Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Al Shabaab oo sheegtay in dad ka badan 70 Qof ay ku dileen weerarkii Hotel Naasahablood

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Ciidmada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa sheegay in illaa 70 Qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, askar iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ku dileen weerarkii dhawaan ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana uu tilmaamay in weerarkaasi ay fuliyeen illaa 2 Nin oo ka tirsanaa dagaalyahnnada Al Shabaab, inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay gacanta ku heyso illaa 3 Nin oo ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkaasi.
Sidoo kale Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa hoosta ka xariiqay in Hotelka ay bartilmaameedsadeen ay gabaad ka dhiganayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in ay sii laba jibaari doonaan weerada ay ka geysanayaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Hadalkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa ku soo aadayo, xilli maalin weerar xoogan uu ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee Degmada Xamarweyne, kaas oo ay masuuliyaddoodu sheegteen Xarakada Al Shabaab.
The post Al Shabaab oo sheegtay in dad ka badan 70 Qof ay ku dileen weerarkii Hotel Naasahablood appeared first on Shabelle.


Wasiirka batroolka iyo Macdanta oo maanta hortagaya...

$
0
0

Sida ay Sheegayaan Wararka Waxaa Saakay Xildhibaanada Golaha Shacabka hortagi doono Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.
Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka ,maadaama kol sii horeysay Wasaarada batroolka iyo macdanta Soomaaliya ay gudbisay Sharcigan.
Wasiirka batroolka iyo macdanta Ayaa Maanta waxaa la filayaa in Golaha shacabka uu u faahfaahin doono hindise sharciyeedkan oo maanta maraya aqrintiisa 1-aad.
Cabdi weli Sheekh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta shir gudoominaya kulanka Golaha Shacabka.
storvideo: 

Al Shabaab oo sheegtay in dad ka badan 70 Qof ay ku...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Ciidmada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa sheegay in illaa 70 Qof oo isugu jiray mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, askar iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ku dileen weerarkii dhawaan ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana uu tilmaamay in weerarkaasi ay fuliyeen illaa 2 Nin oo ka tirsanaa dagaalyahnnada Al Shabaab, inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay gacanta ku heyso illaa 3 Nin oo ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkaasi.
Sidoo kale Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa hoosta ka xariiqay in Hotelka ay bartilmaameedsadeen ay gabaad ka dhiganayeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in ay sii laba jibaari doonaan weerada ay ka geysanayaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Hadalkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa ku soo aadayo, xilli maalin weerar xoogan uu ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee Degmada Xamarweyne, kaas oo ay masuuliyaddoodu sheegteen Xarakada Al Shabaab.
storvideo: 

Sambaloolshe oo Xilkiisa Ku Waaayay Maqaal uu Ku...

$
0
0

Agaasimihii Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaliya Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa la sheegay in uu xilkiisa ku waayay maqaal uu dhawaan ku qoray Wargeyska Newyork Times ee Kasoo baxa dalka Mareykanka.
Wargeyska The Gurdian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay In taliyaha shaqo ka ceyrintiisa ayay sabab u aheyd maqaalkii uu qoray oo uu ku sheegay In Hay'adda Amniga Soomaliya aysan laheyn awood ay ku baaraan qaraxyadda islamarkaana Caalamka ay ka gaabiyeen, garab istaaga dowladda Federaalka Soomaliya.
Wargeyska oo la hadlay sarkaal si dhow ula shaqeeya Nabad Sugidda Soomaaliya oo uu magaciisa qariyay ayaa sheegay in shaqo ka ceyrintii Sanbaloolshe xiriir la leedahay maqaal uu daabacay Newyork Times, kaasi oo banaanka soo dhigay dhibaatooyinka ay wajahayaan Hay'adda Amniga dowladda Soomaliya, kadib qaraxyo labo ahaa oo bishaan gudaheeda ka dhacay magaaladda muqdisho.
storvideo: 

Mid ka mid ah ragii fuliyey weerarkii Naasa hablood...

$
0
0

Sida wararka aan ku helayno waxaa goor dhoweyd baaritaan uga bilawaday xarunta ciidamada dambi baarisa ee magaalada muqdisho CID-da meydka mid ka mid ah ragii lagu soo dilay werarkii lagu qaaday hotel naasa hablood2 oo baaritaano lagu wado.
Nin ka meydkiisa labaaraayo oo lagu magacaabo weershe cade ayaa lagu sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida somaliya uuna ka howl gali jiray isgoyska afarta jardiin isagoo ku labisan dareeska cidamada xasalinta amniga ee gobolka banaadir lana sheegay in si aada ay ugaranayeen gadiidlayda wadadaas iyo dadka deeganka .
Weershe cade ayaa ka mid ahaa ragii lagu dilay werarkii hotel naasahablood 2 ee la dilay iminkana la ogaaday in uu yahay askari ka tirsanaa ciidamada nabad sugida balse aysan dowlada ka soo saarin wax war ah o faahfaahsan.
Waxaana la ogeyn sida ay iskugu xirnaayeen gaariga weyn ee qarxay iyo ragaan la dhintay oo uu ku jiro askariga meydkiisa lagu baarayo xarunta CID -da.
Ciidamada uu ka tirsanaa ee weerar ka ku qaaday hotelka ayaa la sheegay in aysan ka dheereyn goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay joogeen maqaayadaha shaaha laga cabo oo Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Hoggaamiyihii Kurdiyiinta Ciraaq oo iscasilay

$
0
0

Ciraq(SONNA) Masoud Barzani Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq, ayaa jeediyay khudbad kulul ka dib markii ay baarlamaanka gobolkaasi ka aqbaleen codsigiisii ahaa in uu xilka ka dago xili ay jiraan xiisado siyaasadeed.
Madaxweyne Barzani Khudbad uu si toos ah uga jeediyay telefishinka, Mr Barzani waxa uu sheegay in aysan jirin cid garab istaagtay Kurdiyiinta ka dib codeyntii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhafnay.
Wuxuu sheegay Mr Barzani in marnaba aan la baab'in doonin natiijada aftidaasi.
Waxa uu xusay in inkastoo uu baarlamaanka sharciyan u kordhin karo muddada uu xilka haynayo hadana uu doorbiday in uusan dalban arrintaasi,asagoo intaa ku daray in siyaasiyiin iska soo horjeeda ay sameeyeen khiyaano qaran ka dib markii ay ciidamada Ciraaq ku wareejiyeen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Kirkuk iyada oo aan wax dagaal ah lala galin.
Masoud Barzani ayaa farta ku fiiqay doorkii ay dagaalyahanada Kurdiyiinta Peshmerga ay ka qaateen dagaalkii la la galay kooxda la baxday dowladda Islamka.
Ka dib is casilaadiisa aya waxa jiray dad isugu soo baxay xarunta baarlamaanka ee Irbil,Xubinihii ay siyaasada isaga soo horjeedeen mr Barzani ayaa xafiisyadooda isku so xiray si ay uga baxasadaan taageerayasha mr Barzani oo aad u caraysnaa,waxaana la maqlayay Risaas oo cirka loo ridayay si loo kala cayriyo dadka dibad baxa dhigayay.
storvideo: 

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay...

$
0
0

Muqdisho(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka tacsiyaeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suxufi Maxamamuud Maxamed Jimcaale, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Geerida Marxuumkaasi waxaa kaloo ka tacsiyadeeyay Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaraddaasi iyo shaqaalaha Wasaaradda, waxayna eebe uga barayayaan inuu Janadiisa ka waraabiyo, eheladii iyo Asxaabtii uu tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Alle ha u naxariisto Maxamed Maxamuud Jimcaale waxaa uu waxbarashadiisa hoose iyo sareba ku qaatay Dugsiga Jiniraal Daa'uud ee Magaalada Muqdisho, waxa uu Wasaarada Warfaafinta , gaar ahaan Raadiyo Muqdisho ku soo biiray 1975-kii, waxaa wax badan lagu yaqiinay Barnaamijkii Bandhiga Raadiyaha oo ilaa hadda Raadiyo Muqdisho ka baxa.
1989 ayuu shaqada Raadiyo Muqdisho ka joogsaday, waxaa uu dib u galay Dugsi quraan, waxaana uu xafdiyay qur'aanka, waxaa uu joogta ka dhigtay inuu ka qeybgalo xelqadaha subaca qur'aaka meelaha lagu qabto.
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Jimcaale sanooyinkii dambe, waxaa uu noqdey qof la nool xanuunka Sonkorta ama macaanka, waxana xanuunkan ku keenay in mid ka mid ah lugahiisa la jaro, Muddo uu sidaa ku noolaa waxaa uu dhawaan mar kale cisbitaal u galay qaliin lugta kale loogu sameynayay, balse qalinkaasi waa u dhintay, Alle janada haka waraabiyo, ehelada iyo asxaabtiisii warbaahintana sabir iyo iimaan Alle haka siiyo.
storvideo: 

Walligiiinba Hebel Baddala Hebel Kallanna Keenna……...

$
0
0

Walligiiinba Hebel Baddala Hebel Kallanna Keenna...... Wallee Halkeedda Dhaafi-mayso.
Oct 30, 2017 -
Hay'ad ammaan oo hogaamiyaheedda qabiil lagu xulay in aysan hano-qaadeyn waa hal marag madoonta ah.
Hay'ad sirdoon oo dadka ka shaqeeynayaa ka arraddan-yihiin xeeladdaha xog hellida iyo la macaamilka arimaha dahsoon iyana inaysan horumarayn waa mid iska muuqatey.
xxTallo waxay ku egtahayxx
Cidda hogaammin doontaa hay'addaha ammaanka waa in la iska-indhotiraa in lagu soo xullo waa reer hebell'e booskoodii weeye.
waa in la raadiyaa cid wax ka barratay ama khibrad u leh arimaha amnigga sida, Cilmiga ammaanka (Security study), la dagaallanka argagaxisadda (Counter terrorism) iyo cilmigga war-doonka (Intelligence).
Sidoo kalle waa in shaqaallaha hay'addahas huf iyo kalla haaddin lala dhex gallo dibaddana loo tuuro ab-kay caajis iyo dib-usocod oo dhan, lanna keena dhallin loo carbiyey ammaanka.
In qallab casri ah oo lagu hawl gallo la hellaayi waa muhiim sida kuwa xogaha lagu soo aruuriyo iyo kuwa lagu lafagurabba.
Hay'adda Sir-doonku waa in ay yeelata nidaam maamul oo kalla qeybsan (Work division and organisational hierarchy) sida *waaxda wardoonka, *waaxda ka hortagga khataraha amni *waaxda fullinta ammarada qorsheysan* waaxda xiriirka *waaxda Il-baadsigga (Survaillance ) dhamaantood waa in ay leeyihin dhextaal ay isugu soo biyo -shubtaan.
Dhankaas farsamadda marka lagga yimaado, waa in xukuumaddu la timaaaddaa siyaasad cad oo aan gabasho lahayn islamarkaana gunta taabanaysa.
Sidoo kalle haddii Hay'addaha sirdoonka reer galbeedka sida FBI Mareykanka iyo MI6-ka Ingiriiska labo-wajiillanimo nagula dhaqmeen, waa ayo cidda naga hortaaggan inaan xiriir la samayno Hay'addaha sirdoonka MIT ee (Turkiga) iyo FIS oo (Ruushka ah) si ay farsamo ahaan nooga caawiyaan arimaha amnigga.
Sidoo kalle haddii aan tuhunsanahay Imaaraadka Carabta in ay cadaw nagu yahiin maxaan u huursanaynaa maan Go'aan qaaddano, cirkana haka cabtee, meel ka xun meesha aan joogno oo aan aadi lahayn ma jirtee.
Tan kale maamulka Gobolka Banaaddir min Gudoomiye Thaabit ilaa Gudoomiya-yaal waaxeedyaddu waa inay degmooyinkoodda ka war keennaan, tiro ahaan iyo dadka degen waxay yihiin dhankasta...
Ugu dambayntii wax macno ah masoo kordhinayso in taliyahii sirdoonka soomaaliya Sanballooshe la badallo berina rag la yiraahdo San-dheere ama Sur-dhuub naloo keenno, isla qaabkii shaqadda loo hayayna ay u qabtaan natiijo cusubna aan sugno.......
Madaxweyne Farmaajo hurddada haka-kaco.....
Walligayo miyaanu aamusnaanaynaa...
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Caawiye Maxamud Indhataag. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Kulan lagu taageerayay waxqabadka Dowladda oo...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo lagu taageerayay waxqabadka Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen siyaasiin waxgad iyo xubno kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaana kulankaasi laga soo saarey baaq loo jeedinayo bulshada Soomaaliyeed kaasi oo ah in dowladda la taageero islamarkaan meel looga soo wadajeesto fekradaha wax u dhimikara dowladnimada.
Kulankaasi ayaa markuu soo geba geboobay ayaa waxaa warbaahinta lahadlay,Nabadoonada kala ah Ibraahim Maxamd Weydow,Caaqil Maxamuud Xasna Xaaji Biyow,Maxamed Cali Cumar,iyo C/raxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh,waxaana ay sheegeen in ujeedka kulankaasi uu ahaa mid lagu xoojinayo taageerada loo fidinayo Dowladda Soomaaliya.
Waxgaradkan ayaa sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo midnimada iyo wax wada qabsiga, lagana fogaado kala tafaraaruqa iyo in laga hormiyaado dowladda.
"Walaalyaal waxaan rabnaa in aan ka hadalno dalkaan dowladda iyo Masiirkiisa,waxaan ognahay dowladnimada waa shaqey qaali ah, oo la ilaashado,waxaana ogolaankarin in si dhib yer ama talo la'aan ah in dowladda nooga dunto,waxaana ka soo horjeednaa in dowladdadusha laga saaro eedeymo aysan lahayn,waxaan rabnaa umadda Soomaaliyeed in umadda Soomaaliyeed ay umidoobaan horumarka iyo taageerada dowladda,lamina joogo waqti kala tafaraaruq ah"Ayay dheheen odayaasha shirka jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay horumarka dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha amniga,iyo dib u dhiska,tasi oo ay soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed.
storvideo: 

Al-shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Nin Jaajuus u ahaa...

$
0
0

Maamulka Xarakada Al-shabaab ayaa goob fagaara ah oo ka tirsan Degmada Buq aqable ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku toogteen nin ay sheegeen in uu Jaajuus u ahaa taliska Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolkaas.
Fagaarihii lagu toogtay Ninkaan waxaa soo xaadiray qeybaha Bulshada ku dhaqan magaalada Buq aqable iyo deegaanada hoostaga ee Gobolka Hiiraan.
Ninka la Toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Cadow da'diisu waa 51 jir,waxa uu sigaar ah ula shaqeyn jiray taliska ciidamada dowlada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa horey u fulisay Xukuno kala duwan oo lagu fuliyay dad la sheegay in ay la shaqeyn jireen Dowladda Federaalka Soomaliya, iyo dowladaha Ciidamada usoo direysa dalka Soomaliya.
storvideo: 

EU condemns terror attack in Somalia

$
0
0

The European Union condemned Monday new terror attacks in Mogadishu, which resulted in killing and injuring dozens, and expressed its solidarity with the Somali people.
A statement by Catherine Ray, spokesperson for EU High Representative Federica Mogherini, noted that the attack took place just two weeks after Mogadishu had suffered its worst terrorist attack and at a time when the country is still reeling from this tragedy.
“Peace in Somalia will require Somali leadership and the determination to remain united to eradicate the scourge of terrorism,” it said.
The EU welcomed the meeting of Federal and its Member States Presidents in Somalia, which started on Sunday as “a step in the right direction.”
The statement encouraged the parties to resolve their differences and work together to increase security and defeat those who use violence against the Somali people.
The post EU condemns terror attack in Somalia appeared first on Shabelle.

Kulan lagu taageerayay waxqabadka Dowladda oo lagu...

$
0
0

Kulankani oo lagu taageerayay waxqabadka Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen siyaasiin waxgad iyo xubno kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaana kulankaasi laga soo saarey baaq loo jeedinayo bulshada Soomaaliyeed kaasi oo ah in dowladda la taageero islamarkaan meel looga soo wadajeesto fekradaha wax u dhimikara dowladnimada. Kulankaasi ayaa markuu soo geba geboobay ayaa waxaa warbaahinta lahadlay,Nabadoonada kala ah Ibraahim Maxamd Weydow,Caaqil Maxamuud Xasna Xaaji Biyow,Maxamed Cali Cumar,iyo C/raxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh,waxaana ay sheegeen in ujeedka kulankaasi uu ahaa mid lagu xoojinayo taageerada loo fidinayo Dowladda Soomaaliya. Waxgaradkan ayaa sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo midnimada iyo wax wada qabsiga, lagana fogaado kala tafaraaruqa iyo in laga hormiyaado dowladda. "Walaalyaal waxaan rabnaa in aan ka hadalno dalkaan dowladda iyo Masiirkiisa,waxaan ognahay dowladnimada waa shaqey qaali ah, oo la ilaashado,waxaana ogolaankarin in si dhib yer ama talo la'aan ah in dowladda nooga dunto,waxaana ka soo horjeednaa in dowladdadusha laga saaro eedeymo aysan lahayn,waxaan rabnaa umadda Soomaaliyeed in umadda Soomaaliyeed ay umidoobaan horumarka iyo taageerada dowladda,lamina joogo waqti kala tafaraaruq ah"Ayay dheheen odayaasha shirka jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay horumarka dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha amniga,iyo dib u dhiska,tasi oo ay soo dhaweeyeen bulshada [...]
storvideo: 

Gawaarida xamuulka oo Xamar laga mamnuucay xilliyada...

$
0
0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay in bartamaha Muqdisho ay isticmaalaan gawaarida booyadaha iyo kuwa xamuulka ah, xilliga maalinta.
Weerarro dhowr ah oo dhawaan lagu qaaday Muqdisho iyo qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Soomaaliya ayaa loo adeegsaday gawaari xamuul ah.
Qarixii laba isbuuc ka hor ka dhacay isgoyska Soobe waxaa loo adeegsaday gaari wayn, waxaana la sheegay in booyad shidaal oo meesha mareysay saamyn ku yeelatay qaraxa iyo dabkii ka dhacay.
"Booyadaha kuma socon karaan magaalada gudaheeda laga billaabo 7-da subaxnimo illaa Sideeda Fiidnimo," ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xafiiska maamulka gobolka.
Maamulka ma aysan cadeyn in arrintan lala xiriirinayo qaraxyada loo adeegsado gawaarida waawayn, balse waxay sheegaan in "tallaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga"
Warqad ka soo baxday maamulka ayaa lagu sheegay in "saxmadda jidadka lagu yareynayo iyo laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir."
"Gaadiid xamuulka qaada ma rari karaan tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya."
Maamulka ayaa ka qaadi doono ganaac lacageed oo gaaraya toban milyan oo shillin Soomaali ah, dareewalkii jebiya amarka cusub.
Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan.
Cabsida laga qabo gaadiidka waaweyn
Isbuucii tagay, Qof haweenay ah oo Soomaaliya ku nool ayaa qori la hor istaagtay gaari wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, waxayna dareewalkii ku amartay in uu joojiyo gaariga si loo baaro.
Baabuurka wuxuu u ekaa kii dhowaan loo adeegsaday qaraxii Muqdisho ka dhacay ee ay ku dhinteen dad ka badan 350 qof.
Haweenaydan oo ku nool magaalada Caabudwaaq waxay sheegtay in dadka weli argagax iyo walwal ay ka qabaan baabuurta noocan xamuulka ah, wixii ka dambeeyey qaraxaasi.
''Waxa ka dhacay muqdisho 14-kii bishan waa xasuuq aanan weligeen iloobi doonin. Aad ayaan isaga ilaalinaynaa baabuurta xamuulka ee soo galaya magaaladeena. Markii aan aragnay baabuur ah TM oo Soo galaya magaaladeena, waan argagaxnaa." ayey u sheegtay BBC-da
"Anagoo ah dhowr dumar ah oo waddada hareeraheeda qaad ku iibinayay. Aniga waxaan haystay qori. Dadkii waxay bilaabeen in ay qeyliyaan, aniga qoriga ayaan ku qabtay baabuurkii, dareewalkana waxaan ku amray in uu gaariga joojiyo,'' ayey hadalkeeda ku dartay.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho wuxuu ku soo warramaya in dad badan ay cabsi iyo baqdin ka qaadeen gawaarida la midka ah midkii loo adeegsaday qaraxii isgoyska Soobe.
storvideo: 

EU condemns terror attack in Somalia

$
0
0

The European Union condemned Monday new terror attacks in Mogadishu, which resulted in killing and injuring dozens, and expressed its solidarity with the Somali people.
A statement by Catherine Ray, spokesperson for EU High Representative Federica Mogherini, noted that the attack took place just two weeks after Mogadishu had suffered its worst terrorist attack and at a time when the country is still reeling from this tragedy.
"Peace in Somalia will require Somali leadership and the determination to remain united to eradicate the scourge of terrorism," it said.
The EU welcomed the meeting of Federal and its Member States Presidents in Somalia, which started on Sunday as "a step in the right direction."
The statement encouraged the parties to resolve their differences and work together to increase security and defeat those who use violence against the Somali people.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle


Daawo: Gudoomiye Ku xigeenka Wajaale Oo Qodobo...

$
0
0

Daawo: Gudoomiye Ku xigeenka Wajaale Oo Qodobo Xaasaasiya Ka Hadlay.
[embedded content]
storvideo: 

Guddoonka Golaha Shacabka oo u yeeray Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Baarlamaanka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankii 24 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Labaad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayey maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana soo Xaadiray 150 Mudane.
Ugu horreyn Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeeydka Batroolka oo ay soo diyaaarisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya.
Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa xubanaha Baarlamaanka u sharxay muhimadda uu Sharcigan u leeyahay Dalka.
Waxaana uu sheegay in uu sare u qaadi doono wax soo saarka Dalka iyo hormarinta Bulshada.
Dhinaca kale Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Baarlamaaka.
Waxaana uu sheegay in ay ka wada hadli doonaan xaaladda ammaan ee dalka, iyo weeraradii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa Tacsi u diray Ehellada dadkii dhintay weerarkii maalin ka hor ka dhacay Hotel Naasa Hablood 2 ee Degmada Xamarweyne.
Waxaana la filayaa in kulankan gelinka dambe ee maanta uu ka dhoco xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
The post Guddoonka Golaha Shacabka oo u yeeray Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Baarlamaanka appeared first on Shabelle.

Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro Dul dhigay Gadiidka Xamuulka ee Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan Magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo illaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.
Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).
Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana Digreetadan ku saxiixnaa Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed.
Go’aanadan ayaa imaanaya, kadib weeraradii qaraxyada ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kii Zoobe oo loo adeegsaday gaari TM ah, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ahaa, oo xilligaasi ku sugnaa Isgoyska 14 October Ex Zoobe ee degmada Hodan.
The post Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro Dul dhigay Gadiidka Xamuulka ee Muqdisho appeared first on Shabelle.

Kenyatta oo ku guuleystay doorashada lagu muransan...

$
0
0

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta la doortay ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26-kii bishan.
Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba. Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin.
Doorashada oo ahayd mid ay qaadeceen mucaaradka waxaa ka dhashay rabshado sababay in ay dad ku dhintaan.
Guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC ayaa sheegay in tirada dadka codeeyay ay ahayd boqolkiiba 39.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chabukati ayaa codsaday in aysan rabshado dhicin, qof kastana uu ka qeybgalo amniga iyo kala dambaynta.
Wuxuu tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatooyiinkii dhacay intuu khilaafka taagnaa iyo markii codeynta ay socotay.
Mucaaradka ugu wayn Kenya, NASA oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxdo doorashadan.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku adkaystay in doorashadan ay u diyaargaroobeen si ay u noqoto "mid xor iyo xalaal ah."
Balse Mucaaradka ayaa sheegay in aan waxba laga qaban wixii ay ka cabanayeen ee ay diideen oo ka mid ahayd in guddiga uu dib u dhigo doorashada iyo in xubno ka mid ah shaqada laga ceyriyo.
Maxkamad sare ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay doorashadii la qabtay horraantii bishii August ka dib markii qaladaad la sheegay in ay dheceen.
Mucaaradka ayaa maxkamadda geeyay dacwaddaas ka dib markii IEBC ay ku dhawaaqday in Uhuru Kenyatta mar labaad la doortay.
storvideo: 

Khilaafka doorashada Kenya "Weli fari kama qodna"

$
0
0

Sida uu Raila Odinga uga hadlo natiijada doorashadan ayey ku xiran tahay dhabaha ay Kenya qaadeyso maalmaha ama isbuucyada soo socda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live