Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle


Wararkii ugu Danbeeyey Weeraradii ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Wararkii ugu danbeeyey ee Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qasaaro badan ay ka dhasheen labada qarax oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kuwaasi oo ka dhacay nawaaxiga Hotelka Naasa hablood ee Muqdisho.
In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro intaa ka badan la dhigay isbitaalada Magaalada Muqdisho inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin Karin qasaarihii ka dhashay weerarada qaraxda loo adeegsaday.
Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Alshabab qaraxyada ka dib ay galeen gudaha Hoteelka Naasa Hablood laba halkaasi oo ay kula dagaalameen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Saraakiisha Amniga dowlada ayaa sheegay in la soo afjaray howgal ciidamada dowlada ay sameeyeen xalay gudaha hoteelka Naasa hablood islamarkaana la soo badbaadiyey dad badan ma jirto cid si faahfaahsan kaga hadashay Weeraradaasi.
Madoobe Nuunow oo Wasiir ka ahaa Dowladd goboleedka koonfur Gableed, Col. Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa taliyihii ciidamada booliska degmada Dayniile, iyo Ex- Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane ayaa la sheegay in ay dhinteen halka sidoo kale Xildhibaan Maxamed Colaad cabdi oo ka tirsan Barlamaanka hir shabelle uu ku dhaawacmay.
 
The post Wararkii ugu Danbeeyey Weeraradii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Wararkii ugu Danbeeyey Weeraradii ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Wararkii ugu danbeeyey ee Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qasaaro badan ay ka dhasheen labada qarax oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kuwaasi oo ka dhacay nawaaxiga Hotelka Naasa hablood ee Muqdisho.
In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro intaa ka badan la dhigay isbitaalada Magaalada Muqdisho inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin Karin qasaarihii ka dhashay weerarada qaraxda loo adeegsaday.
Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Alshabab qaraxyada ka dib ay galeen gudaha Hoteelka Naasa Hablood laba halkaasi oo ay kula dagaalameen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Saraakiisha Amniga dowlada ayaa sheegay in la soo afjaray howgal ciidamada dowlada ay sameeyeen xalay gudaha hoteelka Naasa hablood islamarkaana la soo badbaadiyey dad badan ma jirto cid si faahfaahsan kaga hadashay Weeraradaasi.
Madoobe Nuunow oo Wasiir ka ahaa Dowladd goboleedka koonfur Gableed, Col. Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa taliyihii ciidamada booliska degmada Dayniile, iyo Ex- Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane ayaa la sheegay in ay dhinteen halka sidoo kale Xildhibaan Maxamed Colaad cabdi oo ka tirsan Barlamaanka hir shabelle uu ku dhaawacmay.
storvideo: 

Xog: DF oo wadda qorshe cusub oo looga hortagayo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa digniin culus kasoo saaray dadka caqabada ku ah bixinta canshuurta.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dooneyso inay ka maaranto dhaqaalaha ay bixinayaan beesha caalamka waxa uuna tilmaamay inay ku filan tahay lacagta canshuurta oo keliya.
Waxa uu Beyle sheegay inay aad u yartahay tirada dadka bixiya lacagta canshuurta waxa uuna ku baaqay in cid waliba ay isku xil qaanto bixinta lacagaha.
Waxa uu tilmaamay in qorshaha dowlada Federaalka uu yahay Hanaan cusub oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qaadi doonto Canshuuraha dalka.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay ku dadaaleyso in ay caddeyso halka ay ku baxaan Canshuuraha laga qaado Shacabka Soomaaliyeed, sida uu halka u dhigay.
Waxa uu intaa ku daray Beyle, in qorshaha cusub ee dowlada uu yahay sameynta hanaan qof walba uu ku tagaayo Bankiga dhexe, islamarkaana uu ku bixinaayo Canshuurta lagu leeyahay ,iyadoo aysan cidna ka qaadin.
Sidoo kale, Beyle ayaa carab dhabay in dadka Soomaaliyeed ay walaac ka qabaan lacagaha Canshuurta ee laga qaado.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani cusub ee socda ayaa meesha ka saari doona lacagaha canshuurta ee sida dadban loo musuqo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: Maxaad kala socotaa kulamada C/Weli Gaas uu ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan kawaday magaalada Muqdisho ee - Somalia, oo uu ku sugan yahay, si uu uga qeyb galo shirka ay dowladda ku baaqday.
C/Weli Gaas, ayaa waxa ay kulamada kala dhexeeyan Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland.
Kulanka C/weli Gaas iyo Xildhibaanada ayaa salka ku hayay is weydaarsi ku aadan shirka la filayo in maanta oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo lagu waday inuu furmo maalintii Sabtida aheyd, balse dib u dhacay.
Qodobada ay culeyska ku saarayeen kulamadooda ayaa waxaa kamida ahaa sida laga yeelaayo haddii ay dowlada Federaalka la timaado qodobo aysan qaadan karin Puntland, iyo sidii xal loogu heli lahaa.
C/Weli Gaas ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay ku feelan maamulka Puntland oo mas'uul ka ahaa doorashadii ay kusoo galeen labada aqal, ayna taageero u muujiyaan haddii ay is qabtaan dowladda dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Madaxda Qaranka iyo Maamul Goboleedyada oo dhammaantooda ku diyaarsan magaalada Muqdisho.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: Xagee lagu diyaariyaa magaalada Muqdisho ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca Qaraxyo kala duwan oo lagu beegsanaayo dadka shacabka iyo kuwa dowlada u shaqeeya.
Qaraxyada ugu badan ayaa ka dhaca wadada Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, taa oo ka saxmad badan waddooyinka kale ee mara magaalada Muqdisho.
Ilo ku dhow dhow Hay'adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka Alshabaab ay goobo qarsoodi ah ku dhex leeyihiin magaalada Muqdisho.
Goobaha ay inta badan kasoo agaasimaan Qaraxyada ayaa waxaa kamid ah goobaha ay ku yaalan xarumaha dowlada ee aan looga shakin falalka noocaasi ah.
Degmooyinka ilaa iyo hadda la ogyahay in lagu diyaariyo Qaraxyada ay maleeshiyaadka ka geystaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Degmada Heliwaa, Dharkiinley, Yaaqshiid, Dayniile iyo Kaxda oo dhammaantooda ay ku badan yihiin al-Shabaabka.
Hay'adaha amaanka dowlada oo aan heysan qalab tayo leh oo looga hortago maleeshiyaadkaas ku dhex jira Degmooyinka ayaa waxaan jirin cid rasmi ah oo garab ka siisa ka hortaga al-Shabaab.
Taliyaha Hay'adda Sirdoonka ayaa laba maalin un ka hor sheegay in dowlada Federaalka aysan heysan qalab tayo leh oo looga hortago falalka amni darro.
Ma jirto ciidamo ka duwan kuwa dowlada oo isku xil qaama ka hortaga al-Shabaabka ku dhex jira magaalada Muqdisho ee geysta falalka amni darro.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada...

$
0
0

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kasoo amababaxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan. Wafdiga gudoomiyaha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Khartuum kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan ,mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaiya ee Dalka Suudaan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda tan Khartuum. Gudoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan Dalkan Suudaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Suudaan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baaarlamaanka ee Dalkan sida uu Warbaahinta uu u sheegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka. Wafdiga uu gudoomiye Jawaari horkacayo ayaa lagu wadaa in suudaan ku qaataan booqasho seddax maalin ah isagoo soo booqan doono warshado waa weyn oo Khartuum ku yaala iyo Jaamacadaha Ardayda Suudaan waxka bartaan kuwooda ugu waa weyn.
storvideo: 

Wali oo jug culus laga Maqlayo hoteel Nasa Hablood...

$
0
0

Wali oo jug culus laga Maqlayo hoteel Nasa Hablood 2 iyo wasiir kale oo ka mid noqday dadka geeriyooday
Oct 29, 2017 -
Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka la xiriira weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2, waxaana goor dhow la xaqiiiyey in masuuliyiinta lagu dilay gudaha hotelka uu jiro Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow oo sidoo kale xilal illaa heer wasiir ah ka soo qabtay xukuumadihii kmg ahaa ee Somalia ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta mudada dheer degenaa hotelkaas marka uu joogo magaalada Muqdisho.
Tirada dadka ku dhintay weerarka galabta illaa caawa ka socda Muqdisho ayaa gaartay illaa 27 ruux, iyadoo dhaawacuna gaaray ku dhowaad 40 kale sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo saraakiisha caafimaadka Isbitaalada la geeyey dhaawacyada.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somalia C/naasir Gaarane iyo taliyaha ciidanka Booliska degmada Dayniile Max'ed Yuusuf Nuur (Fanax Xagaley) ayaa sidoo kale ka mid ah masuuliyiinta dowlada ee weerarkan lagu dilay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Xalay soo gaban-gabeeyay weerar maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen shalay galabnimadii shalay Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.
Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maleeshiyaad ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood labo ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna ay Ciidamadau dileen.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga XFS C/casiis Xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu Xalay ku guulaysteen in ay guuda ahaanba soo afjaraan weerarka.
C/casiis Xildhimaan ayaa Afhayeenka Amniga ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday halka ay labo ka mid ay toogteen Ciidamada Amniga Soomaaliya ee ku howlanaa soo afmeerka weerarka nabad diidku shalay galab ku qaadeen Hotelka Naasohablood 2.
Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta ka howl galay waxii ka dambeeyay weerarka ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al shabaab iyagoona Ciidamadu soo bad baadiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay doonaayeen in ay laayaan dhagar qabayaasha nabad diidka ah ee Al shabaab.
Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne
Raagaan ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka Naasahablood 2 ayaa tusaale u ah guulaha ay Ciidmada Soomaaliya ka gaarayaan falalka Argagixisada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayeen Shacabka Soomaaliyeed.
Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ayaa habeen iyo maalinta ku howlan dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed taasoo ku tusaysa hadaf la,aanta Argagixisada hase yeeshee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa u taagan ka hortagida falalka guracan ee nabad diidku ku doonayaan dhibaataynta Shacabka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXiisado siyaasadeed oo kataagan Kenya

storvideo: 

Somali troops end a bloody siege at hotel in Mogadishu

$
0
0

Somali security forces have ended a bloody siege at Naasa Hablood 2 in Somalia;s capital Mogadishu, which began on Saturday afternoon, and continued till Sunday morning.
The attack started when two car bombs were detonated at the gate of the hotel then at least five armed Al Shabaab militants stormed the hotel and took guests as hostages.
Abdulaziz Zildhibaan, the spokesman for Somalia’s Ministry Security they troops shot dead two attackers, while the remaining three were captured alive.
Dozens of people, including high-profile officials, Ministers and lawmakers were rescued during the operation by the government forces, he said.
The death toll from the hotel attack has risen to at least 25 people, including former Deynile district Police commander, Ex-MP, regional Minister and top officials.
The post Somali troops end a bloody siege at hotel in Mogadishu appeared first on Shabelle.

Somali President sends condolences following deadly hotel attack

$
0
0

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has sent his condolence to the family and friends who lost their loved ones in the deadly attack on Naasa-Hablood 2 in Mogadishu.
President Farmajoo said in a statement that the hotel siege is meant to instill fear among people who showed unity in the wake of the country’s deadliest attack two weeks ago.
“They want to create fear among our people who showed support to the ongoing efforts aimed at pacifying the country,” read the statement.
Thousands marched in Mogadishu in defiance of extremist group al-Shabab after the Oct. 14 truck bombing in the capital left more than 358 dead.
Al-Shabab has claimed responsibility for this latest attack, which has killed at least 25 people, including a former lawmaker, a Police commander, and other officials.
The post Somali President sends condolences following deadly hotel attack appeared first on Shabelle.

Taariikhda Madoobe Nuunoow Maxamed oo ku Geeriyooday...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) Allaha u naxariistee alay waxaa la xaqiijiyay geerida siyaasiga caanka ah ee Madoobe Nuunoow Maxamed oo ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed sidoo kalena kamid ahaa siyaasiiyinta ugu caansan beel waynta Raxan Wayn.
Haddaba waxa aan idin soo gudbin doonaa taariikhdiisa oo dhammeystiran ee ka bogasho wacan.
Taariikhda dhalashada
1948
Goobta Dhalashada
Diinsoor
Gobolka Dhalashada
Bay
Shaqadda
Siyaasi
Sooyaal Kooban:Ababka iyo Barbaarinta
Madoobe Nuunow Maxamed waxa uu 1948-kii ku dhasahay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, Soomaaliya. Waa Siyaasi muddo dheer kasoo mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Maahayn Mudane Baarlamaan oo kaliya ee sidoo kale waxa uu lasoo shaqeeyay dowladdii militariga ahayd ee Siyaad Barre, isaga oo ururo xiligaa jiray kasoo qabtay jagooyin.
Hase ahaatee Nuunow waxa uu 1960-aadkii ku dhamestay Dugsi Hoose iyo Dhexe degmada Diinsoor ee gobolka Bay, Soomaaliya, halka intii u dhaxeysay 1970-aadkii uu Dugsigiisii Sare ku dhameeyay degmad Howlwadaag oo Muqdisho ka tirsan.
Dhamaadkii 1970-aadkii waxa uu Madoobe Nuunow ku qaatay tabarka Dugsiga Tababarka Xalane ee Muqdosho, isaga oo 1979-1980 shahaado heer iploma ah oo uu ku bartay Cilmiga Siyaasadda ka qaatay Machadka Culuumta Siyaasadda Xalane ee Muqdisho. 1983-1984 ayuu Nuunow ka qaatay Mahadkii SIDAM Diploma ah Maamulka & Mareynta.
Waaya-aragnimadiisa Nuunow waxa uu 1966-1968 ahaa xubin ka tirsaneed SYL, oo u joogtay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, Soomaaliya, iyada oo uu 1974-1976 ahaa Karaani ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu u joogay degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Intii u dhaxeysay 1976-1978 ayuu ahaa Madaxa Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha degmada Diinsoor, halka 1977-1978 uu ahaa Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada XHKS ee Diinsoor.
1980-1981 waxa uu Madoobe Nuunow ahaa Kaaliyaha 1-aad ee XHKS u qaabilsanaa degmada Sablaale ee gobolka Shabeelada Hoose, Soomaaliya, iyada oo uu sidoo kale 1981-1983 ahaa Kaaliyaha 1-aad XHKS degmada Beled Xaawo ee Gedo. 1985-kii waxa uu Nuunow noqday Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Diinsoor, halka 1987-1990 uu ahaa Xoghayaha XHKS & Guddoomiyaha degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Intii u dhaxeysay1991-1992 waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Samata Bixinta degmada Diinsoor, xilgii ay taagneed xaaladda adage e ka dhalatay eryiddii Taliskii Militariga ahaa ee Soomaaliya xakumayay 1969-1991-kii.1995-kii waxa uu Madoobe Nuunow Maxamed ka kid ahaa Aasaasayaashii Jabahaddii Rahanweyn Resistance Army (RRA).
Dowladdii ugu horeysay ee KMG ahayd ee la dhisay 2001ayuu Nuunow ka noqday Xildhibaan, ilaa 2012-kii ayuuna ahaa Xubin Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsaneed. Nuunow waxa uu 2004-2007 ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, iyada oo uu 2007-2008 ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, halka 2008-2009 uu sidoo kale ahaa Wasiirka Dhaliyarada iyo Cayaaraha. 2009-2010, Nuunow waxa uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Federalka Soomaaliya, hal sano kadibna, 2011-2012 waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka. 2012-2014 waxa uu ka mid ahaa Xubnihii Guddiga Farsamada ee loo dhisay Dhismaha Maamulka Koofur Galbeed. [1]Waxbarashada
1960-aadkii Dugsi Hoose/DhexeDiinsoor, Bay, Soomaaliya
1970-aadkii Dugsi Sare, Howlwadaag, Muqdisho, Soomaaliya
1970-aadkii Tabarka Xalane, Muqdosho, Soomaaliya
1979-1980 Diploma Cilmiga Siyaasadda ah, Machadka Culuumta Siyaasadda Xalane, Muqdisho
1983-1984 Diploma Maamulka & Mareynta, SIDAM, Muqdisho, Soomaaliya [2]
Waaya-aragnimada iyo Shaqada
1966-1968 Xubin SYL, Diinsoor, Bay, Soomaaliya
1974-1976 Karaani ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Diinsoor, Bay, Soomaaliya
1976-1978 Madaxa Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Diinsoor, Bay, Soomaaliya
1977-1978 Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada XHKS Diinsoor, Bay, Soomaaliya
1980-1981 Kaaliyaha 1-aad XHKS Sablaale, Shabeelada Hoose, Soomaaliya
1981-1983 Kaaliyaha 1-aad XHKS Beled Xaawo, Gedo, Soomaaliya
1985-kii Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Diinsoor, Bay, Soomaaliya
1987-1990 Xoghayaha XHKS & Guddoomiyaha Cadale, Shabeellada Dhexe, Soomaaliya
1991-1992 Guddoomiyaha Guddiga Samata Bixinta Diinsoor, Bay, Soomaaliya
1995-kii Aasaase Jabahaddii Rahanweyn Resistance Armay (RRA)
2001-2012 Xubin Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan
2004-2007 Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya
2007-2008 Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya
2008-2009 Wasiirka Dhaliyarada iyo Cayaaraha
2009-2010 Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Federalka
2011-2012 Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka
2012-2014 Xubin Ka Mid ah Guddi Farsamo oo Loo Dhisay Dhismaha Maamulka Koofur Galbeed [3]
2017: ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan inuu horey usoo noqday Wasiirka Beeraha ee maamulkaas..- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Somali troops end a bloody siege at hotel in Mogadishu

$
0
0

Somali security forces have ended a bloody siege at Naasa Hablood 2 in Somalia;s capital Mogadishu, which began on Saturday afternoon, and continued till Sunday morning.
The attack started when two car bombs were detonated at the gate of the hotel then at least five armed Al Shabaab militants stormed the hotel and took guests as hostages.
Abdulaziz Zildhibaan, the spokesman for Somalia's Ministry Security they troops shot dead two attackers, while the remaining three were captured alive.
Dozens of people, including high-profile officials, Ministers and lawmakers were rescued during the operation by the government forces, he said.
The death toll from the hotel attack has risen to at least 25 people, including former Deynile district Police commander, Ex-MP, regional Minister and top officials.
storvideo: 

Somali President sends condolences following deadly...

$
0
0

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has sent his condolence to the family and friends who lost their loved ones in the deadly attack on Naasa-Hablood 2 in Mogadishu.
President Farmajoo said in a statement that the hotel siege is meant to instill fear among people who showed unity in the wake of the country's deadliest attack two weeks ago.
"They want to create fear among our people who showed support to the ongoing efforts aimed at pacifying the country," read the statement.
Thousands marched in Mogadishu in defiance of extremist group al-Shabab after the Oct. 14 truck bombing in the capital left more than 358 dead.
Al-Shabab has claimed responsibility for this latest attack, which has killed at least 25 people, including a former lawmaker, a Police commander, and other officials.
storvideo: 

Saacad lagu xaraashay malaayiin doolar

$
0
0

Saacad nooca Rolex-ka oo uu lahaa Paul Newman, oo katirsanaa shirkadda filimada sameysa ee Hollywood-ka Mareykanka ayaa lagu xaraashay dalka Mareykanka. Saacadan ayaa waxaa lagu iibiyay laca dhan 17.8 milyan oo doolar.


Saacad lagu xaraashay malaayiin doolar

$
0
0

Saacad nooca Rolex-ka oo uu lahaa Paul Newman, oo katirsanaa shirkadda filimada sameysa ee Hollywood-ka ee dalka Mareykanka ayaa la xaraashay. Saacadan ayaa waxaa lagu iibiyay laca dhan 17.8 milyan oo doolar.
Paul Newman ayaa waxaa saacadaasi hadiyad ahaan usiisay xaaskiisa oo lagu magacaabo Joanne Woodward xili ay ku guda jireen duubista filmka winning together.
Mr Paul ayaa waxaa uu ku geeriyooday da'da 83 sano sannadka markuu ahaa 2008, waxaana la sheegay in saacadani loo adeegsan jiray tartanka baaburta oo uu Mr Paul kasoo qeyb qaatay.
Saacadan oo ka sameysan macdan ayaa laga iibiyay qof aan magaciisa la sheegin oo kusoo dalbaday khadka teleefoonka, waxaana qiimaha lagu iibiyaya la sheegay inay ka badantahay qiimihii marka hore la doonayay in lagu iibiyo.
Paul Newman oo ahaa jilaa dhanka filimada ayaa horay uga soo qeyb qaatay tartanka baabuurta, taaso ku dhiira gelisay inuu xiiseeyo sportiga, waxaana uu sidoo kale ka qeyb qaatay tartanka baabuurta ee afar iyo labaatan ka saac.
Xaaskiisa ayaa inta aanay siini saacad waxaa ay ku qortay ereyo ay kamid yihiin "fadlan si taxadar leh u wad baabuurka ", maadaama uu horay u galay shil sannadkii 1965tii.
Shirkadda isgaarsiinta ee Cox ee dalka Mareykanka ayaa saacadani soo bandhigtay si loo xaraasho, waxaana dhaqaalaha kasoo baxa la sheegay in lagu maalgelin doona hey'ad gargaar oo uu sameeyay Newman sannadkii 2005ta.
storvideo: 

Warbixin Qiiro leh: Ciidamada Dowladda oo Mushaar...

$
0
0

Marka Shaqaalaha Rayidku u Qaataan Mushaar ahaan 400--700, Askarigu Wuxuu Qaataa 100--150.
Marka Shaqaalaha Rayidku Helaan Mushaarka Sanadkii oo Dhan 70%--80%, Askarigu Wuxuu Helaa 10%--20%.
Markasta Askarigu Wuxuu Mushaarka Helaa ama Waayaa Waqtii Dheer Kadib Markii uu Helo Shaqaalaha Rayidka.
Marka Shaqaalaha Rayidku Haystaan Ammaan Shaqo (Job Security), Askariga Soomaaliyeed Ma Haysto.
Marka Shaqaalaha Rayidku Shaqeeyaan 8 Saacadood, Askarigu Wuxuu Shaqeeyaa 24 Saacadood.
Marka Shaqaalaha Rayidku Meel Haboon (Qabow ah) Ku Shaqeeyaan, Askarigu Wuxuu Maantoo Dhan Taagan Yahay Waddo iyo Meel Banaan oo ay Qoraxdu aad u Kulushahay.
Marka Shaqaalaha Rayidku Ku Waxyeeloobo Weerar Ka Dhan ah (Qarax) Dowladdu Wey u Gurmataa, Askariguna Wuxuu Maciinsadaa Caawinta Reerkiisa oo Kaliya.
Marka Shaqaalaha Rayidku Qurux Badan Yihiin (Labis ahaan), Askariga Soomaaliyeed Wuxuu Wataa Labis Markii Horaba Ka Weynaa, Haddana Dhamaad ah oo Ku Dhusuqoobay.
Marka Masuulka Soomaaliyeed (Wasiir, Xildhibaan, Taliye Ciidan iwm) Sida Ugu Sareysa u Labisan Yahay, Askarta Dowladda ee Ilaalisa Waxay u Labisan Sida Joqorayda oo Kale.
Askariga Soomaaliyeed, Marka aad Ku Kulantaan Goobaha ay Shaqada Ammaan Ka Hayaan, Waxaad Fahmeysaa Inuusan Maskixiyan Fiyoobeyn ama Isku Filneyn (Qaan-Gaar ahayn).
Waa Su'aalee, Sideen Marka Uga Sugnaa Inuu Ammaankeena Sugo ama Damaanad-Qaado Askariga Sidaasiya ee Xaaladahaas iyo Ka Badan Ku Jira?
Sidee Madaxdeenu Ugu Dhici Karaan Iney Noo Sheegaan Iney Ammaankeena Sugayaan, Iyada oo aan Ognahay Duruufahaas?
Goormee, Tallow, Soo Idlaanayaa Film-ka aan Isu Jileyno, ee Iyada oo ay Indhahayno Shanta Yihiin Been Isu Sheegeyno een Haddana Isu Jiibineyno?
Dad La Siray Waaba Loo Qaateenee, See La Yeelayaa Dad Isa Siraya, ama In La Siro Ku Qanacsan? Maalin Kasta Manoo Shalaay.WD:- Cabdikaafi Xasan Maxamed
storvideo: 

Somalia iyo Turkey oo ku heeshiyay Dagaal kadhan ah Al Shabaab.

$
0
0

Ankara ( Sh. M. Network)-Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay Dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab,
Ra’iisul Waarasaha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo  Waraysi siiyay  Wakaalada Wararka  Dalka Turkiga ee Anodolu kadib Booqasho dhowr cisho oo uu ku tagay Dalka Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay in Labada Dowladood ay ku heshiiyeen Qadobo dhowr ah oo ay ugu horeyso la dagaalanka Xarakada Al  Shabaab,
Ra,iisul Wasaare Khayre ayaa  xusay in dowladda Turkigu ay ku heshiiyeen in ay Iska kaashadaan , Xoojinta Xariirka labada dal, ,Ladagaalanka Al Shabaab,Kobcinta dhaqaalaha , iyo  Dib- u dhiska Dalka Soomaaliya,
Sidokale Mudane  Khayre ayaa sheegay in labada dowladood ay isku Afgarteen Sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyarada Waxbaratay  ee Ku sugan gudaha  Dalka Soomaaliya, kuwaaso hadda ay hayso Shaqo la’aan baahsan.
Sidokale Ra,iisul Wasaare Khayre  ayaa sheegay in dowlada Turkigu   $350 billion ay ku maalgaliso in ka badan 118 dal oo Caalamka ah, Halka $ 75 million oo kamida Lacagtaasi loo leexiyay dhanka Soomaaliya.
Dhankale Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa xusey in intii uu ku sugnaa  Dalka Turikga in  uu booqday Dhawacyadii 14-kii Bishaan  ku  Waxyeeloobay  Qaraxii Soobe , Islamarkaana uu soo indha,indheeyay Xaaladooda Caafimaad.
The post Somalia iyo Turkey oo ku heeshiyay Dagaal kadhan ah Al Shabaab. appeared first on Shabelle.

Mock elections held in Somaliland as presidential...

$
0
0

29th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Mock elections held in Somaliland as presidential election preparations continue; Pro-Union protests held in Badhan, Sanaag
On Oct 12, Somaliland National Electoral Commission (NEC) held a mock election ahead of the Nov 13 presidential election.1 On Oct 19, the three presidential candidates engaged in a live television debate. Candidates shared similar concerns on economic issues, inflation, high unemployment and the security sector, and all agreed on improving the administration's relations with Djibouti and Ethiopia. On the issue of talks with Somalia, ruling party Kulmiye's presidential candidate, Muse Bihi, expressed opposition, UCID's Feisal Ali Waraabe said he would call for a reconciliation conference and continue to seek Somaliland's recognition, and Waddani's Abdirahman Mohamed 'Irro' said he would establish a policy to resume negotiations.2 On Oct 13, UCID Waraabe threatened to support a united Somalia after two clans, the Habar Jeclo and Habar Awal clans held a meeting in Burao, Togdheer, which Waraabe stated was backed by the current administration.3 Leaders from both clans reportedly agreed to support the Kulmiye presidential candidate. On Oct 10-11, the presidential candidates for Kulmiye and Waddani parties met with Ethiopia's Prime Minister Hailemariam Desalegn to discuss the elections and bilateral ties.
On Oct 26, in Badhan, Sanaag region, a demonstration was held by pro-Union supporters who called on residents to oppose Somaliland's activities in the area. Somaliland forces attempted to disperse the protestors, resulting in at least eight persons injured. In addition, localised politically related disturbances and clashes between Waddani and Kulmiye party supporters have been reported since Oct 13, particularly in areas of Burao, Togdheer region and Las Anod, Sool. On Oct 19, Waddani party supporters assaulted members of the Kulmiye party as they were opening a new office in Go'daweyne, Togdheer. Also on Oct 22, supporters of Waddani and Kulmiye armed with crude weapons engaged each other at Hass fuel station in Hargeisa.Assessment Final preparations are ongoing for the Somaliland presidential elections to proceed on Nov 13. The leaders of the three political parties are from three Isaaq sub-clans who have dominated Somaliland political leadership. President Silanyo (Habar Jeclo sub-clan) has served for more than seven and a half years, and the Habar Yonis clan of Waddani's Irro is keen on securing the presidency. Silanyo's successor, Muse Bihi, and UCID's Waraabe hail from the Habar Awal. Smaller clans from Sool, Sanaag and Awdal continue to hold other political positions such as vice presidency and parliamentary speaker. All indications suggest that Kulmiye will retain the presidency with Muse Bihi assessed as the likely winner of election with his Habar Awal sub-clan voting as a block together with Silanyo's Habar Jeclo. Overall, the election campaign has been peaceful, although there have been localised reports of political related clashes.5 Clashes between rival groups of political party supporters are thought to be clan-related. Puntland, a faction of Khatumo, and an emerging political movement known as SSB, that are all pro-Union, have warned against Somaliland political activities in Sool and Sanaag regions, over which they also lay claim due to clan ties. The protests in Badhan were mobilised by the SSB movement. 6 There is evidence of ongoing al-Shabaab
storvideo: 

Jaaliyadda Cuman oo 15,000 doolar ugu deeqday dadkii...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post]-Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan ayaa soo gaarsiisay culumada iyo guddiga sida iskood ah iskugu xilsaaray Samata bixinta dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho .deeqdan lacageed oo dhan 15.000 oo dollar, taasi oo ay uga qayb qaadanayaan gurmadkaa loo samaynayo dadka dhaawaca ah.
Munaasabada lagu soo bandhigayey deeqdan lacageed ayaa lagu qabtay xafiiska mu'asasada Al-minhaaj ee Bosaso ayaa waxaa ka qayb galay madaxda mu'ssadda Al-minhaaj , gudiga Culimada Puntland ee Samata bixinta qarixii ka dhacay isgoyka Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur oo ah Gudoomiyaha Culimada sida iskooda ikugu xil saaray taakulanta dadkii waxyeeladu ka soo gartaya qarixii ka dhacay isgoyska Zoobe ee muqdisho ayaa munaasabada ka sheegay in ay la wareegeen 15,000 oo daalar taasi oo ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan, waxaana uu xusay in aysan ahayn markii ugu horaysay ee deeq noocaan ah ay jaaliyada soo gaarsiiso.
Sheikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ahaa culumadii ka qayb gashay xaflada ayaa Eebe uga baryay muxsiniintii Soomaaliyeed ee ugu deeqaday lacagtan in uu ka ajirsiiyo ,badal ka qayr badan ugu badalo Aduun iyo Aakhiroba
Deeqdan ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan culumada Puntland ee sida iskood ah isugu xil saaray taakulanta dadkii ku waxyeelobay qarixii ka dhacay 14 bishan isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho ayaa qeyb ka ah gurmado kala duwan oo loo sameynayo dadkasi oo xiligan u baahan gar gaar dag dag ah.Cabdiqani Boos Puntland Post ,Bosaso
The post Jaaliyadda Cuman oo 15,000 doolar ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Zoobe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live