni mayno,anaa mudan dooni mayno,aniga aniga aniga dooni mayno,xaw xawle xayihiin,xawyahay, xeeytahay dooni mayno,looma dhama dooni mayno, gooni isu taag dooni mayno,cawo iyo maalin citiraaf buufis dooni mayno,fadaraal ku diin garoowe wan iyo tuu ku wardiye dooni mayno,dalkeeno mida diidimayno,fadaraal na sima diidi mayno,dastuur naga dhexeeya diidimayno,cadaalad iyo sinaan diidi mayno,kala go ka bood midnimo kumintid diidi mayno,xaqa walaalkaa ilaali diidimayno soomaali waa hal diidimayno.
Alxamdu lillaah ilaahoow adaa dadkii soomaaliyeed mideeyay oo garan siiay dantooda oo tusay cadawgooda oo ay maanta hal meel uuga soo wada jeedaan.Alxamdu lillaah ilaahoow waa mahadaa ilaahoow waa mahadaa ilaahoow waa mahadaa waa xoroownay.
storvideo: 


Amin Caamir imisa lacag ah ayaa Sawirkan lagu siiyey?

$
0
0

28th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

[embedded content]
Amiir Caamir oo labaatankii sawir ee ugu danbeeyey ee uu sameeyey, tobon ka mid ah uu lacag kaga qaatay mooryaanta inuu aflagaadeeyooo uu sawir xun ka bixiyo Ra'isawasarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta soo bandhigay sawir uu lacag ku qaatay kuna amaanyo Muuse Biixi.
Hadba waa kuma Muuse Biixiga uu Amiin Caamir lacagta kaga qaatay inuu sawir qurxoon ka sameeyo
Muuse Biixi waa hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye, oo u ololeenaya inay Soomaali inteeda kale ka go'aan. Maalintii shalay oo bishu ahayd October 26, 2017, Muuse Biixi wuxuu amaray dad ugu mudaharadayey midnimada Soomaaliya degmada Badhan ee Gobolka Sanaag in la xabadeeyo. Sideed qof oo Caruur iyo waayeel ah ayaa ku dhaawacmay.
[embedded content]
Marka labaad Muuse Biixi, waa danbiile dagaal waa dagaal ooge, Beesha uu ka soo jeedo intooda badan ayaa qirtay inuu Dumar iyo Caruurku xasuugay gobolka Awdal waqtigii uu madaxda ka ahaa jabhaddii SNM
Marka sadexaad maalintii uu dilayey dadka laga tirada badan yahay, oo umaddii caqliga qabtaa ay ku lahayd war Muusoow umadda Islaamka ah sida ka daa oo duco qaado. Jawaabtiisii waxay noqotay " Aniga oo wax dili kara duca qaadan maayo.
Ugu danbayntii Amin Caamir haddii aad garan wayday macnaha midnimada Soomaaliya oo aad la safatay kuwii dalka Soomaaliya kala g'oynay, shaqona aad ka dhigatay inaad lacag ku qaadato aflagaadada Cumar Cabdirashiid, Waxaan ku xasuusimayaa maalintii awoowahaa Baaniyaal Bajiyaha iyo Sambuuska Xamar weyne ku gadayey, Cali Sharmaarke kuwa aad amaanayso awoowayaashood ayuu u talinayey . Maalintii Caamir jidka Marwaas dharka ku tolayey Cabdirashiid Cali sharmaarke Soomaaliya ayuu madaxweyne ka ahaa. maanta Amin Caamir 'adiga' OO maanta Mooryaanta Muuse BIIXI iyo Mahad Salaad jeebkooda u jeedo isagu ' Cumar Soomaaliya labo mar ayuu Soomaaliya ra'isawsaare ka soo noqday" .Hal maalina laguma soo eedayn dad uu dilay iyo beel u aflagaadeeyey
Post navigation
- Reer Maakhir ayaan garanayaa. Shacabkii Badhan ku dhaawacmay oo la diiwaan geliyey -
storvideo: 

Rai'sul wasaaraha Spain oo kala diray baarlamaankii Catalonia

$
0
0

Rai'sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray baarlamaankii maamulka Catalonia.

Rai'sul wasaaraha Spain oo kala diray...

$
0
0

Rai'sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray baarlamaankii maamulka Catalonia.
Rai'sul wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay .
Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii baarlamaanka maamulka Catalonia ay u codeeyeen madaxbanaanida gobolka Catalonia.
Rai'sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale xilka ka qaaday oo shaqada ka cayriyay hogaamiyihii Catalonia Carles Puigdemont.
Waxaa sidoo kale shaqada laga cayriyay taliyihii booliiska gobolka Catalonia.
Dhibaatada gobolka Catalonia ayaa bilaabatay ka dib markii gobolkaasi ay ka dhacday afti ay ku tilmaamtay sharci daro maxkamada dastuuriga dalkaasi.
Hogaamiyayaasha maamulka Catalonia ayaa waxay sheegeen in boqolkiiba 90 ay u codeeyeen aftida madaxbanaanida.
storvideo: 

Shacabkii Badhan ku dhaawacmay oo la diiwaan geliyey

$
0
0

28th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Dhaawacyada ay qabaan shacabkii reer Badhamood ee shalay SNM ku xabadeeyeen magaaladaas iyaga oo u mudaharaadaya Midnimada Soomaaliya ayaa la diiwaan geliyey
Diiwaangelin uu sameeyey Ururka Sanaag, Sool iyo bari , garabkiisa Xuquuqda Aadanaha ( HUMAN RIGHTS) ayaa waxay soo bandhigeen qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Xabadihii SNM magacyadooda , sida ay wax u qabaan iyo d'adooda
1- Cali Ibraahim Mxamaed, oo 65 Jir ah, adinka Midig ayuu ka jaban yahay, Bowdada Bidixna Firidh ayaa laga soo saary
2- Cabdi Casiis Shire Saalax , da'diisu waa 16 jir, cagta rays ma gaadhada ayuu dhaawac kaga yaal
2- Maxamed Cisamaan Sugule, d'adiisu waa 41 jir, Bowdada bidix ayaa dhaawac kaga yaal.
4-Cabdiraxmaan cali Ciise, d'adiisu waa 15 jir, xoogga hoose ee adinka bidix ayaa dhaawac kaga yaal
5- Yaxye Axmed Maxamed,, d'adiisu waa 18 jir. Dhaawac ayaa lug kaga yaal
6-Cabdi Adan Ciise, da'diisu waa 75 jir, Nuruq kubka ayeey goysay xabadii SNM
Lacagta dadkan lagu xabadeeyey intooda badan waxa bixiyey oo ururiyey Qurbajoogta SNM
Post navigation
- Amin Caamir imisa lacag ah ayaa Sawirkan lagu siiyey?
storvideo: 

Daawo: Taageerayaaha Xisbiga Wadani ee Demada Sabo...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo...

$
0
0

Bali-gubadle(Waaheen)Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Eng faysal Cali Waraabe iyo Wafti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo ayaa Maanta safar dheer ku soo marey Deegaamo badan oo hoostaga Gobolka Hawd gaar ahaana kuwa ku Teedsan Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia kuwaasi oo si diiran loogu soo dhaweyey
[embedded content][embedded content]
storvideo: 

Bashir Goth iyo Neil Wigan ( safiirka UK u fadhiya...

$
0
0

Bashir Goth iyo Neil Wigan ( safiirka UK u fadhiya Somalia ) oo furay xafladda Somali week.
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 28th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Sida caadiga ah bishan Oktober waxa magaalada London lagu qabtaa barnaamij la yidhaa Somali week. Usbuucan aan ku jirrana xafladdii bishan la qaban jiray ayaa socota. Inkasta oo aad xafladda bishan daawan doontaan, waxa aan jeclaysannay in aan idinla wadaagno xafladdii 2014, oo ka mid ah barnaamijyadii Somali-week ugu xiiso iyo hadal hayn badnaa.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 50 times.
storvideo: 


Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Helay in uu...

$
0
0

Maxkamadd ku taala magaalada Frankfurt ee dalka jarmalka ayaa ku xukuntay muwaadin Somali-jermal ah labo sano iyo toban bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah inuu ku biirey Xarakada Al-shabaab.
Abshir oo 29-sano jir ah ayaa ku dhashay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya wuxuu tagay dalka Jermalka sanadkii 2012-kii wuxuna kamid ahaa Al-shabaab ilaa horaantii sanadkii 2014-kii.
Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in muddo afar bilood ah uu tababar milatari la qaatay Al-shabaab isagoo bartay sida loogu dagaalamo hubka sidoo kalana bartay qaabka loogu dagaalamo weerarada ku dhufo ka dhaqaaqda ah.
Abshir waxa ay al-shabaab u direen saldhig ay ciidamada al-shabaab leeyihiin, balse waxyar kadib ayuu sababo caafimaad awgeed ugaga tegey saldhigaas.
Ciidamada booliska dalka Jermalka ayaa xirey abshir sanadkii 2016-kii kadib markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada frankfurt.
Abshir oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa sheegay in uu ku biiray Al-shabaab balse uusan ka qeyb qaadani wax dagaal ah.PUNTLAND POST
The post Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Helay in uu Katirsanyahay Al-Shabaab oo lagu Xukumay Jarmalka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ardayda Soomaalida ee South Africa ayaa ka qeybgalay...

$
0
0

Waa barnaamij hido iyo dhaqan ah oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaa ka mid ahaa ardayda Soomaalida ee jaamacadaasi wax ka barta. Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hidaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan leeyihiin,dharka dhaqanka oo ay xertaan ,cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay. Dhalinyarada ka socotay in ay soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa goobta soo galay waxaana durbadiiba is qabsaday sawan iyo sacab muujinayay in lagu soo dhaweynayo kooxda soo gashay masraxa waxaa ay ahaayeen afar wiil iyo afar gabdhood oo kusoo labistay dharka iyo hidaha dhaqanka Soomaalida kadibna waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen cayaaro iyo hido dhaqan ah. Inta aysan garoonka soo galin waxaa maqr qura loo aamusay in lagu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay qaraxii waxuushnimada ahaa ee kooxda shabaabku ku gumaadeen shacabka Masaakiinta ahaa 14-kii bishaan isgoyska Zoobe. Suldaan Ibraahim qaxwo waa muwaadin Somaali ah oo inta badan xil iska saaray ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaata marka timaado barnaamijyada noocaan oo kale Radio [...]
storvideo: 

Shirka Madaxda Dowlada iyo Kuwa Maamul Goboleedyada ...

$
0
0

Maanta oo taariikhdu ku beegantahay 28 Octobar ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada.
Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho maanta oo Sabti.
Madaxweynayaasha Puntland Gal-Mudug Jubbaland iyo Hir Shabelle ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Muqdisho waxaana shalay Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ay falanqeeyn doonaan islamarkaasina ay ka hadli doonaan qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.
Sidoo kale wararka ay Puntland Post heleeyso ayaa waxa ay sheegayaan in shirkaani sidoo kale lagu falanqeeyn doono gulufka colaadeed oo dowlada Soomaaliya ay ku qaadeeyso Al-Shabaab.Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu Shirka ka diyaariyay
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/10/War-Cowke-PP-Shirka-Madaxda-DF-iyo-Maamul-Goboleedyada-Muqdisho.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Shirka Madaxda Dowlada iyo Kuwa Maamul Goboleedyada oo Maanta ka Furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Maraykanka: ma aqbalayno in Kuuriyada Waqooyi ay hesho hub Niyukleer ah

$
0
0

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka, James Mattis,ayaa sheegay in Mareykanka aysan aqbali doonin in Kuuriyada Waqooyi ay hesho hub Niyukleer ah.

Guddoomiyaha Degmada Cadale oo lagu Dhaawacay Qarax...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax Miino lala beegsaday Gaari uu watay Guddoomiyaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe Muuse Maxamed Kadiil xilli uu marayay Degaanka Garsaale.
Guddoomiyaha Degmada Cadale iyo Labo kamida Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Qaraxa Miino ee lala beegsaday Xalay,waxaana Dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.
Guddoomiyaha Degmada Cadale ayaa Xalay ka baxay Degmada Balcad ee isla Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Jowhar,iyadoo Qaraxa loo dhigay Meel u dhow Degaanka Garasaale oo u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wadada Xariirisa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa ah mid ahaankeedu uu Faraha ka baxay,waxaana ku soo laab laabtay Qaraxyada loo dhigo Ciidamada Dowladda iyo Mas'uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabdellaha Dhexe weli kama hadlin Weerarka lagu dhaawacay Guddoomiyaha Degmada Cadale iyo Qaraxyada ku soo laab laabtay Wadada kala qeybisa Balcad iyo Jowhar.
storvideo: 

Madaafiic lagu Garaacay Degaanka Buulo-gaduud Ee...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Degaanka Buulo-gaduud oo dhanka Waqooyi 30-KM ka jira Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG Jubbaland ahna Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Fariisimo Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Buulo-gaduud.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Shabaab ay Dhowr Madfac ku soo tuureen Magaalada islamarkaana ay ku dhaceen Gudaha Magaalada iyo Hareeraheeda intaba.
Ma jirto illaa hadda wax Khasaare ah oo la soo Wariyay in ay geysteen Madaafiicda Shabaabku ay ku Weerareen Degaanka Buulo-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana Degaanka Buulo-gaduud Fariisimo ku leh Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
War lagu Faafiyay Websetyada Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka Madaafiicda ah ay Khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Buulo-gaduud.
Degaanka Buulo-gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa tan iyo markii laga saaray Al-shabaab wuxuu wajahayay Dagaal iyo Duqeymo ay ku soo qaadaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo Khamiistii Booqday Degaanka Buulo-gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Maamulkiisu uu bilaabayo Dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa Guud ahaan Maamula Gobolka Jubbada Dhexe oo ah Caasimadda Maamul Gobolleedka Jubbaland,waxaana Marar farabadan uu Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay inuu Shabaab ka saarayo Gobolada Jubbooyinka.
storvideo: 

Askar ka tirsan militariga Nigeria oo lagu dilay...

$
0
0

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in 15 ka tirsan militariga Nigeria oo ay ku jiraan saraakiil sarsare la dilay ka dib markii weerar lagu qaaday saldhig militari oo ku yaalla Yobe.
Militariga Naajeeriya ayaa dhankooda xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay islamarkana uu jiro khasaara labada dhinac ah .
Dhacdadan ayaa u muuqata in ay tahay weerarkii ugu ba'naa ee lagu qaado militariga Nigeria waqooyi bari dalkaasi muddo ka badan saddex bilood.
Ila wareedyo laga helayo militariga Nigeria ayaa muujinaya in 15 askari la dilay ka dib markii la helay maydadka 7 askari Jimcihii.
Qaar kale oo ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa la la'yahay ilaa iyo imika meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday militariga Naajeeriya.
Waa markii ugu horreysay oo kooxdani ay sheegtaan masuuliyada weerar ka dhacay Nigeria.
Horrey waxaa weerarada lagu qaado ciidamada ammaanka Nigeria u sheegan jirtay kooxda Boko Haram oo gacan saar la leh kooxda IS.
storvideo: 


Qarax culus oo lagu dhaawacay Guddoomiye Degmo &...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Jowhar (- Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray Guddoomiyaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe Muuse Maxamed Kadiil.
Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay Qaraxa xooganaa oo lala eegtay xilli uu marayay Degaanka Garsaale, waxaana la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Guddoomiyaha ayaa waxaa la dhaawacmay laba kamid ah ilaaladiisa kuwaa oo iyaguna la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus oo lamid ah kan Guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Degmada Cadale ayaa xiliga Qaraxa lala eeganaayay ka ambabaxay Degmada Balcad ee isla Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna kusii jeeday Magaalada Jowhar.
Qaraxa ayaa ku haleelay meel u dhow Degaanka Garasaale oo u dhexeysa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Waxaan dhaawaca Guddoomiyaha iyo Ilaaladiisa weli ka hadal mas'uuliyiinta maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili ay sii kordhayaan weerarada ay maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadan mas'uuliyiinta iyo ciidamada isticmaala wadada xariirisa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad.- OnlineXafiiska Jowhar-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maraykanka: ma aqbalayno in Kuuriyada Waqooyi ay...

$
0
0

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka, James Mattis,ayaa sheegay in Mareykanka aysan aqbali doonin in Kuuriyada Waqooyi ay hesho hub Niyukleer ah.
General Mattis ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Seoul ka dib wadahadal uu halkaasi kula yeeshay saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.
Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka, James Mattis,ayaa xusay in barnaamijka Niyukleerka iyo gantaalada Pyongyang uu yahay mid minjaxaabinaya dalkaasi oo uusan ahayn mid xoojinaya ammaankeeda.
Mrs James Mattis ayaa ku celceliyay in xukuumadda Washinton ay doonayso in qaab dublamaasiyadeed lagu xaliyo dhibaatada labada dal.
Hasa yeeshee xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegay in haddii mareykanka ama dalalka ay saaxibada yihiin loo adeegsado hub Niyukleer ah ay arrintaasi ka bixin doonaan jawaab culus oo militari.
storvideo: 

Ardayda Maxkanadaysay Dugsi ku Khasbay in ay Timaha...

$
0
0

Ardayad dhigata dugsi sare dalka Japan ayaa dacwad ku soo oogtay xukuumada Osaka kadib markii iskuulkeeda oo Duwali ahi ku khasbay inay Timaheeda oo Buni ah ay Madoobayso.
Inanatan oo 18-jir ah ayaa u sheegtay Maxkamadda Degmada Osaka in hooyadeed ay ku wargelisay iskuulka Kaifokan ee magaalada Habikino markii gabadha magaceeda la diiwaan-geliyay in midabka timaheeda yahay mid dabiici ah se dugsigu mamnuucay midabaynta timaha.
Macallimiintu waxay amar ku siiyeen ardayda in ay timaheeda soo madoobayso si joogta ahna u mariso madoobaysada oo ah mid aan ku filnayn ama ka tagto dugsiga," ayaa wakaaladda wararka ee Kyodo ka soo xigatay dacwadda.
Warbaahinta ayaa soo warisay in gabadhu aaney dugsi tagin tan iyo Sebtembar 2016 xanuun maqaarka ahina ku dhaceen ayna sabab u tahay madoobaysadii lagu khasbay in ay marsato haatana dalbanayso magdhow dhaawaca qiyaastii 2.2 milyan oo yuan ($ 19,300). Dawladda gobolka Osaka waxay waydiisan doontaa maxkamadda in ay joojiso kiiska, ayay tidhi.
Iskuulo badan oo ku yaala Japan ayaa sameeya sharciyo adag oo ku saabsan midabka timaha, qurxinta iyo labiska oo ay ku jiraan dharka.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Wasiirka Amniga Xukuumadda oo la kulmay Wasiirka...

$
0
0

Ankara ( Sh. M. Network )-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas'uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Argagixisada Al-Shabaab
storvideo: 

R/wasaare Khayre oo safarkiisii Turkiga soo gaba...

$
0
0

Ra'isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo gabagabeeyey safar shaqo oo seddex maalin qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu joogay dalka Turkiga waxa uu la kulmay Madaxda dalkaasi Turkiga iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xiijin lahaa xiriirka labada dal isla markaana iskaashi badan loo sameyn lahaa. Ra'isul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay maanta dalka dib ugu soo laabtaan si uu uga qeyb galo shirka Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadda Dalka. Mudane Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale booqday dhaawacyadii Musabadii Qaran ee 14 oktoobar ee loo qaaday dalka Turkiga.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live