Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tirada dhaawacyada ku jira Isbitaalada kaddib...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel Naasa-Hablood Two ee magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah Saraakiisha gurmadka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaaya khasaaraha ayaa sheegay in dhimashadu ay aheyd 26, halka guud ahaan dhaawacyada isbitaalada la geeyay ay ahaayen 30 oo ay ku jireen mas'uuliyiin.
Dad dhaawacyada qaba ee la jiifiyay isbitaallada magaalada Muqdisho, Isbitaalka Madiina keliya waxaa la gaarsiiyay ilaa 15 ,sida uu xaqiijiyay Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Agaasimaha gadiidka gurmadka Amin Ambulance.
Waxaa jira 11 qof oo la gaarsiiyay isbitaalka Daaru-shifa ee Muqdisho, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka ay xaqiijiyeen in lix ka mid laga saaray isbitaalka kadib markii xaaladooda ay soo roonaatay halka 5 ka mid ah ay jiifaan.
Agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusf, oo ka sheekeynaayay xaaladda dadka dhaawacyada ah ee jiifa Isbitaalka Madiina ayaa sheegay inay yihiin kuwo dhex dhexaad ah, waxa uuna rajo ka muujiyay inay ka bixi doonaan iyagoo badqaba.
Dadka dhintay ayaa guud ahaan markii la sifeeyo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Shaqaale dowladeed, Ciidamo iyo dad shacab ah oo xiligaa ku guda jiray nolol maalmeedkooda.
Geesta kale, waxaa jira tirro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxaa muuqaneysa in dowlada Somalia ay aad uga gaabineyso soo bandhigida xaqiiqda jirta.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Somali President convenes high-level meeting in Mogadishu

$
0
0

Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has today opened a key meeting in Mogadishu, with the aim to craft plan to wipe out Al Shabaab from the entire country.
The high-level forum that focuses on security, the war on Al Shabaab, the political situation in the country and cooperation between the government and Federal member states.
The leaders of HirShabelle, Jubbaland, Puntland, Galmudug and Southwest are participating in the conference which opens in the wake of a deadly siege on a Nasa Hablod hotel two in Mogadishu that left at least 27 people dead.
Somali Federal Government is metabolizing a military offensive against Al Shabaab, to restore law and order in the country beset by more than two decades of conflict.
The post Somali President convenes high-level meeting in Mogadishu appeared first on Shabelle.

Gobolka Banaadir ma maamul goboleedbaa?

$
0
0

29th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Beesha Hawiye Federaalkii ay doonayeen maanta ayeey heleen. Mar haddii gobolka Banaadir uu maamul goboleed noqday oo uu meel la fadhiyo madaxdii maamul goboleedyada, Adaan Yabaal iyo Cadalena WAY ay soo socdaaN
Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay muddo aan fogayn inay wada tashi isugu yimaadaan Dawlad Dhexe iyo Dawlad Goboleedyadu 28/10/2017 si looga wada hadlo arrimo loo arko inay xasaasi yihiin oo wada tashi u baahan.
Sida la ogsoon yahay Dawlada Dhexe raali kama ahayn qabsoomida shirkii wada-tashiga ee Dawlad Goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, Magaalo madaxda KMG ah ee Jubbaland, in kasta oo uu wadatashigoodu ahaa mid distuurka Soomaaliyeed u ogol yahay. Shirkaas ayaana sida la sheegay sabab u ahaa in madaxweynuhu codsado wadatashiga.
Sida soo baxday madaxweynuhu wuxuu ku amray labada gole ee Baarlamaanka in aanay ka qaybgelin shirkaas. Amarkaasi wuxuu meel ka dhac ku ahaa jiritaanka iyo awooda labada Aqal, wadankuna waxaad moodaa inuu usii xuubsiibanayo nadaam keligii talis ah (Dictatorial System) halkii uu ka noqon lahaa Nadaam Baarlamaani ah (Parliamentarian System) kaas oo Baarlamaanku awooda sarre leeyahay.
Waxaabase arrintu ka sii dartay markii shirkii la isugu yimid 29kii bisha uu madaxweynuhu soo fariisiyey shirkii lagu casumay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Gudoomiyaha Gobolka Benadir oo ah shakhsi magacaabidiisa uu lahaa madaxweynuhu halka madaxweynayaasha Gobolada ay soo doorteen Baarlamaan matalaya Gobola isugu tegey si distuuri ah.
Mar labaad taasi waxay meel ka dhac ku ahayd awooda iyo jiritaanka madaxweynayaasha, Baarlamaankooda iyo shacabka oo soo doorta Baarlamaankaas. Waxaana muuqata in madaxweynaha Somalia aad loo cabsiiyey sheekadii Xamar ka socotay oo ahayd Madaxweynayaasha la sheegayaa kama duwana guddoomiyaha Gobolka Banadir. Waxaana muuqata in aanu Madaxweynuhu qadarin dastuurka dalka, awooda baarlamaanada ka dhisan Dawlad Goboleedyada (Dawlad Goboleedyadu waxay ka kooban yihiin gobollo isu tagey kama koobna xaafada isu tegey) iyo isaga madaxweyne ahaan cida uu casumay sida lagu sheegay baaqii madaxweynuhu soo jeediyey ee casumaadu ku soo baxday.
Dhinaca Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada dalka masraxa fadhiya waxaad moodaa inay meel isaga tureen nadaamka iyo sharciyada ay shirka ku fadhiyaan.
Gobolka Benadir waa magaalada Muqdisho oo ah - dalka Soomaaliya, lagu sheegay Dastuurka dalka in xeer gooni ah oo la isku raacsan yahay loo samayn doono, mana ahan Dawlad goboleed saxna ma ahan in laga dhigo dawlad Goboleed.
Post navigation
- Shirkii Wada Tashiga Madaxda Qaranka Soomaliyeed oo Ka Furmay Muqdisho
storvideo: 

Eritreans still fleeing brutal regime, world must...

$
0
0

The United Nations Special Rapporteur on Eritrea, has reiterated a call on the U.N. not to turn its back on Eritrean nationals who continue to flee the repressive regime back home.
Sheila Keetharuth told the U.N. General Assembly that citizens of the Horn of Africa country continue to suffer unending human rights violations. She added that thousands continue to walking for days in a bid to flee the country.
She listed a number of rights violations among others: arbitrary arrests, unexplained detentions and in the case of those that attempt to flee she adds that there are alleged shoot-to-kill orders carried out by the military.
"I appeal to the international community not to turn their backs on Eritrean refugees for short-term political gain in response to populist electoral demands or promises, which can translate into actual restrictions, harassment and human rights violations," she told the General Assembly in an update on Eritrea's human rights picture.
"At best, efforts to reduce the number of Eritrean refugees arriving will lead only to a temporary drop in numbers, but they will not stop people crossing deserts and seas in search of safe havens. No barrier will be insurmountable for someone fleeing human rights violations," she added.
The country is seen as one of the top refugee producing countries. Most of those fleeing usually head to neighbouring Ethiopia and Sudan whiles a number of them also seek to cross the sea to go abroad.
Recent figures from the International Organization for Migration (IOM) show 20,000 people have crossed into a neighbouring country so far this year, nearly as many as in the whole of 2016, with 46 per cent of those transported by the IOM aged 18-24.
Keetharuth expressed worry about the absence of a constitution in the country over two decades after the attainment of independence from Ethiopia. According to her, that situation meant that she said led to the misuse of power by the state.
"Eritrea still has no constitution to provide protection for fundamental human rights, no independent judiciary, no legislative assembly - in fact no institutions that could ensure checks and balances or protect against the misuse of power by the state," she said.
Source: - Africa News
storvideo: 

Al-Qaida Ramps Up In Africa Amid Second Deadly Car...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Al-Qaida's Somalian affiliate killed dozens in twin car bombs in the capital city of Mogadishu in the latest in a series of deadly attacks.
Terrorists used a car bomb to ram into a hotel frequented by several Somalian government officials. Shortly after the blast armed gunmen stormed into the hotel sparking a nearly 15 hour siege with the terrorists.
"We targeted ministers and security officials who were inside the hotel," the terrorist group said in a statement. The high profile attack comes just two weeks after one of the deadliest car bomb attacks in history with more than 300 civilians killed.
The group's renewed pace of operations prompted the Trump administration to dramatically escalate U.S. military troops helping the country's military.
The troop escalation marks an increase of four-fold since President Donald Trump took office and reflects growing U.S. concern over the robust al-Qaida affiliate Al-Shabab in Somalia. Trump has similarly escalated aerial operations against al-Shabab since taking office by designating the country an "area of active hostilities," which allows U.S. military commanders greater latitude in deciding what targets to strike.
U.S. troops in Somalia are now both engaged in operational support missions and train, advise, and assist for the Somalian National Army. They also provide planning and assistance in intelligence operations. Approximately half of the U.S. forces are special operators accompanying the Somalian army outside the capital on missions to provide advice and some assistance.
A U.S. Navy SEAL was killed in May during a mission with the Somalian army becoming the first U.S. casualty in the country since 1993 during the Black Hawk Down incident.
Source - Daily Caller
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xaqiiqda qaraxii Soobe: Sarkaal Shabaab ah oo xog...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - 14 October 2017, waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Soobe ka dhacay qarax aad u weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 358 qof, halka dhaawaca uu gaaray boqolaal kale. Waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku aadan cidda ka dambeyso qaraxaan, meesha lala damacsanaa, waxayna wararka qaar sheegayeen in lagu qarxin rabay Saldhigga Militari ee dowladda Turkiga ku leedahay Duleedka Muqdisho.
Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa tan iyo markii uu qaraxa dhacay waxay raadineysay xogta qaraxaas iyo meesha saxda ah ee lala damacsanaa, waxaana xiriir toos ah oo qadka taleefoonka ah la sameynay mid kamid ah saraakiisha Xarakada Shabaab oo ku sugan Shabeelada Hoose, oo codsaday inaan la magacaabin, kaasoo nooga sheekeeyey qaabka uu qaraxaan Soobe ugu qarxay, meesha lala damacsanaa, iyo sida wax dhaceen billow illaa dhammaad.
Waxaana sheekadii uu nooga sheekeyey kusoo koobnay qoraalkaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ereyo ay ka mid ahaayeen (Murtadiinta, Gaalada, Shahiidkii, Istishhaadiyo IWM) aan u badalnay ereyo Sida (dowladda, dowladaha Shisheeye, ninkii is qarxiyey), wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidaan:-
Maalintii Sabtida ahadd ee taariikhdu ku beegneyd 14 October, gaari nooca TM-ka loo yaqaan ayey Xarakada usoo dirtay magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxaas qorshihiisu ahaa in lala beegsado xarunta Xalane oo saldhig u ah dowladaha shisheeyeye iyo ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa gaarigaas kasii horeeyey mid kale oo loogu talagalay inuu marka hore billow u noqdo weerarkaas, isla markaasna uu midka weyn si xoog ah ku galo xarunta Xalane kadib qaraxa koowaad. Qorshaha ugu weyn wuxuu ahaa in baabuurkaan oo laga soo shaqeeyey muddo badan lagu qarxiyo bartamaha xaruntaas, si aysan cidna uga badbaadin.
Gaariga waxaa lagu soo diyaariyey xarunta ay Xarakada ku diyaariso qaraxyada oo ku taal Shabeelada Hoose oo aan hadda magaceeda idiin sheegi karin, sababo amni awgeed, wuxuuna soo maray Ceelasha Biyaha, Siinka Dheer, Ex Control iyo Isgoyska Banaadir.
Markii uu Soobe marayey ayuu la kulmay Ciriiri badan oo dhanka gawaarida ah, sida uu darawalka u sheegay dadkii hagayey qaraxa oo ahaa ilaa Shan qof oo uu ku jiro midka waday gaariga kale ee qarxay, taasoo keentay inuu ku dhaco Bajaaj meesha mareysay, Bajaajtii ayaa soo ceyrsatay, waxayna arrintaas keentay inuu mar kale kusii dhaco Baabuur Hoomeey ahaa oo ay saarnaayeen dad rakaab ah. Ma ahaynku dhicitaan weyn, balselaba baabuur oo is jiiray oo kale.
Darawalka Gaariga TM-ka waday oo isticmaalayey Headphone (Dhagaha wax lagu dhageysto) ayaa kuwii hagayey u sheegay inuu baabuurkii Hoomeyga ahaa isku hor jaray, isla markaasna uu u sheegay inuusan ka leexan doonin ilaa uu gaariga u sameeyo, ama bixiyo qarash lagu sameeyo.
Buuqii iyo sawaxankii meesha ayaa aad u batay, waxaana kadib meesha isugu soo xoomay dadkii aagga ka dhawaa, wuxuuna markii ugu war dambeysay dadkii hagayey Darawalka gaariga TM-ka sheegay inay dhankiisa soo aadeen laba askari oo ka tirsan kuwa xasilinta, oo waqtigaas ka ag dhawaa Isgoyska Soobe.
Dadkii hagayey ayaa durba maqlayey dhawaqa gaarigii oo isku qarxay Isgoyska Soobe oo markaas uu darawalka gaariga TM-ka sheegay inay aad u buuxeyn gawaarida shacabka, kuwa ciidan iyo dadweyne doonayey inay dhex dhexaadiyaan isaga, Bajaajtii iyo Hoomeydii uu ku dhacay.
Wuxuu qaraxaan noqday mid ay ku xasuuqmeyn shacabka badan oo aan loogu talagelin, waxay aheyd imid ka dhashay qaladaad badan oo uu sameeyey darawalka waday gaariga ee inuu is-qarxiyo loo diyaariyey.
Waxaa ka tan badatay cabsidii sida ay noo sheegeen dadkii hagayey, wuxuuna dhawr jeer kusoo celceliyey waa la i qaban rabaa, waa la i qaban rabaa, waan is qarxinayaan, waxayna dadkii hagayey ka shaqeenayeen, sidii uu meesha kaga soo bixi lahaa gaarigaan TM-ka ah ee waqtiga, Farasmada iyo lacagta badan la geliyey, isla markaasna uu u gaari lahaa meesha loogu talagalay oo uu uga sii horreeyey gaariga kale ee Korontada ku qarxay.
Al-Shabaab hoggaamiyaashooda ugu sarreeyo waxay isku afgarteen inaan marnaba laga hadlin qaraxaas iyo arrimihiisa, maadaama uusan u dhicin sidii loogu talagalay, waxay aheyd mid aan la fileyn, wuxuu dood badan ka dhex dhaliyey gudaha Xarakada, iyadoo la isku khilaafay in la inkiro iyo in laga aamuso, qeybta diyaarinta qaraxyada iyo dadka is qarxiyo waxay ku doodeen in haddii laga dhawaajiyo inaysan xarakada fullin ay saameyn ku yeelan doonto iyaga, isla markaasna la isku qabsanayo sababta keentay in qof dhan oo naftiisa huray loo inkiray, taasoo ugu dambeyn keeneyso in la waayo qof dambe oo is qarxiyo, maadaama haddii uu guuldareysto la sheegayo inaysan xarakada ka dambeyn.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Top Somali officials fired over deadly blasts

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
The Somali government has fired two top security officials after twin blasts and a siege left at least 27 people dead on Saturday.
The country's police chief and the director of national intelligence were sacked following an emergency cabinet meeting, officials said.
The Islamist militant group al-Shabab says it carried out Saturday's bombings.
They came just two weeks after at least 358 people died in another attack.
Police said three militants were captured alive and two others blew themselves up during the attack.
The siege started on Saturday afternoon after a car bomb was driven into the Nasahablod Two hotel. A few minutes later, a second car bomb targeted the former parliament house nearby.
Sporadic gunfire continued inside the hotel throughout the night, witnesses said. Police said the siege lasted almost 12 hours.Al-Shabab - with has links with al-Qaeda - denies having any involvement in the 14 October attack.
The militants say they targeted the hotel on Saturday because it was frequented by security officials and politicians.The dead included at least 12 policemen. Many more people were injured.
Provincial leaders, police and intelligence officials were gathering for a meeting with the government to agree on a joint strategy against al-Shabab, due to take place on Sunday.
Source: BBC
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somali President convenes high-level meeting in...

$
0
0

Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has today opened a key meeting in Mogadishu, with the aim to craft plan to wipe out Al Shabaab from the entire country.
The high-level forum that focuses on security, the war on Al Shabaab, the political situation in the country and cooperation between the government and Federal member states.
The leaders of HirShabelle, Jubbaland, Puntland, Galmudug and Southwest are participating in the conference which opens in the wake of a deadly siege on a Nasa Hablod hotel two in Mogadishu that left at least 27 people dead.
Somali Federal Government is metabolizing a military offensive against Al Shabaab, to restore law and order in the country beset by more than two decades of conflict.
storvideo: 


DAAWO SAWIRRADA:- 94 Guurrada Jamhuuriyadda Turkiga...

$
0
0

Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, inta badan Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Dalka, xubno ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, xildhibaanno iyo marti sharaf ayaa ka qeybgalay xuska sanad guurrada 94aad ee Jamhuuriyadda Turkiga. Munaasabadan oo si weyn loosoo qabanqaabiyey ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Dowladda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana lagu soo bandhigay Taariikhda dalka Turkiga iyo sida Jamhuuriyadda Turkiga ay u aas aasantay. Danjire Olgan Beker Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda waxa uu uga mahad celiyey madaxda dowladda iyo marti sharafkii kala duwanaa ee ka qeybgalay Munaasabadda kasoo qeybgalkooda. Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda waxa uu Hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Turkiga oo uu ugu hambalyeeyey 94 guurrada Jamhuuriyadda Turkiga waxaana uu dhinaca kale Ra'isulwasaaraha faah faahiyey maanta halka uu marayo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
storvideo: 

Hogaamiyihii Catalonia oo dacwad lagu soo oogayo

$
0
0

Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia, Carlos Puigdemont,.

Hogaamiyihii Catalonia oo dacwad lagu soo oogayo

$
0
0

Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia, Carlos Puigdemont,.
Xafiiska madaxa dacwad soo oogaha Spain ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah Mr Puigdemont lagu wado in la soo bandhigo maanta oo isniin ah.
Mr Puigdemont ayaa diiday in uu aqoonsado amarkii xilka looga qaday ee ka soo baxay xukuumadda madrid.
Labada dhinac ee kala ah xukuumadda Spain iyo hogaamiyayaasha Catalonia ayaa waxa ay kala taagan yihiin mowqifyo adadag.
Mar sii horeysay boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona iyaga oo ku baaqayay midnimada Spain.
Xukumadda Spain ayaa la wareegtay awoodihii gobolka Catalonia ka dib markii la kala diray baarlamaankii gobolka islamarkanada shaqada laga cayriyay hogaamiyahood.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaan ugu hambalyeynayaa...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka qeyb-galay Munaasabad agu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga. "Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas. Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya. "Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen" ayuu mar kale yiri Ra'iisul Wasaaraha. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go'an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen. Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka [...]
storvideo: 

Kheyre, Axmed Madoobe iyo Shariifka oo xaflad isugu...

$
0
0

Kn: Munaasabad ka dhacday safaaradda uu Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku kulmay masuuliyiin ka socday dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Munaasabadda oo lagu xusayay 94 guuradii ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga ayaa waxaa ka wada qayb-galay ra'iisul wasaare Kheyre, madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe iyo Shariif Sh. Axmed iyo masuuliyiin kale oo heer federal iyo heer gobolba leh.
Munaasabadda ayaa Turkiga loogu muujiyay niyad samaan iyo in abaal looga hayo saacidaadda, garab istaagga iyo hiilada walaalnimo ee ay la garab istaageen Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa saaka ka wada qayb galay shirka wadatashiga ee madaxda dawladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.
storvideo: 

Gudaha Ka Akhri Israel oo dib u dhigtay codbixin ku...

$
0
0

Israel ayaa dib u dhigtay cod wasiiradu u qaadi lahaayeen sharci la soo jeediyay si ay u dejiso degsiimooyin qaar ka mid ah degaannada Daanta Galbeed iyo Qudus ta la haysto.
Xubin ka tirsan Xisbiga Likud ee uu hogaamiyo Ra'iisal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dib u dhigistu keentay ka dib cadaadis ka yimid Maraykanka, iyada oo Washington ka cabsi qabto in sharcigani curyaamin karo dadaalkeeda ah in uu soo nooleeyo hawsha nabadda.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Xog: Daacish oo diiwaan galin ka wadda Puntland

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Wararka ka imaanaya dhanka buuraaleyda Galgala ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacishta-Somalia ay halkaa kawadaan diiwaan gashiga dhalinyaro cusub.
Wararku waxa ay sheegayaan in diiwaan galinta xooligeeda ay ka socto deegaano dhowr ah oo qaarkood ku yaalla gudaha magaalada, halka qaarna ay yihiin kuwo ku yaala Gobolada.
Diiwaan galinta ayaa waxaa wada dhalinyaro caaboon oo la sheegay inay yihiin kuwo aad u da' yar oo aan lagu ogeyn howlahaasi kuwaa oo u badan dhalinyarada degan Qardha iyo Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiil dhanka amaanka ah.
Dhalinyarada ay maleeshiyada diiwaan galineyso ayaa la xaqiijiyay in qorshuhu yahay in laga howlgaliyo deegaanada ay iminka kasoo jeedan, waxaana xusid mudan in weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhaca Puntland ay sheeganayeen Daacish.
Daacishta iminka ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 450 oo 150 kamid ah ay ku diiwaan galiyeen muddo ka yar sanad, sida aan xogta ku helnay.
Tirada guud oo ay qorsheyneyso Daacish ayaa aha ilaa 2,000, sida uu xaqiijiyay Xaafid marwi oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha la dagaalanka xagjiriinta.
Si kastaba ha ahaatee, xusul duubka Daacishta Somalia ee ka howlgasha Puntland ayaa muujineysa inaanu wali qafiifin halista ay leedahay argagixisada Somalia.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xildhibaannada da’da yar ee BF oo la sheegay in lagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee shalay ayaa eedo badan u jeediyay mas'uuliyiinta Guddoonka Baarlamaanka ee hadda jira.
Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in Baarlamaanka hadda jira ay ku jiraan dhallinyaro badan oo ku cusub siyaasadda hayeeshee ay la kulmeen dad aan waxba ku kordhineyn islamarkaana iyaga kala qeybsan.
Waxaa uu sheegay in Guddiyayada Baarlamaanka Hadda jira ay dad soo diyaarsadeen islamarkaana ay yihiin qeybo qeybo kala duwan oo qoleba si gaar ah u shaqeysa.
Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in Xildhibaannada qaar u sameysanyihiin mucaaridka Xukuumadda, kuwo difaacayaan, kuwana anayba la socon.
Safarka Guddoomiyaha Jawaari ee dalalka Masar iyo Suudaan ayuu ku sheegay in uu yahay mid aan xisaab lahayn waxaana uu ku eedeeyay in tiro badan oo Xildhibaanno ah ay raaceen.
Waxaa uu soo qaatay go'aan hadda ka hor Guddoomiye Jawaari ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka ee ahaa in aanay XIldhibaannada iska bixi karin ogaal la'aan haddana iyada oo bixitaankiisii Masar la isweydiinayo mid kale ugu dhoofay Dalka Suudaan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Muftiga weyn ee Masar oo sifeeyay wuxuu salka ku...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Dowlada Masar ayaa ka hadashay weerarada argagixiso ee kusoo noqnoqonaaya magaalada Muqdisho ee - Somalia.
Dowlada Masar ayaa sheegtay in weerarada ka dhaca Somalia ay yihiin kuwo argagixiso oo la doonaayo inay soo afjaraan shacbiga Soomaaliyeed oo iyagu ay gaareyso dhibta ugu badan.
Muftiga weyn ee Jamhuuriyada Masar, Dr Shawqi Callam ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku taamayaan inay soo gabagabeeyan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Somalia.
Muftiga ayaa tilmaamay in al-Shabaab ay ka halis badan tahay argagixisada kale ee ka dagaalanta geeska Africa iyo guud ahaan adduunka intiisa kale.
Qoraal uu soo saaray Muftiga dalkaasi waxa uu ku sheegay in waxa ka dhacaaya Somalia ay muujineyso in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay u midooban Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa "Somalia waxaa laga doonayaa inay u midooban nabadda, waxaan qireynaa inay sii kordhayaan halisaha ka imaanaya kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab"
Sidoo kale, Muftiga Masar, Dr Shawqi Callam, ayaa kooxda al-Shabaab ee dhibta kawada Somalia ugu yeeray inay ka fogaadan dhiiga qubanaaya ee alle agtii danbiga looga galaayo, sida uu hadalka u dhigay.
Dowlada Masar ayaa kamid ah dowladaha garabka u ah Somalia ee ka qeybqaata caawinaada dhanka bani'aadanimada iyo saanada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shabaabkii hotel Naasa Hablood 2 weeraray oo haystay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab ee weerartay hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo 27 qof ay ku dileen, ayaa adeegsaday kaarar aqoonsi oo ah kuwa hay'adda sirdoonka Soomaaliya, si ay gudaha hotelka u galaan, waxaa sidaas sheegtay xog cusub.
Kooxdan oo ka koobneyd shan qof ayaa sidoo kale xirnaa dharka ciidamada nabad-sugidda, lagamana shakin markii ay galayeen gudaha hotelka, kadib markii qarax baabuur uu albaabka hore ka dhacay.
"Waxay haysteen kaararka aqoonsiga hay'adda nabad-sugidda, oo ay ku qornaayeen magacyada, darajada iyo sawirro aqoonsi oo ayaga ah, sidaa darteedna ma jirin wax sarkaal boolis ah oo joojin karay" Waxaa sidaas wargeyska The Guardian u sheegay Col. Axmed Yare oo ah sarkaal sare oo dhinaca sirdoonka ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka wax ku dhow saacad kadib markii uu dhacay, waxaana ay sidoo kale shalay baahiyeen liiska mas'uuliyiin ay sheegeen inay weerarka ku dileen.
Adeegsida dharka iyo kaararka aqoonsiga hay'adda nabad-sugidda ayaa abuuraya walaac ku saabsan in kooxdan ay rag darajo hoose oo ayaga raacsan ku dhex leeyihiin gudaha hay'adda.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay xilka ka qaaday taliyihii hay'adda nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo kii booliiska Jeneral Saacid, kadib kulan ay yeesheen golaha wasiirada.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadal warka ku saabsna in kaararka aqoonsiga hay'adda NISA ay heleen Shabaab.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dumarka Sacuudiga oo loo ogolaanayo garoommada...

$
0
0

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaan doonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Qoysaska ayaa awoodi doona in ay galaan garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.
Waa tallaabo kale oo xorriyad dheeraad ah lagu siinayo dumarka Sacuudiga oo ay saaranyihiin xayiraando jinsi ku salaysan, waxayna arrintani dabo socotaa xayiraddii wadidda baabuurta ka saarnayd ee dhawaan laga qaaday.
Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.
Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan "in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.
Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.
Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayay ahaayeen.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre”Waxaan ugu hambalyeynaa...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hadalkan jeediayay mar uu ka qeybgalayay Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.
"Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.
"Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen" ayuu mar kale yiri Ra'iisul Wasaaraha.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go'an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.
Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live